You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Xuutiyiinta oo weeraray warshadda sifeynta shidaalka ee Sacuudiga

    Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay inay mar kale diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ku bartilmaameedsadeen warshadda sifaynta shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco taas oo ku taala magaalad Jizan..

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xuutiyiinta, Saba News Agency, weerarka waxaa loo qaaday aargoosi ay ku sheegeen xadgudub lagu sameeyay hawada Yemen.

    Wakaaladdu waxay soo xigatay ilo milatari oo sheegay in Xuutiyiintu dhowr drone ku bartilmaameedsadeen xarumaha warshadda Aramco ee Jizan, iyagoo sheegay in weerarku ahaa jawaab ka dhan ah “xadgudubka hawada ee gobollada Saada iyo Hajjah” ee Yemen.

    Xuutiyiinta, oo xulufo la ah Iran, waxay sidoo kale horey u weerareen maraakiib shidaal oo Sacuudigu leeyahay oo marayay Badda Cas, waxayna dhowr jeer bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

    “Waxay sidoo kale marar badan bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudi Carabiya.”

    Sidoo kale akhri

  2. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay horjooge maleeshiyaad

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ay shalay, 17-kii Agoosto 2026 degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa maleeshiyaadka ka howlgala gobolka.

    War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ayay ku sheegtay in horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo 50 jir ahaa, kuna dhashay degmada Ruunirgood.

    Waxay sheegtay inuu Xasan Calasow Raage ka tirsanaa horjoogayaasha ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo sido kale horjoogaha gaadiidka gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan madaxa Sakawaadka degmada Ruunirgood, isagoo ahaa horjooge si weyn looga yaqaanay degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, sida ay sheegtay wasaaraddu.

    “Labada dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    “Horjoogahan ayaa dadka ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca hantida iyo xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, isaga oo sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan degmada”, ayay intaas raaciyeen.

    Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa dadaallada ay dadka deegaanku kula dagaallamayaan maleeshiyaadka Khawaarijta, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesteen dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayay tiri

  3. Waa kuma Laftagareen?

    Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

    Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen), ayaa War-saxaafadeedka ku sheegay in ciidamadu ay ku jiraan hawlo la xiriira sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo sidoo kale lagu dhaleeceeyay wararka iyo tallaabooyinka lagu doonayo in ciidamadaas lagu wiiqo.

    Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlaha ay u arkaan inay muhiim u yihiin amniga iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, wuxuuna ka digay faragelin lagu sameeyo ciidamadooda.

    Laftagareen ayaa difaacay ciidamadiisa kuwaas oo hadda ka hawlgala bannaanka magaalada, isagoo sheegay in ay u taagan yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, isla markaana aan la aqbali doonin faragelin lagu sameeyo.

    Waa kuma Laftagareen?

    Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2018 loo doortay madaxweynaha Koofur Galbeed.

    Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

    Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

    Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

    Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

    Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

    Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

    Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

  4. Doon samafal ah oo badbaadisay muhaajiriin ay Soomaali ka mid yihiin iyadoo ku dhowaad 10 ay dhinteen

    Markabka samafalka ee gurmadka degdegga ah, ee EMERGENCY, ayaa badbaadiyay 50 muhaajiriin ah oo ku safrayay doon alwaax ka sameysan oo ku sugnayd biyaha caalamiga ah ee Liibiya Isniintii, halka toddoba kalena meydadkooda la helay, sida ay sheegtay hay'adda samafalka.

    Labo qof ayaa xaalad halis ah ku jira oo neef qabatin qaba waxayna u baahdeen daadgureyn caafimaad oo degdeg ah, sida ay sheegtay hay'adda EMERGENCY oo qoraal ay u dirtay Reuters ku sheegtay, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

    Dadka badbaaday ayaa sheegay inay ka baxeen magaalo-xeebeedka Zuwara ee Libya 16-kii Agoosto, waxayna ka yimaadeen Soomaaliya iyo Masar, sida ay sheegtay hay'adda samafalka.

    Kooxda muhaajiriinta waxaa ku jiray 45 rag ah, shan dumar ah iyo 29 ka mid ah waxay ahaayeen carruur aan cidna la socon, ayay raacisay.

