Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil oo xaaska Mamdani weerar afka ah ku qaaday

    .

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Duqa Magaalada New York Zohran Mamdani, intii uu Khamiistii khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Netanyahu ayaa Mamdani ku eedeeyay Yuhuud-nacayb, wuxuuna sheegay in dhaleeceynta uu Israa’iil u jeediyo ay khatar gelisay amniga bulshada Yuhuudda ee New York.

    Netanyahu ayaa sheegay in tan iyo markii Mamdani xilka la wareegay, “Yuhuud badan aysan hadda New York ku dareemayn ammaan.”

    Mamdani, oo ah duqii ugu horreeyay ee Muslim ah ee magaalada New York, ayaa muddo dheer si adag u dhaleeceynayay sida Israa’iil ula dhaqanto Falastiiniyiinta, wuxuuna Netanyahu ku tilmaamay dambiile dagaal.

    Netanyahu ayaa sidoo kale si joogto ah u dhaleeceynayay Mamdani sababo la xiriira aragtidiisa, waxaana eedeymo badan oo uu Ra’iisul Wasaaruhu Khamiistii khudbaddiisa ka sheegay ay ahaayeen kuwo uu horey uga sheegay Mamdani.

    Netanyahu ayaa sidoo kale xusay xaaska Mamdani, Rama Duvaji, oo lagu dhaliilay inay “like” siisay qoraallo baraha bulshada lagu faafiyay oo taageerayay Falastiiniyiinta, wax yar kadib weerarradii 7-dii Oktoobar.

    Isagoo ka hadlayay xaaska Mamdani, Netanyahu ayaa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay:

    “Xaaskaaga ayaa ‘like’ siisay qoraal ammaanayay xasuuqii 7-dii Oktoobar. Waxay sidoo kale ‘like’ siisay qoraal kale oo sheegayay in Tel Aviv aysan jirin. Adiguna waxaad diiday inaad cambaareyso hadalladaas.”

    Rama Duwaiji, oo ah xaaska Mamdani, waa farshaxaniiste iyo sawir-qaade asal ahaan Suuriyaan ah, kuna nool Brooklyn, magaalada New York. Waxay ka qalinjabisay Virginia Commonwealth University ee Maraykanka, waxayna shahaadada labaad ee master-ka ka qaadatay School of Visual Arts ee New York.

    Mamdani iyo Rama waxay is guursadeen sanadkii hore. Intii ka horreysay guurka, waxay isku mehersadeen Dubai sanadkii 2024, kadibna waxay sameeyeen xaflad nikax dhaqameed.

  2. War deg deg ah, Madaxweynaha Shiinaha oo farriin u diray Mareykanka iyo Iiraan

    .

    Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay in Beijing ay taageersan tahay in Maraykanka iyo Iran ay dib ugu laabtaan “Heshiiskii Is-afgaradka ee Islamabad”.

    Madaxweynaha Shiinaha ayaa hadalkan sheegay intii uu kulan la lahaa dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump, Aqalka Cad maalintii Khamiista, iyadoo kulanku dhacay xilli uu socday shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Sida ay ku warrantay warbaahinta Shiinaha, Xi Jinping ayaa kulanka ka sheegay in Beijing ay taageersan tahay in Maraykanka iyo Iran ay dib ugu laabtaan “Heshiiskii Is-afgaradka ee Islamabad.”

    Saacado kadib markii uu Washington uu ku yimid booqasho rasmi ah oo heer sare ah, Madaxweyne Xi Jinping ayaa bayaan lagu daabacay warbaahinta dowladda Shiinaha ku sheegay in Shiinaha iyo Maraykanku ay noqon lahaayeen saaxiibbo halkii ay iska soo horjeedi lahaayeen.

    Inta lagu guda jiro booqashada oo saddex maalmood ah, Madaxweyne Donald Trump ayaa dhiggiisa Shiinaha si diirran oo gaar ah ugu soo dhaweeyay Aqalka Cad. Waxaa la filayaa wada-hadallo adag oo ku saabsan arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, sirdoonka macmalka ah AI, Taiwan iyo Iran.

  3. War deg deg ah, Imaaraadka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Iran iyo wax ka dhalan kara

    .

    Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay dhammaan duullimaadyada ay shirkadaha diyaaradaha Iran ku tagayeen ama uga imaanayeen dalkaas.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, Emirates News Agency, ayaa Khamiistii sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka ee Imaaraadku ay hakisay dhammaan duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran ee ka imanaya ama tagaya Imaaraadka.

