Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, UK oo ku dhawaaqday tallaabo ay qaadayso

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ed Miliband UK, ayaa sheegay in ay mamnuuci doonto soo dejinta badeecadaha laga keeno deegaannada ay Israa’iil ka dhistay Daanta Galbeed, oo ah dhul si sharci-darro ah loo qabsaday, ayuu ku dhawaaqay Ed Miliband isagoo ka hadlayay Aqalka Baarlamaanka.

  2. War deg deg ah, Xoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska oo war cusub soo saaray isagoo hadda ka hor hadlayey barlamaanka

    Ed Miliband
    Qoraalka sawirka, Ed Miliband

    Ed Miliband ayaa khudbaddiisa ku bilaabay isagoo sheegay inuu yahay “Yuhuudi Ingiriis ah oo ku faana aqoonsigiisa”, wuxuuna xusuustay xusuuso carruurnimo oo “farxad leh” oo uu ku tilmaamay markii uu liin macaan ka gurayay kibbutz ay leeyihiin ilma-adeeradiis.

    Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa sheegay in sheekadiisa gaarka ah, iyo sidoo kale sheekooyinka kumannaan Yuhuudda British-ka ah, ay fariin u yihiin dadka su’aal geliya xaqa ay Israa’iil u leedahay inay jirto. Wuxuu intaas ku daray: “Waad qaldan tihiin, waana idinla xisaabtami doonnaa.”

    Wuxuu sheegay in weerarradii 7-da Oktoobar ay si cad u muujiyeen khataraha waaweyn ee Israa’iil wajahdo. Wuxuu intaas ku daray in Boqortooyada Midowday ay cunaqabatayn ku soo rogayso garabka maalgelinta ee Xisbullah ee Lubnaan, Al-Qard al-Hassan.

    Miliband wuxuu sidoo kale sheegay in Boqortooyada Midowday ay dib u soo celinayso cunaqabatayno dhaqaale oo waaweyn oo ka dhan ah Iiraan, taas oo waafaqsan tallaabooyinka Midowga Yurub iyo Maraykanka.

  3. Wasiirka amniga Israa’iil oo war cusub ka soo saarey tallaabooyinka UK laga filayo

    Wasiirka amniga Israa'iil, Itamar Ben-Gvir
    Qoraalka sawirka, Wasiirka amniga Israa'iil, Itamar Ben-Gvir

    Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil ayaa ugu baaqay Benjamin Netanyahu inuu “xiro qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus.”

    Itamar Ben-Gvir ayaa qoraal uu ku daabacay X ku sheegay in qunsuliyaddu ay “si cad ugu shaqeyso magaca Maamulka Falastiin.”

    “Tani waa inay noqotaa jawaabta go’aanka adag ee Israa’iil ka bixineyso dhiirranaanta Britain,” ayuu intaas ku daray.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Xuutiyiinta Yemen oo shaaciyey weeraro ay ku qaadeen goobo ku yaalla Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay inay tobannaan diyaaradood oo aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku weerareen bartilmaameedyo dhaqaale iyo milatari oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, iyagoo sheegay inay tani jawaab u tahay in ka badan 120 weerar oo Sacuudiya ay Yemen ku qaaday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.

    “Ciidamada qalabka sida ee Yemen waxay fuliyeen hawlgal milatari oo ballaaran oo masaafo dheer ah, iyagoo adeegsanaya tobannaan gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn,” ayuu yiri Yahya Saree, oo ah afhayeenka milatari ee Xuutiyiinta.

    Waxaan hore u soo sheegnay in isbahaysiga milatari ee Yemen uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya uu sheegay in ugu yaraan 73 qof ay ku dhaawacmeen weerarro ay Xuutiyiinta oo Iran taageerto ku qaadeen Sacuudi Carabiya.

    Isbahaysiga ayaa sheegay inuu weerarradaas si adag uga jawaabi doono.

    Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya meelaha ugu dadka badan Yemen iyo inta badan waqooyiga dalka, ayaa weerarro ku qaaday Sacuudi Carabiya, sidoo kalena bartilmaameedsaday maraakiibteeda ku sugan Badda Cas, tan iyo markii ay bishii Luulyo ku dhawaaqeen xannibaad dhinaca badda ah oo ka dhan ah dalkaas.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Sida maskaxda duqsigu u sharxi karo hab-dhaqanka aadanaha

  6. Jeneraal Iiraani ah oo sheegay in Maraykanku helay digniino ah gantaallada cusub ee Iiran

    Jeneral Mohsen Rezaei
    Qoraalka sawirka, Jeneral Mohsen Rezaei

    Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran ayaa sheegay in Maraykanku maalmihii u dambeeyay helay “digniin cad oo ku saabsan gantaallo cusub oo Iran leedahay.”

    Sarreeye Gaas Mohsen Rezaei ayaa farriin uu ku qoray bartiisa X, ku sheegay “Dagaalka dhaqaale waxaa looga jawaabi doonaa iyadoo laga sameynayo guud ahaan Gacanka Faaris ilaa aagga xannibaadda, aag badeed oo aan la geli karin.”

    Mudane Rezaei wuxuu sheegay: “Qaabka hawlgalka ee lagaga hortagayo maraakiibta Maraykanka iyo saldhigyada milatari si aasaasi ah ayaa dib loogu habeeyay.”

    Maalmihii la soo dhaafay, saraakiisha Iran waxay sheegteen inay awood u yeesheen inay laba markab oo dagaal oo Maraykan ah ku weeraraan Gacanka Faaris, iyagoo adeegsanaya hubka lidka maraakiibta.

    Rezaei ayaa shalay sheegay: “Markii ugu horreysay, waxaan tijaabinay gantaal Iran leedahay oo burburiya maraakiibta dagaalka, kaas oo lagu riday markab Maraykan ah. Gantaalkan gaarka ah wuxuu Maraykanka geliyay xaalad jahawareer iyo cabsi ah, wayna carareen.”

    Dhawaan, Majid Ibn-e-Reza, oo ah wasiirka ku-meelgaarka ah ee Difaaca Iran, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalkaasi ay awood u leeyihiin inay bartilmaameedsadaan maraakiibta dagaalka ee Maraykanka.

    Laba maalmood ka hor, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa si dadban u tilmaamay weerarka lagu qaaday laba ka mid ah maraakiibtiisa, iyagoo qoraal ay soo dhigeen X, ku sheegeeni: “Farriinta aan u dirayno Ilaalada Kacaanka waa cad tahay: haddii aad rasaas ku furtaan laba ka mid ah maraakiibteena, waxaana burburin doonaa saddex ka mid ah maraakiibtiinna.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Maxay bakteeriyada wanaagsan ee afku muhiim ugu tahay caafimaadkaaga? Maxaad cuni kartaa si aad u ilaaliso?

  8. Labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda F-16

    F-16
    Qoraalka sawirka, F-16

    Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.

    Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.

    Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.

    Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.

    ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.

    Waxaa lagu sheegay warkaas in saanadda ay ka mid ahayd, afar diyaaradda dagaalka ee F-16.

    Waddanka kale ee Afrikaanka ah ee la aaminsan yahay in uu haysto diyaaradda F-16 ayaa ah dalka Morocco, kaas oo heshiis hub la galay dalka Maraykanka.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters sanadkii 2007 dii, dowladdii madaxweyne Bush ayaa waxay heshiis la gashay dowladda Morocco, kaa oo ay ka iibsiay 24 diyaaradaha F-16, oo qiimahoodu ku kacayay $2.4 billion oo doolarka Maraykanka ah.

    Sidoo kale 2019 kii ayaa mar kale Morocco waxay heshiis diyaarado iibsi ah la gashay dowladda Maraykanka, kaa oo ay doonaysay in ay ku iibsato diyaarado cusub oo F-16 ah, iyo sidoo kale in loo dayactiro kuwii ay horay uga iibsatay Maraykanka.

    heshiiskaas ayaa ku kacayay ku dhawaad $4 billion oo doolarka Maraykanka ah.

    Inta la ogyahay labadaan waddan ayaa Afrika oo idil ka haysta diyaaradaha dagaalka ee F-16.

