Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Wararkii ugu dembeeyey ee aad u baahan tahay inaad ogaato

    ·Sida ay sheegayaan warbixinnadu, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo gaabiyay fasaxiisii dhammaadka toddobaadka ee xarunta madaxtooyada ee Camp David, wuxuuna si hore ah ugu laabtay Aqalka Cad.

    ·Safaarado dhowr ah oo Maraykanku ku leeyahay Galbeedka Aasiya ayaa soo saaray digniino amni oo degdeg ah, iyagoo muwaadiniintooda ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha amniga, isla markaana sheegay in duullimaadyada gobolka ay u badan tahay in la baajiyo.

    ·Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in Turkiga, oo ay weheliyaan dalal kale, uu ka shaqeynayo soo-jeedinno cusub oo looga gol leeyahay in Maraykanka iyo Iran loo soo dhaweeyo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka.

    ·Esmail Baghaei, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran, ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Pakistan Mohsen Naqvi uu Axadda (berri) u safri doono Tehran.

    ·Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa habeenkii Sabtida sheegay in Sacuudigu laga yaabo inuu u baahdo kaalmo milatari sababo la xiriira weerarrada joogtada ah ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen, isla markaana Turkigu arrimahan ku qiimeyn doono qaabka Heshiiska Difaaca ee Maka.

    ·Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen qaar ka mid ah xarumaha “xasaasiga ah” ee Riyadh, iyo sidoo kale xarun Aramco leedahay oo ku taalla Yanbu, xeebta Badda Cas.

  2. Iiraan oo xog cusub ka bixisay wadahadallada iyo shuruudo ay u gudbisay dhexdhexaadiyaasha

  3. Trump oo soo gaabiyey fasaxiisii kuna laabtay Aqalka Cad iyo wararkii ugu dembeey ee Bari Dhexe

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ka digtay in xiisaddu ka sii dari karto Bariga Dhexe, waxayna kula talisay dadka Maraykanka ah ee ku sugan gobolka inay u diyaar garoobaan baajinta duullimaadyada ee dhici karta, halka dadka ka baxsan gobolka ay “dib uga fiirsadaan” u safridda halkaas.

    Sida ay sheegayaan warbixinnada Maraykanka, Trump ayaa Sabtidii fiidkii hore soo gaabiyay fasaxiisii dhammaadka toddobaadka ee Camp David, wuxuuna ku laabtay Aqalka Cad, iyadoo loo qorsheeyay inuu halkaas joogo ilaa habeenka Axadda.

    Aqalka Cad ma uusan sheegin sababta uu u soo laabtay maalin buuxda ka hor dhammaadka fasaxa, go’aankaasna wuxuu ku soo beegmay xilli Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay digniino amni u diraysay dadka Maraykanka ah ee ku kala sugan dalalka Bariga Dhexe.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa digniin ay soo saartay subaxnimada Axadda ku sheegtay in xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay weli tahay mid cakiran, iyadoo ka digtay suurtagalnimada in xiisad lama filaan ah ay si degdeg ah u sii korodho.

    Wasaaraddu waxay dadka Maraykanka ah ee ku sugan gobolka ugu baaqday inay taxaddar dheeraad ah muujiyaan oo ay u diyaar garoobaan baajinta duullimaadyada ee dhici karta, xiritaanka hawada iyo carqalado ku yimaada safarrada.

  4. Xuutiyiinta oo sheegay inay weerar loo adeegsaday gantaallo blastic ku qaadeen caasimada Sacuudiga

    Xuutiyiinta oo sheegay inay fuliyeen weeraro lagu qaaday caasimada Sacuudiga
    Qoraalka sawirka, Xuutiyiinta oo sheegay inay fuliyeen weeraro lagu qaaday caasimada Sacuudiga

    Xuutiyiinta ee Yemen ee ay Iran taageerto ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo lagu qaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, iyo sidoo kale xarumaha tamarta ee ku yaalla xeebta Badda Cas ee dalkaas.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa sheegay inay qabteen oo burburiyeen gantaal ballistic ah oo lagu soo tuuray Riyadh, iyagoo aan xaqiijin weerarro kale ama wax khasaare ah oo nafeed.

    Qiiq madow ah ayaa la arkayay isagoo ka kacaya haamaha shidaalka ee ku dhow garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimadda Sacuudiga, halkaas oo duullimaadyadu si ku-meel-gaar ah u hakadeen Sabtidii.

    Digniinaha weerarrada cirka ayaa caasimadda ka yeeray markii ugu horreysay tan iyo markii Xuutiyiinta ay Iran taageerto ay kordhiyeen weerarrada ay ku hayaan Sacuudiga bishii Luulyo.

    Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dadka Mareykanka ah ee ku sugan Bariga Dhexe ugu baaqday inay “feejignaadaan oo ay diyaar u ahaadaan baajinta duullimaadyada iyo carqalado kale oo safarka ah oo dhici kara.”

    “Xuutiyiinta ay Iran taageerto waxay dagaal ka dhan ah Sacuudiga ku lug yeesheen, oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha rayidka. Colaaddan milatari waxay awood u leedahay inay si degdeg ah u sii xoogaysato,” ayay ku sheegtay bayaan.

    Waxay intaas ku dartay in dadka Mareykanka ah ay “si dhab ah dib ugu fiirsadaan safarrada ay ku tagayaan ama ku sii marayaan gobolka.”

    Difaaca cirka ayaa sidoo kale joojiyay “isku-dayo cadawtinimo oo lagu bartilmaameedsanayay rayidka” magaalooyinka Bish, Taif, Farasan iyo Yanbu, sida uu bayaan ku sheegay afhayeen rasmi ah oo ka tirsan isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo.

  5. Saxafiyiinta loo diiday in ay galaan Aqalka Cad ka dib markii Trump uu ka mamnuucay

    USA

    Wariyeyaasha warbaahinta Politico, CNN iyo MS NOW ayaa loo diiday inay galaan Aqalka Cad ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay inuu mamnuucayo warbaahintaas .

    Wariye ka tirsan MS NOW iyo sawir qaade ayaa isku dayay inay galaan Aqalka Cad subaxnimadii Sabtida, laakiin kaararkooda ma shaqeeyn kadibna, sarkaal ayaa kala wareegay, sida ay sheegtay warbaahintu.

    CNN iyo Politico labaduba waxay sidoo kale sheegeen subaxnimadii Sabtida in weriyeyaashooda loo diiday inay galaan oo la qabtay kaararka ay ku qoran yihiin.

    Trump ayaa Jimcihii sheegay inuu ka mamnuucayo saddexda warbaahin ee ugu waaweyn Mareykanka inay galaan Aqalka Cad, isagoo ku eedeeyay in ay ka qoreen "warar been abuur ah " maamulkiisa.

    Dadka u dooda xorriyadda saxaafadda ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

    "Sarkaalku wuxuu iga codsaday inaan ku wareejiyo kaarkeyga. Wuxuu yiri waa la hakiyay," ayay tiri weriye Akayla Gardner oo ka tirsan MS NOW. "Waxa aan weydiiyay sababta aanan u awoodin inaan gudaha galo. Wuxuu yiri waa mid iga sarreysa."

    Gardner waxay raacisay in iyadoo kaararka saaxiibadeeda lag dhigay kuwa aan sahqeyneyn, soo saare MS NOW ah ayaa wali awooday inuu su shaqeeyo kaarkiisa si uu ugalo, inkastoo aan la siinin sharraxaad ku saabsan sababta kaarka soo saaraha uu weli u shaqeynayo.

    Wariye ka tirsan CNN Betsy Klein ayaa sheegtay in wakiil ka tirsan ciidanka Secret Service ah uu u sheegay inkaarkeeda howlgab laga dhigay.

    Subaxnimadii Sabtida dambe, Politico waxay sheegtay in weriye Cheyenne Haslett loo diiday inay gasho iyo in ilaalda Secret Service ay kala laabatay kaarkeedii

    Saddexda warbaahin ayaa ka hadlay go'aankaas, iyagoo ku eedeeyay Trump inuu ku xadgudbay xuquuqdooda dastuuriga ah ee xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda..

