Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Ma dhabbaa warkaan ku saabsan quraacda subaxdii la cuno

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Dhammaanteen waxaan maqalnaa talada ah cunnitaanka quraac wanaagsan subaxdii ay faa'iido inoo leedahay inta aynu ku guda jirno maalintii, laakiin taasi micnaheedu miyay tahay cuntadan xaqiiqdii inay inaga dhigto kuwo caafimaad qaba oo diyaarsan, ama si kale ayay ula xiriirtaa?

    Waxaa jira oraahyo qadiimi ah oo tilmaamaya sida "Kaarootadu waxa ay hagaajisaa aragtida indhaha" iyo "Santa Claus uma keeno haddiyado carruurta aan dhaqanka wanaagsanayn,''

  2. Mareykanka oo fiisaha u diiday madaxweynaha Falastiin iyo faahfaahin ku saabsan arrinkaan

    Maxamuud Cabbaas

    Sida ay wararku sheegayaan, dowladda Mareykanka ayaa mar kale diiday codsiga fiisaha madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas, si uu uga qeybgalo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Tani waxay noqonaysaa sannadkii labaad oo xiriir ah ee Cabbaas laga hor istaago inuu si shaqsi ah uga qeybgalo shirka.

    Sannadkii hore, Cabbaas khudbaddiisa sannadlaha ah ee Golaha Guud wuxuu jeediyay isagoo adeegsanaya muuqaal toos ah.

    Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa caadiyan bisha September lagu qabtaa magaalada New York, iyadoo madaxda dalalku ay khudbado ka jeediyaan arrimaha iyo caqabadaha caalamka.

  3. Daraasad: Raggu waa in ay iska ilaaliyaan dawooyinkan oo halis ku ah awoodooda

    .

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

  4. War deg deg ah, Maxey ahayd farriintii uu diray duuliyihii Mareykanka ee diyaaraddii uu waday lagu soo riday gudaha Iran?

    Mareykanka

    Mid ka mid ah laba sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Cirka Mareykanka, kuwaas oo diyaaraddooda dagaalka ee F-15E lagu soo riday hawada Iran bishii Abriil, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay wixii dhacay.

    Sarkaalkan oo loo yaqaan "Bravo", ayaa sheegay in markii gantaalku ku dhacay diyaaradda ay ahayd "sida tareen xamuul ah oo ku dhacay oo kale."

    Wuxuu sheegay inuu dhaawacyo dhowr ah la kulmay kadib markii diyaaraddii ay burburtay, isla markaana uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada Iran isagoo wata baarashuud waxyeello soo gaartay.

    Diyaaradda ayaa 3-dii Abriil lagu bartilmaameedsaday dhul buuraley ah oo koonfur ka xiga magaalada Isfahan.

  5. War deg deg ah, Weli halkaad nagala socotaan waa BBCSomali.com, waxaan halkaan idinkugu soo gudbinaynaa wararkii ugu dambeyay ee caalamka ka dhacaya, iyadoo si degdeg ah aan idinkugu soo tebineyno. Soo dhawaada mar kale

    Wararka dunida
  6. War deg deg ah, Askarta Mareykanka ee Bariga Dhexe oo qiray in Iran khasaare xooggan gaarsiisay saldhigyadooda

    Diyaarad burbur ka muuqdo

    Sawirro muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray goobo dhowr ah oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe kadib weerarradii Iran ayaa ay heshay CBS, oo ah bahwadaagta BBC ee Mareykanka.

    Sawirrada oo ay bixiyeen xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka ee hadda shaqeeya ayaa muujinaya diyaarad radar ah oo qayb ka mid ah ka go’an, gaadiid iyo dhismayaal si weyn u burburay.

    Sawirrada oo aan taariikh lagu xusin ayaa laga qaaday saldhigyo iyo goobo Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga iyo Kuwait.

    Mid ka mid ah askarta, oo CBS aysan magaciisa shaacin, ayaa sheegay: “Khasaaraha soo gaaray saldhigyadeenna waa mid aad u weyn, balse shacabka Mareykanka looma sheegin.”

    Aqalka Cad ayaa BBC u sheegay inay arrintan ay kala xiriirto Taliska Dhexe ee Mareykanka CENTCOM, balse CENTCOM isla markiiba kama aysan jawaabin codsiga BBC ee faahfaahinta lagu dalbaday.

  7. War deg deg ah, Khasaaraha Mareykanka soo gaaray ee shacabka Mareykanka laga qariyay

    .

