Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, WHO oo sheegtay in Ebola uu weli ku fidayo Congo

    Congo

    Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in cudurka Ebola uu weli ku sii fidayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, inkastoo ay jiraan calaamado muujinaya in horumar laga sameynayo xakameyntiisa.

    Dr Tedros ayaa sheegay in faafitaanka cudurka uu gaabis ka noqday gobolka Ituri, halkaas oo uu cudurku ka dillaacay, isla markaana aan wax kiis cusub laga diiwaangelin gobolka Kivu ee Bariga tan iyo bishii May.

    Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva, ayuu sheegay in dadaallada lagu xakameynayo fayraska Ebola ay horumar sameynayaan, balse dagaalka lagula jiro cudurka uusan weli dhammaan.

    Wuxuu sheegay in gobollada bariga iyo waqooyi-bari Congo ay yihiin dhul aad u ballaaran, isla markaana ay ka jiraan kaabayaal caafimaad iyo gaadiid oo aan ku filnayn.

    Dr Tedros wuxuu intaa ku daray in tirada kiisaska Ebola ee waqooyiga Congo ay hal toddobaad gudaheed ku korortay ku dhowaad boqolkiiba 50.

    Wuxuu sheegay in cudurku uu ku fiday toddoba gobol oo ka tirsan Congo, isla markaana ay jirto suurtagalnimo ah inuu ku sii faafo deegaanno kale.

    Tan iyo bartamihii May, markii la shaaciyay inuu cudurku dillaacay, in ka badan 7,000 qof ayaa laga xaqiijiyay inay qaadeen Ebola, halka in ka badan 3,500 qof ay dhinteen.

  2. War deg deg ah, Qaar ka mid ah dhuumaha shidaalka Sacuudiga oo waxyeello la gaarsiiyay

    Laba xarumood oo lagu shubo saliidda oo ku yaalla dhuumaha shidaalka ee muhiimka ah ee isku xira bariga iyo galbeedka Sacuudiga ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarkii toddobaadkii hore, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed oo ka tirsan dhinacyada shidaalka iyo amniga.

    Dhuumahan oo dhererkoodu yahay ku dhowaad 1,200 oo kiiloomitir ayaa mara guud ahaan Jasiiradda Carabta. Waxaa maamusha shirkadda Aramco, waxayna door muhiim ah ka ciyaaraan gaadiidka shidaalka iyada oo aan loo marin Marinka Hormuz.

    Mas’uuliyiin Sacuudi ah ayaa horay u sheegay in dhuumuhu si ku-meel-gaar ah u istaageen Jimcihii, kadib weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo qaaday dhulka Ciraaq.

    Aramco iyo xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaan weli ka jawaabin codsi ay Reuters u dirtay oo ku saabsan baaxadda khasaaraha iyo waqtiga lagu dhammaystirayo dayactirka.

    Sidoo kale akhri:

  3. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Sacuudigu leeyahay

    Diyaarad dagaal

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo uu leeyahay Sacuudigu, iyagoo sheegay inay adeegsadeen hub ay gudaha dalka ku sameeyeen.

    Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa baraha bulshada ku qoray in ciidamada Yemen ay ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarad dagaal oo nooca F-15 ah oo Sacuudi leedahay, xilli hawlgal uu ka socday gobolka Ma’rib.

    Yaxya Sariic ayaa sidoo kale beeniyay sheegashada Sacuudiga ee ah in Xuutiyiintu isku dayeen inay gantaal ku weeraraan magaalada Makka.

    “Waxaan weerarradayada ku beegsanaynaa bakhaarrada shidaalka iyo saldhigyada milatari,” ayuu yiri.

    Dhowr saacadood ka hor, milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Xuutiyiintu soo direen, kuwaas oo dul marayay magaalada Makka. Xuutiyiinta ayaa beeniyay sheegashadaas.

    Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa socday in ka badan toban sano, wuxuuna u dhexeeyaa Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo taageero ka hesha Sacuudiga.

    Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay xirayaan marinka Babul-Mandab, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta iyo dhoofinta shidaalka Sacuudiga, kadib markii Iran ay xirtay Marinka Hormuz.

    Sidoo kale akhri:

  4. Qiimaha Shidaalka adduunka oo wax yar hoos u dhacay

    Kaalin shidaal
    Qoraalka sawirka, Kaalin shidaal

    Qiimaha shidaalka a ee suuqyada caalamka ayaa Arbacadii hoos u dhacay, taas oo yareysay walaaca laga qabay in sahayda shidaalka ee Bariga Dhexe ay carqalad gasho.

    Hoos u dhaca ayaa yimid kadib markii Sacuudigu sheegay inuu kordhinayo dhoofinta Shidaalka cayriin, isaga oo qayb ka mid ah ku diri doona dalka Cumaan.

    Sida ay sheegtay wakaaladda Reuters, qiimaha Shidaalka nooca Brent ayaa hoos u dhacay $1.30, ama 1.2%, waxaana foostadu gaartay $107.45.

    Qiimaha shidaalka nooca West Texas Intermediate (WTI) ee Mareykanka ayaa isna hoos u dhacay $1.96, ama 1.85%, isagoo gaaray $103.87 foostadii.

    Maalintii ka horreysay, qiimaha Shidaalka wuxuu kordhay in ka badan $3, kadib markii ilo ka tirsan Sacuudiga ay sheegeen in la joojiyay rarista shidaalka cayriin ee laga dhoofiyo dekedda Yanbu ee Sacuudiga, oo ah dekedda ugu weyn dalkaas ee ku taalla Badda Cas.

    Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in Riyadh ay baajisay qaar ka mid ah shixnadihii shidaalka cayriin ee loo diri lahaa dalalka Yurub.

    Arrintan ayaa dhalisay walaac ah in carqaladda ku timid mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhoofinta shidaalka ay sii socon karto toddobaadyo.

    Si kastaba ha ahaatee, qiimaha naaftada ee Yurub ayaa weli ku dhow heerarkii ugu sarreeyay ee abid la diiwaangeliyo.

    Sidoo kale akhri:

  5. Muuqaal soconaya afar saacadood oo ku saabsan ninka ugu taajirsan dunida oo buuq abuuray

  6. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay weerarka Makka ee Xuutiyiinta loo aaneynayo

    Nabil Fahmy, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa cambaareeyay weerarka lagu eedeeyay Xuutiyiinta Yemen inay ku qaadeen magaalada Makka ee Sacuudiga.

    Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in amniga Makka iyo xurmada goobaha barakeysan ee Islaamka ay yihiin “arrin aad u culus”. Waxa uu sidoo kale ammaanay ciidamada cirka Sacuudiga, isaga oo ku tilmaamay inay ka hortageen weerarka.

    Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka digay in sii kordhaya weerarrada Xuutiyiintu ku qaadaan gudaha Sacuudiga ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka.

    Toddobaadyadii u dambeeyay, Jaamacadda Carabta ayaa dhowr jeer cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga, iyadoo ka digtay saameynta ay ku yeelan karaan amniga gobolka.

  7. Isku dhac la sheegay inuu dhex maray maraakiibta ciidamada badda Hindiya iyo Pakistan, iyadoo ay Hindiya cabasho u gudbisay Pakistan

    Maraakiib
    Qoraalka sawirka, Maraakiib

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa u yeertay ku-simaha madaxa safaaradda Pakistan ee New Delhi, si ay uga gudbiso cabasho adag oo ku saabsan waxa ay ku tilmaantay “dhaqan aan xirfadeysnayn oo aan la aqbali karin” oo ay muujiyeen cutubyo ka tirsan ciidamada badda Pakistan.

    Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayaa sheegay in dhacdadu ay keentay isku dhac dhex maray markab ka tirsan ciidamada badda Pakistan iyo mid ka tirsan ciidamada badda Hindiya, xilli ay ku jireen biyaha caalamiga ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaan weli ka hadlin arrintan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya waxay sheegtay in dhacdadu ka dhacday biyaha caalamiga ah, isla markaana aysan sababin wax khasaare weyn ah.

    Hase yeeshee, Hindiya waxay ku adkeysatay in hab-dhaqanka markabka Pakistan uu si toos ah uga hor imaanayay Qodobka 10-aad ee heshiiskii April 1991 ee u dhexeeyay labada dal, kaas oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo ogeysiinta hore ee howlgallada milatari.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ku-simaha madaxa safaaradda Pakistan loo sheegay inuu fariinta gaarsiiyo mas’uuliyiinta ay khuseyso ee Pakistan, si dhammaan cutubyada milatarigu ay u muujiyaan taxaddar iyo masuuliyad, isla markaana ay u hoggaansamaan heshiisyada labada dal gaareen, si looga hortago dhacdooyin noocan oo kale ah mustaqbalka.

    Hindiya waxay sidoo kale sheegtay inay ku amartay ku-simaha madaxa safaaraddeeda ee Islamabad inuu cabasho la mid ah tan u gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan.

    Sidoo kale akhri:

  8. Vance: Dagaalka Mareykanka iyo Iran wuxuu bilaha soo socda geli doonaa “marxalad aad uga duwan midda hadda”

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance,
    Qoraalka sawirka, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance,

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, J.D. Vance, ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran uu bilaha soo socda geli doono “marxalad aad uga duwan”.

    Vance ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska New York Post ku sheegay inuu ku raacsan yahay hadallada Madaxweyne Donald Trump ee ah in dagaalku uu dhammaan doono doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka kadib.

    Isaga oo Isniintii diyaaradda kula hadlayay wariyeyaasha, ayuu sheegay in marka doorashada la gaaro Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ay weli “waayi doonto gacan ku haynta marin-biyoodka Hormuz”.

    “Ma saadaalin karno mustaqbalka, balse waxaan u maleynayaa in madaxweynuhu sax yahay marka uu leeyahay xaaladdani bilaha soo socda waxay noqon doontaa mid aad uga duwan,” ayuu yiri Vance.

    Wuxuu intaas ku daray: “Isagu sidoo kale waa taliyaha guud ee ciidamada, sidaas darteed isaga ayaa go’aamiya goorta colaadaha ay bilaabanayaan iyo goorta ay dhammaanayaan.”

    Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay inuu fahamsan yahay in shacabka Mareykanka ay bilaabeen inay ka samraan waayaan xaaladda, balse wuxuu sheegay in Mareykanku xilligan uusan wadin hawlgallo weerar ah.

    “Waxa hadda dhacaya ayaa ah in Mareykanku uusan ku jirin hawlgallo weerar ah; dhab ahaantii taas ma sameyneyno,” ayuu yiri.

    Vance ayaa sidoo kale sheegay in Iran mararka qaar ay rasaas ku furto maraakiibta ganacsiga, inkastoo uu sheegay in weerarradaasi inta badan aysan guuleysan.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa dhowr jeer sheegay in dagaalka Iran uu dhammaan doono kadib doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka ee bisha November.

    Sidoo kale akhri:

  9. Xuutiyiinta oo sheegtay weerarro ka dhan ah Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay dhowr weerar ku qaadeen goobo iyo hanti Sacuudigu leeyahay, balse waxay beeniyeen inay iyagu fuliyeen weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu beegsaday Makka, oo ah magaalada ugu barakaysan Islaamka.

    Xuutiyiintu waxay sheegeen inay soo rideen diyaarad dagaal oo nooca F-15 ah oo Sacuudiga leeyahay, taas oo ay sheegeen inay ku dhacday gobolka Marib ee Yemen. Hase yeeshee, sheegashadaas si madax-bannaan looma xaqiijin.

    Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto ayaa sidoo kale sheegay inay weerareen saldhig diyaaradeed oo Sacuudiga leeyahay iyo xarumo shidaal, balse mas’uuliyiinta Sacuudiga ma aysan xaqiijin labadaas weerar.

    Weerarka la sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn lagu qaaday Makka ayaa dhaleeceyn kala kulantay Jaamacadda Carabta.

    Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen diyaaradda aan duuliyaha lahayn.

  10. Sweden oo u yeertay safiirka u fadhiyay Iran, dalka-na ka ceyrisay Dublamaasi Iran

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ayaa sheegtay inay u yeertay safiirka Iran, isla markaana ay dalbatay in sarkaal ka tirsan safaaradda Iran ee Stockholm uu dalka ka baxo.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in go’aankaasi uu la xiriiray fal ay ku tilmaantay “mid aan waafaqsanayn heshiiska Vienna ee xiriirka diblomaasiyadeed”, balse ma aysan faahfaahin nooca hawsha ama falka loo jeediyay.

    Xiriirka Tehran iyo Stockholm ayaa sannadihii u dambeeyay ahaa mid kacsan. Sweden ayaa horay ugu yeertay diblomaasiyiin Iiraaniyiin ah, kadib markii muwaadiniin Swedish ah lagu xiray Iran.

    Bishii June 2024, laba muwaadin oo Swedish ah, Johan Floderus iyo Saeed Azizi, ayaa laga sii daayay Iran, iyadoo heshiiskaas uu sidoo kale horseeday in Hamid Nouri laga sii daayo xabsi ku yaalla Sweden.

    Sweden ayaa sidoo kale bishii July 2025, iyadoo ay ku biireen dalal kale oo Yurub ah, Mareykanka iyo Canada, Iran ku eedeysay inay isku dayday inay cabsi geliso, afduubto ama dhibaateyso mucaarad, saxafiyiin iyo dad kale oo ku nool Yurub iyo Waqooyiga Ameerika. Iran ayaa beenisay eedeymahaas.

    Heshiiska Vienna ayaa qeexa xeerarka iyo xuquuqda la xiriira hawlaha iyo shaqada safaaradaha iyo wakiillada diblomaasiyadeed.

    Sidoo kale akhri:

  11. Nin u sheegay ChatGPT inuu doonayo in uu dilo wiilkiisa oo sideed jir ah oo boolisku gacanta ku dhigeen

  12. Mareykanka oo muwaadiniintiisa kula taliyay inay “dib uga fiirsadaan” u safaridda Sacuudiga

    Safaaradda iyo Qunsuliyadda Mareykanka ee magaalada Riyadh ayaa soo saartay digniin ay muwaadiniinta Mareykanka kula talinayso inay “dib uga fiirsadaan” safarada ay ku tagayaan Sacuudiga.

    Safaaradda ayaa digniinteeda ku sababeysay khataro ay ka mid yihiin “in danaha Mareykanka lagu bartilmaameedsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada Iran, iska horimaadyo hubeysan, argagixisanimo, xayiraadaha safarka iyo sharciyada maxalliga ah ee la xiriira isticmaalka baraha bulshada”.

    Digniinta ayaa sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah gobollada Sacuudiga ay leeyihiin khatar amni oo ka sarreysa meelaha kale.

    Safaaradda iyo Qunsuliyadda Mareykanka ayaa sidoo kale muwaadiniintooda kula talisay inaysan u safrin xuduudda Sacuudiga uu la wadaago Yemen, sababo la xiriira “khatarta argagixisanimo”.

    Xuutiyiinta ayaa tan iyo markii dagaalka sokeeye ee Yemen uu mar kale xoogaystay bishii July dagaallo cusub kula jiray ciidamada dowladda Yemen oo uu taageero Sacuudigu.

    Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay inay xannibaad dhinaca badda ah ku soo rogtay Sacuudiga, isla markaana ay bartilmaameedsatay maraakiibta dalkaas ee ku sugan Badda Cas.

  13. Noocyada Gantaallada Xuutiyiinta iyo halka ay gaari karaan

    gantaalada
    Qoraalka sawirka, Gantaalada

    Kooxda Xuutiyiinta ayaa maalmihii u dambeeyay sameynayay hormar ka dib dagaal ay la galeen ciidamada dowladda Yemen.

    Hadaba intee dhan tahay awoodda Gantaalada Xuutiyiinta

    • Scud Soviet B1C oo gaaraya masaafo dhan 300 km
    • Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 5, masaafo dhan 300 km
    • Gantaalka Waqooyiga Kuuriya Hwasong 6, masaafo dhan 600 km
    • 21 Scarab Soviet, masaafo dhan 70 km
    • Earthquake 3 (Dhul-gariir) oo Iiraan lagu farsameeyo 250 km
    • Qaher 1 midowgii Soviet, masaafo dhan 250 km
    • Diyaarada C802 waa Shiine, waxa ayna u dhaxaysa 120 ilaa 180 kiiloomitir
    • Awoodda milatari ee badda
    • Mandab 1 waa gantaal Shiinees ah oo gaaraya 40 km
    • Mandab 2 waa Iranian waxa uuna gaarayaa 250 km
    • Shaale Iiraan 180 km
    • Rubies Soviet oo gaaraya 80 km
    • Quddus Iiraan ayaa isna farsamaysa, 800 km ayuu gaarayaa
    • Duufaan oo Iiraan ka yimid asna, masaafo dhan 450 km
    • Fiyuus, Iiraan 140 km
    • Gantaalka Badda Cas isna waxa uu ka yimid Iiran lamase garanayo masaafada uu jari karo
  14. Qaybo ka mid ah suuqyada magaalooyiinka Saqqez iyo Sanandaj

    Mahsa Amini
    Qoraalka sawirka, Mahsa Amini

    Ilo xog-ogaal ah ayaa BBC-da Faaris u sheegay in, iyadoo ay ku beegan tahay sannad-guurada dhimashadii Mahsa Amini, xaaladda magaalooyinka Saqqez iyo Sanandaj ee gobolka Kurdistan ee Iran ay kacsan tahay, iyadoo qaybo ka mid ah suuqyada iyo goobaha ganacsiga la xiray.

    Qof BBC-da uga warramay Saqqez ayaa sheegay in magaalada ay ahayd mid cidlo ah, isla markaana dukaamo badan ay xirmeen.

    Wuxuu sheegay in ciidamo badan oo ammaanka ah, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay lagu soo daabulayay Saqqez, ay ku sugnaayeen Fagaaraha Xabsiga, oo sidoo kale loo yaqaan Fagaaraha Kacaanka, waddada isku xirta Baneh iyo Saqqez, iyo agagaarka qabuuraha Aichi.

    Ilo wareedkan ayaa sheegay in tan iyo subaxnimadii dadka ay isweydiinayeen in ay tagaan iyo in kale qabuuraha Aichi, si ay u xusaan sannad-guurada Gina Mahsa Amini, isaga oo xaaladda ku tilmaamay mid “jahawareer leh”.

    Sida uu sheegay, walaac badan ayaa jira, balse dad badan ayaa doonaya inay booqdaan qabriga Gina Mahsa Amini si ay u xusaan sannad-guuradeeda, iyaga oo sugaya inay arkaan sida xaaladdu isu beddesho galabta.

    Dhanka kale, qof goob-jooge ah oo ku sugan Sanandaj ayaa BBC-da u sheegay in ganacsato badan iyo dadkii ka shaqaynayay suuqyada magaalada ay maanta sameeyeen shaqo-joojin, inkastoo dukaamo qaar ay furnaayeen.

    Goobjoogaha ayaa sheegay in waddada 6-aad ee Bahman, oo loo yaqaan Pasdaran, ay gebi ahaanba xiran tahay, iyadoo magaalada ay ka jirto xaalad amni oo aad loo adkeeyay.

    Sidoo kale akhri:

  15. Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Sacuudiga leeyahay

    Xuutiyiinta Yemen ayaa Arbacadii sheegay inay soo rideen diyaarad dagaal oo nooca F-15 ah oo ay leeyahay Sacuudiga, iyaga oo sheegay in ay adeegsadeen hub ay gudaha dalka ku sameeyeen.

    Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa baraha bulshada ku qoray in ciidamada Yemen ay “ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarad dagaal oo Sacuudiga leedahay, xilli ay hawlgallo cadowtinimo ka waday hawada gobolka Marib, taas oo lagu taageerayay dhaqdhaqaaqyada milatari ee dalka”.

    Yahya Saree ayaa sheegay in diyaaradda lagu bartilmaameedsaday “gantaal hawada-wax ka toogta oo gudaha dalka lagu sameeyay”.

    Afhayeenku sidoo kale wuu beeniyay sheegashada Sacuudiga ee ah in Xuutiyiintu toddobaadkan bartilmaameedsadeen magaalada Makka.

    “Duqeymahayagu waxay bartilmaameedsadaan xarumaha shidaalka iyo saldhigyada milatariga,” ayuu yiri.

    Saacado ka hor, ciidamada difaaca cirka ee Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen oo burburiyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Xuutiyiintu ka soo direen Yemen, ka hor inta aysan gelin hawada xaddidan ee Makka.

    Xuutiyiinta ayaa tan iyo markii uu dagaalka sokeeye ee Yemen mar kale xoogaystay bishii July dagaallo cusub kula jiray ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo uu taageero Sacuudigu.

    Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay inay xannibaad dhinaca badda ah ku soo rogtay Sacuudiga, waxayna bartilmaameedsatay maraakiibta dalkaas ee ku sugan Badda Cas.

    Sidoo kale akhri:

  16. Xuutiyiinta oo markii ugu horeysay ka hadlay inay weerar daroon ku qaadi rabeen Makka

  17. Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo cambaareeyay weerarka Makka

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif,
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif,

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa weerarka lagu qaaday magaalada Makka ku tilmaamay “fal fulaynimo iyo waxashnimo ah”, isaga oo si adag u cambaareeyay.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa Xuutiyiinta Yemen ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarka.

    Mr Sharif ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ee X ku sheegay: “Dadka Pakistan aad ayay uga murugoodaan, walaacna waxay ka muujinayaan falkaas foosha xun.”

    Xuutiyiinta ayaa beeniyay inay weerar ku qaadeen Makka.

    Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay: “Hawlgalladeennu waxay beegsadaan xarumaha shidaalka iyo saldhigyada milatariga.”

    Sidoo kale akhri:

  18. Min gantaallada Yemen ilaa dagaalka Suudaan: Sidee garaadka macmalka ah loogu adeegsanayaa colaadaha gobolka?

  19. Ugu yaraan 12 qof oo ku dhintay dhisme dabaq ah oo ku dumay Gaza

    Gaza
    Qoraalka sawirka, Gaza

    Ugu yaraan 12 qof, oo ay ku jiraan carruur, ayaa ku dhintay, tobannaan kalena waa la la’yahay kaddib markii uu burburay dhisme dagaalku waxyeelleeyay oo ku yaalla Marinka Gaza, sida ay sheegeen kooxaha gurmadka ee deegaanka.

    Muuqaallo la duubay ayaa muujinaya howsha raadinta meydadka iyo dadka badbaaday oo ka socota burburka dhisme dhowr dabaq ah oo ku yaalla deegaanka Tal al-Hawa ee magaalada Gaza, iyadoo dabaqyada dhismuhu isku dul dhaceen.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in 10 qoys ay ku noolayeen guryaha dhismaha, inkastoo looga digay in dhismuhu aanu ammaan ahayn.

    Xubno ka tirsan adeegga Difaaca Madaniga ah ee ay maamusho Xamaas ayaa sheegay inay markii hore ku shaqeynayeen “gacmo maran”, sababo la xiriira xannibaadaha adag ee Israel ay saartay qalabka loo oggol yahay in la geliyo dhismaha Gaza. Hase yeeshee, waxay markii dambe awoodeen inay amaahdaan qaar ka mid ah mashiinnada culus.

    Talaadadii, duqeymo cirka ah oo Israel ka fulisay Gaza ayaa lagu dilay ugu yaraan shan Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan laba carruur ah iyo taliye ka tirsan Xamaas, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo ilo ka tirsan Xamaas.

    Milatariga Israel ayaa sheegay inay koonfurta Gaza ku dileen taliye ka tirsan Xamaas, halka waqooyigana lagu dilay dagaalyahan kale. Labada dhacdoba, waxaa sidoo kale la sheegay in carruur lagu dilay.

    Dhanka kale, hay’adda samafalka ee Britain laga leeyahay ee Medical Aid for Palestinians ayaa sheegtay in bukaan lagu dilay diyaarad aan duuliye lahayn oo Israel leedahay, taas oo ku dhufatay xarun caafimaad oo ay hay’addu taageerto oo ku taalla Jabalia, waqooyiga Gaza.

  20. Sida magaaladan ku taala Afrika ay London iyo Rome uga guuleystay martigelinta tartan caalami ah