Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. "Marka maqalku lumo, dib uma soo noqdo." Waxyaabahan samee si aad uga badbaado in aad dhego-beesho

  2. Shuruudda uu Trump lu xiray heshiiska nukliyeerka Sacuudiga

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Heshiiska u dhexeeya Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ee lagu taageerayo boqortooyada Khaliijka inay horumariso tamarta nukliyeerka ayaa ku xiran in Riyadh ay aqoonsato Dowladda Israa'iil, sida uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

    Qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social, Trump ayaa yiri:"Heshiiska Nukliyeerka Rayidka ah ma jiri doonto kobcin walxo nukliyeer ah, kaas oo ku kooban isticmaalka aan militari ahayn, waa la ansixin doonaa, balse wuxuu si buuxda ugu xiran yahay in Sacuudigu ku biiro Heshiisyada Abraham."

    Hadallada Trump ayaa yimid kaddib markii khubaro ay dhaliileen heshiiska Maraykanka iyo Sacuudi Carabiya ee lagu dhawaaqay Arbacadii, iyagoo ka digay in heshiiskaasi uu keeni karo halis ah in tiknoolajiyadda ama agabka hubka nukliyeerka uu mustaqbalka ku faafo gobolka oo horeba u ahaa mid aan xasilloonayn.

    Qaar ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga ayaa iyaguna muujiyay walaacyo la mid ah. Si kastaba ha ahaatee, Xisbiga Jamhuuriga ee Trump ayaa gacanta ku haya labada aqal ee Kongareeska, waxaana u muuqata in kuwa ka soo horjeeda heshiiska aysan haysan codadka ku filan ee lagu hor istaagi karo.

    Hadalka Trump ayaa yimid kadib markii khubaro ay ka digeen in heshiiskan uu kordhin karo halista faafitaanka hubka nukliyeerka ee gobolka Bariga Dhexe oo horeyba u ahaa mid aan xasilloonayn.

    Arrinta nukliyeerka ayaa sidoo kale ahayd qodobka ugu weyn ee khilaafka muddada dheer u dhexeeyay Maraykanka, Israa'iil iyo Iran.

    Sannadkii 2020, Trump ayaa dhexdhexaadiyay Heshiiska Abraham, kuwaas oo horseeday in Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ay caadiyeeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed ee Israa'iil.

    Kadibna Suudaan iyo Morooko ayaa iyaguna caadiyeeyay xiriirka ay la leeyihiin Israa'iil.

    Heshiiska ayaa loo gudbin doonaa Kongareeska Maraykanka si uu dib ugu eego oo u qiimeeyo.

    Sidoo kale akhri

  3. Habeenkii yaabka lahaa ee Osama Bin Laden cashada soo doontay isaga oo aan la filayn

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Maxaa dhici kara marka martida lama filaanka ah ee cashadaada uu noqdo ninka adduunka oo dhan loogu doonis badan yahay? Muddo kadib dhimashadii Osma Bin Laden laba nin ayaa ka sheekeynaya sidii ay casho ugu casuumeen, hugaamiyihii al Qaacida ee xilligaas.

    Xilli dambe, habeen xagaa ah sanadkii 2010 kii, afaafka hore ee gobolka Waziristan ee wuqooyi-galbeed dalka Pakistan, lix nin oo odayaasha dhaqanka qoys halkaas dagan ahaa ayaa cabaar iyagu oo dareen qaba sugay imaanshaha martidoodii oo aysan markaas garanayn cidda uu yahay.

    Todobaad ka hor ayaa loo sheegay inuu u imaan doono qof loogu sheegay oo kaliya ‘inuu muhiim yahay’. Looma sheegin wax magac ah, iyo waqtiga saxda ah ee u umaanayo, balse waxaa loo sheegay oo kaliya saacada uu ku soo beegmi karo.

    Qiyaastii 11 kii habeenimo, markii dadkii aagaas joogay oo dhan ay gam’een, ayay maqleen shanqarta gaari dhankooda u soo socda.

    “Xayn gaawirida nuuca Jeepta ah ee taayirada waawayn ayaa ku soo baakintay guriga agtiisa”, ayuu yiri mid kamid ah odayadii qoyska oo arrintaan ka sheekeeyay. “Waxay u muuqdeen inay jihooyin kala duwan ka yimaadeen.”

