Trump oo ballanqaaday $5,000 haddii Jamhuurigu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Trump
Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu $5,000 siin doono qof kasta oo qaangaar ah oo muwaadin Maraykan ah, haddii xisbiga Jamhuuriga uu ku guuleysto labada aqal ee Congress-ka doorashooyinka dhexe ee bisha November.
Lama oga halka ay lacagtaasi ka iman doonto iyo in bixinta lacagta noocaas ah ay sharci ahaan suurtagal tahay.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay shirkii ugu horreeyay ee xisbiga Jamhuurigu qabto oo loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka dhexe, isaga oo taageerayaashiisa ku boorrinayay inay si xooggan uga qayb qaataan doorashooyinka muhiimka ah ee soo socda.
Inkasta oo heerka taageerada shakhsiyeed ee Trump uu hoos u dhacayo, madaxweynaha ayaa dadka shirka ka qaybgalay ugu baaqay inay doorashooyinka dhexe u codeeyaan “sida isaga laftiisa uu codbixinta ugu tartamayo.”
Khubaro: Qabsashada gujis Maraykan ah waxay Iran siin kartaa fursad ay ku barato farsamadiisa
Xigashada Sawirka, Iran
Qoraalka sawirka, Gujis
Reuters ayaa Arbacadii, 9-kii Sebtembar, soo xigatay khubaro milatari oo sheegay in haddii Iran ay dhab ahaan gacanta ku dhigto gujis militari oo Maraykan ah oo iskiis u shaqeeya, ay fursad u heli karto inay si faahfaahsan u baarto qalabkaas, xitaa ay isku daydo inay dib u farsamayso si loogu isticmaalo barnaamijyadeeda milatari.
Khubaradu waxay arrintan la barbar dhigeen wixii dhacay 2011, markaas oo Iran ay gacanta ku dhigtay diyaaraddii sirdoonka ee Maraykanka ee RQ-170, kaddibna ay sheegtay inay dib u farsamaysay oo ay samaysay noocyo gudaha ah oo ku salaysan naqshaddeeda.
Khubaradu waxay sidoo kale aaminsan yihiin in dhacdadani ay tahay dib-u-dhac ku yimid Pentagon-ka iyo shirkadda Endurance ee samaysay qalabkan.
Gujiska loo yaqaan Dive-LD waa gaari biyaha hoostooda ku shaqeeya oo iskiis u socda, waxaana loogu talagalay hawlo ay ka mid yihiin sahan masaafo dheer, khariidaynta gunta badda, la dagaallanka miinooyinka badda iyo kormeerka kaabayaasha biyaha hoostooda.
Waa jiil cusub oo ka mid ah nidaamyada badda ee aan naaquuda lahayn, kuwaas oo shaqayn kara dhowr maalmood iyaga oo aan faragelin bini’aadan u baahnayn.
Reuters waxay sheegtay in Maraykanka iyo shirkadda samaysay gujiskan ay isku dayeen inay yareeyaan muhiimadda ay leedahay sheegashada ah in Iran ay gacanta ku dhigtay.
Hase yeeshee, Maraykanku hore ayuu si dhab ah uga walaacay markii qalabkiisa milatari ee casriga ah uu ku dhacay gacanta Iran.
Sannadkii 2011, kaddib markii Iran ay qabatay diyaaradda sirdoonka qarsoon ee RQ-170 Sentinel, madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa Tehran ka dalbaday inay soo celiso diyaaradda.
Iran ayaa markii dambe sheegtay inay dib u farsamaysay diyaaradda, isla markaana ay samaysay noocyo gudaha ah oo ku salaysan naqshadeeda.

CBS: Weerarradii gantaallada Iran ee saldhigga ciidamada cirka Mareykanka ee Urdun ayaa burburiyay dhowr diyaaradood oo milatari
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in diyaarad weerar oo nooca A-10 Thunderbolt, oo loo yaqaan “Warthog”, ay mid ka mid ah baalasheeda wayday kaddib markii uu gantaal ku dhacay
CBS News ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo si toos ah xog uga haya dhacdada, in dhowr diyaaradood oo milatari oo Maraykan ah ay waxyeello ka soo gaartay gantaallo ay Iran ku weerartay saldhigga cirka ee Mowaffaq Salti ee Jordan, aroornimadii hore ee Arbacada, waqtiga maxalliga ah.
Ilo-wareedyadan oo aan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan ayaa sheegay in ku dhowaad siddeed diyaaradood oo dagaal oo F-15 ah ay soo gaartay waxyeello fudud, balse ay dib ugu soo laabteen hawlgallada kaddib markii la dayactiray.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in diyaarad weerar oo nooca A-10 Thunderbolt, oo loo yaqaan “Warthog”, ay mid ka mid ah baalasheeda wayday kaddib markii uu gantaal ku dhacay.
Sida ay CBS u sheegeen ilo sirdoon oo arrintan xog u leh, wax askari Maraykan ah laguma dilin weerarrada.
Weerarradan ayaa dhacay saacado kaddib markii Maraykanku sheegay inuu bartilmaameedsaday shan booyadood oo shidaal oo Iran leedahay, taas oo uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerar Iran ay ku qaaday markab dagaal oo ay leedahay ciidamada badda Maraykanka.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa iyaguna sheegay inay bartilmaameedsadeen siddeed booyadood oo shidaal ah iyo laba markab dagaal oo Maraykan ah, iyo sidoo kale saldhigga cirka ee Mowaffaq Salti ee Jordan.
CBS waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Maraykanka ee Jordan ku sugan ay rideen in ka badan 30 gantaal oo Patriot ah si ay uga hortagaan weerarrada.
Warbixintan ayaa soo baxday kaddib markii CBS ay horay u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, in kaydka Maraykanka ee gantaallada Patriot iyo hubka kale ee ku habsada bartilmaameedyada la hago uu si degdeg ah u sii yaraanayo, kaddib bilo dagaal ah.
Saraakiisha Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin ama u beenin xogta ku saabsan waxyeellada soo gaartay diyaaradaha ku sugnaa saldhigga Mowaffaq Salti.
"Digniin ka timid Maxamed bin Zayed ka hor 7-dii Oktoobar" ayaa xiisad ka dhalisay Israa'iil; Netanyahu ayaa beeniyay arrintaas
CBS: Gantaallada Iran ay ku weerartay saldhigga Maraykanka ee Jordan ayaa waxyeelleeyay diyaarado milatari
CBS News ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo si toos ah xog uga haya dhacdada, in dhowr diyaaradood oo milatari oo Maraykan ah ay waxyeello ka soo gaartay gantaallo ay Iran ku weerartay saldhigga cirka ee Mowaffaq Salti ee Jordan, aroornimadii hore ee Arbacada, waqtiga maxalliga ah.
Ilo-wareedyadan oo aan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xasaasiyadda arrintan ayaa sheegay in ku dhowaad siddeed diyaaradood oo dagaal oo F-15 ah ay soo gaartay waxyeello fudud, balse ay dib ugu soo laabteen hawlgallada kaddib markii la dayactiray.
Ilo-wareedyadu waxay sidoo kale sheegeen in diyaarad weerar oo nooca A-10 Thunderbolt, oo loo yaqaan “Warthog”, ay mid ka mid ah baalasheeda wayday kaddib markii uu gantaal ku dhacay.
Sida ay CBS u sheegeen ilo sirdoon oo arrintan xog u leh, wax askari Maraykan ah laguma dilin weerarrada.
Weerarradan ayaa dhacay saacado kaddib markii Maraykanku sheegay inuu bartilmaameedsaday shan booyadood oo shidaal oo Iran leedahay, taas oo uu ku sheegay inay jawaab u ahayd weerar Iran ay ku qaaday markab dagaal oo ay leedahay ciidamada badda Maraykanka.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa iyaguna sheegay inay bartilmaameedsadeen siddeed booyadood oo shidaal ah iyo laba markab dagaal oo Maraykan ah, iyo sidoo kale saldhigga cirka ee Mowaffaq Salti ee Jordan.
CBS waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada Maraykanka ee Jordan ku sugan ay rideen in ka badan 30 gantaal oo Patriot ah si ay uga hortagaan weerarrada.
Warbixintan ayaa soo baxday kaddib markii CBS ay horay u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa saraakiil Maraykan ah, in kaydka Maraykanka ee gantaallada Patriot iyo hubka kale ee ku habsada bartilmaameedyada la hago uu si degdeg ah u sii yaraanayo, kaddib bilo dagaal ah.
Saraakiisha Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon) ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin ama u beenin xogta ku saabsan waxyeellada soo gaartay diyaaradaha ku sugnaa saldhigga Mowaffaq Salti.
Qarax laga maqlay Jasiiradda Qeshm, halka uu ka dhacayna aan weli la xaqiijin
Wakaaladaha wararka dowladda Iran ee IRNA iyo idaacadda iyo telefishinka qaranka ayaa sheegay in qarax xooggan laga maqlay Jasiiradda Qeshm, balse ay weli caddayn la’aan tahay halka uu qaraxu ka yimid.
Wararku ma cadda in qaraxu ka dhacay biyaha xeebaha jasiiradda ama gudaha dhulka Qeshm.
Habeenkii xalay, marin-biyoodka Hormuz iyo Gacanka Faaris ayaa u muuqday goob ay ka dhacday iska horimaad culus oo u dhexeeya Iran iyo Maraykanka.
Taliska Dhexe ee ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu “burburiyey” shan marakiibta shidaalka qaada oo Iran leedahay, halka Ilaalada Kacaanka Iran ay sheegteen inay bartilmaameedsadeen laba markab oo dagaal oo Mareykanku leeyahay iyo siddeed Markab oo Shidaal.
Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku dhigtay gujis Maraykan ah oo iskiis u shaqeeya, inkastoo sheegashadaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Baxreyn oo cambaareeyay weerarrada Iran ee Jordan
Boqortooyada Baxreyn ayaa si adag u cambaareysay weerarrada joogtada ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, oo ay ku jiraan weerarrada gantaallada ah ee lagu qaaday Urdun.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa sheegtay inay si buuxda garab u taagan tahay Urdun, isla markaana ay taageerayso dhammaan tallaabooyinka ay Urdun qaaddo si ay u ilaaliso madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo xasilloonideeda, iyo sidoo kale badqabka muwaadiniinteeda iyo dadka dalka ku nool.
Bahrain waxay sidoo kale ammaantay feejignaanta iyo hawlgalka nidaamka difaaca cirka ee ciidamada qalabka sida ee Urdun, kaas oo qabtay gantaallada isla markaana ka hortagay weerarrada.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa bayaan ay soo saartay mar kale ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu guto waajibaadkiisa, isla markaana qaado tallaabooyin go’aan leh oo Iran ku qasbaya inay joojiso waxa ay ku tilmaantay tallaabooyinka colaadeed ee ka dhanka ah dalalka gobolka.
Waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay gacan ka geysan karaan dhimista xiisadaha iyo ilaalinta nabadda iyo amniga gobolka.
Iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada u dhexeeya Iran iyo Maraykanka ee Gacanka Faaris, ayaa baraha bulshada maanta, 9-ka Sebtembar, lagu baahiyay muuqaallo la sheegay inay muujinayaan gantaallo laga soo riday Iran oo xalay lagu qabtay hawada Urdun.
Iran oo ka jawaabtay bayaanka wasiirrada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa Arbacadii ka jawaabtay bayaanka ka soo baxay shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta, iyadoo cambaareysay qaar ka mid ah qodobadii ku jiray bayaanka.
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ee 8-dii Sebtembar ayaa lagu yiri:“Iran waxay mar kale adkaynaysaa madax-bannaanideeda aan muranka ku jirin ee jasiiradaha Abu Musa, Tunb al-Kubra iyo Tunb al-Sughra, kuwaas oo ah qaybo aan laga goyn karin dhulkeeda. Iran waxay cambaareyneysaa sheegasho kasta oo dhuleed oo arrintan la xiriirta.”
Wasaaraddu waxay sheegtay in madax-bannaanida Iran ee jasiiradahaas ay ku salaysan tahay taariikhda, sii wadidda awoodda maamulka iyo mabaadi’da la aqoonsan yahay ee sharciga caalamiga ah.
Waxay intaas ku dartay in ku celcelinta sheegashooyin aan sal lahayn oo lagu soo bandhigo bayaanno siyaasadeed aysan waxba ka beddeli doonin xaqiiqooyinka juqraafiyeed, taariikheed iyo sharci ee jasiiradahaas.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay dagaalka Yemen iyo taageerada Iran ay siiso Xuutiyiinta, iyadoo sheegtay:
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay mar walba adkaysay baahida loo qabo ilaalinta midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Yemen, waxayna taageertay wadahadalka Yemeniyiinta dhexdooda ah, iyadoo lagu salaynayo khariidadda waddada ee lagu heshiiyey.”
Dhammaadka bayaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran waxay sidoo kale ka hadashay xiisadda ka taagan marin-biyoodka Hormuz, iyadoo ku tilmaantay “natiijo toos ah” oo ka dhalatay dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ay kula jiraan Iran.
Iran waxay sheegtay in amniga Gacanka Faaris iyo Badda Cumaan lagu xaqiijin karo iskaashiga dalalka xeebaha leh, iyadoo aanay faragelin ku samayn quwadaha shisheeye.
Waxay sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay wada-hadal iyo iskaashi ay la yeelato dalalka gobolka, si loo xoojiyo kalsoonida labada dhinac, loo gaaro amni waara iyo horumar dhaqaale oo ay wadaagaan dalalka Galbeedka Aasiya.
Iran oo si kulul uga falcelisay gudbinta kiiskeeda nukliyeerka Golaha Ammaanka
Go’aankii kiiska nukliyeerka Iran loogu gudbiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo saacado ka hor lagu ansixiyey kulan ay Guddiga Maamulka ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ku yeesheen Vienna, ayaa si degdeg ah uga falcelisay dowladda Iran.
Mohammad Reza Aref, oo ah ku-xigeenka koowaad ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian, ayaa baraha bulshada uga fal-celiyay.
“Ansixinta qaraarka Guddiga Maamulka ee ka dhanka ah barnaamijka nukliyeerka nabadeed ee Iran, kaas oo ay soo jeediyeen dalalka haysta hubka atomikada, kuwii geystay qaraxyadii Hiroshima iyo kuwa jebiyey heshiiska JCPOA, waa astaan muujinaysa laba-wejiilenimada dunida.”
Waxa uu intaas ku daray:“Shacabka Iran waxay u taagan yihiin xuquuqdooda sharciyeed iyo istaraatiijiyadda isticmaalka tamarta nukliyeerka ee nabadeed.”
Ka hor inta aysan IAEA ansixin go’aankan, Iran ayaa ka digtay inay dib u eegis ku samayn karto iskaashigeeda hay’adda haddii kiiskeeda loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Madaxa Garoonka Imaam Khomeini oo sheegay in duullimaadyada caalamiga ah aysan hakad gelin
Ramin Kashifazar, oo ah madaxa shirkadda maamusha garoonka caalamiga ah ee Imaam Khomeini, ayaa beeniyay in duullimaadyada caalamiga ah la xaddidi doono ama la joojin doono, kaddib cunaqabateyntii cusub ee Maraykanku ku soo rogay dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee Iran.
Wareysi uu siiyay wakaaladda ILNA ayuu sheegay:“Hadda, dhammaan duullimaadyada ka socda garoonka Imaam Khomeini way shaqeynayaan, hawlaha duullimaadyaduna waxay u socdaan si caadi ah, ilaa hadda wax duullimaad ah lama baajin.”
Waxa uu intaas ku daray:“Ilaa hadda ma aanan helin wax waraaqo ama xiriir rasmi ah oo ku saabsan dhimista duullimaadyada caalamiga ah ama hoos u dhigista tiradooda, mana jirto dal nala soo xiriiray arrintan.”
Dowladda Maraykanka ayaa Talaadadii shalay ku dhawaaqday inay liiska cunaqabateynta ku dartay dhammaan shirkadaha diyaaradaha ee Iran ee aan horay cunaqabateyn loogu soo rogin.
Maraykanku wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaalladiisa lagu doonayo in Iran dhaqaale ahaan loo go'doomiyo.
Sida uu sheegay Maraykanku, 27 shirkadood oo diyaaradeed oo Iran ah ayaa cunaqabateyn lagu soo rogay, sidoo kale waxaa liiska lagu daray shirkado ku yaalla dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta, Turkiga, Malaysia iyo Kazakhstan.
IAEA oo Iran u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
Guddiga fulinta ee Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomikada (IAEA) ayaa ansixiyey qaraar lagu soo jeediyey in kiiska Iran loo gudbiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Falcelintii ugu horreysay ee Iran ka bixisay tallaabadan waxaa ka mid ahaa hadal uu Kazem Gharibabadi, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iran,
Waxaa uu ku qoray bartiisa X.“Waxay weeraraan xarumaha nukliyeerka Iran ee hoos yimaada heshiisyada ilaalinta, waxay carqaladeeyaan hannaanka caadiga ah ee xaqiijinta, ka dibna carqaladdaas ayay marmarsiiyo uga dhigtaan inay qaraar hor dhigaan Guddiga Maamulka. Weeraradan cirka ah, kama ay kabayaan fashilka siyaasadaha iyo tallaabooyinkiinna, mana waxba ka qaban kartaan Golaha Ammaanka.”
Tani waa markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo kiiska Iran loo gudbiyo Golaha Ammaanka, iyadoo lagu eedeynayo inay jebisay waajibaadkeeda ku aaddan ka hortagga faafitaanka hubka nukliyeerka.
Qaraarkan ayaa daba socda qaraar kale oo la ansixiyey 12-kii June ee sannadkii hore, maalin kaddib markii Israa’iil ay bilowday weerarradeeda ka dhanka ah xarumaha nukliyeerka Iran. Maraykanka ayaa sidoo kale intii uu socday dagaalkaas weeraray xarumaha nukliyeerka Iran.
BBC Persian ayaa horay u heshay nuqul qabyo ah oo qaraarka ah, kaas oo ay soo jeediyeen Maraykanka, Faransiiska, Britain iyo Jarmalka. Qaraarku wuxuu Iran ku eedeynayaa “inaysan u hoggaansamin” heshiiska ilaalinta ee hoos yimaada Heshiiska Caalamiga ah ee Ka-hortagga Faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT).
Wararka ayaa sheegaya in qaraarka lagu ansixiyey 23 cod oo taageersan, 3 cod oo diiddan iyo 8 xubnood oo ka aamusay codbixinta.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay inuu aaminsan yahay in dagaalka Iran uu dhammaan doono “isla marka ay doorashada Maraykanka soo dhammaato”.
Trump ayaa ula jeeday doorashada dhexe ee Maraykanka ee loo qorsheeyay inay dhacdo 3-da November.
Waxa uu sheegay in Iran “aysan mar dambe iska caabin karin”, isla markaana ay quus joogto.
Trump ayaa sidoo kale ku eedeeyay Iran inay isku dayayso inay saameyn ku yeelato doorashada Maraykanka, si loo doorto dad uu ku tilmaamay kuwa “daciif ah oo aan ku habboonayn xilka”, kuwaas oo Iran u oggolaan kara inay hesho hub nukliyeer ah.
“Waxa keliya ee ay doonayaan waa hub nukliyeer ah, haddii ay helaan hub nukliyeer ah, dunida oo dhan dhibaato weyn ayay ku jiri doontaa,” ayuu yiri Trump.
Waxa uu sheegay in wadahadallo ay dhici karaan, balse uu intaas ku daray: “Taasi ma aha waxa aan raadinayno.”
Trump ayaa hadalkiisa sidoo kale ku xusay in sagaal maraakibta qaada shidaalka oo Iran leedahay la quusiyay, isagoo yiri: “Weerarradaas annaga ayaa qaadnay.”
Albania oo isku badashay Turkiga cusub, maxaa laga doonayaa?
Tobanka noole ee ugu foosha xun adduunka oo qaarkood Soomaaliya laga helo
Ma aha dhammaan makhluuqaadku kuwo leh muuqaal qurux badan. Haddii aad ugu yeerto xayawaan foolxun ama makhluuq leh muuqaal aan caadi ahayn, haddana waxaa dunida ku nool noocyo badan oo duurjoog ah oo aad u xiiso badan.
Waxaa jira noocyo badan oo ku nool duurka, laga bilaabo kaymaha ilaa badaha, kuwaas oo leh muuqaal aan innaga bini'aadamku u arki karno mid aan caadi ahayn.
Dad badan waxaa soo jiita xayawaanka leh muuqaal u ek kan dhallaanka—ka fikir indho waaweyn, san yar, iyo wejiyo wareegsan. Sababtu waa in aynu si dabiici ah u daryeelno carruurteenna.
Laakiin doorbididdaas waxay saameyn ku leedahay sida aan u aragno xayawaanka. Xayawaanka aan loo arkin inay "qurux badan yihiin" inta badan lama siiyo dareen badan, mana helaan ilaalin ku filan.
Kuwaan waa xayawaannada loogu tixgeliyo kuwa ugu foolxun adduunka.
Xog cusub oo falanqeeyayaal Maraykanka ka sheegeen goob ku taalla Iiraan
Falanqeeyayaal Mareykan ah oo muddo lix sano ah daraasad ku
sameeyay sawirrada dayax-gacmeedka ayaa sheegay in goob nukliyeer oo
dhulka hoostiisa ah oo Iran ku taalla, lagana shakisan yahay, ay sanadkan si
weyn uga kordheen hawlaha dhismaha.
Goobta ku taalla Buurta Kalang waxay u dhowdahay Natanz,
halkaas oo sirdoonka reer Galbeedku ka shaki qabo in Iiraan ay ka dhisayso
xarun kobcinta uranium-ka ah oo aan la shaacin.
Falanqeeyayaashu waxay ogaadeen in la kordhiyay lana
adkeeyay marinnada laga galo goobta, laami lagu sameeyay shabakadda waddooyinka
gudaha, isla markaana la xoojiyay hareeraha meelaha laga galo.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka nukliyeerka
ayaa Tehran ka codsatay macluumaad ku saabsan goobta, balse sida muuqata
codsiyadaas jawaab logama siin.
Falanqeeyayaasha, oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka
Istiraatiijiyadda Caalamiga ah (CSIS), fadhigoodu
yahay Washington ayaa sheegay in dhismaha shubka ah ee si qoto dheer dhulka
loogu aasay uu adkaan doono in la burburiyo, xitaa haddii la adeegsado hubka
aan nukliyeerka ahayn ee ugu culus.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo sheegay war weyn oo ku saabsan Iiran
Xigashada Sawirka, X Netanyahu
Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isagoo
booqanayay gobolka Jabal al-Sheikh ee Suuriya oo ay Israa’iil gacanta
ku hayso, ayaa sheegay in “ridista nidaamka Iran” ay aad ugu
dhowdahay.
Kadib dhicitaankii xukuumaddii Bashar al-Assad,
Israa’iil waxay qabsatay gobolka buuraleyda ah ee Jabal al-Sheikh ee Suuriya.
“Weli waxaa jira shaqo badan oo la qabanayo, laakiin hawsha
ugu weyn waa in la rido nidaamka argagixisada ee Iran. Aad ayaan ugu dhow nahay
inaan gaarno hadafkan. Waxaan ognahay in ugu dambayn uu burburi doono dhammaan
dhidibka [iska-caabbinta],” ayuu Netanyahu ku sheegay muuqaal uu ka soo diray
gobolka.
Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sidoo
kale Netanyahu ku wehelinayay booqashadan.