Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Madaxweynaha Turkiga oo codka kor u qaadaya ayaa ka hadlay qodobbadaan

    Erdogan

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in colaadda ka socota Bariga Dhexe aysan dan ugu jirin cidna.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayuu sheegay inuu sii wadi doono dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta.

    Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in qof damiir leh uusan indhaha ka qarsan karin xaaladda Gaza, isaga oo Gaza ku tilmaamay “xabaalaha ugu weyn ee dunida”.

    Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku guuldarreysatay gudashada waajibaadkeeda ku aaddan ilaalinta nabadda, wuxuuna ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Bilowgii khudbaddiisa ayuu sidoo kale sheegay inuu ka xumaaday maqnaanshaha Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabbaas.

  2. War deg deg ah, Faahfaahin kooban oo ka soo baxaysa qarax la maqlay

    Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in qarax laga maqlay meel u dhow jasiiradda Qeshm.

    Wakaaladda wararka IRNA ayaa sheegtay in dhawaqa qaraxa uu u muuqday inuu ka yimid dhanka badda.

    Ilaa hadda, ma jiraan warar sheegaya in weerar lagu qaaday jasiiradda Qeshm.

  3. War deg deg ah, Walxo laga shakiyay oo laga helay meel u dhow halka uu ka socdo shirka QM

    .

    Booliska magaalada New York ayaa baaraya walxo laga shakiyay oo laga helay Manhattan, meel aan ka fogeyn xarunta Qaramada Midoobay, halkaas oo ay hoggaamiyeyaasha dunidu uga qaybgalayaan shirka Golaha Guud.

    Booliska ayaa xiray aag ka kooban afar dhisme oo u dhow dhismaha caanka ah ee Chrysler, iyaga oo dadweynaha ka codsaday inay ka fogaadaan goobta.

    Xarunta Qaramada Midoobay ayaa ku taalla meel wax yar u jirta aagga la xiray.

  4. Sida ay Xuutiyiinta ugu suurto gashay inay bah-dilaan Sacuudiga

  5. Trump oo madaxda caalamka hortooda uga hanjabay inuu "baabi'inayo" Iiraan"

  6. War deg deg ah, Maxaa ka jira in Trump uu ka qeyb qaatay soo afjaridda 8 dagaal oo dunida ka socday?

    TRUMP

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tan iyo markii uu markii labaad xilka madaxweynaha qabtay, uu soo afjaray illaa 8 dagaal, isaga oo yiri “sharaf weyn ii ahayd inaan soo afjaro siddeed dagaal”.

    Waxa uu xusay lix ka mid ah:

    • Cambodia iyo Thailand
    • Kosovo iyo Serbia
    • Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda
    • Pakistan iyo India
    • Armenia iyo Azerbaijan
    • Dagaalka Gaza

    BBC Verify ayaa horey u baartay sheegashadan, waxayna ogaatay in qaar ka mid ah colaadahaas ay socdeen oo keliya dhowr maalmood, inkastoo ay ka dhasheen xiisado muddo dheer soo jiray.

    In kasta oo xabbad-joojinno la gaaray, haddana colaadaha qaar ayaa weli socda sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Gaza.

    Waxaa sidoo kale xusid mudan in Trump uusan soo hadal qaadin dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Iraan bishii Juun 2025, iyo “dagaalkii” u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya. Labadan dhacdo ayaa horey Aqalka Cad ugu daray siddeedda dagaal ee uu sheegay in Trump soo afjaray.

    Marka laga hadlayo Masar iyo Itoobiya, dhab ahaantii ma jirin dagaal ay tahay in la soo afjaro, bale Waxaa jiray xiisado u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray dhismaha biyo-xireen ku yaalla webiga Niil.

  7. War deg deg ah, Taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Iran: “Maraykanka meel kasta oo uu dalka ka soo dego waa la baabi’in doonaa”

    Sarreeye Gaas Yahya Rahim Safavi, oo ah taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Iran, isla markaana ah la-taliye iyo kaaliye u ah hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah, ayaa wareysi telefishin ku sheegay: “Waxaan haynaa 10 milyan oo xubnood oo Basij ah oo tababaran, kuwaas oo awood u leh inay gobol kasta u difaacaan si nidaamsan.”

