Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Dal ay ciidamadoodu joogaan Soomaaliya oo ku biirtay dalalka aqbalay muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Burundi ayaa ku biirtay dalal kale oo Afrikaan ah oo aqbalaya muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka, taas oo qayb ka ah siyaasadda adag ee socdaalka ee madaxweyne Donald Trump.

    Dowladda Bujumbura ayaa sheegtay inay aqbali doonto oo keliya muhaajiriinta aan lagu eedayn dambiyo ama aan xiriir la lahayn argagixisada, sida ay sheegtay Nancy Ninette Mutoni, afhayeenka madaxweynaha dalkaas Evariste Ndayishimiye.

    Washington ayaa muhaajiriin laga masaafuriyay Mareykanka u diraysay ugu yaraan lix dal oo Afrikaan ah, iyadoo loo marayo heshiisyo aan si cad loo shaacin. Senatarro ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in heshiisyadan ay ku kacayaan tobannaan milyan oo doollar.

    Si kastaba ha ahaatee, hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ka hor yimid tallaabadan Mareykanka.

    Mutoni ayaa sheegtay in diyaar-garow lagu sameynayo sidii muhaajiriinta loo siin lahaa hoy, deegaan wanaagsan oo ay ku noolaadaan, isla markaana loogu dhex dari lahaa bulshada.

    “Qaadashada kooxdan muhaajiriinta ah waxay u baahan tahay qorshayaal adag oo ku saabsan halka ay ku noolaan doonaan, waxa ay cuni doonaan iyo sida ay ula macaamilayaan dadka deegaanka,” ayay tiri afhayeenku.

    Markii wax laga weydiiyay suurtagalnimada in muhaajiriintan la siiyo dhalashada Burundi, afhayeenku waxay ku jawaabtay: “Haddii ay doortaan inay ku biiraan muwaadiniinta Burundi oo ay gacan qiimo leh ka geystaan horumarka qaranka, sharciga ayaa la ixtiraami doonaa.”

    Afhayeenku waxay intaas ku dartay in Burundi ay doonayso inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Mareykanka, isla markaana ay martigeliso dadka u baahan caawimaad.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  2. Qaramada Midoobay oo war ka soo saartay dhacdadii diyaarada Flydubai

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres
    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa muujiyay “walaac weyn” oo ku saabsan dhacdadii ka dhacday duulimaadkii Dubai–Tel Aviv, balse wuxuu sheegay inuu “ku faraxsan yahay” in laga hortagay musiibo.

    Bayaan uu soo saaray kaddib wixii ka dhacay diyaaradda FlyDubai ee ka soo duushay Imaaraadka kuna sii jeeday Tel Aviv, afhayeenka Guterres, Stéphane Dujarric, ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu “si adag u cambaareynayo fal kasta oo khatar gelinaya nolosha dadka rayidka ah iyo badqabka duulista rayidka ah.”

    Wuxuuna ammaanay “dhammaan hay’adaha ay khusayso dadaalladooda ku aaddan xaqiijinta badqabka dhammaan rakaabka iyo sameynta baaritaan ku saabsan dhacdada.”

  3. Netanyahu oo sheegay xog uu u gudbiyey Ingiriiska ka hor dhacadadii saldhiga cirka

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu
    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in dalkiisu uu Ingriiska uga digay in Iran ay qorshaynaysay inay weerarto saldhig diyaaradeed, balse wuxuu sidoo kale dhaleeceeyay Britain oo uu sheegay inay sii waddo cadaadiska ay ku hayso dowladda Israa’iil, gaar ahaan habka ay ula dhaqanto Falastiiniyiinta.

    Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham ayaa shalay sheegay “Waxaa jira tilmaamo xooggan oo muujinaya in Iiraan ay ku lug lahayd wixii ka dhacay Saldhigga Ciidanka Cirka ee RAF Fairford dhammaadkii toddobaadkan, balse weli waxaa socda baaritaan boolis oo adag oo arrin culus ku saabsan, waxaana si dhow ula shaqaynaynaa Mareykanka.”

    Mareykanku wuxuu saldhiggan u adeegsaday dagaalkii uu kula jiray Iran.

    Mr. Netanyahu ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in Israa’iil ay Britain siisay xog ku saabsan weerar la qorsheeyay, wax yar ka hor intii aysan dowladda Ingiriiska 8-dii Sebtembar ku soo rogin cunaqabateyn badeecooyinka laga soo saaro deegaannada Israa’iiliyiinta ee ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto.

    “Waxaan Ingiriiska siinay xog sheegaysa in weerar la qaadi doono, isla markaana Iran ay taageeri doonto. Ku dhowaad maalintii xigtayna, waxay nagu soo rogeen cunaqabateyn,” ayuu intaas ku daray.

  4. Flydubai oo hakisay duulimaayadii tagi jiray kagana imaan jirtay Israa’iil iyo garsoorka Imaaraadka oo baaritaan bilaabay

    Flydubai
    Qoraalka sawirka, Flydubai

    Flydubai ayaa si ku-meel-gaar ah u hakisay duulimaadyadeeda taga Israa’iil iyo kuwa ka soo yimaada iyadoo ay socoto baaritaanka dhacdadii ka dhacday duulimaad ka soo baxay garoonka diyaaradaha ee Dubai kuna socday Garoonka Caalamiga ah ee Ben Gurion.

    Shirkaddu waxay sheegtay in hakinta ku-meel-gaarka ah ay fursad siinayso hay’adaha ay khusayso inay sii wadaan hawlahooda, isla markaana ay go’aamiyaan dhammaan xaqiiqooyinka la xiriira dhacdada.

    Shirkaddu waxay sidoo kale tilmaantay inay si dhow ula shaqaynayso hay’adaha dowladda, hay’adaha nidaaminta iyo dhinacyada ay khusayso ee garoonka diyaaradaha, iyadoo xustay inay dib u eegis ku samayn doonto go’aanka hakinta duulimaadyada marka ay soo baxaan macluumaad dheeraad ah.

    Garsoorka Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadan, sida ay Khamiistii sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraadka (WAM), kaddib markii diyaaradda ay Arbacadii si degdeg ah ugu degtay garoon diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudi Carabiya, xilli ay ka soo duushay Dubai kuna sii jeeday Tel Aviv.

    Wakaaladdu waxay sheegtay in kooxda baaritaanka ay “bilaabeen shaqadooda ku aaddan dhacdada, iyagoo la kaashanaya Hay’adda Guud ee Duulista Rayidka iyo hay’adaha ay khusayso ee dalka.”

    Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa amray in “baaritaan lagu sameeyo si loo ogaado in dhacdadu la xiriirtay wax fal argagixiso ah ama ujeeddo argagixiso, ama in horay loo sii qorsheeyay ama loo faray.”

  5. Waa kuma Mustafe Cagjar? Madaxweynaha mar kale loo doortay hoggaaminta DDSI?

  6. War deg deg ah, Eritrea oo ka jawaabtay eedeyn uga timid dowladda Itoobiya

    .

    Dagaallada ayaa ku sii xoogeysanaya waqooyiga Itoobiya, iyadoo Eritrea ay beenisay inay ku lug leedahay colaadda.

    Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa BBC u sheegay in dowladda Itoobiya ay dalalka deriska ah ku eedeyso dhibaatooyinka gudaha dalka.

    Saraakiisha Itoobiya ayaa horey Eritrea, Suudaan iyo Masar ugu eedeeyay inay taageeraan kooxaha hubeysan, balse Eritrea way beenisay eedahaas.

    Dagaallo ayaa ka socda Tigray, Amhara iyo deegaanno kale, iyadoo xaaladdu ay sare u qaaday walaaca laga qabo xasillooni-darro iyo xaalad bani’aadamnimo.

