Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Ilhaan Cumar oo ka hadashay dagaalka Itoobiya ee sii xogeysaneysa iyo duqeyntii dhacday

    Ilhaan
    Qoraalka sawirka, Ilhaan

    Bayaankayga aan la wadaagay Xildhibaanada Kongareeska Jim McGovern iyo John Garamendi:

    Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa ka hadashay rabshadaha sii xoogeysanayay ee ka socda dalka Itoobiya.

    Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay colaadda sii xoogeysaneysa ee ka socota waqooyiga Itoobiya.

    “Waxaan si weyn uga walaacsannahay rabshadaha sii kordhaya ee Itoobiya, oo ay ku jirto duqeyntii ciidamada Itoobiya toddobaadkii hore ay ku qaadeen kolonyo gargaar u waday gobolka Tigray”, ayay tiri.

    “Heshiiskii Pretoria ee 2022-kii, kaas oo soo afjaray dagaalladii ka socday waqooyiga Itoobiya, wuxuu dhammaan dhinacyada ku waajibiyey inay joojiyaan colaadda, ilaaliyaan dadka rayidka ah, oggolaadaan in gargaarka bani’aadantinimo uu gaaro dadka ay dhibaatadu saameysay, isla markaana ay sameeyaan hannaan dhammaystiran oo caddaalad ku-meelgaar ah si loola xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah xadgudubyada iyo ku tumashada xuquuqda aadanaha. Nasiib darro, heshiiskan si buuxda looma dhowrin, shuruudihii lagu heshiiyeyna lama fulin”, ayay tiri.

    Colaaddan sii kordheysa waxay khatar ku tahay dalka oo dhan iyo guud ahaan gobolka, kaas oo weli la daalaa dhacaya saamayntii dagaalkii hore ee waqooyiga Itoobiya iyo colaadda ba’an ee Suudaan. Dadka rayidka ah ee caadiga ah ayaa ah kuwa ugu badan ee dhibaatadu soo gaareyso, ayay ku tiri qoraalkeeda.

    “Waxaan dhammaan dhinacyada Itoobiya ugu baaqeynaa inay si degdeg ah ugu laabtaan wada-hadallada nabadda, isla markaana ay gutaan waajibaadkooda ku xusan Heshiiska Pretoria. Dalalka deriska la ah Itoobiya iyo beesha caalamkuna waa inay ka shaqeeyaan dejinta xiisadaha iyo fududeynta nabadda”, ayay intaas raacisay.

    Waxaan sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ugu baaqeynaa inay la shaqeyso dhammaan dhinacyada si loo soo afjaro rabshadaha, isla markaana lala xisaabtamo dadka mas’uulka ka ah. Shacabka Itoobiya waxay mudan yihiin nabad iyo caddaalad, ayay tiri Ilhaan.

  2. Khilaafka Itoobiya iyo Eritriya oo cirka isku shareeray iyo labada dal oo safaaradaha kala qaatay

  3. Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay in ay weerareen xarun qaybisa korontada oo Madiina ku taalla

    Madina

    Isbahaysiga Milatari ee uu Sacuudigu Hoggaamiyo oo Xuutiyiinta ku eedeeyay weerar drone ah oo lagu qaaday saldhig koronto oo Madiina ku Yaalla

    Isbahaysiga milatari ee taageera dawladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa Xuutiyiinta ku eedeeyay in ay drone ku weerareen xarun qaybisa korontada oo ku taalla Madiina, Sacuudi Carabiya.

    Afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, Major General Turki Al-Maliki ayaa sheegay in weerarku dhacay 5:11 subaxnimo, 29-kii Sebtembar 2026.

    Bayaan uu ku daabacay baraha bulshada, gaar ahaan X, Al-Maliki wuxuu sheegay in baadhitaan ay sameeyeen hay’adaha ay khusayso iyo caddaymo laga helay goobta ay muujinayaan in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay ku lug lahaayeen qorshaynta iyo fulinta weerarka.

    Isbahaysigu wuxuu sheegay in natiijadan lagu gaadhay kaddib markii la baadhay dhacdada iyo burburka drone-tii loo adeegsaday weerarka.

  4. Qaani: Dalalka gobolku ha joojiyaan dagaalka, Sacuudiguna lacagta ha ku bixiyo Gaza halkii uu ku bixin lahaa dagaalka Yemen

    Esmail Qaani

    Taliyaha Ciidanka Qudus ee Ilaalada Kacaanka Iiraan, Esmail Qaani ayaa khudbad uu dhowaan jeediyay ugu baaqay dalalka gobolka in ay joojiyaan dagaallada, isla markaana waxa uu ugu yeedhay “tamarta dunida Islaamka” in loo weeciyo caawinta Gaza iyo ka hortagga Israa'iil.

    Muuqaal la sii daayay ayaa muujinaya xilli sheegayay in Sacuudi Carabiya ay toddobaadyadii u dambeeyay ku bixisay $10 bilyan sidii ay uga hortagi lahayd Xuutiyiinta. Qaani ayaa su’aal ka keenay sababta lacagtaas aan loogu adeegsan taageerada iyo gargaarka Gaza.

    Qaani ayaa sidoo kale ku baaqay in la soo afjaro dagaallada gobolka iyo in dalalka Muslimiinta ah ee ku yaalla Gacanka Faaris ay mideeyaan mowqifyadooda.

    Khudbadda ayaa u muuqata in laga jeediyay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada dilkii Hassan Nasrallah, hoggaankii hore ee Xisbullah.

  5. War deg deg ah, Markab shidaal oo lagu weeraray Marinka Hormuz

    Ururka Hawlaha Ganacsiga Badda ee UK ayaa sheegay in sida uu ka helay xog dhinac saddexaad ah, markab shidaal qaada lagu dhuftay wax aan la aqoonsan oo lagu soo riday xilli uu marayay Marinka Hormuz, kaddibna uu dab qabsaday.

    UKMTO ayaa xaqiijisay in dhammaan shaqaalaha markabka ay nabad qabaan.

    Si kastaba ha ahaatee, waqtigii warbixinta la soo saaray lama xaqiijin heerka uu gaadhsiisan yahay khasaaraha markabka iyo in dhacdadani ay keeni karto waxyeello deegaan.

  6. Cabbaas Araghchi: Si amniga Gacanka Faaris loo soo celiyo, Mareykanku waa in uu joojiyaa faragelintiisa

    Abbas Araghchi

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araghchi ayaa sheegay in Mareykanku ay tahay in uu joojiyo waxa uu ku tilmaamay “falal sharci-darro ah” si dib loogu soo celiyo amniga Gacanka Faaris.

    Araghchi ayaa hadalkan sheegay intii uu khadka taleefanka kula hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan, Toshimitsu Motegi. Wuxuu sheegay in amni-darrada ka sii jirta Marinka Hormuz iyo Gacanka Faaris ay “ ka dhalatay tallaabooyinka gardarrada iyo faragelinta ah ee Maraykanka.”

    Wasiirka Iiraan ayaa carrabka ku adkeeyay in sida keliya ee amniga dib loogu soo celin karo ay tahay in la joojiyo waxa uu ugu yeedhay “falalka sharci-darrada ah” ee Mareykanka.

    Araghchi ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leeyihiin dhexdhexaadiyeyaasha sidii loo horumarin lahaa dadaallada diblomaasiyadeed.

  7. Sacuudi Carabiya oo Dawladda Yemen siisay $60 Milyan oo Gargaar ah si ay ula Dagaallanto Xuutiyiinta

    Sacuudi Carabiya ayaa dawladda Yemen siisay iin ka badan milyan oo Doollar si ay ula dagaallanto Xuutiyiinta.

    Danjiraha Sacuudi Carabiya u fadhiya Yemen, Mohammed Al-Jaber, ayaa sheegay in kaalmadan loogu talagalay “taageeridda socodka lacagta dawladda, siyaasadaha maaliyadeed iyo awoodda wax-iibsiga ee shacabka Yemen.”

    Danjiraha Sacuudiga ee Yemen ayaa sidoo kale Khamiistii qoraal uu ku daabacay barta X ku sheegay in dalkiisu uu dawladda Yemen siiyay qayb cusub oo ka mid ah kaalmadan dhaqaale.

    Al-Jaber wuxuu sheegay in lacagta lagu bixiyay amar ka yimid hoggaanka Sacuudiga, iyadoo laga jawaabayo codsi ay soo jeedisay dawladda Yemen.

    Dhawaan, iska horimaadyada u dhexeeya Xuutiyiinta iyo isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo ee Yemen ayaa sii xoogaystay.

    Xuutiyiintu waxay gacanta ku hayaan deegaannada Yemen ugu dadka badan iyo qayb weyn oo ka mid ah waqooyiga dalka.

  8. Putin oo muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz dib loo furo, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan laga qaado

    Putin

    Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiistii muujiyay rajada ah in Marinka Hormuz uu u sii furnaan doono maraakiibta ganacsiga, isla markaana cunaqabateynta lagu soo rogay Iiraan ugu dambayn laga qaadi doono.

    Sida ay sheegtay Reuters, Putin wuxuu koox khubaro Ruush ah u sheegay in dalabkii dalkiisu ku doonayay in uu Iiraan ka qaabilo uranium-ka la hodmay uu weli jiro, haddii macdantaasi laga saaro dhulka Iiraan.

    Khudbaddiisa uu ka jeediyay kulanka, Madaxweynaha Ruushku wuxuu sidoo kale sheegay in Moscow ay taageersan tahay in dhammaan arrimaha lagu xalliyo si nabad ah.

  9. Muwaadin British-Iraani ah ayaa loo xiray dhacdadii amni ee saldhigga Farford

    Booliiska la dagaallanka argagixisada ee Britain ayaa Khamiista xiray muwaadin haysta dhalashooyinka Britain iyo Iran, iyagoo uga shakisan “diyaarinta falal argagixiso.”

    Xarigga ayaa ka dhacay isagoo qayb ka ah baaritaan ku saabsan dhacdadii amni ee ka dhacday saldhigga Farford ee Britain.

    Shalay, Ra’iisul Wasaaraha Britain, Andy Burnham, ayaa sheegay in dowladdiisu aaminsan tahay in Iran ay “door” ku lahayd dhacdadii amni ee saldhigga Farford.

    Hase yeeshee, Iran ayaa si adag u cambaaraysay wax xiriir ah oo loo sameeyo dhacdada iyo Tehran, waxayna warbaahinta Britain ku eedaysay “Iran-nacayb.”

    Wasiirka arrimaha dibadda Iran, Abbas Araqchi, ayaa sidoo kale ka falceliyay hadalladii Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham ee ku saabsanaa ku lug lahaanshaha Iran ee dhacdada Farford. Isagoo qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku yiri:

    “Ra’iisul Wasaare Burnham wuxuu sheegay in dowladda Britain ay xaqiijin karto inay aaminsan tahay in Iran ay door ku lahayd dhacdadii ka dhacday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Royal Air Force ee Farford.”

    Araqchi ayaa qoraalkiisa intaa sii raaciyay:

    “Waxaan sidoo kale xaqiijin karaa in marka laga eego dhinaca Iran, sii daynta dadka lagu sheegay inay yihiin argagixiso xiriir la leh dowlado shisheeye ay wax badan ka sheegayso arrintan. Dembiilaha waxaad ka raadinaysaan meel qaldan.”

  10. Waa kuma ganacsadaha madaxda Afrika saaxiibka la ahaa ee geeriyooday?

  11. Mareykanka ayaa Faransiiska iyo Jarmalka ka codsaday inay kaydkooda degdegga ah ka soo saaraan 120 milyan oo foosto oo naafto ah

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo werisay, iyadoo soo xiganaysa saddex qof oo arrintan wax ka og, in maamulka Donald Trump uu Jarmalka iyo Faransiiska ka codsaday inay isticmaalaan kaydkooda degdegga ah ee naaftada si gacan looga geysto hoos u dhigidda qiimaha shidaalka adduunka. Haddii kale, waxaa dhici karta in Mareykanku mamnuuco dhoofinta naaftada.

    Reuters, oo soo xiganaysa mid ka mid ah saddexda qof ee arrintan wax ka og oo ku sugan caasimad Yurub ah, ayaa sheegtay in Mareykanku Midowga Yurub ka codsaday inuu lixda bilood ee soo socda sii daayo 120 milyan oo foosto oo naafto ah.

    Sida ay Reuters sheegtay, digniintani waxay muujinaysaa cadaadiska sii kordhaya ee lagu saarayo Yurub, iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka fiirsanayo in la mamnuuco dhoofinta naaftada, si loo yareeyo qiimaha shidaalka gudaha Mareykanka ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee bisha Nofeembar.

    Mas’uul ka tirsan Midowga Yurub ayaa Reuters u sheegay in saraakiisha Guddiga Yurub, oo ay weheliyaan Jarmalka, Faransiiska, Talyaaniga, Jamhuuriyadda Ireland iyo Britain, ay Khamiista yeesheen kulan taleefan ah oo ay kaga wada hadleen suurtagalnimada in la sii daayo kaydka naaftada.

    Xoghayaha tamarta Mareykanka, Chris Wright, ayaa Arbacadii wariyeyaasha u sheegay in dowladda Mareykanku ay filayso in dhawaan Yurub laga helo war ku saabsan sahay cusub oo naafto ah.

    “Waxaan luminay qaar ka mid ah dhoofintii naaftada ee Bariga Dhexe, inkastoo aan dib u soo celinayno, sidoo kalena waxaan luminay dhoofintii naaftada ee Shiinaha, sidaas darteed waxaan wajahnay carqalado badan,” ayuu yiri.

    Jarmalka iyo Faransiiska ayaan weli ka hadlin arrintan.

  12. Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri diyaaradda F-16 ee timid Muqdisho?

    Muuqaalka diyaaradda F-16 oo ka duulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dul heehaabaysa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada.

    Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin joogista diyaaradahaan gudaha Soomaaliya, ka hor shalay, xilligaas oo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya uu xusay joogistooda Soomaaliya.

    Isaga oo ka hadlayay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kii hore, ayuu wasiirka gaashaandhigu sheegay in diyaarada nuuceedu yaahy F-16 "loo keenay ciidamada Soomaaliya".

    "Shalay markii ay diyaaradaha Turkigu kaceen, F-16 ka ah ee ciidanka xoogga dalka loo keenay, ayaa murti igu soo dagtay," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isaga oo intaa kadib tiryay tix kooban oo iyana caan ka noqotay baraha bulshada.

    Sida uu sheegay wasiirku diyaaradahaan ayaa waxaa iska leh dowladda Turkiga, oo sida uu sheegay uga faa'iideynaysa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

  13. Aas wadareed loo sameeyay 100 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Qasa 3 sano ka hor

    Qasa
    Qoraalka sawirka, Qasa

    Qasa, waxaa lagu qabtay aas wadareed loo sameeyay 100 Falastiiniyiin ah oo lagu dilay weerarradii Israa’iil ee dhacay bishii Oktoobar 2023. Waxay ku dhinteen toddobaadyadii ugu horreeyay ee dagaalka, kaddib weerar uu hoggaaminayay Xamaas oo lagu qaaday Israa’iil.

    Meydadka ayaa laga soo saaray burburka dhisme la deggan yahay oo ku yaalla bartamaha magaalada Qasa. Hawlgalkii baadi-goobka iyo soo saarista meydadka ayaa socday in ka badan laba toddobaad.

    Sanduuqyada meydadka, mid kasta oo lagu daboolay calanka Falastiin, ayaa la dhigay burburka dhismayaashii ay dadkani ku dhinteen.

    Bilihii u dambeeyay, Gaza waxaa lagu qabtay dhowr aas wadareed, iyadoo xabbad-joojintu ay suuragelisay in la baadho goobaha burburay lagana soo saaro meydadka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Itoobiya oo ku dhawaaqday war weyn oo ku saabsan dal ay deris yihiin

    Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Itoobiya

    Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, isla markaana amartay 10 diblomaasi oo Eritrean ah inay dalka uga baxaan muddo 48 saacadood gudahood ah, iyadoo ku dhawaaqday inay yihiin “persona non grata”, oo ah in dadkaas an dalkooda laga rabin.

    Bayaan ay oo manta khamiis ah soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay “falal colaadeed oo toos ah iyo kuwo dadban”, waxayna sheegtay in diblomaasiyiintaasi ku lug lahaayeen hawlo khatar ku ah amniga qaranka Itoobiya.

    Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli dagaallo cusub ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya. Mas’uuliyiinta Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeeyay inay taageerto kooxo hubaysan oo la dagaallamaya dowladda federaalka, oo ay ku jiraan eedeymo sheegaya in ciidamada Eritrea ay gudaha u galeen dhulka Itoobiya.

    Dhanka kale, jawaab naadir ah oo ay BBC-da siisay, dowladda Eritrea ayaa beenisay eedeymaha Addis Ababa ee ahaa inay taageerayso isbahaysiga cusub ee fallaagada. Wasiirka warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, ayaa xisbiga talada haya ee Itoobiya, Prosperity Party (PP), ku eedeeyay inuu raadinayo cid dibadda ah oo uu ku eedeeyo dhibaatooyinka isa soo taraya ee dalka.

    Eritrea, iyaduna, waxay Itoobiya ku eedeysay inay waddo himilooyin dhul-ballaarin ah, gaar ahaan arrinta ku saabsan helitaanka marin ay u yeelato Badda Cas iyo dekedda Eritrea ee Assab.

    Labada dal ayaa dagaal khasaaro badan dhaliyay ku dhex maray sannadihii 1998 ilaa 2000, ka hor inta aysan dib u soo celin xiriirkooda sannadkii 2018.

  15. Maxay tahay sababta uusan 100 sano ka dib isku beddelin maydka hoggaamiyahan mar laga yaqaanay Soomaaliya

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin,
    Qoraalka sawirka, Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin,

    Xusuusta Vladimir Ilyich Lenin, hoggaamiyihii Kacaankii weynaa ee Ruushka, ayaa loogu dabaaldegay sannad-guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay.

    Waxaa jira munaasabo lagu maamuuso oo la qabto kuwaas oo ay ku jiraan xus ciidan, ayadoo lagu qabto goobtiisa xasuusta.

    Mararkan oo kale waxaa meydka Lenin la soo saaraa goobta lagu ilaaliyo isaga iyo Joseph Stalin si loo maamuuso.

    Maydkiisa ayaa sanadkii 1970-kii lagu dahaaray goobta uu yaallo muraayado an xabadu karin. Halka maydkiisu yaallo ayaa mararka qaar la furaa si loogu ogolaado dadweynaha inay daawadaan.

    Markii dalkii hantiwadaaga ahaa ee Midowga Soofiyeeti uu burburay sagaashamaadkii, waxaa la codsaday in la soo saaro meydka Lenin oo la aaso.

  16. Maxay yihiin qaraxyada xalay laga maqlayay Addis Ababa?

  17. Imaaraadka oo bilaabay baaritaan ku saabsan dhacdadii diyaaradda Flydubai

    Imaaraadka Carabta ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan isku day la sheegay in duuliye- ahaana kaaliyaha diyaaradda Flaydubia uu ku doonayay inuu ku burburiyo diyaarad taas oo soo duushay Dubai kuna socotay Israa’iil.

    kaaliyaha diyaaradda oo aan magaciisa la shaacin ayaa weli lagu baarayaa Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay diyaaradda si degdeg ah ugu degtay.

    Xeer-ilaaliyaha guud ee Imaaraadka Carabta ayaa Khamiistii sheegay in baaritaan laga bilaabay dhacdada, oo ay ku jirto in la ogaado haddii ay wax xiriir ah la leedahay falal “argagixiso.”

    Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qofka looga shakisan yahay dhacdada loo gudbin doono Imaaraadka Carabta, isla markaana Israa’iil ay qayb ka qaadan karto baaritaanka.