    Wararkii ugu dambeeyay ee dhanka tahriibka markaan eegno:

    Sida ay wararku sheegayaan, mas'uuliyiinta Morocco ayaa dhawaan qabtay tobannaan muhaajiriin ah oo doonayay inay u gudbaan Ceuta, oo ah dhul ay Spain ku leedahay Waqooyiga Afrika.

    In ka badan 100 qof ayaa laga hor istaagay inay u dhaqaaqaan dhanka xadka oo ku yaalla duleedka magaalada Fnideq, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah oo Morocco ah, kuwaas oo ay soo xigteen warbaahinta Spain iyo wakaaladda wararka Reuters.

    Arrintan ayaa dhacday laba toddobaad kaddib markii ku dhowaad 78,000 oo muhaajiriin ah ay saacado gudahood badda kaga soo gaareen Ceuta. Duqa magaalada ayaa sheegay in 100 ka mid ah ay dhinteen, halka inta badan dadkii soo gaaray ay dib ugu laabteen Morocco.

    Sidoo kale akhriso:

  5. Dawo cusub oo loo helay dhalmo la'aanta ragga

    Dhalmo la’aanta waxay saameysaa toddobo boqolkiiba dhedigga dunida ku nool. Laakiin hadda mashiino casriga ah ee Garaadka Macamalka (artificial intelligence, AI) ayaa hadda muujinaya rajo ah inay dhibaatadaas wax ka qaban karaan.

    Dhibaatada dhalmo la'aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada, waana mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena furriinka.

    Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan. Dalalka qaar, lamaaneyaasha arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira gogol dhaaf.

    Sida uu sheegay Dhakhtar Steven Vasilscue, barnaamijka Garaadka Macamalka ee isaga iyo saaxiibadii soo saareen waxa uu ku ogaan karaa shahwada ragga aan dhaleynin kun jeer in ka degdeg badan indhaha qof loo tababaray helista.Dhakhtar Vasilescu wuxuu sheegay in sameynta howshan ay dad badan ku qaadaneyso 6 ilaa 7 saacadood, waana howl leh daal iyo khalad.

    “Marka uu dhakhtarka eego mikroskoobka waxa uu arkayaa waa unugyo birbirqaya.”

    Wuxuu intaas ku daray “Waa dhiig iyo hilib. Waxaa suuragal ah in shahwada ay tahay 10 balse waxaa ku jira malaayiin kale.”

    SpermSearch waxa uu manida caafimaadka qabta ku heli karaa ilbiriqsiyo marka muuqaallada baarista shahwada lagu shubo kombuyuuterka. Si loogu qabto howsha degdeg waxay Dhakhtar Vasilescue iyo saaxiibadii sameeyeen Garaadka Macmalka (AI) kaas oo heli kara shahwada.

    Kooxda jaamacadda UTS waxay sheegeen in SpermSearch oo kun jeer ka dheereeyo dhakhaatiirta khibradda leh. Tan ma ahan in ay meesha ka saareyso dhakhaatiirta shaqadooda ee howsha ayey fududeynee.Dr. Sarah Martins da Silva waxay aaminsan tahay in xawaaraha ceynkan oo kale uu muhiim yahay. “Muhiimadda waa waqtiga,” ayey tiri.

    Waxyaabo badan ayaa ragga ka dhiga in aysan waxba dhalin sida cabista sigaarka, cunto xumo, jimicsi la’aan, walbahaarka badan iyo waxyaabo kale.Dhakhtar Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la xiriira taranka ragga ayaa BBC-da u sheegay sababaha ugu waawayn ee keena dhalmo-la'aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar, xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada.

    Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto.

    Dhinaca kale, shirkad bacriminta qaabilsan ee fadhigeedu yahay Belfast, caasimadda Waqooyiga Ireland, Examen, ayaa adeegsata farsamo lagu ogaanayo hiddosidaha waxyeeleysan ee ku jira shahwada qofka.Prof. Sheena Lewis iyo kooxdeeda waxay sameynayeen farsamadan in ka badan 20 sano.

    Barafasoor Lewis oo ka tirsan jaamacadda Belfast ayaa aaminsan inkastoo Garaadka Macmalka uu horumarayo hadana caafimaadka wuxuu ku socdaa si aad gaabis ah.Kaddib tijaabooyin aan badneyn SpermSearch waxay ku jirtaa marxalad bilow ah. Labo ilaa shan sano ayey qaadaneysaa in ay suuqa timaado.

