Macron: Qiima shidaalka ayaa noqday wax aan la xamilikarin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in marinka Hormuz uu xiran yahay mana jiro heshiis dib loogu furayo.
Macron ayaa shirka looga hadlayo dhibaatada tamarta ka sheegay in wasiirrada tamarta ee siddeedda dal ee aadka u horumaray ay kulmi doonaan toddobaadyada soo socda si ay uga wada hadlaan dhibaatada tamarta ee ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran. Wuxuu sheegay in mowduuca ugu weyn ee kulanka uu yahay in la fasaxo keydka.
Mr. Macron ayaa sidoo kale farriin uu soo dhigay Facebook kaga hadlay muhiimadda ay leeyihiin marinada Hormuz, Bab al-Mandab iyo Badda Cas.
Wuxuu kaloo ka hadlay in xayiraadda dhanka badda ay saameyn ku yeelatay nolosha dadka Faransiiska, taas oo laga dareemayo xarumaha shidaalka, isla markaana qiimaha shidaalku uu gaaray heer "aan la qaadan karin."
Dhanka kale, maraakiibta shidaalka ayaa weli lagu beegsanayaa marinka Hormuz, iyadoo sida ay sheegayaan xogta shirkadaha la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta, isu-socodka marinkaas uu shalay gaaray heerkiisii ugu hooseeyay.
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:











