You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Netanyahu oo UK ku tilmaamay "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain"
Afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa difaacay hadalka Benjamin Netanyahu, isagoo taageeray aragtida hoggaamiyihiisa ee ah in Ingiriiska lagu tilmaamo "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain."
Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay podcast ka baxa Raadiyaha Ciidanka Israa'iil ku xusuustay inuu mar la kulmay wiilka uu awoowaha u yahay Winston Churchill, oo uu ku tilmaamay "qof Israa'iil jecel". Hase yeeshee, wuxuu sheegay in maanta aysan suurtagal ahayn in qof sidaas oo kale ah laga helo Ingiriiska.
Wuxuu intaas ku daray in Ingiriiska maanta uu yahay "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain."
Dowladaha UK iyo Israa'iil ayaa muddo dheer ahaa xulafo dhow, balse wixii ka dambeeyay dagaalka Gaza, xiriirkooda waxaa soo kala dhex galay khilaafyo sii xoogeysanaya.
Tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday, xiriirka labada dowladood ayaa sii xumaaday, iyadoo ay soo baxeen xiisado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.
Xiriirka taariikhiga ah ee UK iyo Israa'iil
Britain waxay ka mid ahayd waddamadii door weyn ka qaatay aasaaskii Israa'iil. Tusaalaha ugu weynna waa Bayaankii Balfour, oo loo arko mid ka mid ah dhagaxyadii aasaaska u ahaa samaysanka Israa'iil.
Sannadkii 1917, Britain waxay dhulkii Falastiin kala wareegtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxay sidoo kale taageertay in dadka Yuhuudda ah ay Falastiin ka samaystaan deegaan ay ku noolaadaan. Arrintan waxaa lagu muujiyay Bayaankii Balfour.
Bayaankaas oo ka koobnaa qiyaastii 60 eray ayaa lagu sheegay in Britain ay taageerayso in dadka Yuhuudda ah ay Falastiin ka sameystaan "guri qaran". Isla bayaankaas waxaa lagu daray in aan la samayn karin wax tallaabo ah oo wax u dhimaysa xuquuqda madaniga ah iyo tan diimeed ee dadka aan Yuhuudda ahayn ee ku nool Falastiin.
Bayaanka waxaa ansixiyay wasiirkii arrimaha dibadda Britain xilligaas, Arthur Balfour, waxaana lagu daray warqad loo diray hoggaamiyihii dhaqdhaqaaqa Siyonistaha ee xilligaas.
Dhaqdhaqaaqa Siyonism-ka wuxuu u ololaynayay in dadka Yuhuudda ah ay helaan xaqa aayo-ka-tashiga iyo dhul ay ku dhistaan dal u gaar ah, kaas oo ku fidsanayay dhulka u dhexeeya Badda Mediterranean-ka iyo daanta bari ee Webiga Urdun. Dhulkaas, si kastaba ha ahaatee, wuxuu ahaa dhul Falastiini ah.
Bayaanka Balfour wuxuu sheegay in dowladda Britain ay taageerayso in dadka Yuhuudda ah ay "guri qaran ka sameystaan dhulka Falastiin" oo ay halkaas kula noolaadaan dadka kale ee deegaanka.
Si kastaba ha ahaatee, bayaanku wuxuu dadka Falastiiniyiinta ku tilmaamay oo keliya "bulshooyinka aan Yuhuudda ahayn", isaga oo aan si toos ah magacooda u xusin.
Dhanka kale, Carabtu waxay hore Britain uga heleen ballanqaadyo ku saabsan taageerada madaxbannaanida dhulalka Carabta ee hoos imaanayay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka. Dalalka Carabtu waxay fahamsanaayeen in dhulka Falastiin uu qayb ka yahay dhulalkaas, inkastoo magaca Falastiin uusan si cad uga muuqan ballanqaadyadii Britain.
Sidaas darteed, maanta qaar badan oo Falastiiniyiin ah waxay u arkaan siyaasaddii Britain ee xilligaas inay ahayd mid door weyn ka qaadatay dhibaatada iyo colaadda ka dhalatay arrinta Falastiin.
Shaqadii maamul ee Britain loo dhiibay Falastiin waxay bilaabatay 1920, iyadoo ujeeddadu ahayd in loo diyaariyo dhulkaas mustaqbalka madaxbannaani. Dhanka kale, tirada Yuhuudda u soo guuraysay Falastiin ayaa sii kordhaysay.
Sannadkii 1939, Britain waxay xaddiday tirada dadka Yuhuudda ah ee sannad kasta u soo guuraya Falastiin, iyadoo dejisay in aanay ka badnaan 10,000 qof sanadkii, marka laga reebo xaalado gaar ah.
Markii cadaadiskii iyo dilalkii Yuhuudda ee Nazi-ga, oo loo yaqaan Holocaust, ay sii xoogaysteen, gaar ahaan 1940-meeyadii, dad badan oo Yuhuud ah ayaa bilaabay inay u haajiraan Falastiin.
Xilligaas, kooxaha Yuhuudda qaarkood waxay bilaabeen inay cadaadis iyo dagaal kula kacaan maamulka Britain, iyagoo doonayay in la dhiso dowlad Yuhuud ah oo madax-bannaan.
Markii xaaladdu sii xumaatay, sannadkii 1947, Qaramada Midoobay waxay soo jeedisay in Falastiin loo qaybiyo laba dal — mid Carab ah iyo mid Yuhuud ah. Qorshuhu wuxuu sidoo kale soo jeediyay in Qudus iyo nawaaxigeeda lagu hoos geeyo maamul caalami ah.
Markii Mandate-kii Britain ee Falastiin uu dhammaaday sannadkii 1948, Israa'iil waxay ku dhawaaqday inay tahay dal madax-bannaan, waxaana markii dambe ay xubin ka noqotay Qaramada Midoobay.
UK waxay Israa'iil si rasmi ah xiriir diblomaasiyadeed ula yeelatay 1950. Tan iyo markaas, labada dal waxay yeesheen xiriirro xooggan oo dhinacyada dhaqaalaha, milatariga, amniga iyo tiknoolajiyadda ah.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka UK iyo Israa'iil ayaa xilligan wajahaya caqabado iyo khilaafaad, gaar ahaan sababo la xiriira dagaalka Gaza.