Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Wasiir Israa’iili ah oo ku baaqay in 30 ilaa 40 Falastiiniyiiniyiin ah Qaza lagu dilo habeen kasta
Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, oo ka tirsan garabka midig ayaa sheegay, in ciidamada Israa’iil ay Gaza ku dilaan “30 ama 40 qof” habeen kasta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dadkaas aysan khasab ahayn inay yihiin kuwa xilligaas si toos ah khatar ugu ah amniga, sida ay sheegtay Al Jazeera.
Ben-Gvir ayaa hadalladan ka sheegay wareysi podcast ah oo uu la yeeshay Rom Braslavski, oo ah la-hayste hore oo Israa’iili ah oo lagu hayay Gaza xilli Israa’iil ay dagaal ka wadday halkaas, kaddib weerarradii uu Hamas hoggaaminayay ee dhacay Oktoobar 2023. Qayb ka mid ah wada sheekeysiga ayaa internetka ku faafay Axaddii, waxaana si weyn u baahiyay warbaahinta Falastiiniyiintu.
“Waxaa halkaas jooga dad aan u qalmin inay noolaadaan. Waa inaanay sii noolaan. Xitaa dad ma aha,” ayuu Ben-Gvir ku daray, isagoo ku baaqaya in Falastiiniyiinta Gaza si la bartilmaameedsado oo la dilo.
Hadalladan waxay ka mid yihiin hadallo badan oo muran dhaliyay oo uu Ben-Gvir horey u jeediyay. Wasiirkan wuxuu ka tirsan yahay xukuumadda isbahaysiga ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, wuxuuna mas’uul ka yahay booliska iyo adeegyada xabsiyada Israa’iil.
Ben-Gvir ayaa sii kordhiyay saamayntiisa siyaasadeed ee Israa’iil, iyadoo dalkaasi uu ku soo wajahan tahay doorasho la qorsheeyay inay dhacdo 27-ka Oktoobar.
War deg deg ah, Wasiir Israa’iili ah oo ku baaqay in 30 ilaa 40 Falastiiniyiiniyiin ah Qaza lagu dilo habeen kasta

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Bin Gvir Wasiirka Amniga Qaranka ee Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, oo ka tirsan garabka midig ayaa sheegay, in ciidamada Israa’iil ay Gaza ku dilaan “30 ama 40 qof” habeen kasta. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in dadkaas aysan khasab ahayn inay yihiin kuwa xilligaas si toos ah khatar ugu ah amniga, sida ay sheegtay Al Jazeera.
Ben-Gvir ayaa hadalladan ka sheegay wareysi podcast ah oo uu la yeeshay Rom Braslavski, oo ah la-hayste hore oo Israa’iili ah oo lagu hayay Gaza xilli Israa’iil ay dagaal ka wadday halkaas, kaddib weerarradii uu Hamas hoggaaminayay ee dhacay Oktoobar 2023. Qayb ka mid ah wada sheekeysiga ayaa internetka ku faafay Axaddii, waxaana si weyn u baahiyay warbaahinta Falastiiniyiintu.
“Waxaa halkaas jooga dad aan u qalmin inay noolaadaan. Waa inaanay sii noolaan. Xitaa dad ma aha,” ayuu Ben-Gvir ku daray, isagoo ku baaqaya in Falastiiniyiinta Gaza si la bartilmaameedsado oo la dilo.
Hadalladan waxay ka mid yihiin hadallo badan oo muran dhaliyay oo uu Ben-Gvir horey u jeediyay. Wasiirkan wuxuu ka tirsan yahay xukuumadda isbahaysiga ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, wuxuuna mas’uul ka yahay booliska iyo adeegyada xabsiyada Israa’iil.
Ben-Gvir ayaa sii kordhiyay saamayntiisa siyaasadeed ee Israa’iil, iyadoo dalkaasi uu ku soo wajahan tahay doorasho la qorsheeyay inay dhacdo 27-ka Oktoobar.