    Hay’addu waxay sheegtay in go’aanka loo qaatay cunaqabateyn uu Maraykanku kusoo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran, taas oo ka hor istaagaysa inay adeegsadaan adeegyada garoomada diyaaradaha ee meelo kala duwan oo dunida ah.

    Warbaahinta Iran ayaa sidoo kale Khamiistii sheegtay in Imaaraadku hakiyay duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran.

    Sida ay sheegtay AFP, Dubai oo ah xarunta ganacsiga ee Imaaraadka, waa xarun muhiim u ah shirkadaha diyaaradaha Iran, waxaana maalin kasta jira duullimaadyo dhowr ah oo u dhexeeya Iran iyo Dubai. Dubai waxaa sidoo kale ku nool bulsho badan oo reer Iran ah, halka Iran iyo Dubai ay leeyihiin xiriir ganacsi oo dhow.

    Imaaraadka ayaa tan iyo markii uu dagaalku billowday waxaa lagu bartilmaameedsaday kumannaan gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo Iran laga soo riday. Bishii hore, Imaaraadku wuxuu hakiyay ganacsigii iyo macaamilladii maaliyadeed ee uu la lahaa Iran.

    Laba maalmood ka hor, Bangiga Dhexe ee Imaaraadka ayaa xannibay macaamilkii maaliyadeed ee laamaha National Bank of Iran ee dalkaas, kuwaas oo lacagaha u kala dira Iran iyo Imaaraadka.

    Imaaraadku wuxuu bangiga ku eedeeyay inuu ka baxsanayo sharciyada la xiriira ka hortagga lacag-dhaqidda, maalgelinta argagixisada iyo ka ganacsiga hubka.

    Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Iran ay uga digtay dalalka deriska ah inay carqaladayn doonto garoomadooda diyaaradaha haddii ay oggolaadaan inay dhaqan geliyaan cunaqabateynta Maraykanka ee lagu xirayo hawadooda.

  4. Lixda qodob ee ugu waaweynaa khudbaddii uu madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyey QM

  5. War deg deg ah, Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya oo war cusub soo saaray

    .

    Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa sheegay in isbahaysiga cusub ee lagu magacaabo “Friendship for Survival”, oo ujeeddadiisu tahay in xukunka laga tuuro dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, uusan guulaysan doonin.

    Isagoo la hadlayay telefishinka dowladda ee ETV, Berhanu wuxuu sheegay in Eritrea ay kooxda TPLF ee Tigray u adeegsanayso ciidan wakiil ah, iyadoo siinaysa dhaqaale iyo agab, isla markaana abaabulaysa ciidamo taageera kooxda.

    Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Masar, Sudan iyo kooxo kale inay taageerayaan TPLF iyo Eritrea dadaalladan.

    Taliyaha ciidanka ayaa ka digay in Ciidanka Cirka Itoobiya uusan hawlgalladiisa ku koobnaan doonin oo keliya deegaannada xuduudaha.

    Si kastaba, Berhanu kama uusan hadlin dagaalladii billowday shalay. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale si kooban uga warbixinaysa xaaladaha cusub ee ka jira gobollada Tigray, Canfarta iyo Amxaarada.

  6. Muxuu yahay 'cudurka halista ah' ee raggu ka qaadaan cabidda caanaha?

    .

    Ragga sida joogtada ah u isticmaala manaafacaadka xoolaha, gaar ahaanna caanaha, ayaa marka la barbardhigo kuwa aan isticmaalin, waxay boqolkiiba 60 halis weyn ugu jiraan inuu ku dhaco xanuunka kansarka ku dhaca kaadi-heysta, sida lagu xusay daraasad cusub.

    Daraasaddan oo lagu daabacay joornaalka Mareykanka ka soo baxa ee nafaqada ka faallooda, ayaa waxaa sameeyay baarayaal ka tirsan Jaamacadda Loma Linda, kuwaas oo daneynayay baaritaanka xiriirka ka dhaxeeya cuntada iyo kansarka kaadi-heysta.

  7. Arrintaan oo dad badan sameyaan waa khatar dhimasho sababi karta

    Cunnooyinka la boobsiiyo oo dhibaato sababi kara

    Nin 49 jir ah ayaa ku dhintay magaalada Kerala ee Palakkad dhowr toddobaad ka hor ka dib markii uu ka qeyb galay tartan cunto intii lagu jiray festifaalka Onam.

    Mid ka mid ah ka qaybgalayaashu ayaa ku margaday cuntada isaga oo si dhaqso ah isaga daba geynayay si uu u noqdo qofka tartanak ku guuleystay.

    Dadka halkaasi ku sugnaa ayaa cunaha ka soo saaray raashiinka, waxayna ula carareen isbitaalka, halkaasi oo uu ku geeriyooday xilli lagu dabiibaayay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee PTI.

  8. War deg deg ah, Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan oo kulan degdeg ah ka yeelanaya weerarrada Xuutiyiinta

    .

    Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa qabanaya kulan heer sare ah oo degdeg ah, si ay uga wada hadlaan sidii Sacuudiga loo taageeri lahaa iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Xuutiyiinta Yemen.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa sheegtay in wasiirrada arrimaha dibadda ee saddexda dal ay ka wada hadleen xaaladda, iyagoo cambaareeyay weerarrada lagu bartilmaameedsaday Makka iyo goobo kale oo rayid ah. Waxay sidoo kale xaqiijiyeen xaqa Sacuudiga u leeyahay inuu is-difaaco.

    Saddexda dal ayaa qorsheynaya kulan ay yeeshaan taliyeyaasha ciidamada, kaas oo lagu qiimeyn doono taageerada Sacuudiga, iyadoo la adeegsanayo heshiiska wadajirka ah ee difaaca ee ay saddexda dal galeen. Heshiisku wuxuu dhigaya in weerar lagu qaado mid ka mid ah dhinacyada loo arko weerar lagu qaaday dhammaantood.

    Xuutiyiinta ayaa sheegay inay Khamiistii weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah ku qaadeen bartilmaameedyo Sacuudigu leeyahay. Dhanka kale, Sacuudiga ayaa sheegay inuu qabtay lix gantaal oo ballistic ah oo ay soo rideen Xuutiyiintu.

    Sacuudiga ayaa sidoo kale digniino degdeg ah ka soo saaray deegaano ay ka mid yihiin Makka, Jeddah iyo Yanbu, oo ah deked muhiim u ah dhoofinta shidaalka.

    Dhanka kale, Muftiga Guud ee Sacuudiga ayaa ciidamada ugu baaqay inay diyaar u noqdaan inay naftooda u huraan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta, ilaa kooxda laga saaro awoodda.

    Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian, uu sheegay in Xuutiyiintu ay mas’uul ka yihiin ficilladooda, isagoo isku dayaya inuu kala fogeeyo dowladda Iran iyo weerarrada kooxda.

    Dhanka kale, Iran iyo Maraykanka ayaa wada dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu yareeyo dagaalka. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraqji ayaa sheegay in Tehran ay soo jeedisay in Marinka Hormuz dib loo furo, haddii Maraykanku dabciyo cadaadiska milatari iyo cunaqabateynta.

    Dagaallada iyo xiisadaha gobolka ayaa saameyn ku yeeshay dhoofinta shidaalka iyo maraakiibta ganacsiga, gaar ahaan Marinka Hormuz oo ah waddo muhiim u ah gaadiidka shidaalka caalamka.

  9. War deg deg ah, War cusub: Pakistan oo weerar ku dishay xubo ka tirsan Taalibaan iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Wararka ayaa sheegaya in rabshado cusub ay ka dhaceen xadka u dhexeeya Pakistan iyo Afghanistan.

    Ilo laga soo xigtay Pakistan iyo warbaahinta dowladda dalkaas ayaa sheegay in dhowr xubnood oo ka tirsan Taalibaan la dilay xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan xadka oo ay galaan gobolka Balochistan, iyagoo la sheegay inay doonayeen inay geystaan “fal gardarro ah.”

    Waxaa sidoo kale la sheegay in iska horimaadka iyo is-weydaarsiga rasaastu ay weli socdaan, balse faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dhacdada lama shaacin.

    Xiisadda iyo rabshadaha ka jira gobolka ayaa mar kale sii kordhay.

    Afghanistan ayaa shalay sheegtay in afar qof oo rayid ah lagu dilay duqeymo cirka ah oo Pakistan ay ka fulisay gudaha Afghanistan, kuwaas oo mid ka mid ah lagu bartilmaameedsaday magaalada Kandahar.

    Dhanka kale, Pakistan waxay sheegtay in bartilmaameedyada duqeymaha ay ahaayeen goobo ay Taalibaan u adeegsanaysay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo xuduudda ka gudba. Taalibaan ayaa beenisay sheegashadaas.

  10. War deg deg ah, Madaxweynaha Shiinaha oo Trump u sheegay inuu ka taxaddaro la macaamilka Taiwan

    Trump iyo Xi

    Xi Jinping wuxuu sheegay in Shiinuhu rajaynayo in Maraykanku uu u hoggaansamo “mowqifka saxda ah” ee ka soo horjeeda madax-bannaanida Taiwan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Shiinaha ee Xinhua.

    Hoggaamiyaha Shiinaha wuxuu Washington ugu baaqay inay “si taxaddar leh ula tacaasho arrinta Taiwan”, si loo abuuro saldhig adag oo loogu talagalay iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal iyo horumarinta xiriirka Shiinaha iyo Maraykanka. Xinhua waxay intaas ku dartay in “mowqifka Shiinaha ee ilaalinta midnimadiisa qaran iyo dhulkiisa uu yahay mid si cad loo qeexay.”

    Beijing waxay Taiwan oo iskeed isu maamusha u sheegataa inay qayb ka tahay dhulkeeda, halka Taiwan ay isu aragto inay tahay dhul ka duwan Shiinaha. Dowladda Xi, gaar ahaan, waxay xoojisay hanjabaadaha ka dhanka ah Taiwan, waxayna raadisay habab ay ku joojiso waxa ay u aragto gooni-u-goosad.

    Maraykanku xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah lama laha Taiwan, balse sharci ahaan waxaa waajib ku ah inuu Taiwan siiyo hab ay isku difaaci karto. Si kastaba, Maraykanku wuxuu marar badan isku dayay inuu isu dheellitiro taageerada uu siiyo Taiwan iyo ilaalinta xiriirka diblomaasiyadeed ee uu la leeyahay Shiinaha.

  11. War deg deg ah, Duulimaadyada diyaaradaha Iran oo laga joojiyay garoomo ku yaalla Ciraaq

    Iran

    Garoonka diyaaradaha ee Najaf ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in la joojiyay duulimaadyadii shirkadaha diyaaradaha Iran ay halkaasi ku tagi jireen.

    Maalmo ka hor, garoonka diyaaradaha Baqdaad ayaa isaguna ku dhawaaqay in la hakiyay duulimaadyadii Iran.

    Si kastaba, Khamiistii shalay waxaa jad-walka macluumaadka garoonka diyaaradaha Istanbul lagu arkayay duulimaadyo ka baxaya Istanbul kuna sii jeeda Tehran.

    Tallaabooyinkan ayaa yimid kadib markii Waaxda Maaliyadda Mareykanka ay bilowday wareeg cusub oo cunaqabateyn ah, kaas oo lagu doonayo in lagu xaddido duulimaadyada caalamiga ah ee shirkadaha diyaaradaha Iran, iyadoo cadaadis lagu saarayo shirkadaha bixiya adeegyada duulimaadyada.

    Sheekooyin dheeraad ah

  12. War deg deg ah, Maxaa dhexmaray wasiirka arrimaha dibadda Uk iyo dhiggiisa Iran?

    .

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, Ed Miliband, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji, u sheegay in Britain aysan “u dulqaadan doonin cabsi-gelin, hanjabaado ama falal colaadeed” oo ka dhaca gudaha dalka.

    Labada wasiir ayaa kulan fool-ka-fool ah ku yeeshay magaalada New York, iyagoo ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa sheegtay in Miliband uu kala hadlay dhiggiisa Iran hanjabaadaha ay kooxo xiriir la leh Iran ka geysanayaan gudaha Britain, oo ay ku jiraan weerarro lagu qaado bulshada Yuhuudda ee dalka, iyo sidoo kale dagaalka Bariga Dhexe iyo labo muwaadin oo British ah oo Iran ku xiran.

    Miliband ayaa hadalladan jeediyay kadib weerarro dhowr ah oo ka dhacay Britain sannadkan. Sirdoonka Britain ayaa markii dambe sheegay inay heleen xog muujinaysa in Iran ama kooxo ay taageerto ay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah weerarradaas.

    Dhinaca kale, Wakaaladda Wararka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, IRNA, ayaa sheegtay in labada wasiir ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah.

  13. War deg deg ah, Dowlad xiriirka diblumaasiyadeed u jartay Iran oo dagaal kula jirta Mareykanka

    .

    Dowladda Colombia ayaa sheegtay in go’aanka ay ku saleysay arrimo ay ka mid yihiin xiriirro la sheegay inay Iran la leedahay kooxaha argagixisada iyo kuwa daroogada ka ganacsada, xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xirnaanshaha marinka Hormuz.

    War-saxaafadeed ay soo saartay dowladda Colombia ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkaas ay wiiqeen kalsoonidii ay ku qabtay dowladda Iran.

    Si kastaba, go’aankaasi ma saameynayo xiriirka qunsuliyadeed ee labada dal, adeegyada qunsuliyadaha ayaa sii socon doona.

    Dowladda Colombia ayaa sheegtay in xiriirka diblomaasiyadeed la jaray laga bilaabo 19-ka Sebtembar, iyadoo ku saleysay “tixgelinno amnigeeda qaranka sida ay bayaanka ku sheegtay.

  14. Maraykanka oo xog dheeraad ah ka faafiyey xaaladda askartii saarnayd markabka USS Abraham Lincoln

  15. Netanyahu oo loo banneeyey hoolka golaha QM, xilli uu jeedin rabay khudbaddiisa

  16. Netanyahu oo Qadar ku eedeeyey inay saameyn ku yeelanayso aragtida dadweynaha ee Israa’iil

    Netanyahu oo Qadar ku eedeeyey inay saameyn ku yeelanayso aragtida dadweynaha ee Israa’iil

    Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa intii uu ku jiray hadal jeedinta golaha QM ayuu waxa uu dowladda Qadar ku edeeyey in ay ku lug yeelaneyso afkaarta iyo aaminsanaanta dadka Israa'iil.

    Balse waxaa arrintaas kasoo jawaabay Qadar oo diiday eedeyntii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu ku sheegay in Qadar ay olole ku waddo saameynta aragtida dadweynaha ee ka dhanka ah Israa’iil.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed al-Ansari, ayaa bartiisa X ku qoray, “Waxaan si buuxda u diidaynaa eedeynta uu Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ka jeediyay khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ee ahayd in Qadar ay waddo olole lagu saameynayo aragtida dadweynaha ee ka dhanka ah Israa’iil".

    “Hadalladan joogtada ah ee ka dhanka ah Qadar ma aha wax aan ka ahayn isku day lagu doonayo in dareenka laga jeediyo tacaddiyada ay Israa'ii ka waddo dhulalka Falastiin ee la haysto iyo cawaaqibka bani’aadamnimo ee ba’an ee ka dhashay.”

    Majed al-Ansari ayaa hadalkiisa intaas ku daray “Haddii Netanyahu iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Israa’iil ee mowqifyada adag, kuwaas oo sii kordhaya inay khudbado ka jeediyaan hoolal madhan, ay doonayaan in dunidu si ka duwan u aragto Israa’iil, waa inay marka hore beddelaan siyaasaddooda, joojiyaan ku xadgudubka sharciga caalamiga ah, isla markaana ixtiraamaan sharcigaas, waa in lagula xisaabtamaa dadka doortay, halkii uu raadin lahaa cid uu dusha uga tuuro hoos u dhaca ku yimid sumcadda Israa’iil ee caalamka".

    Sheekooyin dheeraad ah

  17. Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay oo isku dayay inuu wakiilka Iran siiyo qalabka Starlink

    Danjiraha Israa’iil ee Qaramada Midoobay oo isku dayay inuu wakiilka Iran siiyo qalabka Starlink

    Khudbaddii Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu kaddib, Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa isku dayay inuu qalabka internet-ka ee Starlink siiyo wakiilka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan u jooga Qaramada Midoobay.

    Wakiilka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee fadhiga ku jiray, oo warbaahinta Iraan ay ku sheegtay inuu yahay Nasser Asadi, oo uu sodog u yahay Manouchehr Mottaki, ayaa iska indhatiray danjiraha Israa’iil.

    Danon ayaa yiri: “Waxaad maqashay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha; qalabkan wuxuu aad waxtar ugu yeelan karaa dadka Iran, isagoo ka caawinaya inay helaan xorriyad, kaddib wixii aad ku samayseen".

    Danon ayaa sidoo kale wakiilka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ku yiri: “Waxaan jecelnahay dadka Iran, waxaana u ducaynaa in halkaas uu ka dhaco isbeddel xukuumadeed. Maalintaas way iman doontaa".