    Mid kamid ah gawaaridii ayaa aad ugu soo dhawaaday barsadda guriga, waxaana kuraasta dambe ka soo dagay nin dheer oo muuqaal tabar daran leh. Wuxuu xirnaa qamiis dheer iyo cimaamad cad.

    Ragii meesha taagnaa ee wax sugayay waxay arkeen wax ay aamini waayeen. Waxaaba hortooda taagan cid kale maahan, waa Osama Bin laden, ninkii loogu doonis badnaa dunida oo dhan.

  4. Fabian iyo Gavi oo abaalmarin cajiib ah la siiyay kadib guushii Koobka Adduunka

    Fabian iyo Gavi ayaa ka soo jeeda hal magaalo

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Fabian iyo Gavi ayaa ka soo jeeda hal magaalo

    Ku guuleysiga Koobka Adduunka wuxuu ciyaartoyda u keenaa abaalmarinno badan, balse in lagu siiyo yaanyo qiyaasta miisaanka jirkaaga, waa mid ka mid ah abaalmarinnada ugu yaabka badan.

    Hadaba waa abaalmarinta la siiyay khadka dhexe ee xulka Spain, Fabián Ruiz iyo Gavi, markii ay dib ugu soo laabteen magaaladoodii ay ku dhasheen kadib markii ay ka mid ahaayeen xulkii Spain ee ku guuleystay Koobka Adduunka ee lagu qabtay Waqooyiga Ameerika.

    Labadan ciyaaryahan waxay ka soo jeedaan Los Palacios y Villafranca, oo ah magaalo ku taalla koonfurta Seville, isla markaana ay ku nool yihiin wax ka yar 40,000 oo qof. Waxay halkaas ku laabteen Arbacadii si loogu sameeyo soo dhoweyn rasmi ah oo ka dhacday xarunta dowladda hoose.

    Ruiz, oo u ciyaara Paris Saint-Germain isla markaana ka tirsanaa safkii ku bilowday finalkii ay la ciyaareen Argentina, iyo Gavi oo u ciyaara Barcelona, waxay xirnaayeen billadihii dahabka ahaa iyagoo ay soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta magaalada iyo dadweyne aad u fara badan.

    Iyadoo lagu maamuusayay guushooda, labadoodaba waxaa la saaray miisaan si loo ogaado inta kiilo ee yaanyo ah ee la siin karo.

    Fabián Ruiz wuxuu miisaankiisu noqday 85 kiiloogaraam, waxaana uu helay 85 kiilo oo yaanyo ah, halka Gavi la siiyay 68.5 kiiloogaraam oo yaanyo ah.

    Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in dhaqankan uu noqday astaan lagu maamuuso ciyaartoyda waaweyn ee degmadaas ka soo jeeda.

    Waxaa sidoo kale xafladda ka qeyb galay ciyaaryahankii hore ee garabka uga ciyaari jiray Spain, Jesús Navas, oo ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Los Palacios y Villafranca ee ku guuleysta Koobka Adduunka, taas oo dhacday sannadkii 2010-kii.

    Navas, oo hore ugu soo ciyaaray Manchester City, iyo Ruiz ayaa sidoo kalelagu abaalmariyay yaanyo markii Spain ay ku guuleysatay Euro 2024-kii.

    Hoolka ciyaaraha ee magaalada waxaa horey loogu bixiyay magaca Jesús Navas, halka hadda garoomo kubadda cagta ah loogu magac-dari doono Fabián Ruiz iyo Gavi, si loogu maamuuso guulahooda.

    Bayaan ka soo baxay golaha deegaanka ayaa lagu yiri:

    "Intaa waxaa dheer, dowladda hoose waxay dhiirrigelin doontaa dhismaha taallo loo hibeeyo saddexda horyaal ee ka soo jeeda Los Palacios."

    Waxay sidoo kale sheegeen:

    "Sidan ayay dowladda hoose u dooneysaa inay xushmad joogto ah u muujiso saddexdan ciyaaryahan oo ay magaalada oo dhan ku faanto.

    Sidoo kale akhri

  5. Hubka Marinka Hormuz, caqabadda haysata Tehran iyo doorka Ilaalada Kacaanka

  6. Mid ka mid ah ilaalada madaxwayne ku xigeenka Mareykanka oo shaqada laga joojiya

    Madaxweyne Ku-xigeenka J.D.

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Ku-xigeenka J.D.

    Hay’adda ilaalada gaarka ah ee madaxda Maeykanka ee Secret Service ayaa sheegtay in mid ka mid ah xubnaha ilaalada Madaxweyne Ku-xigeenka J.D. Vance shaqada laga joojiyay, islamarkaana uu wajahayo baaritaan kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay xog xasaasi ah.

    Faahfaahin ku saabsan xogta la sheegay in la dusiyay lama shaacin. Si kastaba ha ahaatee, afhayeenka Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa sheegay in sarkaalku wajahayo suurtagalnimada baaritaan dambiyeed oo la xiriira jebinta xeerka amniga hawlgallada iyo ilaalinta xogta.

    Wuxuu yiri:"Dhaqan kasta oo halis gelin kara badbaadada qofka la ilaalinayo lama aqbali doono."

    Aqalka Cad ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo baaritaanka socda.

    Dhanka kale, warbaahinta MS Now ayaa toddobaadkii hore, iyadoo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, sheegtay in qaar ka mid ah ilaalada J.D. Vance ay ka cawdeen safarrada qoyskiisa.

    Sidoo kale, CNN ayaa sheegtay in shaqada laga joojiyay sarkaalkan ay la xiriirto warbixintaas.

    Sida ay sheegtay MS Now, qaar ka mid ah ilaalada ayaa doodo gudaha ah ku muujiyay sida aysan ugu qanacsanayn qaar ka mid ah qorshayaasha safarrada qoyska J.D. Vance, oo ay ku jiraan qorshe lagu doonayay in diyaarad helicopter oo militari lagu geeyo wiilka yar ee Madaxweyne Ku-xigeenka si uu ugu tago tababarka ciyaarta golf-ka, iyo sidoo kale safarro ay qoysku ku raadinayeen guri cusub oo ku yaalla agagaarka magaalada Washington, D.C.

    BBC ayaa sheegtay in aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin karin wararkaasi.

    Sidoo kale akhri

  7. Dalalka Carabta oo Cambaareeyay Gelitaanka Wasiir Israa’iili ah Masaajidka Al-Aqsa

    Wasiirka ayaa galay masjidka barakeysan Al-aqsa Ben Gvir

    Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

    Qoraalka sawirka, Wasiirka ayaa galay masjidka barakeysan Al-aqsa Ben Gvir

    Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Isutagga Imaaraadka Carabta, Urdun, Masar, Qatar, Turkiga, Pakistan, iyo Indonesia ayaa soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareeyeen gelitaanka Itamar Ben Gvir, Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, iyo boqolaal dada deegaanka Israa’iili ah gudaha xarunta Masjidka Al-Aqsa.

    Bayaanka oo la soo saaray fiidnimadii Khamiista ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa, isla markaana ay tahay fal kicin ah oo aan la aqbali karin, kaas oo horseedi kara sii xumaanshaha xiisadda gobolka.

    Siddeeda dal ayaa sidoo kale adkeeyay:

    • In la ixtiraamo masuuliyadda Urdun ee ilaalinta goobaha barakeysan ee Islaamka iyo Masiixiyadda ee magaalada Qudus.
    • In laga hortago isku day kasta oo lagu beddelayo xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee Masjidka Al-Aqsa.
    • In la joojiyo tallaabooyinka hal dhinac ah iyo falalka kicinta ah ee khatar gelin kara amniga iyo xasilloonida gobolka.
    • In la dhowro sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay ee la xiriira magaalada Qudus.

    Bayaankan ayaa la soo saaray kadib markii Itamar Ben Gvir uu boqolaal Israa’iiliyiin ah la galay xarunta Masjidka Al-Aqsa, tallaabadaas oo si weyn u cambaareeyeen Falastiiniyiinta, Urdun, iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaami ah.