Sidoo kale akhri
Kaniini laga helo farmashiyeyaasha Soomaalida oo yareyn kara khatarta cudur halis ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin. Nick James, oo ah xubin ka tirsan golaha wasiirada Ingiriiska oo ku jira sano afartanaad, ayaa bilaabay inuu ka walwalo caafimaadkiisa ka dib markii hooyadii ay u dhimatay kansar kadibna walaalkiis iyo qaraabo kale uu ku dhacay kansarka mindhicirka.
Wuxuu qaatay go'aan ah in lagu sameeyo baaritaanka hidda-sidaha, kaa oo daaha ka qaaday in uu leeyahay hidde-side cilladaysan, oo la og yahay inuu keeno xaaladda loo yaqaano Lynch syndrome, xaalad si weyn u kordhisa khatarta ah inuu ku dhaco qofka nuuca kansarkaan.
Si kastaba ha ahaatee, James wuxuu caawimo ka helay ilo aan la filayn markii uu noqday qofkii ugu horreeyay ee iska diiwaangeliya tijaabo caafimaad oo loogu talagalay in lagu go'aamiyo in qaadashada aspirin-ka ay ka hortagi karyo kansarka.
Qiyaastii 80% dadka qaba Lynch syndrome waxay yeelan doonaan kansarka mindhicirka inta ay nool yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa hadda arrintaan waa ay anfacday James. "Waxa uu qaadanayey asbiriin iyada oo la kor joogteynayo muddo toban sano ah hadda, ilaa hadda, kuma uusan dhicin wax kansar ah," ayuu yiri John Burn, oo ah borofisar ku takhasusay hidde-sideyaasha kiliinikada ee Jaamacadda Newcastle.
Waxay u muuqataa wax aan la rumaysan karin, haddana waxaa muddo dheer jiray calaamado muujinaya in dawadani ay yarayn karto fursadaha kansarka mindhicirka ee fida.
Sanadkii la soo dhaafay, tijaabooyin taxane ah iyo daraasado ayaa xoojiyay caddayntan. Dalalka qaar ayaa mar hore wax ka beddelay hab-raacooda caafimaad si loogu daro
"Daawadaan cajiibka ah waxay ka shaqeysaa gudaha iyo dibadda unugga," Martling ayaa sharraxay, sidaas darteed dhowr habab oo kala duwan ayay wax u qabataa..
Shaqadoodu waxay ku wajahan tahay maadada enzyme-ka ee loo yaqaan COX-2, taas oo, sida aynu ognahay, ay joojiso aspirin.
Enzyme waxay gacan ka geysataa soo saarista hormoonnada la midka ah 'prostaglandins', taas oo seenyaaleysa koritaanka unugyo aan la xakameyn karin.
Waxay ogaadeen in hidde-sidahan lagu hawlgelin karo cunsur xinjiro ah oo loo yaqaan thromboxane A2, kaas oo -sida magaceedu tilmaamayo - ka caawisa dhiigga inuu sameeyo xinjiro marka aan dhaawacno.
Sababtoo ah aspirin wuxuu joojiyaa thromboxane, sidaas darteed waxay ka dhigi kartaa unugyada kansarka kuwa aad ugu muuqda habka difaaca jirka. Ogaanshaha arrinkaan ayaa ka yaabisay kooxda.
Cilmi-baarista Roychoudhuri waxaa lagu sameeyay jiirka, marka ma dammaanad qaadi karno in natiijadu ay sidoo kale ansax u tahay marka loo eego aadanaha.
Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baaris xiiso leh oo uu sameeyay Langley iyo asxaabtiisa ayaa muujiyay in dadka uu ku dhacay kansarka mindhicirka ama caloosha ay leeyihiin heerar aad uga sarreeya thromboxane marka loo eego shakhsiyaadka caafimaadka qaba-xitaa ilaa lix bilood ka dib daaweynta lagu guuleysto - iyagoo soo jeedinaya in walaxdani ay sidoo kale noqon karto arrin horseed u ah metastasis ee bini'aadamka.
