Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday
Tebin toos ah
Alamata: Maxaan ka og nahay magaalada sida weyn loogu dagaallamay ee waqooyiga Itoobiya?
Trump oo 'geesi' ku tilmaamay duuliyihii labaad ee Flydubai

Xigashada Sawirka, Social Media
Donald Trump ayaa sheegay in uu khadka telefoonka kula hadlay Raysalwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isla markaana ay ka wada hadleen dhacdadii diyaaradda Flydubai.
Trump ayaa Arbacadii sheegay in Netanyahu uu uga warramay wixii dhacay iyo dadaalladii rakaabka diyaaradda ay ku doonayeen in ay xaaladda xakameeyaan.
“Waxaan u malaynayaa in ay tahay dhacdo aan la rumaysan karin. Waxay u muuqataa in ku-xigeenka duuliyuhu uu ahaa argagixiso ama laga yaabee qof waalan,” ayuu Trump yidhi.
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay ku-xigeenka duuliyaha ee lagu weeraray dhacdada in uu ahaa nin geesi ah.“
Maraykanka oo bogaadiyay in Baxrayn ku biirto isbahaysi dhawaan la sameeyay
Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay in Baxrayn ay ku biirtay hawlgalka ciidammada gaarka ah ee isbahaysiga, kaas oo la sameeyay bishii hore si loogu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo isticmaalo weerarrada ismiidaaminta ah.
Admiral Brad Cooper, taliyaha CENTCOM, ayaa arrintan ka sheegay:
“Waxaan ku faraxsanahay in Baxrayn ay ku biirtay ciidammada gaarka ah ee Falcon Strike, kaddib markii dalkaasi uu mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay la shaqaynta CENTCOM si loo abuuro cutubkii ugu horreeyay dunida ee caalami ah oo ka kooban diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta ah.Baxrayn waa xubin joogto ah oo gacan ka geysta xoojinta amniga iyo xasilloonida gobolka.”
Bishii August 13-keedii, CENTCOM ayaa ku dhawaaqday in ay ka shaqaynayso samaynta ciidankii ugu horreeyay dunida ee caalami ah, isla markaana adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee weerarrada gaarka ah, kana hawlgala meelo kala duwan.
Cutubkan oo loo bixiyay “Falcon Strike Special Forces”, ayaa adeegsan doona diyaarado aan duuliyaha lahayn oo hal mar loo adeegsado weerarrada ismiidaaminta. Waa nidaamyo aan cidina wadin oo ka hawlgala saddex goobood — hawada, badda iyo biyaha hoostooda — waxaana loogu talagalay in ay adeegsadaan ciidammada Maraykanka iyo dalalka gobolka ee ay iskaashadaan.

Xigashada Sawirka, US Air Force via EPA
Trump: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayay Iiraan ayaa yidhi “Waxa aan la macaamilayno waa dal ku dhowaad burburay, dhaqaalihiisuna aanu xaalad wanaagsan ku jirin.”
Waxa uu intaa ku daray in ciidammadoodii badu ay meesha ka baxeen, ciidamadoodii cirka ay meesha ka baxeen, nidaamkoodii difaaca cirka-na uu baaba'ay.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa yidhi: “Waxaad dhawaan arki doontaan dhacdooyin aad muhiim u ah,” balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.
Trump ayaa mar kale ku andacooday oo yidhi “waxaad og tihiin aan si buuxda gacanta ugu hayno marin-biyoodka Hormuz.”
Waxa uu sheegay in xaddiga shixnadaha shidaalka ee saddexdii maalmood ee la soo dhaafay maray marin-biyoodka Hormuz uu ahaa “mid ka badan xilli kasta oo taariikhda Maraykanka ah.”
Waxa uu yidhi: “Kama hadlayo oo keliya xilliyada dagaalka, ee waxaan ka hadlayaa taariikhda oo dhan.”
Iiraan oo Imaaraadka Carabta uga digtay in ay martigeliyaan Raysalwasaaraha Israa'iil
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iran, uu Imaaraadka Carabta uga “digay” martigelinta Raysalwasaaraha Israa’iil.
Farriin uu ku qoray afka Carabiga, bartiisa X ayaa isaga oo aan magaca dalka xusin, ayuu Rezaei ku yidhi: “Sida martigelinta saldhigyada milatari ee Maraykanku aanay ammaan idiinku keenin, martigelinta ‘Gacan-ku-dhiiglaha Qasa’ ayaa iyaduna aan yeelan doonin cawaaqib wanaagsan.”
Rezaei ayaa farriintiisa ku yidhi: “Cashar ka qaata dagaalkii dhawaa, joojiya hurinta dagaallada, sidoo kalena joojiya sheegashooyinka aan salka lahayn ee ku saabsan jasiiradaha Iiraan.”

Xigashada Sawirka, IRNA
Netanyahu wuxuu soo dhaweeyay ninkii “qolka duulista xoog ku galay”

Xigashada Sawirka, Israeli Prime Minister's Office
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa garoonka diyaaradaha Ben Gurion kula kulmay rakaabkii diyaaradda dib loogu soo celiyay, kaddib markii ay ka degeen diyaaraddii.
Muuqaal lagu baahiyay akoonkiisa rasmiga ah ee baraha bulshada ayaa muujinaya isaga oo rakaabka isku duubaya oo salaamaya. Mid ka mid ah ragga rakaabka ah ayaa xiran funaanad dhiig ka muuqdo.
Qoraalka muuqaalka la socday ayaa sheegay in uu la kulmay “Yaniv, oo qolka duulista xoog ku galay diyaaraddii ka soo duushay Dubai kuna socotay Israa’iil.”
Sawirro: Dabaaldegyo ka socda garoonka diyaaradaha Ben Gurion

Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion Markii rakaabku ay ka degeen diyaaraddii dib loogu soo celinayay ee ka timid Sacuudi Carabiya, waxaa garoonka ku soo dhaweeyay dadweyne badan oo daawanayay, kuwaas oo muusig tumaya, heesaya, qoob-ka-ciyaaraya, isla markaana lulaya calamada Israa’iil.
Duulimaadkii hore ee ka yimid Dubai kuna socday Tel Aviv ayaa loo weeciyay garoonka Tabuk ee Sacuudi Carabiya, kaddib markii la soo sheegay in qof mindi lagu dhaawacay gudaha diyaaradda.

Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion 
Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion 
Xigashada Sawirka, APTN
Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha Ben Gurion Mareykanka oo 20 sano kadib si buuxda ciidamadiisa ugala baxaya dalka Ciraaq
Sawirro laga helayo rakaabka oo dhexmaraya garoonka Ben Gurion ee Tel Aviv

Qoraalka sawirka, BBC Hadda waxaan aragnaa sawirrada muujinaya rakaabkii oo ku socda gudaha garoonka diyaaradaha ee Tel Aviv, kaddib markii ay ka degeen diyaaraddii goor hore ka soo ambabaxday Sacuudi Carabiya.
Halkan kala soco wararka deg dega ah ee la xiriira dhacdada waxaana idiin soo gudbin doonnaa hadallada rakaabka isla marka aan helno.
Diyaaradii siday rakaabka diyaaradii ay saarnaayeen dhacdadu ka dhacday oo ka degtay Tel Aviv

Xigashada Sawirka, reu
Qoraalka sawirka, Flydubai Diyaaraddii siday rakaabkii diyaaraddii hore ee ka soo duushay Dubai kuna sii jeeday Tel Aviv, balse loo weeciyay Sacuudi Carabiya, ayaa lagu arkay barxadda Garoonka diyaaradaha ee Ben Gurion ee Israa’iil.
Mas’uuliyiin Israa’iili ah iyo ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale lagu arkay iyagoo ku sugaya qaybta dadka imanaya, si ay u soo dhaweeyaan rakaabka marka ay diyaaradda ka soo degaan.
Rakaabkii saarnaa diyaaraddii loo weeciyey Sacuudiga oo dib ugu duulay Israa’iil

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Flydubai Rakaabkii saarnaa diyaaradda Flydubai ee ku lug lahayd dhacdadii maanta ayaa hadda ka baxay Sacuudi Carabiya, sida ay sheegtay shirkadda maamusha garoonka ee Cluster2.
Sida ay shirkadda Sacuudigu sheegtay, rakaabku waxay ka ambabaxeen Garoonka Tabuk.
Sida aan hore u soo sheegnay, shirkadda Flydubai ayaa laba diyaaradood oo beddel ah u dirtay Tabuk, si ay “u qaadaan oo u beddelaan rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.”
Diyaaraddii asalka ahayd waxay ka soo duushay Dubai kuna sii jeedday Tel Aviv, ka hor inta aan loo weecin Sacuudi Carabiya xilli uu dhacdadani ka socotay diyaaradda.
Raysal Wasaaraha Israa’iil oo war weyn ka soo saaray dhacdadii diyaaradda
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan ka soo saaray dhacdadii diyaaradda Flydubai.
Wuxuu sheegay in “duuliyihii mindiyeynta geystay la xiray, waxaana hadda su’aalo weydiinaya mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya.”
Dhanka kale wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa sheegay in xogaha hordhaca ahi muujinayaan in mid ka mid ah duuliyeyaashu uu damacsanaa inuu diyaaradda burburiyo, isagoo doonayay in dhammaan dadkii saarnaa ay ku dhintaan.
Wuxuu dhacdada ku tilmaamay “isku day weerar argagixiso”, wuxuuna ammaanay rakaabkii Israa’iiliyiinta ahaa ee duuliyaha awood uga adkaaday oo xakameeyay.
Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay dhacdada diyaaradda Flydubai?
Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay oo ka hadlay dhacdadii diyaaradda

Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Danny Danon Danjiraha Israa’iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegay in duuliye “geesi ah” oo ka tirsanaa diyaaraddii Flydubai ee loo weeciyay Sacuudi Carabiya xilli ay ku sii jeeday Tel Aviv uu “sida libaax ula dagaallamay” si uu rakaabka u ilaaliyo.
Danny Danon ayaa bartiisa X ku qoray: “Rakaabkii Israa’iiliyiinta ahaa ee maanta ka soo duulay Dubai waxay muujiyeen go’aan iyo karti aan caadi ahayn, iyagoo gacan ka geystay ka hortagga musiibo weyn.”
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u mahadcelinayaa duuliyihii Imaaraatiga ahaa ee geesiga ahaa, kaas oo sida libaax ula dagaallamay oo badbaadiyay nolosha rakaabka.”
“Waxaan u rajaynayaa inuu si degdeg ah uga soo kabsado dhaawacyada, dhammaan rakaabkana waxaan u rajaynayaa safar nabdoon oo ay dalkooda ugu laabtaan.”
Wasiirka amniga Israa’iil oo ka hadlay dhacdadii diyaarada
Wasiirka Amniga Qaranka ee xisbiga midigta fog, Itamar Ben-Gvir, ayaa baraha bulshada ku daabacay qoraal uu ka hadlay y dhacdada, inkastoo uusan u muuqan inuu ku hadlayay magaca dowladda.
Ben-Gvir ayaa sheegay in “argagixiso uu qorsheeyay inuu diyaarad burburiyo oo uu dilo” dadka saarnaa.
Wuxuu u mahadceliyay “rakaabkii geesiyaasha ahaa”, wuxuuna sheegay in “caqiidada amniga” Israa’iil loo baahan yahay in la gaarsiiyo heer ka sarreeya, isagoo intaas ku daray in dalku uusan joojin ilaa uu ka gaaro “guul buuxda” dhinacyo badan.
Wax badan kama soo bixin dowladda Israa’iil marka laga reebo bayaan hore oo lagu sheegay in xaaladda la xakameeyay, isla markaana dadaallo lagu doonayo in rakaabka dib loogu soo celiyo Israa’iil ay socdaan.
Yair Golan, oo hoggaamiya xisbiga bidixda ah ee Democrats-ka Israa’iil, ayaa ammaanay rakaabkii diyaaradda saarnaa oo uu ku tilmaamay “geesiyaal”, balse wuxuu dowladda ku dhaliilay inay dhacdada u adeegsanayso “inay ku kasbato dhibco siyaasadeed oo raqiis ah.”
Qaraabada mid ka mid ah shaqaalaha markabka MT Honor 25 oo la hadlay BBC kadib dhimashadii shanta ruux
Dalka uu ka soo jeedo oo la ogaaday mid ka mida duuliyayayaashii caawiyey in diyaarada la dajiyo

Xigashada Sawirka, EVN
Qoraalka sawirka, Rakaab Sida aan hore u soo sheegnay, rakaabku waxay warbaahinta Israa’iil u sheegeen in laba duuliye oo fadhiyay qaybta dambe ee diyaaradda ay ka caawiyeen in diyaaradda la dejiyo kaddib markii uu dagaal ama gacan-ka-hadal ka dhacay gudaha diyaaradda.
Rakaab kale oo lagu magacaabo Almog Itali ayaa warbaahinta u sheegay in labadan duuliye ay ahaayeen duuliyeyaal beddel ah, kuwaas oo loo qorsheeyay inay duuliyaan duulimaad kale oo xigay.
Itali wuxuu sheegay in mid ka mid ah duuliyeyaashaas uu ahaa British, halka duuliyaha labaad uu ahaa Yurubiyiin, balse uusan sheegin jinsiyaddiisa.
Itali wuxuu sheegay in faahfaahinta saxda ah ee wixii ka dhacay qolka duulista aysan weli caddayn, balse uu sheegay in duuliyeyaashii ay xakameeyeen diyaaradda oo ay si nabadgelyo ah ugu dejiyeen Sacuudi Carabiya.
“Waxaa jira dhowr nooc oo kala duwan oo dhacdada ah,” ayuu yiri kaddib markii uu la hadlay dad ku sugnaa qaybta hore ee diyaaradda. “Waxa cad ayaa ah in laba duuliye ay ku jireen qaybta hore mid ayaa kan kale mindi ku dhaawacay.”
Weli ma aanan maqal war rasmi ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta oo ku saabsan faahfaahinta wixii ka dhacay duulimaadka. Horaantii, shirkadda maamusha garoonka Tabuk, halka ay diyaaradda ku degtay, waxay sheegtay in kabtanka iyo kaaliyaha duuliyaha ay dhaawacmeen.
25 dal oo qofka baasaboor Soomaaliga wata uu Visaha ku qaadanayo garoonkooda
Wixii ka dambeeyay markii uu bishan January horaanteedii soo baxay liiska kala sarreynta baasaboorrada caalamka, waxay u muuqataa in ay sii badanayaan tirada dalalka soo dhaweynaya baasaboorka Soomaaliya, sida ay shaaciyeen hay’ado kala duwan oo u guul gala qiimeynta aqoonsiyada dal-ku-gal-ka.
Hay’adaha Reach Immigration iyo Passport Index ayaa soo saaray liis ay isku waafaqsan yihiin oo ah ku sheegeen dalalka u fasaxaya qofka heysta baasaboorka Soomaaliya in uu kasoo dago garoonkooda.
Waddamadaas oo gaaraya ilaa 25 ayaa qofka aqoonsiga Soomaaliya wata ka doonaya in uu visaha ama dal-ku-gal-ka ku qaato garoonka, marka uu diyaaradda kasoo dago ka dib.
Dalalkan ayaa ka duwan kuwa ay Soomaalidu ku aadi karaan visa la’aanta ama aan wax oggolaansho ah looga baahneyn marka ay gudaha u galayaan.
Liiska waddamada uu qofka aqoonsiga Soomaaliya ku safraya ka dagi karo garoonkooda diyaaradaha si uu uga dalbado visa waxaa uu u dhigan yahay sidan:
Sacuudiga oo war ka soo saaray xaaladda kabtanka iyo kaaliyihii diyaarada

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Fly dubai Shirkadda maamusha garoonka diyaaradaha Tabuk ee Sacuudi Carabiya halka loo weeciyay diyaaradda ayaa hadda soo saartay bayaan.
Waxay sheegeen in kabtanka iyo kaaliyaha duuliyaha ee diyaaradda Flydubai ay dhaawacmeen, waxaana loo qaaday isbitaalka. Bayaanku ma sheegin waxa sababay dhaawacyada.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in xarunta laga hago isku socodka diyaaradaha ee garoonka ay 08:44 subaxnimo, waqtiga maxalliga ah, ka heshay diyaaradda Flydubai farriin degdeg ah, iyadoo diyaaraddu codsatay inay si degdeg ah u degto.
Diyaaraddu waxay si nabadgelyo ah ugu degtay garoonka qiyaastii hal saac kaddib, sida lagu sheegay bayaanka.