    Dhanka kale, hay’adda sirdoonka Itoobiya ayaa si aan waqti loo cayimin u mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Addis Ababa iyo nawaaxigeeda, iyadoo tallaabadan lagu sheegay arrimo amni.

  7. War deg deg ah, Iran oo ku baaqday in Mareykanka laga saaro guudahaan Bariga Dhexe

    Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku baaqday in ciidamada Mareykanka laga saaro guud ahaan Bariga Dhexe, iyadoo bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Ciraaq ku tilmaantay “guul taariikhi ah” oo u soo hoyatay waxa ay ugu yeertay “xagasha iska-caabbinta”.

    war ay soo saartay Ilaalada Kacaanka ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu ka baxo gobolka, isla markaana mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo dalalka gobolka.

    Waxay sidoo kale sheegtay in joogitaanka militariga Mareykanka ee gobolka labaatankii sano ee la soo dhaafay uusan keenin amni, balse uu horseeday “amni-darro, xagjirnimo iyo xasillooni-darro”.

    Ciidamadii Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga uu hoggaaminayay ayaa si rasmi ah uga baxay Ciraaq 30-kii Sebtembar, kaddib markii la soo gabagabeeyay howlgalka ka dhanka ahaa kooxda Daacish. Dowladda Ciraaq ayaa bixitaanka ku tilmaantay tallaabo lagu xaqiijinayo madax-bannaanida dalka.

  8. War deg deg ah, Madaxweyne Mustafe oo mar kale loo doortay hoggaaminta dowlad deegaanka Soomaalida

    .

    Madaxweynaha dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa loo doortay mar kale xilka madaxweynaha deegaanka Soomaalida. Xildhibaannada golaha 7-aad ee DDS ayaa mar markale u ansixiyey Madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar in uu xilka sii hayo.

    Sidoo kale xildhibaannada ayaa doortay xubno kale oo uu ka mid yahay afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

  9. War deg deg ah, 'Dhiig ayaa meel walba ku yaalay': Rakaabku waxay sharraxeen wixii gudaha diyaaradda ka dhacay

    .

    Rakaabka saarnaa diyaaradda ayaa la hadlayay warbaahinno kala duwan. BBC News ayaan awoodin inay xaqiijiso sheegashooyinkooda.

    Yasmin Abukasis ayaa u sheegtay Reuters in gabadheeda - oo duulimaadka saareneyd - ay sheegtay in nin mindi haysta uu mid ka mid ah duuliyayaasha ku qasbay inuu dhulka soo fadhiisito, meel walbana dhiig baa ka da'ayay.

    Iyada oo ka hadlaysa Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee Israa'iil, waxay sheegtay in gabadheeda ay taleefan u dirtay si ay ugu sheegto inay qaylo ka maqashay diyaaradda iyadoo duuliye uu caawimaad u baahan yahay, iyadoo raacisay in laba duuliye oo kale ayaa la wareegay maamulka diyaaradda iyadoo rakaab kale ay u carareen dhanka nin mindi haystay.

    "Diyaaraddu waxay bilowday inay lumiso xakamaha. Markaa dhammaan dadkii, way qayliyeen, waxay u maleynayaan inay dhimanayaan," Abukasis ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

    Mid ka mid ah rakaabka dumarka ah ayaa sharraxday daqiiqaddii "aad u walwalsanayd" ee dadku ogaadeen in diyaaraddu ay hoos u dhacayso. "Waxaan fahamnay in duuliyayaashu ay lumiyeen xakamaynta," ayay u sheegtay wargeyska Israa'iil ee Israel Hayom.

    "Waxaa halkan jooga dad shaatiyo dhiig leh wata," ayay tiri, iyadoo raacisay: "Hadda waan fiicannahay oo waxaan rabnaa inaan ku laabano guryaheena."

    Rakaab kale oo aan la magacaabin ayaa u sheegay Jerusalem Post in rakaabkii u dhawaa qaybta hore ee diyaaradda ay weeraryahankii ka saareen qolka diyaaradda ka dib markii la mindiyeeyay duuliyaha kale, laba duuliye oo saarnaa qaybta dambe ee diyaaradda ayaa diyaaradda dejiyay.

    Almog Italian, oo isna saarnaa diyaaradda, ayaa warbaahinta u sheegay in mid ka mid ah duuliyayaasha diyaaradda soo dejiyay uu ahaa Ingiriis.

    Duuliyaha kale wuxuu ahaa reer Yurub, sida uu Italian sheegay, inkastoo uusan sheegin dhalasho gaar ah.

  10. War deg deg ah, Madaxweynaha Ukraine oo jiidda hore ee dagaalka jooga

    Zelenskyy
    Qoraalka sawirka, Zelenskyy

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa booqday xarunta taliska ee Ciidanka Saddexaad ee Ukraine, halkaas oo ay ciidamada Ukraine ka wadaan howlgalka Vivaldi ee jiidda Liman.

    Zelenskyy ayaa halkaas kula kulmay ciidamada, saraakiishana kala hadlay xaaladda dagaalka iyo qorshayaasha wejiga xiga ee howlgalka.

    Sawirro iyo muuqaallo ay sii daysay madaxtooyada Ukraine ayaa muujinaya in Zelenskyy ay booqashada ku weheliyeen Taliyaha Guud ee Ciidamada Ukraine Mykhailo Drapatyi iyo Wasiirka Difaaca Yevhenii Khmara.

    Zelenskyy
  11. War deg deg ah, Trump oo yiri: Iran waa in ay labo mid soo gashaa "duqeyn ama heshiiis"

    .

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay kala dooranayso in ay heshiis la gaarto Iran ama ay qaaddo tallaabo milatari oo dheeraad ah.

    Trump oo Arbacadii kula hadlayay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa, markii la weydiiyay sida heshiis loola gaari karo madaxda Iran oo uu ku tilmaamay kuwo aan caqli-gal ahayn, ku jawaabay: “Waxaa laga yaabaa inaa duqeyno. Waa inaan go’aan ka gaarnaa inaan duqeyno iyo inaan heshiis sameyno.”

    Trump ayaa intaas ku daray in waqtigu soo dhow yahay, ayna xaaladda Iran “si aad u dhow” ku soo dhammaan doonto, si kastaba ha ahaatee.

  12. War deg deg ah, Pakistan oo duqeyno khasaare dhaliyay ku qaadday Afghanistan

    .

    Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay duqeymo cirka ah ku bartilmaameedsatay goobo ay ku tilmaantay gabbaadyo ay leeyihiin kooxaha xagjirka ah, kuwaas oo ku yaalla laba meelood oo gudaha Afghanistan ah.

    Wasaaradda Warfaafinta Pakistan ayaa sheegtay in howlgalka loogu magac daray “Ghazab-ul-Haq” lagu burburiyay goobo ay ku sugnaayeen kooxo hubeysan, ayna ku dhinteen 22 dagaalyahan.

    Dhanka kale, dowladda Taliban ayaa sheegtay in Pakistan ay duqeymo ka fulisay gobollada Kunar iyo Helmand, halkaas oo ay ku dhinteen sagaal qof, 11 kalena ay ku dhaawacmeen. Afhayeenka Taliban, Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jireen haween iyo carruur.

    Labada dhinac ayaa bixiyay warar kala duwan oo ku saabsan bartilmaameedyada iyo khasaaraha, iyadoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin tirooyinka ay kala sheegeen.

  13. War deg deg ah, Ronaldo oo ka baxay xerada xulka Portugal, ballanqaaday-na inuu runta sheegi doono

    .

    Xiddiga u dhashay Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ka baxay xerada xulka qaranka, isagoo sheegay inuu waqtiga ku habboon ka hadli doono sababta uu go’aankaas u qaatay.

    Go’aanka ayaa yimid kaddib markii tababaraha Portugal Jorge Jesus uu sheegay inuusan jirin khilaaf u dhexeeya isaga iyo Ronaldo, xilli warar ay soo baxeen oo sheegayay in Ronaldo uu diiday inuu tababarto.

    Ronaldo ayaa ku jiray 25-ka ciyaaryahan ee loo doortay kulamada xulka ee bishan. Wuxuu ciyaaray kulankii Wales, balse ma uusan ciyaarin kulankii Portugal ay 2-1 kaga adkaatay Norway.

    Jesus ayaa sheegay in Ronaldo uusan ku jirin safka hore ee kulanka Denmark, isagoo intaa ku daray in ciyaaryahanku uusan diidin tababarka, balse uu samaynayay jimicsiyo gaar ah oo jirka iyo murqaha lagu xoojinayo.

    Ronaldo ayaa markii dambe qoraal uu soo dhigay Instagram ku sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo xerada xulka, kaddib shirkii jaraa’id ee tababaraha iyo wadahadal uu la yeeshay madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Portugal.

    Wuxuu sheegay inuu “waqtiga ku habboon” shacabka Portugal ugu sheegi doono runta ku saabsan sababihii uu go’aankaas u qaatay, isagoo sidoo kale u rajeeyay saaxiibbadiis guul kulamada soo socda.

    Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaa xaqiijiyay inuu Ronaldo ka baxay xulka, balse ma uusan faahfaahin sababta.

  14. War deg deg ah, Duuliyihii la dhaawacay ee diyaaraddii Israa'iil ku wajahneed oo war cusub ka soo kordhay

    Safaaradda Hindiya ee Riyadh ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda caafimaad ee duuliyaha Hindiya u dhashay ee Samit Machhar, kaas oo la sheegay in lagu weeraray xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay.

    Sida ay safaaraddu sheegtay, diyaaradda ayaa loo weeciyay magaalada Tabuk ee Sacuudiga, halkaas oo Samit Machhar loo qaaday isbitaal, waxaana haatan la siinayaa daryeel caafimaad.

    Safaaraddu waxay sheegtay inaysan weli hayn xog dhammaystiran oo ku saabsan xaaladdiisa, balse wararkii ugu dambeeyay ay tilmaamayaan inay xaaladdiisu deggan tahay.

    Safaaradda ayaa sheegtay inay sidoo kale xiriir la leedahay qoyska Samit Machhar, iyadoo rajaynaysa inuu si degdeg ah uga soo kabsado dhaawacyada soo gaaray.

  15. War deg deg ah, Gobol ka mid ah Mareykanka oo mamnuucay guurka dadka da'daan jira

    .

    Gobolka California ee Mareykanka ayaa si rasmi ah u mamnuucay guurka dadka ka yar 18 jir.

    Guddoomiyaha California Gavin Newsom ayaa saxiixay sharci dhigaya in qof ka yar 18 sano uusan guursan karin, xitaa haddii waalidku oggolaado. Sharcigan ayaa dhaqan geli doona 1-da Janaayo 2027.

    Newsom ayaa sheegay in sharcigu yahay tallaabo muddo dheer la sugayay oo lagu ilaalinayo carruurta iyo dhallinyarada California.

    Wuxuu sharciga saxiixay iyadoo ay goob joog ahayd Courtney Stodden, oo iyadu 16 jir ahayd markii waalidkeed u oggolaadeen inay guursato jilaaga Hollywood-ka ee Doug Hutchison oo 50 jir ahaa.

    Hay’adda Unchained At Last, oo ka shaqaysa joojinta guurka carruurta ee Mareykanka, ayaa sheegtay in kumannaan carruur ah sanad kasta lagu guursado California, iyadoo inta badan ay yihiin gabdho guursanaya rag waaweyn.

    California ayaa hadda ku biirtay 17-ka gobol ee Mareykanka ee gebi ahaanba mamnuucay guurka dadka ka yar 18 jir.

  16. War deg deg ah, Qarax laga maqlay meel u dhow caasimadda Suuriya ee Dimishiq

    Telefishinka Al-Ikhbariya ee Suuriya ayaa sheegay in dhuun gaas ay Arbacadii ku qaraxday meel u dhow warshadda korontada ee Tishreen, oo ku taalla duleedka caasimadda Dimishiq.

    Telefishinku wuxuu sheegay in qaraxa weyn ee laga maqlay deegaanka uu ka dhashay dhuunta gaaska oo ku qaraxday meel u dhow warshadda korontada.

    Shirkadda Korontada Suuriya ayaa sheegtay in qaraxa iyo go’aanka gaaska lagu joojiyay ay sababeen in saddex warshadood oo koronto oo kala ah Deir Ali, Nasiriyah iyo Tishreen ay shaqada joojiyaan.

  17. Weligaa ma maqashay tuulo ay xaasas ku dileen boqolaal raggii qabay ah

  18. War deg deg ah, War cusub: Maxaa ka jira in wefdigii Iran ee Mareykanka ku sugnaa laga dalbaday in ay halkaa isaga baxaan?

    .

    Wariye ka tirsan warbaahinta Axios, Barack Ravid, ayaa sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio uu Isniintii wafdiga diblomaasiyadeed ee Iran, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabbaas Caraqji, ka codsaday inuu ka baxo New York.

    Ravid ayaa sheegay in farriinta Rubio loo sii mariyay wafdiga Iran ergada Mareykanka ee Qaramada Midoobay.

    Wafdiga Iran ayaa saacado kaddib ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee New York, iyagoo u uga duulay Doha Talaadadii.

    Caraqji ayaa sheegay ka hor inta uusan New York ka dhoofin inuu dowladda Mareykanka u gudbiyay qorshaha Iran, iyadoo Qadar loo marayo.

    Wadahadalladii dhex maray wafdiga Iran iyo wakiillo ka socday madaxweyne Donald Trump, oo ay dhexdhexaadinayeen Qadar iyo Pakistan, ayaan keenin wax natiijo ah oo cusub oo ku saabsan dagaalka ama xabbad-joojinta labada dal.

    Iran ayaa Arbacadii sheegtay inay heshay jawaabta Mareykanka ee ku aaddan soo jeedinteeda.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran weli kama aysan jawaabin warbixinta Axios ee ku saabsan in Rubio uu wafdiga ka codsaday inuu New York ka baxo.

  19. War deg deg ah, Maxaan ka ka soo kordhay diyaaraddii ku wajahneed Isreal ee shalay laga dejiyay Sacuudiga?

    .

    Duulimaad Flydubai ah oo ku wajahnaa Tel Aviv ayaa Arbacadii si degdeg ah ugu degay Sacuudiga, kaddib markii la sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaasha uu mindi ku weeraray duuliyaha kale, isagoo isku dayay inuu diyaaraddu ay shil gasho.

    Shaqaalaha iyo rakaabka ayaa la sheegay inay qabteen ninkii weerarka geystay, taasoo suuragelisay in diyaaradda si ammaan ah loogu dejiyo garoonka Tabuk.

    Duuliyaha dhaawacmay waxaa lagu magacaabay Samit Machchar, waxaana lagu daweynayaa isbitaal ku yaalla Tabuk. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa ku tilmaamay “geesi”.

    Netanyahu ayaa sheegay in baaritaan lagu hayo dhacdada iyo ujeeddada duuliyaha la qabtay, iyadoo la qorsheynayo in loo gudbiyo Imaaraadka Carabta.

    Dhacdadu waxay sidoo kale keentay iskaashi dhif ah oo dhex maray Sacuudiga iyo Israel, iyadoo shaqaale caafimaad oo Sacuudi ah ay caawiyeen rakaabkii diyaaradda.

  20. Maxaad ka ogtahay warshadda sifeynta Batroolka ee Kenya laga dhagax dhigay?