You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Maraykanka oo joojinaya sharci ilaalinayey kumannaan Itoobiyaan ah

    Garsoore federaal ah oo ku sugan Maraykanka ayaa u oggolaaday maamulka Trump in uu soo afjaro ilaalintii sharciyeed ee ay haysteen in ka badan 5,000 oo Itoobiyaan ah.

    Barnaamijka loo yaqaan Temporary Protected Status (TPS) ayaa u oggolaanayay inay ku noolaadaan oo ka shaqeeyaan Maraykanka iyaga oo aan ka cabsi qabin in dalka laga masaafuriyo.

    Go’aankan ayaa meesha ka saaray caqabaddii ugu dambeysay ee dhanka garsoorka ee hortaagnayd qorshaha maamulka Trump ee lagu joojinayo ilaalinta loo fidiyo muwaadiniinta dalal gaar ah, kaddib markii Maxkamadda Sare ay oggolaatay tallaabooyin la mid ah oo saameeyay dadka u dhashay Haiti iyo Suuriya.

  2. Imaaraadka oo sheegay inuu ka hortagay “halis gantaal”oo ku soo aaddan dalkooda

    Wasaaradda Gaashaandhigga Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in nidaamyadeeda difaaca cirka ay ogaadeen halis gantaal oo lala beegsanayay dalkaas, iyada oo xaqiijisay in ciidamadeedu ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan hanjabaad kasta oo ku aaddan iyaga si loo ilaaliyo amniga, madaxbannaanida iyo xasilloonida dalka.

    Bayaan ay wasaaraddu ku baahisay barteeda rasmiga ah ee X, ayay ugu baaqday muwaadiniinta iyo dadka dalka deggan inay raacaan digniinaha iyo wararka ay soo saaraan hay’adaha rasmiga ah.

    Waxay sheegtay in dhawaaq kasta oo laga maqli karo deegaanno kala duwan uu ka dhashay tallaabooyinka ay qaadeen nidaamyada difaaca cirka si ay uga hortagaan halistaas.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in ciidamadeedu ay ku jiraan heegan buuxa, isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan khatar kasta, iyadoo tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ay sii wadi doonaan si loo ilaaliyo ammaanka dalka iyo dhulkiisa.

    Dhanka kale, digniin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu yiri: “Xaaladda hadda jirta awgeed, waxaa jirta halis suurtagal ah. Fadlan isla markiiba gabaad ka raadsada dhisme ammaan ah...”

  3. Orgi caanka ka noqday dal Afrikaan ah oo dadku isku buurtaan si ay sawiro uga qaadaan - hadiyad ay hooyo u keentay wiilkeeda

    Markii Promise Okoro uu ka baxay imtixaankii jaamacadda ee heerka koowaad horraantii bishan, wuxuu si buuxda u filayay dabaaldega caadiga ah ee dhammaadka jaamacadda.

    Saaxiibadiis farxsanaa badan ayaa durba dibadda soo dhoobtay iyagoo muusig aad u weyn shiday oo duubaya oo qaab heeseed caanka ah Nigeria oo aad loo jecel yahay.

    Shaatiyadooda cad waxaa ka buuxay farriimo ay qoreen ardayda fasalka.

    Laakiin, dadkii badnaa dhexdooda, waxaa timid hooyada Promise, Chinyere, oo jiidaysa orgi.

    Galabkii farxad ahaa wuxuu daqiiqad gudaheed isu badalay, mid ay Promise iyo asxaabtiisu aysan waligood iloobi doonin.

  4. Fannaanka caanka ah ee Kanye West oo Ruushka bandhig ku qabanaya kaddib markii Yurub loo diiday

    Fannaanka raabka ah Ye, oo hore loo oran jiray Kanye West, ayaa lagu wadaa inuu laba bandhig ku qabto magaalada St Petersburg ee Ruushka bisha Oktoobar, taasoo ka dhigaysa xiddigga reer Galbeed ee ugu weyn ee dalkaas bandhig ku qabta tan iyo markii Ruushku afar sano ka hor duullaan ku qaaday Ukraine.

