Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Gabadha madaxweyne Ruto oo guursatay nin taajir ah

    Ruto, gabadhiisa iyo xaaskiisa

    Xigashada Sawirka, Qoyska madaxweynaha

    Qoraalka sawirka, Ruto, gabadhiisa iyo xaaskiisa

    Gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo la yiraahdo Charlie, ayaa guursatay maalqabeen u dhashay Tanzania oo lagu magacaabo Isaiah Yunge.

    Xafladda arooska ayaa Sabtidii, 8-dii Agoosto, lagu qabtay ismaamulka Narok oo ah halka ay ka soo jeedo.

    Madaxweyne William Ruto iyo Marwadiisa Rachel ayaa ka qaybgalay arooska gabadhooda, waxaana sidoo kale goobta joogay mas’uuliyiin sare iyo dad caan ah.

    Madaxweyne William Ruto ayaa farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gabadhiisu ay billowday nolol cusub.

    “Maanta, aniga iyo Rachel aad ayaan ugu faraxsanahay inay gabadheena nolol cusub la bilowday gacaliyaheeda Isaiah. Hambalyo labadiinaba,” ayuu yiri.

    Waxa uu u rajeeyay lamaanaha nolol guur oo farxad iyo xasillooni leh.

    “Ilaahay ha barakeeyo midnimadiinna, ha xoojiyo xiriirkiinna, hana ka dhigo guurkiinna cusub mid ku dheehan jacayl, farxad iyo nabad,” ayuu yiri.

    Madaxweyne Ruto waxaa kale oo uu sheegay in qoysku aad ugu faraxsan yahay in gabadhoodu ay gaartay heerka guurka.

    “Annaga oo ah waalidkaaga iyo qoyskaaga, waan kugu faannaa, waan kula faraxsanahay, mar walbana garabkaaga ayaan taagnaan doonnaa,” ayuu yiri.

    Ninka ay guursatay waa Tanzanian, magaciisuna waa Isaiah Yunge. Waxaa lagu yaqaan xirfaddiisa hal-abuurka iyo teknoolojiyadda. Sida uu qoray wargeyska Kenya ee Daily Nation, waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Queen Elizabeth ee sannadkii 2018-kii.

    Marka laga soo tago hal-abuurka dhinaca teknoolojiyadda, Isaiah Yunge waxa kale oo lagu yaqaan saameyntiisa iyo sumcaddiisa baraha bulshada.

    Abaalmarinta Queen Elizabeth waxaa lagu guddoonsiiyay hal-abuurkiisa SomaApp, oo ah app moobil ah oo dhalinyarada Afrika u fududeeya inay helaan waxbarasho gudaha iyo mid caalami ah.

    Guurkooda ayaa ah mid aad looga hadal hayo gudaha warbaahinta gudaha Kenya.

  2. Gantaallada Iiraan ee garabka laga rido khatar intee le'eg ayey leeyihiin

  3. Jose Mourinho oo ugu dambeyn sheegay inuu aqbalay inuu Ferguson kala wareego tababarka Manchester United

    Mourinho iyo Furgerson

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Mourinho iyo Furgerson

    Kadib sannado badan oo la isla dhexmarayay, José Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu 2013-kii aqbalay heshiis ah inuu Sir Alex Ferguson kala wareego xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United, balse markii dambe uu go’aanka beddelay oo uu ka doorbiday inuu dib ugu laabto Chelsea.

    “Markii aan Real Madrid ka tagay, waxaan saxiixay heshiis aan ugu wareegayo Manchester United, si aan ula wareego shaqada kadib Sir Alex,” ayuu Mourinho, oo hadda mar kale tababare ka ah Real Madrid, ku sheegay taxane cusub oo laga sameeyay taariikhdiisa ciyaareed. Taxanahaas ayaa Netflix laga sii dayn doonaa 11-ka Agoosto.

    “Shaqada waa loo soo bandhigay, haa,” ayuu Ferguson xaqiijiyay. Ferguson wuxuu Manchester United ku hoggaamiyay 13 horyaal oo Premier League ah 26 sano oo uu hogaaminayay kooxda Old Trafford, ka hor inta uusan shaqada ka fariisan 2013-kii.

    “Waan la fadhiisiyay Mourinho oo aan uga warramay xaaladda,” ayuu Ferguson ku daray. “Aniga ahaan, waxaan u qaatay inuu aqbalay. Laakiin saacado gudahood ayay wax walba is beddeleen.”

