You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War weyn oo uu soo saaray Taliska Dhexe ee Maraykanka

    Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay dadaallada lagu dhisayo “cutubkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka kooban dalal badan, kana shaqeeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarka, kuna shaqeeya meelo kala duwan” ee Bariga Dhexe.

    Maraykanku wuxuu sheegay inuu bilaabay wadatashiyo uu la yeelanayo dalalka iyo saaxiibbada gobolka, isla markaana uu si rasmi ah ugu martiqaadayo inay ka qaybqaataan.

    Warkan ayaa soo baxay xilli Taliyaha CENTCOM, Brad Cooper, uu booqasho ku tegayay qaar ka mid ah dalalka gobolka, oo ay ku jirto Sacuudiga.

    CENTCOM ayaa sheegtay in cutubkan oo loo bixiyay Falcon Strike Task Force uu ka koobnaan doono diyaarado aan duuliye lahayn oo hal matoor leh, kuwaas oo awood u leh inay ka hawlgalaan hawada ka sarreysa badda, dusha badda, iyo xitaa biyaha hoostooda.

    CENTCOM waxay sheegtay in Maraykanka iyo saaxiibbadiisa gobolka ay si wadajir ah u hawlgelin doonaan cutubkan. Waxa uu sidoo kale yahay sii wadid iyo ballaarin lagu sameeyay qorshihii hore ee Maraykanka ee loo yaqaan “Scorpion Strike”, kaas oo la sameeyay sagaal bilood ka hor, iyadoo loo adeegsanayo diyaarado aan duuliye lahayn oo weerar ah.

    Maraykanku wuxuu sheegay inuu diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka tirsan Scorpion Strike Special Operations Group u adeegsaday weerarro lagu qaaday dekedaha koonfurta Iran, waxaana isla shaqaalihii cutubkaas hadda loo qorsheeyay inay hawlgeliyaan Falcon Strike Group iyagoo kaashanaya dalalka gobolka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Sida qoraal baraha bulshada lagu faafiyay uu u kiciyay mowjado khaldan oo ka dhan ah muhaajiriinta Liibiya

  3. Maxaa ka socda Marinka Hormuz?

    Marinka muhiimka u ah ganacsiga ee Hormuz waxaa weli saaran xannibaado iyo ciriiri la xiriira isu-socodka maraakiibta, iyadoo khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Iran ee ku saabsan gacan-ku-haynta marinka uu sii xoogeysanayo.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters, xogta shirkadda dabagalka maraakiibta ee Kepler waxay muujinaysaa in:

    Khamiistii, tirada maraakiibta maray marinka ay wax yar ka badnayd 12-kii markab ee maray Arbacadii.

    Sagaal markab ayaa Khamiistii ka gudbay marinka, marka loo eego shan markab oo Arbacadii gudbay.

    Shantii markab waxay galeen Gacanka Faaris, halka afar kale ay ka soo baxeen Gacanka una gudbeen Gacanka Cumaan.

    Inta badan maraakiibtaasi waxay raaceen waddooyinka maraakiibta ee Iran.

    Si kooban, isu-socodka Marinka Hormuz wuu socdaa, laakiin weli waa xaddidan yahay, iyadoo xiisadda Maraykanka iyo Iran ay sii kordhayso.

    Dhanka kale, kumannaan askarta Maraykanka ah oo in ka badan 250 maalmood ku sugan markabka diyaaradaha qaada ee USS Abraham Lincoln ayaa la sheegaya inay la tacaalayaan cunto yari, musqulaha oo kasii xumaanaya iyo daal faro badan, arrintan ayaa keentay in xildhibaanno Maraykan ah Pentagon-ka ka dalbadaan jawaabo ku aaddan, isla markaana ay maamulka Trump cadaadis ku saaraan joojinta dagaalka Iiraan.

    Warbaahinta milatariga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah askarta markabka ay isku dayeen inay badda isku tuuraan, iyadoo qoysaskuna ay walaac ka muujiyeen caafimaadka maskaxda ee askarta saaran markabka.

