Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump oo shaaciyay waqtiga uu filayo in dagaalka Iraan uu dhammaan doono

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in dagaalka Iran uu dhammaan doono “isla marka ay doorashada Maraykanka soo dhammaato”.

    Trump ayaa ula jeeday doorashada dhexe ee Maraykanka ee loo qorsheeyay inay dhacdo 3-da November.

    Waxa uu sheegay in Iran “aysan mar dambe iska caabin karin”, isla markaana ay quus joogto.

    Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Iran inay isku dayayso inay saameyn ku yeelato doorashada Maraykanka, si loo doorto dad uu ku tilmaamay kuwa “daciif ah oo aan ku habboonayn xilka”, kuwaas oo Iran u oggolaan kara inay hesho hub nukliyeer ah.

    “Waxa keliya ee ay doonayaan waa hub nukliyeer ah, haddii ay helaan hub nukliyeer ah, dunida oo dhan dhibaato weyn ayay ku jiri doontaa,” ayuu yiri Trump.

    Waxa uu sheegay in wadahadallo ay dhici karaan, balse uu intaas ku daray: “Taasi ma aha waxa aan raadinayno.”

    Trump ayaa hadalkiisa sidoo kale ku xusay in sagaal maraakibta qaada shidaalka oo Iran leedahay la quusiyay, isagoo yiri: “Weerarradaas annaga ayaa qaadnay.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin kartaana:

  2. Maxaad cuneysaa si maqaarkaagu u qurux badnaado?

    Maqaarka ayaa waxaa iftiimin kara canooyiin badan
    Qoraalka sawirka, Maqaarka ayaa waxaa iftiimin kara canooyiin badan

    Haddii aad dooneyso maqaar dhalaalaya, oraah hore ee “waxaad tahay waxa aad cunto” waa mid dhab ah. Khubarradeenna nafaqada ayaa inoo haya talooyin kaa caawinaya inaad maqaarkaaga ka nafaqeyso gudaha iyo bannaanka.

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  3. Warbaahinta Iran oo sheegtay in qarax laga maqlay marin-biyoodka Hormuz

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in daqiiqado ka hor laga maqlay qarax dhanka marin-biyoodka Hormuz.

    Sida ay wararku sheegayaan, saacad ka hor ayaa magaalada Jask laga maqlay dhowrjug oo rasaas ah oo laga maqlay dhanka marin-biyoodka Hormuz.

    Ilaa hadda lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa sababay qaraxa ama rasaasta.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin kartaana:

  4. Albania oo isku badashay Turkiga cusub, maxaa laga doonayaa?

  5. Tobanka noole ee ugu foosha xun adduunka oo qaarkood Soomaaliya laga helo

    Ma aha dhammaan makhluuqaadku kuwo leh muuqaal qurux badan. Haddii aad ugu yeerto xayawaan foolxun ama makhluuq leh muuqaal aan caadi ahayn, haddana waxaa dunida ku nool noocyo badan oo duurjoog ah oo aad u xiiso badan.

    Waxaa jira noocyo badan oo ku nool duurka, laga bilaabo kaymaha ilaa badaha, kuwaas oo leh muuqaal aan innaga bini'aadamku u arki karno mid aan caadi ahayn.

    Dad badan waxaa soo jiita xayawaanka leh muuqaal u ek kan dhallaanka—ka fikir indho waaweyn, san yar, iyo wejiyo wareegsan. Sababtu waa in aynu si dabiici ah u daryeelno carruurteenna.

    Laakiin doorbididdaas waxay saameyn ku leedahay sida aan u aragno xayawaanka. Xayawaanka aan loo arkin inay "qurux badan yihiin" inta badan lama siiyo dareen badan, mana helaan ilaalin ku filan.

    Kuwaan waa xayawaannada loogu tixgeliyo kuwa ugu foolxun adduunka.

  6. Xog cusub oo falanqeeyayaal Maraykanka ka sheegeen goob ku taalla Iiraan

    Falanqeeyayaal Mareykan ah oo muddo lix sano ah daraasad ku sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka ayaa sheegay in goob nukliyeer oo dhulka hoostiisa ah oo Iran ku taalla, lagana shakisan yahay, ay sanadkan si weyn uga kordheen hawlaha dhismaha.

    Goobta ku taalla Buurta Kalang waxay u dhowdahay Natanz, halkaas oo sirdoonka reer Galbeedku ka shaki qabo in Iiraan ay ka dhisayso xarun kobcinta uranium-ka ah oo aan la shaacin.

