Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
War deg deg ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo u ambabaxay New York, dalka Maraykanka
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Warbaahinta Iraan ayaa qoreysa in
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Cabbaas Araqchi, uu fiidnimadii Axadda Tehran
uga ambabaxay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, isaga oo halkaas uga sii
gudbi doona New York si uu uga qayb galo shirka sanad laha ee Golaha Guud ee
Qaramada Midoobay.
Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iraan,
IRNA, ayaa sheegtay in ujeeddada booqashadiisa Qatar ay tahay “in lagala
tashado arrimaha iyo hormarradii i ugu dambeeyay ee gobolka".
Agaasimaha Guud ee Qatar Energy,
Saad Kaabi, ayaa sheegay in xiisadda ka taagan Gacanka Hormuz ay dib u dhigi
karto hirgelinta qaar ka mid ah mashaariicda horumarineed ee shirkadda,
maadaama qalab muhiim ah uusan geli karin Qatar.
Waxa uu sheegay in Qatar Energy ay
hadda soo saarto xaddi “aad u yar” oo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah
(LNG), balse haddii Gacanka Hormuz dib loo furo, hawlihii caadiga ahaa ay dib u
bilaaban karaan toddobaadyo gudahood.
Mr Kaabi ayaa hadalkan ka sheegay
Madasha Dhaqaalaha Qatar ee lagu qabtay magaalada New York. Waxa uu sheegay in
qaar ka mid ah qaybaha Mashruuca Horumarinta Gaaska Waqooyi-bari loo qorsheeyay
in la hawlgeliyo sannadka 2027, halka wax-soo-saarka Mashruuca Gaaska
Waqooyi-Koonfureed la filayo inuu billowdo sannadka 2028.
Iraan ayaa Axaddii mar kale ku
celisay in aysan dib u furi doonin Gacanka Hormuz ilaa la fuliyo shuruudaha
heshiiskii xabbad-joojinta ku-meelgaarka ahaa ee bishii Juun ay la gashay
Maraykanka, sida ay Tehran u fasiranayso heshiiskaas.
Malaga yaabaa in Iiraan ka baxdo Heshiiska caalamiga ah ee Xakameynta hubka Nukliyeerka?
Ahmad Bakhshish Ardestani, oo xubin ka ah Guddiga Amniga
Qaranka iyo Siyaasadda Dibadda ee Baarlamaanka Iraan, ayaa sheegay in uu “u
arko mid aan macquul ahayn” in mas’uuliyiinta sare ee dalkiisa ay oggolaadaan
in Iraan ay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee Ka Hortagga Faafitaanka Hubka
Nukliyeerka (NPT).
Hadalkiisa ayaa yimid kaddib markii xildhibaano dhowr ah ay
guddiga hoggaanka baarlamaanka u gudbiyeen qorshe ka kooban saddex tallaabo oo
Iraan ay uga baxayso NPT.
Mr Bakhshish Ardestani ayaa sheegay in ka bixitaanka
heshiiskan uu kordhin karo cadaadiska dibadda ee lagu hayo Iraan, sidoo kalena
uu halis gelin karo taageerada Shiinaha iyo Ruushka.
Mohsen Rezaei, Xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran,
ayaa isna sheegay in Iran ay ka fiirsanayso ka bixitaanka NPT, balse weli aan
la gaarin go’aan kama dambeys ah.
Trump: Xuutiyiinta Yemen ayaa ogolaaday in aysan weerarin Mareykanka
Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta Yemen ay ogolaadeen
in aysan weerarin Mareykanka, xilli kooxdan oo xulufo la ah Iran ay sii xoojineyso
dagaalka ay kula jirto Sacuudiga.
Wariyaha Fox News,
Terry Yingst, oo inta badan wareysta madaxweyne Trump ayaa ka soo xigtay
madaxweynaha oo leh, “Mareykanka si joogto ah ayey ula xiriiraan Xuutiyiinta,
waxayna ku heshiiyeen in aysan la dagaallamin Mareykanka”.
Bishii May 25-keedii ayey Mareykanka iyo Xuutiyiintu gaareen
heshiis ay dhexdhexaadiye ka aheyd dowladda Cummaan si loo joojiyo weerarada.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo warisay in wakiilo ka
socda labada dhinac ay ku kulmeem Muscat dhawaan, waxayna Xuutiyiintu sheegeen
in aysan beegsaneyn maraakiibta Mareykanka.
Kulanka ayaa dhacay maanta xilli ay Wasaaradda Arrimaha
Dibadda ee Mareykanka ka digtay suurtagalnimada inuu si degdeg ah u sii
xoogeysto dagaalka ka socda Bariga Dhexe.