  9. Kenya oo cafis ku-meel-gaar ah u fidisay muwaadiniinta Bariga Afrika ee aan haysan aqoonsi sharci ah

    Ruto
    Qoraalka sawirka, Ruto

    Dowladda Kenya ayaa si ku meel gaar ah cafis ugu fidisay muwaadiniinta Bariga Afrika ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, kaddib markii boqolaal muwaadiniinta Burundi ah ay Isniintii ku qulquleen Safaaradda Burundi ee magaalada Nairobi, iyagoo raadinaya dukumentiyada safarka, kana cabsi qaba in dalka laga saaro kaddib tallaabooyin ka dhan ah ganacsatada ajaanibta ah.

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa toddobaadkii hore amray in la xiro dhammaan ganacsiyada yaryar ee ay leeyihiin ama ay maamulaan ajaanibta laga bilaabo Isniinta shalay ahayd, kaddib markii uu la kulmay ganacsatada Kenya ee ka cabanayay wax-ka-beddellada canshuuraha.

    Wasaaradda Ganacsiga Kenya ayaa markii dambe caddeysay in amarku khuseeyo ajaanibta ka ganacsada dalka ee aan heysan ruqsadaha shaqo ee looga baahan yahay.

    Tallaabadan ayaa Isniintii ka dhalisay jahawareer bannaanka Safaaradda Burundi, iyadoo qaar ka mid ah reer Burundi ay sheegeen in deriskoodu ay u hanjabeen tan iyo markii Madaxweyne Ruto uu hadalkaas jeediyay.

    Si kastaba ha ahaatee, Isniintii magaalada Nairobi laguma arag wax astaamo ah oo muujinaya hawlgal ganacsatadaas looga saarayo dalka.

    Markii dambe, afhayeenka dowladda Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Kenya ay leedahay siyaasad aan loo dulqaadanayn nooc kasta oo tacaddi, hanjabaad ama takoorid ah oo ka dhan ah ajaanibta.

    Dowladdu sidoo kale waxay ugu baaqday muwaadiniinta Bariga Afrika ee aan haysan dukumentiyo sharci ah, gaar ahaan Burundi, inay si rasmi ah isaga diiwaangeliyaan safaaradahooda.

    Sidoo kale akhri:

  10. Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?

  11. 10-ka dal ee ugu qanisan qaaradda Afrika

    Qaaradda Afrika ayaa lagu tilmaamaa iney tahay tan ugu faqiirsan dunida, iyada oo faqiirnimada qaaradda loo sababeeyo dhaqaala aan xasilooneyn, amni la’aan, musuqmaasuq, dagaallo sokeeye iyo falalka argagixisada ee qaaradda ka dhaca.

    Haddaba hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka warbixin ay si wadajir ah u soo saareen dabayaaqada 2021-ka waxay ku shaaciyeen 10-ka dal ee qaaraddan Afrika ugu qanisan.

    Masar: Dalka Masar ayaa noqday waddanka koobaad ee qaaradda Africa oo kobaca dhaqaalaha (GDP) kaalintaa koobaad ka galay sida warbixinta lagu shaaciyey.

    Dalka Masar waxsoo saarkiisa sanadkii wuxuu ka helaa dakhli dhan $1.38 trillion oo doolar.

    Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 102 malyan oo qof, dhaqaalaha dalkaasina wuxuu ku tiirsan yahay beeraha, macdanta iyo dalxiiska.

    Nigeria: Dalka Nigeria oo kaalinta labaad ka galay waddamada ugu qanisan qaaraddan Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadkii gaaraya $1.14 trillion oo doolar.

    Dalka Nigeria oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 206.1 malyan oo qof kaasoo ka dhigaya dalka ugu dadka badan qarradda. Dhaqaalaha dalka Nigeria wuxuu ku tiirsan yahay Saliidda iyo Beeraha.

    South Africa: Dalka Koonfur Afrika oo waddamada ugu qanisan qaaradda Afrika kalinta seddexaad ugu jira kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadkii gaaraya $861.93 balyan oo doolar.

    Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 59,899,576, dhaqaalahiisu wuxuu ku tiirsan yahay macdanta gaar ahaanna dahabka iyo kheyraad kale oo dabiici ah.

    Algeria: Algeria oo ah dalka seddexaad ugu qanisan qaaradda Afrika kobaca dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $532.57 balyan oo doolar.

    Dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 44,911,520 dhaqaalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay Saliidda iyo Gaaska dabiiciga uu dibadda u dhoofiyo.

    Ethiopia: Dalka Ethiopia oo ku yaalla bariga Afrika kaalinta lixaadna kaga jira waddamada ugu qanisan waddamada qaaradda Afrika dhaqaalaha dalkaasi (GDP) ayaa sanadki gaaraya $298.57 balyan oo doolar.

    Dalka Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 115 malyan oo qof dhaqalahiisa wuxuu ku tiirsan yahay waxsoosaarka Beeraha.

  12. Muwaadiniinta u dhashay Burundi oo durbaba bilaabay inay ka baxaan Kenya

    Muwaadiniinta Burundi
    Qoraalka sawirka, Muwaadiniinta Burundi

    Boqolaal muwaadiniin ah oo u dhashay dalka Burundi oo ku sugan Kenya ayaa ku howlan sidii ay u heli lahaayeen dukumentiyada safarka si ay dalka uga baxaan, ka hor inta aan la bilaabin howlgallo ka dhan ah ganacsatada yaryar ee aan haysan sharciyada.

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa Isniintii u qabtay dadka ajaanibta ah ee leh ganacsiyada yaryar inay joojiyaan shaqada, kaddib markii Wasaaradda Ganacsigu sheegtay in qaar ka mid ah ay si khaldan uga faa’iideysteen xeerarka fiisaha si ay uga shaqeeyaan Kenya iyaga oo aan haysan rukhsadaha loo baahan yahay.

    Safaf dhaadheer ayaa lagu arkay bannaanka safaaradda Burundi ee caasimadda Nairobi, kaddib markii safaaraddu sheegtay inay muwaadiniinta doonaya inay dalkooda ku laabtaan siin doonto dukumentiyo safar oo degdeg ah oo bilaash ah. Qaar kale ayaa ku howlan inay iibsadaan tigidhada basaska.

    Kenya waxaa ku nool boqolaal kun oo muhaajiriin ah oo ka kala yimid dalalka Bariga Afrika, kuwaas oo u yimid inay raadsadaan shaqo iyo fursado ganacsi.

    Wasaaradda Ganacsiga Kenya ayaa sheegtay inay jireen “si ula kac ah oo khaldan loo adeegsaday codsiyada fiisaha”, iyadoo qaar ka mid ah dadka soo booqday dalka ay ku yimaadeen iyagoo sheegtay inay yihiin maalgashadayaal ama dalxiisayaal, balse markii dambe ku lug yeeshay dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo ka hor imanaya ujeeddadii ay ku sheegeen fiisahooda.

    Sida laga soo xigtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Kenya waxaa ku sugan ku dhawaad 16,000 qof oo Burundi ah oo ah qaxooti iyo magangalyo-doon.

    Lama oga tirada dadkaas ku lug leh ganacsiyada yaryar ama inta ka mid ah ee uu saameyn doono ololaha dowladda.

    Burundianka ayaa la arkayay iyagoo sita dhammaan alaabtooda sida shandado iyo furaashyo, iyagoo isku dayaya inay dalka ka baxaan ka hor inta uusan bilaaban howlgalku. Hase yeeshee, qaar ka mid ah waxay sheegeen inaysan awoodin kharashka safarka, waxayna dowladda Kenya ka codsadeen inay kordhiso muddada kama dambaysta ah ee loo qabtay.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aan la soo saarin wax amar ah oo ajaanibta dalka ku sugan loogu sheegayo inay Kenya ka baxaan, kaddib dood ka dhalatay hadallo uu Madaxweyne William Ruto ka sheegay ka qaybgalka ajaanibta ee ganacsiyada yaryar.

    Sidoo kale akhri:

  13. Dawladda UK oo maanta la filayo inay ku dhawaaqdo tallaabo ka dhan ah israa'iil iyo Israa'iil oo ka digtay

  14. Wafdi diblomaasiyadeed oo Qatar ka socda oo gaaray Tehran

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmail Baghaei, ayaa xaqiijiyay in wafdi diblomaasiyadeed oo Qatar ah uu gaaray magaalada Tehran, si uu wada-hadallo ula yeesho mas’uuliyiinta Iran.