    Sawirro muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray goobo dhowr ah oo Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe kadib weerarradii Iran ayaa ay heshay CBS, oo ah bahwadaagta BBC ee Mareykanka.

    Sawirrada oo ay bixiyeen xubno ka tirsan ciidamada Mareykanka ee hadda shaqeeya ayaa muujinaya diyaarad radar ah oo qayb ka mid ah ka go’an, gaadiid iyo dhismayaal si weyn u burburay.

    Sawirrada oo aan taariikh lagu xusin ayaa laga qaaday saldhigyo iyo goobo Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga iyo Kuwait.

    Mid ka mid ah askarta, oo CBS aysan magaciisa shaacin, ayaa sheegay: “Khasaaraha soo gaaray saldhigyadeenna waa mid aad u weyn, balse shacabka Mareykanka looma sheegin.”

    Aqalka Cad ayaa BBC u sheegay inay arrintan ay kala xiriirto Taliska Dhexe ee Mareykanka CENTCOM, balse CENTCOM isla markiiba kama aysan jawaabin codsiga BBC ee faahfaahinta lagu dalbaday.

    Saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe
    Qoraalka sawirka, .
    Diyaarad qayb ka go'an
  8. War deg deg ah, Canada oo soo dhoweysay xiriir dhow oo ay la yeelato Midowga Yurub

    Canda iyo Midowga Yurub

    Ra’iisul Wasaaraha Canada, Mark Carney, ayaa soo dhoweeyay in dalkiisu xiriir dhow la yeesho Midowga Yurub, kadib markii madaxweynaha Komishanka Yurub uu soo jeediyay in Canada la siiyo iskaashi gaar ah.

    Si kastaba, weli faahfaahin lagama bixin sida iskaashigaasi u shaqeyn doono.

    Golaha Yurub ayaa sheegay in dalalka dimuqraadiga ah ay u baahan yihiin inay dib u qeexaan iskaashigooda, isla markaana si degdeg ah u dhistaan xulafo cusub, xilli nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan sharciga uu wajahayo caqabado.

    Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaare Carney ayaa sheegay inuu doonayo iskaashi gaar ah oo Canada ay la yeelato Midowga Yurub, iyadoo xiriirka Canada iyo Mareykanka uu sii xumaanayo xilligan madaxweyne Donald Trump.

  9. War deg deg ah, Dad u afduubnaa koox hubeysan oo xoog lagu soo furtay

    Nigeria

    Ciidamada Nigeria ayaa sheegay inay soo furteen 31 qof oo kooxo hubeysan ay ku haysteen gobollada Katsina iyo Kebbi ee waqooyi-galbeed dalkaas.

    Ciidamadu waxay sheegeen inay howlgallada ku qabteen dhowr qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo, isla markaana ay gacanta ku dhigeen rasaas iyo walxaha qarxa.

    War kasoo baxay militariga ayaa sheegay in 10 qof, oo ay ku jiraan saddex rag ah iyo toddoba dumar ah, laga soo furtay Katsina, halka 21 kale lagu soo badbaadiyay Kebbi.

    Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay qabteen laba qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin nin lagu magacaabo Mannori oo lagu tilmaamay inuu yahay hoggaamiye argagixiso oo caan ah.

  10. War deg deg ah, Madaxweyne hore oo lagu xukumay xabsi 25 sano iyo dabiyo culus oo lagu helay

    .

    Maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Hague ayaa madaxweynihii hore ee Kosovo, Hashim Thaci, ku xukuntay 25 sano oo xabsi ah, kadib markii lagu helay dambiyo dagaal oo dhacay intii lagu jiray dagaalkii Kosovo ee 1990-meeyadii.

    Maxkamaddu waxay sheegtay inuu ku lug lahaa dilka 96 qof oo loo arkayay mucaarad siyaasadeed iyo jirdilka boqolaal qof oo lagu tuhmay inay Serbia taageersanaayeen, xilli uu hoggaaminayay Ciidanka Xoreynta Kosovo.

    Saddex hoggaamiye oo kale oo hore uga tirsanaa KLA ayaa sidoo kale lagu xukumay xabsi: Yakup Krasniqi 25 sano, Kadri Veseli 18 sano, halka Rexhep Selimi lagu xukumay 13 sano.

