Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay inay duqeymo ka geysatay Tigray

    Sida uu sheegay Xafiiska Arrimaha Isgaarsiinta ee gobolka, 13 qof ayaa ku dhaawacmay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo saaka, 20-ka Agoosto 2026, ka dhacay Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya.

    Bayaan ay soo saareen, mas’uuliyiintu waxay dowladda federaalka ku eedeeyeen inay sii waddo duqeymaha cirka ee dhowaanahan dhacay, iyagoo sheegay in laba weerar ay ka dhaceen meelo kala duwan oo magaalada ah.

    Weerarkii ugu horreeyay ayaa ku dhacay xaafadda Momona ee hoos-tagta Hawelti, halka kan labaadna uu ku dhuftay deegaanka Kuha.

    Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weerarrada lagu bartilmaameedsaday guryo ay dad rayid ahi deggan yihiin, waxaana ku dhaawacmay 13 qof oo rayid ah. Waxay dadka deegaanka uga digeen inay taxaddar muujiyaan, iyadoo laga cabsi qabo weerarro kale.

    Tigray TV ayaa sidoo kale sheegay in weerar kale laguq aaday xaafadda Daero ee Mekelle, halkaas oo ay ku dhaawacmeen hooyooyin iyo carruur ku dhowaa goobta. Warbaahintu waxay baahisay muuqaallo muujinaya guryo burburay iyo dad rayid ah oo dhaawac ah oo loo fidinayo daryeel caafimaad.

    Weerarka maanta ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca caasimadda gobolka Mekelle tan iyo markii la saxiixay Heshiiskii Pretoria, kaas oo soo afjaray dagaalkii Tigray ee 2020–2022. Duqeymaha dib u soo cusboonaaday ayaa kordhiyay walaaca laga qabo in uu dib u qarxo dagaal ballaaran oo u dhexeeya dowladda federaalka iyo TPLF, oo ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray.

    Mas’uuliyiinta gobolka ayaa ciidamada federaalka ku eedeeyay inay maalmihii u dambeeyay fuliyeen weerarro drone oo dhowr ah. 18-kii Agoosto, waxay BBC u sheegeen in laba weerar oo ka dhacay meel u dhow Dandera, oo qiyaastii 15 kiiloomitir u jirta Mekelle, ay ku dhinteen hal qof, mid kalena uu ku dhaawacmay. 10-kii Agoosto, weerarro drone oo ka dhacay degmada Raya-Alamata ayaa lagu dilay hal qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen koonfurta Tigray.

    Dowladda federaalka ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarradii ugu dambeeyay.

    Warar dheeraad ah:

  2. Dakhliga Al-Shabaab ee Muqdisho oo hoos u dhacay iyo tababar ay ka heleen Xuutiyiinta - Warbixin QM

  3. Koox hubeysan oo markab u leexsatay dhanka Soomaaliya

    Hay'adda amniga badda ee UK ayaa sheegtay in markab xamuul ah oo ku safrayay Gacanka Cadan ay saarnaayeen dad hubaysan kuwaasoo u weeciyay dhanka Soomaaliya.

    Dhacdadan ayaa timid iyadoo ay soo ifbaxday weerarro burcad badeed Soomaali ah ka dib in ka badan toban sano.

    Waxay sidoo kale ku soo beegantay hanjabaadda Iiraan ee ah in xulafadeeda Xuutiyiinta Yemen ay ka horjoogsan doonaan maraakiibta Badda Cas ee dhex marta Gacanka.

    Hay'adda amniga badda ee UK ayaa sheegtay in markabkan ay saarnaayeen lix qof oo hubaysan wuxuuna marayay meel qiyaastii 136 mayl badeed bari ka xigta Yemen, kaasoo ku yaal dhinac ka mid ah Gacanka Cadan.

    Waxay ku sii jeedaan Soomaaliya, oo dhinaca kale ah. Weli ma cadda cidda afduubtay markabka, laakiin tani waa dhacdadii ugu dambeysay tan iyo markii ay soo ifbaxday burcad badeedda Soomaaliya bishii Abriil.

    Wararka ayaa sheegaya in ay tan sii hurisay caro gudaha ah oo ka dhalatay maraakiibta kalluumeysiga ee sharci darrada ah ee shisheeye. Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyeyaasha difaaca ayaa tuhunsan in fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay la shaqeyn karaan burcad badeedda si ay u carqaladeeyaan maraakiibta Badda Cas.

    Iiraan ayaa ku hanjabtay inay sidaas sameyn doonto iyadoo ka jawaabaysa xayiraadda ciidamada badda ee Mareykanka ee Marinka Hormuz.

    Warar dheeraad ah:

  4. Sida loo bilaabo ganacsi adigoo haysta raasumaal yar kadibna loo kobciyo

  5. Deynta Mareykanka oo sare u dhaaftay 40 trillion oo doolar

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Trump

    Tirakooyinka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa muujinaya in deynta qaranka Mareykanka ay laba jibbaarantay muddo toban sano ah, iyadoo kor u dhaaftay $40 tiriliyan.

    Kororka deyntaas ayaa ka dhashay sannado badan oo ay dowladdu si weyn u kharash-gareysay intii ay talada hayeen madaxweynayaashii Donald Trump iyo Joe Biden, iyo sidoo kale kororka dulsaarka oo sii kordhiyay wadarta deynta.

    Kharashaadka dowladda oo kordhay, oo ay ku jiraan kharashaadka dagaalka, iyo canshuur-dhimista ayaa ka mid ah sababaha arrintan keenay.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump wuxuu ku eedeeyay kororka heerarka dulsaarka. Wuxuu sheegay in "haddii dalkeennu doonayo inuu guuleysto oo horumar sameeyo, heerarka dulsaarku ay tahay inay hoos u dhacaan, sababtoo ah taasi waxay sii caddaynaysaa in dalkeennu yahay dal xooggan".

    Sannadkii 2016, deynta qaranka Mareykanka waxay ka yareyd $20 tiriliyan.

    Xafiiska Miisaaniyadda Kongareeska Mareykanka ayaa hore u saadaaliyay in wadarta deyntu ay gaari doonto $39.6 tiriliyan marka uu dhammaado sannad-maaliyadeedka 2026.

    Kororka deynta oo ka sare u dhaafay intii la filayay ayaa walaac ka dhaliyay qiyaasta ay dowladda Mareykanku u baahan tahay inay lacag ku amaahato iyo saameynta arrintaasi ay mustaqbalka ku yeelan karto kororka dulsaarka.

    Xafiiska Miisaaniyadda Kongareeska ayaa sheegay in kharashka dulsaarka deynta Mareykanku uu ku dhowaanayo $1.41 tiriliyan, iyadoo la filayo in deynta qaranku ay gaarto ku dhowaad $64 tiriliyan marka la gaaro 2036.

    Iyadoo dowladda Mareykanku ay lacag badan u adeegsanayso buuxinta farqiga miisaaniyaddeeda, macaamiisha ayaa iyaguna wajahaya dulsaaryo sare iyo sicir-barar.

  6. 'Saaxiibada la kiraysto': Xayeysiisyada shukaansiga ee been-abuurka ah oo khatar cusub ku ah haweenka da'da yar

  7. War deg deg ah, Garsoorka Iiraan oo dil ku fuliyay Ghaem Hosseini

    Wakaaladda wararka ee Mizan, oo ah wakaaladda wararka ee Garsoorka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa ku dhawaaqday in subaxnimadii Khamiista lmaanta ah a fuliyay xukunkii dilka ee Ghaem Hosseini, oo ahaa qof kale oo ka mid ah dadkii ka qaybgalay mudaaharaadyadii dhacay bishii Janaayo.

    Garsoorku wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “muwaadin ajnabi ah”, balse ma uusan sheegin dhalashadiisa.