    Baghaei ayaa Isniintii sheegay in wafdigu uu la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi.

    Afhayeenka ayaa sheegay in ujeeddada booqashada wafdiga Qatar ay tahay “sii wadidda dadaallada lagu yareynayo xiisadda ka taagan gobolka.”

  15. Wasaaradda Difaaca Iran: Waxaan awood u leenahay inaan beegsanno maraakiibta Mareykanka

    Maalmihii lasoo dhaafay, mas’uuliyiin Iranian ah ayaa sheegay in ciidamada dalkoodu ay adeegsadeen hubka lidka maraakiibta, ayna ku weerareen laba markab oo Mareykan ah oo ku sugnaa Gacanka Faaris.

    Shalay, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegay in 48-kii saacadood ee ka horreeyay ay ciidamada Iran markii ugu horreysay tijaabiyeen gantaal Iran ay samaysay oo lidka maraakiibta, kaas oo lagu adeegsaday markab Mareykan ah.

    “Gantaalkan wuxuu Mareykanka ku abuuray cadaab, wayna carareen,” ayuu yiri Rezaei.

    Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) si toos ah ugama jawaabin sheegashada Iran, balse qoraal uu shalay ku daabacay barta X ayuu si dadban ugu tixraacay weerarka lagu sheegay in lagu qaaday laba markab oo Mareykan ah.

    CENTCOM ayaa tiri: “Farriinta aan u dirayno Ilaalada Kacaanka waa cadahay: haddii aad rasaas ku riddaan laba ka mid ah maraakiibteenna, waxaan idin saari doonnaa culeys dhaqaale oo aad uga weyn, waxaana burburin doonnaa saddex ka mid ah maraakiibtiinna.”

    Waxay intaas ku dartay: “Ma ka labalabeyn doonno difaaca ciidamada Mareykanka, haddii loo baahdana waxaan burburin doonnaa maraakiibta shidaalka ee Iran oo xaddidan isla markaana nugul

  16. Kenya oo ka hadashay howlgallada ka dhanka ah ajaaniibta aan shariga haysan ee dalka ku sugan

  17. Xiriirka Kubadda Cagta Iran oo afar bilood garoomada ka mamnuucay ciyaaryahan caan ah

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Guddiga Anshaxa ee Xiriirka Kubadda Cagta Iran ayaa afar bilood ka mamnuucay garoomada Khodadad Azizi, oo ah maamulaha kooxda Tractor, kaddib markii lagu helay inuu aflagaadeeyay isla markaana ereyo anshax-xumo ah u adeegsaday Omid Alishah.

    Azizi, oo hore uga tirsanaa xulka qaranka Iran, ayaa sidoo kale lagu xukumay ganaax dhan laba bilyan oo oo lacagta Iran ah.

    Guddiga Anshaxa ayaa sidoo kale Omid Alishah, oo u ciyaara kooxda Gol Gohar, ku ganaaxay 500 milyan oo lacagta Iran ah, waxaana laga mamnuucay inuu ciyaaro afar kulan.

    Dhacdadan ayaa bilaabatay kaddib ciyaartii toddobaadkii hore dhex martay Gol Gohar iyo Tractor oo ka dhacday magaalada Tabriz. Waxaa baraha internet-ka lagu faafiyay cod laga maqlayay Khodadad Azizi oo adeegsanaya erayo aflagaado iyo anshax-xumo ah oo uu kula hadlayay Omid Alishah.

    Faafitaanka codka ayaa si weyn uga dhex abuuray muran cusub kubadda cagta Iran. Warbaahinta, tababarayaasha iyo shaqsiyaad caan ah oo kubadda cagta Iran ah ayaa cambaareeyay dhacdada, iyaga oo ku baaqay in tallaabo laga qaado.

    Ciyaartaas, Tractor ayaa 1-0 kaga adkaatay Gol Gohar, waxaana goolka u dhaliyay Amir Hossein Hosseinzadeh.