    Sheekooyin kale:

  6. Dab weyn oo ka kacay hoteelk ku yaal meel xeebta ah

    UK

    la rumeysan yahay in si ula kac ah loo sameeyay, sida ay booliisku sheegeen.

    Tiro dhan 26 gaarioo dab-damis ah ayaa loo diray Hoteelka Grand Burstin ee Folkestone abbaare 01:05 BST, sida ay sheegtay Hay'adda Dab-damiska iyo Samatabbixinta Kent.

    Booliiska Kent ayaa sheegay in dabka loola dhaqmay sidii mid laga shakisan yahay ayna codsanayaan ciddii in ay wixii xog ah soo gudbiyaan ciddii markhaatiyaal ah.

    "Baaritaanno ku saabsan duruufaha ayaa socda," ayay booliisku sheegeen.

    Warbixin cusub oo lasoo saaray 15:00 subaxnimo, waaxda dab-damiska ayaa sheegtay in sagaal dab-damis ay ku hareen goobta "iyagoo hoos u dhigaya meelaha uu weli dabku ku harsan yahay ".

    Maareeyaha saldhigga Lawrence Pater ayaa sheegay in dabka "oo aad u daran" uu shaki ka muujiyay qaabka dhismaha, isla markaana ay talo ka raadinayaan kormeerayaasha.

    Golaha Deegaanka Folkestone & Hythe ayaa xarun samafal ka sameeyay Beerta Ciyaaraha ee Three Hills, dadka deegaankana waxaa lagula taliyay inay ka fogaadaan aagga dabka ka kacay oo ay xiraan daaqadaha iyo albaabada.

    "Waxaan taageereynaa dhammaan adeegyada gurmadka degdegga ah ee ku lug leh jawaabta iyo dadaalkooda ah inay dadka nabad galyo helaan," ayuu yiri golaha.

    Adeegga Ambalaaska ee Koonfur Bari ee Xeebta ayaa sheegay inay hubiyeen tiro dad ah oo goobta joogay, hal qofna waxaa loo qaaday isbitaal isagoo qaba dhaawacyo fudud.

    Sheekooyin kale:

  7. Khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in Mareykanka uu dambiyo dagaal ka geystay Iiraan

    UN
    Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 156 qof, oo ay ku jiraan 120 carruur ah, ayaa ku dhintay duqeyn bishii Febraayo ka dhacday dugsiga hoose dhexe ee Minab.

    Khubarada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ay jiraan sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo in Mareykanku uu dambiyo dagaal ka geystay laba weerar oo ka dhacay Iiraan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 177 qof oo rayid ah.

    Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay'adda Caalamiga ah ee Xaqiiqada Raadinta ee Madaxa-bannaan ee Iiraan, oo dibadda laga soo xigtay, ayaa sheegtay in gantaalladii bishii Febraayo lagu qaaday dugsi hoose oo ku yaal Minab iyo xarun isboorti oo ku taal Lamerd ay ahaayeen weerarro aan kala sooc lahayn oo sababay dhimasho rayid ah iyo burbur soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha rayidka.

    Mareykanka ayaa horey u beeniyay in uu weeraray Lamerd, wuxuuna sheegay in uu baarayo waxa ka dhacay Minab. Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in Mareykanku uusan kalsooni ku qabin natiijooyinka ku jira warbixinta.

    Khubaradu waxay sidoo kale ogaadeen in mas'uuliyiinta Iiraan ay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha intii lagu jiray olole ka dhan ah dibadbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda bishii Janaayo.

    Waxay sheegeen in dilalka ay geysteen ciidamada amniga ay u dhaceen "heer aad u sarreeya oo aan hore loo arag" dhammaan 31-ka gobol.

    Iiraan weli kama aysan hadlin natiijooyinka la helay, laakiin waxay hore u diiday eedeymo ku saabsan xadgudubyo nidaamsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

    Sheekooyin kale:

  8. Nato oo soo dhaweysay heshiiska Greenland iyadoo Trump uu sheegay heshiisku uu Mareykanka siin doono 'xakameyn amni oo joogto ah

    USA
    Qoraalka sawirka, Dadka Greenland ayaa ka mudaaharaaday hamiga Trump ee dhulka ku yaal caasimadda dalka, Nuuk, horraantii sanadkan.

    Mareykanka iyo Denmark ayaa ku dhawaaqay heshiis ku saabsan amniga Greenland, iyagoo xal u helay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay hanjabaaddii Madaxweyne Donald Trump ee ahayd inuu xoog ku qabsan doono.

    Hoggaamiyeyaasha Denmark iyo Greenland ayaa soo dhaweeyay heshiiska lagu xoojinayo amniga, kaas oo ay sheegeen in la filayo in la saxiixo toddobaadka soo socda, laakiin ma aysan soo bandhigin waxa ku jira heshiiska.

    Heshiiskan ayaa yimid ka dib bilo hanjabaado ah oo uu Trump u jeediyay oo ahaa inuu "la wareego" Greenland sababo la xiriira walaacyada amniga qaranka, isagoo ku tilmaamay goob istaraatiijiyadeed oo ku taal ujeeddooyinka difaaca iyo hodantinimada macdanta.

    Qoraal heshiiska ah lama soo saarin. Trump wuxuu sheegay in heshiisku uu "lacag la'aan ugu yimid Mareykanka" uuna siin doono awood "ay ku sameyso waxa lagama maarmaanka ah" si ay "u sugaan una difaacaan amniga Greenland", ayuu ku sheegay qoraal uu ku qoray Truth Social.

    Wuxuu sheegay in uu ku jiro sharci ah in cadowga Mareykanka uusan joogi karin Greenland ama "uusan maalgelin xasaasi ah ku sameyn karin Greenland, iyada oo aan la helin oggolaansho qoraal ah oo cad".

    Afhayeen u hadlay Nato ayaa sheegay in isbahaysiga milatarigu uu soo dhaweeyay heshiiska, kaas oo "ka caawin doona horumarinta amniga, xasilloonida iyo iskaashiga gobolkan muhiimka ah".

    Ra'iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay inay "ku faraxsan tahay in ay jirto rajo wanaagsan" oo ku saabsan saddexda dhinac, kaas oo la filayay in lagu saxiixo Golaha Guud ee Qaramada Midoobay toddobaadka soo socda.

    Sheekooyin kale:

  9. Maxaa ka jira in rasiidka wax iibsiga uu saameyn ku yeesho bacriminta taranka?

  10. Isku dhexyaac xooggan oo laga soo tabinayo garoonka diyaaradaha ee Riyad

    Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa soo warisay "carqalad ballaaran" oo ka dhacday Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid ee magaalada Riyad, caasimadda Sacuudi Carabiya, oo ay ku jiraan baajinta duulimaadyada iyo dib u dhaca.

    Warbixintan ayaa la sii daayay ka dib markii dadka deegaanka ay arkeen qiiq iyo olol meel u dhow garoonka diyaaradaha.

    Cilladu waxay dhacday ka dib markii maamulka Sacuudigu uu digniin cirka ah soo saaray habeennimadii.

    In kasta oo digniino dhowr ah loo soo saaray Riyad ka dib markii uu bilowday dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan, kuwani waxay ahaayeen digniinihii ugu horreeyay tan iyo markii uu sii xoogeystay xiisadda Xuutiyiinta.

    Xuutiyiinta, oo maamula meelaha ugu dadka badan Yemen iyo inta badan waqooyiga dalka, ayaa dhawaan xoojiyay weerarradooda Sacuudi Carabiya, iyagoo bartilmaameedsanaya maraakiibta Sacuudiga ee Badda Cas.

    Weerarradan waxay abuureen khataro cusub oo ku wajahan sahayda saliidda adduunka waxayna halis geliyeen wadada kale ee Badda Cas ee kale ee loo dhoofiyo saliidda Khaliijka.

    Tani waa halka gaadiidka maraya Marinka Hormuz uu weli xiran yahay.