    Tigidhada bandhigyada lagu qabanayo Gazprom Arena, oo qaadda 70,000 oo qof, ayaa dhammaaday saacado gudahood markii lagu dhawaaqay Isniintii. Qiimayaashoodu waxay u dhexeeyeen 9,000 ruble, oo u dhiganta 78 doollar, ilaa 160,000 ruble, oo ah ku dhowaad 1,394 doollar.

    Bandhigyadan ayaa imanaya xilli West uu isku dayayo inuu dib u hagaajiyo sumcaddiisa, kaddib sannado uu sameeyay hadallo naceyb Yuhuudda ah iyo kuwo taageero u muuqday uu u sameeyey Naasiyiinta. Bishii Janaayo ayuu raalli-gelin ka bixiyay hadalladiisa, isaga oo ku sababeeyay dhaawac maskaxeed.

    Balse socdaal weyn oo uu xagaagan ku mari lahaa Yurub ayaa hakad galay, iyada oo dhowr bandhig laga baajiyay kaddib caro ka dhalatay aragtidiisa.

    Boqortooyada Midowday ee UK, xafladdii muusigga ee Wireless Festival, oo muddo dheer la qabanayay, ayaa la baajiyay kaddib markii West, loo qorsheeyay inuu qayb ka ahaado bandhiggaas, oo loo diiday inuu dalka galo.

  5. Orgi caanka ka noqday dal Afrikaan ah oo dadku isku buurtaan si ay sawiro uga qaadaan - hadiyad ay hooyo u keentay wiilkeeda

  6. Kiis maxkamadeed si weyn oo loo sugayo oo maanta Maraykanka ka furmaya

    Xukun maxkamadeed si weyn isha loogu hayo ayaa ka furmaysa gobolka California ee Maraykanka. Maxkamadda ayaa maanta dhageysanaysa dacwad laga yaabo inay isbeddel ku keento habka ay u shaqeeyaan Facebook iyo Instagram.

    29 gobol oo Maraykan ah ayaa shirkadda Meta ku eedeynaya inay si sharci-darro ah u ururisay xogta carruurta.

    Afar ka mid ah gobollada ayaa sidoo kale sheegaya in shirkaddu ay si ula kac ah u samaysay adeegyo carruurta ku abuura in ay qabatimaan, isla markaana ay shacabka ka qarisay khataraha ammaan ee ku xeeran. Meta ayaa si adag u diiddan eedeymaha.

  7. Fanaaniinta caanka ah oo lagu eedeeyey in qayb ka qataan shilalka waddooyinka

    Saynisyahanno ayaa rumeysan in soo saarista albamyada muusigga ee caanka ah, oo ay sameeyeen fannaaniin ay ka mid yihiin Taylor Swift iyo Harry Styles, ay suuragal tahay inay kordhiyaan shilalka waddooyinka.

    Koox cilmi-baadhayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda Harvard ayaa sheegay in maskaxda darawalka ay mashquulin karto marka uu dhageysanayo muusig uusan aqoon, gaar ahaan marka uu taleefankiisa ka dhex baadhayo heesta shidan ee sannadkan soo baxday.

    Waxay ku baaqeen in shirkadaha muusigga ay dadka uga digaan khatartan, isla markaana darawalladu ay heesaha doortaan ka hor inta aysan baabuurk istaadhin.

  8. Bashar Al-Asad walaalkiis oo dil lagu xukumay

    Maxkamad ku taalla Suuriya ayaa dil ku xukuntay Wassim al-Assad, oo ay ilma-adeer yihiin madaxweynihii hore ee xilka laga tuuray, Bashar al-Assad.

    Wassim al-Assad ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dil hore loo qorsheeyay, oo dhacay xilligii dagaalka sokeeye ee Suuriya. Waxaa la qabtay bishii Juun.

    Go’aankan ayaa yimid toddobaad kaddib markii Bashar al-Assad iyo walaalkiis iyagana iyaga oo maqan lagu xukumay dil, kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah aadanaha.

    Bashar al-Assad iyo qoyskiisa ayaa u qaxay Ruushka, kaddib markii ciidamada ka soo horjeeday dowladda ay galeen caasimadda Dimishiq bishii Diseembar 2024, taasoo soo afjartay in ka badan konton sano oo qoyskiisu awoodda dalkaas hayay.