    Hadalkan ayuu ka sheegay isagoo ka hadlayay suuragalnimada in ciidamada dhulka ee Maraykanku gudaha Iran ka soo degaan. Wuxuuna sheegay in aragtidiisa, haddii Maraykanku meel kasta oo dalka ka mid ah ciidamo ka soo dejiyo, “hubaal waa la baabi’in doonaa.”

    Mr. Rahim Safavi ayaa sidoo kale, sida saraakiil kale oo sar-sare oo dalkaas ka tirsan, ku adkeystay in: “Furitaanka marin-biyoodka Hormuz uu ku xirnaan doono in la aqbalo shuruudaha Iran.”

    Taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka ayaa sheegay in cadaadiska Washington uu yahay “caqabadda ugu weyn” ee hortaagan in Iran iyo Cumaan ay heshiis ka gaaraan sida maraakiibtu uga gudbi lahaayeen marin-biyoodka Hormuz.

    Si kastaba ha ahaatee, wuxuu aaminsan yahay in xaaladdan ay horseedi doonto in “ma aha oo keliya in marin-biyoodka Hormuz uusan ku laaban doonin xaaladdiisii hore, balse Bab al-Mandab-na uusan ku laaban doonin xaaladdiisii hore.”

  8. Intee ayey la egtahay Tirada sida maalinlaha ah u marta Marin biyoodka Homuz

    hormuz

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay uga sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in marka laga hadlayo marinka muranka ka taagan yahay ee Hormuz, “shidaal ka badan ayaa hadda maraya marka loo eego waqti kasta tan iyo markii uu dagaalka Iraan bilowday”.

    “Waxaan maalin kasta iyo habeen kasta ka soo saareynaa 22, 25, 30, 32 iyo 37 markab, siday u kala horreeyaan,” ayuu intaas ku daray.

    Hadalkan Trump ayaa ka rajo wanaagsan xogta ay hayso shirkadda xogta sirdoonka badda ee Kpler.

    Shirkaddu waxay qiyaastay in tirada guud ee maraakiibta noocyadooda kala duwan ee ka gudbay marinka ay toddobaadkii hore u dhexeysay 9 ilaa 24 markab maalintii, taas oo aad uga hooseysa celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa qiyaastii 140 markab maalintii.

    Xogta Kpler ayaa sidoo kale muujineysa in celcelis ahaan 8.1 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah maalintii ay toddobaadkii hore mareen marinka Hormuz, marka loo eego celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa 13.5 milyan oo foosto maalintii.

  9. Faransiiska oo dadaal ugu jira diyaarinta qaraar lagu furayo marinka Hormuz

    Faransiiska oo dadaal ugu jira diyaarinta qaraar lagu furayo marinka Hormuz

    Wararka aan ka heleyno shirka golaha QM ayaa sheegaya in Faransiisku, isaga oo la kaashanaya Mareykanka, uu bilaabay diyaarinta qaraar loo gudbinayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Mas’uuliyiin diblomaasiyadeed ayaa Talaadadii sheegay in qaraarku ujeeddadiisu tahay in la sameeyo hawlgal caalami ah oo lagu soo celinayo isu-socodka maraakiibta ee marinka Hormuz.

    Inkasta oo isku dayo hore oo Faransiisku ku doonayay inuu qaraarka diyaariyo ay fashilmeen, tallaabadan cusub ayaa timid kaddib wadahadal dhexmaray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo ka dhacay Isniintii fiidkii, iyaga oo ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

    “Waxaa laga wada hadlay dhowr ikhtiyaar. Saacadaha soo socda waxaan ka shaqeyn doonnaa xalal diblomaasiyadeed, kuwaas oo suuragelin kara in maraakiib badan oo xamuul iyo kuwa shidaal qaada ay maraan, xitaa haddii aan la gaarin heshiis dhammaystiran,” ayuu Macron yiri kaddib kulankii uu la yeeshay Trump.

    Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta wafdiga Faransiiska ayaa sheegay in Macron uu rajeynayo inuu dhawaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u soo bandhigi karo qoraalka qaraarka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  10. War deg deg ah, Madaxweynaha Iiraan oo New York gaaray, iyada oo uu ka hor furmay shirka Golaha QM uu halkaas kaga qeyb gali doono

    Madaxweynaha Iiraan New York gaaray, iyada oo uu ka hor furmay shirka Golaha QM uu halkaas kaga qeyb gali doono

    Madaxweynaha Iraan, Masoud Pezeshkian, ayaa gaaray magaalada New York, halkaas oo uu khudbad ka jeedin doono Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Joogitaanka Mr. Pezeshkian iyo diblomaasiyiinta Iraan ee New York sanadkan ayaa xoojinaya muhiimadda kulanka, maadaama uu ku soo beegmayo xilli uu socdo dagaal.

    Maalintii Talaadada, hal saac ka hor inta uusan Mr. Pezeshkian gaarin New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee xukuumaddiisa, Abbas Araghchi, ayaa la kulmay Steve Witkoff, oo ah wakiilka gaarka ah ee Donald Trump u qaabilsan Bariga Dhexe.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  11. Maxaa ka jira in Trump uu ka qeyb qaatay soo afjaridda 8 dagaal oo dunida ka socday?

    Maxaa ka jira in Trump uu nabad ka dhex dheliyey waddamo 10 kabadan?

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ka sheegay in tan iyo markii uu markii labaad xilka madaxweynaha qabtay, uu soo afjaray illaa 8 dagaal, isaga oo yiri “sharaf weyn ii ahayd inaan soo afjaro siddeed dagaal”.

    Waxa uu xusay lix ka mid ah:

    • Cambodia iyo Thailand
    • Kosovo iyo Serbia
    • Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda
    • Pakistan iyo India
    • Armenia iyo Azerbaijan
    • Dagaalka Gaza

    BBC Verify ayaa horey u baartay sheegashadan, waxayna ogaatay in qaar ka mid ah colaadahaas ay socdeen oo keliya dhowr maalmood, inkastoo ay ka dhasheen xiisado muddo dheer soo jiray.

    In kasta oo xabbad-joojinno la gaaray, haddana colaadaha qaar ayaa weli socda sida Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Gaza.

    Waxaa sidoo kale xusid mudan in Trump uusan soo hadal qaadin dagaalkii 12-ka maalmood socday ee dhexmaray Israel iyo Iraan bishii Juun 2025, iyo “dagaalkii” u dhexeeyay Masar iyo Itoobiya. Labadan dhacdo ayaa horey Aqalka Cad ugu daray siddeedda dagaal ee uu sheegay in Trump soo afjaray.

    Marka laga hadlayo Masar iyo Itoobiya, dhab ahaantii ma jirin dagaal ay tahay in la soo afjaro, bale Waxaa jiray xiisado u dhexeeyay labada dal oo la xiriiray dhismaha biyo-xireen ku yaalla webiga Niil.

  12. Qaar kamid ah Madaxda caalamka ee uu saameynta weyn ku yeeshay, dagaalka Trump iyo Iran

    Qaar kamid ah Madaxda caalamka ee uu saameynta weyn ku yeeshay, dagaalka Trump iyo Iran

    Mid kamid ah wariyeyaasha BBC-da ee jooga shirka golaha QM ayaa ka warramaya shir docoyeedyada uu Trump la leeyahay madaxda caalamka.

    Trump waxaa labada dhinac ka fadhiyay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, iyo Boqorka Urdun, Cabdullaahi. Madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, oo hore uga tirsanaa kooxaha jihaad-doonka ah balse hadda xulafo la ah Trump, ayaa hal kursi u jiray, sidoo kale waxaa halkaas fadhiyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

    Xog badan lagama soo sheegin kulankaan, balse dad badan ayaa kulankaas u arki lahaa mid ka mid ah kulamadii ugu muhiimsanaa ee Madaxweyne Trump uu maanta yeeshay.

    Qaar ka mid ah dalalka halkan ku sugan, sida Imaaraadka Carabta, Qatar, Baxrayn iyo Sacuudiga, ayaa si toos ah ugu jiray bartilmaameedka weerarrada tan iyo markii uu dagaalka Iran bilaabmay. Sidaas darteed, waxay dan weyn ka leeyihiin in dagaalku soo dhammaado, isla markaana dib loo furo marinka Hormuz.

    Weli waxaa jira faahfaahin aad u yar oo laga hayo kulankii hore ee dhexmaray mas’uuliyiinta Mareykanka iyo Iraan, iyo waxa xiga ee ku saabsan wadaxaajoodyada ama weerarro kale oo suuragal ah. Laakiin ragga ku jira qolkan, su’aashaas waxay u tahay arrin aad muhiim u ah.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  13. War deg deg ah, Immisa markab ayaa ka gudbaya marinka Hormuz?

    Immisa markab ayaa ka gudbaya marinka Hormuz?

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa horay uga sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay in marka laga hadlayo marinka muranka ka taagan yahay ee Hormuz, “shidaal ka badan ayaa hadda maraya marka loo eego waqti kasta tan iyo markii uu dagaalka Iraan bilowday”.

    “Waxaan maalin kasta iyo habeen kasta ka soo saareynaa 22, 25, 30, 32 iyo 37 markab, siday u kala horreeyaan,” ayuu intaas ku daray.

    Hadalkan Trump ayaa ka rajo wanaagsan xogta ay hayso shirkadda xogta sirdoonka badda ee Kpler.

    Shirkaddu waxay qiyaastay in tirada guud ee maraakiibta noocyadooda kala duwan ee ka gudbay marinka ay toddobaadkii hore u dhexeysay 9 ilaa 24 markab maalintii, taas oo aad uga hooseysa celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa qiyaastii 140 markab maalintii.

    Xogta Kpler ayaa sidoo kale muujineysa in celcelis ahaan 8.1 milyan oo foosto oo saliid cayriin ah maalintii ay toddobaadkii hore mareen marinka Hormuz, marka loo eego celceliskii ka hor dagaalka oo ahaa 13.5 milyan oo foosto maalintii.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  14. Warbaahinta dowladda Iraan oo xaqiijisay kulanka Mareykanka iyo Iiraan

    Wakaaladda wararka ee dowladda Iraan ayaa xaqiijisay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Iraan, Cabbaas Araghchi, iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkoff, ay kulan ku yeesheen magaalada New York, intii uu socday shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Hase yeeshee, warbaahinta dowladda Iraan ayaa kulanka ku tilmaantay mid lagu qabtay “dalabka” Mareykanka.

    Sida lagu sheegay war lagu daabacay kanaalka Telegram-ka ee warbaahinta dowladda Iraan, sababta kulanka loo qabtay waxay ahayd in Iraan ay soo bandhigi karto “shuruudaheeda ku aaddan dib u furista” marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Baab al-Mandab.

    “Si degdeg ah loo qaado go’doominta badda ee Mareykanka, in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan hantida Iran ee la xanibay, iyo in la soo afjaro dagaalka dhammaan jihooyinka ay ku lug leeyihiin kooxaha ay Iiraan taageerto ayaa ka mid ah shuruudaha Iraan ee dib u furista marin-biyoodka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  15. Maxaa ka jira in ay kulmeyn Madaxda Iiraan iyo Trump?

    Waxaa faahfaahin dheeraad ah kasoo baxayaa kulankii laba geesoodka ahaa ee Trump iyo Zelensky, halkaas oo Trump wax laga weydiiyay kulan dhexmaray hoggaamiyeyaasha Iiraan iyo Mareykanka.

    Trump oo la hadlayay wariye ayaa sheegay in maanta ay hoggaamiyeyaasha Mareykanka iyo Iran yeesheen wada-hadal socday saddex saacadood, kaas oo ay ka qayb galeen ergayada gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff iyo Jared Kushner.

    “Waxay ahayd kulan aad u wanaagsan, oo aad wax ku ool u ahaa,” ayuu yiri Trump, isaga oo aan sheegin hoggaamiyeyaashii Iran ee kulanka ka qayb galay.

    Witkoff oo isna kulanka ka qayb galay ayaa sheegay inuu hadda “aad u wanaagsan yahay”, balse faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin. “Waxaan arki doonnaa sida ay wax ku dambayn doonaan,” ayuu yiri Trump.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  16. Wasiirrada arrimaha dibadda ee afar dal oo daris la ah Iiraan oo baaq diray

    Dhinacyada kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo haatan ka socda magaalada New York, ayaa wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga waxay yeesheen kulan wadatashi ah, iyagoo soo saaray bayaan.

    Bayaanka ayaa lagu muujiyay walaac laga qabo xiisadaha sii socda ee gobolka, waxaana lagu sheegay in diblomaasiyaddu tahay waddada lagu gaari karo "xalal waara."

    Wasiirrada arrimaha dibadda ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ixtiraamo is-afgaradkii Islamabad, si loo gaaro "nabad iyo xasillooni waarta."

    Bayaanka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Sacuudiga, oo ay ku jiraan weerarradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiintu ku qaadeen dalka.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  17. Trump oo ugu baaqay dalalka caalamka inay Iiraan dhaqaale ahaan go’doomiyaan

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu baaqay dhammaan dalalka inay ku biiraan Maraykanka, si “Iiraan gebi ahaanba dhaqaale ahaan loo go’doomiyo”.

    Trump ayaa sheegay in tallaabadan la sii wadi doono ilaa, sida uu sheegay, Tehran ay joojiso weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, ay ka tanaasusho “hamigeeda nukliyeerka”, isla markaana ay joojiso taageerada ay siiso kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada.

    Wuxuu dowladda Iiraan ku tilmaamay “mid daciif ah oo quus ah”, wuxuuna sheegay in haddii dalalku midoobaan, ay soo afjarmi doonto waxa uu ugu yeeray “51 sano oo khatar argagixiso oo Iiraan ah”, isla markaana qiimaha shidaalkuna hoos u dhici doono.

  18. Trump: “Waxaan soo afjarnay dagaalkii Gaza, dhammaan la haystayaashiina waa la soo celiyay”

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, oo khudbaddiisa ka jeedinayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in sanad ka hor uu dagaalku weli ka socday Gaza, halka la haystayaashuna ay ku jireen godadka dhulka hoostiisa ee Xamaas.

    Trump ayaa sheegay in wada-hadalladii ka bilowday dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ay xaaladda wax ka beddeleen.

    Wuxuu sheegay in dhowr toddobaad kadib “dagaalkii Gaza la soo afjaray”, isla markaana dhammaan la haystayaashii haray, kuwa nool iyo kuwa dhintay, dib loo soo celiyay.

    Trump ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taageerada uu siiyay qorshaha Maraykanka ee ka kooban 20-ka qodob ee Gaza iyo ansixinta “Hawlgalka Nabadda” (Peace Mission).

    Wuxuu sheegay in ku dhawaad 30 dal ay ku biireen hawlgalkan.

    Trump ayaa intaas ku daray in dhowr dal ay balaayiin doollar u qoondeeyeen gargaarka iyo dib-u-dhiska Gaza, halka dalal kalena ay bixiyeen ciidamo, booliis ama tababar loogu talagalay in lagu caawiyo xasilinta Gaza.

  19. Erdoğan: “Waxaan sii wadi doonnaa dadaallada lagu soo afjarayo dagaalka Xuutiyiinta iyo Sacuudiga”

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

    Qayb kale oo ka mid ah khudbaddiisa, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa ka hadlay dagaallada ka socda Bariga Dhexe, isagoo yiri: “Sii socoshada colaadahaasi dan uma aha cidna.”

    Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Sacuudiga.

    Qayb kale oo khudbaddiisa ka mid ah ayuu Erdoğan ku yiri: “Qof damiir leh ma indhaha ka qarsan karo waxa Gaza ka dhacaya.”

    Erdoğan ayaa sidoo kale sheegay in Qaramada Midoobay ay ku guuldarreysatay waajibaadkeedii ahaa inay nabad abuurto, wuxuuna ku baaqay in dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto:

  20. Trump oo garaadka macmalka ee AI u bixiyay magac cusub

    Trump
    Qoraalka sawirka, Trump

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa ku bixiyay magac cusub oo uu u bixiyay garaadka macmalka (AI), isaga oo ugu yeeray “Super Intelligence” (SI).

    Trump ayaa yiri: “Isticmaalka erayga ‘artificial’ wuxuu ka dhigayaa inuu u ekaado wax aan dhab ahayn. Ma aha wax aan dhab ahayn, dhab ahaantii waa wax cajiib ah. Laakiin waa inaan taxaddarnaa.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Ku soo dhowaada dunida cusub ee sirdoonka sare — SI.”

    Trump ayaa hore u sheegay in cidda ku guuleysata tartanka AI ay guuleysanayso, wuxuuna si weyn uga soo horjeedaa in tiknoolajiyaddan lagu soo rogo xeerar adag. Arrintan ayaa ka duwan aragtida qaar badan oo ka mid ah madaxda iyo wakiillada ku sugan shirka.

    Su’aashu waxay tahay in diblomaasiyadda oo si tartiib ah u socota ay la jaanqaadi karto horumarka xawliga badan ee AI.

    Sheekooyinka kale ee aad sii akhrin karto: