Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Shir qarsoodi ah oo Iran looga hadlayay oo ka dhacay Jarmalka iyo xog ka soo baxaysa

    .

    Sida ay sheegtay Axios, taliyeyaasha ciidamada Mareykanka, Israel iyo dhowr dal oo Carbeed ayaa toddobaadkii hore kulan albaabadu u xiran yihiin ku yeeshay Jarmalka.

    Kulanka oo uu abaabulay taliyaha Taliska Dhexe ee Mareykanka, Admiral Brad Cooper, ayaa looga hadlay dagaalka Iran iyo xiisadaha gobolka.

    Waxaa ka qeybgalay saraakiil sare oo ka socday Sacuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Kuwait, Qadar, Urdun iyo Masar.

    Axios ayaa sheegtay in saraakiisha Mareykanku ay dalalka gobolka u xaqiijiyeen in Washington aysan qorsheyneyn inay ka baxdo gobolka, inkastoo Iran ay weerarro ku qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka.

  2. Warbixin laga qoray Muslimiinta Mareykanka oo ugu horreeyo Maayarka New York Mamdani

    Dib-u-eegista wargeysyada maanta waxay diiradda saaraysaa saddex arrimood: kororka saamaynta Muslimiinta ee siyaasadda iyo bulshada Mareykanka, muhiimadda "rajo degdeg ah" xilli dunidu wajahayo isbeddelka cimilada, iyo khatarta caafimaad ee ka dhalan karta waqtiyada cuntada oo aan joogto ahayn.

    25 sano kadib weerarradii 11-kii September, laba maqaal oo ka hadlaya laba arrimood oo kala duwan oo ka jira New York ayaa muujinaya isbeddellada ka dhacay magaalada iyo guud ahaan Mareykanka.

  3. War deg deg ah, QM oo dalbatay in kormeerayaasha loo oggolaado in ay gudaha u galaan Qasa oo meydad badan laga helay

    .

    Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in kormeerayaasha loo oggolaado inay galaan dhammaan deegaannada Gaza, xilli meydad badan laga soo saarayo burburka dhismayaal la dumiyay.

    Wakiilka sare ee QM u qaabilsan xuquuqda aadanaha, Volker Türk, ayaa sheegay in meydadka, oo u badan haween iyo carruur, ee muddo dheer kadib laga helay guryaha la duqeeyay ay muujin karaan in dambiyo dagaal laga yaabo in la geystay.

    Türk wuxuu sheegay in dhulalka Gaza ee ay Israel gacanta ku hayso lagu burburinayo cagaf-cagafyo, iyadoo meydadka dadka ku dhintayna aan si habboon loo ilaalin.

    Wuxuu ku baaqay in la dadajiyo aqoonsiga dhibbanayaasha, la ilaaliyo caddeymaha baaritaanka, lana diiwaangeliyo goobaha lagu aasay dadka, si ehelkoodana loo wargeliyo.

    Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee maamusha Xamaas ayaa sheegtay in in ka badan 73,000 Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymaha cirka iyo weerarrada dhulka ee Israel tan iyo 2023.

    Weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023 ayaa lagu dilay ku dhowaad 1,200 qof oo Israel ah, halka 251 qofna la qafaashay, sida ay sheegtay Israel. Dowladda Israel ayaa markaas billowday hawlgal militari oo ballaaran oo Gaza laga fuliyay.

  4. War deg deg ah, Denmark oo ku eedeysay markab Ruushku leeyahay inuu rasaas ku furay helikobtar iyadu leedahay

    Ruushka

    Denmark ayaa sheegtay in markab dagaal oo Ruushku leeyahay uu rasaas digniin ah ku furay helikobtar Danish ah oo howlo kormeer ah ka waday Badda Baltic.

    Dowladda Denmark ayaa u yeertay safiirka Ruushka si wax looga weydiiyo dhacdada, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku tilmaantay falka mid “aan gabi ahaanba la aqbali karin”.