    Sidoo kale akhri

  4. Robot-ku ma noqon karaa askarta loo adeegsado dagaallada mustaqbalka

  5. Tirada dadka ku dhintay dhulgariirka Japan oo korodhay

    Roobab aan hore loo arag ayaa sababay daadad baahsan oo ka dhacay ismaamulka Chiba, oo ku dhow Tokyo ee bariga dalka Japan.

    Lix qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen. Amarro daad-gureyn ah ayaa loo soo saaray in ka badan 400,000 oo qof, halka kumannaan qof ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Narita ee Tokyo.

    Qaybo ka mid ah Chiba waxaa hal saac gudaheed ka da’ay in ka badan 10 sentimitir oo roob ah—taas oo ku dhow celceliska roobka caadiga ah ee bisha oo dhan.

    Korontaduna ayaa go’day, iyadoo kumannaan qoys ay koronto la’aan noqdeen.

  6. 25 dal oo qofka wata baasaboor Soomaaliga uu fiisaha ku qaadanayo garoonkooda

    Sannadkii 2025, liiska kala sarreynta Baasaboorada adduunka isbedel ayaa ku yimid. Dalalka qaar ayaa wali ahaa kuwo fadhiya kaalimihii ay horrey ugu jireen sanadkii ka horeeyay, halka dalalka qaarna ay muujiyeen hoos u dhac xagga liiska ah, halka qaar kalena ay sare u kaceen.

    Bogga wax ka qora jaantuska arrimaha socdaalka iyo baasaboorrada caalamka ee Henley Passport Index oo ay aqoonsan tahay hay'adda maamusha duulimaadyada caalamak ee IATA, ayaa sannad walba soo saarta liis muujinaya baasaboorrada adduunka iyo sida ay ugu kala horreeyaan fududaanta safarrada.

    Soomaaliya ayaa muujisay sare u kac xagga liiska ah marka la barbar dhigo sanadkii 2024-kii oo ay ku jirtay kaalinta 106-aad ee liiska la soo saaray.

    Wixii ka dambeeyay markii uu horaantii bishii January 2023-kii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqatay in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.

    Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.

    Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.

    Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.

    Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:

    Itoobiya, Bangladesh, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cape Verde, Comoros, Ghana, Guinea-Bissau, Laos, Lubnaan, Macao (SAR China),Madagascar, Maldives, Mauritania, Mozambique, Nigeria, Palau, Rwanda, Samoa, Senegal, Seychelles, Timor-LesteTogo iyo Tuvalu.

    Si guud baasaboor Soomaaliga ayaa ka mid ah kuwa ugu daciifsan caalamka, sida lagu muujiyay xogta sanadlaha ah ee ay soo saareen Passport Index iyo Henley oo ah shirkad kale oo qiimeysa sharciyada socdaalka.

    Baasaboorrada dalalka Yemen, Pakistan, Suuriya, Ciraaq iyo Afghanistan oo keliya ayaa ka hooseeya baasaboorka Soomaaliya oo ku jira kaalinta 103-aad.

    Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay xoojisay dadaalka ay ugu jirto ku biiritaanka waddamada xubnaha ka ah ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC, arrintaas oo haddii ay hirgasho suurtagal ka dhigi kara inuu xoogeysto baasaboorka Soomaaliya.

  7. Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Jeddah kula kulmay taliyaha CENTCOM

    Dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Salman, ayaa Khamiistii magaalada Jeddah kula kulmay Admiral Brad Cooper, oo ah taliyaha Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).

    Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA), labada dhinac waxay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca difaaca ee Sacuudiga iyo Mareykanka, xaaladda gobolka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha laguna xoojinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

    Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli xaaladda amni ee Bariga Dhexe ay aad u kacsan tahay, iyadoo Sacuudigu uu wajahayo khataro amni oo ka dhashay colaadaha gobolka.