    Waxaa lagu soo oogay dacwad ah “ku lug lahaanshaha dembiga ka dhacay Fagaaraha Alikhani ee Isfahan.”

    Eedaha loo jeediyay waxaa ka mid ah “hub la bixid iyo cabsi gelin, abuurista amni-darro guud iyo mid baahsan, iyo falal ka dhan ah badqabka jireed ee dadka iyo amniga qaranka.”

    Sida uu sheegay garsoorku, kiiska Ghaem Hosseini waxaa dib u eegay Maxkamadda Sare kaddib markii racfaan laga qaatay, hase yeeshee xukunku halkaasna waa lagu ansixiyay.

    Wakaaladda wararka Mizan ayaa sheegtay in intii uu socday baaritaanka kiiska, Ghaem Hosseini oo loo yaqaan “Arian” uu “qirtay” inuu joogay mudaaharaadyadii ka dhacay Fagaaraha Alikhani ee Isfahan, isla markaana uu watay hub qabow.

    Abolfazl Sepahi, Amir Hossein Safari, Erfan Esfandiari iyo Gol Mohammad Mohammadi ayaa horay loogu fuliyay xukun dil ah oo kiiskan la xiriira.

    Shervin Bagherian, Amir Hossein Maleki iyo Alireza Sepahi ayaa ah saddexda kale ee lagu helay dembiga kiiskan.

    Warbaahinta dowladda ayaa Mohammad Hemmati, Valiollah Safari, Hossein Ramezani iyo Ali Khashooi ku tilmaantay afar askari oo loo diray Fagaaraha Alikhani 8-dii Janaayo, si ay uga hortagaan mudaaharaadyada. Sida ku xusan sheekada rasmiga ah, waxaa la dilay kaddib markii ay mudaharaadayaashu hareereeyeen.

    Tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iiraan bilowday 28-kii Febraayo, waxaa dalka Iiraan si weyn u dardar-galay fulinta xukunnada dilka. Garsoorku wuxuu dil ku fuliyay tobannaan qof oo lagu soo oogay eedo kala duwan, oo ay ka mid yihiin “basaasnimo” iyo “la-shaqaynta Maraykanka iyo Israa’iil”.

    Dadka la dilay waxaa sidoo kale ka mid ahaa qaar ka mid ah dadkii la xiray intii ay socdeen mudaaharaadyadii dalka oo dhan bishii Diseembar

  8. Maamulka Trump oo bartilmaameedsan kara kumanaan Itoobiyaan ah si dalka looga masaafuriyo

    Maamulkii madaxweynihii hore ee Dimuqraadiga Joe Biden ayaa markii ugu horreysay TPS siiyay Itoobiyaanka horey ugu sugnaa Mareykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maamulkii madaxweynihii hore ee Dimuqraadiga Joe Biden ayaa markii ugu horreysay TPS siiyay Itoobiyaanka horey ugu sugnaa Mareykanka

    Garsoore heer federaal ah ayaa Talaadadii u oggolaaday maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump inuu soo afjaro ilaalinta sharci ee la siiyay in ka badan 5,000 Itoobiyaan ah, taas oo u saamaxaysay inay ku noolaadaan ksna shaqeeyaan gudaha Mareykanka.

    Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Boston, Brian Murphy, ayaa qaaday xannibaaddii ugu dambeysay ee garsooreyaashu saareen go'aanka Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ee lagu joojinayo Xaaladda Ilaalinta Ku-meelgaarka ah (TPS) ee dalalka qaarkood. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay bishii Juun u oggolaatay maamulka Trump inuu soo afjaro ilaalinno la mid ah kuwaas oo loo fidiyay kumannaan qof oo ka soo jeeda Haiti iyo Suuriya.

