Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Trump oo Qaramada Midoobay ku weeraray madasha ugu weyn ee ay ku kulmaan madaxda caalamka

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa mar kale fursad uga faa’iidaystay khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay inuu ku dhaleeceeyo hay’addaha, isagoo ku eedeeyay inay “soo rogayso ajande xagjirnimo oo garabka bidix ah.”

    Shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa sannadkii ugu horreeyay ee xilli-xileedka labaad ee Trump ku tilmaamay mid qalalaase badan ku keenay hay’adda, balse waxay aaminsan yihiin in xaaladda Qaramada Midoobay ay hadda wax yar ka soo roonaatay.

    Maraykanku weli wuxuu Qaramada Midoobay ka hayaa oo ka xannibay balaayiin doollar, inkastoo uu dhowaan bixiyay 827 milyan oo doollar oo ah qayb ka mid ah waajibaadkiisa maaliyadeed ee miisaaniyadda joogtada ah iyo hawlgallada nabad-ilaalinta.

    Maraykanku sidoo kale wuxuu sii wadaa dhaleeceynta hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay iyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Hase yeeshee, maamulka Trump ayaa dhinaca kale si istiraatiiji ah uga faa’iidaysanaya Qaramada Midoobay.

    Maamulka Trump ayaa si firfircoon ula shaqeeyay Qaramada Midoobay si loo taageero ammaanka Haiti, oo ay dhibaato xooggan ka haystaan kooxaha burcadda ah.

    Maraykanku wuxuu sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsaday inuu taageero qorshihiisa nabadeed ee Gaza iyo dhismaha waxa loogu yeeray Guddiga Nabadda.

    Markii Maraykanka iyo Israa’iil ay qaateen go'aankii ahaa inay weeraraan Iiraan, Maraykanku wuxuu la shaqeeyay hoggaamiyeyaasha dalalka Khaliijka si Golaha Ammaanku u ansixiyo qaraar cambaareynaya Iiraan, kaas oo ay taageereen dalal tiro badan, iyadoo qaraarku aanu xusin duqeymaha ay Maraykanka iyo Israa’iil fuliyeen.

    Xitaa maamulka Trump, sida qoraalkani tilmaamayo, ma dafiri karo awoodda Qaramada Midoobay ee ah inay dalal badan hal meel isugu keento, taas oo u saamaxaysa Maraykanka inuu hay’adda u adeegsado horumarinta mudnaantiisa.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  2. Markii uu duqa magaalada New York ku karbaashay Trump go'aan uu isagu soo saaray iyadoo Trump uu daawanayey waxa ku dhacaya

  3. Trump: “Haddii heshiis la gaari waayo, waan burburin doonaa Iiraan”

    Trump
    Qoraalka sawirka, trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay dagaalka iyo barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Reuters waxay sheegtay in Trump uu khudbadda ku difaacay tallaabooyinka milatari ee Maraykanka ee ka dhanka ah Iiraan.

    Trump ayaa sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu Maraykanku “burburin doono Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.”

    Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in Iiraan ay ugu dambayn heshiis la geli doonto Maraykanka kadib doorashooyinka dhexe ee Maraykanka.

    Trump ayaa mar kale Iiraan ku tilmaamay dalka uu sheegay inuu yahay maalgeliyaha ugu weyn ee argagixisada caalamka, isagoo intaas ku daray in Iiraan aysan hadda khatar ahayn, sida uu sheegay, maadaama Maraykanku uu burburiyay barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale ku celiyay sheegashada ah in tobannaan kun oo dibadbaxayaal ah lagu dilay Iiraan xilliyadii u dambeeyay.

    Wuxuu dhaleeceeyay dalalka Yurub, isagoo sheegay inaysan si ku filan uga fiirsan khatarta gantaallada Iiraan.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka iyo dhaqaalaha Iiraan si weyn loo burburiyay.

    Khudbadda Trump waxay timid kadib markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu furay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud. Kalfadhiga doodda guud wuxuu socdaa 22 ilaa 28 Sebtembar 2026.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  4. Guterres oo ugu baaqay Maraykanka iyo Shiinaha inay ka wada hadlaan sirdoonka macmalka ah

    Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres,
    Qoraalka sawirka, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres,

    Waxaan hore u soo sheegnay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, uu khudbad ku furay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Guterres ayaa sheegay in “shirkadaha waaweyn ee shidaalka” ay hawada dhulka ula dhaqmayaan sida “bullaacad furan.”

    Qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa ayuu kaga hadlay sirdoonka macmalka ah (AI).

    Guterres ayaa ugu baaqay labada quwadood ee hormuudka ka ah AI, Maraykanka iyo Shiinaha, inay wada hadal ka yeeshaan mustaqbalka tiknoolajiyaddan, isaga oo tusaale u soo qaatay wada-hadalladii u dhexeeyay Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti xilligii dagaalkii qaboobaa.

    Wuxuu yiri: “Dowladaha awoodda ugu badan ku leh dhinaca sirdoonka macmalka ah waxay leeyihiin mas’uuliyadda ugu weyn ee ay u hayaan aadanaha.”

    Isagoo tixraacaya xiriirkii labada dhinac xilligii dagaalkii qaboobaa, ka hor burburkii Midowgii Soofiyeeti, ayuu intaas ku daray:

    “Xilli muhiim ah oo dagaalkii qaboobaa ah, dhinacyadii iska soo horjeeday waxay garwaaqsadeen inay tahay inay si wadajir ah u maareeyaan khataraha iyo halisaha jiritaanka ee ay wadaagaan.”

    Tani waxay ahayd khudbaddii ugu dambeysay ee Guterres uu ka jeediyo furitaanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Mudda-xileedkiisa Xoghayaha Guud ayaa dhowaan dhammaanaya, kadib markii uu xilka hayay laba xilli oo min shan sano ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  5. Erdogan oo ku baaqay in la joojiyo awoodda diidmada qayaxan ee golaha amaanka ee QM

  6. Ammaanka oo si weyn loo adkeeyay agagaarka xarunta Qaramada Midoobay ee New York

    Xarunta Qaramada Midoobey
    Qoraalka sawirka, Xarunta Qaramada Midoobey

    Iyadoo uu New York ka bilaabanayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayna magaalada ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, ayaa la adkeeyay ammaanka agagaarka xarunta Qaramada Midoobay.

    Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ayaa bilaabmay, waxaana hoggaamiyeyaasha dalalku ay u socdaan xarunta si ay khudbado uga jeediyaan shirka.

    Qaramada Midoobay waxaa la aasaasay 1945-kii, xilligaas oo ay xubno ka ahaayeen 51 dal. Maanta waxaa xubno ka ah 193 dal.

    Labada dhinac ee aan xubnaha buuxa ka ahayn balse leh xaaladda goobjoogaha, Vatican-ka iyo Maamulka Falastiin, ayaa sidoo kale khudbado ka jeedin kara shirka. Midowga Yurub oo isna ah goobjooge ayaa sidoo kale hadli kara.

    Koonfurta Suudaan ayaa ahayd dalkii ugu dambeeyay ee ku biira Qaramada Midoobay, iyadoo xubinimada la siiyay 2011-kii.

    Brazil ayaa dhaqan ahaan ah dalka ugu horreeya ee xubnaha Qaramada Midoobay ka tirsan ee khudbadda jeediya. Arrintan ayaa ka soo bilaabatay sanadihii hore ee Qaramada Midoobay, xilligaas oo dalal badan ay ka gaabsanayeen inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee hadla.

    Madaxweynaha Maraykanka, oo dalkiisu martigeliyo xarunta Qaramada Midoobay, ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu horreeya ee khudbadaha ka jeediya Golaha Guud.

    Xarunta Qaramada Midoobay waxay ku taallaa mid ka mid ah meelaha ugu mashquulka badan magaalada New York ee Maraykanka.

    Laakiin dhulka iyo dhismayaasha xarunta Qaramada Midoobay ma laha Maraykanka.

    Xarunta Qaramada Midoobay waxaa loo aqoonsan yahay dhul caalami ah, taas oo ka dhigan in ay leedahay xaalad gaar ah oo sharci ah oo la xiriirta Qaramada Midoobay iyo dalalka xubnaha ka ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  7. Iiraan: Duulimaadyada caalamiga ah ee shirkadaha diyaaradaha badankood way sii socdaan

    Diyaaradaha Iran
    Qoraalka sawirka, Diyaaradaha Iran

    Afhayeenka Hay’adda Duulista Rayidka Iiraan, Majid Akhavan, ayaa sheegay in marka laga reebo shirkadda Mahan Air, oo xayiraado kala kulmaysa duulimaadyada ay ku tagto dalal shisheeye, shirkadaha kale ee diyaaradaha Iiraan ay sida caadiga ah u sii wadaan duulimaadyadooda caalamiga ah.

    Wuxuu u sheegay wakaaladda wararka shaqaalaha Iiraan ee ILNA in xilligan xayiraaddu ay khusayso oo keliya Mahan Air, taas oo wax ka beddeshay jadwalka duulimaadyada ee meelo gaar ah, oo ay ka mid yihiin Muscat, Istanbul iyo Ankara.

    Akhavan ayaa sheegay in go’aankaasi uusan saamayn doonin shirkadaha kale ee diyaaradaha Iiraan.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in cunaqabateyntii cusub ee Maraykanku saaray qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Iiraan ay liiska cunaqabateynta ku dartay 27 shirkadood oo diyaaradeed, balse taasi aysan micnaheedu ahayn in dhammaan duulimaadyada caalamiga ah ee Iiraan la joojinayo.

    Xayiraadaha cusub ee Maraykanka ee ka dhanka ah shirkadaha diyaaradaha Iiraan ayaa la filayaa inay Arbacada 23-ka September galaan marxalad cusub oo dhaqan-gelin ah.

    Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent, ayaa shalay sheegay in cid kasta oo la shaqaysa shirkadaha diyaaradaha Iiraan ee cunaqabateyntu saaran tahay ay la kulmi doonto cunaqabateyn.

    Xogta laga helayo FlightRadar24 ayaa muujinaysa in shirkadaha diyaaradaha Iiraan ay maanta weli duulimaadyo ka sameynayaan qaar ka mid ah meelaha gobolka, oo ay ka mid yihiin Istanbul iyo Baqdaad.

  8. Mu'addinkii Masaajidka xaramka ee geeriyooday iyo sidii uu u ilmeeyey markii ugu horreysay ee uu masjidka ka addimay

  9. Xuutiyiinta: In ka badan 20 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Sacuudiga

    Xuutiyiinta Yemen iyo warbaahinta taageerta ayaa sheegay in in ka badan 20 qof oo rayid ah la dilay ama lagu dhaawacay duqeymo ay Sacuudigu ka geysteen qaybo ka mid ah Yemen 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

    Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta ayaa sheegay in Sacuudigu uu qaaday in ka badan 900 weerar oo cirka iyo gantaallo ah oo lagu bartilmaameedsaday fariisimahooda tan iyo markii uu bilowday wejigan cusub ee colaadda.

    Dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa iyaduna Xuutiyiinta ku eedeysay inay rayid ku dhaawaceen weerar lagu qaaday suuq ku yaalla gobolka Lahj, kaas oo ay sheegtay inuu ahaa jawaab laga bixiyay weerarrada lagu qaaday Xuutiyiinta.

    Dhanka kale, Xuutiyiinta ayaa sheegay in weerarrada Sacuudigu ay bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah ee Yemen, ayna yihiin “xaalad colaadeed oo si weyn u sii kordhaysa.”

    Iiraan, oo taageerta Xuutiyiinta, ayaa ugu baaqday Sacuudiga inuu joojiyo weerarrada ka dhanka ah fariisimaha Xuutiyiinta.

  10. Marco Rubio oo sheegay inuu diyaar u yahay kulan uu la yeesho mas’uuliyiinta Iiraan

    Marco Rubio
    Qoraalka sawirka, Marco Rubio

    Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo mas’uuliyiin Iiraaniyiin ah, inta lagu guda jiro shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York.

    Rubio ayaa yiri: “Ma filayo in hadda wax kulan ah la qorsheeyay, laakiin waxaan diyaar u nahay kulan noocaas ah, gaar ahaan haddii ay jirto fursad uu kulan wanaagsan ku dhammaan karo, isla markaana ugu dambayn lagu gaari karo ujeeddada ugu weyn.”

    Wuxuu sheegay in ujeeddada uu ka hadlayo ay tahay in Iiraan aysan waligeed yeelan hub nukliyeer ah.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Araqchi, ayaa tan iyo Isniintii ku sugnaa magaalada New York, halka Mas’uul kale oo Iiraani ah, Massoud Mekhsani, uu isna u safray magaalada si uu uga qayb galo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    Laba maalmood ka hor, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Fox News u sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha Iiraan Mas’uud Pezeshkian.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Reuters: Sacuudiga oo dib u bilaabay shaqada dhuumaha shidaalka ee “East-West”

    Shidaal
    Qoraalka sawirka, Shidaal

    Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa saddex ilo-wareed oo xog-ogaal ah, ayaa sheegtay in Sacuudiga uu dib u bilaabay shaqada dhuumaha shidaalka ee “East-West”, isla markaana laga yaabo in maanta oo Talaado ah dib loo bilaabo dhoofinta shidaalka ee dekedda Yanbu ee ku taalla Badda Cas.

    Weerarro loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa 13-kii September sababay in Sacuudiga uu joojiyo gudbinta shidaalka ee dhuumaha “East-West”. Waxaa sidoo kale la sheegay in markii dambe la hakiyay dhoofinta shidaalka ceyriin ee dekedda Yanbu.

    Sacuudiga ayaa shidaalka dhuumahaas ku gaarsiin kara dekedda Yanbu, taas oo u saamaxaysa inuu dhoofiyo shidaalka isaga oo aan marin Marinka Hormuz.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  12. Kyodo:Iran oo soo jeedisay in marinka Hormuz la furo toddobaad gudihiis, haddii cunaqabateynta laga qaado

    Wakaaladda wararka ee Japan ee Kyodo ayaa soo xigatay sarkaal sare oo Iiraan ah oo aan magaciisa la shaacin, kaas oo sheegay in Tehran ay soo jeedisay in Marinka Hormuz dib loo furo muddo toddobaad ah, haddii laga qaado cunaqabateynta saaran Iiraan.

    Kyodo ayaa sheegtay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada Tehran ay ku doonayso in dib loogu bilaabo wada-hadallada Washington, si si joogto ah loo soo afjaro dagaalka.

    Sarkaalka ayaa sheegay in soo jeedinta ay sidoo kale ansixiyeen Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan iyo Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

    Sida ay Kyodo ku warrantay, soo jeedinta Iiraan waxaa Washington gaarsiiyay dhexdhexaadiyeyaal.

    Sarkaalka Iiraan ayaa sheegay in horumarka diblomaasiyadeed uu ku xirnaan doono “dhabnimada iyo sida ay uga go’an tahay Maraykanka” in la gaaro heshiis.

    Wuxuu sheegay in Iiraan ay doonayso calaamado muujinaya in Maraykanku diyaar u yahay inuu dib ugu laabto wada-hadallada, joojiyo hawlgallada milatari ee ka socda Marinka Hormuz, isla markaana uu soo afjaro xannibaadda dekedaha Iiraan.

    Sarkaalka ayaa sidoo kale beeniyay wararka sheegaya in Masa’ud Pezeshkian uu kulan la yeeshay Donald Trump.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. Ninkii noolaa 555 maalmood isaga oo aan wadne lahayn

  14. War deg deg ah, Tirada dadka lagu dilay Yemen oo la baahiyay

    .

    Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in 674 qof lagu dilay, halka 2,998 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii dagaalladu dib uga qarxeen qaybo ka mid ah Yemen bishii hore.

    WHO waxay sheegtay in 164 qof la dilay, 516 kalena la dhaawacay intii u dhexeysay 13-kii iyo 18-kii Sebtembar.

    Dhanka kale, Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa sheegtay in in ka badan 129,000 oo qof ay ku barakaceen rabshadaha ka socda toddobo gobol oo Yemen ka tirsan.

  15. War deg deg ah, Shiinaha oo war ka soo saaray cunnaqabateynta diyaaradaha Iran

    Shiinaha ayaa ka hor yimid cunaqabataynta uu Mareykanku saaray shirkadaha diyaaradaha Iran, isaga oo ku tilmaamay “sharci-darro”.

    Beijing ayaa sheegtay inay mar walba diiddo cunaqabatayn hal dhinac ah oo aan sal sharci caalami ah lahayn.

    Arrintan ayaa soo baxday ka hor kulanka Donald Trump iyo Xi Jinping, iyadoo cunaqabataynta Iran la filayo inay ka mid noqoto qodobada ay ka wada hadlaan.

  16. War deg deg ah, Iran iyo Pakistan oo iskaashanaya

    .

    Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa sheegay in Iran iyo Pakistan ay iskaashi ku dabooli karaan baahiyahooda, iyaga oo ka faa’iidaysanaya awooddooda gudaha iyo tan gobolka.

    Wuxuu sheegay in labada dal ay muhiim tahay inay kordhiyaan iskaashiga dhaqaale iyo maalgashiga.

    Wasiirka arrimaha gudaha Pakistan Mohsin Naqvi ayaa isna sheegay in Islamabad ay doonayso inay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Tehran.

    Labada dhinac waxay sidoo kale sheegeen inay doonayaan in ganacsiga labada dal la kordhiyo 3 bilyan oo dollar ilaa 10 bilyan oo dollar, halka xadka Iran iyo Pakistan uu sii ahaan doono mid furan 24-ka saacadood.

  17. War deg deg ah, Netanyahu oo wajahaya culeys kaga imaanaya mucaaradkiisa

    .

    Doorashada Israel ayaa dhow, balse ra’yi-ururintu weli ma muujinayso in xukuumadda Benjamin Netanyahu ay heli karto aqlabiyadda.

    Ra’yi-ururin uu sameeyay Channel 12 14-kii Sebtembar ayaa saadaaliyay in xulafada Netanyahu ay heli doonaan 50 kursi, halka aqlabiyaddu tahay 61 kursi.

    Netanyahu wuxuu haystaa ilaa 27-ka Oktoobar inuu wax ka beddelo xaaladda doorashada, iyadoo hadalladiisa ku saabsan sii wadista iska horimaadka Iran ay dhalinayaan su’aalo ku saabsan saameynta ay xiisaddaasi ku yeelan karto doorashada.

  18. Halis dunida ku soo wajahan oo laga digayo iyo meelaha cabsida ugu badan ay ka jirto

    .

    Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in biyaha macaan ee dunida si xawli ah u sii yaraanayaan.

    Warbixin ay soo saartay QM ayaa sheegtay in wabiyada iyo harooyinka ay sii qallalayaan, halka barafka buuraha iyo dhulalka qabow uu sii dhalaalayo.

    Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka cimiladu uu keenayo isbeddello daran oo aan la saadaalin karin, taasoo kordhin karta fatahaadaha iyo abaaraha.

    Qaaradda Aasiya iyo Afrika ayaa la filayaa inay si gaar ah u saameeyaan, iyadoo ku dhowaad 80% masiibooyinkii biyaha la xiriiray ee dhowaan dhacay ay ka dhaceen labada qaaradood.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrisan karo:

  19. Maxay tahay sababta Uganda ay xiriirka militari ugu jirtay dowladda Turkiga?

  20. War deg deg ah, Iran oo loogu baaqay in ay joojiso taageerada ay siiso Xuutiyiinta Yemen

    .

    Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 ayaa Iran ugu baaqay inay joojiso hubaynta iyo taageerada ay siiso Xuutiyiinta Yemen.

    Waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarrada Xuutiyiinta ee Sacuudiga, iyaga oo sheegay in dagaallada ka socda xeebaha Badda Cas ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo tamarta caalamka.

    Qaramada Midoobay waxay sheegtay in in ka badan 120,000 oo qof ay ku barakaceen dagaallada ka socda xeebaha Badda Cas ee Yemen.