    Dhammaantood waxaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilka dad rayid ah iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Thaci oo 58 jir ah ayaa horay u beeniyay dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

  11. War deg deg ah, Taliye sare oo Ruushka muhiim u ahaa oo la sheegayo in dagaalka Ukrine lagu dilay

    Wuxuu taliye sare

    Warbaahin Ruush ah oo dibad-joog ah ayaa sheegtay in Major General Anton Gromov, oo ahaa taliyaha guutada 4-aad ee ciidanka lugta ee Ruushka, lagu dilay dagaalka Ukraine.

    Warbixintu waxay sheegtay in dhimashadiisa uu xaqiijiyay taliyaha cutubka Akhmat ee Chechnya, Apte Alauddinov.

    Guutada uu hoggaaminayay Gromov ayaa bilihii u dambeeyay ku lug lahayd dagaalka magaalada Kostiantynivka ee bariga Ukraine. Bishii July, Gromov ayaa Madaxweyne Vladimir Putin u sheegay in ciidamada Ruushku ay qabsadeen magaalada, waxaana bishii August loo dallacsiiyay darajo sare, laguna abaalmariyay billadda Hero of Russia.

    Si kastaba, xaaladda iyo goobta saxda ah ee lagu dilay weli si rasmi ah looma caddeyn.

    Taliyaha ciidamada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, Robert “Madyar” Brovdi, ayaa sheegay in Gromov lagu dilay weerar dhacay 12-kii September, wuxuuna baahiyay muuqaal uu sheegay inuu muujinayo weerarka.

  12. War deg deg ah, Xuutiyiinta oo sii wada weerarrada Sacuudiga iyo Mareykanka oo digniin u jeediyay muwaadiniintiisa

    Sacuudiga

    Diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa duqeymo ka fuliyay Yemen, halka Xuutiyiinta ay sheegeen inay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku weerareen magaalooyin ku yaalla Sacuudiga.

    Xuutiyiinta oo taageero ka hela Iran ayaa sheegay in weerarradu ay ka dhaceen dekedda Yanbu ee Badda Cas, oo ah deked muhiim u ah dhoofinta shidaalka, iyo saldhigga cirka ee Khamis Mushait ee koonfurta Sacuudiga.

    Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ma uusan sheegin xilliga ay weerarradu dhaceen.

    Xuutiyiinta ayaa toddobaadkii hore si degdeg ah ugu fiday magaalooyin ku yaalla xeebta Badda Cas ee Yemen, waxayna la wareegeen jasiirado ku dhow afka Marinka Bab al-Mandab.

    Muuqaallo ay Xuutiyiintu baahiyeen ayaa muujinaya dagaalyahanno la wareegaya gaadiid gaashaaman oo ay lahaayeen ciidamo uu Sacuudigu taageero, iyadoo diyaarado dagaal ay hawada dul marayaan.

    Dhanka kale, Mareykanka ayaa adkeeyay digniinta safarka ee Sacuudiga, isagoo shaqaalaha dowladda ka mamnuucay inay u safraan meel 20 mayl u jirta xadka Yemen.

    Sacuudigu Talaadadii wuxuu soo saaray digniino amni oo ku saabsan dhowr goobood, oo ay ku jiraan Yanbu iyo Khamis Mushait, balse digniino la mid ah lagama soo saarin maanta.

  13. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii lagu qaaday magaalada barakeysan ee Makka

    Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay isku day lagu bartilmaameedsaday magaalada Makka, kadib markii Sacuudigu sheegay in ciidamadiisa difaaca cirka ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo ku wajahneed magaalada.

    Soomaaliya waxay sidoo kale cambaareysay weerarradii dhowaan lagu qaaday goobo rayid ah oo ku yaalla gudaha Sacuudiga.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda u garab taagan tahay Sacuudiga, isla markaana ay aqoonsan tahay xaqa uu u leeyahay inuu ilaashado dhulkiisa, dadkiisa iyo goobaha barakeysan ee Islaamka.

  14. War deg deg ah, WHO oo sheegtay in Ebola uu weli ku fidayo Congo

    Congo

    Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in cudurka Ebola uu weli ku sii fidayo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, inkastoo ay jiraan calaamado muujinaya in horumar laga sameynayo xakameyntiisa.

    Dr Tedros ayaa sheegay in faafitaanka cudurka uu gaabis ka noqday gobolka Ituri, halkaas oo uu cudurku ka dillaacay, isla markaana aan wax kiis cusub laga diiwaangelin gobolka Kivu ee Bariga tan iyo bishii May.

    Isagoo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva, ayuu sheegay in dadaallada lagu xakameynayo fayraska Ebola ay horumar sameynayaan, balse dagaalka lagula jiro cudurka uusan weli dhammaan.

    Wuxuu sheegay in gobollada bariga iyo waqooyi-bari Congo ay yihiin dhul aad u ballaaran, isla markaana ay ka jiraan kaabayaal caafimaad iyo gaadiid oo aan ku filnayn.

    Dr Tedros wuxuu intaa ku daray in tirada kiisaska Ebola ee waqooyiga Congo ay hal toddobaad gudaheed ku korortay ku dhowaad boqolkiiba 50.

    Wuxuu sheegay in cudurku uu ku fiday toddoba gobol oo ka tirsan Congo, isla markaana ay jirto suurtagalnimo ah inuu ku sii faafo deegaanno kale.

    Tan iyo bartamihii May, markii la shaaciyay inuu cudurku dillaacay, in ka badan 7,000 qof ayaa laga xaqiijiyay inay qaadeen Ebola, halka in ka badan 3,500 qof ay dhinteen.

  15. War deg deg ah, Qaar ka mid ah dhuumaha shidaalka Sacuudiga oo waxyeello la gaarsiiyay

    Laba xarumood oo lagu shubo saliidda oo ku yaalla dhuumaha shidaalka ee muhiimka ah ee isku xira bariga iyo galbeedka Sacuudiga ayaa waxyeello ka soo gaartay weerarkii toddobaadkii hore, sida ay Reuters u sheegeen saddex ilo-wareed oo ka tirsan dhinacyada shidaalka iyo amniga.

    Dhuumahan oo dhererkoodu yahay ku dhowaad 1,200 oo kiiloomitir ayaa mara guud ahaan Jasiiradda Carabta. Waxaa maamusha shirkadda Aramco, waxayna door muhiim ah ka ciyaaraan gaadiidka shidaalka iyada oo aan loo marin Marinka Hormuz.

    Mas’uuliyiin Sacuudi ah ayaa horay u sheegay in dhuumuhu si ku-meel-gaar ah u istaageen Jimcihii, kadib weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo qaaday dhulka Ciraaq.

    Aramco iyo xafiiska warbaahinta dowladda Sacuudiga ayaan weli ka jawaabin codsi ay Reuters u dirtay oo ku saabsan baaxadda khasaaraha iyo waqtiga lagu dhammaystirayo dayactirka.

    Sidoo kale akhri:

  16. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo Sacuudigu leeyahay

    Diyaarad dagaal

    Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay inay soo rideen diyaarad dagaal oo uu leeyahay Sacuudigu, iyagoo sheegay inay adeegsadeen hub ay gudaha dalka ku sameeyeen.

    Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxya Sariic, ayaa baraha bulshada ku qoray in ciidamada Yemen ay ku guuleysteen inay soo ridaan diyaarad dagaal oo nooca F-15 ah oo Sacuudi leedahay, xilli hawlgal uu ka socday gobolka Ma’rib.

    Yaxya Sariic ayaa sidoo kale beeniyay sheegashada Sacuudiga ee ah in Xuutiyiintu isku dayeen inay gantaal ku weeraraan magaalada Makka.

    “Waxaan weerarradayada ku beegsanaynaa bakhaarrada shidaalka iyo saldhigyada milatari,” ayuu yiri.

    Dhowr saacadood ka hor, milatariga Sacuudiga ayaa sheegay inay soo rideen diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Xuutiyiintu soo direen, kuwaas oo dul marayay magaalada Makka. Xuutiyiinta ayaa beeniyay sheegashadaas.

    Dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa socday in ka badan toban sano, wuxuuna u dhexeeyaa Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen oo taageero ka hesha Sacuudiga.

    Dhanka kale, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay xirayaan marinka Babul-Mandab, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta iyo dhoofinta shidaalka Sacuudiga, kadib markii Iran ay xirtay Marinka Hormuz.

    Sidoo kale akhri:

  17. Qiimaha Shidaalka adduunka oo wax yar hoos u dhacay

    Kaalin shidaal
    Qoraalka sawirka, Kaalin shidaal

    Qiimaha shidaalka a ee suuqyada caalamka ayaa Arbacadii hoos u dhacay, taas oo yareysay walaaca laga qabay in sahayda shidaalka ee Bariga Dhexe ay carqalad gasho.

    Hoos u dhaca ayaa yimid kadib markii Sacuudigu sheegay inuu kordhinayo dhoofinta Shidaalka cayriin, isaga oo qayb ka mid ah ku diri doona dalka Cumaan.

    Sida ay sheegtay wakaaladda Reuters, qiimaha Shidaalka nooca Brent ayaa hoos u dhacay $1.30, ama 1.2%, waxaana foostadu gaartay $107.45.

    Qiimaha shidaalka nooca West Texas Intermediate (WTI) ee Mareykanka ayaa isna hoos u dhacay $1.96, ama 1.85%, isagoo gaaray $103.87 foostadii.

    Maalintii ka horreysay, qiimaha Shidaalka wuxuu kordhay in ka badan $3, kadib markii ilo ka tirsan Sacuudiga ay sheegeen in la joojiyay rarista shidaalka cayriin ee laga dhoofiyo dekedda Yanbu ee Sacuudiga, oo ah dekedda ugu weyn dalkaas ee ku taalla Badda Cas.

    Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegay in Riyadh ay baajisay qaar ka mid ah shixnadihii shidaalka cayriin ee loo diri lahaa dalalka Yurub.

    Arrintan ayaa dhalisay walaac ah in carqaladda ku timid mid ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhoofinta shidaalka ay sii socon karto toddobaadyo.

    Si kastaba ha ahaatee, qiimaha naaftada ee Yurub ayaa weli ku dhow heerarkii ugu sarreeyay ee abid la diiwaangeliyo.

    Sidoo kale akhri:

  18. Muuqaal soconaya afar saacadood oo ku saabsan ninka ugu taajirsan dunida oo buuq abuuray

  19. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay weerarka Makka ee Xuutiyiinta loo aaneynayo

    Nabil Fahmy, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa cambaareeyay weerarka lagu eedeeyay Xuutiyiinta Yemen inay ku qaadeen magaalada Makka ee Sacuudiga.

    Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in amniga Makka iyo xurmada goobaha barakeysan ee Islaamka ay yihiin “arrin aad u culus”. Waxa uu sidoo kale ammaanay ciidamada cirka Sacuudiga, isaga oo ku tilmaamay inay ka hortageen weerarka.

    Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka digay in sii kordhaya weerarrada Xuutiyiintu ku qaadaan gudaha Sacuudiga ay khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida gobolka.

    Toddobaadyadii u dambeeyay, Jaamacadda Carabta ayaa dhowr jeer cambaareysay weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga, iyadoo ka digtay saameynta ay ku yeelan karaan amniga gobolka.

  20. Isku dhac la sheegay inuu dhex maray maraakiibta ciidamada badda Hindiya iyo Pakistan, iyadoo ay Hindiya cabasho u gudbisay Pakistan

    Maraakiib
    Qoraalka sawirka, Maraakiib

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa u yeertay ku-simaha madaxa safaaradda Pakistan ee New Delhi, si ay uga gudbiso cabasho adag oo ku saabsan waxa ay ku tilmaantay “dhaqan aan xirfadeysnayn oo aan la aqbali karin” oo ay muujiyeen cutubyo ka tirsan ciidamada badda Pakistan.

    Bayaan ay soo saartay wasaaraddu ayaa sheegay in dhacdadu ay keentay isku dhac dhex maray markab ka tirsan ciidamada badda Pakistan iyo mid ka tirsan ciidamada badda Hindiya, xilli ay ku jireen biyaha caalamiga ah.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaan weli ka hadlin arrintan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya waxay sheegtay in dhacdadu ka dhacday biyaha caalamiga ah, isla markaana aysan sababin wax khasaare weyn ah.

    Hase yeeshee, Hindiya waxay ku adkeysatay in hab-dhaqanka markabka Pakistan uu si toos ah uga hor imaanayay Qodobka 10-aad ee heshiiskii April 1991 ee u dhexeeyay labada dal, kaas oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada ciidamada iyo ogeysiinta hore ee howlgallada milatari.

    Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in ku-simaha madaxa safaaradda Pakistan loo sheegay inuu fariinta gaarsiiyo mas’uuliyiinta ay khuseyso ee Pakistan, si dhammaan cutubyada milatarigu ay u muujiyaan taxaddar iyo masuuliyad, isla markaana ay u hoggaansamaan heshiisyada labada dal gaareen, si looga hortago dhacdooyin noocan oo kale ah mustaqbalka.

    Hindiya waxay sidoo kale sheegtay inay ku amartay ku-simaha madaxa safaaraddeeda ee Islamabad inuu cabasho la mid ah tan u gudbiyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan.

    Sidoo kale akhri: