Trump oo soo gaabiyey fasaxiisii kuna laabtay Aqalka Cad iyo wararkii ugu dembeey ee Bari Dhexe

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ka digtay in xiisaddu ka sii dari karto Bariga Dhexe, waxayna kula talisay dadka Maraykanka ah ee ku sugan gobolka inay u diyaar garoobaan baajinta duullimaadyada ee dhici karta, halka dadka ka baxsan gobolka ay “dib uga fiirsadaan” u safridda halkaas.
Sida ay sheegayaan warbixinnada Maraykanka, Trump ayaa Sabtidii fiidkii hore soo gaabiyay fasaxiisii dhammaadka toddobaadka ee Camp David, wuxuuna ku laabtay Aqalka Cad, iyadoo loo qorsheeyay inuu halkaas joogo ilaa habeenka Axadda.
Aqalka Cad ma uusan sheegin sababta uu u soo laabtay maalin buuxda ka hor dhammaadka fasaxa, go’aankaasna wuxuu ku soo beegmay xilli Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay digniino amni u diraysay dadka Maraykanka ah ee ku kala sugan dalalka Bariga Dhexe.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa digniin ay soo saartay subaxnimada Axadda ku sheegtay in xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay weli tahay mid cakiran, iyadoo ka digtay suurtagalnimada in xiisad lama filaan ah ay si degdeg ah u sii korodho.
Wasaaraddu waxay dadka Maraykanka ah ee ku sugan gobolka ugu baaqday inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo ay u diyaar garoobaan baajinta duullimaadyada ee dhici karta, xiritaanka hawada iyo carqalado ku yimaada safarrada.