    Go'aanka Maxkamadda Sare, oo ay taageertay aqlabiyadda muxaafidka ah ee 6-3, ayaa xaddiday awoodda garsooreyaasha ay ugu eegaan tallaabooyinka DHS ee maamulka Trump ku doonayo inuu ku soo afjaro TPS-ka 13 dal, kuwaas oo muhaajiriinta u qalanta siinayay ilaalin bani'aadamnimo.

    James Percival, oo ah la-taliyaha guud ee DHS, ayaa soo dhaweeyay go'aanka, isagoo qoraal uu baraha bulshada ku daabacay ku yiri: "Dhammaan joojinta TPS-ka hadda way dhaqan galeen!"

    Joojinta TPS-ka Itoobiya ayaa waxaa ka horyimid muwaadiniin Itoobiyaan ah iyo ururka u dooda bulshada African Communities Together, kuwaas oo muujiyay niyad-jab ku aaddan go'aanka Talaadadii.

    "Dhibaatada Itoobiya wali way socotaa, go'aankanna wuxuu nolosha kumannaan Itoobiyaan ah oo ku nool Mareykanka gelinayaa khatar aad u weyn," ayay tiri Diana Konaté, oo ah ku-xigeenka agaasimaha fulinta ee ururka u qaabilsan siyaasadda iyo u doodista.

    TPS, oo uu dhigayo sharciga federaalka Mareykanka, waxaa loo heli karaa dadka dalalkooda ay ka dhaceen musiibooyin dabiici ah, colaado hubeysan ama xaalado kale oo aan caadi ahayn. Waxay dadka u qalma siisaa oggolaansho shaqo iyo ilaalin ku-meelgaar ah oo ka dhan ah masaafurinta.

  9. Xuutiyiinta Yemen oo isku diyaarinaya inay u dhaqaaqaan dhanka Baab al-Mandab

  10. Faahfaahin ka soo baxeysa shil diyaarad oo ka dhacay Kenya

    Shilka diyaaradda ayaa ka dhacay Samburu

    Xigashada Sawirka, Laanqeyrta cas ee Kenya/Reuters

    Qoraalka sawirka, Shilka diyaaradda ayaa ka dhacay Samburu

    Dowladda Ecuador ayaa sheegtay in madaxa waaxdeeda sirdoonka iyo xaaskiisa ay ku dhinteen shil diyaaradeed oo helicopter ah, kaas oo Arbacadii shalay ka dhacay degmada Samburu ee dalka Kenya.

    Shan muwaadin oo Maraykan ah ayaa sidoo kale ku dhintay shilkaasi, sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

    Hay’adda Duulista Rayidka Kenya (KCAA) ayaa sheegtay in helicopter-ka uu ku jiray safar dalxiis ah, isagoo ka ambabaxay keydka duurjoogta ee Loisaba kuna sii jeeday Ewaso Nyiro, oo ah webi mara agagaarka dhowr keyd oo qaran.

    Degmada Samburu waa mid ka mid ah goobaha dalxiiska ee ugu caansan Kenya, waxaana ku yaalla keydyo badan oo duurjoogta ah oo ay maamulaan shirkado gaar loo leeyahay. Waxa kale oo ay caan ku tahay muuqaalkeeda dabiiciga ah ee quruxda badan oo gaar ah.

    Sawirrada laga qaaday goobta shilku ka dhacay ayaa muujinayay qiiq ka baxaya dhul geedo leh, halkaas oo helicopter-ku ku dhacay buurta Ololokwe. Shaqaalaha Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa la arkayay iyagoo ku dhowaanaya burburka helicopter-ka oo weli dab ka holcayay.

    Dowladda Ecuador ayaan faahfaahin ka bixin geerida Sensi-Contugi, oo 44 jir ahaa, kaas oo sannadkii 2024 loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Xarunta Sirdoonka Istiraatiijiga ah ee dalkaas.

  11. Inaad labo jeer cadeysato maalintii ma wanaagsana, sababta ogow

    Cadey

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Cadey

    Dhammaanteen waxaan u maleyneynaa inaan naqaanno sida loo cadaydo ilkaheenna - xoqid subax iyo habeen, biyo ku raaci iyo laga yaabee isticmaalka af-dhaq ka sameysan nacnaac oo qiyaas wanaagsan ah.

