Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Tallaal ma looga hortagi karaa xanuunka asaasaqa/sirqowga?
Xigashada Sawirka, National Institute on Aging, NIH
Caddeymaha ayaa si aamusnaan ah isu ururinayay in ka badan toban sano. Hadda khubaradu waxay aaminsan yihiin in aan mar dambe la iska indho tiri karin.
La dagaallanka asaasaqa waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee haysta nidaamka caafimaadka adduunka. In ka badan 55 milyan oo qof oo adduunka oo dhan ah ayaa hadda la nool cudurka, tiradaasna waxaa la filayaa inay si degdeg ah u korto tobanaanka sano ee soo socda sababtoo ah tirada dadka waayeelka ah ee sii kordheysa.
War deg deg ah, Koox hubeysan oo qaadday weerar dad lagu dilay kuwa kalena lagu afduubtay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Koox hubeysan ayaa weerartay xero
ay shirkad dhisme ku leedahay gobolka Balochistan ee Pakistan, halkaas oo lagu
dilay waardiye, mid kalena lagu dhaawacay, iyadoo la afduubtay 12 shaqaale ah.
Booliiska ayaa sheegay in in ka
badan 30 nin oo hubeysan ay weerarka ku qaadeen goob dhisme waddo ah oo ku
taalla degmada Duki.
Weerarka ayaa sidoo kale lagu
gubay afar gaari oo shirkadda leedahay. 12-ka shaqaale ee la afduubtay, 10 ka
mid ah ayaa ka soo jeeda gobolka Punjab.
Booliis iyo ciidamada FC ayaa
goobta gaaray, waxaana socda howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka
geystay iyo sidii loo soo samata-bixin lahaa shaqaalaha la afduubtay.
Mas’uul booliis ayaa sheegay in
shirkaddu ka shaqaynaysay mashruuc weyn, balse aysan si wanaagsan u sugin
amniga goobta.
War deg deg ah, Iran oo sheegtay in Mareykanku la kulmay wixii uu filayay waxaan ahayn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iran,
Xuseen Mohebi, ayaa sheegay in Iran ay sii wadi doonto cadaadiska ay ku hayso
Maraykanka ilaa la fuliyo toddobada shuruudood ee Tehran.
Wuxuu sheegay in Maraykanku
filayay in Iran ay is dhiibto kadib markii ciidamo loo diray Gacanka Faaris,
balse uu la kulmay iska caabin ka duwan tii uu filayay.
Mohebi wuxuu sidoo kale sheegay in
Maraykanku ku guuldarraystay inuu muddo dheer furo marin-biyoodka Hormuz,
isagoo ku andacooday in gacanta Iran ay weli ku jirto.
Wuxuu intaas ku daray in
maraakiibta ganacsiga ee la xiriirta Iran oo keliya loo oggol yahay inay maraan
marin-biyoodkaas, iyadoo oggolaansho laga helayo Tehran.
War deg deg ah, Kooxaha Premier League oo magdhow ka dalbanaya Manchester City
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxo ka tirsan Premier League
ayaa bilaabay inay raadsadaan talo sharci si ay u ogaadaan in ay magdhow
dhaqaale ka dalban karaan Manchester City, kaddib dacwad la xiriirta xeerarka
maaliyadeed.
Manchester City ayaa lagu helay
inay jebisay qayb weyn oo ka mid ah xeerarkii maaliyadeed ee lagu eedeeyay inay
ku xadgudubtay.
BBC Sport ayaa sidoo kale ogaatay
in Manchester City ay qorshaynayso inay racfaan ka qaadato go’aanka.
Waxaa la sheegay in xitaa ka hor
inta aan warbixinta go’aanka la soo saarin Jimcihii, kooxo Premier League ah ay
durba bilaabeen inay raadiyaan talo sharci oo ku saabsan suurtagalnimada inay magdhow
dhaqaale ka dalbadaan Manchester City, haddii lagu xaqiijiyo xadgudubyada lagu
eedeeyay.
War deg deg ah, Ciidamada Israa'iil oo saaka weerar ku qaaday Daanta Galbeed ee la haysto
Xigashada Sawirka, Reuters
Wakaaladda wararka Falastiin ee
Wafa ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay saaka weerar ku qaadeen magaalada
Kafr Aqab, oo waqooyi ka xigta Qudus, iyo magaalada Al-Bireh ee Daanta Galbeed
ee la haysto.
Sida warbixintu sheegtay,
ciidamada Israa’iil ayaa gaadiid militari ku maray waddooyinka Kafr Aqab,
kaddibna u gudbay Al-Bireh, halkaas oo ay galeen xaafado kala duwan, isla
markaana bam-gacmeedyo ku tuureen xerada qaxootiga Al-Amari.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo
laga soo saaray weerarkan.
War deg deg ah, Iran oo ku baaqday in Midowga Yurub iyo NATO lagula xisaabsatmo doorkooda ay ka qaateen dagaalka Iran lagula jiro
Xigashada Sawirka, IRNA
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Ismail
Baghaei, ayaa sheegay in Midowga Yurub, dalalka xubnaha ka ah iyo dalalka
xubnaha ka ah NATO lala xisaabtamo doorkooda iyo ka-qaybgalka ay ku lahaayeen
hawlgalladii milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ahaa Iran.
Baghaei ayaa sheegay in hadal uu jeediyay Xoghayaha Guud
ee NATO, Mark Rutte, uu muujinayo in dalalka Yurub ay si ula kac ah uga
qaybqaateen dagaalka, inkastoo arrintaas ay hore u diideen.
Wuxuu ku baaqay in la baaro taageerada milatari,
siyaasadeed iyo saadka ee ay dowladaha Yurub bixiyeen, taas oo uu sheegay inay
sababtay dhimasho iyo burbur.
Baghaei wuxuu sidoo kale sheegay in muwaadiniinta Yurub ay
xaq u leeyihiin inay dowladahooda kala xisaabtamaan go’aannadii ay ku
taageereen ama uga qaybqaateen dagaalka.
Wuxuu intaas ku daray in kororka qiimaha shidaalka iyo
dhibaatooyinka kale ee ka dhashay dagaalka lagu qiimeeyo iyadoo la tixgelinayo
doorka dowladaha Yurub.
Wakiilka Hindiya u qaabilsan
Qaramada Midoobay ayaa Pakistan ku eedeeyay inay taageerto argagixisada, iyadoo
sheegtay in weerarrada ka imanaya Pakistan ay yeelan doonaan cawaaqib culus.
Waxey uu sidoo kale sheegtay in Jammu
iyo Kashmir ay qayb ka yihiin Hindiya, halka Pakistan ay sheegtay in Kashmir ay
tahay arrin muhiim u ah dalkooda.
Shehbaz Sharif ayaa hore u sheegay
in isku day kasta oo Hindiya ku joojiso biyaha webiga Indus uu Pakistan u arki
doonto “fal dagaal”
War deg deg ah, Xuutiyiinya Yemen oo weeraray magaalada Riyaad iyo faahfaahin ka imaanaysa halkaas
Isbahaysiga uu Sacuudiga
hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inuu qabtay oo
burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo ay
Xuutiyiintu soo rideen.
Afhayeen u hadlay isbahaysiga ayaa
sheegay in difaaca cirka Sacuudigu uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo
aan duuliye lahayn, kuwaas oo Xuutiyiintu u ganeen dhanka magaalada Riyad.
Afhayeenku wuxuu intaas ku daray
in difaaca cirka Sacuudigu uu sidoo kale qabtay oo burburiyay laba gantaal oo
ballistic ah oo Xuutiyiintu ku bartilmaameedsadeen magaalada Khamis Mushait, oo
ku taalla koonfur-galbeed Sacuudiga.
Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka
hela Iran ayaa qaaday weerarro cusub, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaaday Riyad,
iyagoo sii waday weerarrada inkastoo ay beesha caalamku cambaareysay.
Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay ayaa hore u cambaareeyay kororka weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan
Sacuudiga, isagoo sheegay in weerarradu waxyeello u geysteen dad rayid ah, oo
ay ku jiraan haween iyo carruur.
Xuutiyiintu waxay sidoo kale
weerarro ka fuliyeen meelaha muhiimka u ah maraakiibta shidaalka ee Sacuudiga,
iyagoo carqaladeeyay isu-socodka badda ee gobolka. Weerarrada iyo xiisadaha ka
dhashay ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay qiimaha tamarta.
War deg deg ah, Trump oo mar kale qaaday tallaabo muran iyo hadal hayn dhalisay
Xigashada Sawirka, Jim WATSON / AFP via Getty Images
Madaxweynaha Mareykanka Donald
Trump ayaa mar kale bartiisa bulshada ku daabacay khariidad muujinaysa Marinka
Hormuz, iyadoo khariidadda lagu qoray magaca “Trump Strait”, oo ah “Marinka
Trump”.
Daabacaadda khariidaddan ayaa
kusoo beegmaysa xilli saraakiisha Iran ay sheegeen in Tehran ay Mareykanka u
gudbisay, iyada oo loo sii marayo Qadar, qorshe toddoba maalmood ah.
Qorshaha ayaa dhigaya in haddii
Washington ay aqbasho shuruudaha Iran, la furi karo Marinka Hormuz, isla
markaana dib loo bilaabi karo isu-socodka caadiga ah ee maraakiibta. Warbixinno
laga helay dhinaca Iran ayaa sheegaya in qorshuhu sidoo kale ku xiran yahay in
Mareykanku qaado xannibaadda badda, fududeeyo cunaqabateynta dhoofinta
shidaalka Iran, isla markaana la sameeyo xabbad-joojin.
Dhanka kale, Wargeyska Wall Street
Journal ayaa, isagoo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah, sheegay in Madaxweyne
Trump uu diiday qorshaha Iran, isla markaana uu u sheegay kaaliyayaashiisa in
ay u badan tahay in Mareykanku dib u bilaabo duqeymaha Iran ka dib doorashada xilliga
dhexe ee Mareykanka ee bisha November. Warbixintan waxaa sidoo kale soo tebiyay
ilo kale oo warbaahineed.
Trump ayaa hore u soo jeediyay in
Marinka Hormuz loogu yeero “Trump Strait”, isagoo sheegay in Mareykanku gacanta
ku hayo marin-biyoodka muhiimka ah. Aqalka Cadna wuxuu hore u daabacay
khariidad uu magacaas ku qoray.
Maxay TikTok u bixinaysaa 100 milyan oo doollar, yaase lacagta la siinayaa?
War deg deg ah, Xuutiyiinta oo gataallo ku weeraray saaka magaalooyin ka tirsan Sacuudiga
Xigashada Sawirka, Getty Images
Korneyl Turki al-Maliki, oo ah
afhayeenka rasmiga ah ee isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee ka howlgala
Yemen, ayaa sheegay in nidaamka difaaca cirka ee isbahaysigu uu qabtay oo
burburiyay gantaal ballistic ah oo Xuutiyiinta Yemen ay u soo rideen dhanka
Sacuudiga.
Turki al-Maliki ayaa bayaan uu soo
saaray saaka ku sheegay in gantaalku ku wajahnaa magaalada Khamis Mushait ee
Sacuudiga.
Isbahaysiga ayaa sidoo kale horey
u sheegay in nidaamka difaaca cirka uu qabtay oo burburiyay laba diyaaradood oo
aan duuliye lahayn oo Xuutiyiintu u soo direen dhanka magaalada Riyad.
War deg deg ah, Trump oo diiday soo jeedintii Iran, duqeynna ku hanjabay
Wargeyska Wall Street Journal ayaa
sheegay in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday soo jeedintii Iran ee
xabbad-joojinta, isla markaana uu filayo in duqeymaha cirka dib loo bilaabo
kadib doorashada xilliga dhexe ee Maraykanka.
Warbixintan ayaa soo baxday xilli
mas’uuliyiinta Iran ay Maraykanka u gudbiyeen qorshe toddoba maalmood ah, kaas
oo ay ku doonayaan in dib loo furo Marinka Hormuz isla markaana lagu yareeyo
xiisadaha. Dhanka kale, mas’uul Maraykan ah ayaa sheegay in wada-hadallada
Tehran lala yeelanayo iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyayaal ay yihiin “kuwo
wanaagsan oo wax-ku-ool ah.”
Horaantii toddobaadkan, Trump oo
khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu
aaminsan yahay in heshiis lala gaari karo Iran kadib doorashada xilliga dhexe
ee Maraykanka. Hase yeeshee, wuxuu sidoo kale sheegay inay suuragal tahay in howlgallada
milatari ee ka dhanka ah Iran dib loo bilaabo.
Dhaleeceyn ka dhalatay ka qaybgalka mas’uuliyiin Iiraan ah ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga
Xigashada Sawirka, Saudi Press Agency
Qoraalka sawirka, Xafladda
Ka qaybgalka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Iiraan ee xafladda Maalinta Qaranka Sacuudiga ee lagu qabtay Tehran ayaa dhaliyay falcelin.
Xafladda oo ka dhacday safaaradda Sacuudiga ee Tehran waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin dhowr ah oo ka tirsan dowladda Iiraan, oo ay ka mid yihiin Mohammad Jafar Ghaempanah, oo ah madaxweyne ku xigeenka fulinta, iyo Cali Akbar Salehi, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Iiraan.
Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada ku taageera dowladda Iiraan ayaa dhaleeceeyay ka qaybgalka xafladda, iyagoo ku tilmaamay “in keeg lala cuno kuwa dilaya shacabka Yemen.”
Dhaleeceyntaas waxaa sidoo kale ku celiyay daadihiyeyaasha barnaamijka “Iran Time” ee ka baxa shabakadda wararka ee Telefishinka Qaranka Iiraan.
Hase yeeshee, Mohammad Jafar Ghaempanah ayaa isagoo ka jawaabaya dhaleeceynta, barnaamijkaas taleefan ugu sheegay shabakadda Khabar in ka qaybgalka xafladdu uu dhacay kaddib markii arrinta ay ogeysiiyeen mas’uuliyiinta ay khusayso ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan.
Wuxuu sheegay in ujeeddadu ahayd “in Sacuudiga loo dhowaado iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta.”
Ghaempanah ayaa sidoo kale sheegay in intii uu kulanku socday uu ka dhiidhiyay adeegsiga saldhigyada Mareykanka ee ku yaalla dhulka Sacuudiga si loogu weeraro Iiraan.
Wuxuu intaas ku daray inuu kulanka ku gudbiyay mowqifka rasmiga ah ee dowladda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee arrintaas.
Iibinta tigidhada duulimaadyada Iiraan ee Ciraaq oo la hakiyay ilaa amar dambe
Hay’adda Duulista Rayidka ee Iiraan ayaa sheegtay in, kaddib markii saaka la hakiyay duulimaadyadii ku wajahnaa Najaf, ay shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay inay joojiyaan soo bandhigidda iyo iibinta tigidhada duulimaadyadaas ilaa amar dambe.
Sida ay sheegtay Tasnim, shirkadaha diyaaradaha waxaa lagu amray inay rakaabka si buuxda oo aan wax lacag ah laga jarin ugu soo celiyaan qiimaha tigidhada duulimaadyadii la baajiyay, sida ugu dhakhsaha badan.
Garoonka diyaaradaha ee Najaf ayaa maanta baajiyay duulimaadyadii ka imanayay Iiraan, halka dhowr maalmood ka hor uu garoonka diyaaradaha ee Baghdad ku dhawaaqay in la hakiyay duulimaadyada Iiraan.
Arooskii la yaabka lahaa: 1,000 neef oo la qalay arooska wiilasha kaaba qabiilka
Iiraan oo cambaareysay go’aanka Colombia ay xiriirka diblomaasiyadeed ugu jartay
Iiraan ayaa cambaareysay go’aanka dowladda Colombia ay ku jartay xiriirkii diblomaasiyadeed, iyadoo eedeymaha Colombia ay u jeedisay Tehran ku tilmaantay kuwo “aan sal iyo raad lahayn”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa maanta bayaan soo saartay, iyadoo sheegtay in go’aanka Colombia uu yahay mid “ka hor imanaya mabda’a is-ixtiraamka”, kaddib markii ay jartay xiriir socday in ka badan nus qarni.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in go’aanka Colombia uu ahaa mid “degdeg loo qaatay” oo “si buuxda saameeyn ugu lahaayeen Israel iyo Mareykanka”.
Wasaaradda ayaa sidoo kale dowladda Colombia ku eedeysay inay “si weyn u saameeyeen kooxaha ka ganacsada soo saarista iyo qaybinta maandooriyaha”, ayna qayb ka tahay “shabakadda laga baqo ee argagixisada maandooriyaha ee Ameerika”.
Sida ay sheegtay wasaaraddu, taasi waxay ka dhigan tahay in Colombia aysan “xaalad u joogin inay dalal kale wax uga sheegto argagixisada iyo maandooriyaha”.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in, “si loo ilaaliyo danaha qaranka, ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah” ee ka dhanka ah waxa ay ku tilmaantay “tallaabada aan loo baahnayn ee colaadeed” ee dowladda Colombia.
Labada dal ayaa weli leh xiriir qunsuliyadeed, halka Colombia ay xiriirka diblomaasiyadeed jartay shalay.
Ciidamada Tigray ayaa la wareegay saddexda garoon diyaaradeed ee waaweyn ee gobolka, taasoo keentay in duulimaadyadu hakad galaan maalintii saddexaad.
Sida ay BBC-da Jimcihii subaxnimadii u sheegeen dadka isticmaala adeegga Safaricom, shirkadda Ethio Telecom oo adeegyo badan ku leh dalka iyo gobolka Tigray, ayaa adeegyada internet-ka iyo taleefannada gobolka laga joojiyay habeenkii Khamiista.
BBC-da ayaa dhowr jeer wacday oo farriimo u dirtay madaxa isgaarsiinta iyo maamulaha guud ee Ethio Telecom, oo ah shirkadda ugu weyn ee isgaarsiinta Itoobiya, si ay jawaab uga hesho hakadka ku yimid adeegyada Tigray, balse wax jawaab ah kama aysan helin.
Reuters ayaa galabt sheegtay, iyadoo soo xiganaysa afar ilo-wareed oo arrintan xog u leh, oo uu ku jiro ilo diblomaasiyadeed, in go’aanka lagu joojiyay adeegyada taleefannada iyo internet-ka ee Tigray ay qaateen hoggaamiyeyaasha TPLF.
Dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York, wasiirrada arrimaha dibadda ee Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa kulan ka yeeshay qaabka heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Ishaq Dar, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan iyo wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ka wada hadlay horumarka laga sameeyay dhismaha xoghaynta guud, guddiyada iyo kooxaha shaqada ee heshiiska, iyo diyaar-garowga ay ugu bilaabayaan shaqadooda.
Saddexda wasiir waxay cambaareeyeen weerarrada lagu qaaday xarumaha rayidka iyo kuwa dhaqaalaha ee Sacuudiga.
Waxay bogaadiyeen diyaar-garowga ciidamada qalabka sida ee Sacuudiga iyo tallaabooyinka difaaca ee boqortooyadu qaadday, iyagoo mar kale xaqiijiyay xaqa Sacuudiga u leeyahay is-difaacidda, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in la qabto kulan degdeg ah oo ay yeeshaan taliyeyaasha ciidamada saddexda dal, si loo eego qaabka Sacuudiga loo siin karo taageero militari.
Sida heshiisku dhigayo, weerar lagu qaado mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah waxaa loo aqoonsanayaa weerar lagu qaaday dhammaan dalalka heshiiska ku jira.
Dhammaadkii kulanka, saddexda dal waxay mar kale xaqiijiyeen inay sii wadi doonaan dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarayo nabad iyo xasillooni waarta oo gobolka ah, dhimista xiisadaha iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed.