Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa daaha ka qaadday in
cabbitaanka koob shaaha ah ama kafee ah maalin kasta ay kaa ilaalin karto
da’da, sidoo kalena ay ka hortagi karto daciifnimada jirka iyo gabowga.
Sida uu daabacay wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa
Ingiriiska, daraasaddan waxaa sameeyay koox ka socotay Jaamacadda Qaranka ee
Singapore, waxaana ka qayb qaatay 12,000 oo qof, oo da’doodu u dhaxayso 45 ilaa
74 jir, kuwaas oo shaah cabayey muddo 20 sano ah.
Ka qaybgalayaasha Daraasadda ee da'doodu ay tahay celcelis
ahaan 53, jir ayaa la waydiiyay sida cabitaanka shaaha iyo qaxwaha u caawiyay
iyo awoodda ay ka helaan marka ay cabaan .
Sid0o kale dadka da’doodu gaadhay 73 jir ayaa waxa la
waydiiyay su’aalo la xariira shaaha iyo kaalinta uu ka qaatay xoojinta jirka
iyo awoodda .
Cilmi-barayaashu waxay sheegeen in ay jiraan dhawr arrimood
oo muujinaya qofka la ildaran tabar-darrida jireed oo ah mid da’ ay keentay,
miisaanka oo yaraada, daal, gaabiska socodka , iyo daciifnimada murqaha kuwaas
oo dhaaman shaahu xoojin karo.
Cilmi baaristu waxay muujiyeen in 84 boqolkiiba ka
qaybgalayaashu ay sheegeen in ay si joogto ah u cabbaan kafeega, halka 12
boqolkiiba ay sheegeen in ay cabbeen shaaha.
In ka badan saddex-meelood laba oo ah (68.5 boqolkiiba)
waxay tilmaameen in ay cabaan maalinkii hal koob kafeega ah , halka 42.2
boqolkiiba ay cabaan laba ilaa saddex koob maalintii, ayada oo 4.9 boqolkiiba
ay cabbaan 4 koob ama ka badan maalintii.
Natiijooyinka waxay muujiyeen in cabbitaanka kafeega ama
shaaha ee da'da dhexe qofka ku jira ay waxtar u leedahay, waxaana daraasadda
lagu sheegay in kafeega uu aad u wanaagsan yahay marka labadooda la is
barbardhigo.
Daraasadan la daabacay ayaa xaqiijisay in cabbitaanka laba
ilaa saddex koob oo kafee ah maalin kasta ay si weyn u dheerayn karto nolosha
qofka .Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa cabayay shaaha iyo
kafeega kumanaan qarni ka hor iyagoo u arka inuu wanaagsan yahay.
Daraasado badan ayaa muujiyay in shaaha uu kaalin mug leh ka
qaato habka difaaca jirka, la dagaalanka caabuqyada sababa bararka, xanuunada
kansarka iyo wadna xanuunka.Khubarada cuntada ee dalka Maraykanka ayaa horay shaaca uga
qaaday in Shaaha uu jirka u leeyahay faa’iido caafimaad oo ay ka mid tahay
korriinka jirka.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Shaaha bigayska ee sida
joogtada ah loo isticmaalaa uu jirka u leeyahay faa’iido aan la soo koobi
karin, sababtoo ah waxa ku jira, Maadada loo yaqaan Flavonoids iyo Antioxidants
oo ah maadooyin la dagaalama waxyaabaha gabowga jirka ku dhaliya isla markaana
firfircooni galiya dhiiga iyo koriinka jirka oo wasakhda ka saara.
Iyadoo uu shaaha iyo kafeegu leeyihiin dhammaan
faa’idooyinkaas ayaa haddana waxaa jira khataro caafimaad oo ka dhalan kara
haddii uu qofka si xad dhaaf ah u isticmaalo.
Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa ka mid ah haddii aad kafeega si
xad dhaaf ah aad u cabto, taas ayaa laga yaabaa inay kuu horseeddo neerfahaaga
oo aad u kaco iyo degenaansho la'aan, waxaana laga yaabaa inay carqaladeyso
hurdadaada.
Ugu danbeeyna xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa qaba in
shaaha iyo kafeega ay muhiim yiiin, balse waxaa ay ku taliyeen in aan si xad
dhaaf ah loo cabin, sokortana laga yareeyo, ama haddii loo bahdo aan lagu
darin.