Qaramada Midoobay: In ka badan 100,000 oo qof ayaa ku barakacay Yemen

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen, halka kumannaan kale ay badda uga gudbeen dalka Jabuuti.
Hay’addu waxay bayaan ku sheegtay in gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo ay weli wajahdo caqabado waaweyn.
UNHCR ayaa sheegtay in amni-darrada, waddooyinka burburay, hakadka ku yimid isgaarsiinta iyo xannibaadaha isu-socodka ay saameyn ku yeesheen gaarsiinta gargaarka dadka u baahan.
Xuutiyiinta Yemen ayaa dhawaan kordhiyay weerarrada ay ku qaadaan magaalooyinka iyo xarumaha tamarta ee Sacuudiga, sidoo kalena waxay la wareegeen gacan-ku-haynta marin-biyoodka Bab al-Mandab.
Dhanka kale, ciidamada cirka Sacuudiga ayaa duqeymo ka fulinaya deegaanno ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.









