Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. In kabadan 30 masuuliyiin hore oo Iiraan ah oo saxiixay warqad baaqa oo dowladda loo diray

    madax hore oo Iiraan ah oo baaq u diray dowladda
    Qoraalka sawirka, madax hore oo Iiraan ah oo baaq u diray dowladda

    In ka badan 30 mas’uuliyiin hore oo dowladeed, oo ay ku jiraan madaxweyne-ku-xigeenno iyo wasiirro hore, ayaa saxiixay warqad furan oo loogu baaqayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran inay ka baxdo Heshiiska Caalamiga ah ee ka-hortagga faafitaanka Hubka Nukliyeerka (NPT).

    Dadka saxiixay warqadda ayaa sheegay in sii wadista ka mid ahaanshaha NPT “aysan dani ugu jirin dalka.”

    Warqadda ayaa ugu baaqday Golaha Sare ee Amniga Qaranka, dowladda iyo Golaha Shuurada Islaamiga ah inay fududeeyaan joojinta iskaashiga iyo bilaabidda hannaanka sharci ee looga baxayo heshiiskan “sida ugu dhakhsaha badan.”

    Dadka saxiixay warqaddan waxaa ka mid ah Mohammad Reza Mirtajoddini, Mohammad Reza Rahimi iyo Masoud Zaribafan, kuwaas oo ahaa madaxweyne-ku-xigeenno soo noqday xilligii xukunka Mahmoud Ahmadinejad; Heydar Moslehi, oo ahaa wasiirkii hore ee sirdoonka; iyo Amir Hossein Ghazizadeh Hashemi, Meysam Latifi iyo Ansiyeh Khazali, kuwaas oo ahaa madaxweyne-ku-xigeenno xilligii Ebrahim Raisi.

    Tan iyo markii Iran ay xubin ka noqotay heshiiskan 1960-kii, waxay aqbashay mamnuucista soo saarista iyo isticmaalka hubka nukliyeerka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Maxay siyaasiyiinta Talyaanigu u soo dhigeen sawirro ay xiran yihiin goonnooyin gaagaaban?

  3. War ka soo kordhay wadahadallada Iiran iyo Maraykanka

    Wakaaladda wararka ISNA ayaa sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Iran, Cabbaas Araqchi, iyo wafdi uu hoggaaminayo ay subaxnimada, xilliga New York, la kulmi doonaan dhexdhexaadiyeyaasha wadaxaajoodka kala dhexeeya Mareykanka.

    Sida warbixintu sheegtay, kulanka ayaa la filayaa in looga hadlo “soo jeedimihii ugu dambeeyay iyo aragtiyada ku saabsan xaaladda hadda jirta.”

    ISNA waxay sidoo kale sheegtay in “uusan jirin wakiil ka socda dhinaca Mareykanka oo kulankan ka qaybgalaya.”

    Mareykanka ayaa diiday soo jeedintii Iran ee ahayd in marinka Baab al-Mandab dib loo furo muddo toddoba maalmood gudahood ah. Hase yeeshee, Araqchi ayaa sheegay inuu sii joogi doono New York si uu arrintan si toos ah uga helo dhexdhexaadiyeyaasha, isla markaana uu uga hadlo aragtiyada ku saabsan.

    Donald Trump ayaa hore u sheegay in inkastoo Mareykanku diiday soo jeedinta Iran, haddana wareeg cusub oo wadaxaajood ah oo lala yeesho Tehran uu toddobaadkan bilaaban doono. Si kastaba ha ahaatee, qorshe kasta oo wada-hadal toos ah oo lala yeesho Mareykanka ayaa la beeniyay.