    Sheekooyin kale:

  11. Dil naxdin badan oo dumar lagula kacay oo cabsi iyo walwal abuuray

  12. 'Adeegto' iyo xusuusihii kale ee labada rugcadaa ee saxaafadda ee geeriyooday; Boqorka Bartamaha iyo Xasan kaafi

  13. AFP: Haan shidaal ayaa dab qabsaday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Riyad.

    Waxaa dab ka kacay haan shidaal oo ay leedahay shirkadda Saudi Aramco, taas oo ku taal meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Riyad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

    Sida lagu sheegay warbixinta, dhacdadan ayaa timid ka dib markii dadka deegaanka magaalada ay sheegeen inay maqleen dhawaq qarax ah.

    Sawirro la soo saaray ayaa lagu arkay shaqaalaha dab-damiska oo isku dayaya inay damiyaan haan shidaal oo gubanaysa, taas oo ay ku dheggan tahay calaamadda shirkadda Aramco.

    Sheekooyin kale:

  14. Qaac ka talluumaya meel u dhaw garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Riyad

    .

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa goobjooge, ayaa sheegtay in olol iyo qiiq madow badan lagu arkay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha ee King Khalid ee caasimadda Sacuudiga, Riyadh.

    Dowladda Sacuudiga kama aysan jawaabin codsi ku saabsan arrintan, sida ay ku warantay Reuters.

    Waxaan hore u soo sheegnay in Ururka Difaaca Madaniga ah ee Sacuudiga uu ku dhawaaqay in la bilaabay digniin hore iyo digniin degdeg ah oo ka dhacday Riyad, ka dibna uu ku dhawaaqay joojinta digniinta.

    Tani waxay ahayd digniintii ugu horreysay ee ka dhacda caasimadda Sacuudiga tan iyo markii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeya dalka iyo Xuutiyiinta Yemen.

    Sheekooyin kale:

  15. Sidee loo ilaaliyaa Makka iyo meelaha kale ee barakaysan ee ku yaalla Sacuudi Carabiya?

  16. Dadka reer Koonfur Kuuriya oo ka banaanbaxay dalabka Trump ee ah in askar wadan kooda ah loo diro marinka Hormuz

    .

    Kooxo ka tirsan bulshada rayidka ah ee Koonfurta Kuuriya ayaa maanta isugu soo baxay meel u dhow safaaradda Mareykanka ee Seoul, iyagoo ku dhawaaqayay ereyo ka dhan ah cadaadiska uu Donald Trump ku hayo dowladda dalkaas si ay ciidamo ugu dirto marin-biyoodka Hormuz.

    Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya, Lee Jae-myung, ayaa horay u sheegay in dalkiisu uusan diri doonin ciidamo horseedi kara dagaal.

    "Ma jiri doonto wax ka qaybqaadasho ama faragelin ku saabsan dagaalka," ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu shalay qabtay.

    Sheekooyin kale:

  17. Zelensky oo uga mahadceliyay Trump tallaabo uu qaaday

    Waxaan horay u soo sheegnay in Donald Trump uu saxiixay sharci cunaqabatayn ballaaran saaraya Ruushka, isla markaana kordhinaya cunaqabataynta saaran Iiraan. Hadda, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa uga mahadceliyay madaxweynaha Mareykanka saxiixa sharcigaas.

    Sharcigan waxaa si wadajir ah u diyaariyay Senator-ka Jamhuuriga ah Lindsey Graham, kaas oo geeriyooday horraantii xagaagan. Mr. Graham ayaa booqday dalka Ukraine ka hor inta uusan geeriyoon.

    "Habka ugu wanaagsan ee lagu xusi karo xusuusta Lindsay waa in si buuxda oo degdeg ah loo dhaqangeliyo qodobrada sharcigan," ayuu Mr. Zelensky ku qoray baraha bulshada ee X.

    Sheekooyin kale:

  18. Iiraan oo toogasho ku fulisay nin 'lagu xumay in uu ahaa basaas Israa'iil'

    .

    Hay'adda garsoorka ee Iran ayaa ku dhawaaqday inay toogatay muwaadin u dhashay dalkaasi, kaas oo lagu xukumay dil ka dib markii lagu helay eedeymo la xiriira basaasnimo uu u sameynayay Israa'iil.

    Wakaaladda Wararka Mizan, oo hoos tagta hay'adda garsoorka, ayaa sheegtay in shakhsigaas magaciisa la oran jiray Hossein Pedran, isla markaana uu "hay'adda Mossad siiyay xog ku saabsan goobo milatari oo xasaasi ah oo ku yaalla gobolka Isfahan."

    Mizan waxay tiri: "Iyadoo la eegayo qalab laga helay Hossein Pedran iyo qirashadiisa, waxaa la soo saaray eedeymo ay ka mid yihiin basaasnimo iyo la-shaqeyn sirdoon oo loo sameynayay maamulka Siiyooniistaha (Israel), billaabidda iskaashi sirdoon oo lala sameynayay dowladda Mareykanka ee cadowga ah — iyadoo la gudbiyay codsi iskaashi iyo rabitaan lagu muujinayay in loo shaqeeyo hay'adda sirdoonka Mareykanka — iyo eedeymo kale oo dhowr ah."

    Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Wakaaladda Wararka ee Mizan, xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Hossein Pedran ayaa la fuliyay ka dib markii ay ansixisay Maxkamadda Sare.

    Sheekooyin kale:

  19. Trump ayaa ku dhawaaqay 'mamnuucitaan' lagu soo rogay saddex hay'adood oo warbaahineed, oo ay ku jirto CNN.

    cnn

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga mamnuucayo Aqalka Cad warbaahinta kala ah CNN, MS Now, iyo Politico.

    Madaxweyne Trump ayaa bayaan uu Jimcihii ku daabacay baraha bulshada ee Truth Social in warbaahintan ay "si joogto ah u daabacaan ama u baahiyaan sheekooyin aan sal iyo raad lahayn iyo warar been abuur ah" oo ku saabsan maamulkiisa, inkastoo uusan bixin wax tusaalooyin ah.

    Trump ayaa markii dambe tallaabadan ku tilmaamay "mamnuucid aad u fudud," balse ma uusan caddeyn sida loo dhaqan-gelin doono amarkan ama in weriyeyaasha hay'adahaas laga hor-istaagi doono inay galaan Aqalka Cad. Weriyeyaasha CNN iyo Politico ayaa weli ku sugnaa Aqalka Cad wax yar uun ka dib markii lagu dhawaaqay go'aanka.

    Hay'adda wararka ee Mareykanka ee CNN ayaa tallaabadan la filayo ku tilmaantay "weerar sharci-darro ah" oo lagu qaaday xorriyadda saxaafadda oo uu damaanad-qaaday Dastuurka Mareykanka, iyadoo sheegtay inaysan dowladdu xaq u lahayn inay carqaladeyso shaqadeeda war-tabinta.

    Politico ayaa iyaduna sheegtay inay si adag u difaaci doonto xuquuqdeeda dastuuriga ah. Si kastaba ha ahaatee, MS Now (oo hore loo oran jiray MSNBC) ayaa diidday inay arrintan ka hadasho.

    Sheekooyin kale:

  20. Xuutiyiinta oo sheegay in Sacuudigu 26 weerar ka fuliyay Yemen

    Yemen, Xuutiyiinta ayaa Jimcihii sheegay in Sacuudigu 26 weerar ku qaaday deegaannada ay gacanta ku hayaan 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

    Xuutiyiintu waxay sidoo kale sheegeen in tirada weerarrada Sacuudiga ee lagu qaaday goobahooda ay gaartay 300 weerar toddobaadkii la soo dhaafay, kuwaas oo lagu qaaday meelo kala duwan oo ay maamulaan.

    Dagaalka Yemen oo billowday sannadkii 2014-kii, markii Xuutiyiintu la wareegeen caasimadda Sanca, ayaa inta badan hakad galay tan iyo 2022-kii, balse dagaalladu waxay mar kale xoogaysteen tan iyo bishii July ee sanadkan.

    Sacuudiga ayaa tan iyo 2015-kii hoggaaminayay isbahaysi taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

    Faragelinta Sacuudiga ee Yemen ayaa qayb ka noqotay dagaal sababay mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ugu daran dunida.

    Waxaa dagaalladii dib uga qarxay Yemen ay mar kale sababeen barakac ballaaran. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in in ka badan 112,000 qof ay gudaha Yemen ku barakaceen tan iyo markii dagaalladu dib u billowdeen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto: