Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

    .

    Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhaawacmeen weerarro xalay lagu qaaday garoomada diyaaradaha Jizan iyo Najran.

    Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in dhismayaasha iyo xarumaha garoomada ay soo gaareen “waxyeello kooban”.

    Xuutiyiinta Yemen ayaa hore u sheegtay inay weerarro ku qaadeen garoomada diyaaradaha Sacuudiga.

    Weerarradan ayaa dhacay xilli ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ay sheegeen inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta marinka Bab al-Mandab.

    Ciidamada dowladda Yemen ayaa shalay ku dhawaaqay inay bilaabeen hawlgal ballaaran oo loogu magac daray “Yemen Sunrise ama howlgal qorrax sii baxa”, kaas oo ay ku doonayaan inay Xuutiyiinta kaga saaraan deegaannada ay maamulaan.

    Isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ayaa sheegay inuu taageerayo ciidamadaas, isagoo hawlgalka ku taageeraya 100 diyaaradood oo dagaal iyo daboolka cirka.

  2. Caasha-badhi: Muxuu yahay maxaase lagu arkay xayawaankan laga dhoofinayo Somaliland?

  3. War deg deg ah, Diyaarad burburtay iyo dadkii saarnaa oo la baadi-goobayo

    .

    Dowlad-goboleedka Ondo ee Nigeria ayaa bilaabay howlgal lagu baadi-goobayo dadkii saarnaa diyaarad ay leeyihiin Ciidanka Cirka Nigeria oo ku burburtay deegaanka Igbokoda.

    Mas’uuliyiin ka socda dowladda Ondo iyo hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa gaaray goobta shilka si ay u qiimeeyaan xaaladda una taageeraan howlaha samatabixinta.

    Diyaaradda oo nooca ATR-42 ah, lambarkeeduna yahay NAF 970, ayaa la sheegay inay siday 32 qof, oo 25 rakaab ah iyo toddobo shaqaale ah, xilli ay ku socotay hawlgal ka jira inta u dhaxaysa Benin iyo Lagos.

    Dowladda Ondo ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada howlaha baadi-goobka, waxayna shacabka ugu baaqday inay is dejiyaan oo ay ku tiirsanaadaan xogta rasmiga ah ee mas’uuliyiinta inta baaritaanku socdo.

  4. War deg deg ah, Degdeg: Kenya oo laga helay cudurka Ebola iyo dowladda oo xaqiijisay

    Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola. Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa xaqiijiyay kiiskan xilli uu qabanayay shir jaraa’id, isagoo sheegay in bukaankii uu geeriyooday.

    Cudurkaan ayaa si xooggan uga jira dalka Congo, waxaa sidoo kale laga arkay dalalka deriska la ah dalkaasi Rwanda iyo Uganda.

  5. War deg deg ah, Xiriirka Ingiriiska iyo Israa'iil oo u muuqda in uu gaaray meel xasaasi ah iyo digniino la is dhaafsaday

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa Israel uga digtay inay tallaabo ka qaadi doonto 27 diblomaasiyiin Israa’iiliyiin ah haddii Israa’iil ay xirto qunsuliyadda Britain ee Bariga Qudus.

    Dowladda Israel ayaa hore u sheegtay inay xirayso qunsuliyadda laga bilaabo 8-da Oktoobar, taas oo ay ku tilmaantay jawaab ay ka bixinayso go’aanka Britain ee cunaqabateynta badeecadaha laga soo saaro deegaannada Israa’iil ay ka dhistay Daanta Galbeed ee la haysto.

    Tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiriirka siyaasadeed ee Britain iyo Israel, kaas oo gaari kara heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii la aas-aasay Israel.

    Wasiirkii hore ee Caddaaladda Britain, Dominic Grieve, ayaa sheegay in xiritaanka qunsuliyadda ay noqon karto tallaabo sharci-darro ah, maadaama Bariga Qudus ay Qaramada Midoobay iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jirto Britain, u aqoonsan yihiin dhul Falastiin ay leedahay oo la haysto.

    Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel, Gideon Saar, ayaa go’aanka Britain ku tilmaamay “anshax-darro”, isagoo ku eedeeyay xisbiga Labour-ka Britain inuu mowqif colaadeed ka aaminsanyahay Israel.

  6. Waa kuma Axmed Shide, Soomaaligii ugu horreeyay ee loo doorto xilka guddoomiyaha baarlamaanka Itoobiya?

  7. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaare Abiy: "Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed"

    .

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu sii xoojin doono dadaallada uu ku doonayo inuu helo marin badeed.

    Wuxuu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay si kasta u difaacdo xuquuqdeeda iyo danaha qarankeeda.

    “Waxaan si adag uga shaqayn doonnaa sidii Itoobiya u heli lahayd meel ay ka gasho ugana baxdo badda,” ayuu yiri.

    Hadallada Abiy ayaa yimid xilli dalalka deriska la ah Itoobiya ee Eritrea, Soomaaliya, Suudaan iyo Masar ay soo saareen bayaan wadajir ah oo ku saabsan arrimaha Badda Cas iyo webiga Nile.

    Abiy ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay awood u leedahay inay dhisato ciidan iyo ciidan cirka oo xooggan, si ay isaga difaacdo cadowgeeda.

    Wuxuu sheegay in Itoobiya ay sannadihii u dambeeyay wajahday caqabado badan, balse ay ka gudubtay, isla markaana aysan mar kale dhici doonin.

    Isagoo ka hadlayay dagaallada ka socda waqooyiga dalka, Abiy wuxuu sheegay in Itoobiyaanku ay isku aragti ka yihiin arrimaha danaha qaranka, inkastoo ay ku kala duwan yihiin arrimaha siyaasadda.

    Wuxuu sidoo kale ugu baaqay kooxaha hubaysan inay wadahadal iyo dib-u-heshiisiin ku soo laabtaan, isagoo yiri: “Idinka Itoobiyaanka ah ee kaymaha ku jira, ku soo laabta jidka nabadda.”

  8. War deg deg ah, Maxaa ka socda Qadar oo ku saabsan Iran?

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran, Eskandar Momeni, ayaa u safray magaalada Doha ee caasimadda Qatar, halkaas oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Qadar, Khalifa bin Hamad bin Khalifa Al Thani, iyo mas’uuliyiin kale.

    Momeni waxaa safarka ku weheliya ku-xigeenno ka tirsan wasaaraddiisa iyo guddoomiyeyaasha gobollada Tehran, Hormozgan iyo Bushehr.

    Qadar ayaa door dhexdhexaadin ah ka qaadanaysa xiriirka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyadoo labada dal ay xiisad ka dhex taagan tahay.

    Inkasta oo Qadar ay xiriir dhow la leedahay Iran, haddana Doha ayaa cambaareysay weerarro Iran ay dhowaan ku qaaday dalka Qadar, kuwaas oo Tehran sheegtay inay ku bartilmaameedsatay danaha Mareykanka.

  9. War deg deg ah, Xasan ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, maadama isagu horey dad u toogtay

    Dil toogasho ah

    Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in dil toogasho ah lagu fulin doono Nidal Malik Xasan, oo ahaa sarkaal iyo dhakhtar ka tirsanaa ciidamada Mareykanka.

    Tani waxay noqon doontaa dilkii ugu horreeyay ee askari Mareykan ah lagu fuliyo toogasho tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

    Xassan ayaa 5-tii November 2009 ku toogtay saldhigga Fort Hood ee Texas 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, halka 32 kale ay ku dhaawacmeen dhacdadaa.

    Afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell ayaa sheegay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu soo jeediyay in Xasan lagu fuliyo dil toogasho ah, isla markaana Madaxweyne Donald Trump ansixiyay.

    Xasan waxaa lagu helay 13 dacwadood oo dil ah iyo 32 dacwadood oo isku day dil ah. Guddiga maxkamadda oo ka koobnaa 13 sarkaal ayaa si wadajir ah ugu taliyay in lagu xukumo dil.

    Parnell ayaa sheegay in waqtiga iyo goobta lagu fulinayo xukunka la go’aamin doono. Wuxuu bartiisa X ku qoray: “Maalintii xisaabtanka Xasan ayaa ugu dambeyn timid.”

    Intii lagu jiray maxkamadeyntiisa militari ee 2013, Xasan wuxuu sheegay inuu aaminsanaa inuu ilaalinayay Muslimiinta iyo Taalibaanka ee Afghanistan, isagoo sidoo kale qirtay inuu ahaa qofkii toogashada geystay.

    Weerarkii 5-tii November 2009 ayaa loo arkaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee aan militari ahayn ee lagu qaado saldhig ciidamada Mareykanka ah taariikhda dalka.

  10. War deg deg ah, War cusub: Trump iyo ku xigeenkiisa oo hal dhacdo siyaabo kala duwan uga hadlay

    Trump

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Iran ay ka dambeysay shilkii diyaaradda FlyDubai, isla markaana laga yaabo inay ku lug leedahay hanjabaad amni oo sababtay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka laga saaro saldhigga RAF Fairford ee Britain.

    Trump ayaa sheegay in diyaaradaha laga saaray saldhigga kadib markii Mareykanku helay warar ku saabsan “hanjabaad gaar ah”, isagoo sheegay in tallaabadu ahayd mid taxaddar ah.

    Si kastaba, hadalka Trump ayaa ka duwan mowqifka Madaxweyne-ku-xigeenka JD Vance, kaas oo sheegay in aan weli la hayn caddeyn lagu qanci karo oo Iran ku xiriirinaysa dhacdada FlyDubai. Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayaa isna sheegay in wareejinta diyaaradaha ay u badan tahay inay ahayd tallaabo caadi ah oo lagu beddelayo ciidamo iyo qalab militari.

    Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu ogyahay dadka ka dambeeyay hanjabaadda, balse uusan shaacin cidda ay yihiin. Markii la weydiiyay haddii hanjabaaddu la xiriirto Iran, wuxuu ku jawaabay: “Waxay la xiriiri kartaa Iran.”

    Hadalladan ayaa muujinaya kala duwanaansho ka dhex jira maamulka Trump oo ku saabsan sida loo sharxayo dhacdooyinkan, iyadoo Trump uu si toos ah u tilmaamayo Iran, halka Vance iyo Rubio ay muujinayaan taxaddar dheeraad ah.

  11. Nin aflagaadeyay Nabi Muxamed NNKH, oo dil lagu xukumay iyo qoyskiisa oo cafis dalbanaya

  12. Cilmi-baaris: Maxey aqoonyahanndu ka yirihaadeen arrintaan xilliga hurdada la isku arko?

    .

    Warbixin lagu daabacay mareegta Qaranka ee daawada Mareykanka iyo cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Caafimaadka ee Tongji ee Shiinaha ayaa isbarbardhig ku sameeyay shahwo rag laga qaaday, waa kuwa sida lama filaanka ah u shahwo-baxa iyo minida rag caafimaadka qaba.

    Xaaladdan, oo loo yaqaan shahwa-baxa aan ku tala galka ahayn (involuntary ejaculation), waxaa lagu gartaa in ninku uu la kulmo dhibaato shahwo-bax, xitaa haddii isla fal-galka si dhaqso ah uu dhaco.

    Cilmi-baaristu waxay sheegtay in xaaladdani tahay sababta ugu weyn ee 72% ilma la'aanta ragga sababta mararka qaar. Ragga la kulma biyo-baxa aan ku tala galka ahayn, waxay dhibaato ku qabaan inay shahwo baxaan marka ay galmo samaynayaan ama xitaa marka dareenkoodu kacsanyahay iyaga oo hurda.

    Shahwada waxaa laga qaaday 91 nin oo la ildaran xaaladdan biyo-baxa hurdada ku yimaada, iyadoo la adeegsanayo qalab gaar ah oo ku shaqeeya gariir (PVS iyo EEJ).

    Gunaanadkii daraasadda ayaa muujisay in shahwada laga helo hab dhaqameed (intii uu hurdo ku biyo-baxayo) ay 30.6% u badan tahay inay dhaqso u dhaqaaqdo (motility), isla markaana ay 61.4% u badan tahay inay lahaato qaab-dhismeed isku mid ah marka loo eego hababka kale ee shahwada lagu helo.

    Daraasadaha waxay muujinayaan in ragga aan ka warqabin biyo-baxa xilliga hurdada ay leeyihiin shahwo tayo fiican leh.

    Maaddaama biyo-baxa xilliga hurdada uu yahay xaalad aan la saadaalin karin goorta ay dhici doonto, ragga waayo-aragnimadaas lahaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaa lagula taliyay in ay xirtaan habeenkii qalab marka ay hurdaan si ay u keydiyaan muunad shahwo ah cilmi-baarista awgeed.

    Daraasad kale oo lagu daabacay mareegta Machadka Qaranka ee Caafimaadka Taranka ee Ragga iyo Dumarka ee Maraykanka waxay qiimeysay awoodda ragga dhibaatada ku qaba dareenka inay ku bacramin karaan lammaanayaashooda iyagoo adeegsanaya shahwada laga helay intii ay huradayeen.

    Daraasaddu sidoo kale waxay sheegtay in inkastoo tayada shahwada laga helo biyo-baxa hurdada ay kala duwanaan karto ragga dhexdooda, haddana waa la adeegsan karaa si cilmi ah, si loogu xiro ugxanta dumarka, iyadoo la iska ilaalinayo hababka adag sida kuwa koronto ama qalliin lagu sameeyo oo shahwada lagu helo.

    Dr. Kamaraj wuxuu yiri:"Qof kasta laga bilaabo wiilasha 12 jirka ah ilaa ragga waayeelka ah wuu ku shahwa-bixi karaa intuu hurdo. Ilmala'aan ama shahwo yari laguma xiro mini-baxa xilliga hurdada la arko. Jirka bani'aadamku wuxuu soo saaraa shahwo cusub mar kasta oo qofku biyo-baxo. Hurdo ama adeegsiga gacanta midkoodna ma saameeyo awoodda taranka ee ninka."

  13. Muxuu qorsheynayay ninkii dhawaan weeraray duuliyihii diyaaraddii ku socotay Israa'iil?

    .

    Duuliyaha labaad ee flydubai ee lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu afduubto diyaarada ayaa qorsheynayay inuu diyaaradda ku burburiyo garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee Tel Aviv ama dhisme dheer oo ku yaal magaalada Israa'iil, sida ay sheegayaan warbixinnada Mareykanka iyo Israa'iil.

    Ninka u dhashay Cumaan ayay sheegeen warbixinadu in uu ahaa xagjir "kiligii howlgalayay".

    Xeer ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in duuliyaha labaad uu isku dayay inuu fuliyo "fal argagixiso" duulimaadkii FZ1073 oo ka yimid Dubai una socday Tel Aviv Arbacadii la soo dhaafay.

  14. War deg deg ah, Dagaalka Yemen oo sii xoogeystay iyo ciidamada dowladda oo deegaanno cusub qabsanaya

    .

    Dagaallada Yemen ayaa Isniintii sii xoogaystay, iyadoo ciidamada dowladda Yemen ee Sacuudigu taageero ay sheegeen inay horumar ka sameeyeen gobolka Tacis, ayna qabsadeen magaalada Mocha iyo fariisimo ku dhow marinka Bab al-Mandab.

    Xuutiyiinta ayaa dhankooda ku dhawaaqay weerarro cusub oo lagu qaaday bartilmaameedyo gudaha Sacuudiga, xilli isbahaysiga ay Riyad hoggaamiso uu kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah fariisimaha kooxda.

    Horumarradan ayaa yimid kaddib markii dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ay billowday hawlgal militari oo ballaaran oo loogu magac daray “Yemen Dawn”.

  15. Mareykanka oo ansixiyay hub qiimihiisu yahay $1 bilyan oo doollar oo laga iibinayo Imaaraadka Carabta

    Mareykanka ayaa ansixiyay iibinta hub qiimahiisu yahay $1 bilyan oo doollar oo loo diray Imaaraadka Carabta.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "Iibinta la soo jeediyay waxay kor u qaadi doontaa awoodda Imaaraadka Carabta ee ka hortagga khataraha hadda jira iyo kuwa mustaqbalka, iyo sidoo kale inay hagaajineyso is-dhexgalka ciidamada Mareykanka."

    Bayaanka ayaa lagu sheegay in iibka "uu taageeri doono siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka iyo ujeeddooyinka amniga qaranka iyadoo la xoojinayo amniga saaxiib muhiim ah oo difaaca Mareykanka ah."

    Imaaraadka Carabta waxay la kulmeen xiisado ku aadan xiriirka dibadda ee ay la leedahay deriskeeda, oo ay ku jiraan Sacuudi Carabiya iyo Iiraan, bilihii la soo dhaafay.

    Ka dib weerarkii isku mar ay Israa'iil iyo Mareykanka ay ku qaadeen Iiraan, Imaaraadka Carabta wuxuu ka mid ahaa bartilmaameedyadii ay Iiraan bartilmaameedsatay si ay uga aargudato weeraradii gantaalada ee Mareykanka.

  16. Arrin uu damacsanaa ninkii weeraray duuliyihii Flydubai in ku sameeyo garoonka Tel Aviv oo la shaaciyay

  17. Maraykanka oo sheegay in aan cadeyn loo hayn in Iran ku lug lahayd dhacdadii Flydubai

    JD Vance

    Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in aysan jirin wax caddayn ah oo muujinaya doorka Iiraan ee dhacdadii Flydubai.

    J.D. Vance ayaa la hadlay wariyeyaasha ka hor inta uusan safar diyaaradeed ugu ambabixin Alaska.

    Diyaaradda Emirates Airlines oo ka timid Dubai una socotay Tel Aviv ayaa calaamad degdeg ah ka dirtay Urdun qiyaastii laba saacadood ka dib markii ay kacday Arbacadii hore, waxayna beddeshay jihada, ugu dambayntiina waxay ka degtay Garoonka Diyaaradaha Tabuk ee Sacuudi Carabiya.

    Xeer ilaaliyaha Guud ee Imaaraadka Carabta ayaa hore u sheegay in duuliyaha labaad ee diyaaradda Flydubai uu damacsanaa inuu geysato "fal argagixiso.

    Waa markii ugu horreysay ee mas'uuliyiinta Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah dhacdada ugu tilmaamaan "argagixiso."

  18. Ahmed Shide oo loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Itoobiya

    Shide

    Golaha Wakiillada ee dalka Itoobiya ayaa u doortay Axmed Shide Guddoomiyaha Golaha Wakiillada muddada shanta sano ee soo socota ah.

    Axmed Shide ayaa hore u soo noqday Wasiirka Maaliyadda dalka Itoobiya, wuxuuna horay u soo qabtay xilal kala duwan oo dowladeed.

    Kadib markii loo doortay Guddoomiyaha, Axmed Shide ayaa loo dhaariyay xilkaan.

  19. Abiy Ahmed oo mar kale loo doortay in uu noqdo raa'iisul wasaaraha Itoobiya

    Abiy

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dib loogu doortay inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha dalkaas.

    Abiy ayaa xilka loo dhaariyay markii labaad - isagoo noqonaya Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya - kadib doorashooyinkii sannadkan.

  20. Aramco oo ka digtay in sawirada dayaxgacmeedka loo adeegsado weeraro ka dhan ah kaabayaasha iyo maraakiibta shidaalka

    .

    Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Aramco, ayaa sheegtay in sawirrada dayax-gacmeedka iyo xogta saxda ah ee raadraaca maraakiibta ay si isa soo taraysa llogu isticmaalayo weerarrada kaabayaasha dhaqaalaha iyo maraakiibta shidaalka.

    Madaxa shirkadda Aramco Amin Nasser ayaa sheegay in "nidaamyada dadwaynaha u furan aysan noqon rasaas gardarro loo adeegsado," isagoo intaa ku daray in "tiknoolajiyadu ay leedahay faa'iidooyin badan, laakiin sidoo kale ay leedahay khataro halis ah."

    Hay'adda Caalamiga ah ee Badda, oo ah hay'adda maraakiibta ee Qaramada Midoobay, ayaa ku qiyaastay in tan iyo markii dagaalka Iiraan-Ciraaq uu bilaabmay Maarso 29, ay dhaceen ilaa 91 weerar ama dhacdooyin ku lug leh maraakiibta Gacanka Faaris iyo gobolka Bariga Dhexe, kuwaas oo dilay 24 badmaaxe.

    Xarumaha saliidda ee Aramco, oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee soo saara saliidda adduunka, waxaa si isdaba joog ah u bartilmaameedsaday weeraro shisheeye.