    Waxa is beddelay ayaa ahaa in Mourinho uu dareemay inuusan diidi karin fursadda uu ugu laabanayo Chelsea, halkaas oo uu hore ugu qaaday laba horyaal oo Premier League ah oo xiriir ah sannadihii 2005 iyo 2006.

  4. Toogashada waxay ka dhacday bannaanka dhismaha xafiiska gobolka

    Waxaan dib u eegnay muuqaalka dhacdada toogashada, waxaanna hadda xaqiijinay in weerarku ka dhacay bannaanka dhismaha xafiiska gobolka, ee aysan ahayn gudaha, sida wararkii hore lagu sheegay.

    Muuqaalka ayaa muujinaya Chalong oo qori ku liishaya qof ku jira baabuur madow.

    Muuqaal kale oo ay baahisay warbaahinta maxalliga ah ee Thairath ayaa muujinaya Chalong oo qoriga jeebka gashanaya isagoo goobta ka sii socda.

  5. Xogta ninka geystay toogashada oo la ogaaday

    Ninka lagu eedeeyay toogashada oo la yiraahdo Chalong Reawraeng, ayaa saddex xilli soo noqday xildhibaan baarlamaanka Thailand, waxaana markii ugu dambeysay uu ka tirsanaa xisbiga Pheu Thai.

    Ninkan oo 71 jir ah ayaa sannadkii 1997 lagu naanaysi jiray “cobra” (mas) , oo ah erey siyaasadeed oo Thailand looga isticmaalo xildhibaan ama siyaasi ka hor yimaada mowqifka xisbigiisa, kaddib markii uu u codeeyay musharrax raysal-wasaare oo ka socday xisbi kale.

    Doorashadii ugu dambeysay ayuu isu sharaxay isagoo ka socday xisbiga talada haya ee Bhumjaithai, balse kuma guulaysan inuu kursi helo.

    Qofka uu toogtay, Thongchai Yenprasert, waa sarkaal hore oo booliis ah, wuxuuna hadda yahay guddoomiyaha Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.

    Ninkan oo 71 jir ah ayaa ku biiray ciidamada booliiska sannadkii 1984, wuxuuna soo noqday ku-xigeenka taliyaha iyo taliyaha saldhigyo booliis oo dhowr ah oo ku yaalla degmada Nonthaburi, oo ku taalla duleedka Bangkok.

    Sannadkii 2004 ayaa loo magacaabay madaxa hay’adda maamulka gobolka.

    Toogashadii dhacday Isniina maanta ah ayaa timid saddex maalmood oo keliya kaddib markii wiil 14 jir ah uu weerar toogasho ah ka geystay gurigooda iyo iskuulkiisa, sidoo kale gobolka Nonthaburi ee ku dhow caasimadda Thailand ee Bangkok.

    Wiilka ayaa guriga ku soo dilay awoowgiis iyo ayeeyadiis, kaddibna wuxuu rasaas ku furay macallimiin iyo arday iskuulka ku jiray, ugu dambayntiina isagaa ayaa isku dilay isla qoriga.

  6. War deg deg ah, Toogasho labaad oo ka dhacday Thailand maalmo gudahood

    Markii uu toogashada geystay, ayaa waxaa uu wacay barmaaji YouTube ah si uu ugu sheego waxa uu sameeyay

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Markii uu toogashada geystay, ayaa waxaa uu wacay barmaaji YouTube ah si uu ugu sheego waxa uu sameeyay

    Xildhibaan hore oo u dhashayThailand ah ayaa Isniinta maanta ah rasaas ku furay mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka, kaddibna wuxuu wacay barnaamij YouTube ah isagoo wariyeyaasha u sheegay waxa uu sameeyay.

    Booliiska ayaa sheegay in la xiray Chalong Reawraeng, oo hore uga tirsanaa baarlamaanka dalka, kana soo jeeday gobolka Nonthaburi. Qofkii uu toogtay, Thongchai Yenprasert, ayaa ah madaxa Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.

    Thongchai ayaa isbitaalka la dhigay, waxaana sidoo kale isbitaalka loo qaaday darawalkiisii oo isaguna rasaas lagu dhuftay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadooduba ay si daran u dhaawacmeen.

    Dhacdadan ayaa timid maalmo yar kaddib toogasho kale oo ka dhacday isla gobolkaas. Wiil dhalinyaro ah ayaa markaas gurigiisa iyo iskuulkiisa ku dilay toddobo qof, kaddibna isagii ayaa is dilay. Weerarkaas ayaa noqday toogashadii ugu dhimashada badnayd ee Thailand ka dhacda tan iyo sanadkii 2022-kii.

    Ilaa hadda ma muuqato wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada weerar.

    Waxaan idiin soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee halkan kala socda.

  7. Kurdiyiinta Turkiga oo shuruud ku xiray heshiis ay la galaan dowadda

    Mid kamid ah dagaalamayaasha PKK

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mid kamid ah dagaalamayaasha PKK

    Kooxda hubaysan ee Kurdiyiinta ee PKK ayaa dhaliishay hindise sharciyeed ka socda Turkiga, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaaddii tobannaan sano jirtay ee u dhexaysay kooxda iyo dowladda.

    Bayaan ay hoggaanka PKK soo saareen Axaddii ayay ku sheegeen, in sharcigu leeyahay cillado waaweyn.

    Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay lama huraan tahay in hoggaamiyaha PKK, Cabdullaahi Öcalan, laga sii daayo xabsiga, halkaas oo xabsiga lagu hayay tan iyo sanadkii 1999.

    Hindise-sharciyeedka ayaa la filayaa in Isniinta la horgeeyo baarlamaanka Turkiga. Haddii la ansixiyo, PKK waa la kala diri doonaa, taa beddelkeeda, dagaalyahanno badan oo hore uga tirsanaa kooxda ayaa laga ilaalin doonaa in dacwad lagu soo oogo, halka qaar kalena xukunnadii xabsiga laga joojin doono.

    Qowmiyadda Kurdiyiinta waa mid ka mid ah dadka asalka ah ee dhulka siman iyo buuraha Mesopotamia, halkaas oo hadda u kala qeybsan Koonfurta-Bari ee Turkiga, Waqooyi-Bari Suuriya, Waqooyiga Ciraaq, Waqooyi-galbeed Iraan, iyo Koonfur-Galbeed Armenia.

    Sidoo kale akhriso;

  8. Qorrax madoobaad la filayo isbuucan gudihiis iyo meelaa uu ka dhici doono

    Qorrax madoow

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Qorrax madoow

    Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.

    Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.

    Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.

    Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.

    Madoobaadka qorraxda ee xiga ayaa la filayaa inuu dhico Arbacada, 12-ka Agoosto.

    Madoobaadka buuxa ayaa la filayaa in laga arki doonaa: Waqooyiga Ruushka, Greenland, Iceland, Isbayn iyo Boortaqiiska.

    Madoobaadkan lagama arki doono Turkiga. Madoobaadka qorraxda ee xiga ee laga daawan karo Turkiga wuxuu noqon doonaa madoobaad qayb ahaan ah, kaas oo dhici doona 2-da Agoosto, 2027.

    Sida ay sheegtay NASA, madoobaadka buuxa wuxuu ka bilaaban doonaa duhurnimada meel yar oo fog oo ku taalla waqooyiga Ruushka. Kadibna iyadoo Dhulku wareegayo, madoobaadku wuxuu u gudbi doonaa dhinaca Isbayn, halkaas oo laga arki doono fiidkii wax yar ka hor qorrax-dhaca.

    Muddada madoobaadka buuxu waxay noqon doontaa mid aad u gaaban, wax ka yar laba daqiiqo iyo bar.

    Qaybo ka mid ah waqooyiga Maraykanka, Kanada, waqooyi-galbeed Afrika, iyo meelo badan oo Yurub ah waxay arki doonaan madoobaad qayb ahaan ah, iyadoo meelo qaarkood in ka badan 90% Qorraxda la dabooli doono.

    Dhacdadan waxay sii noqon doontaa mid gaar ah, maadaama qaybo ka mid ah Afrika iyo qaaradda Yurub ay arki doonaan madoobaad ku beegan qorrax-dhac, taas oo macnaheedu yahay in Qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto iyadoo dhacaysa.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  9. Israa'iil oo diiday qorshaha Trump ee Xamaas hubka lagaga dhigayo

  10. Iiraan oo hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka

    Mohsen Rezaei

    Xigashada Sawirka, Social

    Qoraalka sawirka, Mohsen Rezaei

    Iiraan ayaa hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka. Mohsen Rezaei waa taliye hore oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxaana hadda loo magacaabay door muhiim ah oo uu ku yeelan doono go’aaminta sida Iiraan u wajahdo colaadda kala dhexeysa Maraykanka iyo Israa’iil.

    Mr. Rezaei ayaa hore u sheegay in ay muhiim u tahay Iiraan inay sii haysato gacan-ku-haynta marin-biyoodka Hormuz, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay ka muhiimsan tahay in la helo hub nukliyeer ah.

    Maadaama uu muddo dheer soo hayay xilal sare oo dalka ah, magacaabistiisa waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa in jiilkii hore ee siyaasadda Iiraan ay weli awoodda hayaan, inkastoo ay jireen saadaallo ahaa in dhowaan xilalka sare loo dallacsiin doono siyaasiyiin da’yar.

  11. Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada

    Kiniiniyo kala duwan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Kiniiniyo kala duwan

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

    Xanuun-baabi'iye

    Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

    Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

    Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

    Daawada walwalka

    Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.

    Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

    Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.

  12. Sidee Iiraan uga falcelisay heshiiska Makka ee Pakistan,Sacuudiga iyo Turkiga saxiixeyn?

    Sidee Iiraan uga falcelisay heshiiska Makka ee Pakistan,Sacuudiga iyo Turkiga saxiixeyn?

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in heshiisku uusan Iiraan xilligan si toos ah khatar ugu ahayn, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay xoogga saarayaan dhinaca heshiiska iyo xallinta arrimaha kala dhexeeya Maraykanka.

    Heshiiska saddex-geesoodka ah ayaa lagu dhawaaqay in ka badan shan bilood kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo sababay dagaal si degdeg ah ugu fiday waddamada Khaliijka, isla markaana carqaladeeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

    Si kastaba ha ahaatee, Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa taxaddar weyn muujiyay si aysan u carqaladeyn ama uga hor imaan dhinac kasta oo gobolka ama caalamka ah, xilli ay soo gabagabeynayeen heshiiskan oo ay sheegeen inuu ka dhashay sannado badan oo shaqo iyo wada-xaajood ah.

    Waxay carrabka ku adkeeyeen in heshiisku oo aan si gaar ah uga dhex muuqan halis amni uusan ka dhan ahayn waddan gaar ah, gaar ahaan Iiraan, isla markaana uusan burin ama beddelin heshiisyo kale oo hore ay ula galeen dhinacyo kale.

    Jawaabta ay Tehraan illaa iyo hadda waa mid diblomaasiyadeed oo degan, iyadoo mas’uuliyiintu xoogga saareen iskaashiga gobolka iyo kan Muslimiinta, iyo sidoo kale waxa ay u arkaan inuu yahay heshiiskan mid muujinaya in hoos uu ku yimid saameyntii Mareykanka ee waddamadaan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbas Araghchi, ayaa Jimcihii yiri "marka Muslimiintu midoobaan, waxaan si wadajir ah uga hortagi karna caqabad kasta oo ay dibadda noogu soo maleegaan dhinacyo xun.”

    “Waa waqtigii aan isku tiirsanaan lahayn oo keliya, isla markaana aan qaadan lahayn walaaltinimada dhabta ah,” ayuu ku qoray bartiisa X, isaga oo aan si toos ah u xusin heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay kala saxiixdeyn Sacuudiga, Pakistaan iyo Turkiga.

  13. Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey maraakiibta ay leexiyeen tan iyo bilowgii cunaqabateynta

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka oo shaaciyey maraakiibta ay leexiyeen tan bilowgii cunaqabateynta

    Xigashada Sawirka, CENTCOM

    Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) oo maamula howlgallada milatari ee Mareykanka ee Bariga Dhexe ayaa sheegay in tan iyo markii la bilaabay xannibaadda badeed ee ka dhanka ah Iiraan ay “leexiyeen 55 markab oo ganacsi, ayna joojiyeen laba markab” iyagoo rasaas ku furay.

    CENTCOM ayaa qoraal ay ku daabacday barta X ku sheegtay in markabkaas iyo in ka badan “20 markab dagaal oo Mareykan ah ay ka hawlgalaan Bariga Dhexe si ay u taageeraan howlgallada milatari oo ay ku jirto fulinta iyo hubinta cunqabateynta Mareykanku ku soo rogay Iiraan,” iyadoo qoraalka lagu lifaaqay sawir ay ka muuqdaan badmaaxiinta markabka dagaalka ee USS Ross.

    CENTCOM ayaa sidoo kale sheegtay in intii lagu guda jiray fulinta xannibaadda badeed ciidamada Mareykanku ay fuuleen laba markab.

    Sii akhri

  14. Trump: "Iiraan wax lacag ah ma haysto".

    Trump: "Iiraan wax lacag ah ma haysto".

    Xigashada Sawirka, truthsocial.com/@realDonaldTrump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu ku daabacay barta Truth Social ku sheegay in Iiraan ay adduunka ku wadday “51 sano oo dhaqan xumo ah.”

    Trump ayaa sidoo kale soo bandhigay sawir muujinaya hoos-u-dhaca weyn ee ku yimid qiimaha lacagta rialka Iiraan.

    Sawirku wuxuu muujinayaa hoos-u-dhaca qiimaha rialka laga soo bilaabo bilowgii sannadka 2025 ilaa maanta.

    Trump waxa uu sawirka cinwaan uga dhigay “Iiraan lacag ma haysato, isaga oo intaas raaciyey “Lacagtoodu wax qiimo ah ma leh.”

    Sii akhri

  15. Subax wanaagsan

    Kusoo dhowoow baahinteenna tooska ee maanta oo halkaan innooga bilaabaneysa!

    Waxaad halkaan kala socon kartaa wararkii ugu dambeeyey gudaha Soomaaliya iyo caalamkaba

  16. Halkee Iiraan ka taagan tahay heshiiska Pakistan,Sacuudiga iyo Turkiga?

    Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in heshiisku uusan Iiraan xilligan si toos ah khatar ugu ahayn, iyadoo mas’uuliyiinta Iiraan ay xoogga saarayaan dhinaca heshiiska iyo xallinta arrimaha kala dhexeeya Maraykanka.

    Heshiiska saddex-geesoodka ah ayaa lagu dhawaaqay in ka badan shan bilood kaddib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen duqeymo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo sababay dagaal si degdeg ah ugu fiday waddamada Khaliijka, isla markaana carqaladeeyay isu-socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.

    Si kastaba ha ahaatee, Pakistan, Sacuudiga iyo Turkiga ayaa taxaddar weyn muujiyay si aysan u carqaladeyn ama uga hor imaan dhinac kasta oo gobolka ama caalamka ah, xilli ay soo gabagabeynayeen heshiiskan oo ay sheegeen inuu ka dhashay sannado badan oo shaqo iyo wada-xaajood ah.

    Waxay carrabka ku adkeeyeen in heshiisku oo aan si gaar ah uga dhex muuqan halis amni uusan ka dhan ahayn waddan gaar ah, gaar ahaan Iiraan, isla markaana uusan burin ama beddelin heshiisyo kale oo hore ay ula galeen dhinacyo kale.

    Jawaabta ay Tehraan illaa iyo hadda waa mid diblomaasiyadeed oo degan, iyadoo mas’uuliyiintu xoogga saareen iskaashiga gobolka iyo kan Muslimiinta, iyo sidoo kale waxa ay u arkaan inuu yahay heshiiskan mid muujinaya in hoos uu ku yimid saameyntii Mareykanka ee waddamadaan.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbas Araghchi, ayaa Jimcihii yiri "marka Muslimiintu midoobaan, waxaan si wadajir ah uga hortagi karna caqabad kasta oo ay dibadda noogu soo maleegaan dhinacyo xun.”

    “Waa waqtigii aan isku tiirsanaan lahayn oo keliya, isla markaana aan qaadan lahayn walaaltinimada dhabta ah,” ayuu ku qoray bartiisa X, isaga oo aan si toos ah u xusin heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay kala saxiixdeyn Sacuudiga, Pakistaan iyo Turkiga.

    Warar dheeraad ah:

  17. Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar oo ku baaqay in Israa’iil si buuxda uga baxdo Gaza

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdel Ati ayaa intii uu khadka taleefanka kula hadlayay Nickolay Mladenov, Agaasimaha Guud ee Hawlgalka Nabadda ee Trump, carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Israa’iil si buuxda uga baxdo Gaza, isla markaana dib loo furo Marinka Gaza, si loo sii wado gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo, iyadoo la raacayo qorshaha nabadda ee Trump ee Gaza.

    Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen in Gaza la geeyo “ciidan caalami ah oo xasilinta ah”, kaas oo la filayo inuu mas’uul ka noqdo sugidda amniga Gaza.

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii si rasmi ah u diiday qorshaha nabadda ee ka kooban 15-ka qodob.

    Wararka kale ee aad akhrin karto:

  18. Iiraan oo shaacisay shuruudda ugu weyn ee ku xiran dib u furista marin-biyoodka Hormuz

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi,

    Xigashada Sawirka, E

    Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi,

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Cabbaas Araqchi, ayaa sheegay in xilligan aysan jirin wax wada-hadallo ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka, isla markaana Tehran aysan bilaabi doonin wax wada-xaajood ah inta Washington ay sii waddo jebinta heshiiskii ku-meelgaarka ahaa ee la gaaray bishii Juun. Wuxuu sidoo kale sheegay in farriimo la is dhaafsanayo iyadoo loo marayo dhinacyo dhexdhexaadinaya. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga hortago in Iiraan ay hesho hubka nukliyeerka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Ilaalada Kacaanka Iiraan ay Axaddii xaqiijiyeen in Tehran aysan dib u furi doonin marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz ilaa Mareykanku uu aqbalo dhammaan shuruudahiisa.

    Afhayeenka Ilaalada Kacaanka, Hossein Mohebi, ayaa sheegay: “Istaraatiijiyaddeenna hadda waa inaan gacanta ku hayno marinkan ilaa cadowgu uu aqbalo dhammaan shuruudaheenna.” Wuxuu intaas ku daray: “Marinku hadda wuxuu noo noqday goob dagaal, mana aha oo keliya marin biyoodyo,” sida laga baahiyay telefishinka dowladda.

    Wararka kale ee aad akhrin karto:

  19. Trump: "Wada hadallada Iiraan waaa kuwo xaddidan",-Axios

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Axaddii sheegay inuu qorsheenayo inuu kordhiyo cadaadiska dhaqaale ee lagu hayo Iiraan, balse uu ka laabtay in duqeymo hor leh oo lagu qaado Iiraan, xilli Tehraan ay ku adkeensaneyso dalabaadkeedii hore.

    “Waqtigan xaadirka ah waxaan hoos u dhignay heerka tallaabooyinkayaga,” ayuu Trump ku sheegay wareysi taleefan oo uu siiyay mareegta Axios.

    Arrintan ayaa imanaysa muddo toddobaad ah oo uu Trump Iiraan ugu hanjabay weerarro culus inuu ku qaadi doono.

    Majalladda Axios ayaa sheegtay in Trump uusan muujin wax calaamad ah oo muujinaysa inuu ka carooday dib-u-dhaca Iiraan ee heshiis looga gaarayo dib-u-furista marin-biyoodka Hormuz.

    Iiraan ayaa dalbanaysa in Mareykanku marka hore joojiyo xannibaadda lagu hayo dekedaha Iiraan, isla markaana uu qaado cunaqabataynta shidaalka, taas oo qayb ka ahayd heshiiska is-afgaradka ah ee ay labada dal ay kala saxiixdeen bishii Juun.

    “Waxaan hadda si dhow ula soconnaa Iiraan in ay wajahayso sicir-barar ba’an iyo dhaqaale yari,” ayuu Axios ka soo xigtay Donald Trump.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in hoos u dhaca qiimaha shidaalka uu ka dhigay in macaamiisha Mareykanka ay dareemaan culays yar oo ka dhashay dagaalka.

    “Wax walba way hagaagi doonaan, had iyo jeerna way hagaagaan. Waxay la mid tahay ciyaarta shaxda,” ayuu yiri isagoo ka hadlayay xiriirka Mareykanka iyo Iiraan.

  20. Maxay ku saleeysan tahay diidmada Sacuudiga ee heshiisyada Abraham Accords?

    Maxamed Bin Salmaan

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Qoraalka sawirka, Maxamed Bin Salmaan

    Sida uu daabacay wargeyska Wall Street Journal, Sacuudiga waxa uu iska diiday inuu ku biiro heshiiska Israa'iil ee loogu yeero Abraham, joornaalku ayaa maqaalkiisa ku lafo guray in Boqortooyada ay u jeesatay jiho kale oo ka duwan kii hore ee laga filayey dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan. Wargeyska ayaa sidoo kale, fallanqeeyey Heshiiska Makka" kaas o ahaa mid difaac oo wadajir ah oo ay kala saxiixdeen saddexda dal ee Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, iyadoo sidoo kale wargeyska ka soo baxa Inrgiiska ee The Telegraph uu isna qoray maqaal ku saabsan khatarta Xuutiyiintu ku hayaan marinka Bab al-Mandab

    Dhanka kale, arrintaan ayaa kusoo aadeysa iyada oo muddooyinkii dambe uu Trump uu dhaxal sugaha ku caadinayey inuu saxiixo heshiiska Abraham, taas oo ahayd mid ku xiran Sacuudiga uu helo ogolaanshaha inuu soo saari karo Nuclear.