    Laakiin sida ay qabaan khubarrada ilkuhu, xitaa dadka cadeysiga aadka ugu dadaala waxaa laga yaabaa inay samaynayaan khaladaad yar oo dib u dhigaya shaqadooda wanaagsan.

    Dr Praveen Sharma, oo ka tirsan dugsiga cilmiga ilkaha ee jaamacadda Birmingham, ayaa sheegay in kala bar dadka qaangaarka ah ee ku nool UK uu mar uun ku dhici doono cudurka cirridka iyo calaamadda hore ee cirridka oo dhiig baxaya.

    "Haddii cirridkaagu uu dhiig baxayo ama bararayo waa calaamad ku tusineysa inaad u baahan tahay inaad si fiican u cadayato," ayuu yiri.

    Iyo sidoo kale booqashooyinka joogtada ah ee dhakhtarka ilkaha, halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa afar shay oo isaga iyo daadiheyeyaasha barnaamijka What's Up Docs ee BBC Dr Xand iyo Dr Chris van Tulleken, ay ku sheegeen in qaar badan oo naga mid ah ay hadda khaldan yihiin kuwaas oo haddii aan beddelno hagaajin kara caafimaadka ilkaheenna.

    Inaad mar qura si fiican u cadeysato ayaa ka wanaagsan inaad labo jeer dhaqso u cadeysato

    Waa mid ka mid ah amarrada dhanka ilkaha ee weyn - cadayashada laba jeer maalintii - taasina waa waxa waaxda caafimaadka UK ee NHS ay ku talinayso.

    Laakiin Dr Sharma ayaa sheegay in furaha dhabta ah uu yahay tayada ee ma aha tiro.

    "Haddii aad heli karto waqti, markaa haa, labo jeer maalintii," ayuu yiri. "Laakiin way fiican tahay in la cadeysto hal mar maalintii si fiican halkii aad labo jeer si dhaqso ah u sameyn lahayd."

    Haddii aad cadaysto hal mar maalintii markaas wuxuu kugula talinayaa inay noqoto fiidkii oo aad hubiso inaad sidoo kale ilkaha istakiin isaga bixiso waxa ku haray.

    Dabcan, qofna ma jecla inuu isticmaalo waxyaabaha ilkaha looga bixiyo cunnada ku hartay kadib cadeysiga, laakiin Dr Sharma waxa uu sheegay in isticmaalka burushka ilkaha dhexdooda, gaar ahaan kuwa caagga ah, ay noqon karto mid fudud oo aan xanuun lahayn.

    Halkan ka sii akhri

  12. War deg deg ah, Weerarro culus oo Ruushku ka fuliyay Ukraine

    Ukraine

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Gantaallo Ruushku leeyahay ayaa ku dhacay caasimadda Ukraine, waxaana ku dhintay ugu yaraan shan qof.

    Dadaallo ayaa weli socda si korontada loogu soo celiyo qaybo ka mid ah Kyiv.

    Burburka dhismayaasha ayaa laga cabsi qabaa in dad ku hoos jiraan.

  13. Xiisad cusub oo u muuqata in ay ka dhex qaraxday Turkiga iyo Israa'iil

  14. Subax wanaagsan dhageystayaasha BBCSomali, ku soo dhawaada tebinteenna cusub ee saaka. Waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeyay ee dunida iyo guudahaan deegaannada Soomaalida.

  15. Ma waxaa fiican in la qubeysto subixii mise habeenkii?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dadka qaarkii waxay door-bidaan inay qubaystaan ​​subaxdii, qaar kalena fiidkii. Yaa saxan labadan kooxood?

    Dunidan aan ku nool nahay ee ay ku sii kordheyso kala qaybsanaanta, waxaa jirta hal su'aal oo laga yaabo in ay ina kala qaybiso si ka badan kuwa kale - ma waxaad qubeyska ka dhigtaa waxa ugu horreeya subaxdii, ama waxa ugu dambeeya habeenkii? Ama laga yaabee inaad tahay mid ka mid ah 34% dadweynaha Mareykanka ee aan qubaysan maalin kasta.

  16. War deg deg ah, Trump oo jeediyay hanjabaado culus oo ka dhan ah Iran

    Trump

    Xigashada Sawirka, Anna Moneymaker/Getty Image

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay “hawlgal dhaqaale oo aan hore loo arag” oo ka dhan ah Iran.

    Trump wuxuu sheegay in Iran ay diidday fursado badan oo heshiis lagu gaari lahaa, sidaas darteedna Mareykanku bilaabayo dagaal dhaqaale iyo go’doomin ballaaran.

    Wuxuu sidoo kale ka digay in dalalka ama shirkadaha ka caawiya Iran dhinaca maaliyadda, shidaalka, maraakiibta ama bangiyada ay wajihi doonaan cunaqabateyn dhaqaale oo culus.

    Trump wuxuu hawlgalkan ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo lagu wiiqayo awoodda Iran, wuxuuna xulafada Mareykanka ugu baaqay inay taageeraan.

  17. War deg deg ah, Trump oo baahiyay xog cusub oo ku saabsan Marinka Hormuz

    Trump

    Xigashada Sawirka, EPA

    Saacad ka hor, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale sheegay in marinka Hormuz uu furan yahay.

    Isagoo ka jawaabaya su’aal ku saabsan in cunaqabateyn cusub lagu soo rogo Iran, Trump wuxuu sheegay in xannibaadda badeed ee marinka Hormuz ay tahay mid “aad waxtar u leh”, isagoo intaas ku daray in muddo aysan jirin maraakiib u kala gooshay marinka Hormuz iyo Iran.

    “Wax bay noo sheegaan, wax kalena way sameeyaan,” ayuu yiri isagoo ula jeeday mas’uuliyiinta Iran.

    Trump wuxuu sheegay in mas’uuliyiinta Iran ay filayeen in qiimaha saliiddu gaari doono $350 foostadii kasta haddii marinka Hormuz la xiro, halka qiimuhu hadda yahay qiyaastii $84 ilaa $85 halkii foosto. Wuxuu sidoo kale sheegay in Mareykanku uu marinka Hormuz kala baxayo xaddi badan oo saliid ah.

    Trump, isagoo ka hadlayay dhismaha tiro aan hore loo arag oo dhuumaha shidaalka ah ee laga dhisayo meelo kala duwan, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in marinka Hormuz mustaqbalka uu lumin doono muhiimaddiisa.

    Xogtii ugu dambeysay ee maanta waxay muujinaysaa in xaaladda weli muran ka taagan tahay. Trump wuxuu sheegay in marinku furan yahay, halka Iran ay sheegtay inuu weli xiran yahay; Reuters-na waxay sheegtay in isu-socodka maraakiibtu aad u yaraaday, iyadoo lix markab oo badeecooyin wada oo keliya ay marinka ka gudbeen Talaadadii.

  18. Sarkaal horey dalka Soomaaliya uga soo howl-galay oo Itoobiya xil u magacowday

    .

    Xigashada Sawirka, FDRE Defense Force

    Taliyihii hore ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Nabadd Ilaalinta Soomaaliya (AMISOM), Sarreeye Guud Tgabu Yilma, ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Amxaarada.

    Dr. Zelem Kingdome, oo shantii sano ee la soo dhaafay ahaa madaxa Agaasinka Guud ee Booliska Gobolka Amxaarada, ayaa dib ugu laabtay xilalkiisii hore.

    Taliyaha cusub, Sarreeye Guud Tgabu, waxaa magacaabay madaxa Gobolka Amxaarada, Arga Kebede, sida lagu sheegay qoraal uu ku daabacay boggiisa Facebook.

  19. War deg deg ah, Lubnaan oo Suuriya ku wareejisay sarkaal horey uga tirsanaa maamulkii Bishaar al-Assad

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Mas’uuliyiinta Lubnaan ayaa Arbacadii ku wareejiyay Dimishiq sarkaal sare oo hore uga tirsanaa ciidanka Suuriya, si maxkamad loo soo taago, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya.

    Sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters, sarkaalkii hore ayaa wajahaya eedeymo ay ka mid yihiin dil iyo jirdil.

    Tani waa markii ugu horreysay ee Lubnaan ay Suuriya ku wareejiso sarkaal ciidan oo ka tirsanaa xukuumaddii Bishar al-Assad.

    Major General Adel Issa, oo hore u ahaa taliyihii Qaybta 17-aad ee ciidanka Suuriya, kadibna noqday taliyaha ciidamada dhulka ee gobolka Deir Ezzor ee bariga Suuriya, ayaa horraantii bishan lagu xiray Lubnaan.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Suuriya, Issa waxaa loo raadinayay eedeymo ay ka mid yihiin dilka ugu yaraan laba qof, gacan kagaysashada dil, jirdil sababay dhimasho, iyo dambiyo loogu talagalay hurinta dagaal sokeeye iyo colaad diimeed. Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in kiiskiisa hadda uu marayo habraacyada maamulka, ka hor inta aan loo gudbin maxkamadda dambiyada.

    Sida ay sheegtay Reuters, Issa wuxuu diiday eedeymaha loo jeediyay intii uu ku xirnaa Lubnaan.

    Adel Issa, oo 67 jir ah, ayaa la xiray Talaadadii, 8-dii Agoosto, kaddib markii uu booqday safaaradda Suuriya ee Beyruut si uu u dhammaystiro dukumentiyo.

    Wareejintan ayaa noqon karta bilowga tallaabo lagu soo celinayo tobannaan sarkaal oo hore uga tirsanaa hay’adaha amniga iyo militariga Suuriya, kuwaas oo la rumeysan yahay inay u baxsadeen dhinaca xuduudaha kaddib markii Bishar al-Assad xukunka laga tuuray Diseembar 2024.

    Bishii Janaayo, waxaa la soo sheegay in mas’uuliyiinta Suuriya ay hay’adaha amniga Lubnaan siiyeen liis ay ku jiraan in ka badan 200 oo sarkaal sare oo hore, kuwaas oo ay Dimishiq doonayso.

  20. War deg deg ah, Ciidamada Israa'iil oo qirtay in rasaas ay oodda uga qaadeen gaari ay saarneed gabadhan yar ee Falastiiniyad ah

    .

    Xigashada Sawirka, Family/Reuters

    Milatariga Israa’iil ayaa markii ugu horreysay xaqiijisay in ciidamadoodu rasaas ku fureen gaari ay saarnayd gabar yar oo Falastiiniyad ah oo shan jir ahayd, Hind Rajab, taas oo lagu dilay lix xubnood oo qoyskeeda ka tirsanaa Qasa sannadkii 2024-kii.

    Ciidanka Difaaca Israa’iil ayaa bilaabaya baaritaan dembiyeed oo ku saabsan dhimashadooda iyo dilka laba shaqaale caafimaad oo gurmad ahaa oo loo diray inay badbaadiyaan Hind. Baaritaan kale oo gaar ah ayaa lagu eegi doonaa dilka 15 shaqaale oo gurmad iyo gargaar ahaa oo lagu dilay Rafah sannadkii hore.

    Milatarigu wuxuu sheegay in uu dib u baaro dhacdooyinka aan caadiga ahayn si waafaqsan sharciga. Hase yeeshee, kooxda xuquuqda aadanaha ee Israa’iil ee Yesh Din ayaa sheegtay in baaritaannada noocan ah ay dhif iyo naadir ku dhammaadaan dacwado rasmi ah oo loo gudbiyo eedeysanayaasha.