Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Uganda oo ciidamadiisa geynaya Gaza

    Codsigan ayaa waxaa uu ka yimid Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Codsigan ayaa waxaa uu ka yimid Trump

    Golaha Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay soo jeedinta dowladda ee oggolaanaysa in ciidamo Uganda ah loo diro Marinka Gaza, kadib codsi uu Maraykanku soo gudbiyay oo hoos imanaya qorshaha Board of Peace ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

    Soo jeedintan waxaa Baarlamaanka hor geeyay Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, kaas oo u sheegay xildhibaannada in Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ay leeyihiin waayo-aragnimo iyo awood ay kaga qayb qaadan karaan hawlgallada caalamiga ah ee nabad ilaalinta.

    Go’aankan wuxuu muujinayaa in Uganda ay diyaar u tahay inay ciidamadeeda ku biiriso ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ka sameeya Marinka Gaza.

    Bishii Luulyo, wargeyska dowladda ee New Vision, isagoo soo xiganaya ilo ciidan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, inuu bixiyo taageero ciidan oo loo marayo qorshaha Board of Peace, kaas oo ujeeddadiisu tahay, in la dhiso ciidan caalami ah oo gacan ka geysta sugidda amniga Marinka Gaza.

    Markii uu soo jeedinayay qodobkan Baarlamaanka, Kiwanuka wuxuu sheegay in dirista ciidamadaasi ay waafaqsan tahay qaab-dhismeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib wadahadallo diblomaasiyadeed oo dhex maray Trump iyo Museveni.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda ay u hawlgeli doonaan, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo heerarka bani’aadannimada.

    “Uganda waxay leedahay ciidan xooggan oo leh hannaan hoggaamineed oo wanaagsan, taas oo u suuragelisay inay si guul leh uga qayb qaataan hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), iyo sidoo kale howlgallo kala duwan oo ay Qaramada Midoobay hoggaamiso,” ayuu yiri Kiwanuka.

    Sidoo kale akhriso

  2. Garaadka Macmalka ah oo loo isticmaalay in uu sameeyo Fayrasyo cusub

  3. Tartanka hubka: 10-ka dal ee leh hubka ugu badan Afrika

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

    Senegal waxay sameysay horumar muuqda oo dhinaca awoodda militariga ah, iyadoo maalgelisay 298.46 milyan. Dalabkeeda hubka waxaa lagu qiyaasay 8.8% hubka ay soo iibsatay.

    Waxay noqotay waddanka labaad ee ugu weyn gobolka dhinaca soo dejinta hubka, iyadoo iibsatay maraakiib ciidan iyo kuwa gantaallada. Waxaa loogu talagalay ilaalinta xeebaha iyo kormeerka shidaalka iyo gaaska badda hoosteeda, iyo sidoo kale diyaarado loogu talagalay ilaalinta hawada dalka.

  4. Sacuudiga oo sheegtay in 11 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen gudaha dalkeeda, iyadoo Xuutiyiinta ay ballaarinayan weerarrada ay ka fulinayaan gobolka

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ee taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay, in 11 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen gobolka xuduudda ee Najran ee Sacuudi Carabiya.

    Afhayeen ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka koobnaayeen toddobo muwaadiniin Sacuudi ah, hal Yemeni ah, laba Masaari ah iyo hal Pakistani ah.

    Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kaddib markii Xuutiyiintu sheegeen inay weerar diyaarado aan duuliye lahayn ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Najran.

    Xiisaddu waxay sii korortay toddobaadyadii u dambeeyay kaddib markii kooxda ay Iiraan taageerto ay ku dhawaaqday go'doomin dhinaca badda ah oo ka jirta Badda Cas, isla markaana ay weerarro ku qaaday booyadaha shidaalka iyo xarumaha saliidda ee Sacuudi Carabiya.

    Riyaad ayaa taas uga jawaabtay duqeymo ay la beegsatay saldhigyo ciidan oo ku yaalla Yemen.

    Horey, weerarro ay Xuutiyiintu geysteen ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 30 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Yemen ee bartamaha Yemen.

