War deg deg ah, TPLF oo si ku-meelgaar ah uga baxday Mekelle iyo wararkii ugu dambeyyay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda TPLF ee ka talisa gobolka Tigray ee waqooyiga
Itoobiya ayaa sheegtay inay si ku-meelgaar ah uga baxday caasimadda gobolka,
Mekelle, iyadoo dagaallada u dhexeeya ciidamada federaalka iyo TPLF ay ku sii
dhowaanayaan magaalada.
TPLF ayaa sheegtay inay go’aanka uga baxday Mekelle si ay
uga fogaato khatarta soo wajahaysa dadka rayidka ah.
Laba qof oo magaalada ku sugan ayaa BBC u sheegay in
ciidamada dowladda ay hadda gacanta ku hayaan Mekelle, halka ciidamada TPLF ay
ka baxeen magaalada. Mid ka mid ah dadkaas ayaa sidoo kale sheegay in adeegga
taleefannada gacanta uu dib uga shaqeynayo qaybo ka mid ah magaalada.
Dagaallo ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ka socday
qaybo ka mid ah Tigray, Afar iyo Amhara, kuwaas oo u dhexeeya TPLF, ciidamada
dowladda federaalka iyo maleeshiyaad xulafo la ah.
Xaaladda ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in
dagaalladu sii xumeeyaan xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana ay ku lug
yeeshaan dalalka deriska ah.
Mareykanka ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay
“is-xakameyn” iyo “wadahadal” ka hor kulan diblomaasiyadeed oo Axadda ka
dhacaya Masar, kaas oo ay ka qeyb galayaan hoggaamiyeyaal ka socda qaar ka mid
ah dalalka deriska la ah Itoobiya.
Dowladda Yemen oo dagaal ku dhawaaqday iyo xaaladda oo ka sii dari karta
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Madaxweynaha dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay
ayaa ku dhawaaqay dagaal buuxa, isagoo sheegay in ujeeddadu tahay in
Xuutiyiinta laga qabsado dhammaan dhulalka ay gacanta ku hayaan.
Xuutiyiinta oo Iran taageerto ayaa sheegay inay weerareen
goobo ay leedahay shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco, iyagoo sheegay inay
jawaab u ahayd 50 duqeyn oo isbahaysiga Sacuudigu ku qaaday Yemen muddo 12
saacadood ah. Sacuudigu weli kama uusan hadlin eedeymahaas.
Ku dhawaaqista dowladda Yemen ayaa timid kaddib weerarkii
Xuutiyiinta ee bishii hore, markaas oo ay la wareegeen qaybo ka mid ah xeebaha
dalka, oo u uku jiro marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab.
War deg deg ah, Mareykanka oo diyaaradihiisa dagaalka kala baxay saldhig muhiim ah iyo xog dheeri ah oo laga helayo
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa
xaqiijisay in dhammaan diyaaradaha dagaalka ee nooca B-1 ee Mareykanka ay dib
ugu laabteen dalkaas, kaddib markii ay ka baxeen saldhigga cirka ee RAF
Fairford ee Britain.
Wargeyska Wall Street Journal ayaa markii hore warkan
baahiyay, waxaana saacad kaddib xaqiijiyay Pentagon-ka oo sheegay in sababo
amni awgood aan hore loo shaacin dhaqdhaqaaqa diyaaradaha iyo ciidamada.
War-saxaafadeed ay Pentagon-ku soo saartay xalay ayay ku
sheegtay in diyaaradaha duqeynta ee Mareykanka, oo ay ku jiraan B-1, B-2 iyo
B-52, ay weli diyaar u yihiin inay weerarro sax ah ka fuliyaan meelo kala duwan
oo caalamka ah, xitaa iyagoo ka duulaya gudaha Mareykanka kuna soo laabanaya
saldhigyadooda.
Wall Street Journal ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid la
xiriirta walaaca amni ee ka dhashay dhacdo ka dhacday meel u dhow saldhigga
Fairford toddobaadkii hore. Dhowr qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen
qorshe weerar ayaa la xiray, balse markii dambe damiin ayaa lagu sii daayay.
Booliska Britain ayaa sheegay in baaritaanno lagu sameeyay saddex gaari aan
laga helin waxyaabo qarxa, marka laga reebo shidaal.
Intii uu socday baaritaanku, Israel, Mareykanka iyo
Britain ayaa Iran ku eedeeyay inay ku lug lahayd dhacdada, balse Tehran ayaa si
adag u beenisay eedeymahaas. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji,
ayaa ka jawaabay hadallo uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Andy Burnham,
isagoo yiri “sii deynta dadka la tuhunsanaa ayaa wax badan muujinaysa”.
Horey, intii uu socday dagaalkii Mareykanka ee Iran,
Tehran ayaa Britain ku dhaliishay in Mareykanku saldhigga Fairford u adeegsaday
weerarro ka dhan ah Iran. Waxay sidoo kale sheegtay inay xaq u leedahay inay
beegsato saldhig kasta oo militari oo Mareykanku adeegsado.
Ruushka oo weerarra duqeyn ah ku qaaday Buundada Kyiv xilli Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka uu booqasho ku tagay
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Buundooyinka
waaweyn ee Kyiv waxaa afar maalmood oo xiriir ah ku socotay duqeymo diyaaradaha
aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, iyadoo Moscow ay kordhisay weerarrada ka
dhanka ah kaabayaasha muhiimka ah ee caasimadda Ukraine.
Labo qof
ayaa ku dhaawacmay markii subaxnimadii Axadda markii labaad oo xiriir ah la
weeraray Buundada Pivnichnyi (Waqooyi), halka Buundada Pivdennyi (Koonfur)
iyadana dhowr jeer la garaacay horraantii toddobaadkan.
Weerarkan
ugu dambeeyay ayaa yimid xilli uu Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz
booqasho lama filaan ah ku tagay Kyiv, taas oo ahayd muujin taageero oo ka dhan
ah duullaanka ballaaran ee Ruushku uu weli ku hayo Ukraine.
Ciidamada
Ruushka ayaa sheegay inay sii xoojin doonaan weerarrada ka dhanka ah Kyiv iyo
gobollada kale ee Ukraine. Waxay horay u sheegeen inay garaaceen labadaas
buundood oo loo isticmaali jiray in lagu raro ciidamada Ukraine.
7 xaqiiqo oo muhiim ah oo ku saabsan curcurkaaga, kuwaas oo tilaami kara xanuunkaaga
Iiraan oo sheegtay in marin-biyoodka Hormuz aan dib loo furi doonin ilaa laga fuliyo toddobo shuruudood
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka
Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Axaddii ku adkaystay in aysan
jirin xal militari oo ay Maraykanku ka gaari karaan Iiraan, iyadoo
wadahadalladii u dhexeeyay labada dhinac ay u muuqdaan kuwo fashilmay oo aan
wax natiijo ah laga gaarin.
Araghchi
ayaa yiri: "Haddii cadowgeennu ay mar kale doortaan waddada iska
horimaadka milateri, jawaabteennu waxay noqon doontaa mid ka xooggan tii
hore... Ma jirto xal milateri, mana jiro xal ku salaysan cunaqabatayn cusub...
Ma jirto wax aan ka ahayn wadahadallo ku salaysan caddaalad iyo sinnaan."
Araghchi
ayaa tilmaamay in dalkiisu ay "si dhab ah uga go'an tahay helitaanka
xalalka diblomaasiyadeed," isagoo isla markaana carrabka ku adkeeyay in ay
"si dhab ah uga go'an tahay difaaca naftiisa."
Dhanka kale,
Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Baqer Qalibaf, ayaa sheegay in
Mareykanku uu dhawaan soo jeediyay talooyin iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyaal,
isagoo intaas ku daray inay tahay in
Washington ay garwaaqsato in "xilligii waqtiga la luminayay iyo in si
kali-talin ah shuruudo lagu soo rogi jiray uu dhammaaday."
Qalibaf,
sida ay soo xigatay shabakadda Iiraan ee Nour News, ayaa sheegay in mowqifka
dalkiisu uu yahay mid "cad oo aad u adag," isla markaana aan la furi
doonin marinka Hormuz ilaa laga fuliyo toddobo shuruudood oo uu sheegay inay
Tehran dejisay iyadoo la raacayo heshiis-fahamkii Islamabad.
Ciidamada Mucaardka Itoobiya oo ka baxay caasimadda gobolka Tigray
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Askari taageersan dowladda oo ilaalo ka haya waddo ku taal gobolka Tigray ee dalka Itoobiya maalintii Axadda.
Ciidamada
Mucaardka ee gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay inay si
ku-meel-gaar ah uga baxeen magaalada Mekelle ee xarunta gobolka, iyadoo
dagaalka ay kula jiraan ciidamada qaranka uu u soo wareegayo dhanka magaalada.
Ururka
Xoreynta Dadka Tigrayga (TPLF), oo maamulayay gobolka, ayaa sheegay in go'aanka
ay uga guureen halkaas uu salka ku hayo walaac laga qabo khatar soo wajihi
karta dadka rayidka ah.
Labo qof oo
deggan magaalada Mekelle ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada taageersan dowladda
ay hadda gacanta ku hayaan magaalada, isla markaana ay ciidamada TPLF ka
baxeen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay inay u muuqato in
adeeggii taleefannada gacanta uu dib u soo laabtay qaybo ka mid ah magaalada.
Dagaallo
ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ka qarxay inta u dhaxaysa TPLF iyo ciidamada
dowladda federaalka oo ay weheliyaan xoogag xulafo la ah, kuwaas oo ka dhacaya
qaybo ka mid ah gobollada waqooyi ee Itoobiya sida Tigray, Afar iyo Amhara.
Xaaladdan
ayaa calaamad u ah isbeddel weyn oo ku yimid colaadda, waxayna walaac ku
abuurtay dadka arrimahaas la socda, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku uu sii
wiiqo xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana uu suurtagal ka dhigo inay ku
lug yeeshaan dalalka deriska ah.
Australia oo baareysa xiriir ay sheegtay in uu ka dhaxeeyo ninkii weeraray duuliyihii Flydubai iyo dalkeeda
4 dabeecadood oo soo afjara xiriirka iyo 2 calaamadood oo muujinaya inay weli jirto rajo lagu badbaadin karo
Waxaa la soo sheegayaa in kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay
gooyeen waddo muhiim badeecada, taas oo isku xirta
magaalooyinka Tacis iyo Caden.
"Waxaa naloo sheegay in Xuutiyiintu ay la wareegeen
gacan ku haynta aagga Safiya, ay gooyeen wadadii ugu weyneyd, isla markaana ay
qabsadeen saldhigga booliiska," ayaa laga soo xigtay il-wareed dhanka
booliiska ah oo ku sugan Yemen, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.
Wakaaladda wararku waxay sidoo kale sheegtay in saddex
il-wareed oo ka tirsan ciidamada Yemen ay xaqiijiyeen in Xuutiyiintu ay gacanta
ku hayaan aaggaas iyo wadada ay wadadaan la sheegay inay gooyeen, waxayna sheegeen inay go'doomiyeen
magaalada Tacis.
Sida ay sheegayso warbixintan, Xuutiyiintu waxay sidoo kale
joojiyeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee wadada weyn ee isku xirta Tacis iyo Caden,
iyadoo dagaalkuna uu ka socdo aaggaas.
Xuutiyiinta ayaa muddo dhowr maalmood ah waday weerar
ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan Tacis, waxayna qorsheynayaan inay
halkaas uga sii gudbaan dhanka Caden.
Caden waa dekedda ugu muhiimsan ee ay gacanta ku hayaan
ciidamada dowladda Yemen, kuwaas oo ay taageerto Sacuudi Carabiya.
Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ayaa gacanta ku haya ku
dhawaad dhammaan aagga marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo xeebta bari ee Badda Cas, marka laga reebo
caasimadda Sanca.
Haddii Xuutiyiintu ay gaaraan Caden, Yemen waxay u kala
qaybsami doontaa laba qaybood: bari iyo galbeed.
Hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya, iyo Suudaan
ayaa Axadda ku yeelan doona shir heer sare ah oo afar geesood ah magaalada New
Alamein ee waqooyiga Masar, si ay uga wada hadlaan xaaladaha gobolka iyadoo uu
weli socdo dagaalka ka jira waqooyiga Itoobiya, sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Anadolu.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Masar
ayaa lagu sheegay in shirkan uu qayb ka yahay "wadatashiyo iyo isku-imaatin ku saabsan arrimaha gobolka ee ay wadaagaan dalalkani."
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay weerar lagu qaaday xarun koronto oo ku taalla Madiina
Xigashada Sawirka, aa
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareyneysa weerarka lagu
qaaday xarun koronto siisa Masjidka Nabiga (NNKH) ee ku yaalla
magaalada Madiina ee Sacuudi Carabiya, sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya SONNA.
Warkaan ayaa lagu sheegay in wasaaraddu ay u aragto "weerarkan lagu qaaday kaabayaasha rayidka ah ee u
adeega mid ka mid ah goobaha ugu barakaysan Islaamka inuu yahay xad-gudub ka
dhan ah sharafta iyo xurmada Goobaha Barakaysan".
Sidoo kale, waxaa ay sheegtay wasaaraddu in arrintani tahay "xad-gudub cad
oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madax-bannaanida Boqortooyada".
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si buuxda u garab
taagan tahay dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Koox Iiraaniyiin ah oo ku xirnaa Imaaraadka Carabta oo la sii daayay
Koox dad u dhashay Iran oo ku xirnaa Imaaraadka Carabta
ayaa la sii daayay.
Esmail Baghaei, oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda
ee Iran, ayaa sheegay in sii-deynta maxaabiistan ay timid kadib wadahadallo u
dhexeeyay labada dal oo ka dhacay dhinaca shirka Golaha Guud ee Qaramada
Midoobay:
"Sii-deynta tiro ka mid ah muwaadiniinteenna xalay waa
tallaabo wanaagsan oo qiimo noo leh. Waa inaan uga mahadcelinnaa mas'uuliyiinta
Imaaraadka iskaashiga ay arrintan ka geysteen." Tirada dadka la sii daayay
si rasmi ah looma shaacin.
Mudane Baghaei ayaa rajo ka muujiyay in "dadka kale ee
u dhashay Iran ee weli xiran la sii deyn doono sida ugu dhakhsaha badan."
Si cad looma oga sababta dadkan loo xiray, balse wakaaladda
wararka ee dowladda Iran ayaa sheegtay in "muddo sanado ah lagu hayay
xabsiyada Imaaraadka iyadoo lagu eedeynayo wax aan sal iyo raad toona
lahayn," isla markaana ay ku jireen "dumar u dhashay Iran."
Warbixintu waxay sheegaysaa: "Waxaa si dhab ah loo
wadaa dadaallo sharci iyo kuwa diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo xuquuqda
muwaadiniintan."
Bilowgii dhowaa ee la soo dhaafay, waxaa Imaaraadka laga sii
daayay tiro maxaabiis u dhashay Iran ah, kuwaas oo dhammaantood ahaa
"kalluumeysato"; 55 qof ayaa la sii daayay bishii Luulyo, 10 kalena
bishii Sebtembar.
Maxay Canada ugu diyaar garoobeysaa dagaal ay la gasho Maraykanka?
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo ku hanjabay in ay jawaab adag bixin doonaan xilli uu eedeynayay Eritrea
Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan: Ma jiro xal milatari ama mid cunaqabatayn oo xal lagu gaari karo
Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in “aysan
jirin xal milatari, sidoo kalena aysan jirin xal ku salaysan cunaqabateyn
dheeraad ah” oo lagu xallin karo colaadda u dhexeysa Iran iyo Maraykanka.
Cabaas Caraqji ayaa yiri: “Maraykanku horey ayuu uga
guuldarreystay dagaal iyo diblomaasiyad labadaba. In la isku dayo cunaqabateyn
cusub wax faa’iido ah uma yeelan doonto.”
Mr. Caraqji, oo hadalkan ka sheegay kulan uu la yeeshay
safiirrada iyo ku-simayaasha safiirrada wakiillada caalamiga ah ee fadhigoodu
yahay Iran, ayaa intaas ku daray: “Xal ku dhisan wada-xaajood, caddaalad iyo
sinaan, iyo xal sharaf leh oo diblomaasiyadeed ayaa keliya noqon kara mid wax
ku ool ah, isla markaana horseedi kara xal kama dambeys ah oo lagu soo afjaro
dagaalkan iyo gardarradan sharci-darrada ah ee aan caddaaladda ku dhisnayn ee
lagu qaaday Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.”
Isagoo ka hadlayay diyaar-garowga Iran ee ku aaddan inay
wajahdo weerar milatari oo cusub oo Maraykanku qaado, wasiirka arrimaha dibadda
ee Iran wuxuu yiri: “Waxaan rajaynaynaa in Maraykanku doorto waddada xikmadda
iyo caqliga, laakiin haddii ay mar kale u dhaqaaqaan xalal milatari, waxaan
hadda ka diyaar-garownay sidii hore, waxaana qaadi doonnaa tallaabo kasta oo
lagama maarmaan ah si aan isu difaacno.”
Haweeneey toogasho lagu fuliyay oo dhiman waysay - 'weligay ma arag toogasho la mid ah tan Christa Pike'
Guddoomiyaha Barlamaanka Iiraan oo hadda war cusub soo saaray
Xigashada Sawirka, Fars
Qoraalka sawirka, Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Baarlamaanka Iran
“Maraykanku, inkastoo uu warbaahinta ka sheegayo wax ka
duwan, haddana dhowaan ayuu soo jeedinno soo mariyey dhex-dhexaadiyeyaal,” ayuu
yiri Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Baarlamaanka Iran, isaga oo khudbad
ka jeedinayay fadhigii maanta ee Baarlamaanka.
Qalibaf, isaga oo aan faahfaahin ka bixin soo jeedinnadaas,
ayaa dhinaca Maraykanka u sheegay: “Xilligii waqtiga lagu lumin jiray iyo
dalabyo hal dhinac ah lagu soo rogi jiray waa dhammaaday,” wuxuuna intaas ku
daray in “ilaa laga fuliyo toddobada shuruudood ee aan ku salaynay
is-afgaradkii Islamabad, aan la furi doonin Marinka Hormuz.”
Qalibaf, oo ahaa madaxa wada-xaajoodka Iran ee
wadahadalladii Islamabad, ayaa sheegay: “Ma nihin kuwa aan faraxsanayn mana
cabsanayno; waan dagaallamaynaa, waana wada-xaajoonaynaa. Waxaan sidoo kale si
buuxda uga qaybqaadanaynaa goobta dagaalka, annagoo adeegsanayna dhammaan
awooddeena, waxaanan isaga kala hortagi doonnaa waxyaabo cusub oo lama filaan
ah. Isla markaana waxaan adeegsanaynaa aaladaha diblomaasiyadda si aan u
xoojino awooddeena dhinaca milatariga, una xaqiijinno xuquuqda shacabka Iran.”
Waxa kale oo uu ka hadlay mowqifyada “is-khilaafsan” ee
mas’uuliyiinta Maraykanka, isaga oo yiri: “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran
ma aha dal siyaasaddiisa guud iyo amniga qarankiisa ku saleeya qoraallada
baraha bulshada ama wareysiyada maalinlaha ah ee mas’uuliyiinta Maraykanka.
Ficilladeenna waxaan ku salaynaa hab-dhaqanka iyo tallaabooyinka dhabta ah ee
cadowga, ee kuma salayno hadallo iyo laba-wejiileyaal been-abuur ah oo
warbaahinta lagu faafiyo.”
Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday
dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadda Tigray inay muujiyaan is-xakameyn,
xilli ciidamada dowladda Itoobiya ay sii adkaysanayaan gacan-ku-hayntooda
caasimadda gobolka ee Mekelle.
Hoggaamiyeyaasha qaar ka mid ah dalalka deriska la ah
Itoobiya ayaa la filayaa inay xiili dambe maanta oAxadda ah ku kulmaan Masar.
Addis Ababa ayaa Qaahira, iyo sidoo kale Eritrea, ku
eedeysay inay taageerayaan jabhadaha Tigray, kuwaas oo weerar qaaday 11
maalmood ka hor.
Hadda waxay dib uga gurteen goobihii ay joogeen, iyaga oo
bilaabay inay qaadaan dagaal dhuumaaleysi ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in
xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea ay awood u leeyihiin inay khalkhal
geliyaan xasilloonida gobolka oo dhan.