    Araqchi wuxuu New York joogay tan iyo toddobaadkii hore, isagoo ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

  4. Sir ku sahlaysa inaad waqti dheer caafimaad ku noolaato oo daaha laga qaaday

    Daraasada Harvard
    Qoraalka sawirka, Daraasada Harvard

    Marka laga hadlayo caafimaadka, ma aha tiknoolajiyad cusub, kaabayaasha nafaqada, ama is-diiwaangelinta qaaliga ah ee goobaha jimicsiga, waxa ugu weyn ee saameyn ku yeelan kara caafimaadkaaga muddada dheer. Hase yeeshee, waxaa jira wax aad uga fudud oo aan qaali ahayn: la-xiriirka iyo la-shaqeynta dadka kale.

    Tallaabada fudud ee dhisidda xiriirka dadka kale waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa ma aha oo kaliya cimrigaaga, balse waxa ka sii muhiimsan, waxay kordhin kartaa tirada sannadaha aad noolaanayso adigoo caafimaad qaba. Xiriirrada bulsho ee wanaagsan waxay kaa caawin karaan inaad ku noolaato nolol wanaagsan muddo dheer, waxaana arrintan taageeraya caddeymo cilmiyeed.

    Falanqeyn lagu sameeyay 148 daraasadood oo la daabacay sannadkii 2019-kii, kuwaas oo ay ka qaybqaateen in ka badan 300,000 oo qof, ayaa lagu ogaaday in dadka leh xiriirro bulsho oo adag ay 50 boqolkiiba u badan tahay inay cimri dheer ku noolaadaan marka la barbar dhigo kuwa aan lahayn xiriirradaas.

  5. Wararkii ugu dembeeyey ee xaaladda Baydhabo iyo dhinacyada oo BBC-da la hadlay

    Baydhabo
    Qoraalka sawirka, Baydhabo

    Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay, tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal culus oo muddo ka badan 8 saacadood ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta kmg ah ee Maamulka Koonfur Galbeed. Dagaalka oo bilowday salaaddii subax ayaa soo gaaray duhurnimadii maanta, waxaana dad magaalada ku sugan ay BBC-da u sheegeen in maydad fara badan lagu arkayo goobbihii ay dagaalladu ka dhaceen.

    Maamulka Aden Madoobe ee Koonfur Galbeed iyo Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kooxda magaalada weerartay ay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab, halka saraakiisha maamulkii hore ee Laftagareen ay sheegeen in iyagu ay dagaal ku galeen magaalada Baydhabo, saacado baddana ay halkaas ka dagaalamayeen.

    Wariyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan ayaa telefoonka kula hadlay labada dhinac.

    Afhayeenka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh Cabdillaahi Xaayow, ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda magaaladu deggan tahay oo usan jiran dagaal hadda ka socda magaalada.

    Xaayow, ayaa sheegay in kooxda alshabaab ay soo weerareen magaalada subaxnimadii hore xilli arooryo ah iyagoo adeegsaday qaraxyo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.

    Dhinaca kale weriyaheenu, waxa uu saaka intii uu dagaalku socday khadka taleefanka ku helay afhayeenkii hore ee maamulkii Laftagareen, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, isagoo sheegtay in ciidamadoodu saaka weerar qaadeen.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  6. Xog lag helay ilo “xog-ogaal ah” oo ku saaabsan wadahadallada Iran iyo Maraykanka

    Wadahadallada Iran iyo Maraykanka
    Qoraalka sawirka, Wadahadallada Iran iyo Maraykanka

    Wakaaladda wararka Reuters ayaa soo xigatay ilo “xog-ogaal ah” oo sheegaya in dhexdhexaadiyayaashu ay filayaan in maanta ama berri ay wadahadallo kala duwan la yeeshaan Iiraan iyo Mareykanka.

    Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa weli ku sugan New York kaddib markii ay ka qeybgaleen shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Wakaaladda wararka IRNA ayaa horay u sheegtay, iyadoo soo xiganaysa ilo ku dhow wafdiga Iiraan ee New York, in aysan jirin wax qorshe ah oo Iiraan ay kula xaajoonayso Mareykanka, isla markaana Mr. Araghchi loo qorsheeyay inuu Talaadada, dib ugu laabto Iiraan.

    IRNA ayaa soo xigatay ilahaas oo sheegay in “aragtiyada iyo mowqifyada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan si cad oo hufan loogu gudbiyay dhinaca Mareykanka Talaadadii la soo dhaafay, iyadoo loo marayo dhexdhexaadiyaha Qatar, Iiraanna ay sugayso jawaabta Mareykanka.”

    Donald Trump ayaa shalay muujiyay rajo ah in wadahadallada Iiraan iyo Mareykanka ay dhawaan dib u bilaaban doonaan, inkastoo madaxweynaha Mareykanku uu diiday so jeedintii Iran ee hore.

    Sheekooyinka kala ee aad sii akhrin karto:

  7. Warbaahinta Israa’iil oo baahisay warar ku saabsan safar uu galay Netenyahu axadii

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, uu Axaddii si qarsoodi ah ugu safray Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Imaaraadka, Mohammed bin Zayed.

    Warkan ayaa soo baxay xilli uu muran xooggan ka taagan yahay warbixin Israa’iili ah oo sheegtay in hoggaamiyaha Imaaraadku uu Netanyahu uga digay in Xamaas ay qorsheynaysay hawlgal weyn wax yar ka hor weerarkii 7-dii Oktoobar, arrintaas oo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu beeniyay.

    Warbaahinta Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in Netanyahu iyo wafdigiisu ay ku safreen dhowr diyaaradood oo gaar loo leeyahay, iyadoo koox kastaa ay raacday diyaarad u gaar ah.

    Waxaa la sheegay in Netanyahu uu Imaaraadka ku sugnaa muddo afar saacadood ah.

    Sheekooyinka kala ee aad sii akhrin karto:

  8. Taliyaha ciidamada Itoobiya oo markii ugu horreyey war soo saaray kaddib xiisadda Tigray

    Taliyaha ciidamada Itoobiya ayaa ku eedeeyay Eritrea, Masar, Suudaan iyo quwado kale inay taageerayaan kooxaha fallaagada ah ee ka dagaallamaya gobollada waqooyi ee dalka.

    Field Marshal Birhanu Jula, ayaa hadalkan jeediyay markii ugu horreysay tan iyo markii uu toddobaadkii hore si weyn u kordhay dagaallada ka socda gobolka Tigray, oo xuduud la leh Eritrea iyo Suudaan.

    Waxa uu sheegay in Eritrea ay taageerayso fallaaqada si ay u wiiqdo Itoobiya, arrintaas oo Eritrea ay marar badan beenisay.

    Masar, oo khilaaf kala dhexeeyo Itoobiya sababo la xiriira biyo-xireenka Itoobiya ee Biyo-xireenka Weyn ee (GERD) oo ku yaalla webiga Nile, ayaa sidoo kale beenisay eedeynta loo jeediyay.

    Dagaallo ayaa sidoo kale ka dhacay gobollo kale oo Itoobiya ka tirsan oo xuduud la leh Tigray, kuwaas oo kala ah Amxaarada iyo Cafar.

    Field Marshal Birhanu Jula, ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadiisu ay muujiyeen is-xakameyn.

    Sheekooyinka kala ee aad sii akhrin karto:

  9. Magaalooyinka ugu heerka sarreeya dunida sanadka 2026

  10. Sacuudiga oo ka laabtay go’aan uu shalay shaaciyey

    Sacuudi Carabiya
    Qoraalka sawirka, Sacuudi Carabiya

    Riyadh ayaa ka laabatay go’aankeedii, waxayna dib u furtay iskuullada caasimadda Sacuudi Carabiya si ardaydu ugu soo laabtaan waxbarashada toos ah ee iskoolada.

    Ardayda ku nool Riyadh, caasimadda Sacuudi Carabiya, ayaa Isniinta dib ugu laabtay fasallada.

    Tani waxay timid kaddib markii mas’uuliyiinta Sacuudigu shalay oo Axad ahayd ku dhawaaqeen in iskuullada caasimadda dalka la xiri doono muddo toddobaad ah.