  18. Iran: Maxbuus siyaasadeed oo sheegay xaalado adag oo ka jira xabsiga Damghan

    Shahriar Shams, oo ah maxbuus ku jira xabsiga Damghan ee Iran, ayaa cod uu duubay kaga hadlay xaaladda maxaabiista siyaasadeed iyo xaaladaha adag ee ka jira xabsiga magaaladaas.

    Shahriar Shams, oo hore looga cayriyay Jaamacadda Azad ee Waqooyiga Tehran, ayaa ciidamada ammaanku ka xireen guriga qoyskiisa Isniintii, 9-kii Agoosto ee sanadkan.

    Maxbuuskan siyaasadeed ayaa sheegay in qolkiisa ay ku jiraan ku dhowaad 50 maxbuus, kuwaas oo 22 ilaa 23 ka mid ah ay yihiin maxaabiis siyaasadeed oo eedeysan ama xukuman, halka inta kale lagu soo oogay dambiyo kale. Wuxuu sheegay in maxaabiista aan loo kala soocin nooca dambiyada.

    Sida uu sheegay Shahriar Shams, inta badan maxaabiista siyaasadeed ee ku jirta xabsiga Damghan ayaa ah dad lagu xiray mudaharaadyadii Janaayo, kuwaas oo uu sheegay in markii la xiray, lagu soo oogay dacwado, kadibna mar kale la caburiyay, iyadoo hadda qaarkood yihiin eedeysanayaal halka kuwo kalena ay xukuman yihiin.

    Intii ay socdeen mudaharaadyadii Janaayo, magaalada Damghan waxaa ka dhacay dibadbaxyo, balse dowladda Iran weli si rasmi ah uma aysan shaacin tirada dadka lagu xiray magaalada. Sidoo kale, xogta laga hayo xaaladda xabsiga Damghan waa mid kooban.

    Shahriar Shams ayaa sheegay in dhammaan maxaabiista “ay garaaceen oo jirdileen ilaalada xabsiga, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Wasaaradda Sirdoonka,” ilaa heer dhaawacyo iyo nabarro muuqda ay kaga yaalleen jirka iyo wejiyada.

  19. Itoobiya oo cafis ku sii daynaysa 487 maxbuus

    Bajaaj
    Qoraalka sawirka, Bajaaj

    Gobolka Bartamaha Itoobiya ayaa cafis ku sii deynaya 487 maxbuus, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

    Dabaaldegga Sannadka Cusub ee Itoobiya 2019 ayaa Jimcaha la xusay.

    Dadka la cafiyay ayaa ah maxaabiis xukuno lagu riday oo ku jira xarumaha dhaqan-celinta iyo xabsiyada.

    Sida ay sheegtay FBC, maxaabiista la sii daayay waxaa ka mid ah kuwa muujiyay dhaqan wanaagsan, ka qoomameeyay dambiyadii ay galeen, isla markaana dib-u-heshiisiin la sameeyay dadkii ay waxyeelleeyeen.

    Itoobiya ayaa caadiyan cafis u fidisa maxaabiista xilliyada Sannadka Cusub iyo munaasabadaha ciidaha qaarkood.

  20. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo la hadlay xoghayaha cusub ee Ururka Iskaashiga Islaamka

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ismail Ould Cheikh Axmed, oo ah xoghayaha cusub ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

    Wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa sheegtay in intii ay socday wada hadalka, Araqchi uu ka codsaday Sheekh Axmed inuu ku dhiirrigeliyo dalalka xubnaha ka ah ururka inay muujiyaan waxa uu ku tilmaamay “jawaab mas’uuliyad leh” oo ku aaddan waxa Iran ku sheegtay “xadgudubka madaxbannaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed”, iyo inay ka hortagaan adeegsiga xoogga iyo gardarrada.

    Weeraradii Iran ay ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla dalalka koonfureed ee Gacanka Faaris ayaa si weyn u saameeyay xiriirka Tehran ay la leedahay dalalka Islaamka.

    Si kastaba ha ahaatee, xiriirrada diblomaasiyadeed ee Iran iyo dalalkan weli ma go’in, waxaana xitaa sii socday socdaallada wafdiyada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iran, Qatar iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo waday wadatashiyo.