Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Jasiirad muhim ah oo kulaasha Baabul-Mandab oo la soo sheegayo inay gacanta u gashay Xuutiyiinta

    Sida ay wararku sheegayaan, kadib markii ay ciidamada dowladda Yemen dib uga gurteen, Xuutiyiintu waxay qabsadeen jasiiradda istiraatiijiga ah ee Mayun, oo ku taalla irida marin-biyoodka Baabul-Mandab.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay ilo ka tirsan dowladda Yemen oo sheegay in ciidamada dowladda ay ka baxeen Jasiiradda Mayun.

    Jasiiradda Mayun, oo mararka qaarkood loo yaqaan Jasiiradda Bab el-Mandeb, waxay ku taallaa bartamaha marin-biyoodkan, iyadoo u kala qaybisa laba marin oo biyo ah.

    Saacado ka hor, waxaa sidoo kale la soo sheegay in magaalada xeebeedka Dhubab ay gacanta u gashay Xuutiyiinta. Tani waxay ku dhowaan lahayd in Xuutiyiintu si buuxda ula wareegaan marin-biyoodka Baabul-Mandab, kaas oo muhiim u ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga.

    Xuutiyiinta oo xulafo la ah Iran, isla markaana gacanta ku haya qaybo badan oo waqooyiga Yemen ah, ayaa toddobaadkii hore qaaday weerar ballaaran oo ka dhan ah ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo taageero ka hela Sacuudiga.

    Dhanka kale, warbaahinta xiriirka la leh Xuutiyiinta ayaa maanta sheegtay in Sacuudigu uu fuliyay tobannaan duqeyn oo cirka ah. Weerarradii ugu dambeeyay, ayay sheegeen, waxaa laba jeer lagu bartilmaameedsaday Garoonka Diyaaradaha Moka.

    Dekedda Moka ayaa sidoo kale maalmihii u dambeeyay gacanta u gashay Xuutiyiinta.

  2. maxkamad go'aan kasoo saartay nin doonayay in loo soo celiyo haddiyado dhan $369,000 oo saaxiibtiis hore uu siiyay

  3. Nin lagu xukumay 14 sano oo xabsi ah kadib markii uu isku dayay inuu kufsado gabar lix jir ah

    Qof xabsi ku jira
    Qoraalka sawirka, Qof xabsi ku jira

    Maxkamadda gaarka ah ee ka shaqaysa kiisaska kufsiga ee magaalada Lahore, caasimadda gobolka Punjab, ayaa eedaysanaha ku xukuntay 14 sano oo xabsi ah iyo ganaax dhan 50,000 oo rupees Pakistan ah, kadib markii lagu helay inuu isku dayay inuu kufsado gabar lix jir ah.

    Go’aanka waxaa soo saaray maxkamadda uu guddoominayay Garsoore la yiraahdo Zafaryab Chadhar.

    Kiiska ayaa ka dhan ah eedaysanaha oo lagu magacaabo Asghar, waxaana dacwadda lagu diiwaangeliyey 24-kii Maarso 2025 saldhigga booliska South Cantt ee Lahore, kadib markii uu cabasho gudbiyey aabbaha gabadha.

    Sida lagu sheegay warbixinta booliska (FIR), aabbuhu wuxuu sheegay in markii uu guriga yimid fiidnimadii 23-kii Maarso, gabadhiisa lix jirka ah ay u sheegtay in nin deriskooda oo lagu magacaabo Asghar uu gurigiisa u kaxeystay, halkaasna uu isku dayay inuu kufsado.

    Hase yeeshee, markii gabadhu qaylisay, eedaysanuhu wuxuu uga tagay gurigiisa, kadibna wuu baxsaday.

    Boolisku waxay kiiska ku soo oogeen eedda ku xusan Qodobka 377B ee Xeerka Ciqaabta Pakistan, kaas oo ka hadlayo tacaddiyada galmada ee carruurta ka yar 18 sano.

    Dambigan waa mid aan dammaanad lagu sii dayn karin, waxaana ciqaabtiisu ka bilaabataa 14 sano oo xabsi ah, halka ugu badnaan ay gaari karto 20 sano.

    Boolisku waxay kiiska u gudbiyeen maxkamadda gaarka ah ee ka shaqaysa kiisaska kufsiga, halkaas oo eedaysanaha si rasmi ah loogu soo oogay dacwad 7-dii Luulyo 2025.

    Eedaysanuhu wuu beeniyey inuu dambiga galay, waxaana kadib bilaabmay dhageysiga dacwadda.

  4. Weerarradii September 11: Maxaa dhacay maalintaas? Imisa qof ayaa ku dhintay?

    25 sano ayaa ka soo wareegatay weerarkii dhacay maalin Talaado ah 11-kii September 2001-dii, maalintaas oo rag ismiidaamiyey ay xoog kula wareegeen diyaarado kuwa rakaabka ah oo Maraykanka uu lahaa waxayna diyaaradahaas ku dhufteen laba daarood oo dhaadheer oo New York ku yaallay, halkaas oo kumanaan qof ay ku dhinteen.

    Maanta ayaa xuskaas lagu qaban doonaa waddanka Mareykanka, halkaas oo la filayo in lagu qabto munaasabado kala duwan.

    Weerarkaas ayaa wali ah kii ugu xumaa ee qarniyadaan dhaca, maahan Maraykanka oo kaliya balse caalamka oo idil.

  5. Maxaan ka ognahay Bank-ga Türkiga leeyahay ee Maraykanku Iiraan darteyd cunaqabataynta u saaray?

  6. Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

    Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA, kooxda Xuutiyiinta Yemen (Ansar Allah) ayaa sheegtay in dagaalyahannadeedu si buuxda ula wareegeen saldhigga milatari ee muhiimka ah ee Al-Omari, kaas oo kormeera marin-biyoodka Bab al-Mandab.

    Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadooda badda ay si buuxda ula wareegeen jasiiradda Dhakar ee ku taalla Badda Cas, isla markaana jasiiradda laga saaray ciidamadii ka soo horjeeday.

    Marinka Bab al-Mandab waa mid ka mid ah marinnada badeed ee ugu muhiimsan adduunka, wuxuuna isku xiraa Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya. Khubarada ayaa sheegaya in horumar militari oo ay midkood dhinacyadu ka sameeyaan aaggaasi uu saameyn weyn ku yeelan karo ganacsiga caalamka iyo isu-socodka maraakiibta.

    Dowladda Yemen ama ciidamada uu taageero Sacuudiga ayaanan isla markiiba wax war ah ka soo saarin sheegashada Xuutiyiinta. Hase yeeshee, maalmihii u dambeeyay waxaa jiray warar sheegaya dagaallo culus iyo horumar ay Xuutiyiintu ka sameeyeen deegaannada xeebaha galbeed ee Yemen.

    Sidoo kale akhriso:

  7. Waa kuma Khaalid Maxamed, ninkii "qorsheeyay" weerarkii ugu xumaa ee ka dhacay Maraykanka?

    Khalid Sheekh Maxamed
    Qoraalka sawirka, Khalid Sheekh Maxamed

    Khaalid Sheekh Maxamed waa ninka ay Maraykanku ku eedeeyeen inuu qorsheeyay weerarkii ugu xumaa ee lagu qaaday Maraykanka 11-kii Sebtembar 2001, oo ay maanta ka soo wareegatay 25 sano, waxaana loo arkaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii sare ee ururka Al-Qaacida xilligii uu Osama Bin Laden hoggaaminayay.

    Khalid Sheikh Mohammed, oo ku dhashay Kuwait, ayaa cilmiga injineernimada ku bartay dalka Mareykanka, ka hor inta uusan 1980-meeyadii tegin Afghanistan si uu uga dagaallamo.

    Ka hor weerarradii 11-ka Sebtembar, wuxuu horey uga mid ahaa dadka ay FBI-du raadineysay, sababo la xiriira ku lug lahaanshihiisa qaraxyo kale iyo weerarro la fashiliyey.

    Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegtay in Maxamed uu qirtay inuu isagu qorsheeyay weerarka "bilow ilaa dhammaad".

    Waxaa la rumaysan yahay in Maxamed uu ku dhashay Kuwait sannadihii 1964 ama 1965, balse waalidkiis waxay asal ahaan ka soo jeedeen gobolka Balochistan ee Pakistan, oo xuduud la leh Afghanistan.

    Wuxuu ku hadli jiray Carabi, Ingiriisi, Urdu iyo Balochi.

    Sanadkii 1986 ayuu shahaadada jaamacadeed ka qaatay Jaamacadda Beeraha iyo Farsamada ee Gobolka North Carolina ee Maraykanka.

    Dabayaaqadii 1980-meeyadii ayuu u guuray magaalada Peshawar ee Pakistan, halkaas oo uu kula kulmay Osama Bin Laden.

    Mohammed wuxuu caan noqday kaddib markii la fashiliyey qorshe lagu qarxin lahaa diyaarad Maraykan ah sannadkii 1995.

    Qorshaha ayaa la fashiliyey kaddib markii booliisku ay heleen xog ku jirtay kombiyuutar, xilli ay baarayeen eedeymo la xiriiray qorshe lagu dilayo Pope-ka.

    Sannadkii 1999 ayuu Mohammed ku qanciyay Osama Bin Laden inuu taageero qorshaha weerarradii 11-kii Sebtembar ee Maraykanka.

    Kaddib weerarkii oo lagu dilay in ka badan 3,000 qof, Maraykanku wuxuu ballanqaaday abaalmarin lacageed qofkii gacan ka geysta soo qabashada ama dilka Maxamed.

    Maraykanku wuxuu rumaysnaa in Maxamed uu qorsheeyay hawlgalka oo dhan, isla markaana uu diray lacagihii loo adeegsaday afduubka diyaaradaha iyo fulinta weerarrada.

    Soo qabashada Maxamed ayaa loo arkay mid ka mid ah guulihii waaweynaa ee laga gaaray dagaalka ay dalalka reer Galbeedku kula jireen ururka Al-Qaacida.

    Rohan Gunaratna, oo ah khabiir ku takhasusay argagixisada caalamiga ah iyo Al-Qaacida, ayaa Maxmed ku tilmaamay "khabiir ku xeeldheer qorshaynta weerarrada argagixisada ee caalamiga ah, isla markaana ka mid ah dadka tirada yar ee xirfaddan si weyn ugu takhasusay".

    Ma ahayn oo keliya Maraykanka iyo Pakistan kuwa raadinayay Maxamed. Maxkamad ku taalla Faransiiska ayaa soo saartay waaran lagu soo xirayo, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday goob ay Yuhuuddu ku cibaadaysato oo ku taalla jasiiradda dalxiiska ee Djerba, Tunisia, sannadkii 2002.

    Sidoo kale, Australia waxay doonaysay inay Maxamed ka hesho xog ku saabsan baaritaanka weerarkii qaraxa ee Bali, Indonesia, sannadkii 2002, kaas oo lagu dilay 202 qof.

    Sidoo kale akhri

  8. Weerarradii September 11: Maxaa dhacay maalintaas? Imisa qof ayaa ku dhintay?

  9. Maxaad ka ogtahay eedeymaha sheegaya in kooxaha argagixisadu ay adeegsadaan AI?

    Al-Shabaab
    Qoraalka sawirka, Al-Shabaab

    Cilmi-baaris cusub ayaa muujineysa in kooxaha xagjirka ee ka dagaallama Nigeria, gaar ahaan ISWAP iyo Boko Haram, ay bilaabeen in ay siyaabo kala duwan uga faa'iidaystaan tiknoolajiyadda Sirdoonka Macmalka ah (AI), si ay ugu taageeraan hawlahooda.