Waa maxay suurtogalnimada in garaadka macmalka (AI) uu waxyeello u geysto aadanaha
War deg deg ah, Dagaal xooggan oo magaalada Baydhabo ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa mucaaradka

Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, Duleedka Baydhabo Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya inuu halkaas Isniinta maanta ah dagaal xooggan ku dhex maray ciidamada dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo mucaarad ah.
Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ayaa xog uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters ku xaqiijiyay warkan. Waxaa sidoo kale isla warbaahintaas la hadlay qof ka soo jeeda deegaanka.
“Maleeshiyaad daacad u ah madaxweynihii hore ee Baydhabo ee Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ka soo galay laba jiho, iyagoo wajahaya laba guuto oo ka tirsan ciidamada federaalka. Dagaalkuna hadda wuu sii xoogeysanayaa,” ayuu Reuters u sheegay qof ganacsi dukaan ah leh oo ku nool magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa isa soo taraya,BBC-duna waxay weli isku dayeysaa inay la hadasho mas’uuliyiinta dowladda, wixii ka soo kordhana halkan ayaad kala socon doontaan.
Iran oo abaal-marin lacageed u ballan qaadday haweenkii dila ama soo qabta askari Mareykanka

Xigashada Sawirka, IRNA
Qoraalka sawirka, Mojtaba Khamanei Taliyaha sare ee ciidamada Iran, Amir Hatami, ayaa sheegay in dowladda Iran ay $60,000 abaalmarin ahaan u siin doonto haweeney kasta oo disha ama qabata askari Mareykan ah, kadibna u soo dhiibta dowladda.
Waxa uu sheegay in sidoo kale ragga sameeya arrintaas iyagana la siin doono $30,000, oo uu sheegay inay u dhiganto 5 bilyan oo oo lacagta Iran ah.
Hatami ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka hadlayay shir loo qabtay munaasabadda Maalinta Saxafiyiinta.
Waxa kale oo uu sheegay in qofkii ku guuleysta inuu dilo askari Mareykan ah la siin doono abaalmarin laba jibbaaran iyo hub cusub. Hubkaas, ayuu sheegay, in lagu keydin doono matxaf loogu talagalay in lagu xuso dadka falalkaas sameeya.
Ma jiro warbixin rasmi ah oo laga soo saaray joogitaanka ciidamada dhulka ee Mareykanka gudaha Iran tan iyo markii uu dagaalku billowday, marka laga reebo hal dhacdo oo dhacday bishii Abriil ee sannadkii hore, markaas oo la badbaadiyey duuliye Mareykan ah oo diyaaraddiisu burburtay.
Taliyaha ciidamada Iran ayaa intaas ku daray: “Joogitaanka Mareykanka gebi ahaan ‘waa laga saaray’ gobolka, marka laga eego aragtida Tehran, ciidamada Mareykanku mar dambe xaq uma laha inay galaan Gacanka, Marinka Hormuz iyo Badda Cumaan.”
Warar dheeraad ah:
7-da dal ee Afrika ugu ‘halista badan’ dhanka amniga

Xigashada Sawirka, Social
Qoraalka sawirka, Al-Shabaab Koonfurta Saxaraha Afrika waxay sanad ka hor la kulantay hoos u dhac ku yimid heerarka nabadda, iyadoo celceliska xaaladda nabadeed ee gobolka uu hoos ugu dhacay 0.17%.
Inkasta oo qaar ka mid ah dalalka ay horumar ka sameeyeen dhinaca nabadda, haddana kala bar dalalka gobolka ayaa xaaladdoodu sii xumaanaysay.
Sida lagu sheegay Warbixinta Nabadda Adduunka ee sanadkii hore (GPI), tirada colaadaha ka jira gobolka ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Dalal badan ayaa uga jawaabaya xaaladdan iyagoo xoojinaya ciidamadooda milatari.
Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DR Congo): Waxay caqabado waaweyn oo dhinaca amniga ah, gaar ahaan kororka qalalaasaha siyaasadeed iyo argagixisada, siiba gobolka Saaxilka Dhexe.
Koonfurta Suudaan: Waxaa lagu qiimeeyay inay tahay dalka ugu nabad-darrada badan ee gobolka Koonfurta Saxaraha Afrika.
Mali: Sida ku cad Warbixintii Nabadda Adduunka ee 2025, xaaladda nololeed ee dalka Mali ayaa sii ahaanaysa mid aad u adag, gaar ahaan bishii Luulyo 2025-kii.
Deegaanno dhowr ah ayaa muddo dheer la daalaa-dhacayay amni-darro iyo xasillooni-darro joogto ah.
Burkina Faso: Tan iyo sanadkii 2015, Burkina Faso waxay wajaheysay colaad sii xumaanaysa, taas oo ay hurinayaan kooxo hubeysan oo Islaamiyiin ah.
Soomaaliya: Dhinaca Soomaaliya, xaaladda amni ayaa weli ah mid aan si buuxda u degganayn. Kooxda Al-Shabaab ayaa fulisay weerarro culus oo ay u adeegsanayso qaraxyo, ismiidaamin iyo dilal qorshaysan oo lala beegsado shaqsiyaad gaar ah. Deegaano qaar ah ayay weli heystaan oo iyagu gacanta ku hayaan, inkastoo dowladdu la wareegay deegaanada qaar ee ay qabsadeen.
Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe: Xaaladda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe (CAR) ayaa iyaduna ah mid adag. Shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa weli la kulmaya dhibaatooyin ka dhashay dagaallada u dhexeeya kooxo iska soo horjeeda.
Nigeria: Tirakoobyada ku jira Warbixinta Nabadda Adduunka ee 2025, gaar ahaan kuwa ku saabsan “aragtida dambiyada iyo waayo-aragnimada amni-darrada ee Nigeria”, ayaa ah kuwo walaac leh.
Sidoo kale akhriso
Trump oo ka hadlay heshiiskii difaac ee ay dhawaan saxiixdeen Turkiga Pakistan iyo Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Trump Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka falceliyay heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka ee ay kala saxiixdeen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Donald Trump ayaa hambalyo u diray hoggaamiyeyaasha saddexda dal, isagoo heshiiska ku tilmaamay “tallaabo geesinimo leh.”
Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku yiri:
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan arko in Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ay dhawaan saxiixeen Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka.”
Wuxuu sheegay in heshiisku muujinayo in Bariga Dhexe uu isu soo dhowaanayo, isla markaana dalalku ay hadda awood u yeelan doonaan inay si ka xoog badan sidii hore isu difaacaan. Wuxuuna hambalyo u diray hoggaamiyeyaasha saddexda dal, isagoo heshiiska ku tilmaamay “tallaabo weyn, geesinimo leh oo muhiim ah.”
Waxaa xusid mudan in Heshiiska Difaaca Wadajirka ah ee Maka uu dhigayo, in haddii mid ka mid ah saddexda dal—Sacuudiga, Turkiga ama Pakistan—uu la kulmo weerar hubaysan, weerarkaas loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday dhammaan saddexda dal.
Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Maka 7-dii Agoosto 2026, waxaana saxiixay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif.
Warar kale oo dheeraad ah
Israa’iil oo dal ay Soomaali badan ku nooshahay ku tilmaamay Jamhuuriyad Islaami ah

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Netanyahu Afhayeenka Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa difaacay hadalka Benjamin Netanyahu, isagoo taageeray aragtida hoggaamiyihiisa ee ah in Ingiriiska lagu tilmaamo "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain."
Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay podcast ka baxa Raadiyaha Ciidanka Israa'iil ku xusuustay inuu mar la kulmay wiilka uu awoowaha u yahay Winston Churchill, oo uu ku tilmaamay "qof Israa'iil jecel". Hase yeeshee, wuxuu sheegay in maanta aysan suurtagal ahayn in qof sidaas oo kale ah laga helo Ingiriiska.
Wuxuu intaas ku daray in Ingiriiska maanta uu yahay "Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Britain."
Dowladaha UK iyo Israa'iil ayaa muddo dheer ahaa xulafo dhow, balse wixii ka dambeeyay dagaalka Gaza, xiriirkooda waxaa soo kala dhex galay khilaafyo sii xoogeysanaya.
Tan iyo markii uu dagaalka Gaza billowday, xiriirka labada dowladood ayaa sii xumaaday, iyadoo ay soo baxeen xiisado iyo is-mariwaa siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.
Xiriirka taariikhiga ah ee UK iyo Israa'iil
Britain waxay ka mid ahayd waddamadii door weyn ka qaatay aasaaskii Israa'iil. Tusaalaha ugu weynna waa Bayaankii Balfour, oo loo arko mid ka mid ah dhagaxyadii aasaaska u ahaa samaysanka Israa'iil.
Sannadkii 1917, Britain waxay dhulkii Falastiin kala wareegtay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Waxay sidoo kale taageertay in dadka Yuhuudda ah ay Falastiin ka samaystaan deegaan ay ku noolaadaan. Arrintan waxaa lagu muujiyay Bayaankii Balfour.
Bayaankaas oo ka koobnaa qiyaastii 60 eray ayaa lagu sheegay in Britain ay taageerayso in dadka Yuhuudda ah ay Falastiin ka sameystaan "guri qaran". Isla bayaankaas waxaa lagu daray in aan la samayn karin wax tallaabo ah oo wax u dhimaysa xuquuqda madaniga ah iyo tan diimeed ee dadka aan Yuhuudda ahayn ee ku nool Falastiin.
Faahfaahin dheeraad ah
Maxaa ku soo kordhay xaaladda ciidamada Mareykanka ee saaran markabka USS Lincoln ?
Somaliland oo war ka soo saartay booqashada QM ee magaalada Laascaanood ee Waqooyi Bari

Xigashada Sawirka, Madaxtooyada Waqooyi Bari
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Somaliland ay weli ka go’an tahay fududeynta gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo dhammaan dadka u baahan, oo ay ku jiraan bulshada ku nool Laascaanood.
Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxay sheegtay in booqashooyinka saraakiisha sare ee Qaramada Midoobay ee goobaha xasaasiga ah ee dhinacyada siyaasadda iyo amniga ay tahay in lagu maro habraacyada diblomaasiyadeed ee jira.
Waxay intaas ku dartay in booqashooyinka noocaas ah loo baahan yahay in dowladda Somaliland horay loogu sii wargeliyo, lagala tashado, isla markaana lala sameeyo isku-duwid rasmi ah.
Somaliland waxay sheegtay inay qiimeyso xiriirka iyo iskaashiga muddada dheer ee ay la leedahay Qaramada Midoobay, iyadoo xustay inay doonayso in wada-shaqayntaasi ay sii socoto.
Somaliland waxay sidoo kale sheegtay inay filayso in mustaqbalka si buuxda loo dhowro habraacyada diblomaasiyadeed iyo waddooyinka rasmiga ah ee isgaarsiinta.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo Ku-simaha Madaxweynaha uu xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isuduwaha Arrimaha Gargaarka bani’aadannimada George Conway.Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqaynta dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.
War deg deg ah, Kumanaan qof oo ku barakacay dhulgariir dalka Indonesia ku dhuftay

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Qiyaastii 5,000 qof ayaa ku barakacay dhulgariir xooggan oo ka dhacay Indonesia, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan 53 qof.
Shaqaalaha samatabbixinta ayaa weli baadi-goobaya dad laga yaabo inay ka badbaadeen dhulgariirka cabbirkiisu ahaa 7.7 magnitude, kaas oo ku dhuftay jasiiradda Flores wax yar ka hor 5:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah Jimcihii.
