Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Wargeyska The Wall Street Journal oo wariyey xog xasaasi ah oo ku saabsan dagalka Iiraan
Wargeyska The Wall Street Journal ayaa shalay oo
Jimce ahayd soo wariyay, isagoo soo xiganaya saraakiil Maraykan
ah oo “xog-ogaal ah”, in Iran ay hay’adaha Shiinaha ka
heshay sawirro dayax-gacmeed oo heer aad u sarreya ah oo laga qaaday
saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun, ka hor weerarkii
bishii Luulyo ee lagu dilay saddex askari oo Maraykan ah.
Sida lagu sheegay warbixintan, saraakiisha
Maraykanku ma aysan magacaabin hay’adihii Shiinaha
ee sawirradaas siiyay Iran, mana aysan sheegin in Shiinuhu si
toos ah ugu lug lahaa arrinta.
Saddex askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay 17-kii Luulyo
weerarro ay Iran adeegsatay gantaallo ballistic ah iyo diyaarado aan duuliye
lahayn oo lagu qaaday saldhig Maraykan ah oo ku yaalla Urdun.
Horusocodka degdeg ah ee Xuutiyiintu ka sameeyeen Yemen ayaa laga yaabaa inuu dagaalka Iiraan ku soo kordhiyo weji cusub oo khatar ah
Sacuudiga iyo Ciraaq oo ka wadahadlay xaaladda gobolka, maxayse sheegeen
Wasiirka arrimaha
dibadda ee Ciraaq, Fuad Hussein, ayaa wada-hadal khadka taleefanka ah la
yeeshay dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan, iyagoo intii lagu guda
jiray wada-hadalkaas xoojiyay "muhiimadda ay leedahay sii wadidda xiriirka
iyo isku-dubbaridka si loo taageero amniga iyo xasilloonida gobolka."
Sida ay sheegtay wasaaradda
arrimaha dibadda ee Ciraaq, "Intii lagu guda jiray wada-hadalkaas, waxaa
la adkeeyay qoto-dheeraanta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda
Ciraaq iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana la is-dhaafsaday aragtiyo ku
saabsan xaaladaha ugu dambeeyay ee gobolka iyo arrimaha ay labada dhinac
danaynayaan." War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in "labada
dhinac ay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay sii wadidda xiriirka,
isku-dubbaridka, iyo wadatashiga u dhexeeya labada dal, si loo taageero amniga iyo
xasilloonida gobolka, loona xoojiyo iskaashiga wadajirka ah."
Sacuudiga oo hakiyey howlihii dhuumaha shidaalka ee Bariga-galbeed ka dib weerarii loo geystay
Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku dhawaaqday inay
si ka hortag ah u hakisay hawlgallada dhuumaha shidaalka ee
ka soo bilaabma Gobolka Bari kuna socda xeebta galbeed,
kaddib markii Khamiistii lala beegsaday “weerarro dhowr ah,”
kuwaas oo ay markii dambe sheegtay inay ka yimaadeen diyaarado
aan duuliye lahayn oo laga soo qaaday Ciraaq. Talaabooyinkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha
u dhexeeya Riyaad iyo dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen.
Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee SPA, ayaa soo xigatay ilo ka tirsan
Wasaaradda Tamarta oo sheegay in “dhuumaha shidaalka Bariga-Galbeed
ee gobollada Riyaad iyo Madiina ay Khamiistii subaxnimadii, Sebtembar
10, 2026, la kulmeen weerarro dhowr ah, waxaana dhuumaha loo
xiray si taxaddar ah, weerarraduna waxay sababeen dhaawacyo qaar ah.”
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda
ee Sacuudiga ayaa cambaareysay weerarka ay fuliyeen dhowr
diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo “ka soo baxay dhulka
Ciraaq,” kaas oo sababay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed , sida
lagu sheegay bayaan ay wasaaraddu soo saartay.
Xuutiyiinta oo gaaray Bab al-Mandab, maxay tahay muhiimadda ay leeyihiin deegaannada ay qabsadeen?
Maxay iyagoo da'yar u dhintaan dadka jirka-dhista?
Xigashada Sawirka, Rodrigo Góes
Qoraalka sawirka, jir-dhista
Michaelson Araujo oo u dhashay Barazil kana mid ah ragga jirka dhista ayaa bishii Nofeembar ee sannadkii hore soo dhigay sawir uu ku muujinayo qaab-dhismeedka jirkiisa isaga oo ku jira goob jimicsi.
Jir-dhiska uu sameeyay ayaa ka dhigay jir-dhise xirfadle ah, wuxuuna ku kasbaday kumannaan taageerayaal ah.
Markii uu jirkiisu soo bandhigayay wuxuu xirnaa funaanad cas, sawirkuna wuxuu muujinayay nin leh murqo waa weyn. Saacado kaddib ayuu xanuunsaday, wuxuuna ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla gobolka Bahia.
Inkasta oo sababta dhimashadiisa aan weli si rasmi ah loo xaqiijin hadana Araujo wuxuu noqday mid ka mid ah jir-dhisayaasha u geeriyooday si degdeg ah.
Bishii May ee sannadkii hore, jir-dhise kale oo reer Brazil ah oo lagu magacaabi jiray Gabriel Ganley, ayaa u dhintay wadne-xanuun kedis ah isagoo da'diisu yareed.
Sida khuurada lammaanahaaga ay u saameyn karto caafimaadkaaga
Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay inay la wareegeen lix degmo oo ku yaalla Taiz iyo Xudayda
Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa
sheegay in howlgalkii ay kooxdu billowday 3-dii Sebtembar uu ka dhacay lix
degmo oo ku yaalla gobollada Taiz iyo Xudayda, iyadoo guud ahaan masaafada
dhulkaas uu gaarayay 5,400 kiiloomitir oo laba jibbaaran.
Wuxuu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa ka jeediyay
telefishanka Al-Masiirah, kaas oo ay la socotay waaxda kormeerka warbaahinta ee
BBC, in howlgalku bartilmaameedsaday toddobo qaybood oo milatari, kuwaas oo ka
koobnaa 38 guuto oo ka tirsan ciidamada dowladda ee Sacuudigu taageero.
Sida uu sheegay Sariic, dagaalladu waxay sababeen in boqolaal
ka tirsan ciidamadaas la dilo, la dhaawaco ama la qabto.
Sariic wuxuu sheegay in ciidamada Xuutiyiintu ay intii uu
dagaalku socday fuliyeen 32 hawlgal oo ka dhan ah diyaaradaha Sacuudiga, ayna
soo rideen sagaal diyaaradood.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Xuutiyiintu ay sii daayeen tiro
aan la cayimin oo maxaabiis ah oo ay ka hayeen ciidamada dowladda.
Dal ay Soomaali badan ku nooshahay oo shaaciyey tallaabooyin adag oo lagu soo rogay lix qof
Zambia ayaa sheegtay inay kala noqotay baasaboorrada lix qof
oo ka tirsan mucaaradka, iyadoo sabab uga dhigtay walaacyo la xiriira amniga
qaranka.
Ogeysiis ay dowladdu soo saartay ayaa sheegay in
baasaboorradu aysan hadda ansax u ahayn safarka ama aqoonsiga.
Lixda qof midkoodna hadda kuma sugna Zambia, balse waxaa
lagu amray inay soo celiyaan dukumentiyadaas.
Waxay si weyn u dhaliilaan dowladda ku sugan Lusaka, waxayna
sidoo kale diideen natiijadii doorashadii bishii Agoosto, taas oo Madaxweyne Hakainde
Hichilema lagu sheegay inuu ku guuleystay.
Maxay tahay muhiimadda Jasiiradaha Xaniish, oo ay Xuutiyiintu qabsadeen?”
Jasiiradaha Xaniish waxay ku yaallaan koonfurta Badda Cas,
waqooyiga Marin-biyoodka Baabul-Mandab, kana baxsan xeebta galbeed ee Yemen.
Jasiiradahaasi waxay ka kooban yihiin dhowr jasiiradood iyo jasiirado yaryar,
waxaana ugu waaweyn Xaniish Weyn, Xaniish Yar, iyo Jasiiradda Zuqar.
Jasiiraduhu waxay leeyihiin muhiimad istiraatiiji ah,
sababtoo ah waxay u dhow yihiin marinnada caalamiga ah ee maraakiibta ee ka
gudba koonfurta Badda Cas kuna wajahan Baabul-Mandab. Sidaas darteed, waxay
noqon karaan goobo ku habboon la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee gobolka.
Jasiiradahaasi waxay ahaayeen mawduuca isku dhac hubaysan oo
u dhexeeyay Yemen iyo Eritrea sannadihii 1990-meeyadii. Khilaafka ayaa la
xalliyay 1998-kii markii guddi caalami ah oo garqaad ah uu go’aamiyay in Yemen
ay leedahay madaxbannaanida inta badan jasiiradahaas.
Gacan-ku-haynta Xuutiyiinta ee jasiiradaha Xaniish, oo ay
weheliso horumarkooda dhanka koonfureed ee xeebta galbeed ee Yemen, waxay xoojinaysaa
joogitaankooda meel u dhow marinnada maraakiibta ee u socda Baabul-Mandab.
Sarkaal Yemeni ah oo u sheegay AFP war cusub oo ku saabsan Xuutiyiinta
Xigashada Sawirka, bb
Qoraalka sawirka, Xaaladda Yemen
Dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Iran taageerto ayaa la wareegay dhammaan
xeebaha Yemen ee ku teedsan Badda Cas, sida uu wakaaladda wararka AFP u sheegay
sarkaal milatari oo Yemeni ah oo aan magaciisa la shaacin.
Sarkaalka oo ka tirsan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan
yahay ayaa wakaaladda u sheegay: “Wax kasta oo gacanteenna ku jiray ee xeebta
galbeed ayaa dhacay.”
Sarkaalku wuxuu sidoo kale AFP u sheegay in Xuutiyiintu ay
qabsadeen laba jasiiradood oo kale oo ku yaalla marin-biyoodka Baabul-Mandab.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa wararkii hore ee sheegayay in
kooxda Xuutiyiintu ay la wareegeen Jasiiradda Perim, oo ku taalla
marin-biyoodka muhiimka ah ee maraakiibta ganacsiga.
Waa kuwee labada waddan ee Afrikaan ah ee haysta diyaaradda F-16?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Diyaarada dagaalka ee F-16
Guud ahaan qaaradda Afrika, waxaa jira laba waddan oo haysta diyaaradda F-16 ee caanka ku ah duqaymaha cirka, inta la ogyahay.
Wadamadaas ayaana waxa ay heshiis iib la galeen dowladda Maraykanka, taas oo usoo daabushaay gudaha wadamadooda.
Sida ay qortay wakaaladda wararla ee Reuters sanadkii 2015 kii, dowladda Maraykanka ayaa sideed diyaaradood oo ah nuuca F-16 waxay u daabulayeen dalka Masar.
Xilligaas ayaa waxaa soo hagaagayay xiriirka ka dhaxeeya labada dal, kadib markii milatarigu ay xilka ka tuureen madaxweynihii dalkaas Mohamed Mursi, kadib dibadbaxyo xoogan oo dalka ka dhacay, waxaana si habsami leh u hagaagay xiriirkii Mraykanka kala dhaxeeyay Abdel Fattah al-Sisi, oo badalay Mohamed Mursi.
ligaas soo saartay safaaradda Maraykanka ee dalka Masar, ayaa lagu sheegay in saanad milatari oo xanibaad laga qaaday ay gaari doonto waddanka Masar laba maalin gudahood.
Wararkii ugu dembeeyey ee aad u bahaantahay inaad ka ogaato xaaladda Yemen
Dagaalyahanno ka tirsan dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee Yemen ee
Iran taageerto ayaa “la wareegay” Jasiiradda Perim, oo ku taalla Badda Cas,
sida uu sheegay ilo ka tirsan dowladda.
Jasiiraddu waxay kala qaybisaa Marin-biyoodka Baabul-Mandab,
oo ah marin muhiim u ah maraakiibta ganacsiga ee caalamka.
Marin-biyoodkan oo ku yaalla cirifka koonfureed ee Badda Cas
ayaa isku xira Yurub, iyada oo loo sii marayo Kanaalka Suweys iyo dekedaha galbeed ee Sacuudiga, isaga oo
sidoo kale isku xira Badweynta Hindiya iyo guud ahaan Aasiya.
Qodobada muhiimka ah:
Bayaan
ay soo saareen Jimcihii, kooxda Iran taageerto waxay sheegtay in “socodka
maraakiibtu uu ammaan u yahay dhammaan shirkadaha, marka laga reebo
maraakiibta Sacuudiga,” kuwaas oo ay sheegeen inay ku jiraan “xannibaad.”
Xuutiyiintu
waxay sheeganayaan inay horumarro waaweyn ka sameeyeen Yemen, kadib markii
kooxda la sheegay inay Khamiistii qabsatay magaalada dekedda ah ee Mokha,
oo ku taalla Badda Cas.
Kooxdu
waxay sidoo kale sheegtay inay ka saartay “ciidamada Sacuudigu taageero”
xeebaha galbeed ee Yemen, balse bayaankoodu si gaar ah ugama hadlin
Jasiiradda Perim.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:Weerarradii September 11: Maxaa dhacay maalintaas? Imisa qof ayaa ku dhintay?maxkamad go'aan kasoo saartay nin doonayay in loo soo celiyo haddiyado dhan $369,000 oo saaxiibtiis hore uu siiyay
Warbixin: Trump wuxuu diiday codsigii Maxamed bin Salmaan ee ahaa in la beegsado Xuutiyiinta
Madaxweynaha Iiraan iyo Raysal Wasaaraha Hindiya oo kulmay,maxase ka wadahadleen
Madaxweynaha Iran Mas’uud Pezeshkian ayaa la kulmay oo
wada-hadallo la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, iyagoo
yeeshay shir doceedyo barbar socda shirka BRICS ee ka socda New Delhi.
Sida ay sheegayaan warbaahinta Iran, Pezeshkian wuxuu
carrabka ku adkeeyay “baahida loo qabo in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah
iyo in la sii wado heshiisyada istiraatiijiga ah” ee labada dal.
Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha ayaa ka mid ah madaxda
dalalka kale ee BRICS ee ka qaybgalaya shirka.
Saacad ka hor, Pezeshkian ayaa khudbad ka jeediyay shirweynaha dhaqaalaha BRICS, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dalalka
xubnaha ka ah BRICS ee dhinacyada bangiyada iyo lacagaha.
Isagoo tixraacaya cunaqabateynta Maraykanka, ayuu yiri: “Isticmaalka
sii kordhaya ee aaladaha dhaqaale si cadaadis dhaqaale loo saaro dalalka ayaa
khatar geliyay ganacsiga sharciga ah ee dalalka kale.”
Xaaska mid ka mid ah dhibbanayaashii 9/11 ayaa ku eedaysay Sacuudiga inuu door ku lahaa weerarradaas
Qoraalka sawirka, Terry Strada
Wax yar ka hor, intii lagu guda jiray xuska 9/11 ee New
York, Terry Strada, oo ah xaaskii mid ka mid ah dadkii ku dhintay weerarrada,
ayaa markii ay akhriday magaca ninkeeda kadib hadalkeeda ku soo qaadatay waxa
ay ku tilmaantay doorka lagu eedeeyay ee Sacuudigu ku lahaa weerarrada.
“Sidee bay u suurtagal tahay in 25 sano ay ka soo wareegaan,
haddana aan weli caddaalad loo helin doorkii Sacuudigu ku lahaa dilkaaga?” ayay
tiri iyadoo taagan goobta khudbadda, taasoo dhalisay sacab xooggan oo ka yimid
dadkii goobta joogay.
Waxay intaas ku dartay in dalkaasi uu “dunida ku faafiyay
dhaqan xun oo dhiirrigelinaya argagixisada ka soo horjeedda Maraykanka.”
Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa marar badan
beeniyay inay wax lug ah ku lahaayeen weerarradii 11-kii Sebtembar. Sannadkii
2004, baaritaan uu Maraykanku sameeyay ayaa sidoo kale Sacuudiga ka fogeeyay
inuu ku lug lahaa weerarrada.
Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah qoysaska
dhibbanayaasha ayaa weli dalbanaya in lala xisaabtamo Sacuudiga, iyagoo
gudbiyay dacwad madani ah oo ku eedaynaysa dalkaasi inuu taageeray Al-Qaacida.
Maxaad ka taqaannaa Mahad Karate, hoggaamiyaha awoodda badan ee Mareykanku raadinayo?
Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Waxa uu dhashay intii u dhaxeysay sanadihii 1957 1962-dii. Waa ku xigeenka hoggaanka ururka Al-shabaab, waxaa na la sheegay inay hoos tagaan qeybta awoodda badan ee sirdoonka kooxdan ee Amniyaadka loo yaqaanno iyo xitaa qeyb ka mid ah maamulka dhaqaalaha ee kooxdan. Mareykanku waxay sheegeen in uu ku hadlo afafka Soomaali, Carabi iyo Sawaaxili.
Khudbaddii uu ka jeediyay shir-madaxeedka BRICS, Madaxweyne Mas’uud
Pezeshkian ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dalalka xubnaha ka ah
ururkan dhaqaale, gaar ahaan dhinacyada bangiyada iyo lacagaha.
Isagoo tixraacaya cunaqabateynta Maraykanka, ayuu yiri: “Isticmaalka
sii kordhaya ee aaladaha dhaqaale si cadaadis dhaqaale loo saaro dalalka ayaa
khatar geliyay ganacsiga sharciga ah ee dalalka kale.”
Madaxweynaha Iran ayaa sidoo kale yiri: “Nidaamka
maaliyadeed ee caalamka ee hadda jira wuxuu nugul yahay, sababtoo ah wuxuu si
weyn ugu tiirsan yahay tiro yar oo lacago ah. Bangiga BRICS wuxuu noqon karaa
matoorka lacagaha ee dalalka xubnaha ka ah.”
Sida uu sheegay Pezeshkian, “Awoodda BRICS waxay si cad u
muuqan doontaa marka iskaashigu uga gudbo heerka suurtagalnimada oo uu noqdo
iskaashi dhab ah oo la fuliyo.”
Wuxuu sidoo kale yiri: “Iran waxay diyaar u tahay inay la
shaqeyso xubnaha BRICS si loo dhiso dhaqaale furan oo ka caddaalad badan...
Iyadoo leh goob juqraafiyeed oo istiraatiiji ah iyo kheyraad tamareed, Iran
waxay diyaar u tahay inay noqoto mid ka mid ah isku-xirayaasha muhiimka ah ee
nidaamka dhaqaale ee BRICS.”
Iyadoo cunaqabateyntu sii ballaaranayso iyo dagaalka
dhaqaale ee Maraykanku uu sii socdo, mas’uuliyiinta Iran waxay doonayaan inay
ballaariyaan xiriirkooda ay la leeyihiin quwadaha waaweyn sida Shiinaha iyo
Ruushka, si ay uga fogaadaan nidaamka maaliyadeed ee ku saleysan dollarka.
Qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa uu ka jeediyay
shir-madaxeedka BRICS ee New Delhi, Madaxweynaha Iran wuxuu yiri: “BRICS waa
inuu abuuraa jawi uusan waddan keli ahi awood ugu yeelan inuu carqaladeeyo
ganacsiga sharciga ah ee dalalka kale isagoo keligiis maamulaya ama awood ku
yeelanaya aalad maaliyadeed ama tiknoolajiyad.”
Waxaa soo badanaya dilalka loo geysanayo dadka ku suntan nabadda iyo samafalka oo waayadii hore aan lagu degdegi jirin xasaanadda ay huwan yihiin awgeed.
Dadkan dilka ka caaggan oo loo yaqaan BIRI-MA-GEYDO ayaa isugu jira shakhsiyaad haldoor ah oo bulshada ugu jira kaalimo muhiim ah iyo kuwo u nugul in la dulmiyo, sidaas darteedna bulshadu xil iska saartay ilaalintooda.
Inkasoo ay adag tahay in la helo tirokoob rasmi ah, haddana waxaa la aaminsan yahay in sannad walba Soomaaliya lagu dilo boqollaal qof oo Biri-ma-geydo ah, kuwaas oo aan helin bedbaadadii ay mudnaayeen.
Dadka dilka ka caaggan ee sannadkaan la beegsaday waxaa ka mid ah, foolaadka bulshada iyo 'maato ilmadow' ah oo badankood loo dilay aano qabiil ama ujeeddooyin kale oo aysan mudneyn.
Qiiq madow laga arkay hawada sare ee dhuumaha shidaalka ee Beriga-Galbeed ee sacuudiga, sida lagu arkay sawirrada dayax-gacmeedka.”
Xigashada Sawirka, Copernicus Sentinel-3/Reuters
Qoraalka sawirka, Sawirrada dayax-gacmeedka ee la qaaday
Sawirrada dayax-gacmeedka ee la qaaday Khamiistii ayaa
muujinaya qiiq ka kacaya meel u dhow dhuumaha shidaalka ee “Bariga-Galbeed” ee
Sacuudiga.
Sacuudigu ma uusan xaqiijin wax dhacdo ah oo ka dhacday
goobtaas. Xafiiska warbaahinta dowladda iyo shirkadda weyn ee shidaalka Aramco
midkoodna kama jawaabin codsiyada Reuters ee ahaa inay faallo ka bixiyaan
arrintan.
Dhuumaha Bariga-Galbeed ayaa muhiimad weyn u leh Sacuudiga
tan iyo markii uu dagaalku billowday, maadaama Aramco ay shidaalka uga soo
gudbin karto xeebta bari ee Gacanka Faaris una qaadi karto xeebta galbeed ee
Badda Cas. Sidaas awgeed, shidaalku uma baahna inuu maro Marin-biyoodka Hormuz.
Warbaahinta Iran iyo Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in qiiqa
lagu arkay sawirrada dayax-gacmeedka uu ka dhashay weerar ay Xuutiyiintu ku
qaadeen dhuumaha shidaalka.