    Warbixintu waxay sheegtay in dagaallameyaashu ay AI u adeegsanayaan qorsheynta xeeladaha dagaalka, falanqaynta weerarrada ka dib marka ay dhacaan, iyo helitaanka aqoon farsamo oo kor u qaadi karta awooddooda hawlgallada.

    Daraasaddan waxaa samaysay Antonia Juelich, oo ah khabiir ku takhasusay Sirdoonka Macmalka ah (AI) kana tirsan Jaamacadda Cambridge ee ku taal UK, waxay ku salaysnayd wareysiyo lala yeeshay dagaalyahanno horay uga tirsanaa ISWAP iyo Boko Haram.

    Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in daraasaddu ay muujisay sida kooxahani u sii qabatimayaan tiknoolajiyadda casriga ah si ay u xoojiyaan hawlahooda.

    Cumar Saalax Gwani oo ah khabiir tiknoolajiyadda ah ayaa sheegay in inkasta oo AI aysan go'aaminayn goorta ama sida weerar loo qaadayo, haddana ay si degdeg ah u soo saarto xog iyo talooyin caawinaya dadka isticmaala.

    "Waxa lagu sheegay in AI loo adeegsado qorshaynta weerarrada milatari, u qaybinta dagaallameyaasha waajibaadyo kala duwan, iyo diyaarinta hawlgallada. Sidaas oo ay tahayna AI ma aha tan go'aanka ugu dambeeya gaarta, balse waxay dedejisaa bixinta talooyinka iyo xogta," ayuu yiri.

  10. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran iyo Asim Munir oo ka wada hadlay xiisadaha gobolka iyo nabadda

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araqchi, iyo Taliyaha Ciidamada Pakistan, Asim Munir, ayaa yeeshay wada-hadal telefoon oo ay kaga arrinsadeen xaaladda ugu dambeysay ee gobolka.

    Qoraal lagu daabacay barta X ee dowladda Iran ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiisadaha sii kordhaya, khataraha ku wajahan amniga gobolka iyo saameynta ay arrimahaasi ku yeelan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

  11. Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

    Dagaalka Yemen
    Qoraalka sawirka, Dagaalka Yemen

    Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa bayaan ka soo saartay xaaladda dagaalka Yemen, iyadoo ku baaqday in la joojiyo xannibaadda milatari ee dalkaas, lana bilaabo wada-hadallo.

    Bayaanka oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay ku baaqayso in la tixgeliyo danaha ummadda Islaamka, gaar ahaan xilli gobolka Galbeedka Aasiya uu wajahayo waxa ay ku tilmaantay “xumaan, naxariis-darro iyo ballaarin aan hore loo arag oo uu wado taliska Sahyuuniyadda oo kaashanaya Maraykanka.”

    Iran waxay sheegtay in “xal u helidda arrimaha Yemen aysan ku imaan karin sii wadidda go’doominta iyo duullaanka milatari.”

    Dhammaadka bayaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran waxay ku adkaysatay “baahida loo qabo in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada, iyadoo lagu saleynayo khariidaddii waddada ee lagu heshiiyay, lana fuliyo qodobbadeeda.” Waxayna sheegtay in Tehran ay “diyaar u tahay dadaal kasta oo arrintan ku saabsan.”

    Bayaanka Iran ayaa soo baxay saacado kaddib markii la soo sheegay in Xuutiyiintu ay ku sii siqayaan goobo ay ka mid tahay dekedda Mokha ee Yemen, iyagoo dib u riixaya ciidamada dowladda Yemen oo taageero milatari ka hela Sacuudi Carabiya.

    Khamiistii, 10-ka Sebtembar, waxaa sidoo kale la sheegay in ciidamada ay taageerto Sacuudi Carabiya iyo xulafadooda ay ka baxeen deked kale oo xeebeed oo gobolka ku taalla, taas oo ah Dhubab.

    Qabsashada Mokha waxay xoojin kartaa awoodda Xuutiyiinta ay Iran taageerto ee ay ku maamulaan marin muhiim u ah maraakiibta qaada saliidda iyo badeecadaha.

    Mokha waxay ku taallaa agagaarka marin-biyoodka Baabul-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

  12. Maxaan ka ognahay "Buurta Hermon" oo ah halkii uu Netanyahu ku kormeeray ciidamada Israa'iil?

  13. Wadahadalka telefoon oo dhexmaray Araqchi iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, iyo dhiggiisa Sacuudiga, Faisal bin Farhan, ay yeesheen wada-hadal telefoon, kaas oo ay kaga arrinsadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

    Wadahadalkan ayaa dhacay Khamiistii, xilli colaadda Yemen ay mar kale soo cusbooneysiisay hadallada haynta ku saabsan kooxaha “wakiillada ka ah” iran.

    Sacuudi Carabiya ayaa, iyada oo sameysay isbahaysi militari oo ay ku mideysan yihiin dalal Carbeed oo gobolka ah, howlgallo milatari ka wada Yemen oo ka dhan ah Xuutiyiinta, iyadoo taageeraysa dowladda Yemen.

    Iran ayaa marar badan lagu eedeeyay inay Xuutiyiinta siiso hub iyo taageero milatari, inkastoo Tehran ay beenisay inay faragelin ku hayso go’aannada kooxda Xuutiyiinta.

  14. Mareykankaka oo ka hadlay tirada Maraakiibta Iran u socday ee uu hor-istaagay

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in ilaa 10-ka Sebtembar, ciidamadiisu ay leexiyeen 96 markab oo ganacsi, intii lagu guda jiray xannibaadda badda ee ka socota marin-biyoodka Hormuz.

    Bayaan ay isla maalintaas soo saartay CENTCOM ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay sidoo kale oggolaadeen in in ka badan 50 markab oo sida gargaar bani’aadamnimo ay maraan marin-biyoodka Hormuz.

    Dhoofinta Shidaaalka Iran ayaa si weyn u carqalowday kaddib xannibaadda Maraykanku ku sameeyay dekedaha Iran.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, uu horey u sheegay in Iran ay wali waddo iibinta Shidaalka xilli ay socoto xannibaadda badda iyo cunaqabateynta dhaqaale ee Maraykanku sii adkeynayo.

    Waxa uu sheegay: “Shidaalka ayaan iibinnaa, lacagtiina waxay dib ugu soo noqotaa Iran.”

    Waxa uu sidoo kale yiri: “In la yiraahdo xannibaadda dhaqaale ee Maraykanku ay sababtay macaluul weyn oo Iran ka dhacda waa been weyn.”

    Warar dheeraad ah:

  15. Ilaalada Kacaanka iran oo sheegtay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo Mareykanka ah.

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin ciidamada badda Maraykanka, taas oo lagu weeraray marin-biyoodka Hormuz.

    Warkan waxaa 10-ka Sebtembar baahisay warbaahinta dowladda Iran ee IRIB News.

    Ilaalada Kacaanka ayaa bayaan ku sheegay inay bartilmaameedsadeen “mid ka mid ah maraakiibta aan naaquudaha lahayn ee cadowga”, oo ahayd doon nooca Sail Drone ah oo leh lambarka 5838, taas oo ku sugneyd afaafka marin-biyoodka Hormuz, ayna “fashiliyeen hawlgalkii weerarka ee cadowga.”

    Bayaanka ayaa intaas ku daray in ciidamada Maraykanku maalmihii u dambeeyay geeyay diyaaradaha ama maraakiib is wada ee ciidamada badda gudaha marin-biyoodka Hormuz, sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan inay u soo dhowaadaan ama ay isku dhacaan ciidamada Iran.

    Ilaalada Kacaanka ayaa mar kale ku celiyay mowqifkooda ah in marin-biyoodka Hormuz uu xiran yahay, isla markaana si buuxda loola socdo dhaqdhaqaaqyada ka socda.

    Warar dheeraad ah:

  16. Noocyada Gantaallada ay haystaan Xuutiyiinta iyo halka ay gaari karaan

    Gantaal
    Qoraalka sawirka, Gantaal

    Xuutiyiinta oo markii hore ahaa koox aad u yar ayaa muddooyiinkii u dambeeyay muujiyay awoodda ay u leeyihiin in ay dhibaatooyiin gaystaan.

    Noocyada gantaallada ay haystaan Xuutiyiinta iyo halka ay gaari karaan

    • Scud Soviet B1C oo gaaraya masaafo dhan 300 km
    • Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 5, masaafo dhan 300 km
    • Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 6, masaafo dhan 600 km
    • 21 Scarab Soviet, masaafo dhan 70 km
    • Earthquake 3 (Dhul-gariir) oo Iiraan lagu farsameeyo 250 km
    • Qaher 1 midowgii Soviet, masaafo dhan 250 km
    • Diyaarada C802 waa Shiine, waxa ayna u dhaxaysa 120 ilaa 180 kiiloomitir
    • Awoodda milatari ee badda
    • Mandab 1 waa gantaal Shiinees ah oo gaaraya 40 km
    • Mandab 2 waa Iranian waxa uuna gaarayaa 250 km
    • Shaale Iiraan 180 km
    • Rubies Soviet oo gaaraya 80 km
    • Quddus Iiraan ayaa isna farsamaysa, 800 km ayuu gaarayaa
    • Duufaan oo Iiraan ka yimid asna, masaafo dhan 450 km
    • Fiyuus, Iiraan 140 km
    • Gantaalka Badda Cas isna waxa uu ka yimid Iiran lamase garanayo masaafada uu jari karo
  17. Xuutiyiinta oo 75 km oo keliya u jira Baabul-Mandab: Maxay goobjoogayaashu ku arkeen magaalada dekedda ah ee Mokha ee Yemen?

    Dagaalyahanada Xuutiyiinta
    Qoraalka sawirka, Dagaalyahanada Xuutiyiinta

    Goobjoogayaal iyo ilo milatari ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay qabsadeen magaalada dekedda ah ee Mokha, oo ku taalla meel istiraatiiji ah oo ku dhow Badda Cas.

    Kaddib qabsashadii Mokha, kooxda xiriirka la leh Iran ayaa hadda 75 kiiloomitir oo keliya u jirta marin-biyoodka Baabul-Mandab.

    Marin-biyoodka Baabul-Mandab waa marin muhiim ah oo dhanka badda ah, waxaana uu yahay albaabka koonfureed ee jidka ganacsi ee isku xira Aasiya iyo Yurub.

    Xuutiyiintu waxay sheegayaan inaan loo arkin inay khatar ku yihiin maraakiibta caalamiga ah, balse waxay mar kale ku hanjabeen inay bartilmaameedsan doonaan maraakiibta xiriirka la leh Sacuudi Carabiya.

    Sida laga soo xigtay warbixinta, Sacuudi Carabiya ayaa ku tiirsan marinka Badda Cas si ay shidaalka ugu dhoofiso caalamka, maadaama marin-biyoodka Hormuz uu xirmay kaddib dagaalka u dhexeeya Maraykanka, Israa’iil iyo Iran.

    Qiimaha shidaalka ayaa sidoo kale si weyn kor ugu kacay iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Xuutiyiinta, dowladda Yemen iyo Sacuudi Carabiya.

    Waxaa la soo sheegay in boqolaal qof lagu dilay, kumannaan kalena ay ku barakaceen tan iyo markii Xuutiyiintu ay toddobaad ka hor howlgallo ka bilaabeen koonfur-galbeed Yemen.

    Warar dheeraad ah:

  18. Wakiilka Iran u qaabilsan IAEA: Xarunta Kalang wax xiriir ah lama laha Hay’adda

    Reza Najafi, wakiilka Iran u qaabilsan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ee fadhigeedu yahay Vienna, ayaa ka jawaabay su’aal BBC ay ka weydiisay suuragalnimada in la weeraro xarunta “Koh Kalang”.

    Waxa uu sheegay in “weerar ama gardarro kasta oo lagu qaado Iran looga jawaabi doono si go’aan adag oo xooggan.”

    Markii la weydiiyay in wadahadal wax-ku-ool ah uu hadda u socdo Iran iyo IAEA si loo caddeeyo waxyaabaha aan weli la hubin ee ku saabsan xaruntan, Najafi wuxuu ku jawaabay:“Arrintani wax xiriir ah lama laha Hay’adda.”

  19. Itoobiya oo xabsiga ka siideysay boqolaal Maxaabiis ah

    Dadka la sheegay in la sii daayay waxaa ka mid ah Christian Taddeo, Dr. Casa Teshager, iyo Dr. Channe Kabbadah.
    Qoraalka sawirka, Dadka la sheegay in la sii daayay waxaa ka mid ah Christian Taddeo, Dr. Casa Teshager, iyo Dr. Channe Kabbadah.

    Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC) ayaa sheegay in la sii daayay 600 maxbuus oo ku xirnaa Itoobiya, kuwaas oo ay ku jiraan siyaasiyiin sida Christian Taddalafa.

    Guddigu wuxuu sheegay in dadka la sii daayay ay ka soo jeedaan gobollada Amxaarada iyo Oromiya, isla markaana dowladda federaalku ku soo oogtay dambiyo culus.

    Inkasta oo maxaabiistan cafis loo fidiyay, haddana 28 maxbuus oo muddo sannado ah u xirnaa eedeymo la mid ah ayaan la sii deyn, kadib markii ay diideen inay raalli-gelin bixiyaan.

    Maxaabiista ayaa cafiska loo fidiyay habeenkii ka horreeyay Sannadka Cusub ee Itoobiya 2019.

    Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa farriintiisii sannadka cusub ku baaqay in la sii daayo dad kala duwan oo “sababo kala duwan awgood u xiran, iyadoo loo marayo cafis iyo hannaan sharci ah.” Waxa uu sheegay in dowladdiisu arrintan wax ka qabatay oo ay sii daysay “kuwa oggolaaday nidaamkan.”

    Guddiga ayaa sheegay in dadka la sii daayay lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin isku dayga lagu afgembinayo nidaamka dowladeed iyo dastuurka, argagixisanimo iyo dambiyo kale oo culus.

    Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka dacwadahoodu weli maxkamadaha ka socdeen ayaa la sii daayay, iyadoo lagu xiray shuruudo gaar ah.

    Sida uu sheegay guddigu, maxaabiistu waxay dalbanayeen in si gaar ah loola dhaqmo.

    Warar dheeraad ah:

  20. Imaaradka oo ka jawaabay tallaabadii ay aljeeriya xiriirka uga jartay

    Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ee magaalada Algiers, 5-tii Maajo 2026-kii.
    Qoraalka sawirka, Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ee magaalada Algiers, 5-tii Maajo 2026-kii.

    Aljeeriya ayaa ku dhawaaqday inay jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta, sida ay Khamiistii sheegtay telefishinka dowladda.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabtay go’aanka Aljeeriya, iyadoo sheegtay in “iyadoo la tixgelinayo go’aanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya ee walaalaha ah ay ku jartay xiriirka Imaaraadka, Imaaraadku uu qadarinayo xiriirrada uu la leeyahay dhammaan dalalka, isla markaana uu mar walba doonayo inuu horumariyo oo xoojiyo xiriirradaas, si ay ugu adeegaan danaha wadajirka ah, isla markaana kor loogu qaado isfahamka, iskaashiga iyo barwaaqada.”

    Wasaaraddu, sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka ee WAM, waxay intaas ku dartay inay rajaynayso “in go’aankani uu noqdo mid ku-meel-gaar ah, si loo ilaaliyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.”

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay inay qadarin weyn u hayso shacabka Aljeeriya, ayna ku faanayso xiriirka ka dhexeeya labada shacab, gaar ahaan bulshada Aljeeriya ee ku nool Imaaraadka iyo dadka booqda dalka.

    Waxay sidoo kale xustay inay ka go’an tahay ilaalinta iyo xoojinta xiriirrada iyo danaha wadajirka ah ee labada dhinac.