    Sidoo kale, Sacuudiga ayaa dhawaan xoojiyay iskaashigiisa difaac ee dhinacyada kala duwan, oo ay ku jirto heshiis difaac oo uu la galay Turkiga iyo Pakistan

  8. Nolosha qoys maalin kasta cuna Loor bariis ah

  9. Falastiiniyiinta oo lagu amray inay ka guuraan guryahooda oo ku yaala Daanta Galbeed

    Qoysaska Falastiiniyiinta ah ayaa lagu war geliyay inay ka baxaan guryahooda oo ku yaalla tuulada Qusra ee Daanta Galbeed ee la haysto, xilli ciidamada Israa’iil ay hawlgal ku wadeen deegaanka si ay uga saaraan Israa’iiliyiinta deggan.

    Qiyaastii 12 qoys oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu amray inay ka baxaan guryahooda. Israa'iiliyiinta halkaas deggan ayaa tan iyo Axaddii go’doomin ku hayay saddex guri, iyagoo ka jaray korontada iyo biyaha.

    Duqa Qusra, Cabdel Casiim Waadi, ayaa BBC u sheegay in tuulada loo aqoonsaday aag ciidan oo xiran, isla markaana ciidamada Israa’iil ay qaar ka mid ah guryihii ay Falastiiniyiintu ka guureen u adeegsanayaan xeryo ciidan.

    Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ujeeddadu tahay “in la ilaaliyo dadka deegaanka.”

    Afhayeenka Israa’iil, David Mencer, ayaa BBC u sheegay in dowladda ay baaritaan sameyn doonto, dadka mas’uulka ahna la xiri doono lana maxkamadeyn doono.

    Dhammaan Israa’iiliyiinta la dejiyay dhulka Falastiin ee la haysto waxaa sharciga caalamiga ah u arkaa kuwo sharci-darro ah.

    Saddexda guri ee la go’doomiyay waxaa degganaa qoysaska Abu Ridi iyo Xasan. Dadka degganaa laba ka mid ah guryaha ayaa Khamiistii lagu amray inay ka baxaan, waxayna BBC u sheegeen inay hadda u guureen guriga saddexaad.

  10. Israa'iil oo xaqiijisay dilka sarkaal sare oo booliska Gaza ka tirsanaa

    Israa'iil ayaa waxay xaqiijisay inay dishay sarkaal sare oo ka tirsanaa booliska magaalada Gaza.

    Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay, in Jamal Abu Kamil uu ahaa taliye ka tirsan Xamaas oo ku lug lahaa weerarradii 7-dii Oktoobar dgacay.

    Dhimashadiisa waxaa hore u shaacisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza, oo sheegtay in gaarigiisa lala beegsaday weerar cirka ah.

    Wasaaradda, oo ay maamusho Xamaas, waxay Israa’iil ku eedaysay inay isku dayayso inay Gaza ka abuurto fowdo iyo qalalaase hor leh.

    IDF ayaa sheegtay inay dishay sarkaalkan oo ay ku tilmaamtay inuu yahay “argagixiso” inuu qorsheeyay oo fuliyay weerarro argagixiso.

    Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay in Golaha Nabadda uu gaaray heshiis ku saabsan hub ka dhigista buuxda ee Xamaas iyo dhammaan kooxaha hubaysan ee ku sugan Marinka Qasa.

    Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa u sheegay BBC-da in dhaqdhaqaaqu uu aqbalay qorshaha Golaha Nabadda ee dhigaya in Qasa gabi ahaanba hubka laga dhigo, isla markaana war rasmi ah dhawaan la soo saari doono.

    Dhanka Israa'iil weli wax jawaab ama faallo rasmi ah kama soo bixin.

    Trump ayaa sheegay in Israa'iil ay ka bixi doonto Marinka Qasa marka hub ka dhigistu si buuxda u dhammaato, isagoo heshiiska ku tilmaamay "tallaabo muhiim ah oo horseedaysa in ugu dambayn Qasa ay maamusho dowlad cusub oo Falastiini ah."

    Sidoo kale akhri

  11. Shan arrimood oo sahlan oo aad ku yarayn karto baruurta caloosha

    Dad badan ayaa gymka aada si ay u yareeyaan baruurta caloosha, laakiin qaarkood dhab ahaantii dheg uma dhigaan waxa loo baahan yahay in la sameeyo.

    Dufanka caloosha ayaa ah walaac ku badan dhalinyarada ka welwelsan muuqaalkooda iyo caafimaadkooda.

    Dufanka ku uruuray calooshooda awgiis ma xiran karaan dhar raaxo leh oo iyaga ku habboon.

    Dhibaatadani kaliya maaha xirashada dharka aad jeceshahay. Waxa la caddeeyey in dufanka calooshu uu khatar caafimaad keeni karo.

    Xayrtaasi waxay sababi kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan oo halis ah, oo ay ku jiraan dhiig karka, sonkorta dhiigga oo kacda, iyo dhibaatooyinka kolestaroolka.

    Cuduradani waxay ka yimaadaan baruurta ku taal aagga caloosha.

    Waxa kale oo ay kordhisaa halista nooca 2-aad ee sonkorowga iyo cudurrada wadnaha.

    Dufanka caloosha ayaa sidoo kale soo saara borotiin kale oo loo yaqaan angiotensin. Barootiinkani waxa uu keeni karaa in xididdada dhiigga ay yaraadaan iyo dhiig karka.

    Sidaa awgeed, halista waallida, neefta, iyo noocyada kansarka qaarkood ayaa kordha

    Si loo yareeyo dufanka caloosha, waxaa muhiim ah in diirada la saaro qodobbada muhiimka ah qaarkood.

    1. Wakhtiga u dhexeeya cashada iyo wakhtiga jiifka

    Laguma talin in aad wax cunto laba ilaa saddex saacadood ka hor hurdada. Kaloriyada cuntada la isticmaalo maalintii waxaa loo beddelaa tamar hawl maalmeedka.

    Si kastaba ha ahaatee, cuntooyinka la isticmaalo fiidkii uma shaqeeyaan si la mid ah wakhtiyada kale.

    Sidaa darteed waxay bilaabi doonaan in dufan lagu kaydiyo jirka, waxayna u horseedi doonaan koror miisaan.

    2. Qaado cunto dheeli tiran

    Markaad isticmaasho cuntooyinka hodanka ku ah fiber-ka, si degdeg ah uma gaajoon doontid.

    Haddii cuntadaadu ka kooban tahay fiber, marinka cuntada ee calooshaada ilaa xiidmahaaga waa is dhimi doonaa. Tani waxay kuu ogolaanaysaa inaad dheregsanaato muddo dheer.

    Ku dar borotiinka cuntadaada. Waxay kaa dhigaysaa inay dhereg ku hayso waqti dheer, waxayna yaraynaysaa rabitaanka cuntada fudud.

    Ku dar cuntooyinka hodanka ku ah borotiinka sida ukunta, misirta, caano, farmaajo, caano fadhi, kalluunka, iyo digaaga, cuntadaada maalinlaha ah.

    3. Ka fogow cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyey ee Carb ku badan yahay

    4. Hurdo kugu filan seexo

    Haddii aadan helin hurdo kugu filan, waxay saameyn kartaa hormoonnadaada gaajada, waxayna kaa dhigi kartaa inaad rabto inaad wax badan cunto.

    5. Muhiimadda jimicsiga

    Inaad firfircoonaato oo aad samayso jimicsi jireed ama nooc kasta oo tababar ah waxay caawisaa gubida kalooriyada. Tani waxay kaa caawinaysaa yaraynta baruurta, gaar ahaan baruurta ku ururta caloosha agagaarkeeda.

    Hawlaha maalinlaha ah sida socodka degdega ah, orodka, baaskiil wadidda, dabaasha ama yoga ma aha oo kaliya inay caawiyaan yaraynta baruurta, laakiin sidoo kale waxay dedejiyaan dheef-shiid kiimikada.

  12. Xaggee ku dambeeyey jilaaga Mithun Chakraborty maxaase dhex maray isaga iyo maamulka Kolkata

  13. Xaaladda Shaqaalaha Markabka diyaaradaha qaada ee Maraykanka ee sugan xeebaha Iiraan oo laga deyrinayo

  14. Xildhibaanada xisbija Jamhuuriga oo walaac ka muujiyay xaladda markab dagaal oo Mareykanku leeyahay

    Xildhibaanada xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka ayaa walaac weyn ka muujiyay xaaladda markabka diyaaradaha dagaalka qaada oo muddo dheer ku sugan Bariga Dhexe.