  9. 10-ka magaalo ee ugu dadka badan caalamka sannadka 2026-ka

  10. Magaalada Trump loogu sameeyo gantaallada

    Qof deegaanka ah ayaa sheegay in magaalada Kingsport ee gobolka Tennessee, oo ku taalla silsiladda buuraha Appalachian, ay leedahay kaniisado aad u tiro badan, illaa ay u muuqato in waddo kasta ay leedahay kaniisad.

    Masiixiyadda ayaa awood weyn ku leh deegaankan ay inta badan deggan yihiin dadka dabaqadda shaqaalaha leh. Boodhka ku yaal dusha sare ee Lamplight Theater-ka taariikhiga ah ee bartamaha magaalada ayaa ku qoran: "Ciise ayaa wax walba laga hormariyaa."

    Si kastaba ha ahaatee, iyadoo in ka badan 300 oo kaniisadood oo ku yaal deegaankaasi ay daboolayaan baahiyaha ruuxiga ah ee magaalada oo ay ku nool yihiin 58,000 oo qof, waxaa jira hay'ad kale oo iyaduna dhaqaajisa dhaqaalaha magaalada.

    Warshadda Holston Army Ordnance waxay soo saartaa walxaha qarxa ee loo isticmaalo gantaallada Patriot, madaxyada gantaallada iyo hub kale oo culus, xilli uu socdo dagaal qaali ah oo muddo dheer socday oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Dagaalkaas iyo saamayntiisa ku aaddan dhinacyo kala duwan, laga bilaabo qiimaha shidaalka illaa cuntada, ayaa sababay in si weyn hoos ugu dhaco taageerada uu haysto Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

  11. Zambia: Madaxweynihii xilka hayey oo mar kale loo doortay

    Madaxweynaha Zambia, Hakainde Hichilema, ayaa mar kale loo doortay xilka madaxweynenimo muddo shan sano ah, kaddib markii uu helay 60% codadkii la dhiibtay.

    Ninka ugu dhowaa ee la tartamayey, Brian Mundubile, ayaa helay 38%, hase yeeshee wuxuu ku eedeeyay doorashada inay ka dhaceen khaladaad, isaga oo aan soo bandhigin caddeymo.

    Xisbigiisa ayaa sheegay inuu ku sugan yahay meel ammaan ah, kaddib hanjabaado soo gadhay, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka cabsi qabo in la xidho.

    Guusha Hichilema ayaa timid xilli ay xiisad siyaasadeed iyo xarigyo loo geystay qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka hareeyeen doorashada.

  12. Magaalada Trump loogu sameeyo gantaallada

  13. Xuutiyiinta oo weeraray warshadda sifeynta shidaalka ee Sacuudiga

    Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa sheegay inay mar kale diyaarad aan duuliye lahayn (drone) ku bartilmaameedsadeen warshadda sifaynta shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco taas oo ku taala magaalad Jizan..

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Xuutiyiinta, Saba News Agency, weerarka waxaa loo qaaday aargoosi ay ku sheegeen xadgudub lagu sameeyay hawada Yemen.

    Wakaaladdu waxay soo xigatay ilo milatari oo sheegay in Xuutiyiintu dhowr drone ku bartilmaameedsadeen xarumaha warshadda Aramco ee Jizan, iyagoo sheegay in weerarku ahaa jawaab ka dhan ah “xadgudubka hawada ee gobollada Saada iyo Hajjah” ee Yemen.

    Xuutiyiinta, oo xulufo la ah Iran, waxay sidoo kale horey u weerareen maraakiib shidaal oo Sacuudigu leeyahay oo marayay Badda Cas, waxayna dhowr jeer bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudiga.

    “Waxay sidoo kale marar badan bartilmaameedsadeen kaabayaasha shidaalka iyo garoomada diyaaradaha ee Sacuudi Carabiya.”

    Sidoo kale akhri

  14. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la dilay horjooge maleeshiyaad

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laba dhallinyaro ah oo xoolo-dhaqato ah ay shalay, 17-kii Agoosto 2026 degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa maleeshiyaadka ka howlgala gobolka.

