Cabbaas Caraqji "Haddii Maraykanka uu aqbalo qorshaheenna Hormuz waa furmayaa".

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Cabbaas Araqchi, ayaa sheegay in Tehran, iyada oo adeegsanaysa dhexdhexaadiyeyaal, ay soo bandhigtay qorshe dib loogu furayo marin-biyoodka Hormuz.
Araqchi oo Khamiistii kulan la yeeshay koox saxafiyiin ah iyo xubno ka tirsan xarumaha cilmi-baarista iyo falanqaynta siyaasadda ee Mareykanka, ayaa sheegay in haddii Mareykanku buuxiyo shuruudaha gaarka ah ee Iiraan wadato marin-biyoodka Hormuz dib loo furi doono toddoba maalmood kadib.
Waxa uu intaas ku daray: “Shuruudahani ma aha kuwo cusub, waana isla kuwii hore loogu soo bandhigay is-afgaradkii Islamabad”.
Cabbaas Araqchi ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay aaminsan tahay “in ay ka wanaagsan tahay in heshiiskan la dhaqan geliyo ka hor doorashada xilliga dhexe ee Mareykanka”, halka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in heshiis laga yaabo in la gaaro doorashooyinka bisha November kadib.
Isaga oo ka jawaabaya arrintaas, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in waqtiga heshiiska “uu ku xiran yahay Mareykanka”, isaga oo mar kale ku celiyay in shuruudaha la soo jeediyay aysan waxba ka duwanayn qodobbadii heshiiskii hore.













