Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Heesihii laga helay kombiyuutarkii Usaama bin Laden

Xigashada Sawirka, AP
Qoraalka sawirka, Usaama Bin-Laden Sanadkii 2017 kii, CIA da Maraykanka ayaa baahisay ku dhawaad afar boqol oo dukumenti oo laga helay kumbiyuutarkii Usaama Bin-Laden oo ay ku soo qaaten weerarkii ay ku dileen.
Dukumiintiyadaan ayaa isugu jiray codad, masawiro iyo muuqaalo. Sagaashan boqolkiiba xogta laga helay kombuyuutarkiisa waxay ku qornayd carabi, laakiin waxay u muuqatay in uu baranayay luuqado kale, sababtoo ah waxaa ku jiray qoraalada laga helay kombiyuutarkiisa, joornaalo ku qoran af Ingiriis.
Xogtaan waxay sheegaysaa in bin Laden uu xiisayn jiray music ga oo uu haystay heeso u badan Hindi iyo kuwa kale oo lagu sameeyay afka Pashto ga ee looga hadlo waddanka uu waqtiga ku qaatay ee Afghanistan.
Waxyaabaha laga helay gurigiisa waxaa kamid ah buugaag uu qoray Maulana Maududi oo ah aasaasaha xisbiga Jamaat -e- Islami ee ka dhisan Pakistan.
Waxyaabaha laga helay computer ka bin Laden:
Madaxweyne xigeenka Shiinaha oo war farxad u ah Falastiin ka sheegay shirka Qaramada Midoobay
Khudbaddii uu ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne Ku-xigeenka Shiinaha Han Zheng wuxuu ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo amniga dalalka Bariga Dhexe.
“Shiinuhu wuxuu aaminsan yahay in madaxbannaanida iyo amniga dalalka Bariga Dhexe, oo ay ku jiraan dalalka Khaliijka, ay tahay in la ixtiraamo. Hawlaha warshadaha caalamiga ah iyo silsiladaha sahaydu waa inay ahaadaan kuwo deggan oo aan kala go’ lahayn, ganacsiga caalamigana waa in la ilaaliyaa,” ayuu yiri.
Mr. Han wuxuu sidoo kale ku baaqay in la aqoonsado madaxbannaanida Falastiin iyo dib-u-dhiska Qasa.
Wuxuu sidoo kale yiri: “Shiinuhu wuxuu doonayaa inuu horumariyo geeddi-socodka maamulka Daanta Galbeed iyo dib-u-dhiska Qasa kaddib colaadaha, iyadoo lagu salaynayo mabda’a ah ‘Falastiiniyiintu ha maamulaan Falastiin.’”
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:
Barcelona oo xiisaynaysa Haaland iyo qodobo ciyaaraha oo xiiso leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Erling Haaland - Barcelona ayaa weli isha ku haysa weeraryahanka Norway ee Erling Haaland, oo 26 jir ah, waxaana la filayaa inuu noqdo xulashadooda koowaad suuqa kala iibsiga xagaaga. (El Nacional)
- Real Madrid ayaa sheegtay in Trent Alexander-Arnold, 27 jir, uusan qorshaynayn inuu kooxda ka tago, inkastoo Arsenal iyo Liverpool ay danaynayaan saxiixa daafaca England. (TeamTalk)
- Manchester United ayaa si dhow ula socda daafaca bidix ee reer Spain Alejandro Balde, 22 jir, kaas oo laga yaabo inuu Barcelona ka tago bisha Janaayo. (Mundo Deportivo)
- Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay Barcelona u gudbiso dalab dhan £69 milyan oo ay ku doonayso weeraryahanka Spain ee Dani Olmo, 28 jir. (Sport)
- Liverpool iyo Manchester United labaduba waxay danaynayaan daafaca reer Netherlands Micky van de Ven, laakiin lacag aad u badan ayaa loo baahan doonaa si Tottenham loogu qanciyo inay iibiso 25-jirka. (Caught Offside)
