Maxaa illaa iyo hadda ka ognahay Booqashada madaxweynaha Shiinaha

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa gaaray Maraykanka, halkaas oo uu shir muhiim ah kula yeelanayo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Liiskan hoose waa qodobada muhiimka ah ee ku saabsan imaanshaha Xi ee Maraykanka iyo wadahadallada toddobaadkan dhacaya:
- Maraykanka iyo Shiinaha ayaa heshiis ka gaaray in ay kordhiyaan xabbad-joojinta dagaalka ganacsi, taas oo markii hore ku ekaan lahayd bisha Nofeembar, balse waxaa hadda la kordhiyay ilaa ugu yaraan 10-ka Janaayo.
- Markii Madaxweyne Xi iyo xaaskiisu ay diyaaradda kasoo dageen, waxaa lagu soo dhaweeyay roog cas. Madaxweyne Trump iyo marwada koowaad ee Mareykanka, Melania Trump, ayaa iyaguna goobta joogay si ay si shaqsi ah u soo dhaweeyaan lamaanaha.
- Xi Jinping ayaa bayaan qoraal ah oo uu jeediyay ku sheegay in Shiinaha iyo Maraykanku ay noqonayaan “lamaanayaal halkii ay iska soo horjeedi lahaayeen”, sida ay werisay warbaahinta dowladda Shiinaha.
- Sida ay qortay wariyaha BBC-da ee Shiinaha, Laura Bicker; Trump iyo Xi waxa ay isku dayayaan in ay maareeyaan xiriir adag oo u dhexeeya labada dal, midkood ayaa hadalladiisa iyo soo dhaweyntiisa uga muujinaya dhinaca kale si ka xamaasad badan,
- Booqashada Xi waxay sidoo kale Trump u keeni kartaa dhaleeceyn kaga timaadda taageerayaashiisa MAGA, sida uu qoray weriyaha Aqalka Cad ee BBC-da, Bernd Debusmann Jr.
- Xi waxaa safarkan ku weheliya qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeya dowladda Shiinaha, oo ay ku jiraan Cai Qi, oo ka mid ah xubnaha ugu dhow Xi, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi.
- Madaxda waaweyn ee shirkadaha tiknoolajiyadda iyo sirdoonka macmalka ah ee Maraykanka ayaa Khamiista ka qaybgeli doona casho sharafeed ay wada joogaan labada hoggaamiye.
- Weli ma cadda in madaxda shirkadaha Shiinaha ay qayb ka yihiin wafdiga Xi, iyadoo la sheegay in Xi uu u arki karo ka qaybgalka madaxda ganacsiga Shiinaha arrin khatar ku ah Beijing.








