Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Mohamed Salah oo laga mamnuucay wadista baabuurta muddo lix bilood ah

    Mohamed Salah oo laga mamnuucay wadista baabuurta muddo lix bilood ah

    Ciyaaryahankii hore ee Liverpool, Mohamed Salah, ayaa laga mamnuucay inuu baabuur wado muddo lix bilood ah, kaddib markii gaarigiisa Rolls-Royce lagu qabtay isagoo xawaare sare ku socda.

    Salah ma uusan sheegin qofkii waday gaariga oo ku socday xawaare dhan 58 km saacaddii, xilli waddadaasi xawaareheeda ugu badan uu ahaa 48 km saacaddii. Dhacdadan ayaa 27-kii Febraayo ka dhacday Wilmslow, Cheshire, England.

    Ciyaaryahanka 34 jirka ah kama uusan jawaabin amarka booliska, mana uusan qiran eedeymaha loo soo jeediyay.

    Maxkamaddu waxay ku xukuntay in laga mamnuuco wadista baabuurta muddo lix bilood ah, sidoo kalena uu bixiyo 1,044 euro oo ganaax ah.

    Afhayeen u hadlay maxkamadda ayaa sheegay in Salah sidoo kale lagu helay dambi ah inuu diiday inuu bixiyo xogta qofkii waday gaarigiisa.

    Waxaa la sheegay in Salah uu xawaaraha ka sarreeyay maalmo kaddib markii uu ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool, halkaas oo uu sagaal sano ku qaatay.

    Markii Salah uu 24-kii Febraayo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Liverpool, waxaa lagu tilmaamay inuu “noqday mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa taariikhda kooxda.”

    Ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu u wareegayo horyaalka Turkiga, Salah wuxuu Liverpool u saftay 442 kulan, isagoo dhaliyay 257 gool.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Madaxweynaha Yemen ayaa ka dalbaday Trump taageero ka dhan Xuutiyiinta

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganaysa afar illo-wareed oo xog-ogaal ah, in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Axaddii khadka taleefanka kula hadlay Rashad Alimi, oo ah madaxa Golaha Hoggaaminta Madaxtooyada Yemen.

    Wadahadalkooda ayaa diiradda lagu saaray Xuutiyiinta ku sii socota Bab al-Mandab oo ka mid ah marinada ugu muhiimsan maraakiibta caalamka.

    Illo-wareedyo u warramay Reuters ayaa u sheegay in wadahadalkan uu Mr. Alimi ku dalbaday in Mareykanku ka taageero sidii ay uga hortagi lahaayeen Xuutiyiinta.

    Labada illo-wareed oo mid Yemen yahay kan kale reer Galbeed ayaa sheegay in Trump uusan sameyn ballanqaad toos ah oo military.

    Aqalka Cad iyo wasiirka warfaafinta Yemen kama jawaabin codsiga wakaaladda wararka Reuters.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  3. Masar oo madax CIA-da Maraykanka kala hadashay arrin ku saabsan Soomaaliya

  4. Mareykanka ayaa sheegay in nidaamka dollar-ka uu ka saarayo dalkii adeeg siiya diyaaradaha Iran

    Wasaaradda maaliyadda Mareykanka

    Xoghayaha maaliyadda Mareykanka, Scott Besant, ayaa CNBC u sheegay in saddex iyo labaatanka bishan adduunka laga joojin doono dhammaan diyaaradaha Iran.

    Wuxuu ka digay in dhammaan shirkadaha diyaaradaha Iran ay adduunka kala kulmi doonaan dhibaatooyin waa weyn laga bilaabo labo maalin kaddib.

    Xoghayaha maaliyadda Mareykanka wuxuu hadalkan sheegay kaddib markii uu la kulmay madaxweyne ku xigeenka Shiinaha.

    Mr. Besant wuxuu sheegay hadii diyaaradaha Iran ay ku dagaan garoon diyaaradeed, “in aadan siin karin shidaal ama adeegyada garoonka, kama iibin kartid tikit, hadii kale waxaad ka baxeysaa nidaamka dollar-ka”.

    Diyaaradaha Iran ayaa muddo sanado ah la daalaa-dhacayay cunaqabataynta Mareykanka, taas oo si weyn u xaddidday awooddooda dhanka iibsashada diyaaradaha iyo qalabka dayactirka.

    Dhawaan waxaa la joojiyay duulimaadyadii xadidnaa ee tagayay Iran iyadoon la ogeyn waxa uu noqonayo mustaqbalka duulimaadyada tagaya Iran.

    Qaar ka mid ah dalalka dariska la ah Iran sida Georgia waxay joojiyeen in hawadooda ay soo galaan diyaaradaha Iran.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Saddex warbaahin ayaa dacwad ku soo oogay Trump kaddib markii uu u diiday wariyayaashooda in ay galaan Aqalka Cad

    Warbaahinta Mareykanka

    CNN, Politico iyo MS Now oo ah saddex warbaahin oo Mareykan ah ayaa sheegay in ay dacwad ku oogayaan maamulka trump kaddib markii wariyayaashooda loo diiday in ay galaan Aqalka Cad.

    Mr. Trump ayaa jimcihii ku dhawaaqay in uu ka mamnuucayo wariyayaasha saddexdaas hay’adood in ay soo galaan Aqalka Cad isagoo ku eedeeyay in ay faafinayaan “xogo been abuur ah” oo ku saabsan maamulkiisa.

    Saddexda warbaahin waxay sheegeen in wariyayaashood loo diiday in ay galaan Aqalka Cad Sabtigii iyadoo laga qaatay kaararkii aqoonsiga kaddib markii laga horjoogsaday in ay galaan dhismaha.

    Qoraal wadajir ay u soo saareen saddexdaas hay’adood ayey ku sheegeen in ay tallaabo sharci ah qaadayaan si ay u “ilaaliyaan xuquuqdooda ku xusan dastuurka, una difaacaan in aanay shaqada dowladda aheyn in ay go’aamiso waxa ay warbaahintu tabineyso ama daabaceyso”.

    Mamnuucidda Trump laguma xusin arrin cayiman oo ku saabsan sababta wariyayaasha loogu diiday Aqalka Cad. Madaxweynaha Mareykanka wuxuu kaloo sheegay in “warbaahino kale lagu darayo”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. 3 waxyaabood oo ay tahay qoysasku inay hadda sameeyaan oo ku saabsan El Nino

  7. Washington Post: Askarta Mareykanka ee ku dhimatay dagaalka Iran way ka badan tahay intii la sheegay

    Mareykanka iyo Iran

    Tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee ku dhintay dagaalka lala galay Iran ayaa ka badan tan Pentagon ka soo baxday ugu yaraan ilaa afar qof.

    Washington Post ayaa jimcihii sheegtay iyadoo xiganeysa saraakiil Mareykanka in tirada dhimashada ciidamada Mareykanka ee dagaalka Iran ay ka badan tahay tan rasmiga ee Pentagon-ka ku dhawaaqeen.

    Wargeyska oo xiganaya shan sarkaal oo aqoon u leh tirada dhimashada ee ka soo baxda Wasaaradda Dagaalka ayaa sheegay in ugu yaraan 22 askari lagu dilay dagaalka Iran taas oo ah tiro ka badan tan rasmiga ee Pentagon-ka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  8. Duufaanta Dujan ee Japan ayaa ku qasabtay dad ka badan 1.9 milyan in ay ka baxaan guryahooda

    Duufaanta Japan

    Duufaan xooggan oo ku dhufatay xeebaha bari ee Japan ayaa keentay roobab mahiigaan ah iyo burbur.

    Booliiska ayaa ku booriyay in ka badan 1.9 milyan iyo bar oo qof oo ku nool Tokyo iyo deegaannada ku xeeran, kuwaas oo halis ugu jira duufaanta, in ay ka guuraan guryahooda. Sidoo kale 50,000 dad gaaraya ayey korontada ka go’day.

    Mas'uuliyiintu waxay sidoo kale ka digeen dhul-go', iyadoo magaalada Oshima la galiyay heerka ugu sarreeya ee digniinta noocaas ah.

    In ka badan 300 oo millimitir oo roob ah ayaa halkaas ka da'ay tan iyo Sabtigii. Dabaylaha ka dhashay Duufaanta Dujuan ayaa sababtay koronto la'aan ku timid kumannaan qof ah.

    Boqolaal duulimaad ayaa la baajiyay, halka qaar ka mid ah adeegyada tareennadana la hakiyay.

    Munaasabado waaweyn oo ay ka mid yihiin Ciyaaraha Aasiya iyo Bandhigga ciyaaraha Tokyo ayaa sidoo kale dib loo dhigay. Raysalwasaaraha Japan, Sanae Takaishi, ayaa dib u dhigtay safarkeedii Mareykanka ee ay kaga qayb geli lahayd Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  9. Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

    Marinka Hormuz
    Qoraalka sawirka, Sawir hore

    Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO ayaa sheegay in markab shidaal lagu weeraray “gantaal aan la aqoon” isagoo marayay marinka Hormuz.

    Sida laga soo xigtay saraakiil milatari, dhaawac fudud ayaa soo gaaray labo ka mid ah shaqaalah markabka. Markaba wuxuu sii watay safarkiisa isagoo ku sii jeeday dakadii uu u socday.

    Waqtigan xaadirka ah ma jiraan warbixino ku saabsan waxyeello deegaanka soo gaartay, baaritaanka ku saabsan weerarkana ayaa weli socdaa.

    Ururka arrimaha badaha ee UKMTO waxay markale kula talisay maraakiibta in ay taxadar muujiyaan marka ay marayaan aagaas isla markaana soo sheegaan wixii dhaqdhaqaaq ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. 10 hoggaamiye oo Afrikaan ah oo la dilay iyaga oo xilka haya

  11. Khalkhal ayaa ku yimid garoomada diyaaradaha UK

    Garoomada diyaaradaha

    Duulimaadyada UK oo dhan gaar ahaan Scotland, Waqooyiga Ireland iyo England ayaa dib u dhacay kaddib “Cilad farsamo” oo ka timid dhanka maamulka isu-socodka diyaaradaha.

    Rakaabka garoomada Scotland iyo Waqooyiga Ireland ayaa dib uga dhacay waqtigooda saakay kaddib ciladaas farsamo.

    Garoomada diyaaradaha ayaa kula taliyay dadweynaha in ay hubiyaan diyaaradooda ka hor inta aysan soo bixin.

    Tani waa markii labaad ee cilad ku timaada shirkadda NATS ee maamusha hawada sare ee Boqortooyada UK muddo ka yar laba toddobaad gudaheed. Ma hayno faahfaahinta waxa dhacay markan, marka laga reebo in ay jirto cillad farsamo oo ku timid xarunta maamulka hawada ee Nats ee ku taal Prestwick.

    Shirkadda NATS waxay leedahay labo xarumood. Tan koowaad waxay ku taal tuulada Swanwick ee gobolka Hampshire taas oo la socota hawada qeybaha koonfureed ee UK oo ay ku jiraan garoomada Heathrow iyo Gatwick. Tan kalena waxay ku taal Prestwick Scotland.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Wafdiga Iran ayaa ka qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay

    Madaxweynaha Iran

    Madaxweynaha Iran ayaa u safri doona Talaadada New York isagoo halkaas kaga qeybgalaya kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

    Saacado ka hor ayuu madaxweyne Donald Trump ku dhawaaqay in uu diyar u yahay in uu la kulmo madaxweyne Masoud Pezzekian balse wuxuu ka digay hadii aan heshiis la gaarin in Iran ay la kulmeyso dhaqaale xumo iyo burbur.

    Booqashada Masoud Pezzekian ee xarunta Qaramada Midoobay ee New Yor waxay aheyd mid si weyn laysugu khilaafay.

    Qaar ka mid ah shaqsiyaadka muxaafidka iyo ololeeyayaal siyaasadeed ee ku dhow dhinaca isbaddel doonka ayaa shaki ka muujiyay safarkan.

    Qaar ka mid ah dadka dhaliilsan ayaa sheegaya maadama kooxda warbaahinta ee madaxweynaha loo diiday fiisaha in aysan suurtagal aheyn in si habboon loo tabiyo wararka iyo dhacdooyinka.