Warbixinno hordhac ah ayaa sheegaya in in ka badan 900 guri iyo boqolaal dhisme oo kale ay si weyn u burbureen ama u waxyeelloobeen, kaddib dhulgariirka iyo 341 gariir oo daba socday. Sidaas waxaa sheegay Hay’adda Qaranka Indonesia u qaabilsan Maareynta Musiibooyinka.
Baaxadda dhabta ah ee khasaaraha weli si buuxda looma oga, iyadoo xogta ku saabsan musiibadu ay soo baxeyso. Dhanka kale, dhulgariir kale oo cabbirkiisu ahaa 6.9 magnitude ayaa ka dhacay meel kale oo Indonesia ah, taasoo xusuusin u ah sababta gobolkaasi loogu yaqaan “Giraanta Dabka” .
'Caadi ayuu u waashay': Trump oo canaantay Putin ka dib weerarradii Ukraine

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uusan la dhacsaneyn dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ka dib markii uu duqeyn ballaaran oo dhanka cirka ah ku qaaday Ukraine.
Dhaleecayn aan looga baran waayahan ayuu Trump ka dul dhacay Putin, isagoo is weydiiyey waxa baas ee helay. Wuxuuna goor dambe Putin ku tilmaamay "nin waalan".
Halkaan ka akhri warbixintan: 'Caadi ayuu u waashay': Trump oo canaantay Putin ka dib weerarradii Ukraine
War deg deg ah, Trump oo u hiiliyay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku si weyn u yareyn doono dhoollatusyada milatari ee wadajirka ah ee uu la sameeyo Kuuriyada Koonfureed.
Trump ayaa sheegay in go’aanka uu qayb ahaan ku saabsanyahay xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Waxa kale oo uu dhoollatusyada ku tilmaamay kuwo qaali ah oo fariin aan habboonayn oo colaadeed u diraya Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa sidoo kale xusay in Kuuriyada Koonfureed ay dhawaan diiday inay Maraykanka kala shaqeyso dadaallada lagu doonayo in Iran laga dhigo dal aan hub nukliyeer lahayn.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay qorsheynayeen inay Isniinta bilaabaan dhoollatuskooda militari ee sanadlaha ah, kaas oo la qorsheeyay inuu socdo 11 maalmood. Labada dal ayaa dhoollatusyada ku tilmaama kuwo difaac ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo diyaar-garowga ka dhanka ah khataraha Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa xiriir gaar ah la sameeyay Kim Jong Un intii uu u uku jiray muddo xileedkiisii hore, waxaana labadoodu markii ugu dambeysay si fool-ka-fool ah u kulmeen 2019.
War deg deg ah, Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald Trump inuu cadaadis saaro Israa’iil si ay u aqbasho heshiiska nabadeed ee Qasa ee uu taageerayo Mareykanku.
Kooxda ayaa war-saxaafadeed soo saartay kadib markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda uu Masar kula yeeshay wadahadallo dhif iyo naadir ah Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Trump.
Xamaas ayaa sheegtay inay fulisay marxaladdii koowaad ee qorshaha, taas oo dhigaysa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Qasa, isla markaana dib-u-dhis lagu sameeyo dhulka, iyadoo maamulka Qasa loo wareejinayo maamul rayid ah oo cusub.
Hase yeeshee, Israa’iil ayaa qorshahan diidday toddobaad ka hor, iyadoo sheegtay in shuruudda ugu horreysa ay tahay in Xamaas ay si buuxda u dhigto hubka.
War deg deg ah, Weerarro cusub oo Ruushku ku qaaday Ukraine oo dhaliyay khasaare xooggan

Xigashada Sawirka, Reuters
Mas’uuliyiinta Ukraine ayaa sheegay in ugu yaraan shan qof lagu dilay, in ka badan 10 kalena lagu dhaawacay weerarro cusub oo Ruushku ka fuliyay dalka.