    Netanyahu oo la weydiiyay haddii hadda ay jiraan wax tilmaamaya in Iran ay ku lug lahayd dhacdada, wuxuu ku jawaabay: “Waa xilli hore in sidaas la sheego.” Wuxuu intaas ku daray in duuliyaha “hadda lagu baarayo Sacuudi Carabiya.”

  18. Ruushka oo qaadaya tallaabo u dhiganta mid uu horey u qaaday dal xubin ka ah NATO

    Ruushka ayaa dalka ka saaraya tiro aan la cayimin oo diblomaasiyiin Hungarian ah, ku dhowaad bil kaddib markii Budapest ay amartay in toban diblomaasi oo Ruush ah ay dalka ka baxaan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Moscow ayaa tallaabadan ku tilmaantay “tallaabo is-dhaafsi ah”, waxayna sheegtay in shaqaalaha Hungarian-ka ee ka howlgala xafiisyada diblomaasiyadeed ee Moscow, St Petersburg iyo Kazan ay dalka kaga baxaan muddo laba toddobaad gudahood ah.

    Hungary ayaa xaqiijisay go’aanka, iyadoo sheegtay inaysan danaynayn in xiisadaha la sii kordhiyo.

    Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Péter Magyar, oo xilka la wareegay bishii Abriil, ayaa beddelay jihadii xiriirka ee u janjeertay Kremlin-ka ee uu watay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Viktor Orbán.

    Budapest ayaa sheegtay in masaafurintii ay bishii hore ku samaysay diblomaasiyiinta Ruushka ay ahayd tallaabo lagu ilaalinayo “amnigeeda iyo madax-bannaanideeda.”

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karto:

  19. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Caafimaad
    Qoraalka sawirka, Caafimaad

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    "Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

  20. Dad deggan Addis Ababa oo sheegay inay saqdii dhexe ee xalay maqleen qaraxyo

    Addis Ababa
    Qoraalka sawirka, Addis Ababa

    Saddex qof oo ku nool meelo kala duwan oo Addis Ababa ah, kuwaas oo BBC ay la hadashay, ayaa sheegay inay maqleen qarax xooggan wax yar kaddib 6-dii fiidnimo ee xalay.

    Wakaaladda wararka Reuters, oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed, ayaa sheegtay in qarax laga maqlay Addis Ababa abbaaraha saqdii dhexe ee Arbacadii.

    Dadka BBC la hadashay ee ku nool deegaannada Gotera iyo Bethel ayaa sheegay inay maqleen qaraxa wax yar kaddib 6:20 am subaxnimo.

    Dadka deggan deegaanka Gotera, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo amni awgood, ayaa sheegay inay maqleen “qarax xooggan oo ruxay dhismaha ay ku noolaayeen” abbaaraha 6:20 subaxnimo , xilli ay fadhiyeen oo shaqaynayeen.

    “Qaraxu aad buu u xoog badnaa; wuxuu kiciyay alaarmiyada baabuurta,” ayuu yiri qofka deggan deegaanka oo BBC u sheegay inuu qaraxa maqlay intii u dhexeysay 6:20 iyo 6:30 subaxnimo.

    Qofka ayaa sheegay inuu gurigiisa ka baxay si uu u ogaado waxa dhacay, balse uusan arkin wax dhaqdhaqaaq gaar ah.

    Isku dayo lagu ogaanayay in qaraxu ka yimid dhanka xarunta ciidamada ama Qaybta Afraad ayaa lagu guulaysan waayay.

    Nin kale oo dhallinyaro ah, oo sheegay inuu deegaanka Bethel “ciyaar ku jiray”, ayaa sheegay in isaga iyo saaxiibbadiis ay maqleen qarax. Wuxuu sheegay in qaraxu laga yaabo inuu ka yimid xarunta Ciidamada Difaaca Itoobiya, oo ku taalla meel u dhow gurigooda.

    BBC-du kama helin wax jawaab ah codsiyadii ay telefoon iyo iimayl ugu dirtay Ciidamada Difaaca Itoobiya iyo sidoo kale Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.