    Ra’iisul Wasaaraha Denmark, Mette Frederiksen, ayaa sheegtay in tallaabada Ruushku ahayd mid cabsi-gelin iyo kala-qaybin ah.

    Ruushka ayaa sheegay inuu sameyn doono baaritaan buuxa, balse wuxuu ku eedeeyay helikobtarka Denmark inuu sameynayay dhaqdhaqaaqyo khatar ah oo ku dhow markabka Ruushka.

    Dhacdadan ayaa timid iyadoo ciidamada NATO ay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn oo gudaha u gashay hawada Lithuania, iyadoo walaaca amni ee ka dhashay dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu sii kordhayo.

  5. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo qabsaday Jasiirad ay ku muransanaayeen Eritrea iyo Yemen.

    Xuutiyiinta Yemen

    Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegtay jasiiradda Haniish ee Badda Cas, taas oo hore muran dhuleed uga dhex jiray Eritrea iyo Yemen.

    Wakaaladda AP ayaa sheegtay in Xuutiyiintu Axaddii qabsadeen jasiirado muhiim ah oo ku yaalla koonfurta Badda Cas, kadib markii ciidamada dowladda Yemen ee taageera Sacuudiga ay halkaas isaga baxeen.

    Hadda, Xuutiyiinta ayaa gacanta ku haya qaybo ka mid ah koonfurta Badda Cas iyo jasiiradaha u dhow xuduudda Jabuuti, kuwaas oo qiyaastii 32 kiiloomitir u jira saldhigga ciidamada Mareykanka ee Jabuut

  6. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo booqanaya Shiinaha

    Cabbaas Caraqji

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, ayaa 16-ka September booqanaya Shiinaha, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha.

    Caraqji ayaa inta uu booqashada ku jiro la kulmi doona dhiggiisa Shiinaha.Booqashadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Iran ay sheegtay inay diyaar u tahay dadaallada nabadeed ee Bariga Dhexe.

    Caraqji ayaa laba maalmood ka hor, intii uu ka qeybgalayay shir-madaxeedka BRICS ee New Delhi, sheegay in Shiinuhu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo dalalka kale ee BRICS si loo gaaro nabad iyo xasillooni Bariga Dhexe iyo gobolka Gacanka.

  7. War deg deg ah, Dalal ay ka mid yihiin Ingiriiska iyo Mareykanka oo Iran kala kulmaya barnaamjiyo xogta si qarsoodi ah u aruuriya

    UK, Mareykanka iyo Netherlands ayaa soo saaray digniin wadajir ah oo ku saabsan barnaamij basaasnimo oo loo yaqaanno (spyware) oo ay sheegeen in wakiillo xiriir la leh dowladda Iran u adeegsadaan beegsiga mucaaradka, dhaqdhaqaaqyada bulshada iyo saxafiyiinta.

    Xarunta Amniga Internet-ka ee UK ayaa sheegtay in spyware-ka loo yaqaan “Chosenbrake” lagu xado iimayllada, fariimaha iyo xogta kale ee xasaasiga ah, iyadoo loo marayo fariimo khiyaano ah oo si gaar ah loo beegsado, WhatsApp-yada iyo Telegram.

    Waxay sheegtay in barnaamijku awood u leeyahay inuu ururiyo xogta akoonnada baraha bulshada, duubo waxa shaashadda ka socda iyo inuu yahay qalab duubaya codadka..

    Digniintu waxay intaas ku dartay in xogta gaarka ah ee qaar ka mid ah dadka la beegsaday lagu faafiyay mareegaha taageera dowladda Iran.

  8. War deg deg ah, Dagaalka Iran oo sababay hub-yaraan ku timid Mareykanka, iyadoo la ogaaday arrimo kale

    Mareykanka ayaa wajahaya xaalad hub-yaraan ah

    Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in dagaalka Iran uu sababay yaraansho ku yimid qaar ka mid ah hubka muhiimka ah ee ciidamada Mareykanka, isla markaana dib-u-soo-saaristooda ay dib u dhacday.