    Qaar ka mid ah dadka muxaafidka ah ayaa aaminsan in, marka la eego xaaladda dagaalka, in joogitaankan loo arko calaamad muujineysa rabitaanka Iran ee ah in ay wadaxaajood dooneyso.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Colbat, lithium iyo uranium: Maxay yihiin macdanta muhiimka ah ee uu madaxweynaha Soomaaliya sheegay in laga helo dalka, maxaase loo adeegsadaa?

  14. Kiin laga yaabo inaad isticmaashay oo ‘halis weyn ku ah’ xubin muhim ah oo jirkaga ah

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

  15. Madaxweynaha iiraan oo u safraya New York iyadoo Trump sheegay inu diyaar u yahay la kulankiisa

    Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian

    Madaxweynaha Iran ayaa Talaadada u safri doona magaalada New York si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Saacado ka hor, Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Masoud Pezeshkian, isagoo ka digay in haddii heshiis la gaari waayo, Iran ay wajahdo burbur dhaqaale ama burbur baahsan.

    Booqashada Masoud Pezeshkian ee xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa noqotay arrin muran badan dhalisay.

    Qaar ka mid ah shakhsiyaadka muxaafidka ah iyo xitaa qaar ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha siyaasadeed ee ku dhow xisbiga ama garabka dib-u-habaynta ayaa shaki ka muujiyay safarkan.

    Qaar ka mid ah dadka dhaliilaya safarka ayaa sheegay in, maadaama fiisooyinka loo diiday kooxda warbaahinta ee madaxweynaha Iran, aysan suurtagal ahayn in si habboon loo tebiyo wararka iyo dhacdooyinka.

    Intaa waxaa dheer, qaar ka mid ah muxaafidiinta ayaa aaminsan in, iyadoo la tixgelinayo xaaladda dagaalka, joogitaanka Iran loo arki karo calaamad muujinaysa inay diyaar u tahay wadaxaajood, isla markaana ay Iran gelin karto xaalad diblomaasiyadeed oo daciif ah. Waxay sidoo kale qabaan in Aqalka Cad uu safarkan u arki karo diyaar-garow lagu doonayo in Iran laga sameeyo tanaasulaadyo.

    Hase yeeshee, taageerayaasha dowladda ayaa sheegaya in maqnaanshaha Iran ee Golaha Guud uu dan u yahay Maraykanka, isla markaana ay muhiim tahay in la ilaaliyo fursadda diblomaasiyadda.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Xaggee ayay ku dambeeyeen diyaaradihii dagaalka ee Soomaaliya?

    Mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka eee Soomaaliya oo howlgab ah
    Qoraalka sawirka, Mid ka mid ah diyaaradihii dagaalka eee Soomaaliya oo howlgab ah

    Ciidamada Cirka ee Soomaaliya ayaa mar ka mid ahaa kuwa ugu awoodda badan qaradda Afrika, waxaynka ku qalabaysnaayeen, diyaarado iyo qalab kale oo markaas casri ahaa.

    Soomaaliya waxaa kaga horreeyay dhanka awoodda cirka dalal dhowr ah oo ku yaal qaaradda Afrika, hase yeeshee waxay ka mid ahayd kuwa ugu horreeyay, waxayna Soomaaliya tababar ciidamada cirka u fidin jirtay dalal dhowr ah.

    Waxaa ka mid ah Burundi oo toddobaatameeyadii Soomaaliya u tababari jirtay duuliyeyaal diyaaradaha dagaalka.

    Haddaba awooddii cirka ee Soomaaliya xagay ku dambeysa? Qalabkii iyo diyaaradhii dagaalku aaway? Qormadan ayaan ku eegi doonnaa. Waxaan sidoo kale sawir ka bixin doonnaa awoodda ciidamada cirka ee Soomaaliya ka hor inta aysan burburin dawladdii dhexe.

  17. Dowladda Shiinaha oo xaqiijisay war horey loo sheegay

    Xi Jinping ayaa u safraya Mareykanka si uu wadahadallo ula yeesho Donald Trump.

    Dowladda Shiinaha ayaa maanta xaqiijisay safarka, iyadoo sheegtay in madaxweynuhu uu halkaas joogi doono laga bilaabo Arbacada ilaa Jimcaha.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiaqun, ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay “si qoto dheer uga wada hadli doonaan arrimaha waaweyn ee xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka, iyo nabadda iyo horumarka caalamka.”

    Washington ayaa hore u sheegtay in labada hoggaamiye ay kulmi doonaan toddobaadkan.

    Mas’uul Mareykan ah ayaa xaqiijiyay in Donald Trump uu Xi Jinping ku soo dhaweyn doono Saldhigga Ciidanka Cirka ee Andrews Arbacada, ayna kulmi doonaan maalinta xigta.

    Markii madaxweynaha Mareykanku uu Beijing booqday bishii May, waxaa soo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Shiinaha.

    “Waxaan kala hadli doonaa ku dhowaad wax kasta,” ayuu Trump shalay u sheegay wariyeyaasha.

  18. Isbahaysiga fallaagada ma noqon karaa caqabad cusub oo dhinaca amniga ah oo Itoobiya ka dhalata?

  19. Maraykanka oo sheegay inuu Shiinaha kala hadlay tallaabo ay khubaro badani ka digeen

    Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa la kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Shiinaha, He Lifeng.
    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa la kulmay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Shiinaha, He Lifeng.

    Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, Scott Bessent, ayaa sheegay in Shiinaha iyo Mareykanka ay ka wada hadleen qorshe lagu dhisayo nidaam digniin-wadaag ah oo ku saabsan sirdoonka macmalka ah (AI).

    Bessent ayaa sheegay in sida uu dhigayo qorshahan, labada dal ay midba midka kale ogeysiin karaan marka ay dhacaan arrimo ama shilal la xiriira AI oo khatar ku ah amniga qarankooda.

    Wuxuu hadalkan sheegay kaddib kulan uu magaalada New York kula yeeshay Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Shiinaha, He Lifeng.

    Wadahadalladan ayaa gogol xaar u noqday kulanka toddobaadka soo socda ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha oo ka dhici doona Aqalka Cad.

    Shiinaha kama soo saarin wax bayaan ah arrintan, hase yeeshee Madaxweyne Xi Jinping ayaa hore ugu baaqay in la sameeyo hannaan caalami ah oo lagu maamulo loogana hago sirdoonka macmalka ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Daraasad "xal waara" u heshay bidaarta

    Daraasad
    Qoraalka sawirka, Daraasad

    Burooyinka yaryar ee maqaarka dadka ayaa suurta gal ah in uu leeyahay fursad lagu daweyn karo bidaarta, sida lagasoo xigtay daraasad toddobaadkan lagu daabacay joornaalka Nature.

    Ku dhawaad toban sano, saynisyahano ka tirsan Jaamacadda California, Irvine waxay baranayeen burooyinka maqaarka si ay u fahmaan sababta ay ugasoo baxaan timaha dhaadheer. daraasadda cusub waxay muujineysaa in burooyinka noocan oo kale ah ay ka kooban yihiin unugyo gaar ah oo kor u qaada koritaanka timaha.

    “Waxaan timaha burooyinka ka dul baxa ka helnay tixraac,” ayuu yiri Maksim Plikus oo ah madaxa daraasadda isla markaana ah barfasoore ka ah jaamacadda California, Irvine kana dhiga samaysanka unugyada bayoolajiga.

    Dadku sida caadiga ah waxay lumiyaan inta u dhaxaysa 50 iyo 100 xabbo oo timo ah maalintii, ka dibna unugyada gunta tinta ayaa soo saara kuwo cusub. Laakiin shakhsiyaadka leh bidaarta ama ay hadda kusoo socoto - waxa ay dhakhaatiirtu u yaqaanaan ‘alopecia’ ama ‘alopecia androgenic’ oo ah unugyada asliga ah ayaa jiifa, sidaas darteed ayeysan timo cusub usoo baxeyn.

    Sida lagu helay Tijaabooyin loo adeegsaday jiir, Plikus iyo kooxdiisa cilmi-baaristu waxay muujiyeen in nooc ‘molecule ah’ oo loo yaqaan ‘osteopontin’, oo si gaar ah ugu badan burooyinka maqaarka ee timaha leh, uu kicin karo unugyada tarma ee timaha, kuwaas oo markii hore hurday.