Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Dalka Congo oo looga baroor diiqayo dad ku dhintay shil diyaaradeed

    Congo

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, kaddib markii shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen 17 qof, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa maxkamadda ciidamada.

    Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa amray in calamada hoos loo dhigo laga bilaabo Isniinta maanta ah, ilaa maalinta aasaska dadka dhintay.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Lieutenant General Joseph Mutombo Katalayi Tiende, oo ahaa madixii Maxkamadda Sare ee Ciidamada, iyo Lieutenant General Lucien-René Likulia Bakumi, oo ahaa xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada dalka.

    Shilku wuxuu Jimcihii ka dhacay meel u dhow magaalada Kenge ee gobolka Kwango, kaddib markii diyaaradda nooca LET 410 UVP ay cilad farsamo la kulantay xilli ay ka duulaysay Kikwit kuna sii jeeday Kinshasa.

    Wasaaradda Gaadiidka ayaa sheegtay in dhammaan 17-kii qof ee diyaaradda saarnaa ay dhinteen, kuwaas oo 13 rakaab ah iyo afar shaqaale diyaaradeed ahaa.

    Dowladdu waxay sidoo kale hakisay ruqsaddii duulimaad ee shirkadda TRACEP Congo Aviation, iyadoo baaritaan lagu sameynayo sababta shilka.

    Madaxweyne Tshisekedi ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo dowladda ay sheegtay in baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo duruufihii shilka uu ku dhacay.

  2. Maxay tahay sababta liiska argagixisada loogu daray saraakiisha iyo ciidanka Laftagareen?

    .

    Shir aan caadi ahayn oo ay bilowgii bishaan yeesheen golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo saaray go'aan liiska argagixisada ku daraya ciidanka Cabdicasiis Laftagareen ee fadhiya duleedka magaalada Baydhabo.

    Ciidankan oo ay hoggaaminayaan wasiirro iyo saraakiil horey uga tirsanaa maamulkii Laftagareen, ayaa dhawr jeer oo hore weerarro dad badani ku dhinteen ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

    Hoos ka akhri sheekadaan oo dhawaan BBC-du daabacday:

  3. War deg deg ah, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta si buuxda ugu hayaan Baydhabo

    .

    Weli waxaan ku jirnaa tebinta wararka ku saabsan dagaalka Baydhabo, Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka Baydhabo ay soo weerareen al-Shabaab iyo ciidamo ka amar qaata madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed "Laftagareen).

    Bogga raadiyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa baahiyay qoraallo iyo sawirro ay ku sheegayaan in ay jab xooggan gaarsiiyeen dhinacyada soo weeraray oo ay xuseen in weerarkoodu uu ku bilowday qaraxyo.

    Warkan kooban ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka hortageen weerarka ay soo qaadeen wax ay ku sheegeen meleshiyaad "isu huwanaa" iyagoo sidoo kale xusay in magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

  4. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo

    Wasiir Fiqi

    Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo, ayaa sheegtay in kooxihii saaka Baydhabo soo weeraray ay ahaayeen "argagixiso isla markaana job xooggan la gaarsiiyay.

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa Facebook, ku baahiyay qoraal kooban ayaa sidaan yiri: "Mataanihii Argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray".

    Hadalka wasiir Fiqi ayaa u muuqda in uu mataanaha ula jeedo ama uu is raacinayo ciidamada ka amar qaatta madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis laftagareen iyo al-Shabbaab, oo dhowr jeer oo hore dowladdu sidaan oo kale isugu lammaanisay.

  5. War deg deg ah, Dhinacyada ku dagaallamay Baydhabo oo hadlay iyo wararkii ugu dambeyay

    Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in saaka magaalada Baydhabo, ay isku dayeen wax ay ku sheegeen al-Shabaab in ay arbushaad ka sameeyaan hase-yeeshee ay ka hortageen ciidamada kala duwan ee maaamulkaas.

    Afhayeen u hadlay maamulka Koonfur Galbeed ayaa xusay magacyada dhowr qof oo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin al-Shabaab isla markaana saaka isku dayay in ay khal-khal galiyaan amniga magaalada Baydhabo.Wuxuu sheegay in ciidamada qalabk sida ee Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka hortageen ficillada ka dhanka ah amniga Baydhabo.

    Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhabo, oo muuqaalkiisa la faafiyay ayaa xilliga uu hadlayo waxaa la maqlyaa rasaas dhacaysa, waxaana uu dadka ugu baaqay in ay is dejiyaan oo waxyaabah ay maq-maqlayaanna ay yihiin wax aan sidaa u sii weyneyn.

    Dhanka kale Xasan Cabdi Maxamed oo ah afhyeenka ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa isana sheegay in ciidamadoodu ay ku dhowyihiin in ay“ gacanta ku dhigaan Baydhabo iyo guudahaan Koonfur Galbeed“.

    Sheegashooyinka labada dhinac marka laga yimaado ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa waxa dhabta ah ee dhacaya, maadama weli magaalada dagaal ka socdo.

    Dadka shacabka ah ayaa dareemaya cabsi xooggan waxaana qaarkood ay ku jiraan oo ay ku gambanayaan guryahooda sida wararku ay sheegayaan.

  6. Sida loo jabsaday xogta FBI: Askarta oo ka cabsi qaba kana caraysan in xogtooda si khatar leh loogu xadgudbay

  7. War deg deg ah, Qarax xooggan oo la maqlay iyo warar kala duwan oo ka soo baxaya

    Wakaaladaha wararka ee Iran ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay waqooyiga Urdun, iyadoo warar aan rasmi ahayn oo baraha bulshada lagu faafiyay ay sidoo kale sheegayaan arrintaas.

    Lama sheegin waxa sababay qaraxa ama goobta saxda ah ee uu ka dhacay.

    Dhanka kale, wakaaladaha wararka Iran ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn lagu weeraray saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Kurdiyiinta ee ka soo horjeeda dowladda Iran, kuwaas oo ku yaalla Erbil ee Ciraaq.

    Labada warba midkoodna weli si rasmi ah looma xaqiijin ama looma beenin.

  8. Maxaa ka jira eedeynta ah in ciidamada Laftagareen iyo al-Shabaab ay isku milmeen?

    Laftagareen

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo dhawaan waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  9. War deg deg ah, War cusub: Maxaa ka socda magaalada Baydhabo, xog dheeraad ah

    Baydhabo

    Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in halkaasi ay ku dagaallamayaan ciidamada maamulka Koonfur galbeed iyo ciidamo kale oo daacad u ah madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

    Ilo madax bannaan ayaa BBCSomali, u xaqiijiyay in dagaalka oo bilowday waaberigii hore ee saaka uu ku faafay xaafado ka tirsan Baydhabo.

    Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay, laakin hugunka rasaasta ayaa laga maqlayaa qaybo ka tirsan magaalada.

    Afhayeen u hadlay madaxweynihii hore ee Laftagareen ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay guulo dagaalka ka gaareen hase-yeeshee BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadaas.

  10. War deg deg ah, Iran oo gantaal ku dhufatay markab ciidamo Mareykan ah ay la socdeen iyo khasaare ka dhashay

    .

    Warbaahinta NBC ee Maraykanka ayaa sheegtay in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada Marines-ka Maraykanka ay ku dhaawacmeen gantaal Iran ay ku dhufatay markab ku sugnaa marin-biyoodka Hormuz 14-kii Sebtembar.

    NBC oo soo xiganaysa saddex mas’uul oo Maraykan ah ayaa sheegtay in askartu ay la kulmeen qiiq iyo calaamado dhaawac maskaxeed ah, balse aanu midkood dhaawac culus soo gaarin, dhammaantoodna ay shaqada ku laabteen.

    Markabka la weeraray ma ahayn markab dagaal oo Maraykan ah, waxaana la sheegay in toddobada askari ay ahaayeen ciidan caadi ah, halka midkood uu sarkaal ahaa.

    Magacyada siddeeddan askari ayaa lagu daray diiwaanka dhaawacyada Wasaaradda Difaaca Maraykanka ku dhowaad 10 maalmood kadib weerarka.

  11. Muxuu yahay qorshaha Iiraan soo bandhigtay ee lagu furayo Hormuz, balse uu Trump ku gacan sayray

  12. War deg deg ah, Adeegyo muhiim ah oo la sheegayo in dunida ay ka sii yaraanayaan

    .

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.

    Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.

  13. War deg deg ah, Khuburo Iiraaniyiin ah oo la sheegay in lagu dilay Yemen iyo faah-faahin ka soo baxaysa

    Yemen

    Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in duqeymo ka dhacay gobolka Taiz ay ku dhinteen toddoba qof, 40 kalena ku dhaawacmeen, iyagoo ku eedeyay Sacuudiga.

    Dhanka kale, dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegtay inay duqeysay xero ciidan iyo gaadiid ay Xuutiyiintu leeyihiin.

    Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in 72 saacadood gudahood lagu dilay ama lagu dhaawacay kumannaan dagaalyahanno Xuutiyiin ah iyo afar khabiir oo Iiraaniyiin ah.

    Afarta nin ee u dhashay Iran ayaa ahaa kuwa ku takhasusay sameynta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn iyo gantaallada.

  14. Subax wanaagsan, ku soo dhawaada BBCSomali, oo halkaan idinkugu soo gudbin toonta wararkii caalamka kuwoodii ugu dambeyay.

  15. Magaalo uu maamulo garaadka macmalka ah iyo walaaca laga qabo

  16. Garoonka diyaaradaha Najaf oo dib loogu furayo duullimaadyada Iiraan

    Wakaaladaha wararka ee Iriaan ayaa sheegaya in garoonka diyaaradaha ee Najaf ee Ciraaq “dib loo furi doono” 24-ka saacadood ee soo socda, si ay duulimaadyada Iiraan uga soo degi karaan.

    Wakaaladahan ayaa soo xigtay Middle East News oo sheegtay in ilo ku dhow dawladda Ciraaq ay warkan faafiyeen.

    Garoonka Caalamiga ah ee Najaf ayaa weli ka xidhan duulimaadyada ka imanaya Iiraan.

  17. Netanyahu oo la sheegayo in uu Abu Dhabi kula kulmi doono Sheekh Zayed

    Netanyahu

    Warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu u safri doono Abu Dhabi, halkaas oo uu kula kulmi doono Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

    Wargeyska The Times of Israel, oo soo xiganaya Channel 12 ee Israa’iil, ayaa warkan baahiyay fiidnimadii Axadda. Hase yeeshee, xafiisyada madaxda labada dal ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin ama u beenin kulanka la sheegay.

    Kulankan ayaa imanaya wax yar kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Imaaraadku Israa’iil uga digay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar.

  18. Dugsiyada caasimadda Sucuudiga oo la xidhay iyo ardayda oo internetka casharrada ku qaadanaya - AFP

    Riyaad

    Waalidiinta ku nool caasimadda Sacuudiga ee Riyadh ayaa Axaddii farriimo ka helay dugsiyada, kuwaas oo lagu shaaciyay qorshe degdeg ah oo dhigaya in casharrada dugsiyada muddo toddobaad ah lagu qaadan doono internetka, iyadoo ardaydu guryahooda wax ku baranayaan. Sidaas waxaa werisay AFP oo soo xiganaysa farriimo ay aragtay.

    Wakaaladda wararka ayaa intaas ku dartay: “In laba farriimood oo kala duwan ay u dhignaayeen: ‘Dhawaan ayaa mas’uuliyiinta Sacuudigu nagu wargeliyeen in dugsiyadu toddobaadkan oo dhan xidhnaadaan.’”

    Sababta rasmiga ah ee go’aanka lama sheegin, balse tallaabadan ayaa imanaysa xilli xiisadda gobolka ay sii kordhayso, isla markaana uu dagaal u dhexeeyo Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen.

    Muwaadin Lubnaani ah oo ku nool Riyadh ayaa isna yidhi: “Tani waxay ahayd go’aan lama filaan ah oo daqiiqaddii ugu dambaysay la qaatay. Wax fikrad ah kama hayno waxa dhacaya.”

    Sida ay warbixintu sheegtay, mas’uuliyiinta Sacuudigu weli si rasmi ah ugama hadlin xidhitaanka dugsiyada ama amarro ku saabsan in ardaydu toddobaadkan dib ugu noqdaan waxbarashada fool-ka-foolka ah.

    Warkani wuxuu imanayaa maalin kaddib markii isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen uu sheegay in uu qabtay oo burburiyay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo lagu bartilmaameedsaday Sacuudiga.

    Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa Axaddii sheegay in duqaymo cirka ah oo Sacuudigu ka fuliyay duleedka magaalada Tacis ee koonfur-galbeed Yemen ay dileen ayna dhaawaceen tobannaan qof. Deegaannadan ayaa gacanta ugu jira Xuutiyiinta.

  19. Diyaarad aan duuliye lahayn oo duqaysay telefishinka Tigraay - AFP

    Diyaarad aan duuliye lahayn ayaa Axaddii duqaysay xarun telefishan oo ku taalla Tigray, xilli ilo bani’aadamnimo ay AFP u sheegeen in xooggagu ay horumar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan ciidammada dawladda ee waqooyiga Itoobiya.

    Dagaallo culus ayaa toddobaadkan dib uga dhex qarxay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) iyo dawladda federaalka, taas oo walaac ka abuurtay in dalku uu dib ugu laabto dagaalkii sokeeye ee baaxadda lahaa ee 2020 ilaa 2022, kaas oo lagu qiyaasay in ay ku dhinteen 600,000 oo qof.

    TPLF ayaa la wareegtay garoomo diyaaradeed oo maxalli ah, waxayna weerarro ku qaaday gobollada deriska la ah ee Canfarta iyo Amxaarada, iyadoo sheegtay in ay “dagaal is-difaac ah” kula jirto dawladda uu hoggaamiyo Raysalwasaare Abiy Ahmed.

    Ilo bani’aadamnimo ayaa sheegay in magaalada Erebti ee gobolka Canfarta, oo u dhow xadka Tigray, ay Axaddii gacanta u gashay fallaagada kaddib markii madaafiic culus lagu garaacay.

    Warku waxa uu intaas ku daray in TPLF ay hadda u sii gudbayso dhanka magaalada Afdeera, oo qiyaastii 100 kiiloomitir bari ka xigta.

    Ishan warka laga helay ayaa qiyaastay in ugu yaraan 150,000 oo qof ay hore ugu barakaceen gobolka Canfarta, balse waxay sheegtay in aanay suurtagal ahayn in la helo tiro sax ah.

    Tigrai TV
  20. Iiraan oo Maraykanka digiin u dirtay: “Ciidammadayadu waxay diyaar u yihiin in ay si xooggan uga jawaabaan haddii weerar lagu soo qaado”

    Milatariga Iiraan ayaa Maraykanka uga digay in haddii Washington ay gobolka ka qaaddo tallaabo milatari, ciidammada Iiraan ay diyaar u yihiin inay ka jawaabaan.

    Afhayeenka milatariga Iiraan, Sareeye Guuto Mohammad Akramanieh, ayaa sheegay in xaaladda Maraykanka ee gobolka “aanay wanaagsanayn”, sidaas darteedna uu qaadi karo tallaabo milatari.

    Wuxuu sheegay in ciidammada qalabka sida ee Iiraan ay si buuxda ugu diyaar garoobeen in ay ka hortagaan khatar kasta oo iman karta.

    Hore, Abolfazl Shekarchi, oo ah afhayeen sare oo ka tirsan ciidammada qalabka sida ee Iiraan, ayaa sidoo kale Maraykanka uga digay in haddii uu farageliyo marin-biyoodka Hormuz, Iiraan ay si xooggan uga jawaabi doonto.

    Shekarchi ayaa sheegay in Maraykanku “aanuu haysan wax doorasho ah oo aan ka ahayn in uu ka baxo Galbeedka Aasiya”, isla markaana in sida ugu dhakhsaha badan ciidammada Maraykanku uga saaro gobolka ay yaraynayso khasaaraha soo gaadhi kara.

    Hadalladan saraakiisha Iiraan ayaa imanaya xilli Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu diiday qorshe ay Iiraan soo jeedisay oo ku saabsanaa in la furo marin-biyoodka Hormuz iyo in xiisadda la yareeyo.

    Iiraan