Urur siyaasadeedkaTowfiiq oo ka mid aha ururadii ka qayb qaatey
doorashadii ka dhacday Galmudug taas oo markii dambe maxkamadda sare ee
Soomaaliya amartay in dib loogu celiyo ayaa soo saaarey warsaxaafadeed ay ku
cadeeeyeen mowqifkooda doorashada la filayo inay ka dhacdo maamul goboleedka
Galmudug.
War-saxaafadeed ay soo saareen ururku ayey kaga hadleen
dhowr qoddob oo ku saabsan doorashada
“Ururka Towfiiq wuxuu si Rasmi ah uga caddaynayaa
mowqifkiisa ku aaddan doorashada ku celiska ah ee Galmudug, isagoo xaqiijinaya
in Ururku diyaar u yahay ka qaybgalka doorashoyinka isku sidkan, si waafaqsan
sharciga, xeerarka iyo habraaca doorashooyinka dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxaa intaas raaciyeen in “ Ururka Towfiiq wuxuu ka
walaacsan yahay tallaabada ay qaadeen Guddiga Doorashada, oo si ula kac ah uga
reebeen ururka liiska ururrada ka qaybgalaya doorashada Galmudug, Waxaa xusid
mudan in Ururka Towfiiq uu ahaa ururkii maxkamadda ka dalbaday in doorashada
lagu celiyo, kaddib markii uu arkay in la hareer maray habraacyadii iyo
shuruucdii doorashada dalka. Sidaas darteed, waxaa layaab noqotay in ururkii
dalbaday saxida doorashada, uu baraha bulshada ku arko ka reebidiisa
doorashada.”
Qoraalka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu jeediye guddiga
doorashada iyo madaxweynaha Soomaaliya.
“Ururka Towfiiq wuxuu sidoo kale Guddiga
ugu baaqayaa inay ka fogaadaan wax kasta oo loo fasiran karo eex, takoor ama
awood sheegasho, ayna ku shaqeeyaan dhexdhexaadnimo, caddaalad iyo ku dhaqanka
sharciga. Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabada Guddiga Doorashada ay
qaadeen ay la xiriirto dacwaddii Ururku ka gudbiyey natiijadii doorashada.
Arrintaasna Ururku wuxuu u arkaa mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda
iyo hannaanka, Ururka Towfiiq wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah ilaaliyaha Dastuurka iyo
dowladnimada dalka, inuu si degdeg ah u soo farageliyo arrintan, isla markaana
uu xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciga iyo amarka
maxkamada sare.”
Gabagabada war-saxaafadeedka ururka Towfiiq ayaa baaq loogu
diray taageerayaashooda “Ururku Towfiiq wuxuu ugu baaqayaa Bulshada
reer Galmudug iyo taageerayaasha Ururka towfiiq in ay udiyaar garoobaan kulamo
iyo banaanbaxyo nabadeed ay ku muujinayaan dareenkooda ku aadan in aydoonayaan
doorasho udhacda si xor iyo xalaal ah”