    Howsha ma dhawa. Wax kasta oo aan sameyn karno waa farxad balse ma noqoneyso daawo suuqa taal.

  6. Ma dhici kartaa in Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistaan ay sameystaan isbahaysi Muslim ah?

  7. Mrkab lagu weeraray Marinka Hormuz

    Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan markab lagu bartilmaameedsaday qalab aan la aqoon oo hawada laga soo tuuray, xilli uu marayay Marinka Hormuz.

    Hay’addu waxay intaas ku dartay in dhacdadu ay sababtay burbur ku yimid qaybta matoorka markabka, halka hal shaqaale uu ku dhintay.

    Sida warbixintu sheegtay, Ilaalada Xeebaha Cumaan ayaa hadda wada dadaallo lagu badbaadinayo shaqaalaha kale ee markabka.

    UKMTO waxay sheegtay inaan wax wasakhow ama waxyeello deegaanka ah laga soo sheegin dhacdada, iyadoo mas’uuliyiintu ay baaritaan ku wadaan waxa dhacay.

    Dhacdadan ayaa timid xilli gaadiidka badda ee Marinka Hormuz uu wajahayo carqalado waaweyn, iyadoo tirada maraakiibta isticmaasha marinkaas ay si weyn hoos ugu dhacday. Kahor inta uusan bilaaban dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, in ka badan 130 markab ayaa halkaas mari jiray maalin kasta.

    Horaantii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuusan qorshaynayn inuu kordhiyo muddada heshiiska ku-meelgaarka ah ee Iran.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Tehran aysan weli diyaar u ahayn inay gaarto heshiiska uu isagu u arko inuu muhiim yahay.

    Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu kaalintiisa ka qaato dadaallada nabadeed.

    Sidoo kale akhriso:

  8. 5-ta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida

    Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida

    Muddo dheer, diyaaradda Mareykanka ee F-16 ayaa ahayd diyaaraddii ugu dheereysa ee kuwa dagaalka. F-16A waxay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameysay sanadkii 1976-kii, waxayna adeegga Ciidanka Cirka ee Mareykanka (USAF) ku biirtay sanadkii 1979-kii.

    Diyaaradda dagaalka ee F-16 ayaa horumar sameysay intii lagu jiray 50-kii sano ee ay adeegga ku jirtay, taas oo ka caawisay inay sii ahaato diyaarad muhiim u ah dagaallada casriga ah.

    Inkastoo asal ahaan loo naqshadeeyay inay noqoto diyaarad fudud, hal matoor leh, oo kharashkeedu hooseeyo, haddana waxay caddeysay inay leedahay awood sare, iyadoo ka qaybqaadata dagaallada cirka, hawlgallada duqeynta, iyo difaaca hawada.

    In kasta oo F-16 ay isticmaashay matooro kala duwan intii ay shaqeyneysay, haddana xawaaraha ugu sarreeya ee ay sheegtay USAF ma uusan isbeddelin. Tirada rasmiga ah ee xawaaraha F-16 waa Mach 2.0 ama 1,500 oo mayl saacaddii.

    Waa kuwee diyaaradaha dagaalka ee ugu dheereeya xilligan? Aan eegno shan diyaaradood oo ka xawaare sarreeya F-16.

    F-15E Strike Eagle; Waa diyaarad dagaal oo Maraykan ah oo leh awood ay ku duusho masaafo dheer. Diyaaradda F-15A ayaa markii ugu horreysay duushay sannadkii 1972-kii, waxaana la bilaabay in la isticmaalo sannadkii 1976-kii.

    Diyaaraddan waxaa ku rakiban laba matoor oo noocoodu yahay Pratt & Whitney F100-PW-220 ama 229. Asal ahaan, waa isla nooca matoorka loo isticmaalo F-16-ka, inkastoo F-16-ku uu yahay diyaarad hal matoor leh.

    F-14 Tomcat; Diyaarad kale oo dagaal waa F-14 Tomcat, taas oo xawaaraheeda ugu sarreeya uu yahay Mach 2.34, una dhigma 1,734 mayl saacaddii. Diyaaradda F-14 Tomcat ayaa laga saaray adeegga Ciidanka Badda ee Mareykanka sannadkii 2006-dii, markaas oo lagu beddelay diyaaradda F/A-18 Super Hornet.

    MiG-31 Foxhound; Diyaaradda MiG-31 Foxhound waxaa ku rakiban laba matoor oo ah nooca Soloviev D-30F6 turbofan, waxayna gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.83 ama 2,100 mayl saacaddii.

    Dassault Mirage 2000: Diyaaradda dagaalka ee Dassault Mirage 2000 waxay gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.2 (1,630 mayl saacaddii). Diyaaraddan dagaalka ee Faransiiska ayaa adeegga Ciidanka Cirka ee Faransiiska ku biirtay sannadkii 1984-tii, waxaana loo dhoofiyay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan Hindiya, Peru, iyo Brazil.

    Sukhoi Su-27 Flanker; Annagoo dib ugu laabanayna Ruushka, waxaan liiskan ku soo gabagabaynaynaa eegista diyaaradda jiilka afraad ee xilligii Midowga Soofiyeeti, taas oo ah Sukhoi Su-27 Flanker. Kani waa diyaarad leh laba matoor, waxaana loo naqshadeeyay inay la tartanto diyaaradaha Mareykanka sida F-14 Tomcat iyo F-15 Eagle.

  9. Maxaa soogalooti badan loo xirayaa iyaga oo saaran duullimaadyada gudaha Mareykanka?

  10. War deg deg ah, Natiijada doorashada Zambia oo la shaaciyay

    Guddiga Doorashooyinka Zambia ayaa sheegay in Madaxweyne Hakainde Hichilema uu ku guuleystay markii labaad doorashadii dalkaasi ka dhacday.

    Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in doorashadii toddobaadkii hore ay hareeyeen cabsi-gelin iyo afduubyo.

    Ciidamada ammaanka Zambia ayaa qabtay hub, waxayna xireen 11 qof, oo ay ku jiraan xubno sare oo mucaaradka ah, kuwaas oo dowladda ku eedeysay inay ku lug lahaayeen qorshe kacdoon.

    Brian Mundubile, oo ahaa musharraxa ugu weyn ee mucaaradka doorashadii madaxtinimo ee Khamiistii, ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku sugnaa goob laga sameyay howlgal, sida uu sheegay sarkaalka ugu sarreeya dowladda, Patrick Kangwa.

    Mundubile ayaa BBC-da u sheegay in eedeymahaasi yihiin “been-abuur aan sal iyo raad lahayn”, isagoo sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanku ay isku dayeen inay naftiisa waxyeelleeyaan xilli ay jimcihii baaritaan ka sameynayeen gurigiisa.

  11. Ciidamadii weeraray Baydhabo oo ka hadlay waxa ay ka ogaayeen weerarkii al-Shabaab ee xerada milatariga Soomaaliya

    Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dagaal culus oo shalay ka qarxay hareerraha iyo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, sida ay BBC-da u sheegeen illo wareedyo ku sugan gobolka.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay, in dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab iyo mileeshiyo daacad u ah hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ay weerarreen, xeryo ciidan oo ku yaala magaalada Baydhabo, balse weerarradaasi lagu jabiyay.

  12. War cusub: Netanyahu oo sawirka Erdogan u isticmaalay ololihiisa doorashada

  13. Erdogan oo door ka qaadanaya joojinta colaadda Iran iyo Mareykanka

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu kaalintiisa ka qaato dadaallada nabadeed.

    Sida ay sheegtay BBC Persian, Madaxtooyada Turkiga ayaa bayaan ku sheegtay in Erdoğan uu muujiyay diyaar u ahaanshaha Ankara inay taageerto oo ay iska kaashi ka sameeyso dadaallada lagu raadinayo nabadda.

    Ergeyga Madaxweyne Donald Trump, Jared Kushner, ayaa sheegay in wada-hadallada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka ay yihiin “kuwo dhab ah oo ballaaran.” Si kastaba, labada dhinac weli kama aysan gaarin isfaham.

  14. War deg deg ah, Ku soo dhawaada tebinteenna subaxnimo ee saaka iyo BBCSOMALI.

  15. War deg deg ah, Xilligaan wararka caalamka waxaa ugu waaweyn Trump ayaa ku hanjabay inuu duqeynayo Cumaan haddii ay “caqabad ku noqoto” arrinta Iran.

  16. Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa halkaan si toos ah idinkugu soo gudbinaysa wararka ku saabsan Soomaalida iyo Caalamka kale. Haddaba halkaan kala soco wararka degdeg ah iyo dhacdooyinka hadba soo kordhaya.

  17. Laftagareen oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo ka dhacay

    Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

    Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen), ayaa War-saxaafadeedka ku sheegay in ciidamadu ay ku jiraan hawlo la xiriira sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo sidoo kale lagu dhaleeceeyay wararka iyo tallaabooyinka lagu doonayo in ciidamadaas lagu wiiqo.

    Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlaha ay u arkaan inay muhiim u yihiin amniga iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, wuxuuna ka digay faragelin lagu sameeyo ciidamadooda.

    Laftagareen ayaa difaacay ciidamadiisa kuwaas oo hadda ka hawlgala bannaanka magaalada, isagoo sheegay in ay u taagan yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, isla markaana aan la aqbali doonin faragelin lagu sameeyo.

  18. War deg deg ah, Madaxweynaha Turkiga iyo Trump oo wadahadlay

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo wada-hadal la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay inay muhiim tahay in la sii wado wada-xaajoodyada Iran, si looga faa’iidaysto diblomaasiyadda, wuxuuna sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu arrintan ka qayb qaato.

    Horaantii, ergayga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, Jared Kushner, ayaa sheegay in wada-xaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Maraykanku ay yihiin kuwo dhab ah oo xasaasi ah, balse labada dhinac aysan weli gaarin is-afgarad.

    Mr. Kushner, oo sidoo kale ah wiilka uu soddogga u yahay Donald Trump, ayaa Fox News u sheegay in wada-xaajoodyada u dhexeeya Maraykanka iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Iran ay u muuqdaan kuwo ka xoog badan sidii hore, balse labada dhinac aysan weli gaarin go’aan kama dambeys ah.

  19. War deg deg ah, Ilaalada Kacaanka Iran oo Trump ku tilmaamay nin "Qarwaya"

    Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa beeniyay wararka sheegaya in wax xiriir ah ama wada-xaajood ah uu dhex maray Iran iyo Maraykanka.

    Afhayeenka IRGC, Hossein Mohebi, ayaa ka jawaabay hadalkii Trump ee uu ku xaqiijiyay wararka warbaahinta ee sheegayay in ay jireen xiriirro qarsoodi ah oo u dhexeeyay Maraykanka iyo Ilaalada Kacaanka.

    “Hadalkii Trump waa been, waana mala-awaal ka dhashay dhalanteed iyo riyooyin qarow ah oo ay abuureen guuldarro iyo tabar-darro dagaalka,” ayuu yiri.

    Mohebi ayaa wakaaladda wararka Tasnim u sheegay: “Trump wuxuu isku dayayaa in hadalladan uu si ku-meel-gaar ah ugu xakameeyo qiimaha saliidda iyo tamarta adduunka, laakiin wuxuu haystaa hal waddo oo dhab ah oo keliya, taasina waa inuu aqbalo guuldarradiisa oo uu aqbalo shuruudaha ay Iran dejisay.”

  20. War deg deg ah, Trump oo qaaday tallaabo lagu tilmaamay mid waxbarashada culeys ku ah

    Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa amartay in baaritaanno dhanka amniga cilmi-baarista ah lagu sameeyo 30 machad jaamacadeed oo gudaha dalka ah.

    Si ay jaamacaduhu ugu sii qalmaan maalgelinta cilmi-baarista ee dowladda mustaqbalka, jaamacadaha la wargeliyay waa inay dib u eegis ku sameeyaan xiriirkooda dhinacyada tacliinta, dhaqaalaha iyo cilmi-baarista ee ay la leeyihiin hay’adaha ama dhinacyada ajnabiga ah ee loo arko inay khatar ku yihiin amniga.

    Pentagon-ka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu ilaaliyo maalgashiga cilmi-baarista ee lagu bixiyo canshuurta shacabka, iyadoo laga hortagayo in si aan loo oggoleyn loo wareejiyo tiknoolajiyada, loo xado hantida aqooneed, ama looga faa’iidaysto cilmi-baarista Mareykanka.

    Saraakiisha ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin iskaashiga jaamacadeed ee wax u dhimaya amniga qaranka Mareykanka. Hase yeeshee, weriyeyaashu waxay sheegeen in tallaabadani ay tahay tusaale kale oo muujinaya dadaallada maamulka Trump ee lagu xaddidayo xorriyadda waxbarashada.