    Waxay sheegeen in wararka ku saabsan yaraanta sahayda, tuubooyinka biyaha ee ciladaysan iyo dhibaatooyin kale oo ka jira markabka USS Abraham Lincoln ay yihiin wax aan la aqbali karin.

    Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen daal xad-dhaaf ah iyo shaqo-gubasho, iyadoo la soo sheegay in qaar ka mid ah askarta adeegga ku jirta ay isku dayeen inay badda isku tuuraan.

    Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ayaa sheegay in xaaladda markabka Abraham Lincoln si “gebi ahaanba khaldan” loo soo bandhigay.

    Markabku wuxuu badda ku jiray tan iyo bishii Nofeembar ee sannadkii hore.

  15. War deg deg ah, Puntland oo dowladda Federaalka ku eedeesay in ay colaad ka hurineyso Gaalkacyo

    Puntland oo war qoraal ah saartay ayaa markale dowladda Soomaaliya ku eedeesay in ay qorsheeneyso hurin colaad, iyada oo lagu yiri qoraalka " Madaxweynihii Hore ee dowladda Federaalka ah, Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uu weli ku howlan yahya abaabulka colaad ka dhan Puntland", waxaana intaas lagu daray Puntland waxa ay si dhaw ula socotaa abaabullada qorsheeysan ee uu Xasan Sheekh Maxamuud ka wado waxayna ka digaysaa qorshaha safarka Xasan Sheekh ku imaanayo Koofurta Gaalkacyo ee Galmud". Puntland ayaa safarka ujeedkiisa ku sheegtay "mid looga golleeyahay in fidno iyo colaad looga abuuro magaaladaas".

    Dhanka kale Dowlad-goboleedka Galmudug oo warka ka soo baxay Puntland lagu soo hadalqaaday ayaa dhankooda ganafka ku dhuftay dhiillada colaadeed ee laga dardaarweriyey.

    Wasiirka Madaxtooyada Galmudug Maxamed Faarax Talyaani oo BBC-da la hadlay ayaa beeniyey warka sheegaya in colaad laga abaabulayo magaalada Gaalkacyo, mar ka jawaabayey waxa uu yiri "waxaa rabaa inaa kuu caddeeyo in aysan sal iyo raad toona lahayn eedeymaha ay xambaarsan tahay, Galmudug waxa ay kamid tahay JDFS madaxweynaha guud ahaan dalka ayuu madax ka yahay, booqashadiisuna waxaa filayaa in aysan ahayn ceebeyn iyo hawlo kale la socdaan".

    "Gaalkacyo ma jiraan wax dhiillo colaadeed ah oo ka jira" ayuu hadalkiisa sii raaciyey, isaga oo sheegay in uu hadda ku sugan yahay isla magaalada, inkasta oo aysan BBC-du si madax bannaan u xaqiijin karin arrimahaas.

    Dhanka booqashada ayuu wasiirku ka hadlay isaga oo tilmaamay in ay tahay mid aan wax shaqo ah ku lahayn waxa ay Puntland ku tilmaamtay. “Madaxweynaha booqashadiisu waxa ay la mid tahay kuwo uu uu tago meelo kale oo dalka, Galmudugna cid ay maanta marti uga tahay cidda inay maryigeliso madaxda qaranka oo ugu horreeyo madaxweynuhu in aysan jirin baa rabaa inaa kuu caddeeyo, xudduudaheeda iyo deegaannadeedana iyadaa ka Talisa”, ayuu yiri wasiir Talyaani.

    Maaha warqaddii ugu horreysay ee kasoo baxday Puntland, waxaana jiray in dhowrjeer oo hore ay ku eedeysay dowladda in ay qeyb ka qaadaneyso dagaallo ka dhacay meelo kamid ah maamulkaasi.

  16. War deg deg ah, Dowladda Japan oo roobabka kasoo saartay heerka ugu sarreeya digniinaha dalkaas

    Roobabkii xoogga badnaa ee Khamiistii ayaa ku qasbay Hay’adda Saadaasha Hawada Japan inay soo saarto Digniinta Degdegga ah ee Heerka 5, taas oo ah heerka ugu sarreeya ee nidaamka digniinta dalka.

    Subaxnimadii Jimcaha, digniinta ayaa hoos loogu dhigay Heerka 4, balse mas’uuliyiintu waxay weli dadka deegaanka ku boorinayaan inay feejignaadaan, gaar ahaan khatarta dhul-go’a, fatahaadaha iyo webiyada oo biyuhu ku fatahaan.

    Ciidamada Is-difaaca Japan ayaa saaka loo diray inay gacan ka geystaan daadgureynta dadka ku xayirmay saldhigyada tareennada.

    Qiyaastii 1,800 qof ayaa sidoo kale habeenkii ku hoyday dhismaha maamulka gobolka Chiba, kadib markii ay roobabka joojiyeen isu-socodka iyo adeegyada gaadiidka.

  17. War deg deg ah, Afar qof ayaa ku dhintay roobab waaweyn oo ka da’ay Japan

    Roobab aan hore loo arag oo ka da’ay gobolka Chiba ee Japan ayaa sababay dhimashada afar qof, halka kumannaan qof ay habeenkii ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Narita ee magaalada Tokyo.

    Maamulka ayaa sheegay in gobolka Chiba oo ku dhow caasimadda Tokyo uu tan iyo galabnimadii Khamiista ka da’ayeen roob ka badan 100 millimitir saacaddii.

    Tani waxay ku dhowdahay saddex jeer celceliska roobabka bisha Agoosto, waxayna noqotay roobkii ugu badnaa ee abid laga diiwaangeliyo dalka Japan.

    Roobabkaan ayaa sidoo kale sababay dhul-go’, fatahaado iyo koronto la’aan, waxaana hakaday adeegyada tareennada, basaska iyo tagaasida.

    Illaa iyo hadda In ka badan 20,000 oo guri oo ku yaalla gobolka Chiba ayey sidoo kale korontadu ka go’day.

  18. Madaxa Hay’adda Hagaajinta iyo Tayeynta Iiraan oo ka dhawaajiyey in dowladdu aysan haynin qorshe ay ku beddeleyso qiimaha shidaalka

    Esmaeil Saqab Esfahani ayaa isagoo ka hadlayay qiimaha shidaalka ee 87,000 toman ayaa yiti: “Qaar ka mid ah maamulayaashu waxay tallaabooyin ka qaadeen meel ka baxsan qaabkii loogu talagalay, go’aanno noocaas ah si iska ah uma qaadan karno.”

    Khamiistii qiimaha shidaalka lugu iibinayey ayaa ahayd 87,000 toman gobolka Kerman, taas oo la hakiyay dhowr saacadood kadib markii faahfaahintiisa la shaaciyay. Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in shidaalka uu sii ahaan doono mid loo qaybinayo sidii hore.

    Sheekooyin kale

  19. War deg deg ah, Washington Post: Maraykanku waxa uu dagaalka Iiraan ku waayay ku dhowaad rubuc ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn

    Wargeyska Washington Post, oo soo xiganaya saddex sarkaal oo Maraykan ah oo xog-ogaal u ah arrintan, ayaa sheegay in Maraykanku ay dagaalka Iiraan ku waayeen ugu yaraan 45 diyaaradood oo aan duuliye lahayn oo nooca MQ-9 Reaper ah. Tiradani waxay u dhigantaa qiyaastii 25 boqolkiiba dhammaan diyaaradaha noocan ah ee Maraykanka.

    Diyaaradahan oo midkiiba qiimihiisu u dhexeeyo 30 ilaa 50 milyan oo dollar ayaa si weyn loogu adeegsaday hawlgallada Maraykanka ee ka socda agagaarka Marinka Hormuz, oo ah marin muhiim u ah isu-socodka maraakiibta ganacsiga iyo shidaalka.

    MQ-9 Reaper waxaa loo isticmaalaa ilaalinta iyo la socodka hawada iyo fulinta weerarro bartilmaameed ah. Sida laga soo xigtay warbixinta, inkastoo ay muhiimad weyn u leeyihiin hawlgallada sirdoonka iyo milatari, hadana diyaaradaha Reaper ayaa si gaar ah ugu nugul weerarrada Iiraan iyo xoogagga ay gobolka ku leedahay ee xulafada la ah.

    Sarkaal kale oo Maraykan ah ayaa sheegay in dhammaan diyaaradaha la waayay aysan ahayn kuwo la soo riday ee waxaa jira qaar ka mid ah oo burburay kadib markii xiriirkii isgaarsiineed ee u dhexeeyay hawl-wadeennada iyo diyaaradaha uu go’ay.

    Washington Post ayaa sheegtay in khasaaraha diyaaradaha Reaper uu yahay calaamad kale oo muujinaysa culayska dagaalka Iiraan uu ku hayo hubka, qalabka iyo kaydka milatari ee Maraykanka.

    Warbixintu waxay sidoo kale xustay in qiimaha guud ee khasaaraha diyaaradaha Reaper oo keliya uu gaari karo in ka badan 1.3 bilyan oo dollar, iyadoo ku xiran qalabka iyo hubka ay diyaaradahaasi wateen.

    Sheekooyin kale

  20. Ethiopian Airlines oo magdhow $29 ah siisay qoyska mid kamid ah dadkii ku dhintay shilkii 2019

    Qoyska Michael “Mick” Ryan, oo ahaa injineer u shaqaynayay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay, ayaa helay magdhow dhan 29 milyan oo dollar, kadib markii maxkamad ku taalla magaalada Chicago ee dalka Maraykanka ay Boeing ku xukuntay inay bixiso lacagtaas.

    Ryan, oo ahaa aabbe laba carruur ah, kuna noolaa magaalada Cork balse asal ahaan ka soo jeeday County Clare ee Ireland, wuxuu ka mid ahaa 157 qof oo ku dhintay shilkii diyaaraddii Ethiopian Airlines ee Boeing 737 Max, kaas oo dhacay 10-kii Maarso 2019.

    Xaaskiisa, Naoise Connolly Ryan, ayaa dacwad madani ah ka gudbisay shirkadda Boeing, iyadoo dalbanaysay in shirkadda lala xisaabtamo geerida ninkeeda. Xeerbeegtida maxkamadda Chicago ayaa ugu dambayn qoyska Ryan u xukuntay 29 milyan oo dollar oo magdhow ah.

    Qareenka qoyska, Steven C Marks, ayaa sheegay in inkastoo lacag aysan dib u soo celin karin nolosha Michael Ryan ama aysan meesha ka saari karin murugada qoyskiisa, haddana go’aanka maxkamaddu uu yahay tallaabo muhiim ah oo dhinaca isla xisaabtanka iyo caddaaladda ah.

    Boeing ayaa sheegtay inay si qoto dheer uga xun tahay dhammaan dadkii ku waayay eheladooda shilalka diyaaradaha Lion Air iyo Ethiopian Airlines. Shirkaddu waxay sidoo kale sheegtay in qoysasku xaq u leeyihiin inay dacwadooda maxkamad geeyaan, ayna ixtiraamayso xaqaas.

    Shilku wuxuu dhacay lix daqiiqo kadib markii diyaaradda, oo ka duushay Addis Ababa kuna sii jeeday Nairobi, ay hawada gashay. Baaritaannadu waxay muujiyeen in laba dareemayaal oo cabbira jihada diyaaradda ay bixiyeen xog is-khilaafsan, taas oo dhaqaajisay nidaam otomaatig ah oo diyaaradda sankeeda hoos u riixayay. Inkastoo duuliyayaashu isku dayeen inay nidaamka damiyaan oo ay diyaaradda xakameeyaan, haddana diyaaraddii ayaa ugu dambayn dhulka ku dhacday.