Saddexda cunto ee xanuunka ama dhimashada kuu horseedi karo
Cuntada inta badan waxa dhibaato ah ma keento laakiin mararka qaarkood waxaa dhacda in cunnooyinka qaar ay sababaan xanuun ama xitaa dhimasho. Haddaba waa kuwee cuntooyinkaas?
1. Kalluunka xeydha leh
Kalluunkan loo garanayo Puffer fish waa dilaa.
Waxa ku jira tetrodotoxin oo ah walax sun ah oo laga baqo sida degdegga ah ee ay ku fiddo iyo saamaynteeda waxaana la qabaa in ay xataa ka halis badan tahay maadada cyanide.
Hase yeesee halistaa oo jirta ayaa hadana kaluunkan yahay cuntooyinka ugu qaalisan wadamada qaar.
Japan, fugu (waa magaca cuntada laga sameeyo kalluunkan) ayaa had iyo jeer qaydhiin lagu cunaa ama maraq baa lagu daraa.
Dadka cuntada kariya, tababar dheer oo dhawr sano ah ayaa la siiyaa inta aan loo fasaxin in ay kalluunkaa kariyaan oo dadka siiyaan.
Muhiimaddu waxa weeyi in inta aan dadka la siin laga saaro xubnaha suntan ah oo ay ka mid yihiin maskaxda, haragga, indhaha, ilmo galeenka, beerka iyo mindhicirka.
2: Digirta cas iyo soybeans
Badanaa waxa la isku waafaqsan yahay in digirtu tahay cunto u fiican caafimaadka laakiin waxa jira noocyada qaar oo hadii aan si hagaagsan loo diyaarin lagu xanuunsan karo.