    War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ayay ku sheegtay in horjoogaha la dilay lagu magacaabi jiray Xasan Calasow Raage, oo loo yaqaannay Xasan Xusuleey, kaas oo 50 jir ahaa, kuna dhashay degmada Ruunirgood.

    Waxay sheegtay inuu Xasan Calasow Raage ka tirsanaa horjoogayaasha ka howlgala gobolka Shabeellaha Dhexe, iyo sido kale horjoogaha gaadiidka gobolka. Waxa uu sidoo kale horey u soo noqday waxa ay ugu yeeraan madaxa Sakawaadka degmada Ruunirgood, isagoo ahaa horjooge si weyn looga yaqaanay degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, sida ay sheegtay wasaaraddu.

    “Labada dhallinyaro ah ayaa horjoogaha dilay, kadibna ka furtay qori AK-47 ah iyo rasaastii uu watay”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

    “Horjoogahan ayaa dadka ku nool degmada iyo deegaannada ku hareeraysan u geystay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhaca hantida iyo xoolaha, cunaqabateyn iyo carqaladeynta isu-socodka degmada iyo deegaannada ku hareeraysan, isaga oo sidoo kale ku qasbay dad badan inay ka barakacaan degmada”, ayay intaas raaciyeen.

    Wasaaradda Gaashaandhigga waxay bogaadinaysaa dadaallada ay dadka deegaanku kula dagaallamayaan maleeshiyaadka Khawaarijta, taas oo muujinaysa in shacabka Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesteen dagaalka ka dhanka ah argagixisada, ayay tiri

  15. Waa kuma Laftagareen?

    Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhabo.

    Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen), ayaa War-saxaafadeedka ku sheegay in ciidamadu ay ku jiraan hawlo la xiriira sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo sidoo kale lagu dhaleeceeyay wararka iyo tallaabooyinka lagu doonayo in ciidamadaas lagu wiiqo.

    Madaxweynihii hore ayaa sheegay in ciidamadiisu ay sii wadi doonaan hawlaha ay u arkaan inay muhiim u yihiin amniga iyo xasilloonida Koonfur Galbeed, wuxuuna ka digay faragelin lagu sameeyo ciidamadooda.

    Laftagareen ayaa difaacay ciidamadiisa kuwaas oo hadda ka hawlgala bannaanka magaalada, isagoo sheegay in ay u taagan yihiin sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka, isla markaana aan la aqbali doonin faragelin lagu sameeyo.

    Waa kuma Laftagareen?

    Cabdicasiis Xassan Maxamed oo ku magac dheer Laftagareen ayaa markii ugu horreysay sanadkii 2018 loo doortay madaxweynaha Koofur Galbeed.

    Wuxuu ku dhashay degmada Luuq ee gobolka Gedo, sanadkii 1970.

    Waxbarashadiisii dugsiga hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay isla degmada Luuq. Wuxuu Luuq ka ahaa macallin iskuul. Magaalada Muqdisho ayuu jaamacad ka dhigtay. Xilal badan ayuu na dowladihii dalka soo maray ka soo qabtay.

    Sanadkii 2007 wuxuu ahaa maamule ku xigeenkii Furdada Xamar.

    Sanadkii 2008 wuxuu xukuumaddii raysal wasaare Nuur Cadde ka soo noqday wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada. Sanadkii 2009 wuxuu xukuumaddii Cumar Cabdirashiid ka noqday wasiirka gaadiidka iyo arrimaha badda.

    Isla xukuumaddii Cumar Cabdirashiid wuxuu sanadkii 2010 ka noqday wasiirka xannaanada xoolaha. Xukuumaddii raysal wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu noqday wasiiru dowlaha boostada, isgaarsiinta iyo warfaafinta.

    Xukuumaddii Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuu noqday wasiir ku xigeenka kalluumeysiga. Xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyrre wuxuu ka noqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga.

    Wuxuu u tartamay guddoomiye baarlamaan. Wuxuu noqday wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha.

  16. Doon samafal ah oo badbaadisay muhaajiriin ay Soomaali ka mid yihiin iyadoo ku dhowaad 10 ay dhinteen

    Markabka samafalka ee gurmadka degdegga ah, ee EMERGENCY, ayaa badbaadiyay 50 muhaajiriin ah oo ku safrayay doon alwaax ka sameysan oo ku sugnayd biyaha caalamiga ah ee Liibiya Isniintii, halka toddoba kalena meydadkooda la helay, sida ay sheegtay hay'adda samafalka.

    Labo qof ayaa xaalad halis ah ku jira oo neef qabatin qaba waxayna u baahdeen daadgureyn caafimaad oo degdeg ah, sida ay sheegtay hay'adda EMERGENCY oo qoraal ay u dirtay Reuters ku sheegtay, iyada oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

    Dadka badbaaday ayaa sheegay inay ka baxeen magaalo-xeebeedka Zuwara ee Libya 16-kii Agoosto, waxayna ka yimaadeen Soomaaliya iyo Masar, sida ay sheegtay hay'adda samafalka.

    Kooxda muhaajiriinta waxaa ku jiray 45 rag ah, shan dumar ah iyo 29 ka mid ah waxay ahaayeen carruur aan cidna la socon, ayay raacisay.

    Wararkii ugu dambeeyay ee dhanka tahriibka markaan eegno:

    Sida ay wararku sheegayaan, mas'uuliyiinta Morocco ayaa dhawaan qabtay tobannaan muhaajiriin ah oo doonayay inay u gudbaan Ceuta, oo ah dhul ay Spain ku leedahay Waqooyiga Afrika.

    In ka badan 100 qof ayaa laga hor istaagay inay u dhaqaaqaan dhanka xadka oo ku yaalla duleedka magaalada Fnideq, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka ah oo Morocco ah, kuwaas oo ay soo xigteen warbaahinta Spain iyo wakaaladda wararka Reuters.

    Arrintan ayaa dhacday laba toddobaad kaddib markii ku dhowaad 78,000 oo muhaajiriin ah ay saacado gudahood badda kaga soo gaareen Ceuta. Duqa magaalada ayaa sheegay in 100 ka mid ah ay dhinteen, halka inta badan dadkii soo gaaray ay dib ugu laabteen Morocco.

    Sidoo kale akhriso:

  17. Dawo cusub oo loo helay dhalmo la'aanta ragga

    Dhalmo la’aanta waxay saameysaa toddobo boqolkiiba dhedigga dunida ku nool. Laakiin hadda mashiino casriga ah ee Garaadka Macamalka (artificial intelligence, AI) ayaa hadda muujinaya rajo ah inay dhibaatadaas wax ka qaban karaan.

    Dhibaatada dhalmo la'aanta ee ku dhacda ragga qaar waxa ay walaac aad u wayn ku keentaa lamaaneyaasha isguursada, waana mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee keena furriinka.

    Guurka kaddib, ragga ay caqabaddaas caafimaad haysato xaasaskooda uma suurtagasho in ay uur yeeshaan. Dalalka qaar, lamaaneyaasha arrintan la kulma waxaa xitaa soo kala dhex gala shaki aad u wayn oo la xiriira gogol dhaaf.

    Sida uu sheegay Dhakhtar Steven Vasilscue, barnaamijka Garaadka Macamalka ee isaga iyo saaxiibadii soo saareen waxa uu ku ogaan karaa shahwada ragga aan dhaleynin kun jeer in ka degdeg badan indhaha qof loo tababaray helista.Dhakhtar Vasilescu wuxuu sheegay in sameynta howshan ay dad badan ku qaadaneyso 6 ilaa 7 saacadood, waana howl leh daal iyo khalad.

    “Marka uu dhakhtarka eego mikroskoobka waxa uu arkayaa waa unugyo birbirqaya.”

    Wuxuu intaas ku daray “Waa dhiig iyo hilib. Waxaa suuragal ah in shahwada ay tahay 10 balse waxaa ku jira malaayiin kale.”

    SpermSearch waxa uu manida caafimaadka qabta ku heli karaa ilbiriqsiyo marka muuqaallada baarista shahwada lagu shubo kombuyuuterka. Si loogu qabto howsha degdeg waxay Dhakhtar Vasilescue iyo saaxiibadii sameeyeen Garaadka Macmalka (AI) kaas oo heli kara shahwada.

    Kooxda jaamacadda UTS waxay sheegeen in SpermSearch oo kun jeer ka dheereeyo dhakhaatiirta khibradda leh. Tan ma ahan in ay meesha ka saareyso dhakhaatiirta shaqadooda ee howsha ayey fududeynee.Dr. Sarah Martins da Silva waxay aaminsan tahay in xawaaraha ceynkan oo kale uu muhiim yahay. “Muhiimadda waa waqtiga,” ayey tiri.

    Waxyaabo badan ayaa ragga ka dhiga in aysan waxba dhalin sida cabista sigaarka, cunto xumo, jimicsi la’aan, walbahaarka badan iyo waxyaabo kale.Dhakhtar Adebayo Bamisebi, oo ah dhaqtar ku takhasusay cilmiga la xiriira taranka ragga ayaa BBC-da u sheegay sababaha ugu waawayn ee keena dhalmo-la'aanta ragga ay yihiin xowliga soo bixitaanka biyaha oo yar, xaddigooda oo yar iyo in uu jiro xanuun dhaawac u gaystay shahwada.

    Dhaqtarka ayaa sheegay in haddii lamaanaha ay gogosha wadaagaan muddo lix bilood ah ama hal sano intaasna uu uur ku imaan waayo ay tahay calaamad muujinaya in labadooda mid uu dhib hasyto.

    Dhinaca kale, shirkad bacriminta qaabilsan ee fadhigeedu yahay Belfast, caasimadda Waqooyiga Ireland, Examen, ayaa adeegsata farsamo lagu ogaanayo hiddosidaha waxyeeleysan ee ku jira shahwada qofka.Prof. Sheena Lewis iyo kooxdeeda waxay sameynayeen farsamadan in ka badan 20 sano.

    Barafasoor Lewis oo ka tirsan jaamacadda Belfast ayaa aaminsan inkastoo Garaadka Macmalka uu horumarayo hadana caafimaadka wuxuu ku socdaa si aad gaabis ah.Kaddib tijaabooyin aan badneyn SpermSearch waxay ku jirtaa marxalad bilow ah. Labo ilaa shan sano ayey qaadaneysaa in ay suuqa timaado.

    Howsha ma dhawa. Wax kasta oo aan sameyn karno waa farxad balse ma noqoneyso daawo suuqa taal.

  18. Ma dhici kartaa in Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistaan ay sameystaan isbahaysi Muslim ah?

  19. Mrkab lagu weeraray Marinka Hormuz

    Hay’adda Hawlaha Ganacsiga Badda ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ayaa sheegtay inay heshay warbixin ku saabsan markab lagu bartilmaameedsaday qalab aan la aqoon oo hawada laga soo tuuray, xilli uu marayay Marinka Hormuz.

    Hay’addu waxay intaas ku dartay in dhacdadu ay sababtay burbur ku yimid qaybta matoorka markabka, halka hal shaqaale uu ku dhintay.

    Sida warbixintu sheegtay, Ilaalada Xeebaha Cumaan ayaa hadda wada dadaallo lagu badbaadinayo shaqaalaha kale ee markabka.

    UKMTO waxay sheegtay inaan wax wasakhow ama waxyeello deegaanka ah laga soo sheegin dhacdada, iyadoo mas’uuliyiintu ay baaritaan ku wadaan waxa dhacay.

    Dhacdadan ayaa timid xilli gaadiidka badda ee Marinka Hormuz uu wajahayo carqalado waaweyn, iyadoo tirada maraakiibta isticmaasha marinkaas ay si weyn hoos ugu dhacday. Kahor inta uusan bilaaban dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran, in ka badan 130 markab ayaa halkaas mari jiray maalin kasta.

    Horaantii, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad, isagoo sheegay inuusan qorshaynayn inuu kordhiyo muddada heshiiska ku-meelgaarka ah ee Iran.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Tehran aysan weli diyaar u ahayn inay gaarto heshiiska uu isagu u arko inuu muhiim yahay.

    Dhanka kale, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, isagoo sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu kaalintiisa ka qaato dadaallada nabadeed.

    Sidoo kale akhriso:

  20. 5-ta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida

    Shanta diyaaradood ee dagaalka ee ugu xawaaraha sarreeya dunida

    Muddo dheer, diyaaradda Mareykanka ee F-16 ayaa ahayd diyaaraddii ugu dheereysa ee kuwa dagaalka. F-16A waxay duulimaadkeedii ugu horreeyay sameysay sanadkii 1976-kii, waxayna adeegga Ciidanka Cirka ee Mareykanka (USAF) ku biirtay sanadkii 1979-kii.

    Diyaaradda dagaalka ee F-16 ayaa horumar sameysay intii lagu jiray 50-kii sano ee ay adeegga ku jirtay, taas oo ka caawisay inay sii ahaato diyaarad muhiim u ah dagaallada casriga ah.

    Inkastoo asal ahaan loo naqshadeeyay inay noqoto diyaarad fudud, hal matoor leh, oo kharashkeedu hooseeyo, haddana waxay caddeysay inay leedahay awood sare, iyadoo ka qaybqaadata dagaallada cirka, hawlgallada duqeynta, iyo difaaca hawada.

    In kasta oo F-16 ay isticmaashay matooro kala duwan intii ay shaqeyneysay, haddana xawaaraha ugu sarreeya ee ay sheegtay USAF ma uusan isbeddelin. Tirada rasmiga ah ee xawaaraha F-16 waa Mach 2.0 ama 1,500 oo mayl saacaddii.

    Waa kuwee diyaaradaha dagaalka ee ugu dheereeya xilligan? Aan eegno shan diyaaradood oo ka xawaare sarreeya F-16.

    F-15E Strike Eagle; Waa diyaarad dagaal oo Maraykan ah oo leh awood ay ku duusho masaafo dheer. Diyaaradda F-15A ayaa markii ugu horreysay duushay sannadkii 1972-kii, waxaana la bilaabay in la isticmaalo sannadkii 1976-kii.

    Diyaaraddan waxaa ku rakiban laba matoor oo noocoodu yahay Pratt & Whitney F100-PW-220 ama 229. Asal ahaan, waa isla nooca matoorka loo isticmaalo F-16-ka, inkastoo F-16-ku uu yahay diyaarad hal matoor leh.

    F-14 Tomcat; Diyaarad kale oo dagaal waa F-14 Tomcat, taas oo xawaaraheeda ugu sarreeya uu yahay Mach 2.34, una dhigma 1,734 mayl saacaddii. Diyaaradda F-14 Tomcat ayaa laga saaray adeegga Ciidanka Badda ee Mareykanka sannadkii 2006-dii, markaas oo lagu beddelay diyaaradda F/A-18 Super Hornet.

    MiG-31 Foxhound; Diyaaradda MiG-31 Foxhound waxaa ku rakiban laba matoor oo ah nooca Soloviev D-30F6 turbofan, waxayna gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.83 ama 2,100 mayl saacaddii.

    Dassault Mirage 2000: Diyaaradda dagaalka ee Dassault Mirage 2000 waxay gaari kartaa xawaare sare oo ah Mach 2.2 (1,630 mayl saacaddii). Diyaaraddan dagaalka ee Faransiiska ayaa adeegga Ciidanka Cirka ee Faransiiska ku biirtay sannadkii 1984-tii, waxaana loo dhoofiyay dalal kala duwan, oo ay ku jiraan Hindiya, Peru, iyo Brazil.

    Sukhoi Su-27 Flanker; Annagoo dib ugu laabanayna Ruushka, waxaan liiskan ku soo gabagabaynaynaa eegista diyaaradda jiilka afraad ee xilligii Midowga Soofiyeeti, taas oo ah Sukhoi Su-27 Flanker. Kani waa diyaarad leh laba matoor, waxaana loo naqshadeeyay inay la tartanto diyaaradaha Mareykanka sida F-14 Tomcat iyo F-15 Eagle.