    Sheekooyin dheeraad ah

  18. Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

    Askar ka tirsan ciidanka saaran markabka USS Abraham Lincoln oo ku hanjabay inay isdilayaan

    Sida uu sheegay ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda Mareykanka, siddeed askari oo ka tirsan shaqaalaha markabka USS Abraham Lincoln ayaa isku dayay inay isdilaan intii ay ku jireen hawlgal milatari oo muddo dheer socday oo Mareykanku ka waday Bariga Dhexe.

    Hadalkan ayaa lagu sheegay warqad loo diray Senator-ka gobolka New York, Kirsten Gillibrand, taas oo looga jawaabayay su’aalo ku saabsan caafimaadka iyo fayo-qabka badmaaxiinta ka qayb qaadanayay hawlgalka.

    Qoysaska qaar ka mid ah askarta ayaa walaac ka muujiyay xaaladdooda caafimaad ee maskaxeed oo sii xumaanaysa iyo duruufaha shaqo ee adag intii uu hawlgalku socday, kaas oo qayb ka ah howlgallada milatari ee Mareykanka ee ka dhanka ah Iran.

    Markabka USS Abraham Lincoln ayaa gobolka ka hawlgalayay tan iyo bishii November ee sannadkii hore, waxaana hadda uu ku sii jeedaa dalka Mareykanka.

    Warqadda, ku-simaha Xoghayaha Ciidanka Badda, Hong Kao, ayaa sheegay in markabka loo diray shan wadaad oo ciidamada ah iyo dhowr khabiir oo ku takhasusay caafimaadka maskaxda, si ay u taageeraan baahiyaha ruuxiga ah iyo kuwa nafsiyeed ee askarta.

    BBC ayaa la xiriirtay Ciidanka Badda Mareykanka si ay uga hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan arrintan.

    Waxa uu sheegay in dhacdooyinku ay ku lug lahaayeen shaqaalaha markabka USS Abraham Lincoln, iyo sidoo kale badmaaxiinta ka tirsan cutubka duulista ee markabka, askarta ka tirsan ciidamada loo xil saaray hawlgallada badda hoosteeda iyo dhammaan ciidamada cirka ee loo qoondeeyay inay markabka ka howlgalaan

  19. War deg deg ah, Imaaraadka Carabta oo joojiyay dhammaan duullimaadyadii shirkadaha diyaaradaha Iraan

    Imaaraadka Carabta oo joojiyay dhammaan duullimaadyadii shirkadaha diyaaradaha Iraan

    Imaaraadka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay dhammaan duullimaadyada ay shirkadaha diyaaradaha Iran ku tagaan ama uga yimaadaan dalkaas.

    Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, Emirates News Agency, ayaa Khamiistii sheegtay in Hay’adda Duulista Rayidka ee Imaaraadka ay joojisay dhammaan duullimaadyada shirkadaha diyaaradaha Iran ee u socda ama ka imaanaya Imaaraadka.

    Hay’adda Duulista Rayidka ee Imaaraadka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in go’aanka uu salka ku hayo cunaqabateynta Mareykanka ee lagu soo rogay shirkadaha diyaaradaha Iran, taas oo shirkadahaasi ka hor istaagaysa inay adeegsadaan adeegyada garoomada diyaaradaha ee dunida.

    Warbaahinta Iran ayaa Khamiistii iyaduna sheegtay in Imaaraadku hakiyay duullimaadyada.

    Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay in Dubai, oo ah xarunta ganacsiga Imaaraadka, ay tahay meel muhiim ah oo ay u duulaan shirkadaha diyaaradaha Iraan, iyadoo ay maalin kasta jiraan duullimaadyo dhowr ah oo u dhexeeya Iran iyo Dubai. Magaalada waxaa sidoo kale ku nool bulsho badan oo Iiraaniyiin ah, waxaana Iran iyo Dubai ka dhexeeya xiriir ganacsi oo dhow.

    Imaaraadka Carabta ayaa bartamihii dagaalka waxaa lagu bartilmaameedsaday kumannaan gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran. Sidoo kale, bishii hore ayuu Imaaraadku hakiyay ganacsigii iyo is-dhaafsiga maaliyadeed ee uu la lahaa Iran.

    Laba maalmood ka hor, Bangiga Dhexe ee Imaaraadka ayaa xannibay macaamillada maaliyadeed ee laamaha Bangiga Qaranka Iran ee Imaaraadka, kuwaas oo lacagaha u kala dira ama uga yimaada Iran. Imaaraadku wuxuu bangiga ku eedeeyay inuu ku xadgudbay sharciyada la xiriira lacag-dhaqidda, maalgelinta argagixisada iyo faafinta hubka.