- Daafaca Fikayo Tomori, 28 jir, iyo khadka dhexe Ruben Loftus-Cheek, 30 jir, ayaa la filayaa inay AC Milan ka tagaan sannadka dambe marka qandaraasyadoodu dhacaan bisha Juun. (Gazzetta – Talyaani)
- Bayern Munich ayaa sidoo kale danaynaysa daafaca reer Portugal ee Benfica Tomas Araujo, 24 jir. (Bild)
- AS Roma ayaa lagu wadaa inay laba jibbaarto qiimaha ay ku doonayso khadka dhexe ee Manu Koné, iyadoo qiimihiisa Janaayo laga dhigi doono £86 milyan, kaddib markii Chelsea ay xagaagii diiday dalab £43 milyan ah oo ay uga gudbisay ciyaaryahanka reer France. (La Gazzetta dello Sport)
- Daafaca Real Madrid Raúl Asencio, 23 jir, ayaa xagaagii helay saddex dalab oo waaweyn, oo ay ku jireen kuwo uga yimid Chelsea iyo Liverpool, balse wuxuu go’aansaday inuu kooxda sii joogo. (Marca)
- Daafaca reer Spain Alex Jiménez, 21 jir, ayaa amaah ugu biiray Fiorentina isagoo ka tirsan Bournemouth. Heshiisku wuxuu siinayaa kooxda Talyaaniga fursad ay si rasmi ah ugu iibsato £17 milyan. (Tuttomercatoweb)
Gantaalka ugu halista badan xilligan ee yaalla Afrika iyo dalka haysta

Xigashada Sawirka, MWM
Qoraalka sawirka, gantaalada Iskander ee hypersonic ah Ciidanka Aljeeriya ayaa markii ugu horreysay xaqiijiyay inay haystaan gantaalada Iskander ee hypersonic, iyagoo sii daayay muuqaallo muujinaya gantaalka oo la ridayo intii lagu jiray tababar.
Gantaalkan waxaa la rumeysan yahay inay haysteen militariga dalka sannado badan, inkastoo xaqiijin la'aanta hore ay muujinayso u janjeersiga militariga Aljeeriya ee ah inaysan ku dhawaaqin iibsashada hub cusub.
Iskander waxaa loo arkaa gantaalka ballistic-ga ugu awoodda badan adduunka waxaana la ogyahay in loo dhoofiyay Armenia iyo Aljeeriya oo keliya iyaga oo ka helay Ruushka, halka Kuuriyada Waqooyi iyo Koonfurta Kuuriya ay soo rideen gantaallo la mid ah iyada oo loo maleynayo inay ka faa'iideysanayaan tignoolajiyada Ruushka.
Gantaalkan wuxuu gaaraa masaafo dhan 500 oo kiiloomitir iyo isaga oo leh bartilmaameedyo saxnaan sare leh iyo dhaqdhaqaaqa awooddiisa ee uu ku safri karo xawaare sare, taa oo adkeyneysaa in la qabto.
Soo bandhigidda Iskander waxay ka dambeysay markii uu qarxay dagaal heer hoose ah oo u dhexeeya Ciidanka Morocco iyo kooxaha fallaagada ah ee kala duwan.
Wakiilka Maraykanka ee NATO oo ka hadlay diidmada Trump ee soo jeedinta Iiraan
Wakiilka Maraykanka ee NATO,Matthew Whitaker, ayaa sheegay in Donald Trump uu saxan yahay in uu diiday soo jeedintii Iran ee ahayd in muddo toddoba maalmood ah la furo Marin-biyoodka Hormuz.
“Iyagu [Iran] waxay aad ugu baahan yihiin heshiis,” ayuu yiri Mr. Whitaker, isagoo xusay in Mr. Trump uu guulo badan ka gaaray go’doominta badda iyo cunaqabateennada.
Waxa kale oo uu yiri: “Laakiin tallaabooyinkan aan dhammaystirnayn ama heshiisyada muuqda ee ay soo jeedinayaan si ay sumcad uga helaan masraxa caalamka sinaba looma aqbali karo.”
Diblomaasiga Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay walaaca dadweynaha ee ku saabsan qiimaha sare ee saliidda iyo shidaalka: “Ugu dambayn, marka xaaladdan si guul leh loo xalliyo, marka dagaalladan lagu soo afjaro si waafaqsan danaha Maraykanka iyo xulafadiisa, waxaan suuqa ku arki doonnaa sahay badan oo saliid iyo gaas, waana in arrintaasi dhacdaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.”
Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:
Haweenaydii 10-aad oo maydkeeda laga helay Johannesburg iyo caro ka dhalatay dilalkaas

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Booliiska Koonfur Afrika Booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay meyd kale ka heleen xaafad ka tirsan Johannesburg, taasoo tirada haweenka halkaas meydkooda laga helay bilihii u dambeeyay ka dhigaysa toban.
Meydka ayaa la helay subaxnimadii Sabtida, waxaana aqoonsaday saaxiib ay fiidkii hore wada joogeen baar.
Taliyaha booliiska ee deegaanka ayaa sheegay in ciidamadiisu aysan meesha ka saari karin suurtagalnimada ah in uu jiro gacan-ku dhiigle - si is-daba-joog ah u gaysanaya oo weli baxsan, isagoo xusay isku ekaanshaha ka dhexeeya 10-ka dhimasho ee ka dhacay Ekurhuleni iyo mid kale oo ka dhacay Soweto.
Dilalkan ayaa dalka oo dhan ka dhaliyay caro iyo walaac xooggan oo ku saabsan baaxadda rabshadaha loo geysto haweenka dalka, kaas oo ka mid ah dalalka adduunka ugu sarreeya marka laga hadlayo rabshadaha ku salaysan jinsiga.
Meydka ugu dambeeyay ayaa laga helay qabuuraha ku yaalla xaafadda Tembisa, oo waqooyi-bari kaga beegan bartamaha Johannesburg.
Booliisku waxay wax yar kaddib soo saareen bayaan ay ku sheegeen in baarayaasha goobaha dambiyada ay goobta ku sugnaayeen, iyagoo ururinayay caddaymo. Saraakiishu weli si rasmi ah uma aysan shaacin magaca qofka dhintay.
Saaxiibtii haweeneyda ayaa u sheegtay warbaahinta qaranka ee SABC inay aqoonsatay dharkii saaxiibteed ee ay xalay hore xiratay, markii sawir meydka ah loo tusay.
“Ma garanayo waxa aan carruurteeda u sheegi doono,” ayay tiri iyadoo ilmada iska tirtiraysa. “Waa xanuun badan.”
Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha
Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.
Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.
Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.
Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.
Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.
Afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida Iiran oo hanjabaad jeediyey
Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeenka sare ee ciidamada qalabka sida ee Iran, ayaa uga digay Maraykanka inuu faragelin ku sameeyo Marin-biyoodka Hormuz, isagoo sheegay in haddii Washington ay farageliso marin-biyoodka, Iran ay “wajiga ka dharbaaxi doonto.”
Waxa kale oo uu sheegay in Maraykanku “uusan haysan waddo uu kaga baxo marka laga reebo inuu ka baxo Galbeedka Aasiya,” wuxuuna ku andacooday in hadii sida ugu dhakhsaha badan ee ciidamada Maraykanku uga baxaan gobolka, ay yaraan doonto khasaaraha soo gaari kara.
Shekarchi, waxa kale oo uu Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran ku tilmaamay “awood caalami ah,” wuxuuna sheegay in Tehran aysan u oggolaan doonin Maraykanka inuu ku soo laabto booskiisii hore ee “nidaamka cusub ee caalamka.”
Taas beddelkeeda, saraakiisha Maraykanku waxay sheegayaan in Iran aysan gacanta ku hayn Marin-biyoodka Hormuz. Axios ayaa werisay in wadaxaajoodayaasha Maraykanku ay isla mowqifkan u gudbiyeen dhinaca Iran intii lagu jiray wada-hadallo dadban oo toddobaadkan dhacay, iyagoo sheegay in Tehran aysan shuruudo ku xiri karin marin-biyoodka.
Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay in Maraykanku uu gacanta ku hayo marin-biyoodka, isla markaana uu diiday soo jeedinta Iran ee ahayd in si degdeg ah dib loogu furo.
Jamhuuriyadda Ireland oo shaacisay war cusub ka hor ciyaarta caawa ay la ciyaarayan Israa’iil

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, David Courell Ciyaartoyda xulka Jamhuuriyadda Ireland ayaa qorsheynaya inay xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto, “si loo xuso dhammaan dadkii ku naf waayay colaadda [Qasa],” kulanka Nations League ee Axadda fiidnimadeeda aay Hungary kula ciyaarayaan Israa’iil, kaddib markii ay xaqiijiyeen inay ciyaarta sii wadi doonaan.
Agaasimaha guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Ireland (FAI), David Courell, ayaa xaqiijiyay in hal ciyaaryahan uu ka baxay xulka ka hor ciyaarta.
Laakiin wuxuu intaas ku daray in cod loo qaaday ciyaartoyda xulka dhexdiisa, kaas oo muujiyay in aqlabiyad weyn ay taageersan yihiin in ciyaarta la ciyaaro.
Marka laga soo tago qorshaha ah in ciyaartoydu xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto ciyaarta Axadda ee ay martida ku yihiin Israel, taas oo ka dhaceysa Debrecen, Courell wuxuu sheegay in ciyaartoydu ay sameyn doonaan tallaabooyin kale oo muujinaya mowqifkooda, ciyaarta koowaad iyo kulanka ay iyagu martida u noqon doonaan Israa’iil Axadda xigta ee Serbia.
Kulamadan waxaa hareeyay muran tan iyo markii labada kooxood loo kala saaray inay isku arkaan Group B3.
Ciyaartoyda Jamhuuriyadda Ireland waxaa loogu baaqayay inay ka baaqsadaan kulamadan sababo la xiriira dagaalka socda ee Israa’iil ee Qasa. Ololaha " jooji ciyaarta", oo ay abaabushay kooxda cadaadiska ee Irish Sport for Palestine, ayaa sii xoogeysanayay.
"Mid ka mid ah codsiyadooda waa in laga dhaafo waajibaadka warbaahinta inta ka hartay muddadan," ayuu Courell ku sheegay shirkii jaraa'id ee Sabtidii oo dib u dhacay.
"Waxay sidoo kale doonayaan inay xirtaan calaamado madow oo gacmaha lagu xirto, si ay u xusaan dhammaan dadkii ku naf waayay colaadda Qasa.
Iiraan oo war hor leh soo saartay xilli Trump diiday soo jeedintoodii ay soo bandhigeen
Iiraan oo mar kale shaacisay kuna adkaysatay sababaha ay ku furayso marinka Hormuz

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Iran Iiraan waxay sheegtay in xal lagu gaaro wada-xaajood oo keliya uu horseedi karo dib u furista Marinka Hormuz. Horay, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diiday dalabkii Iiraan ee ahaa in marinka dib loo furo muddo toddobaad gudihiis ah.
Isagoo suxufiyiinta kula hadlayay magaalada New York, wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa sheegay in Tehran aysan weli helin jawaab rasmi ah oo ka timid Washington oo loo soo mariyey dhexdhexaadiyayaal.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Iiraan ay soo jeedintan samaysay oo keliya sababtoo ah ay dagaalka ku khasaaraysay. Hase yeeshee, Araqchi ayaa sheegay in dalkiisu uusan ka laaban doonin shuruudihii uu ku xiray soo jeedinta, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la joojiyo dhammaan colaadaha gobolka, oo ay ku jirto colaadda Lubnaan, iyo in la qaado cunaqabataynta Mareykanka.
Isla waqtigaas, mas’uuliyiinta Iiraan waxay uga digeen maraakiibta inaysan isticmaalin waddooyinka ay ku tilmaameen kuwo “aan la oggolayn” si ay uga gudbaan Marinka Hormuz, oo ah marin-biyood muhiim u ah sahayda shidaalka adduunka.
Agaasimaha Guud ee BBC: Qaar ka mid ah kanaallada BBC iyo idaacadaha ayaa laga yaabaa in la xidho
Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay waqooyi-galbeed ee Pakistan.

Xigashada Sawirka, .
Booliska waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa ku dhawaaqay in ugu yaraan 11 qof ay ku dhinteen 30 kalena ay ku dhaawacmeen qarax bam oo ka dhacay gobolka Deir Ismail Khan.
Booliiska ayaa sheegay in gaari siday walxo qarxa uu ku dhacay bar koontarool oo amniga lagu baaro.
Ciidamada amniga ee la dilay waxaa ka mid ahaa laba haween ah iyo ilmo yar.
Ilaa hadda, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda weerarka.
Maleeshiyada Tehreek-e-Taliban ee Pakistan ayaa hore u geystay weeraro qaraxyo ah oo la mid ah kuwa ay la beegsadeen ciidamada amniga.
Dhacdadu waxay timid laba maalmood ka dib markii Pakistan ay ku dhawaaqday inay duqeymo ka geysatay kooxo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin mintidiinta fadhigoodu yahay Afghanistan kuwaas oo bartilmaameedsanayay ciidamadeeda ku sugan xuduudaha.
"Waxaan u haystay inay i dilayaan"; Sheekada naxdinta leh ee dadka isticmaala AI
Madaxweynihii hore ee Iran Hassan Rouhani oo sheegay in ay tahay in dagaalku uu dhaafo iska caabin

Xigashada Sawirka, IRAN
Madaxweynihii hore ee Iran, Xassan Rouhani, ayaa hadallo uu dhawaan jeediyay ku sheegay in "guusha laga gaarayo dagaalka ay tahay inay dhaafto oo kaliya iska-caabinta weerarka, balse ay horseeddo amni waara, yaraynta suurtagalnimada in mar kale la soo weeraro dalka, iyo dib-u-soo-celinta dalka ee waddada horumarka."
Hadallada Mr. Rouhani ayaa yimid ka dib markii ay dalka ka dhasheen dibadbaxyo la xiriira hadallo uu horay uga jeediyay kulamada habeenkii.
Xassan Rouhani ayaa yiri, "Hadalkaygu wuxuu ku saabsanaa baahida loo qabo in yoolalka qaranku ay helaan taageerada shacabka, mana ahayn mid ku saabsan qabashada afti dadweyne oo ku saabsan difaaca ka dhanka ah gardarrada."
Mr. Rouhani ayaa carrabka ku adkeeyay in hadalkiisa "si khaldan loo fasiray," wuxuuna intaas ku daray, "Ma aanan adeegsan ereyga afti dadweyne (referendum) ama cod-bixin guud."
Wuxuu sheegay in "Iran aysan iyadu bilaabin dagaalka, marka la na soo weerarana ay tahay inaan is-difaacno. Taasi waa mid ka mid ah mabaadi'da aasaasiga ah."
Madaxweynihii hore ee Iran ayaa raaciyay, "Ujeeddada hadalkiisu waxay ahayd in yoolalka qaranka ee muddada dheer ay u baahan yihiin taageero ballaaran oo ka timaada bulshada, si ay u horseedaan awoodda, hantida, nabadda, midnimada qaranka, iyo heerka sare ee Iran."
Maxay tahay sababta xulka England aanay badanaa uga guulaysan waddammada waaweyn?
Masoud Pezeshkian oo laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei tan iyo markii uu aabihiis badalay

Xigashada Sawirka, .
Masoud Pezzekian ayaa u sheegay shabakadda wararka ee CBS News ee dalka Mareykanka inuu laba jeer la kulmay Mojtaba Khamenei muddo toddoba bilood ah gudahood tan iyo markii uu xilka qabtay.
Mudane Pezzekian ayaa yiri, "Intii lagu jiray toddobada saacadood ee aan la qaatay Hogaamiyaha Sare ee Kacaanka, wax dhaawac ah kama muuqan. Dhulka ayaan fadhinay oo aan wada hadlaynay. Annaga [isaga ayuu ula jeedaa] caado nooma ahayn fadhiga noocaas ah, sidaa darteed si joogto ah ayaan lugaha u beddel-beddelaynay oo aan u dhaq-dhaqaaqaynay, balse isagu si deggan ayuu u fadhiyay muddadaas, caafimaadkiisuna wuu wanaagsanaa oo wuxuu u adkaysan karay xaaladdaas."
Qoraalka wareysigan ayaa lagu daabacay bogga rasmiga ah ee madaxtooyada Iran.
Madaxweynaha Iran ayaa sheegay in Mojtaba Khamenei uu "caafimaad ahaan aad u wanaagsan yahay," wuxuuna intaas ku daray, "Waxaad tan ka maqlaysaan aniga oo ah dhakhtar, waana inaad rumaysataan; wax dhibaato caafimaad ah ma qabo."
Tan iyo markii uu beddelay aabihiis, oo lagu dilay weerar isku-mar ah oo ay fuliyeen Israa'iil iyo Mareykanka 29-kii Maarso, Mojtaba Khamenei kama soo muuqan dadweynaha, mana uusan soo saarin wax muuqaal ama cod ah tan iyo markii loo doortay hoggaamiye.
Isagoo ka jawaabaya su'aal ay weydiisay CBS oo ahayd, "Markii aad la kulantay Mojtaba Khamenei, ma weydiisay inuu ku siiyay ogolaansho aad ku tagto Mareykanka?", waxa uu Mudane Pezzekian ku jawaabay, "Joogitaankeenna Mareykanka daruuri kama dhigayso inaan u baahanahay ogolaansho. Waanu u sheegnay inaan imaanayno, balse safarradeennu waxay ku xiran yihiin go'aanka dowladda."
Wuxuu horey ugu sheegay Fox News in hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah uu ku sugnaa xaalad caafimaad oo "aad u wanaagsan" isla markaana uu awood u lahaa inuu dalka maamulo.
Iran oo digniin cusub u dirtay Maraykanka
Taliska ugu sarreeya ciidamada Iran, oo ah Xarunta Dhexe ee Khatam al-Anbiya, ayaa ka digay in haddii Washington ay sameyso "wax khalad ah" oo ka dhan ah Iran, la beegsan doono dhammaan xarumaha milatariga Mareykanka, goobaha ciidamada la geeyay, iyo danaha uu Mareykanku ku leeyahay gobolka.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Mehr oo ah mid qayb ahaan dowladda hoos tagta, digniintan ayaa timid iyadoo Tehran ay sugayso jawaabta Mareykanka ee ku aaddan qorshaheeda toddobaadka qaadanaya ee lagu dib u furayo marinka biyaha ee Hormuz.
Wakaaladda Mehr ayaa sheegtay in gobolku uu hadda marayo "xaalad amni oo aad u xasaasi ah," taas oo dhaqdhaqaaqyada ciidamada Mareykanka ay ku kicinayaan walaac ku saabsan sii xoogeysiga xiisadda, iyadoo isla markaana ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo dhexdhexaadin ah.
Sida ay wakaaladdu sheegtay, mowqifka Tehran ayaa ah in "Iran aysan bilaabi doonin dagaal, balse haddii cadowgu uu dagaal ku soo qaado, Iran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay difaacdo amnigeeda iyo madax-bannaanida dhulkeeda."
War deg deg ah, Ciraaq oo Maraykanka kala hadlaysa duulimaadyada Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa sheegay in dowladda ay wadahadallo toos ah la leedahay Maraykanka, si qaar ka mid ah garoomada diyaaradaha Ciraaq looga dhaafo cunaqabateynta cusub ee lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran.
Cunaqabateyntan ayaa keentay in duulimaadyo badan oo Iran ah oo taga dalalka deriska ah, oo ay Ciraaq ku jirto, la hakiyo.
Dowladda Ciraaq ayaa sheegtay in ay doonayso ka-dhaafis u oggolaanaya in duulimaadyada dib loo bilaabo, gaar ahaan safarrada caafimaadka, waxbarashada, xajka iyo arrimaha kale ee rayidka.
Ciraaq waxay sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay wadahadal iyo wada-xaajood ku gaaraan xal lagu soo afjarayo colaadaha iyo xiisadaha gobolka.