    Riyadh ma aysan bixin wax sabab rasmi ah oo ku saabsan sababta ay uga laabatay go’aankii Axaddii ee ahaa in fasallada si toos ah ardaydu u tagaan.

    Tallaabadan ayaa dhacay xilli xiisadaha gobolka ay sii kordhayaan, isla markaana ay soo noqnoqdeen weerarrada maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku qaadaan Sacuudi Carabiya.

    Sheekooyinka kala ee aad sii akhrin karto:

  11. Hoggaamiyaha sare ee Iiraan Mojtaba Khamenei oo farriin cusub soo saaray

    Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei
    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei

    Farriin uu soo diray Mojtaba Khamenei ayaa lagu daabacay bogga hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, iyadoo munaasabadda ay tahay “sannad-guurada maalmaha bilowgii Dagaalkii Koowaad ee lagu soo rogay Iiraan” iyo “xuska sannad-guurada labaad ee shahiidnimadii” Hassan Nasrallah, iyo sidoo kale “dabaaldegga iska-caabbinta” ee Naim Qassem, hoggaamiyayaashii hore iyo kan hadda ee Xisbullah.

    Farriinta oo tixraacaysa “dhacdooyinkii la xiriiray qarameynta warshadaha shidaalka iyo afgambigii Mareykanka” iyo dagaalkii lala galay Ciraaq, ayaa sheegaysa in dalka Iiraan “uu hadda gaaray maalmihii ay gardarro-wadayaashii laftoodu, halkii ay ka ahaan lahaayeen taageerayaashooda, magan-galyo ka raadsanayaan weerarrada dagaalyahannada Islaamka, isla markaana ka baryayaan in laga joojiyo dagaalka.”

    Qayb kale oo farriinta ka mid ah ayaa sheegaysa in “maanta qaar ay noo arkaan quwadda afraad ee ugu weyn adduunka. Dabcan, sidaas ayay ku sheegayaan marka loo eego xisaabaadka adduunyo,” balse “xisaabaadka Eebbe” ay dalka Iiraan, oo “aan ka baqayn in uu caddaalad dhiso,” u arkaan quwadda koowaad ee adduunka.

    Qayb kale oo ka mid ah farriintan dheer ayaa lagu yiri:

    “Isbarbardhigga u dhexeeya waayihii hore iyo kuwa maanta weli waa la sii ballaarin karaa oo la sharxi karaa, balse si kooban, anigoo ah adeege u ah shacabka qaaliga ah ee Iiraan, waxaan caddeynayaa in waayihii hore, ee cadowgeennu doonayo inuu dib ugu laabto, ay dhammaadeen, mana soo noqon doonaan mar dambe.”

    Mojtaba Khamenei ayaan tan iyo markii uu xilka qabtay ka dib geeridii aabbihii si rasmi ah shacabka ugu soo muuqan, sidoo kalena intii uu hoggaanka hayay lama baahin wax farriin cod ama muuqaal ah oo uu jeediyay.

    Mas’uuliyiinta Iiraan waxay arrintan sabab uga dhigayaan walaacyo la xiriira “amniga”.

    Madaxweynaha Iiraan ayaa sheegay inuu laba jeer la kulmay Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

  12. Muxuu Laftagareen ka yiri eedeynta ah in ciidamadiisa iyo al-Shabaab ay isku milmeen?

    Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen
    Qoraalka sawirka, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen

    Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Glabeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen balse isagu sheegay inuu weli yahay madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi, ayaa beeniyay in xiriir uu kala dhaxeeyo al-Shabaab kadib markii dowadda federaalka ah iyo maamulka cusub ee Koonfur galbeed ay ku eedeeyeen wada shaqeyn in ay kala dhaxeyso Shabaab iyo ciidamo isaga taabacsan oo ku sugun duuleedka Baydhabo.