    Warbixin ay soo saartay hay’adda madax-bannaan ee kormeerka Waaxda Difaaca ayaa sheegtay in Mareykanku intii u dhaxaysay Febraayo iyo Juun uu hub ku bixiyay in ka badan 22 bilyan oo dollar, iyadoo dagaalkuna sababay khasaare hub oo lagu qiyaasay 3.7 bilyan oo dollar.

    Tani waxay ka hor imaanaysaa hadalladii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in hubka Mareykanku yahay mid aan dhammaanayn.

    Warbixintu waxay sheegtay in dhibaatooyinka ka jira warshadaha soo saara hubka ay sidoo kale dib u dhigayaan dib-u-buuxinta keydka, waxaana Wasaaradda Difaacu waddaa qorshe lagu dedejinayo soo saarista hubka.

    Intii uu dagaalku socday, ciidamada Mareykanka waxay adeegsadeen gantaallo riddadoodu dheer tahay iyo nidaamyada difaaca cirka si ay uga hortagaan weerarrada gantaallada Iran.

  9. War deg deg ah, Turkiga oo farriin u diray Mareykanka iyo Iran

    Turkiga

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in weerarrada aargoosiga ah ee ka dhacaya gobolka Gacanka Faaris ay si xun u saameynayaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iran.

    Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada, isagoo sheegay in Ankara ay muhiimad weyn siineyso xasilloonida dalka deriska la ah ee Iran.

    Fidan oo maanta magaalada Baku ee Azerbaijan shir jaraa’id oo wadajir ah kula qabtay dhiggiisa Azerbaijan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo socodka maraakiibta ee aan caqabad lahayn ee Marinka Hormuz, isla markaana xaaladdii ka horreysay dagaalka dib loogu soo celiyo.

    Wuxuu intaa ku daray in Turkigu xiriir la leeyahay dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso, si xal looga gaaro xaaladda.

  10. Dadka ka baxsanaya colaadda Yemen oo Jabuuti ku qulqulaya iyo warbixin laga soo saaray

    Yemen waxaa ka taagan colaad

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in in ka badan 200,000 oo qof ay ku barakaceen dagaalladii ugu dambeeyay ee u dhexeeya Xuutiyiinta Yemen ee Iran taageerto iyo ciidamada dowladda oo uu Sacuudigu taageero.

    Kumanaan qof ayaa ka gudbay xadka u dhexeeya Yemen iyo Jabuuti, iyagoo Marinka Bab al-Mandab u maraya dhanka dalka Jabuuti. Mas’uuliyiintu waxay walaac ka muujiyeen baahida sii kordheysa ee gargaarka bani’aadamnimo.

    Dagaallada xooggan ayaa qoysas badan ku qasbay inay guryahooda ka cararaan. Sacuudiga ayaa sidoo kale duqeymo cirka ah ka fuliyay goobaha ay Xuutiyiintu joogaan, kadib weerarro laga geystay qaybo kale oo dalka ah.

    Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in weerarradu ay waxyeelleeyeen waddooyin, isgaarsiinta iyo kaabayaasha kale, taasoo adkeynaysa in gargaar la gaarsiiyo dadka u baahan.

    Inta badan dadka barakacay ayaa ah haween iyo carruur, kuwaas oo wajahaya xaalado aad u adag.

    Xuutiyiinta ayaa dhanka kale sii ballaarinaya gacan-ku-hayntooda xeebaha Badda Cas, iyagoo la wareegay Jasiiradda Perim, oo ku dhow Marinka Bab al-Mandab, oo ah marin muhiim u ah maraakiibta u kala goosha Aasiya iyo dalalka kale.

  11. Turkiga: Weerarada Gacanka Faaris waxay dhaawacayaan dadaallada nabadda

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa Talaadadii sheegay in weerarrada aargoosiga ah ee ka dhacaya gobolka Khaliijka ay si xun u saameynayaan dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.

    Waxa uu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarradaas, isaga oo sheegay in Ankara ay muhiimad gaar ah siinayso xasilloonida dalka ay deriska yihiin ee Iran.

    Fidan oo shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Baku kula qabtay dhiggiisa Azerbaijan ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in la oggolaado isu-socodka maraakiibta ee marinka Hormuz, isla markaana xaaladdii ka jirtay halkaas ka hor dagaalka dib loogu soo celiyo.

    Waxa uu intaas ku daray in Ankara ay xiriir la sameyneyso dhammaan dhinacyada ay arrintani khuseyso, si xal looga gaaro xaaladda.

  12. Basnet: Digniinnada Mareykanka ee ku saabsan inaan lagu xadgudbin cunaqabateynta Iran waa la maqlay

    Wasiirka Maaliyadda Maraykanka ayaa sheegay inuu kala hadli doono ku-xigeenka ra’iisul wasaaraha Shiinaha xiriirka maaliyadeed ee u dhexeeya Tehran iyo Beijing, ka hor kulanka toddobaadka soo socda ee madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha, Donald Trump iyo Xi Jinping, ee Washington.

    Scott Bessent ayaa sidoo kale sheegay in xiriirka ganacsi ee Shiinaha iyo Iran uu ka mid noqon doono qodobada ay ka wada hadli doonaan Trump iyo Xi Jinping.

    Bessent ayaa sheegay in doorka dollarka oo ah lacagta kaydka ah ee caalamka uu sii xoogeysanayo, taasoo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa “kalsoonida lagu qabo nidaamkeenna iyo waxa ay dowladdani qabanayso”.

    Wuxuu sheegay in inkastoo Shiinaha iyo Ruushku ay yareeyeen kaydka dollarka, haddana dalal kale ay kordhinayaan kaydkooda.

    Dowladda Maraykanka ayaa tan iyo 24-kii Agoosto ku dhawaaqday qorshe lagu go’doominayo dhaqaale ahaan Iran, iyadoo diiradda lagu saarayo bangiyada iyo suuqa lacagaha qalaad, tiknoolajiyadda, gaadiidka badda iyo duulista.

    Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, oo hortagay Aqalka Wakiillada si uu uga hadlo hirgalinta cunaqabateynta Maraykanka, ayaa sheegay in dalalku ay “maqleen digniinaha Washington”.

    Bessent wuxuu ula jeeday digniinta Maraykanka ee ku socota dalalka iyo shirkadaha ka caawiya Iran inay ka baxsato cunaqabateynta.

    Kulanka Bessent iyo He Lifeng ayaa lagu wadaa in lagu sii diyaariyo kulanka u dhexeeya Trump iyo Xi Jinping.

    Xi Jinping ayaa la filayaa inuu Washington booqdo 24-ka September.

  13. Baqir Qalibaf.waxaa iska cad inuu guuldaraystay cadowga

    Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf
    Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha baarlamaanka Iran Mohammad Baqer Qalibaf

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, Maxamed Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in “joogitaanka shacabka Iran ee waddooyinka muddo 200 habeen ah tan iyo markii uu billowday dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil uu muujiyay in guuldarradu aysan ka dhalan go’aanka shacabka Iran, balse ay ku timid xisaab khaldan oo ay sameeyeen xoogagga weerarka qaaday.”

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, Qalibaf ayaa farriin uu u diray shacabka ku sheegay in “cadawgu uu u maleynayay in niyadda shacabka Iran lagu jebin karo weerarro militari, balse geesinimada iyo adkeysiga shacabka ayaa caddeeyay in isha ugu weyn ee awoodda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ay tahay shacabka Iran.”

    Wuxuu sheegay in awoodda difaaca Iran ay ku xiran tahay “iimaanka iyo go’aanka shacabka”, halka dadaallada diblomaasiyadeed ee dalka ay sidoo kale taageero ka helaan shacabka.

    Qalibaf ayaa sheegay in adkeysiga shacabka uu door ka qaatay fashilinta isku dayo lagu doonayay in Iran lagu kala qaybiyo ama lagu wiiqo.

    “Khilaafaadka iyo cadaadisyadu ma wiiqi karaan xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya 90 milyan oo Iiraaniyiin ah iyo dalkooda iyo danahooda qaran,” ayuu yiri.

    Wuxuu intaas ku daray in waayo-aragnimada Kacaankii Iran, dagaalkii loo yaqaanay “Difaaca Barakaysan” iyo dagaalladii dhowaan dhacay ay muujinayaan in sababta ugu weyn ee guulaha Iran ka gaartay cadawgeeda ay tahay adkeysiga shacabka.

    Maraykanka iyo Israa’iil ayaa 28-kii Febraayo dagaal ku qaaday Iran.

    Sida ay Iran sheegtay, muddadaas waxaa ku dhintay hoggaamiyaha Kacaanka Islaamiga ah, Ayatollah Seyyed Ali Khamenei, iyo saraakiil sare oo militari, halka sidoo kale la beegsaday dugsi ku yaalla magaalada Minab ee koonfurta Iran, taas oo ay ku dhinteen arday da’yar.

  14. Dhoofinta shidaalka Sacuudiga ee Yanbu oo la “hakiyay”

    Qiimaha shidaalka ayaa Talaadadii kor u kacay ku dhowaad saddex dollar foostadii, kaddib markii la soo sheegay in la hakiyay rarista shidaalka ee dekedda Yanbu ee ku taalla Badda Cas.

    Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in warbixinta ay ka heshay ilo dhinaca maraakiibta ah.

    Dhanka kale, waxaa la sheegay in Riyaad ay u sheegtay iibsadayaasha Yurub inay joojisay dhoofintii shidaalka ceyriinka ahayd ee loo qorsheeyay dhammaadka Sebtembar, oo ku beegan qiyaastii laba toddobaad gudahood.

    Sacuudiga ayaa saddex maalmood ka hor joojiyay qulqulka shidaalka ee dhuumaha East-West, kaddib weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo uu Sacuudigu ku eedeeyay Ciraaq.

    Dhuumahaasi waxay Sacuudiga u suurtagelinayeen inuu shidaalka geeyo Yanbu isaga oo aan marin marinka Hormuz, kaddibna uu uga sii dhoofiyo Yurub isagoo maraya Kanaalka Suweys, isaga oo aan marin Bab al-Mandab.

    Hadda, iyadoo Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ay maalmihii u dambeeyay horumar sameeyeen oo ay la wareegeen Bab al-Mandab, walaaca Sacuudiga ee ku saabsan dhoofinta shidaalka ayaa sii kordhay.

    Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco, oo ay dowladdu leedahay, ayaa kordhisay isticmaalka terminal-ka Yanbu tan iyo markii uu dagaalku billowday 29-kii Maarso, balse shirkaddu kama aysan hadlin warbixintan.

    Dhanka kale, Liibiya ayaa hakisay howlihii saddex goobood oo shidaal laga soo saaro, taasoo sii kordhisay walaaca laga qabo sahayda shidaalka ee caalamka.

  15. Britain, Mareykanka iyo Netherlands ayaa ka digay "barnaamij basaasid ooIran ay adeegsanayso."

    Weerar internet
    Qoraalka sawirka, Weerar internet

    Britain, Maraykanka iyo Netherlands ayaa soo saaray digniin wadajir ah oo ku saabsan amniga internetka.

    Digniinta ayaa lagu faahfaahiyay barnaamij basaasnimo ah oo ay sheegeen in “shakhsiyaad xiriir la leh dowladda Iran” u adeegsanayaan inay bartilmaameedsadaan mucaaradka, dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada iyo saxafiyiinta.

    Xarunta Qaranka ee Amniga Internetka ee Britain ayaa sheegtay in kooxo dhanka internetka ah oo xiriir la leh dowladda Iran ay adeegsanayaan barnaamij basaasnimo oo loo yaqaan “Chosenbrake”.

    Waxay sheegtay in barnaamijkan loo adeegsado weerarro xogaha lagu jabsanayo ah oo si gaar ah loo bartilmaameedsado dadka, iyadoo fariimo loo marayo baraha isgaarsiinta sida WhatsApp iyo Telegram, si loo xado iimayllada, farriimaha iyo xog kale oo xasaasi ah.

    Sida digniinta lagu sheegay, barnaamijku wuxuu ururin karaa xogta iimayllada iyo akoonnada baraha bulshada, wuxuu duubi karaa waxa ka muuqda shaashadda, sidoo kalena wuxuu heli karaa makarafoonka qalabka.

    Xarunta Amniga Internetka ee Britain ayaa intaas ku dartay in weerarradan dhanka internetka ah kaddib, xogta shakhsiga ah ee qaar ka mid ah dhibbanayaasha lagu daabacay mareegaha taageera dowladda Iran.

  16. Sida Turkigu ugu guuleystay dhexdhexaadinta labada garab ee siyaadda isku haya ee dal Afrikaan ah

  17. Sisi iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo ku kulmay Qaahira, iyagoo ka wada hadlay amniga isu-socodka marinka Baab al-Mandab

    Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan,
    Qoraalka sawirka, Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan

    Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Sisi, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda gobolka.

    Sida uu sheegay xafiiska madaxtooyada Masar, labada hoggaamiye ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo xorriyadda iyo amniga isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badda Cas.

    Xafiiska madaxtooyada ayaa sidoo kale sheegay in Masar ay taageertay tallaabooyinka Sacuudigu qaaday si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaana ay mar kale taageertay dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo waara oo laga gaaro colaadda Yemen.

    Toddobaadkii hore, Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xeebaha bari ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo muhiimaddiisu sii korortay kaddib markii uu hakad ku yimid isu-socodka marinka Hormuz.

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta magaalada New York ku qabanaya kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda Bab al-Mandab, kaddib codsi ka yimid Faransiiska.

    Sacuudiga ayaa sheegay inuu si “adag” uga jawaabi doono weerarrada Xuutiyiinta.

  18. Qaramada Midoobay: In ka badan 100,000 oo qof ayaa ku barakacay Yemen

    Xaaladda yemen
    Qoraalka sawirka, Xaaladda yemen

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, UNHCR, ayaa sheegtay in in ka badan 100,000 oo qof ay ku barakaceen gudaha Yemen, halka kumannaan kale ay badda uga gudbeen dalka Jabuuti.

    Hay’addu waxay bayaan ku sheegtay in gaarsiinta gargaarka bani’aadantinimo ay weli wajahdo caqabado waaweyn.

    UNHCR ayaa sheegtay in amni-darrada, waddooyinka burburay, hakadka ku yimid isgaarsiinta iyo xannibaadaha isu-socodka ay saameyn ku yeesheen gaarsiinta gargaarka dadka u baahan.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa dhawaan kordhiyay weerarrada ay ku qaadaan magaalooyinka iyo xarumaha tamarta ee Sacuudiga, sidoo kalena waxay la wareegeen gacan-ku-haynta marin-biyoodka Bab al-Mandab.

    Dhanka kale, ciidamada cirka Sacuudiga ayaa duqeymo ka fulinaya deegaanno ay Xuutiyiintu gacanta ku hayaan.

  19. Kenya oo u dabaaldagaysa guul caalami ah o ay gaartay

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya, William Ruto

    Kenya ayaa u dabaaldegaysa kaddib markii loo doortay inay noqoto dalkii ugu horreeyay ee Afrika ah ee martigeliya tartanka Koobka Adduunka ee Ciyaaraha Fudud.

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa arrintan ku tilmaamay guul ay leeyihiin jiilal ciyaartooy ah oo dalka ka dhigay meel caan ku ah heerka sare ee ciyaaraha fudud.

    Nairobi ayaa ku guuleysatay tartanka martigelinta horyaalka sannadka 2029, iyadoo ka adkaatay magaalooyinka London iyo Rome.

  20. '11 sano ayaa la'i siinayay daawada kiimikada kansarka aniga oo aan xanuun qabin'