  8. Waa maxay sababta Mojtaba Khamenei loogu arkaynin masraxa dadweynaha Iraan?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Mojtaba Khamenei maqal iyo muuqa midna laguma haayo. Dadweynaha Iiraan waay yaaban yihiin. Waxaa ka soo wareegatay in ka badan 4 bilood tan iyo markii loo magacaabay hogaamiyaha cusub ee diinta ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ka dib geerida aabihii laakiin ilaa hadda hogaamiyaha cusub ma uusan ka soo muuqan telefishinka, warbaahinta, mana uusan ka qaybgalin wax shir dadweyne ah.

    Waxaa la faafiyay warqado lagu xiriirinayo magaciisa, laakiin cidina ma garanayso meesha uu joogo. Qofna codkiisa ma maqlin, qofna sawirkiisa ma arag, qofna qoraal gacantiisa ku qoran ma arkin.

    Hadda dadku waxay bilaabeen inay maqnaanshihiisa u barbar dhigaan "qarsoonida" Nebiyada iyo qarsoonida Imamkii 12aad ee Shiicada.

    Mudada dheer ee uu u maqnaa ayaa keentay in la faafiyo warar badan oo ku saabsan hogaamiyaha. Xitaa Donald Trump ayaa yiri waxaa dhici karta inuu horey u dhintay. Gudaha Iran, kaliya Madaxweyne Masoud Pezeshkian ayaa sheegay inuu arkay. Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in hogaamiyaha cusub ee diinta uu diiday inuu muuqdo sababo la xiriira amniga.

    Waxa ugu dambeeyay ee warbaahintu fiiro gaar ah u yeelatay waa dadaalka dad ay ka mid yihiin Mohammad Mehdi Mirbagheri, oo ah hogaamiyaha xisbiga Paydari, oo sheegaya in maqnaanshaha Mojtaba Khamenei uu caadi ku yahay nidaamka Shiicada. Waxaa loo yaqaanaa "Ghaiba" ama qarsooni.

  9. Ninka ka shaqeeya shaqada ugu halista badan adduunka

  10. Ingiriiska oo cambaareeyay weerar ay gaysteen Xuutiyiintu

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Xuuthiyiinta ay Iiraan-taageerto ku qaadeen maraakiibta Sacuudiga, kuwaas oo sababay koror weyn oo ku yimid qiimaha saliidda.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in falalkan “aan laga fiirsan” ay khatar gelinayaan nolosha dadka, deegaanka iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana ay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

    Ingiriiskuna wuxuu muujiyay garab istaag uu la garab taagan yahay Sacuudi Carabiya, wuxuuna ugu baaqay Xuuthiyiinta in ay joojiyaan weerarrada.

  11. Cabbaas Araqchi oo ka degay Kyrgyzstan

    Iyadoo uu taagan yahay khilaafka u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa u safray Kyrgyzstan isaga iyo wafdi la socday si ay uga qayb galaan shir ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Shanghai.

    Diyaaradda Mr. Araqchi ayaa ku degtay magaalada Chulpan-Ata ee Kyrgyzstan fiidnimadii Khamiista

    Cabbaas Araqchi

    Xigashada Sawirka, s_a_araghchi

  12. Iiraan oo digniin u dirtay Britain

    Ilaalada Kacaanka ayaa ka digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado in lagu weeraro dhulka Iiraan uu noqon doono “bartilmaameed sharci ah”, kaddib markii Axios ay soo warisay in diyaarad wax duqaysa oo nooca B-1 ah ay ka duushay saldhig ku yaalla Boqortooyada Ingiriiska si ay u garaacdo bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan.

    Dhanka kale, London ayaa xaqiijisay in ay ka daadgureysay diblomaasiyiintii iyo shaqaalihii ugu dambeeyay ee ku sugnaa Iiraan, sababo la xidhiidha xaaladda amni ee sii xumaanaysa.

  13. Kuwait oo ku tilmaantay weerarrada joogtada ah ee ay geystaan "Iiraan iyo kooxaha ay taageerto" kuwo aan wax cudurdaar ah lahayn

    Kaddib weerarro loo adeegsaday diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday marinka xuduudda Al-Abdali ee u dhexeeya Kuwait iyo Ciraaq ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait waxa ay soo saartay bayaan ay si kulul ugu cambaareysay waxa ay ku tilmaantay "gardarrada foosha xun ee ay Iiraan iyo kooxaha ay taageerto ku hayaan dalka."

    Bayaanka oo lagu daabacay barta X ayaa lagu sheegay in weerarradan ay si cad u jebinayaan madaxbannaanida Dawladda Kuwait, islamarkaana ay yihiin khatar toos ah oo ku wajahan amniga iyo xasilloonida dalka, kana hor imanayaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuwait ayaa sidoo kale sheegtay in sii socoshada weerarradan soo noqnoqda ay ka dhigan tahay korodh halis ah oo xiisadda gobolka ah, islamarkaana ay si toos ah u halis gelinayaan amniga iyo xasilloonida gobolka, iyagoo muujinaya hab abaabulan oo colaad iyo gardarro aan wax cudurdaar ah lahayn.

  14. Kuwait oo xaqiijisay in weerarro ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn lagu qaaday xuduudda ay la wadaagto Ciraaq

    Kuwayt

    Xigashada Sawirka, Reuters/UGC

    Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kuwait ayaa sheegay in marinka xuduudda Cabdali ee u dhexeeya Kuwait iyo Ciraaq uu fiidnimadii Khamiista dhowr jeer bartilmaameed u noqday weerarro ay fuliyeen diyaarado aan duuliye lahayn.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kuwait, weerarradan waxay gaysteen khasaare hantiyeed, balse lama soo sheegin wax dhimasho ama dhaawac ah.

    Afhayeenka rasmiga ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha ay khusayso ay si degdeg ah u bilaabeen qaadista tallaabooyinka lagama maarmaanka ah isla markiiba kadib dhacdada.

  15. Aqalka Wakiillada Maraykanka ayaa u codeeyay in la joojiyo dagaalka Iiraan, halka Senate-ku uu diiday.

    Iyada oo Aqalka Wakiillada Mareykanka uu maanta u codeeyay qaraar lagu xaddidayo awoodda Madaxweynaha Mareykanka ee ku aaddan dagaal lala galo Iiraan ayaa dhinaca kale, Aqalka Senate-ka waxa uu ku guuldareystay in uu meel mariyo qaraar la mid ah. Maqnaanshaha saddex senator oo hore u taageeray xaddidaadda awoodaha madaxweynaha ayaa si weyn u sababay guuldarrada taageerayaasha qaraarka.

    Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay qaraarka cod dhan 214–208, kaas oo ku baaqaya in Madaxweyne Donald Trump uu joojiyo dagaal kasta oo uu kula jiro Iiraan haddii aanu haysan oggolaanshaha Kongareeska. Afar xubnood oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la saftay xisbiga Dimuqraadiga si ay u taageeraan qaraarka.

    Si kastaba ha ahaatee, qaraarka ayaa ku guuldareystay in uu ka gudbo Aqalka Senate-ka, isagoo lagu diiday farqi laba cod ah.

  16. Ingiriiska oo ka jawaabay hanjabaaddii Iiraan

    Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in afhayeen u hadlay dawladda Britain oo ka jawaabaya hanjabaaddii ka timid Ilaalada Kacaanka uu sheegay in ciidammada qalabka sida ee dalka ay diyaar u yihiin inay ka difaacaan UK, nooc kasta oo weerar ah.

    Hadalladan ayaa yimid kaddib markii Ilaalada Kacaanka ay ka digeen in la isticmaalo diyaaradaha duqeymaha Mareykanka ee ka duula saldhigyada millatari ee Britain.

    Afhayeenka dowladda Britain ayaa yidhi: "Ciidammadeenna qalabka sida waxay diyaar u yihiin inay ka difaacaan UK, weerar kasta, ha ka dhaco gudaha dalka ama dibaddiisa. UK mar walba waxay u diyaarsan tahay in ay isdifaacdo."

    Sidoo kale akhri

  17. Saameyn intee la'eg ayey Weerarrada Baabul-Mandab ku yeelan karaan Soomaaliya?

  18. Aqalka Wakiillada Mareykanka oo ansixiyay qarar lagu xaddidayo woodda Madaxweynaha Trump ee dagaalka Iran

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira dagaalka Iran, Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa ansixiyay qaraar lagu doonayo in lagu xaddido awoodda Madaxweynaha Mareykanka ee ku saabsan dagaalka Iran.

    Qaraarka ayaa lagu meel mariyay cod 214–208, waxaana lagu dalbanayaa in Madaxweyne Donald Trump uu joojiyo howlaha militari ee ka dhanka ah Iran haddii uusan haysan oggolaanshaha Kongareeska.

    Afar xildhibaan oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku biiray Dimuqraadiyiinta, iyagoo taageeray qaraarka.

    Tani waa markii labaad oo Aqalka Wakiilladu meel mariyo qaraar lagu isku dayayo in lagu xaddido awoodda madaxweynaha ee arrintan.

    Waxaa sidoo kale la filayaa in Golaha Senate-ka uu maanta u codeeyo qaraarkan.

    Inkastoo inta badan xildhibaannada Jamhuuriga ay ka soo horjeesteen qaraarka, iyagoo muujiyay taageeradooda dagaalka uu Trump kula jiro Iran, haddana afarta xubnood ee Jamhuuriga ah ee la safatay Dimuqraadiyiinta ayaa door muhiim ah ka qaatay ansixintiisa.

    Qaraarkan wuxuu muujinayaa mucaaradad muuqata oo ka dhan ah sida maamulka Trump u maareynayo dagaalka, hase yeeshee ma aha mid sharci ahaan qasab ku ah maamulka. Xitaa haddii Senate-ku ansixiyo, si toos ah uguma qasbi doono Aqalka Cad inuu joojiyo dagaalka.

    Waxaa jira dood ku saabsan awoodda sharci ee qaraarka. Qaar ayaa u arka tallaabo astaan siyaasadeed oo keliya, halka qaar ka mid ah xildhibaannada Dimuqraadiga ay ku doodayaan in haddii Senate-ku ansixiyo, uu yeelan karo awood sharci maadaama aysan jirin maxkamad Mareykan ah oo si cad uga hortimid qaraarrada noocan ah.

    Sidoo kale akhri

  19. 'The Beast': Maxaan ka naqaanaa gaariga Trump ee ay qalab walba oo difaac ku idil yihiin?

    Gariga Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Gaariga Trump

    Marka madaxweynuhu keligiis yimaado oo uu safar galo, waxaa lagu galbiyaa gaari nooca raaxada ah oo ammaankiisu aad loo xaqiijiyey oo la yiraahdo Cadillac One.

    Gaarigan oo ah mid si gaar ah loonaqshadeeyay ama loo sameeyo waxaa loo yaqaan "Z Beast".

    Faahfaahinta ku dhufo lifaaqa hoose

  20. Ilaalada Kacaanka Iran digniin u diray UK

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegtay in Mareykanku adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee B-1 oo ku sugnaa saldhigga ciidamada cirka Britain ee Fairford, si uu weerarro ugu qaado Iran.

    IRGC ayaa London uga digtay in saldhig kasta oo loo adeegsado weerar ka dhan ah dhulka Iran uu noqon doono "bartilmaameed sharci ah."

    Bayaan ay soo saartay IRGC ayaa lagu sheegay in Mareykanku adeegsaday diyaaradahaas si uu u sii wado weerarrada kadib markii uu yareeyay kaydka gantaallada riddada dheer ee cruise missiles ee ku sugnaa Badweynta Hindiya. Sheegashadan si madax-bannaan looma xaqiijin.

    Qayb kale oo ka mid ah bayaanka, IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in intii lagu jiray "Wejiga 26-aad ee Hawlgalka Nasr 2," cutub ka tirsan dagaalka elektaroonigga ah ee Mareykanka uu beegsaday saldhigga Al-Adiri, xarun caafimaad oo ay leeyihiin ciidamada, iyo munaaradda hagidda duulimaadyada ee saldhigga, taasoo ay ku sheegtay inay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen askar Mareykan ah.

    Sheegashadan sidoo kale weli lama xaqiijin ilo madax-bannaan.

    Sidoo kale akhri