  5. Qarax ka dhacay duleedka caasimadda Suuriya

    Suuriya

    Xigashada Sawirka, AFP via Getty

    Laba qof ayaa ku dhintay, 13 kalena waa ku dhaawacmeen qarax bam oo ka dhacay gaari nooca mini-bus ah oo ku sugnaa degmada Jaramana ee duleedka Dimishiq galabnimadii Khamiista, sida uu baahiyay telefishinka dawladda Suuriya isaga oo soo xiganaya Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

    Sida uu sheegay sawirqaade ka tirsan AFP, dhowr ambalaas ayaa u socday goobta uu qaraxu ka dhacay, taas oo ku taalla waddo weyn.

  6. Qalibaaf oo hanjabaadaha Trump ku tilmaamay “diblomaasiyad masraxeed oo soo noqnoqota

    Maxamed Baqer Qalibaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, ayaa hanjabaadaha iyo hadallada Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka, ee ku saabsan Iiraan ku tilmaamay “diblomaasiyad maadays ah oo soo noqnoqota.”

    Qalibaf ayaa Khamiistii qoraal uu ku daabacay barta X ku soo celiyay qaar ka mid ah hadalladii u dambeeyay ee madaxweynaha Mareykanka, isagoo qoray: “Weerar weyn ayaa soo socda… iska daa, iyagu waxay rabaan wadaxaajood.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Hadalladan wax kale ma aha ee waa diblomaasiyad maadays ah oo soo noqnoqota.”

    Madaxa wafdiga wadaxaajoodka Iiraan ayaa sidoo kale sheegay in “adeegsiga cagajuglayn iyo ballanqaadyo aan la fulin iyo warar been abuur ah oo loo adeegsado cadaadis lagu galo wadaxaajood, ay tahay istaraatiijiyad fashilantay.”

  7. Raysalwasaaraha Baakistaan oo booqasho ku tagay Sucuudiga xilli ay xaaladda Bariga Dhexe weli cakiran tahay

    Raysalwasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif ayaa gaadhay Sacuudi Carabiya isagoo ku jooga booqasho rasmi ah.

    Bayaan Khamiistii ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Shahbaz Sharif uu gaadhay magaalada Jeddah kaddib casuumaad uu ka helay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

    Bayaanka ayaa intaas ku daray in Raysalwasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Isxaaq Daar, Taliyaha Guud ee Ciidammada Difaaca Field Marshal, Caasim Muniir, Wasiirka Difaaca Khawaja Aasif iyo wasiirro kale ay sidoo kale la socdaan Raysalwasaare Shahbaz Sharif, booqashadiisa Sacuudi Carabiya.

    Maxamed Bin Salman iyo Shahbaz Sharif

    Xigashada Sawirka, PM House

  8. Qaraxyo laga maqlay magaalada Qeshm ee Iiraan

    Kaddib markii warbaahinno badan ay soo weriyeen in qaraxyo laga maqlay jasiiradda Qeshm, wakaaladda wararka ee Tasnim ayaa sheegtay in “asalka dhawaaqyada qaraxyada ee Qeshm uu ahaa beegsiga bartilmaameedyo ay cadowgu leeyihiin.”

    Warbaahintan ayaa, iyadoo soo xiganeysa “ilo xog-ogaal ah”, qortay in “sababta loo maqlay laba qarax oo ka dhacay Qeshm qiyaastii saacaddu markii ay ahayd 9:40 fiidnimo, xilliga maxalliga ah ay ahayd la tacaalidda bartilmaameedyo cadow oo ku sugnaa afaafka marin-biyoodka Hormuz.”

    Tasnim waxay sheegtay in ay faahfaahinta warkan dhawaan soo bandhigi doonto.

  9. Amal Khaliil, wariye ku geeriyootay duqayn ay Israa'iil ku gaysatay Lubnaan

    Amal Khaliil

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Laba urur oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in duqeyn Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan, taas oo lagu dily saxafiyadda wargeyska Al-Akhbar Amal Khaliil, isla markaana si daran loogu dhaawacay sawirqaade madaxbannaan oo la yidhaahdo Zaynab Faraj, ay u muuqato dambi dagaal.

    Warbixinno kala duwan oo ay soo saareen Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa lagu sheegay in saxafiyiinta si ula kac ah loo bartilmaameedsaday xilli ay warbixin ka diyaarinayeen deegaanka Al-Tayri 22-kii Abriil.

    Labada urur ayaa dalbaday in dhacdadan lagu sameeyo baadhitaan madax-bannaan, waxayna Lubnaan ugu baaqeen in ay aqbasho awoodda maxkamadeed ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC).

    Ciidanka Israa’iil ayaa beeniyay inay bartilmaameedsadeen saxafiyiin, waxayna BBC-da u sheegeen in saddexda duqeyn ee ay fuliyeen lagu beegsaday laba xubnood oo ka tirsan kooxda hubeysan ee Xisbullaah.

  10. Maraykanka oo martigelinaya shir ay Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada kaga hadlayso adeegsiga tiknoolajiyada nukliyeerka ee badda

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay in ay 26-ka iyo 27-ka August martigelin doonto shir ay ka qeybgalayaan Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA), kaas oo lagu soo bandhigayo hindisaha “Tiknoolajiyada Atoomikada ee Adeegsiga Badda”.

    Sida ay sheegtay wasaaraddu, shirka ayaa ka dhici doona magaalada Washington iyadoo ay ka qeyb geli doonaan wasiirro iyo siyaasiyiin, waxaana ujeeddadiisu tahay in la abuuro waddooyin ammaan ah oo lagu ballaadhin karo adeegsiga tiknoolajiyada nukliyeerka ee xagga badda.

    Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada ayaa sheegtay in hindisaha ATLAS, ama Tiknoolajiyada Atoomikada ee Adeegsiga Badda.

    Qorshahan ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu dhiirrigeliyo warshadaha in ay xoojiyaan amniga tamarta mustaqbalka fog.

  11. Mindhicirka: Maskaxda labaad ee jidhka sidee door uga qaata caafimaadkeenna?

  12. Abdel Sayed oo laga yaabo inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka tirsan Senate-ka Mareykanka

  13. Xuutiyiinta oo weerar ku dilay ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen

    Yemen

    Xigashada Sawirka, Xuutiyiintu waxay sheegteen inay bartilmaameedsadeen askar ku sugnaa xeryaha

    Ugu yaraan 30 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Yemen ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarro ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen xerooyin militari oo ku yaalla bartamaha Yemen.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegay in gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku dhaceen dhowr xero oo ay maamulaan Ciidamada Gurmadka Degdegga ah, kuwaas oo ku yaalla aagga al-Ruwaik ee gobolka Marib iyo aagga al-Abr ee gobolka Hadramawt.

    Wasiirka Caafimaadka, Qasim Bahibah, ayaa cambaareeyay weerarkaas "khiyaanada ah", isagoo sheegay in looga gol-lahaa in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida. Ma uusan shaacin tirada dadka ku dhintay weerarka.

    Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta, oo gacanta ku haya inta badan waqooyi-galbeed ee Yemen isla markaana ay taageerto Iran, ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen "ciidamo militari oo waaweyn oo Sacuudigu soo daabulay" kuwaas oo u diyaar-garoobayay weerar dhanka milatariga ah. Isbaheysi uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa taageerayay dowladda intii lagu jiray dagaalkii sokeeye ee dalka ka socday.

    Ma jirin wax hadal ah oo degdeg ah oo ka soo baxay isbaheysiga ama dowladda Sacuudiga.

    Yemen waxaa ragaadiyay dagaal sokeeye oo billowday sanadkii 2014-kii, markaas oo Xuutiyiintu ay xukunka ka tuureen dowladdii fadhigeedu ahaa caasimadda ee Sanca. Colaadda ayaa sii xoogeysatay sanadkii 2015-kii, ka dib markii isbaheysi Carbeed oo uu hoggaaminayo Sacuudigu ay soo farageliyeen xaaladda iyagoo isku dayaya inay soo celiyaan maamulkii dowladda.

    Warar dheeraad ah:

  14. Puntland oo soo saartay amarro ka dhan ah gaadiidka iyo ciidanka aan hoos tegin maamulkaas

  15. War deg deg ah, UEFA oo weli ku hanjabaysa inay qaadacayso tartamada FIFA

    FIFA

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Kooxaha Yurub ayaa weli qaadi kara tallaabo ay ku qaaddacayaan tartamada, oo ay ku jirto Koobka Adduunka, iyadoo UEFA ay sheegtay in difaaca FIFA ay ka difaacayso madaxweynaheeda Gianni Infantino uusan "waxba beddelayn".

    War-saxaafadeed ay soo saartay, hay'adda maamusha kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa sheegtay inaan la buuxin shuruudihii ay ku xirtay ka-noqoshada qorshihii Infantino ee ahaa in saamiyo ka mid ah Koobka Adduunka laga iibiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay—inkastoo qorshahaas markii dambe la joojiyay.

    "Ururrada xubnaha ka ah UEFA waxay si cad u sheegeen shuruudaha la xiriira ka-maqnaanshahooda tartamada FIFA," ayaa lagu yiri bayaanka.

    "Marka hore, waa in laga noqdaa soo-jeedimaha lagu iibinayo tartamada waaweyn, marka labaadna, waa in la bixiyaa dammaanad ah inaan mar dambe la isku dayi doonin in qaabkan oo kale loo wiiqo ama loo beddelo ciyaarta.

    "Shuruudahan lama buuxin."

    UEFA ayaa horay u sheegtay inay kalsoonidii kala noqotay Infantino, iyadoo ku tilmaantay soo-jeedinta FIFA inay tahay "heshiis liita, oo si qarsoodi ah looga shaqeeyay isla markaana aan daah-furnayn".

    Warar dheeraad ah:

  16. Sacuudiga oo Salem Shari u magacaabay taliyaha isbahaysiga badda

    Sacuudiga

    Xigashada Sawirka, Saudi Ministry of Defense

    Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa ku dhawaaqday magacaabista Cabdullaahi bin Saalim Shari inuu noqdo taliyaha isbahaysiga ciidamada badda ee caalamiga ah.

    Sida ku cad bayaanka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga, oo sidoo kale lagu daabacay barta X, Shari ayaa kormeeri doona "Difaaca Badda ee Wadajirka ah", isaga oo la xiriiri doona oo isku dubbaridi doona dalalka xubnaha ka ah iyo isbahaysiyada kale ee badda, isla markaana fulin doona howlgallada ay ansixiyeen isbahaysigu.

    29-ka Agoosto, Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday sameynta isbahaysi difaac badeed oo caalami ah, kaas oo ay ka qeyb galayaan 13 dal oo kale, waxaana hoggaaminaya Riyadh.

    Tallaabadan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Sacuudiga, waxay ujeeddadeedu tahay in la ilaaliyo maraakiibta caalamiga ah, marinnada ganacsiga iyo gudbinta tamarta, iyadoo laga hortagayo khataraha sii kordhaya ee ka jira Badda Cas, Marin-biyoodka Baab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iiraan ay toddobaadkii hore ku dhawaaqeen inay ku soo rogayaan Sacuudi Carabiya, oo ah dhoofiyaha shidaalka ee ugu weyn adduunka, xayiraad dhanka badda ah.

    Warar dheeraad ah:

  17. Maxay Saynisyahannadu ka baran karaan gantaalkii Dayaxa ku dhacay?

    Gantaal ay leedahay shirkadda SpaceX oo qaldamay ayaa la rumeysan yahay inuu ku dhacay dayaxa, isagoo abuuray god cusub oo u dhow Godka caanka ah ee Einstein, taasoo siinaysa saynisyahannada fursad cilmi baaris oo naadir ah oo gacan ka geysan karta hawlgallada hawada sare ee mustaqbalka.

    Qaybta sare ee gantaalka Falcon 9 ayaa ku dhacay Arbacadii dusha dayaxa meel u dhow Godka Einstein isagoo ku socday xawaare dhan 8,700 kiiloomitir saacaddii.

    Iftiinka gaaban laakiin cajiibka ah ee ka dhashay shilka ayaa adkayd in la arko xitaa xiddigiyayaal si hiwaayad ah u eega oo wata teleskoobyo horumarsan uma suurto galin, laakiin indha-indheeyayaasha waaweyn ee Ameerika ayaa hadda baaraya xogta.

    Waxay qaadan kartaa maalmo ama xitaa toddobaadyo si ay si buuxda ugu fahmaan dhacdada iyo waxa laga baran karo, laakiin saynisyahannada darsa qaab-dhismeedka iyo dusha sare ee meerayaasha, ayaa arrintan u arka fursad cilmiyeed oo naadir ah.

    Falcon 9 oo ay leedahay shirkadda SpaceX waa gantaal dib loo isticmaali karo, kaas oo loo adeegsaday hawlgallo badan. Gantaalkan waxaa loo qaabeeyey qaab qayb ka mid ah inay dib ugu soo laabato Dhulka, halka qaybaha kalena lagu reebo hawada sare.

  18. 'Sida fooneeyaha timaha uu nolosheyda u burburiyay'

  19. Trump oo beeniyay warbixinta yaraanta rasaasta ee Mareykanka, kuna hanjabay inuu xabsiga dhigi doono sarkaalkii kashifay

    Trump

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxweyne Donald Trump ayaa Khamiistii sheegay in Mareykanku leeyahay kayd aad u ballaaran oo rasaas iyo hub ah, wuxuuna ku hanjabay in dadka faafiya warar lid ku ah arrintaas ay wajihi doonaan xabsi dheer.

    Farriin uu ku daabacay barta Truth Social, ayuu ku weeraray wararka warbaahinta ee sheegaya in kaydka hubka Mareykanka uu yaraaday. Wuxuu sheegay in Mareykanku leeyahay "tiro aad u badan oo rasaas iyo hub ah, gaar ahaan noocyo gaar ah," balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

    "Waxaa intaas dheer in tiro badan oo rasaas ah la soo saarayo, waxaana loo diri doonaa Mareykanka marka loo baahdo. Shirkadaha difaaca waxay dhisayaan tiradii ugu badnayd ee warshado iyo xarumo wax-soo-saar ah taariikhda dalkeenna," ayuu Trump ku daray.

    Wargeyska The Washington Post ayaa sheegay in Trump uu Jimcihii la soo dhaafay weydiiyay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Pete Hegseth, inuu sharaxaad ka bixiyo yaraanta rasaasta intii lagu jiray shir golaha wasiirrada oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Camp David.

    Wargeysku, isagoo soo xiganaya laba ilo oo aan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in Trump uu u sheegay Hegseth inuu u haystay in arrinta yaraanta rasaasta hore loo xalliyey.

    Khamiistii, Trump wuxuu si kulul u cambaareeyay wararkaasi, isagoo qoray: "Kuwii faafiyay xogtan khiyaanada ah waa la dacweyn doonaa, waxayna wajihi doonaan xukuno xabsi oo dheer."

    Dhanka kale, CNN ayaa sheegtay in yaraanta gantaallada hagista fog iyo gantaallada difaaca cirka ay saameyn ku yeelatay siyaasadda Donald Trump ee la xiriirta colaadda Iiraan.

    Warar dheeraad ah:

  20. Ukraine oo weerartay laba warshadood oo sifeeya shidaalka Ruushka

    Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in weerar uu Ruushku habeenkii xalay ku qaaday magaalada Sumy ee waqooyi-bari Ukraine uu dhaawacay 12 qof.

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in weerar uu Ruushku habeenkii xalay ku qaaday magaalada Sumy ee waqooyi-bari Ukraine uu dhaawacay 12 qof.

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ukraine ay weerartay laba warshadood oo sifeeya shidaalka oo ku yaalla dalka Ruushka.

    Farriin uu ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay, in Ciidamada Difaaca Ukraine ay beegsadeen warshadda sifeynta shidaalka ee Slavneft-Yanos oo ku taalla Yaroslavl iyo warshadda Bashneft-Novoil ee ku taalla Bashkortostan.

    Qiiq iyo uuro madow ayaa lagu arkayay agagaarka warshadda sifeynta shidaalka ee Yaroslavl, kaddib weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay fuliyeen.

    Guddoomiyaha gobolka Yaroslavl, Mikhail Evraev, ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ee weerarka soo qaaday la burburiyay, balse burburkii ka soo dhacay ay sababtay in saddex guri ay dab qabsadaan.

    Zelensky ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Ukraine ay weerareen laba doomood oo roondo ciidan ah iyo markab ka tirsan waxa uu ku tilmaamay kooxda maraakiibta qarsoon ee Ruushka ee ku sugan Badda Madow.