You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan Kuuriyada Koonfureed

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku si weyn u yareyn doono dhoollatusyada milatari ee wadajirka ah ee uu la sameeyo Kuuriyada Koonfureed.

    Trump ayaa sheegay in go’aanka uu qayb ahaan ku saabsanyahay xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Waxa kale oo uu dhoollatusyada ku tilmaamay kuwo qaali ah oo fariin aan habboonayn oo colaadeed u diraya Kuuriyada Waqooyi.

    Trump ayaa sidoo kale xusay in Kuuriyada Koonfureed ay dhawaan diiday inay Maraykanka kala shaqeyso dadaallada lagu doonayo in Iran laga dhigo dal aan hub nukliyeer lahayn.

    Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay qorsheynayeen inay Isniinta bilaabaan dhoollatuskooda militari ee sanadlaha ah, kaas oo la qorsheeyay inuu socdo 11 maalmood. Labada dal ayaa dhoollatusyada ku tilmaama kuwo difaac ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo diyaar-garowga ka dhanka ah khataraha Kuuriyada Waqooyi.

    Trump ayaa xiriir gaar ah la sameeyay Kim Jong Un intii uu u uku jiray muddo xileedkiisii hore, waxaana labadoodu markii ugu dambeysay si fool-ka-fool ah u kulmeen 2019.

  2. Tirada dhimashada shilkii doonta Lake Kariba oo gaartay 84

    Booliiska Zimbabwe ayaa sheegay in 12 meydad oo dheeraad ah laga soo saaray harada Kariba, kadib markii doon rakaab siday ay ku rogmatay harada, taasoo tirada dadka dhintay ka dhigtay 84 qof.

    Hawlgallada lagu baadigoobayo dadka weli la la’yahay ayaa socda, waxaana ka qayb qaadanaya quusayaal ka tirsan booliiska iyo ciidamada milatariga.

    Shilkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah shilalkii ugu khasaaraha badnaa ee dhinaca gaadiidka biyaha ee Zimbabwe ka dhacay sannadihii u dambeeyay.

    Warar dheeraad ah:

  3. Isu soo bax ay qaban rabeen mucaaradka Kenya oo dib u dhac ku yimid

    Isu-soo-bax ay qabanayeen mucaaradka Kenya ayaa saacado dib u dhacay kadib markii rabshado ay ka dhaceen magaalada Homa Bay, xilli ay dadku isu diyaarinayeen kulanka.

    Booliiska ayaa adeegsaday gaaska dadka ka ilmaysiiya si ay u kala eryaan dhallinyaro hubaysan oo waddooyinka xiray, kuwaas oo isku dayayay inay joojiyaan kolonyo ay la socdeen siyaasiyiin ku sii jeeday goobta isu-soo-baxa.

    Gaadiid dhowr ah ayaa dhagxaan lagu tuuray, iyadoo sidoo kale la bartilmaameedsaday saxafiyiin, oo uu ku jiray wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.

    Qabanqaabiyeyaasha isu-soo-baxa ayaa horay uga digay in kooxaha iska soo horjeeda ay qoran karaan kooxo rabshado wata si ay u carqaladeeyaan kulanka.

    Kulanka ayaa loogu talagalay in lagu dhiso taageerada xisbi siyaasadeed oo cusub, ka hor doorashooyinka Kenya ee la filayo sanadka soo socda.

  4. War deg deg ah, Somaliland oo war ka soo saartay booqasho uu wafdi Qaramada Midoobay ka socda ku tagay magaalada Laascaanood ee maamulka Waqooyi-Bari

    War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay weli ka go’an tahay fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo dhammaan dadka u baahan, oo ay ku jiraan bulshada ku nool Laascaanood.

    Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay sheegtay in booqashooyinka saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ee goobaha xasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay tahay in lagu maro habraacyada diblomaasiyadeed ee jira.

    Waxay intaas ku dartay in booqashooyinka noocaas ah loo baahan yahay in dowladda Somaliland horay loogu sii wargeliyo, lagala tashado, isla markaana lala sameeyo isku-duwid rasmi ah.

    Somaliland waxay sheegtay inay qiimeyso xiriirka iyo iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Qaramada Midoobay, iyadoo xustay inay doonayso in wada-shaqayntaasi ay sii socoto.

    Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay filayso in mustaqbalka si buuxda loo dhowro habraacyada diblomaasiyadeed iyo waddooyinka rasmiga ah ee isgaarsiinta.

    Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Ku-simaha Madaxweynaha uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka bani’aadannimada George Conway.‎‎Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

  5. War deg deg ah, Wasiir lagu qabtay 60 kiilo oo dahab iyo malaayiin lacag caddaan ah

    Mas’uuliyiinta garsoorka Ciraaq ayaa sheegay inay la wareegeen in ka badan $20 milyan oo lacag caddaan ah, 60 kiilo oo dahab ah iyo 7 gaari, kuwaas oo lala xiriirinayo kiis musuqmaasuq oo ku saabsan wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Batroolka, Adnan al-Jumaili.

    Garsoore ka tirsan Maxkamadda Dambiyada ee Dhexe ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa ayaa sheegay in sidoo kale la qabtay 200 milyan oo dinaar oo Ciraaqi ah. Hawlgalkan ayaa waxaa gacan ka geystay maamulka gobolka Kurdistan.

    Adnan al-Jumaili ayaa bishii May lagu soo oogay dacwad la xiriirta musuqmaasuq, waxaana weli socda baaritaanka kiiska.

    Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Ciraaq, baaritaanku wuxuu sidoo kale horseeday in la raadraaco dad kale oo lala xiriirinayo kiiskan, iyadoo la raadinayo hantida la rumeysan yahay in si sharci-darro ah lagu qaatay.

  6. War deg deg ah, Iran iyo Qadar oo xaalad adag ka dhex taagantahay

    Milatariga Iran ayaa sheegay in Qadar ay ahayd inay u oggolaato Iran inay koox baaritaan ah u dirto dalka, si loo ogaado halka ay ku dambeeyeen saddex duuliye oo militari oo Iraniyiin ah oo la la’yahay.

    Qadar ayaa si cad u beenisay inay gacanta ku hayso saddexda duuliye. Tehran waxay sheegtay in duuliyayaashu ay la socdeen diyaarado militari oo la soo riday bishii Maarso, xilli uu socday dagaalka u dhaxeeya Iran iyo Maraykanka.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qadar ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka iyo baarista ay heleen meydka mid ka mid ah duuliyayaasha, ayna Iran ku casuumeen inay soo qaadato meydka.

    Khilaafkan ayaa yimid kadib markii Jeneraal Maxamed Bagherzadeh, oo hoggaamiya guddiga milatariga Iran u qaabilsan raadinta dadka ku maqan dagaalka, uu sheegay in saddexda duuliye ay ciidamada Qadar qabteen kadib markii diyaaradoodii ay burbureen bishii Maarso.

    Qadar ayaa ku adkaysatay inaysan hayn wax duuliye Iraniyiin ah, iyadoo sheegtay in eedeymaha Tehran ay yihiin kuwo marin-habaabin ah

  7. War deg deg ah, Israa'iil oo kumnaan qof ku dishay Lubnaan iyo faahfaahin

    Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in 4,346 qof ay ku dhinteen tan iyo 2-dii Maarso, xilligaas oo ay billowdeen weerarrada ballaaran ee Israa’iil ay ka waddo Lubnaan.

    Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan, in ka badan 12,000 qof ayaa dhaawacmay muddadaas.

    Wakaaladda wararka dowladda Lubnaan ayaa sidoo kale sheegtay in Wasaaradda Caafimaadku diiwaangelisay ugu yaraan 179 weerar oo lagu qaaday shaqaalaha gargaarka iyo ambalaasyada, iyo 17 weerar oo lagu qaaday isbitaallada tan iyo 2-dii Maarso.

    Tirakoobka wasaaradda ayaa muujinaya in 135 shaqaale gurmad iyo caafimaad ah la dilay, halka 510 kalena ay ku dhaawacmeen weerarrada Israa’iil.

    Si kastaba ha ahaatee, tirada dhabta ah ee dadka ku dhintay weerarrada ayaa laga yaabaa inay ka badan tahay tan la sheegay, iyadoo weli ay jiraan dad la la’yahay oo aan la helin.

  8. War deg deg ah, Baarlamaanka Iran oo qaaday tallaabo looga hortagayo faragelinta shisheeye

    Baarlamaanka Iran ayaa ansixiyay qoraalkii hore ee hindise sharciyeed lagu sheegay in looga gol leeyahay in la yareeyo saameynta hay’adaha sirdoonka, dowladaha iyo hay’adaha shisheeye ee gudaha dalka.

    Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Cabbaas Goodarzi, ayaa sheegay in hindisahan loo soo bandhigay si Iran looga ilaaliyo faragelin dibadeed oo saameyn ku yeelan karta arrimaha siyaasadda, amniga iyo bulshada dalka.

    Hindise sharciyeedkan ayaa markii ugu horreysay la soo bandhigay bishii Luulyo ee sannadkii hore, waxaana bishii Oktoobar aqlabiyad cod ah ku ansixiyay guddiga Baarlamaanka u qaabilsan amniga iyo arrimaha dibadda.

    Afhayeenka guddiga, Ebrahim Rezaei, ayaa sheegay in ujeeddada hindisahan ay tahay in la xoojiyo difaaca Iran, gaar ahaan waxa dowladda Iran ay u aragto faragelin iyo isku-dayo dibadeed oo laga saameynayo gudaha dalka.

    Mas’uuliyiinta Iran ayaa sannadihii u dambeeyay marar badan walaac ka muujiyay waxa ay ku tilmaamaan isku-dayo ay hay’adaha sirdoonka shisheeye ku doonayaan inay saameyn ugu yeeshaan arrimaha siyaasadda, bulshada iyo amniga Iran.

  9. War deg deg ah, Maxey tahay sababta booqashadii Ra'iisul Wasaaraha Bangladesh ee Hindiya loo joojiyay?

    Booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh, Tariq Rahman, uu ku tagi lahaa magaalada New Delhi ee dalka Hindiya ayaa illaa hadda dib loo dhigay.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Bangladesh ayaa Axadda maanta ah si rasmi ah u sheegtay in loo baahan yahay in marka hore la abuuro jawi ku habboon safarka.

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Bangladesh, AKM Shahdal Karim, ayaa arrintan ku dhawaaqay intii lagu jiray shir jaraa’id oo lagu qabtay xaruunta wasaaradda oo ku taalla magaalada Dhaka.

    Warbaahinta Hindiya ayaa horay u sheegtay in Tariq Rahman uu Hindiya booqan karo bartamaha toddobaadka soo socda, iyadoo booqashadu qaadan lahayd laba maalmood. Saraakiisha Bangladesh ee Dhaka ayaa sidoo kale toddobaadkii hore sheegay in diyaar-garow loogu jiro booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee Hindiya.

    Afhayeenka wasaaradda ayaa sheegay in Bangladesh ay ka codsatay dowladda Hindiya inay si degdeg ah ugu soo celiso Bangladesh Sheekh Hasina iyo dad kale oo baxsad ah, isla markaana ay Bangladesh ku wareejiso dadka looga shakisan yahay dilka Shahiid Sharif Usman Hadi, iyadoo la adeegsanayo heshiiska labada dal ee isu-dhiibista eedeysanayaasha.

    “Bangladesh waxay hadda sugaysaa jawaabta dowladda Hindiya,” ayuu yiri afhayeenku.

    Tariq Rahman ayaa markii uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh lagu casuumay inuu booqdo Hindiya. Casuumaadda rasmiga ah waxaa u gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, markii Afhayeenka Lok Sabha, Om Birla, uu Bangladesh u tagay xafladdii dhaarinta Tariq Rahman.

  10. War deg deg ah, Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenkii dila ama soo qabta askari Mareykanka

    Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney kasta oo disha ama qabata askari Mareykan ah, kadibna u soo dhiibta dowladda.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale ragga sameeya arrintaas iyagana la siin doono $30,000, oo uu sheegay inay u dhiganto 5 bilyan oo oo lacagta Iran ah.

    Hatami ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay shir loo qabtay munaasabadda Maalinta Saxafiyiinta.

    Waxa kale oo uu sheegay in qofkii ku guuleysta inuu dilo askari Mareykan ah la siin doono abaalmarin laba jibbaaran iyo hub cusub. Hubkaas, ayuu sheegay, in lagu keydin doono matxaf loogu talagalay in lagu xuso dadka falalkaas sameeya.

    Warar dheeraad ah:

  11. Ergeyga Trump oo la kulmay madaxweynaha Masar

    Madaxtooyada Masar ayaa sheegtay in Jared Kushner, oo ah ergeyga Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay, uu la kulmay Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, ayna ka wada hadleen hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta Qasa ee uu Maraykanku taageerayo.

    Xafiiska madaxtooyada Masar ayaa sheegay in wada-hadalladii ka dhacay magaalada xeebta ah ee El Alamein, oo ku taalla xeebta Badda Mediterranean-ka, labada dhinac ay “adkeeyeen” muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan waajibaadkooda iyo ballanqaadyadooda.

    Dhanka kale, Xamaas ayaa sheegtay in wafdi ka socda kooxda uu ku sugan yahay Qaahira, si uu ula socdo u hoggaansanaanta Israa’iil ee heshiiska.

    Israa’iil ayaa qorshahan diidday toddobaad ka hor, iyadoo sheegtay in ka bixitaanka ciidamadeeda ee Gaza uu ku xirnaan doono in Hamas marka hore wareejiso dhammaan hubkeeda.

    Xamas waxay oggolaatay hub-ka-dhigis marxalado ah, iyadoo shardi ka dhigtay in Israa’iil ay isla waqtigaas ciidamadeeda kala baxdo Qasa.

  12. Ergayga Trump oo la kulmay wafdi ka socda Xamaas oo ku sugan Masar

    Saraakiil Falastiini ah ayaa sheegay in Jared Kushner, oo ah ergeyga Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay, uu la kulmay wafdi ka socda Xamaas intii uu booqasho ku joogay Masar, si looga wada hadlo hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta Qasa ee uu Maraykanku taageerayo.

    Wafdiga Xamas, oo uu hoggaaminayo Khalil al-Hayyah, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxda, ayaa Qaahira u jooga wada-xaajoodyo.

    Jared Kushner ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u safro Israa’iil si uu uga qayb galo wada-xaajoodyo dheeraad ah.

    Dhowaan, Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka qodob ee Donald Trump ee Qasa, isagoo sheegay in Israa’iil aysan sinaba uga bixi doonin Marinka Qasa ilaa Xamaas gebi ahaanba hubka laga dhigo.

  13. Israa’iil oo soo saartay diginin loo jeediyey saxafiyiinta dalkaas

    Hay’adda amniga gudaha ee Israa’iil, Shin Bet, iyo Agaasinka Qaranka ee ka hortaga weerarada internerka ee dalkaas ayaa ka digay dadaallo sii kordhaya oo ay wadaan wakiillo sirdoon oo Iiraan ah, kuwaas oo isku dayaya inay weerarro xog jabsasho ah ku qaadaan saxafiyiinta Israa’iil iyo shaqaalaha warbaahinta.

    Labada hay’adood ayaa sheegay in dadaalladan lagu ogaaday marxalado hore, ayna ujeeddadoodu tahay in lagu helo xog xasaasi ah xilli ay socdaan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo amni oo dhowaan dhacay.

    Sida lagu sheegay warbixinta telefishinka Israa’iil ee Kanal 11, oo ay labada hay’adood soo saareen, wakiillada Iiraan waxay inta badan saxafiyiinta kula xiriiraan barnaamijyada fariimaha sida WhatsApp iyo Telegram. Mararka qaar waxay iska dhigaan dad caan ah, iyagoo soo jeedinaya iskaashi warbaahineed ama wareysi, kadibna qofka waxay u diraan xiriiriye u muuqda casuumaad lagu doonayo inuu kaga qayb galo kulan internetka ah.

    Hay’adahan ayaa sheegay in xiriiriyeyaashaas ay qofka u horseedi karaan bogag xog jabshasho ah oo loogu talagalay in lagu xado xogta gelitaanka akoonka Google, ama faylal iyo xiriiriyeyaal waxyeello leh oo awood u leh inay gudaha u galaan taleefanka gacanta ee dhibbanaha.

    Saraakiisha amniga Israa’iil ayaa sheegay in hawlgalku ujeeddadiisu tahay in la helo marin loo maro ilaha wararka ee saxafiyiinta, fariimahooda iyo xogaha kale, kuwaas oo loo adeegsan karo ururinta sirdoonka iyo fulinta hawlgallo lagu dhex-galo ama lagu saameeyo dadka.

  14. Sheekada caanka noqotay ee ay haweenaydan qortay balse mar madbacaduhu diideen inay u daabacaan

  15. Taliyaha ciidanka Iiraan oo shaaciyey qorshe ay diyaareeen

    Amir Hatami, Taliyaha Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, ayaa sheegay in ciidanku diyaariyay qorshe cusub oo dhigaya in qof kasta oo dila ama qabta askari Mareykan ah oo soo wareejiya uu heli doono “abaalmarin u dhiganta 30,000 dollar.

    Wuxuu sheegay in abaalmarinta haweenka ay laba jibbaar ka noqon doonto tan ragga, taas oo noqonaysa 60,000 dollar.

    Hadalladan ayuu ka jeediyay xaflad lagu xusayay Maalinta Saxafiyiinta, oo lagu qabtay Ururka Siyaasadda iyo Fikirka Ciidanka.

    Taliyaha ciidanka Iran ayaa intaas ku daray: “Hubka qof kasta oo ku guuleysta inuu dilo gardarro-wade Mareykan ah waxaa lagu iibsan doonaa qiime laba jibbaar ah, waxaana qofkaas la siin doonaa hub cusub. Hubkii qofkaasna waxaa lagu hayn doonaa matxaf si qorshaysan loo diyaariyay.”

  16. Xaggee buu joogaa Ashraf Ghani, maxaase uu u qarinayaa halka uu deggan yahay?

  17. Wasaaradda Difaaca Ruushka oo sheegtay in Ukraine qaaday weerarkii ugu ballaarnaa tan iyo bilowgii sanadka

    Wakaaladda wararka ee dowladda Ruushka ee Tass ayaa sheegtay in Ruushku uu habeenkii xalay soo riday 822 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn (drones) ah oo laga leeyahay Ukraine, iyadoo soo xiganaysa Wasaaradda Difaaca.

    Waxay soo xigatay Wasaaradda Difaaca Ruushka oo sheegtay in weerarka Ukraine uu ahaa midkii ugu ballaarnaa ee la arko tan iyo bilowgii sanadkan.

    Horay, Duqa magaalada Moscow Sergei Sobyanin ayaa sheegay in la hor-istaagay in ka badan 600 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga leeyahay Ukraine, kuwaas oo ku sii jeeday caasimadda Ruushka.

    Warar dheeraad ah:

  18. 44 warshadood oo dawooyinka soo saara iyo toddoba farmashiye ayaa la weeraray intii lagu jiray dagaalkii 40 ka maalmood

    Madaxa Hay'adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Iran ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan dhacay la weeraray oo waxyeello loo geystay "44 warshadood oo dawooyinka soo saara iyo toddobo farmashiye," isla markaana "50" qof oo ka tirsan bahda dawooyinka ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen dagaalkaasi.

    Mehdi Pirsalehi ayaa sheegay in lacagta qalaad loo qoondeeyay oo kaliya soo dejinta dawooyinka, isla markaana yaraanta sahayda dawooyinka ay sabab u tahay xaddidnaanta kheyraadka lacagta qalaad ee dalka iyo saamiga loo qoondeeyay qaybtan.

    Wuxuu sidoo kale xusay in saamiga qaybta caafimaadka ee wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) ee waddamada horumaray uu yahay "in ka badan 10 boqolkiiba, halka dalkeenna uu yahay qiyaastii 4 boqolkiiba," iyadoo isla markaasna uu hoos u dhac ku yimid wax-soo-saarka guud ee dalka, haddana ay lagama maarmaan tahay inaan daboolno baahiyaha dadweynaha.

    Warar dheeraad ah:

  19. Shan qof oo lagu dilay weerarro dhanka cirka ah oo cusub oo Ruushku ka fuliyay guud ahaan Ukraine.

    Waxaa la soo sheegay in muwaadin kale oo Ukraine ah (kii shanaad) uu ku dhintay weerarro Ruushku uu xalay qaaday.

    Duqa magaalada Kryvyi Rih ayaa sheegay in nin 44 jir ah, oo horey loo waayay, meydkiisa laga helay burburka hoostiisa.

    Qof kale ayaa dhintay, halka 14 shaqaale ah oo ka tirsan warshad birta lagu farsameeyo ay ku dhaawacmeen. Ruushku wuxuu sheegay in goobtaas lagu samaynayay qaybo ka mid ah hubka.

    Labo qof oo da'doodu u dhaxayso 60-meeyada ayaa dhintay ka dib markii guri uu ku burburay magaalada Zaporizhzhia. Hay'adaha gurmadka degdegga ah ayaa sheegay in la damiyay dab ka kacay suuq ku yaalla Kyiv, ka dib markii suuqaas la weeraray xalay.

    Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in lix qof ay ku dhaawacmeen magaalada ka dib afar mowjadood oo weerarro cirka ah ay dhaceen xalay iyo saaka.

    Madaxweynaha ayaa xusay dhimashada qofka shanaad oo dhacday fiidnimadii shalay magaalada Sumy, halkaas oo gaari la weeraray.

    Ruushku wuxuu sheegay in weerarradii uu xalay ku qaaday Kyiv ay bartilmaameedsanayeen goob lagu samaynayay qaybo ka mid ah gantaallada Flamingo ee Yukreyn, iyo sidoo kale warshad soo saaraysay qaybo loogu talagalay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

    Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa sheegtay inay gobolka Poltava ku weerartay xarunta sifeynta shidaalka ee Kremenchuk, taas oo ay sheegtay inay shidaal siiso ciidamada Yukreyn. Ruushku wuxuu sheegay inuu weeraray markab xamuul oo u dhowaa magaalada Odesa, isagoo ku eedeeyay inuu siday qalab militari.

    Warar dheeraad ah:

  20. Huruudda oo ku faafaysa dunida, hadaba ma la cadeeyay faa'iidadeeda?