Xafiiska Madaxweyne Sisi ayaa shaaciyay in kulanka uu sidoo
kale goobjoog ka ahaa Hassan Rashad, oo ah madaxa hay'adda sirdoonka Masar,
isla markaana laga wada hadlay dagaalka Iran iyo xaaladaha ka taagan Gaza iyo
Suudaan.
Weerarrada lagu qaado waddamada Gacanka Carabta iyo
khataraha dhanka badda ayaa iyaguna ka mid ahaa qodobada laga hadlay.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha
Masar, Mr. Sisi ayaa hoosta ka xariiqay "muhiimadda weyn ee ay leedahay in
xal loo helo dhibaatooyinka gobolka iyadoo la adeegsanayo habab siyaasadeed iyo
kuwa diblomaasiyadeed."
Booqashada John Ratcliffe ayaa timid maalmo uun ka dib
markii Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman uu magaalada Qaahira kula
kulmay Mr. Sisi. Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa yimid Masar laba maalmood ka dib
markii kooxda Xuutiyiinta ay si degdeg ah ula wareegeen xeebaha iyo jasiiradaha
ku teedsan marinka Bab al-Mandab.
Ukraine ayaa maanta qaadday weerarkii ugu ballaarnaa ee
diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee abid lagu qaado caasimadda Ruushka
ee Moscow, sida uu sheegay Duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin.
Weerarradan ayaa ku soo beegmay xilli ay dadka Ruushku
codeynayaan, iyadoo maanta ay tahay maalintii ugu dambeysay ee doorashada
baarlamaanka; doorashadaas oo Madaxweyne Vladimir Putin uu ku tilmaamay mid
lagu cabbirayo taageerada loo hayo dagaalka Ukraine.
Weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa sababay
dhimashada laba qof oo ku sugnaa Moscow iyo laba qof oo kale oo ku sugnaa
gobolka Kherson oo ay maamulaan ciidamada Ruushku.
Warshad sifeynta shidaalka oo ku taal Moscow, taas oo horey
loo bartilmaameedsaday, ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay weerarrada
Ukraine.
Doorashada aqalka hoose, ama "State Duma", ayaa ah
tii ugu horreysay ee la qabto tan iyo markii Ruushku uu billaabay dagaalka ka
dhanka ah Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii 2022-kii.
Doorashadan ayaa la filayaa inay siiso xisbiga talada haya
ee "United Russia" awood iyo karti uu ku sii wadi karo maamulka
dalka.
Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta riday gantaal riddo dheer ah,
waana tijaabadii labaad muddo ku dhow toddobaad, ka dib markii Pyongyang ay ku
eedeysay Mareykanka inay kordhineyso xiisadda ka taagan Jasiiradda Kuuriya
iyada oo adeegsaneysa dhoolatus militari oo taxane ah.
Taliska Guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay
inay ogaadeen gantaalka laga soo riday aagga Wonsan abbaare 3:00 galabnimo
waqtiga maxalliga ah, waxayna go'aamiyeen inuu yahay gantaal riddo dheer ah.
Wasaaradda Difaaca Japan ayaa sidoo kale sheegtay in
gantaalka uu u muuqdo mid riddo dheer.
Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa
cambaareeyay gantaalka riddo dheer, ka dib markii tijaabo kale la sameeyay
bishan Sebtembar 12.
Golaha ayaa ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi inay si degdeg ah u
joojiso dhaqdhaqaaqyada gantaalada, iyagoo ka digaya in tijaabada ay si toos ah
uga hor imaaneyso qaraarada Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Shalay, Kuuriyada Waqooyi ayaa ka soo horjeesatay qaraar ay
soo saartay hay'adda ilaalinta nukliyeerka ee Qaramada Midoobay oo ka dhan ah
barnaamijkeeda nukliyeerka.
Toddobaadkii hore, Pyongyang waxay sidoo kale cambaareysay
dhoolatuska ciidamada badda ee uu Mareykanku hoggaaminayo ee ku lug lahaa
Kuuriyada Koonfureed iyo Japan kaas oo ka dhacay meel u dhow Guam laga bilaabo
Agoosto 29 ilaa Sebtembar 10.
Sirdoonka Iiraan oo sheegay in ay fuliyeen howlgal ka hortag ah.
Wasaaradda
Sirdoonka Iiraan ayaa sheegtay inay xirtay dhowr qof oo ku sugan saddex gobol
oo ay ku jirto hawlgal "ka hortag ah". Maxaabiista waxaa lagu
tilmaamay "kooxo" lala xiriiriyay kooxaha mucaaradka.
War-saxaafadeedka
Wasaaradda Sirdoonka ayaa lagu sheegay in shakhsiyaadkan ay damacsanaayeen inay
"fuliyaan howlgallo dilal ah oo ay burburiyaan kaabayaasha
dhaqaalaha."
Wasaaradda
Sirdoonka ayaa sheegtay in qof lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay kooxaha
mucaaradka lagu dilay iska hor imaad ay la galeen ciidamada amniga oo ka dhacay
Piranshahr.
Ururku
wuxuu intaas ku daray inay sidoo kale xireen dhowr qof oo ku sugan gobollada
Kerman iyo Alborz.
Faahfaahin
dheeraad ah lama bixin.
Wuxuu
sheegay in howlgalkan lagu fuliyay "warbixinno dadweyne."
Maraykanka askar ka badan intii ay qirteen ayaa ugu dhimatay dagaalka Iran - Washington Post
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wargeyska The Washington Post ayaa Jimcihii soo weriyay in laga yaabo inay dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Israa'iil ee ka dhanka ahaa Iran ay ku dhinteen askar Mareykan ah oo ka badan tirada ay si rasmi ah u shaacisay Wasaaradda Difaaca Mareykanka.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa beeniyay warbixintaas.
Wargeyskan, oo soo xiganaya shan sarkaal oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay inay dhinteen ugu yaraan 22 askari oo Mareykan ah; tiradaas oo afar askari badan tii ku xusnayd xogta ay hayso Wasaaradda Difaaca (Pentagon-ka) ee dadweynuhu ay heli karaan.
Warbixin ka soo baxday Pentagon-ka ayaa sheegaysa in 18 askari ay dhinteen intii uu socday dagaalkii u dhexeeyay Mareykanka iyo Iran.
Hegseth ayaa farriin uu soo dhigay bar-kulanka X ku tilmaamay warbixintaas mid "been ah."
Jasiiradda ay xiriirka dhow lee yihiin Somaliland oo ah waxa ugu wayn ee ay ku gorgortamayaan Shiinaha iyo Maraykanka ; Trump iyo Xi ayaa kulmi doona
Toban libaax oo ku dhintay beerta xayawaanka ee Tanzania.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Aagga Ilaalinta Dabeecadda ee Ngorongoro (NCAA) ayaa sheegay in toban libaax lagu dilay 18-kii Sebtembar aagga Ndutu ee degmada Endulen.
Baaritaannada hordhaca ah ayaa muujiyay in libaaxyadu ay dhinteen ka dib markii la siiyay sun.
Maamulka beerta dabiiciga ah ayaa bilaabay baaritaan xirfadaysan oo faahfaahsan si loo ogaado sababta dhimashada iyo cidda ka dambeysay falkan.
Dunidu ma u diyaar-garowday "dhammaadka casriga shidaalka" maxaase ku dhici doona waddamada ku tiirsan?
Lix qodob oo ay tahay in aad sameyso si aad lacag u kaydsato adiga oo mushaar yar qaata
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Sida lacag loo kaydsado adigoo qaata mushaar yar
Tiro badan oo dadka shaqeeya ah, dunida waxay qaataan mushaar, iyaga oo ka cowda yaraanta mushaarka iyo inuusan ku filnayn noloshooda.
Dadka qaar waxay ku qasbanaadaan inay qaateen dayn si ay nolol macquul ah ugu noolaadaan, iyaguna waxay ku qasbanaadaan muddo dheer inay qaameysnaydaan.
Sida ay sheegaan inta badan dadka dhibaatadan ay hasato, muddo dheer ayay ku qaadataa inay daymahaas gudaan, taas oo galisa nolol walwal leh, dhaqaalaha soo galana ay ku bixinayaan daynta. Hadaba qaar kamid ah dadka ka faalooda dhaqaalaha ayaa sheegay inay hayaan talooyin laga yaabo inay caawiyaan dadkaas, kuwaas oo ay ku samaysan karaan qorshe ay ku koriyaan dhaqaalahooda.
Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo war hor leh shaaciyey
Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa xaqiijiyay in Iran ay farriimo
iyo shuruudo u dirtay Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal.
Khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka Iran, afhayeenka
baarlamaanka ayaa sheegay in qaar ay “ka hadlaan dagaal, balse aysan lahayn
aragti cad ama hannaan lagu soo afjaro dagaalka si go’aan leh. Aragtidan, oo
diidaysa nooc kasta oo is-dhexgal iyo diblomaasiyadeed ah, iyadoo aan la
qiimeyn fursadaha jira, waxay dhab ahaan dalka u horseedaysaa daal iyo dagaal
aan dhammaanayn.”
“Waa inaan dagaallannaa, isla markaana aan wadaxaajood
sameynaa,” ayuu yiri.
Qaliibaaf wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in
“farriimaha la gudbiyay iyo shuruudaheenna lagu sharxay dhinaca kale si cad,
iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal.”
Wuxuu sheegay in ilaa laga buuxiyo shuruudaha hordhaca ah ee
Iran, “aysan jiri doonin fursad dib loogu laabto xaaladdii hore ee
wadaxaajoodka ama dib loo furo Marin-biyoodka Hormuz.”
Shalay, Mohsen Rezaei, xoghayaha Golaha Sare ee Amniga
Qaranka Iran, ayaa sheegay in Tehran ay shuruudaheeda wadaxaajoodka u gudbisay
Maraykanka iyadoo adeegsanaysa dhexdhexaadiyayaal ka socda Qatar iyo Pakistan,
ayna hadda “sugayso jawaabta Madaxweyne Trump.”
Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Qiiq iyo dab ka holcaya goob lagu sifeeyo shidaalka oo ku taal Moscow
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena way ku
dhaawacmeen weerar “baaxad weyn” oo habeenimo oo ay diyaaradaha aan duuliyaha
lahayn ee Ukraine ku qaadeen gobolka Moscow, sida uu sheegay guddoomiyaha
gobolka, Andrei Vorobyev.
Vorobyev wuxuu sheegay in 249 diyaaradood oo aan duuliye
lahayn la soo riday, wuxuuna sidoo kale sheegay in dab ka kacay dhowr guri oo
la deggan yahay. Bakhaar ku yaalla deegaanka ayaa sidoo kale dab qabsaday.
Magaalada Moscow, warshad sifaysa shidaalka ayaa waxyeello soo gaartay, waxaana
laba garoon diyaaradeed lagu soo rogay xayiraado duulimaad.
Horaantii, sarkaal Ukraine ah ayaa sheegay in toddoba qof,
oo ay ku jiraan laba carruur ah, lagu dilay weerarro ay Ruushku Sabtidii ka
geysteen gobollada Kyiv iyo Sumy.
Ruushka iyo Ukraine ayaa dhawaan kordhiyay weerarradooda,
iyagoo bartilmaameedsanaya xarumaha tamarta iyo gaadiidka, iyo sidoo kale
xarumaha waaweyn ee saadka.
Qoraal uu Axaddii ku daabacay Telegram, Vorobyev wuxuu
sheegay in haweeney 44 jir ah lagu dilay Sofyino kaddib markii diyaarad aan
duuliye lahayn ay ku dhacday dhisme saddex dabaq ah oo la deggan yahay. Wuxuu
sheegay in shan qof oo kale, oo ay ku jiraan laba carruur ah, ay ku
dhaawacmeen.
Degmada Orekhovo-Zuyevo, nin waayeel ah ayaa dhintay kaddib
markii guri gaar loo leeyahay ay diyaarad aan duuliye lahayn ku dhacday, sida
uu sheegay guddoomiyaha gobolka.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la sheegay inay
muujinayaan qaraxyo ka dhacay gobolka Moscow habeenkii iyo bakhaar
gubanaya. Muuqaalladaas BBC si madax-bannaan uma xaqiijin.
Dhanka kale, duqa magaalada Moscow, Sergei Sobyanin, ayaa
sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhacday dhisme ku dhow mid ka mid
ah waddooyinka waaweyn ee caasimadda, isla markaana qayb ka mid ah warshad
sifaysa shidaalka ay waxyeello soo gaartay.
Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay
isku dayeen inay Riyadh, caasimadda dalka, ku bartilmaameedsadaan gantaal
ballistic ah.
Tani waa weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado Riyadh tan
iyo markii ay sii xooggaysatay xiisada.
Horey, Xuutiyiintu waxay iyagoo adeegsanaya gantaallo iyo
diyaarado aan duuliye lahayn ku bartilmaameedsadeen goobo “xasaasi” ah oo ku
yaalla Riyadh, caasimadda Sacuudiga.
Sacuudi Carabiya waxay sheegtay in gantaalkii lagu soo riday
Riyadh “la qabtay oo la burburiyay.”
Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in qaar ka mid ah
dadka deggan Riyadh ay maqleen qarax, kaddibna ay arkeen qiiq madow ooka kacaya
meel u dhow garoonka diyaaradaha.
AFP-na waxay sheegtay in laba qarax oo xooggan laga maqlay
Riyadh Sabtidii, iyadoo wariyayaasheeduna ay arkeen haan shidaal oo ay leedahay
shirkadda shidaalka ee Saudi Aramco, oo ku dhow garoonka diyaaradaha, oo dab
qabsaday.
Khilaafka u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta ayaa
galay marxalad cusub. Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan qayb weyn oo ka mid
ah Yemen, waxaana dhowaan ay qabsadeen magaalooyin xeebeedyo ku dhow Marinka
Bab al-Mandab iyo jasiiradihiisa.
Maraykanka ayaa Sabtidii ka digay in colaadda u dhexeysa
Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto ay “si degdeg ah u sii
xoogaysan karto.”