Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan: Ma jiro xal milatari ama mid cunaqabatayn oo xal lagu gaari karo
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in “aysan jirin xal milatari, sidoo kalena aysan jirin xal ku salaysan cunaqabateyn dheeraad ah” oo lagu xallin karo colaadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.
Cabaas Caraqji ayaa yiri: “Maraykanku horey ayuu uga guuldarreystay dagaal iyo diblomaasiyad labadaba. In la isku dayo cunaqabateyn cusub wax faa’iido ah uma yeelan doonto.”
Mr. Caraqji, oo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay safiirrada iyo ku-simayaasha safiirrada wakiillada caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Iran, ayaa intaas ku daray: “Xal ku dhisan wada-xaajood, caddaalad iyo sinaan, iyo xal sharaf leh oo diblomaasiyadeed ayaa keliya noqon kara mid wax ku ool ah, isla markaana horseedi kara xal kama dambeys ah oo lagu soo afjaro dagaalkan iyo gardarradan sharci-darrada ah ee aan caddaaladda ku dhisnayn ee lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”
Isagoo ka hadlayay diyaar-garowga Iran ee ku aaddan inay wajahdo weerar milatari oo cusub oo Maraykanku qaado, wasiirka arrimaha dibadda ee Iran wuxuu yiri: “Waxaan rajaynaynaa in Maraykanku doorto waddada xikmadda iyo caqliga, laakiin haddii ay mar kale u dhaqaaqaan xalal milatari, waxaan hadda ka diyaar-garownay sidii hore, waxaana qaadi doonnaa tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si aan isu difaacno.”