    Falanqeeyayaashu waxay ogaadeen in la kordhiyay lana adkeeyay marinnada laga galo goobta, laami lagu sameeyay shabakadda waddooyinka gudaha, isla markaana la xoojiyay hareeraha meelaha laga galo.

    Bishii Luulyo, Madaxweyne Trump wuxuu ku hanjabay inuu duqeyn doono Buurta Kalang

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka ayaa Tehran ka codsatay macluumaad ku saabsan goobta, balse sida muuqata codsiyadaas jawaab logama siin.

    Falanqeeyayaasha, oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istiraatiijiyadda Caalamiga ah (CSIS), fadhigoodu yahay Washington ayaa sheegay in dhismaha shubka ah ee si qoto dheer dhulka loogu aasay uu adkaan doono in la burburiyo, xitaa haddii la adeegsado hubka aan nukliyeerka ahayn ee ugu culus.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo booqanayay gobolka Jabal al-Sheikh ee Suuriya oo ay Israa’iil gacanta ku hayso, ayaa sheegay in “ridista nidaamka Iran” ay aad ugu dhowdahay.

    Kadib dhicitaankii xukuumaddii Bashar al-Assad, Israa’iil waxay qabsatay gobolka buuraleyda ah ee Jabal al-Sheikh ee Suuriya.

    “Weli waxaa jira shaqo badan oo la qabanayo, laakiin hawsha ugu weyn waa in la rido nidaamka argagixisada ee Iran. Aad ayaan ugu dhow nahay inaan gaarno hadafkan. Waxaan ognahay in ugu dambayn uu burburi doono dhammaan dhidibka [iska-caabbinta],” ayuu Netanyahu ku sheegay muuqaal uu ka soo diray gobolka.

    Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sidoo kale Netanyahu ku wehelinayay booqashadan.

  8. Ragga doobnimada ku raaga oo guurkooda ka dib laga dayrinayo caafimaadka caruurta ay dhalaan

    Ragga go’aansada inay guursadaan markay gaaraan da’da 35 sano jir ayaa laga sheegay inay halis sare ugu jiraan in ilmaha ay dhalaan noqdaan dhicis ama inuu haleelo xanuunka ootiisamka.

    Intaa waxaa dheer, sannad kasta shahwadu waxay ku dhacda hoos u dhac weyn oo xagga tirada iyo tayada ah, taas oo adkeyn karta isku dayga in la dhalo.

    Tan waxaa lagu darsay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo uu ku jiro mid lagu sameeyay Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Stanford ee Mareykanka, kaas oo lagu falanqeeyay xogta in ka badan 40 milyan oo dhalasho ah.

    Guud ahaan, khataraha hooyada ka soo daahda hooyonimada waa mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, laakiin iyaguna waxay dareensan yihiin dhibka wey ee uurka marka da’doodu u dhaxayso 35 ilaa 40 sano jir.

    Guud ahaan, khataraha hooyadu ku soo daahato ayaa ah mid si weyn looga yaqaan dadweynaha dhexdooda, haweenkuna waxay ogyihiin dhibka weyn ee uurku marka ay da'doodu u dhaxayso 35 ama 40 jir.

  9. Pakistan ma geli doontaa dagaal si ay u difaacdo Sacuudiga?

    Madaxda dalalka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
    Qoraalka sawirka, Madaxda dalalka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga

    Dowladda Pakistan waxay ku jirtaa xaalad adag. Dhinac, waxay leedahay waajibaad dhinaca difaaca wadajirka ah ah oo ku salaysan heshiiska difaaca ee “Mecca” ee ay la gashay Sacuudiga iyo Turkiga. Dhinaca kale, tallaabo kasta oo arrintan la xiriirta waxay Pakistan u horseedi kartaa xiisado gudaha ah.

    Sida ku cad Heshiiska Mecca, weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalkan waxaa loo tixgelinayaa weerar lagu qaaday dhammaantood. Isla markaana, dowladda Pakistan waxay xiriir dhow la leedahay Iran, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay wada-xaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

    Pakistan gudaheeda waxaa sidoo kale jira taageero weyn oo loo hayo Iran iyo qadiyadda Falastiin. Sidaas darteed, tallaabo milatari oo toos ah oo Pakistan ay ka qaaddo Xuutiyiinta ay Iran taageerto waxay keeni kartaa cawaaqib gudaha ah oo saameeya dowladda Pakistan.

    Iskahorimaad toos ah oo lala galo kooxaha xiriirka la leh Iran wuxuu keeni karaa in taageerayaal badan oo Iran ah oo ku sugan Pakistan, gaar ahaan Shiicada dalkaas, ay bannaanbaxyo iyo mudaharaadyo sameeyaan.

    Kadib weerarro waaweyn oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ah oo Xuutiyiinta Yemen ay maalmihii la soo dhaafay ku qaadeen Sacuudiga, Wasiirka Difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa uga digay Xuutiyiinta in haddii ay sii wadaan weerarrada ka dhanka ah dhulka Sacuudiga, ay suuragal tahay in la dhaqaajiyo heshiiska “Mecca”.

    Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, oo iyaduna xubin ka ah Heshiiska Mecca, ayaa bayaan ay soo saartay si adag ugu cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga.

    Turkigu wuxuu caddeeyay inuu taageerayo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Sacuudiga, balse si ka duwan Pakistan, ma uusan sheegin in la dhaqaajinayo Heshiiska Mecca.

    Laakiin Pakistan ma weerari kartaa Xuutiyiinta?

    Aragti ahaan, Pakistan waxay dagaalka u geli kartaa si ay u difaacdo Sacuudiga. Hase yeeshee, heshiiska Mecca khasab kama dhigo in Pakistan ay si toos ah u weerarto Yemen.

    Pakistan waxay waajibaadkeeda ku fulin kartaa iyadoo xoojinaysa difaaca cirka ee Sacuudiga, la wadaagaysa xogaha sirdoonka, ilaalinaysa badda, ama bixisa noocyo kale oo taageero milatari ah.

    Iyadoo la tixgelinayo xaaladda gudaha Pakistan iyo dadaalladeeda ku aaddan inay sii waddo xiriirka ay la leedahay Tehran, weerar toos ah oo lagu qaado goobaha ay Xuutiyiintu ku sugan yihiin waxay u badan tahay inuu noqdo tallaabada ugu dambaysa, halkii uu ahaan lahaa jawaabta ugu horreysa.

  10. Qiimada saliidda oo gaaray heerkii ugu sarreeyey tan iyo bsihii Luuliyo

    Qiimaha saliidda oo kor kacay
    Qoraalka sawirka, Qiimaha saliidda oo kor kacay

    Qiimaha saliidda ayaa Arbacadii kor u dhaafay 100 doolar halkii fuusto, kaddib weerarro dheeraad ah oo ka dhacay oo u dhaxeeya Maraykanka iyo Iran, iyo weerarrada Xuutiyiinta ee ka sii socda gudaha Sacuudiga.

    Weerarro is-daba-joog ah oo labada dhinac ah, Maraykanku wuxuu shan markab oo shidaal qaada oo Iran leedahay ku qaaday weerarro aargoosi ah, kaddib markii Tehran ay beegsatay mid ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

    Brent crude, oo ah qiimaha tixraaca caalamiga ah ee saliidda, ayaan sidan qaali u noqon tan iyo dhammaadkii Luulyo, xilligaas oo xabbad-joojintii u dhexeysay Iran iyo Maraykanka ay burburtay.

    Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen, oo ay taageerto Iran, ayaa sidoo kale Talaadadii weeraray xarumo saliid oo ku yaalla Sacuudiga, waxayna sii wadaan inay bartilmaameedsadaan maraakiibta shidaalka qaada ee mara Badda Cas.

  11. Maxaa in dumarku caytamaan loogu arkaa mid aad u xun?

  12. Cudur 1000 carruur ah ku dilay Bangladesh

    Tirada carruurta u dhimatay cudurka jadeecada ee ka dillaacay Bangladesh ayaa hadda dhaaftay 1,000.

    Cudurkan dillaacay oo billowday bishii Maarso ayaa ah kii ugu dhimashada badnaa dalkaas muddo tobannaan sano ah.

    Jadeecadu way sii faafaysay, xitaa iyadoo hay’adaha caafimaadku bilaabeen olole ballaaran oo tallaal ah.

    Saraakiisha caafimaadku waxay sheegeen in in ka badan 18 milyan oo carruur ah la tallaalay, waxaana kooxo caafimaad ay raadinayaan carruurtii aan weli qaadan tallaalka.

    Waxay sheegeen in xaaladda ay sii adkeynayso nafaqo-darrada joogtada ah ee carruurta, taas oo kordhisa saameynta iyo halista cudurka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin kartaana:

  13. Magaalo ku taalla Soomaaliya oo Qaramada Midoobay sheegtay in sii maraaan dagaal-yahanno shisheeye oo huriya dagaalka Suudan

    Hubka shisheeye, tignoolajiyadda milatari, dagaalyahannada iyo shabakadaha saadka ayaa gacan ka geysanaya sii socoshada colaadda Suudaan, waxayna kordhinayaan awoodda dhinacyada dagaallamaya ay u leeyihiin inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraraan goobo rayid oo ka fog goobaha dagaalka, sida ay Khamiistii sheegtay hawlgalka xaqiiqo-raadinta ee Qaramada Midoobay.

    Dagaalka Suudaan, oo billowday Abriil 2023 kaddib loollan awoodda ah oo u dhexeeyay milatariga iyo Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF), ayaa barakiciyay in ka badan 14 milyan oo qof, wuxuuna abuuray mid ka mid ah dhibaatooyinka bani'aadantinimo ee ugu xun dunida.

    Warbixin ay soo saartay hawlgalka Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 1,000 qof lagu dilay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah shantii bilood ee ugu horreysay 2026. Waxay labada dhinac ku eedeysay xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani'aadannimada iyo xuquuqda aadanaha, kuwaas oo la xiriira adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyadoo qaar ka mid ah falalkaas ay gaari karaan heer dembiyo dagaal.

    RSF iyo milatariga Suudaan ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ay Reuters u dirtay si ay uga hadlaan eedeymaha. Labada dhinac ayaa hore u diiday eedeymaha xadgudubyada.

    Howlgalka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in baarayaashu ay heleen sababo ay ku rumaysan yihiin in shabakad ay ku lug leeyihiin shakhsiyaad iyo hay'ado ku sugan Imaaraadka Carabta, Chad, Liibiya iyo Soomaaliya ay RSF u soo gudbisay hub, qalab, taageero saadka ah, tababar iyo shaqaale ajaanib ah.

  14. Maraykanka oo la filayo inuu qaado tallaabooyin ka dhan ah Canada

    Xiisaddaha ganacsi ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Canada
    Qoraalka sawirka, Xiisaddaha ganacsi ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Canada

    Maraykanku wuxuu mamnuuci doonaa soo dejinta badeecooyin kala duwan oo Canada laga keeno, oo ay ku jiraan khamriga ah, qaar ka mid ah waxyaabaha caanaha laga sameeyo iyo mootooyinka, kaddib markii ay dhaqan galeen canshuuraha aargoosiga ah ee Canada ay ku soo rogtay badeecooyinka Maraykanka.

    Taxane amarro fulineed oo uu Talaadadii soo saaray, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Canada ay Maraykanka “takoorayso”, wuxuuna faahfaahiyay mamnuucyada, kuwaas oo bilaaban doona 29-ka Sebtembar.

    Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sheegay inay doonayaan inay gaaraan heshiis ganacsi, balse wax wada-hadallo cusub ah lama qorshayn tan iyo markii wada-xaajoodyadii ay burbureen dhammaadkii Agoosto.

    Dominic LeBlanc, oo ah wasiirka ganacsiga Canada, ayaa sheegay in tallaabooyinka cusub ee Maraykanku ay yihiin “kuwa aan sabab lahayn”, wuxuuna sheegay inuu ka shaqayn doono ilaalinta shaqaalaha, qoysaska iyo ganacsiyada dalka.

    “Diiraddayada ugu weyn waxay ku saabsan tahay waxa aan awoodno inaan xakameyno: inaan gudaha dalka ka dhisno awood iyo adkaysi, inaan dibadda ku ballaarinno iskaashiyadayada, iyo inaan Canada u dhisno dal xooggan oo ay dhammaan dadka reer Canada ku wada noolaadaan,” ayuu yiri LeBlanc.

    Wuxuu sheegay inuu la xiriiray dhiggiisa Maraykanka, isagoo ballanqaaday inuu “si niyad wanaagsan” uga shaqayn doono sidii loo xallin lahaa xiisadaha.

    Horaantii Talaadadii, Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa khudbad muuqaal ah ku sheegay in ka fogaanshaha Maraykanka oo ahaa dalkooda ugu weyn ee ganacsi “ay ku kici dnooto qiimo”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin kartaana:

  15. Sidee ayay sagaalkan waddan u heleen hubka nukliyeerka?

  16. Iiraan oo cambaareysay weerar ka dhan ah oo Maraykanku fuliyey

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa arbacada maanta waxay cambaareysay weerarrada Maraykanka ee lagu qaaday maraakiibta shidaalka ee Iiraan, waxayna ka digtay cawaaqibka weerarrada noocaas ah.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan waxay bayaan ku sheegtay: “Ciidamada qalabka sida ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyagoo adeegsanaya xaqooda dabiiciga ah ee is-difaaca, waxay weerareen saldhigyo iyo xarumo militari oo Maraykanku ku leeyahay Urdun, taas oo ‘sii waddo taageerada gardarrada milatari ee Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan,’ iyo sidoo kale dhowr markab oo Maraykan ah.”

    Bayaanku wuxuu sheegay in weerarrada Maraykanku aysan ahayn kuwa keliya sii xumayn khatarta ku saabsan xiisadaha gobolka, balse ay sidoo kale yihiin khatar cad oo ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka iyo kan caalamka.

    Qiyaastii saacad kaddib markii Ilaalada Kacaanka Iiraan ay ku dhawaaqeen inay “ugaarsanayaan” markab nooca quusa oo Maraykanku leeyahay oo iskiis u shaqeeya, isla markaana ay soo bandhigeen sawirro, CENTCOM waxay ku dhawaaqday inay weerartay oo “burburisay” shan markab oo shidaal oo Iiraan ah…

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin kartaana:

  17. 13 qof oo lagu dilay duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah

    Sudan
    Qoraalka sawirka, Sudan

    Ugu yaraan 13 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay, halka 22 kalena lagu dhaawacay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Umm Rawaba ee gobolka Waqooyiga Kordofan ee dalka Suudaan.

    Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa weerarka ku tilmaantay “xasuuq cusub”, waxayna cambaaraysay RSF, oo ay ku eedaysay inay ka dambaysay weerarka.

    Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in RSF ay bartilmaameedsatay suuq yar iyo guryo ay dadku deggan yihiin oo ku dhow maxkamadda deegaanka, halkaas oo dadku isugu yimaadeen si ay u dhammaystiraan hawlo sharci iyo maamul.

    Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ka mid ah weerarrada sii kordhaya ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay fuliyaan RSF iyo ciidamada Suudaan, kuwaas oo dagaallamayay tan iyo Abriil 2023-kii.

    Kooxda qareenada ayaa cambaaraysay weerarka, iyadoo sheegtay in weerarrada lagu qaado xarumaha maxkamadaha ay khatar gelinayaan shaqaalaha maxkamadaha, qareennada iyo dadka rayidka ah ee u baahan adeegyada sharciga.

    Waxay sheegtay in lix qareen lagu dhaawacay weerarka.

    Kooxda RSF weli kama aysan hadlin eedeymahaas.

    Umm Rawaba waxay ku taallaa deegaan ay gacanta ku hayaan ciidamada Suudaan, waxayna ku taallaa waddo isku xirta bartamaha iyo galbeedka Suudaan. Gobolka Waqooyiga Kordofan ayaa waxaa ka sii kordhaya weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn sababo la xiriira dagaallada u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo RSF.

    Hawlgalka Qaramada Midoobay ee baaritaanka xaqiiqooyinka ayaa toddobaadkii hore sheegay in in ka badan 1,000 qof lagu dilay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn shantii bilood ee ugu horreeyay sanadkan, iyadoo labada dhinacba lagu eedeeyay xadgudubyo culus oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah marka ay adeegsanayaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

  18. Baaritaan lagu ogaaday in cabidda waxyaaba aadka u kulul ay kordhin karto khatarta kansarka

  19. Pakistan oo digtay kooxda Xuutiyiinta

    Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta

    Pakistan ayaa sheegtay inaysan jirin wax “madmadow ah” oo ku saabsan weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda xubnood ee dhowaan la sameeyay “Isbahaysiga Difaaca Makkah”, isla markaana weerarka noocaas ah loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaan saddexda xubnood.

    Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sidoo kale ka digay in heshiisku dhaqan geli karo kadib weerarradii Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga.

    Hadallada Khawaja Asif ayaa yimid saacado kadib markii ciidamada Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ay duqeymo isdaba joog ah oo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah ku qaadeen Sacuudiga.

    Weerarradu waxay bartilmaameedsadeen magaalooyin iyo kaabayaal dhaqaale iyo tamareed, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 73 qof oo rayid ah.

    Wasiirka Difaaca Pakistan ayaa sheegay in gardarro kasta oo ka dhan ah mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah heshiiska, ama in colaadda Yemen ay ku faafto Sacuudiga, ay saameyn doonto qodobbada difaaca wadajirka ah ee heshiiskii dhowaan ay Pakistan, Sacuudiga iyo Turkigu ku kala saxiixdeen Makkah.

    Wuxuu muujiyay rajada ah in xiisaddu hoos u dhici doonto, balse wuxuu Xuutiyiinta uga digay inay colaadda Yemen ku fidiyaan meel ka baxsan xuduudaha dalka.

  20. Qoyska ganacsadihii xalay lagu dilay Gaalkacyo oo BBC uga warramay sida ay wax u dhaceen