    Laftagareen oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in dadka reer Koonfur Galbeed ay u adkeysan la'yihin dhibaatada lagu hayo shacabka deegaannadaasi, isla markaana ay doonayaan in ay ka dulqaadaan wax uu ku tilmaamay ciidamo ku soo duulay oo deegaanno kale laga keenay. Lifaaqa kore ka dhegeyso wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC:

  13. Iiraan oo cabasho u gudbisay ICAO, maxayse ku sheegeen?

    Madaxa Hay’adda Duulista Rayidka ee Iiraan ayaa sheegay inuu cabasho rasmi ah u gudbiyay Ururka Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), isagoo ka jawaabaya xannibaadaha lagu soo rogay warshadaha duulista ee Iiraan.

    Abuzar Shiroudi ayaa wakaaladda wararka IRNA u sheegay in cabashada rasmiga ah lagu caddeeyay “dukumentiyada iyo caddeymaha Iiraan ee ku saabsan carqaladaynta hawlaha duulimaadyada.”

    Waxa uu sidoo kale sheegay in “weerarrada lagu qaado garoomada diyaaradaha, diyaaradaha iyo raadaarrada ay yihiin tusaale cad oo ka mid ah dambiyada dagaalka, marka loo eego sharciga iyo xeerarka caalamiga ah,” isagoo intaas ku daray in Iiraan ay arrintan la xiriirta cabasho kale u gudbisay maxkamadda Hague.

    Wuxuu yiri:

    “Marka laga hadlayo weerarrada iyo duqeymaha lagu qaado garoomada diyaaradaha iyo diyaaradaha, ururka caalamiga ah ee ICAO wuxuu Iiraan siiyay xaqa ay arrintan uga cabanayso. Hase yeeshee, kiisaska ayaa hadda horyaalla maxkamadda Hague, mana jirto wax natiijo ah oo weli naloo soo sheegay. Sidoo kale, in Iiraan ay xaq u yeelan doonto magdhow iyo in kale waxay ku xirnaan doontaa go’aanka maxkamadda Hague.”

    Tan iyo toddobaadkii hore, markii la dhaqan geliyay cunaqabateyn Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan, garoomo diyaaradeed oo ku yaalla dalal kala duwan ayaa joojiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha Iiraan.

    Ciraaq, Georgia, Imaaraadka Carabta, Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Cumaan, kuwaas oo ahaa meelaha ugu muhiimsan ee ay u safraan Iiraaniyiintu iyo duulimaadyada transit-ka ah ee ku sii jeeda Yurub iyo Mareykanka, ayaa joojiyay duulimaadyadii Iiraan kadib cadaadis uga yimid Mareykanka.

    Wakaaladda wararka Fars ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ay wadahadallo kula jiraan dhinacyo kala duwan sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad.

  14. Iiraan oo cabasho u gudbisay ICAO, maxayse ku sheegeen?

    Madaxa Hay’adda Duulista Rayidka ee Iiraan ayaa sheegay inuu cabasho rasmi ah u gudbiyay Ururka Caalamiga ah ee Duulista Rayidka (ICAO), isagoo ka jawaabaya xannibaadaha lagu soo rogay warshadaha duulista ee Iiraan.

    Abuzar Shiroudi ayaa wakaaladda wararka IRNA u sheegay in cabashada rasmiga ah lagu caddeeyay “dukumentiyada iyo caddeymaha Iiraan ee ku saabsan carqaladaynta hawlaha duulimaadyada.”

    Waxa uu sidoo kale sheegay in “weerarrada lagu qaado garoomada diyaaradaha, diyaaradaha iyo raadaarrada ay yihiin tusaale cad oo ka mid ah dambiyada dagaalka, marka loo eego sharciga iyo xeerarka caalamiga ah,” isagoo intaas ku daray in Iiraan ay arrintan la xiriirta cabasho kale u gudbisay maxkamadda Hague.

    isagoo sii hadlayey waxa uu sheegay: “Marka laga hadlayo weerarrada iyo duqeymaha lagu qaado garoomada diyaaradaha iyo diyaaradaha, ururka caalamiga ah ee ICAO wuxuu Iiraan siiyay xaqa ay arrintan uga cabanayso. Hase yeeshee, kiisaska ayaa hadda horyaalla maxkamadda Hague, mana jirto wax natiijo ah oo weli naloo soo sheegay. Sidoo kale, in Iiraan ay xaq u yeelan doonto magdhow iyo in kale waxay ku xirnaan doontaa go’aanka maxkamadda Hague.”

    Tan iyo toddobaadkii hore, markii la dhaqan geliyay cunaqabateyn Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan, garoomo diyaaradeed oo ku yaalla dalal kala duwan ayaa joojiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen shirkadaha Iiraan.

    Ciraaq, Georgia, Imaaraadka Carabta, Jamhuuriyadda Azerbaijan iyo Cumaan, kuwaas oo ahaa meelaha ugu muhiimsan ee ay u safraan Iiraaniyiintu iyo duulimaadyada ku sii nastaan kuwa ku sii jeeda Yurub iyo Mareykanka, ayaa joojiyay duulimaadyadii Iiraan kadib cadaadis uga yimid Mareykanka.

    Wakaaladda wararka Fars ayaa sheegtay in shirkadaha diyaaradaha ee Iiraan ay wadahadallo kula jiraan dhinacyo kala duwan sidii loo furi lahaa waddooyin cusub oo duulimaad.

  15. War deg deg ah, Xarunta Telefishinka Tigray oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu weeraray

    .

    Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn lagu qaaday xarunta Telefishinka Tigray ee magaalada Mekelle.

    Qof ka tirsan xarunta oo AFP la hadlay, balse magaciisa qariyay, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan dibna ka carareen dhismaha.

    Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay TPLF, oo maamusha gobolka Tigray, ama dowladda federaalka Itoobiya oo ku saabsan weerarka.

    BBC-da ayaa isku dayday inay la xiriirto madaxda xarunta iyo dadka deegaanka, balse waxaa adkaaday xiriirka isgaarsiinta.

    Telefishinka Tigray ayaa ah warbaahinta rasmiga ah ee dowladda gobolka, waxaana dhowaan ay baahisay war ku saabsan isbahaysi ay sameeyeen kooxo hubeysan oo dowladda kasoo horjeeda.

    Hay’adda Warbaahinta Itoobiya ayaa markii dambe aan muddo cayiman loo sheegin u hakisay Tigray Telefishin, waxayna uga digtay warbaahinta kale inay xaruntaas u adeegsato ilo wareed.

    AFP ayaa baahisay sawir uu qaaday wariye maxalli ah oo muujinaya dhismaha xarunta oo daaqadihiisu jajaban yihiin, iyadoo qol ka mid ahna uu qiiq ka baxayo.

    Wariye kale ayaa AFP u sheegay in xarunta, oo ay ka shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo wariye, la hakiyay shaqadii kaddib weerarka.

  16. War deg deg ah, Koox weerar qorsheynaysay oo lagu qabtay dalka Ingiriiska iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Mas’uuliyiinta Britain ayaa xiray shan qof oo looga shakisan yahay dambiyo la xiriira argagixisanimo, kaddib dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhig diyaaradeed oo ay ciidamada Maraykanku u adeegsadeen duqeymaha ka dhanka ah Iran tan iyo bishii Maarso.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in raggaasi ay qorsheynayeen weerar sababi lahaa burbur weyn.

    Wariye BBC-da ka tirsan ayaa sheegay in dadka deegaanka ay soo sheegeen in la adkeeyay ammaanka agagaarka saldhigga diyaaradaha.

    Booliska la dagaallanka argagixisanimada ayaa baaraya in Iran ay ku lug leedahay dhacdadan.

  17. War deg deg ah, Dalka Congo oo looga baroor diiqayo dad ku dhintay shil diyaaradeed

    Congo

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah, kaddib markii shil diyaaradeed oo ay ku dhinteen 17 qof, oo ay ku jiraan laba sarkaal oo sare oo ka tirsanaa maxkamadda ciidamada.

    Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa amray in calamada hoos loo dhigo laga bilaabo Isniinta maanta ah, ilaa maalinta aasaska dadka dhintay.

    Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa Lieutenant General Joseph Mutombo Katalayi Tiende, oo ahaa madixii Maxkamadda Sare ee Ciidamada, iyo Lieutenant General Lucien-René Likulia Bakumi, oo ahaa xeer-ilaaliyaha guud ee ciidamada dalka.

    Shilku wuxuu Jimcihii ka dhacay meel u dhow magaalada Kenge ee gobolka Kwango, kaddib markii diyaaradda nooca LET 410 UVP ay cilad farsamo la kulantay xilli ay ka duulaysay Kikwit kuna sii jeeday Kinshasa.

    Wasaaradda Gaadiidka ayaa sheegtay in dhammaan 17-kii qof ee diyaaradda saarnaa ay dhinteen, kuwaas oo 13 rakaab ah iyo afar shaqaale diyaaradeed ahaa.

    Dowladdu waxay sidoo kale hakisay ruqsaddii duulimaad ee shirkadda TRACEP Congo Aviation, iyadoo baaritaan lagu sameynayo sababta shilka.

    Madaxweyne Tshisekedi ayaa tacsi u diray qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo dowladda ay sheegtay in baaritaan lagu ogaanayo sababta iyo duruufihii shilka uu ku dhacay.

  18. Maxay tahay sababta liiska argagixisada loogu daray saraakiisha iyo ciidanka Laftagareen?

    .

    Shir aan caadi ahayn oo ay bilowgii bishaan yeesheen golaha wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo saaray go'aan liiska argagixisada ku daraya ciidanka Cabdicasiis Laftagareen ee fadhiya duleedka magaalada Baydhabo.

    Ciidankan oo ay hoggaaminayaan wasiirro iyo saraakiil horey uga tirsanaa maamulkii Laftagareen, ayaa dhawr jeer oo hore weerarro dad badani ku dhinteen ku qaaday magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Koonfur Galbeed.

    Hoos ka akhri sheekadaan oo dhawaan BBC-du daabacday:

  19. War deg deg ah, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegay in ay gacanta si buuxda ugu hayaan Baydhabo

    .

    Weli waxaan ku jirnaa tebinta wararka ku saabsan dagaalka Baydhabo, Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka Baydhabo ay soo weerareen al-Shabaab iyo ciidamo ka amar qaata madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed "Laftagareen).

    Bogga raadiyaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa baahiyay qoraallo iyo sawirro ay ku sheegayaan in ay jab xooggan gaarsiiyeen dhinacyada soo weeraray oo ay xuseen in weerarkoodu uu ku bilowday qaraxyo.

    Warkan kooban ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka hortageen weerarka ay soo qaadeen wax ay ku sheegeen meleshiyaad "isu huwanaa" iyagoo sidoo kale xusay in magaalada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

  20. War deg deg ah, Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo

    Wasiir Fiqi

    Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka hadashay dagaalka Baydhabo, ayaa sheegtay in kooxihii saaka Baydhabo soo weeraray ay ahaayeen "argagixiso isla markaana job xooggan la gaarsiiyay.

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo bartiisa Facebook, ku baahiyay qoraal kooban ayaa sidaan yiri: "Mataanihii Argagixisada ee saakay soo weeraray Baydhabo jab xooggan ayaa dhabarka loo saaray".

    Hadalka wasiir Fiqi ayaa u muuqda in uu mataanaha ula jeedo ama uu is raacinayo ciidamada ka amar qaatta madaxweynihii hore ee maamulkaas Cabdicasiis laftagareen iyo al-Shabbaab, oo dhowr jeer oo hore dowladdu sidaan oo kale isugu lammaanisay.