Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Rezaei: Tallaabooyinka siyaasadeed ee Hay’addu waxay dalalka ku riixayaan inay ka baxaan Heshiiska Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka

    Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran,
    Qoraalka sawirka, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran,

    Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa ka falceliyay ansixinta qaraarka Golaha fulinta ee ka dhanka ah Iran.

    Rezaei ayaa qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in qaraarku yahay “mid ka dhan ah Iran, sharci-darro ah, isla markaana aan lahayn saldhig farsamo iyo mid siyaasadeed oo la aqbali karo.”

    Waxa uu tallaabooyinka Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ku tilmaamay kuwo “siyaasadaysan oo kicinaya xiisadda”, isaga oo sheegay in tallaabooyinka noocan ah ay “dalalka ku riixi doonaan inay ka baxaan Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka.”

    Golaha ulinta ee hay'dda IAEA ayaa meel mariyay qaraar kiiska Iran loogu gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sababo la xiriira “u hoggaansami la’aanta” Iran ee heshiiska ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.

    Qaraarkan waxaa soo jeediyay Maraykanka, Faransiiska, Britain iyo Jarmalka, waxaana taageeray 23 ka mid ah 35-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Guddoomiyeyaasha.

    Iran ayaa sheegtay in dagaalka socda iyo hanjabaadaha loo jeedinayo xarumaheeda nukliyeerka ay ka dhigeen mid aanay awoodin inay dammaanad qaaddo amniga kormeerayaasha IAEA.

    Warar dheeraad ah:

  2. Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen: Iran waxay doonaysaa inay kordhiso saameynta Xuutiyiinta ee marin-biyoodka Baabul-Mandab

    Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, Rashiid Maxamed Al-Caliim
    Qoraalka sawirka, Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, Rashiid Maxamed Al-Caliim

    Madaxa Golaha Hoggaanka Madaxtooyada Yemen, Rashiid Maxamed Al-Caliimi, ayaa sheegay in Iran ay doonayso inay Xuutiyiinta u suurtageliso inay saameyn ku yeeshaan marin-biyoodka Baabul-Mandab iyo Badda Cas.

    Al-Caliimi ayaa sheegay in “isku dayga lagu beddelayo xaaladda milatari ee ka jirta agagaarka marin-biyoodka Baabul-Mandab aan loo arki karin arrin gudaha Yemen oo keliya.”

    Waxa uu intaas ku daray: “khatar kasta oo loo geysto Baabul-Mandab waxay si toos ah u saameynaysaa Badda Cas, Kanaalka Suweys iyo ganacsiga caalamka.”

    Mr Al-Caliimi ayaa sidoo kale sheegay in ilaalinta xeebaha Yemen iyo dib u soo celinta awoodda dowladda ee dhulka iyo marin-biyoodka dalka ay tahay “dan caalami ah oo ay wadaagaan dalalka caalamka.”

    Warar dheeraad ah:

  3. Maxaa adkeynaya in la jebiyo ammaanka Putin? Yaa hubiya cuntadiisa iyo biyihiisa?

  4. Netanyahu oo dacwad ka gudbinaya wargeys kadib sheegasho ah in Imaaraadku uga digay weerarkii 7-da Oktoobar

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa qareennadiisa faray inay bilaabaan dacwad sumcad-dil ah oo ka dhan ah wargeys Israa’iili ah, kaddib warar uu daabacay oo sheegayay in madaxweynaha Imaaraadka Carabta uu uga digay Netanyahu in Xamaas ay qorsheynaysay howlgal, maalmo yar ka hor weerarradii 7-dii Oktoobar 2023.

    Sida laga soo xigtay qaybo ka mid ah buug uu daabacay wargeyska Haaretz, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa Netanyahu telefoon kula hadlay bishii Sebtembar ee sannadkaas.

    Warbixintu waxay sheegtay in Netanyahu looga digay in hoggaamiyihii Xamaas ee Gaza xilligaas, Yahya Sinwar, uu qorsheynayay howlgal weyn.

    Xafiiska Netanyahu ayaa sheegay in “Ra’iisul Wasaaraha uusan wax digniin ah ka helin Imaaraadka Carabta ka hor 7-dii Oktoobar”, wuxuuna warbixinta ku tilmaamay qayb ka mid ah “shirqool halis ah.”

    Haaretz, oo taariikh ahaan si weyn u dhaliili jiray ra’iisul wasaaraha, ayaa ku adkeysatay saxnaanta warbixintiisa.

    Warbixintan iyo diidmada kulul ee Netanyahu, oo Haaretz ku eedeeyay been-abuur, ayaa soo baxay xilli ololaha doorashada guud ee Israa’iil uu sii kululaanayo. Doorashada 27-ka Oktoobar ayaa si weyn loogu arkaa afti ku saabsan hoggaaminta Netanyahu.

    Sidoo kale akhri:

  5. UK oo cambaareysay weerarka Xuutiyiinta ee Sacuudiga

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Britain ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta ay ku qaadeen Sacuudiga.

    Bayaanka ayaa lagu yiri: “Britain waxay si adag u cambaareyneysaa go’aanka Xuutiyiinta ay dib ugu bilaabeen dagaalka Yemen iyo weerarradii ay dhowaan ku qaadeen Sacuudiga, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsadeen kaabeyaasha rayidka iyo xarumaha tamarta.”

    Wasaaraddu waxay tacsi iyo garab istaag u muujisay dadka ku dhaawacmay iyo kuwa ay saameeyeen dhacdooyinkan, iyadoo carrabka ku adkeysay inay “garab taagnaan doonto Sacuudiga, dowladda sharciga ah ee rasmiga ah ee Yemen iyo saaxiibbadeeda gobolka.”

    Goor sii horreysay, wakaaladda wararka AFP ayaa soo werisay, iyadoo soo xiganeysa ilo militari, in Xuutiyiintu ay qabsadeen jasiiradda “Zaqr” ee koonfurta Badda Cas, “kaddib weerarro gantaallo ah iyo duullaan dhulka ah oo loo adeegsaday doonyo ay saarnaayeen ciidamo hubeysan.”

    Sida ay wararku sheegayaan, ciidamada Xuutiyiinta ayaa sidoo kale galay magaalada dekedda ah ee Makkah oo ay qabsadeen, iyagoo ku dhawaaqayay “Geeri ha ku dhacdo Mareykanka, geeri ha ku dhacdo Israa’iil.”

    Colaadda u dhaxaysa Xuutiyiinta Yemen iyo Sacuudiga ayaa toddobaadyadii u dambeeyay sii xoogeysanaysay.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen in maanta ay ciidamada Sacuudigu qaadeen ku dhowaad 40 duqeyn oo cirka ah.

    Sidoo kale akhri:

  6. Sababta ay gacmahaaga oo wasakhooba ugu wanaagsan tahay caafimaadkaaga

  7. Jasiiradda Zaqr ee koonfurta Badda Cas oo ay Xuutiyiintu qabsadeen

    Wakaaladda wararka ee AFP, oo soo xiganaysa ilo milatari, ayaa sheegtay in Xuutiyiintu ay qabsadeen jasiiradda “Zaqr” ee koonfurta Badda Cas, kaddib “weerarro gantaallo ah iyo duullaan dhulka ah oo loo adeegsaday doonyo siday ciidamo hubaysan.”

    Wakaaladdu waxay sidoo kale soo xigatay dad goob-joogayaal ah oo sheegay in maanta ay ciidamada Xuutiyiintu gudaha u galeen magaalada dekedda ah ee Makka, iyagoo ku dhawaaqayay hal-ku-dhigga “Dhimasho Ameerika, dhimasho Israa’iil.”

    Wakaaladdu waxay sheegtay in dagaallada Yemen ay tan iyo toddobaadkii hore ku dhinteen ugu yaraan 500 oo qof, kuwaas oo intooda badan ahaa ciidamo hubaysan. Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegay in ku dhowaad 20,000 oo qof lagu qasbay inay ka barakacaan guryahooda.

    Warar dheeraad ah:

  8. War deg deg ah, Algeria oo xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraatka Carabta

    Aljeeriya

    Telefishinka dowladda Aljeeriya ayaa sheegay in Aljeeriya ay xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka Carabta, kaddib sannado labada dal ay ka dhex taagnaayeen xiisado.

    Telefishinku wuxuu baahiyay war degdeg ah oo lagu sheegay: “Aljeeriya waxay go’aansatay inay u jarto xiriirka diblomaasiyadeed Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay dhammaatay dhammaan fursadihii lagu ilaalin lahaa xiriirka labada dal.”

    Intaas kaddib, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in “kaddib markii la dhammeeyay dhammaan fursadihii lagu ilaalin lahaa xiriirka labada dal, dowladda Aljeeriya maanta waxay go’aansatay inay u jarto xiriirka diblomaasiyadeed Imaaraadka Carabta.”

    Bayaanka ayaa tilmaamay in safiirka Imaaraadka Carabta lagu qaabilay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, “halkaas oo si rasmi ah loogu wargeliyay nuxurka go’aankan. Waxaa sidoo kale lagu wargeliyay in loo qabtay muddo 48 saacadood ah si uu go’aankan u fuliyo.”

    Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Iyadoo ay sii kordhayaan tallaabooyinka kicinta ah ama colaadeed ee ka imanaya Imaaraadka Carabta, Aljeeriya waxay muujisay dulqaad badan iyo dareen sare oo masuuliyadeed. Iyadoo ka duulaysa ixtiraam buuxa oo loo hayo mabaadi’da hagta xiriirka u dhexeeya dowladaha, Aljeeriya waxay dadaal kasta u gashay inay dhinaca Imaaraadka ku wargeliso arrintan, ugana digto cawaaqibka culus ee ka dhalan kara hab-dhaqankiisa laga xumaado ee aan wax cudurdaar ah lahayn.”

    Madaxweynaha Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, ayaa dhowr jeer muujiyay suurtagalnimada in xiriirka loo jaro Abu Dhabi, sidoo kalena wuxuu adeegsaday erayga “dowlad-yar” markii uu ka hadlayay waddanka Khaliijka.

    Warar dheeraad ah:

  9. Sidee koob shaah-Soomaali ah oo aad cabto maalin kasta uu cimrigaaga u kordhin karaa?

    Shaah

    Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.

    Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa 74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.

    Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .

    Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka iyo awoodda .

    Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay, miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas oo dhaaman shaahu xoojin karo.

  10. Maxaan ka ognahay dhacdadii naxdinta lahayd ee lagu dilay askari ka tirsanaa militariga Soomaaliya?

  11. Maxay yihiin Xuutiyiinta Yemen, maxaase khilaaf ah oo kala dhexeeya Sacuudiga?

  12. Xuutiyiinta oo qabsaday dekad muhiim ah

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Yemen, in Xuutiyiintu ay qabsadeen dekedda Makkah.

    Xuutiyiintu waxay isku dayayaan inay la wareegaan dekedaha istiraatiijiga ah ee ku yaalla Badda Cas, tallaabadaas oo kordhin karta gacan-ku-hayntooda marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ee Badda Cas.

    Horey, dagaallo culus oo u dhexeeyay ciidamada ay Sacuudigu taageeraan iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa walaac ka dhaliyay in dagaalku sii ballaarto.

    Diyaaradaha Sacuudiga ayaa sidoo kale duqeeyay dhowr goobood oo ku yaalla Yemen, iyagoo ka jawaabaya weerarro lagu qaaday kaabeyaasha iyo xarumaha muhiimka ah ee dalka Sacuudiga.

    Kororka xiisadda ayaa horseeday in xaalad degdeg ah loogu dhawaaqo magaalada Khamis Mushait, oo ku taalla koonfur-galbeed Sacuudiga.

    Warar dheeraad ah:

  13. Trump oo $5,000 ballan qaaday hadii xisbigiisu guuleysto

  14. Gabadhii ugu horeysay oo Soomaali ah oo u tartameysa kursiga uu banneeyay raysal wasaarihii hore ee UK

  15. Somaliland oo ka hadashay xariga wariye Xassan Gallaydh

    Weriye Gallaydh
    Qoraalka sawirka, Weriye Gallaydh

    Booliska jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland ayaa ka hadlay xarigga wariye Xasan Galleydh oo shalay la xiray.

    Waxay sheegeen in Galeydh loo haysto eedo ku saabsan faa-faainta warar been abuur ah.

    War kooban oo ka soo baxay booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in wariyuhu uu caddeyn u waayay wararka uu baahiyay oo boolisku been abuur ku tilmaameen.

    Intaa waxey ku dareen laamaha ammaanku in ay maxkamad hor-geyn doonaan isla markaana arrimahaas wax laga waydiin doono.

    Somaliland bilihii la soo dhaafay waxaa lagu xiray tiro wariyaal ah, iyadoo xukuumaddu ku eedeysay wariyaasha gudbinta warar aan sax aheyn.

  16. Weerarkii Iiraan ee Urdun oo waxyeelleeyay 20 diyaaradood oo dagaal oo Mareykanku leeyahay

    Gantaal
    Qoraalka sawirka, Gantaal

    Iiraan ayaa subaxnimadii Arbacadii weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga diyaaradaha ee Muwaffaq Salti ee ku yaala dalka Urdun.

    CBS News, oo ah warbaahinta Mareykanka ee ay bahwadaaga yihiin BBC-da, ayaa sheegtay in dhowr diyaaradood oo milatari oo Mareykan ah ay waxyeello ka soo gaartay weerarka.

    Wararka ayaa sheegaya in ku dhowaad siddeed diyaaradood oo dagaal oo nooca F-15 ah ay waxyeello fudud soo gaartay. Ilo wareedyo ayaa sheegay in diyaaradahaas markii la dayactiray dib loogu celiyay adeegga Ciidanka Cirka Mareykanka.

    Sidoo kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in diyaarad nooca A-10 Thunderbolt ah uu gantaal ku dhacay, taas oo gebi ahaanba burburisay mid ka mid ah baalashii diyaaradda. A-10-ka waxaa sidoo kale si weyn loogu yaqaan magaca “Warthog.”

    Ilo sirdoon oo la hadlay CBS News ayaa sheegay in uusan jirin askari Mareykan ah oo lagu dilay weerarka. Hase yeeshee, maadaama xaaladdu xasaasi tahay, ilo-wareedyadu waxay codsadeen inaan magacyadooda la shaacin.

    Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada Mareykanka ee ku sugan Urdun ayaa in ka badan 30 gantaal oo Patriot ah ku riday si ay uga jawaabaan weerarka Iiraan.

    Waxaa xusid mudan in ka hor weerarkan Iiraan, Mareykanku uu sheegay inuu bartilmaameedsaday shan markab oo shidaal qaada oo laga leeyahay Iiraan.

  17. Donald Trump oo shaaciyay goorta uu dagaalka Iran dhammaan karo

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in dagaalka socda ee Iran uu dhammaan karo marka durbaba la qabto doorashada xiliga dhexe ee Mareykanka ee bisha Nofeembar.

    Trump ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in Iran aysan hadda awood u lahayn inay sii waddo dagaalka. Waxa uu sidoo kale sheegay in qiimaha shidaalku ay u badan tahay inuusan hoos ugu dhicin illaa waqtigaas.

    Trump ayaa yiri: “Waxaan u maleynayaa in dagaalku dhammaan doono wax yar kaddib doorashada, sababtoo ah iyagu oo uu ula jeedo Iiraan, muddo dheer ma sii adkeysan karaan.”

    Hadalkan Donald Trump ayaa yimid xilli uu isku diyaarinayay shirkii ugu horreeyay ee xisbiga Jamhuuriga ee doorashada dhexe, kaas oo ka dhacay Texas. Trump ayaa doonaya in shirkan uu ku mideeyo hoggaamiyeyaasha xisbiga, isla markaana uu dhiirrigeliyo taageerayaasha xisbiga ka hor doorashada dhexe ee bisha Nofeembar.

    Waxaa xusid mudan in cadaadiska Trump kaga imaanaya gudaha xisbigiisa Jamhuuriga uu sii kordhayo, gaar ahaan arrinta dagaalka Iran.

    Sidoo kale, hadal heyntiisa ayaa hoos ugu dhacaya, sida ay muujinayaan sahanno kala duwan, iyadoo dagaalka iyo saameyntiisa dhaqaale ay sii socdaan.

    Sidoo kale akhri

  18. Shirkadda Apple oo soo saartay taleefoonkii ugu horeeyay ee laabmi kara; ogoow qiimahiisa iyo waxa u gaarka ah

  19. Waxaan ku dhow nahay inaanmeesha ka saarno maamulka Iran — Netanyahu

    Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Netanyahu

    Raysal Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in “ay ku dhow yihiin inay ridaan maamulka Iran”, xilli uu booqanayay gobolka Buurta Jabal al-Sheikh ee Suuriya oo ay Israa’iil gacanta ku hayso.

    Kadib markii ay dhacday xukuumaddii Bashar al-Assad, Israa’iil waxay la wareegtay silsiladda buuraha Jabal al-Sheikh ee Suuriya.

    “Weli waxaa jira shaqo la qabanayo; ujeeddada ugu dambaysa waa in meesha laga saaro maamulka Iran ee taageera argagixisada. Waxaan ku dhow nahay inaan gaarno hadafkaas. Waxaan ognahay in ugu dambayn isbahaysigan oo dhan uu burburi doono,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo sidaas ku sheegay muuqaal uu kasoo duubay gobolka.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sidoo kale Netanyahu ku wehliyay booqashadan.

    Sidoo kale akhri

  20. Trump oo ballanqaaday $5,000 haddii Jamhuurigu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu $5,000 siin doono qof kasta oo qaangaar ah oo muwaadin Maraykan ah, haddii xisbiga Jamhuuriga uu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka doorashooyinka dhexe ee bisha November.

    Lama oga halka ay lacagtaasi ka iman doonto iyo in bixinta lacagta noocaas ah ay sharci ahaan suurtagal tahay.

    Trump ayaa hadalkan ka sheegay shirkii ugu horreeyay ee xisbiga Jamhuurigu qabto oo loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka dhexe, isaga oo taageerayaashiisa ku boorrinayay inay si xooggan uga qayb qaataan doorashooyinka muhiimka ah ee soo socda.

    Inkasta oo heerka taageerada shakhsiyeed ee Trump uu hoos u dhacayo, madaxweynaha ayaa dadka shirka ka qaybgalay ugu baaqay inay doorashooyinka dhexe u codeeyaan “sida isaga laftiisa uu codbixinta ugu tartamayo.”