Kadib weerarrada Ruushka, suuq ku yaalla magaalada Kyiv ayaa dab qabsaday.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu bartilmaameedsanayo kaabayaasha rayidka. Wuxuu sheegay in weerarradu ay sababeen dab ka kacay meelo kala duwan oo Kyiv ah, oo uu ku jiro suuq buugaagta lagu iibiyo.
Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Moscow ayaa sheegay in habeenkii xalay ay dhaceen mid ka mid ah weerarradii ugu waaweynaa ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay dhawaan ka fulisay gobolka Moscow. Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday bakhaar ganacsi.
Mas’uuliyiinta Ruushka ayaa iyaguna sheegay in toddoba qof ay ku dhinteen weerarro ay Ukraine ka fulisay gudaha Ruushka.
War deg deg ah, Xamaas oo farriin u dirtay Trump iyo waxa ay doonayaan
Xamaas ayaa ka codsatay Guddiga Nabadda ee Madaxweyne Donald Trump inuu cadaadis saaro Israa’iil si ay u aqbasho heshiiska nabadeed ee Qasa ee uu taageerayo Mareykanku.
Kooxda ayaa war-saxaafadeed soo saartay kadib markii mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda uu Masar kula yeeshay wadahadallo dhif iyo naadir ah Jared Kushner, oo ah wiilka uu soddogga u yahay Madaxweyne Trump.
Xamaas ayaa sheegtay inay fulisay marxaladdii koowaad ee qorshaha, taas oo dhigaysa in ciidamada Israa’iil ay ka baxaan Qasa, isla markaana dib-u-dhis lagu sameeyo dhulka, iyadoo maamulka Qasa loo wareejinayo maamul rayid ah oo cusub.
Hase yeeshee, Israa’iil ayaa qorshahan diidday toddobaad ka hor, iyadoo sheegtay in shuruudda ugu horreysa ay tahay in Xamaas ay si buuxda u dhigto hubka.
War deg deg ah, Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan Kuuriyada Koonfureed

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Maraykanku si weyn u yareyn doono dhoollatusyada milatari ee wadajirka ah ee uu la sameeyo Kuuriyada Koonfureed.
Trump ayaa sheegay in go’aanka uu qayb ahaan ku saabsanyahay xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un. Waxa kale oo uu dhoollatusyada ku tilmaamay kuwo qaali ah oo fariin aan habboonayn oo colaadeed u diraya Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa sidoo kale xusay in Kuuriyada Koonfureed ay dhawaan diiday inay Maraykanka kala shaqeyso dadaallada lagu doonayo in Iran laga dhigo dal aan hub nukliyeer lahayn.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay qorsheynayeen inay Isniinta bilaabaan dhoollatuskooda militari ee sanadlaha ah, kaas oo la qorsheeyay inuu socdo 11 maalmood. Labada dal ayaa dhoollatusyada ku tilmaama kuwo difaac ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo diyaar-garowga ka dhanka ah khataraha Kuuriyada Waqooyi.
Trump ayaa xiriir gaar ah la sameeyay Kim Jong Un intii uu u uku jiray muddo xileedkiisii hore, waxaana labadoodu markii ugu dambeysay si fool-ka-fool ah u kulmeen 2019.
Tirada dhimashada shilkii doonta Lake Kariba oo gaartay 84

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Booliiska Zimbabwe ayaa sheegay in 12 meydad oo dheeraad ah laga soo saaray harada Kariba, kadib markii doon rakaab siday ay ku rogmatay harada, taasoo tirada dadka dhintay ka dhigtay 84 qof.
Hawlgallada lagu baadigoobayo dadka weli la la’yahay ayaa socda, waxaana ka qayb qaadanaya quusayaal ka tirsan booliiska iyo ciidamada milatariga.
Shilkan ayaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah shilalkii ugu khasaaraha badnaa ee dhinaca gaadiidka biyaha ee Zimbabwe ka dhacay sannadihii u dambeeyay.
Warar dheeraad ah:
