You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Wasaaradda Tamarta Sacuudiga: Dab ka kacay mid ka mid ah xarumaha sifaynta shidaalka ee Aramco ee Jazan oo la xakameeyay

    Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in dab ka kacay xarun ka tirsan warshadda sifaynta shidaalka ee Aramco ee magaalada Jazan la xakameeyay.

    Wasaaraddu waxay sheegtay in dabku uu kacay aroornimadii hore ee Axadda, isla markaana ay damiyeen waaxda dab-damiska ee Amniga Warshadaha Aramco. Wax dhaawac ah lagama soo sheegin dhacdada, waxaana mas’uuliyiintu wadaan baaritaan ku saabsan sababta keentay dabka. Sababta dabka weli lama shaacin.

    Xarumaha Aramco ee Jazan ayaa toddobaadyadii u dambeeyay la kulmay weerarro, xilli uu sii xoogeysanayo colaadda gobolka. Reuters ayaa hore u soo werisay in Xuutiyiintu ay bishii July bartilmaameedsadeen xarumaha shidaalka ee Jazan iyo Yanbu.

    Warar dheeraad ah:

  2. Waa kuma Mohammad Baqer Kharraziga, ninka go'aanka adag?

  3. Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

    Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen Iiraan oo ku saabsan heshiis lagu xaqiijinayo marin ammaan ah oo mara marinka Hormuz, iyadoo Tehraan ay ka digtay in heshiis kasta uusan si degdeg ah u horseedi doonin dib-u-furista marin-biyoodkan muhiimka ah.

    Labada dhinac ayaa Sabtidii sheegay in wadahadalladu ay horumar samaynayaan, balse weli ma cadda waqtiga heshiiska la soo gabagabayn doono. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan ayaa ka digtay weerarrada lagu qaado maraakiibta, kuwaas oo carqaladayn kara dadaalladaas.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Araghchi, ayaa sheegay in wadahadalladu marayaan marxaladdoodii ugu dambaysay, balse dib-u-furista marinka Hormuz ay weli “ku xiran tahay shuruudo kale”.

    Tehraan waxay si wax-ku-ool ah u xannibtay marin-biyoodkan, kaas oo caadi ahaan mara ku dhowaad shan-meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida, tan iyo markii Maraykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen weerarrada bishii Febraayo.

    Warar dheeraad ah:

  4. Lionel Messi aabihiis ayaa u geeriyooday xanuun hayay

    Jorge, oo ah aabbaha Lionel Messi, ayaa geeriyooday isagoo 68 jir ah kaddib xanuun muddo dheer hayay.

    Jorge, oo sidoo kale ahaa wakiilka ciyaaryahanka reer Argentina tan iyo markii uu 14 jir ahaa, ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaaladiisa Rosario ee dalka Argentina, saacadihii hore ee saakay.

    Qoyska Messi ayaa hore u soo saaray qoraal ay ku sheegeen in Jorge uu wajahayo “xaalad la xiriirta caafimaadkiisa”, balse ma aysan shaacin nooca xanuunka ama xaaladda uu qabay.

    Jorge wuxuu ka caawiyay wiilkiisa in uu noqdo, sida dad badan aaminsan yihiin, ciyaaryahankii ugu fiicnaa abid. Wuxuuna joogay Qatar si uu u daawado Lionel oo 2022 ku guuleystay dadaalkiisii ahaa in uu Argentina ku hoggaamiyo hanashada Koobkii saddexaad ee Adduunka.

    Messi wuxuu sidoo kale ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or siddeed jeer, wuxuuna Barcelona la qaaday Champions League afar jeer, iyo sidoo kale 10 horyaal oo La Liga ah.

    Jorge wuxuu taageeri jiray kooxda deegaankiisa ee Newell's Old Boys, Lionel-na wuxuu kooxda ku biiray isagoo toddoba jir ah.

    Qoyska Messi waxay u guureen Spain bishii Febraayo 2001, kaddib markii Barcelona ay Lionel la saxiixatay heshiis isagoo 13 jir ahaa. Inkastoo Messi hooyadii iyo saddexdiisa walaalo ay wax yar kaddib dib ugu laabteen Rosario hadana aabbihii wuxuu la joogay Barcelona.

    Sii akhri:

  5. Madaxweynaha FIFA oo beeniyay in UEFA ay lacag siisay "jacaylkiisii hore" xilli uu xil ka hayay hay'adda

  6. Imaaraadka oo sheegay in Iran gantaal ku dhufatay markab ay lahaayeen

    Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in markab shidaal oo dalkaas laga leeyahay ay bartilmaameedsatay Iran xilli uu marayay marinka Hormuz.

    Warsaxaafadeed ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ayaa cambaareysay "weerarka gantaal ee cadawtinimada ku dheehan yahay ee ay Iran ku qaadday markab shidaal oo ay leedahay Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Abu Dhabi, xilli uu marayay marinka Hormuz."

    Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, cidna kuma dhiman mana aysan soo gaarin wax dhaawac ah weerarkaas.

    Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Abu Dhabi ayaa Jimcihii shaacisay in tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay, 15 ka mid ah maraakiibteeda ay la kulmeen weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ah xilli ay marayeen marinka Hormuz, iyadoo saddex ka mid ah dhacdooyinkaas ay dhaceen toddobaadkii la soo dhaafay.

    Sii akhri:

  7. Ciraaq oo kala xaajooneysa Iran inay waddo u furto shidaalkeeda

    Wasiirka Shidaalka ee Ciraaq ayaa sheegay in Baqdaad ay Tehran kala xaajoonayso habraac fududeynaya dhoofinta shidaalka.

    Bassem Mohammad ma uusan faahfaahin habraacan, oo ay ku jiraan waddada la soo jeediyay, tirada la filayo in la dhoofiyo, iyo waqtiga la fulinayo.

    Wuxuu shir jaraa'id ku sheegay in Ciraaq ay hadda soo saarto qiyaastii 2.7 milyan oo foosto oo shidaal ah maalintii, taas oo qiyaastii kala bar ka mid ah la dhoofiyo.

    Wasiirka Shidaalka ee Ciraaq ayaa intaas ku daray in xadka ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka Ciraaq bishan uu u dhexeeyo 1.5 ilaa 1.75 milyan oo foosto maalintii.

  8. Subag ama saliid, midkee caafimaad ahaan wanaagsan?

  9. Caruur la sheegay in ay ka mid yahay dadkii lagu dilay duqaynta Ruushka

    Ugu yaraan saddex qof, oo ay ku jiraan ilmo yar, ayaa ku dhintay weerarro Ruushku habeenkii xalay ka geystay meel u dhow caasimadda Ukraine ee Kyiv, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.

    Saacadihii hore ee Sabtida gantaallo ayaa ku dhacay bariga caasimadda, goobjoogayaashuna waxay sheegeen inay maqleen qaraxyo xooggan maalmo uun ka dib markii duqeymo ka dhacay Ukraine ay ku dhinteen 21 qof.

    Duqeynta gantaallada ballistic-ga ah ayaa dishay saddex qof, saddex kalena way ku dhaawacmeen, sida uu sheegay madaxa maamulka militariga gobolka Timur Tkachenko, isagoo intaa ku daray in burburka soo dhacay uu waxyeeleeyay dhismayaasha dabaqyada ah iyo baabuurta, halka dab uu ka kacay dhisme gaar ah.

    Shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa sidoo kale la dagaallamayay dab ka kacay dhisme iyo haan shidaal oo ku taal Kyiv, sida uu ku qoray duqa magaalada Vitaly Klitchko Telegram.

    Hay'adda gurmadka degdegga ah ee dawladda Ukraine ee DSNS ayaa la wadaagtay sawirro muujinaya garaashyo, ganacsi iyo dhisme gubanaya oo ku yaal Kyiv, isagoo raaciyay: "Tirada dhibanayaasha waa la caddeynayaa."

    Sii akhri:

  10. Saynisyahannadu waxay ikhtiraaceen hab lagu tirtiro xusuusta xun: Ma tahay inaan isticmaalno?

  11. Liverpool oo amaah ku qaadaneysa ciyaaryahanka Barcelona Araujo.

    Liverpool ayaa ku jirta marxaladihii ugu dambeeyay ee ay kula soo wareegayso daafaca reer Uruguay ee Ronald Araujo qaab amaah ah oo hal xilli ciyaareed ah.

    Heshiiska waxaa ku jira qodob u oggolaanaya Liverpool inay si rasmi ah u iibsato Araujo, kaas oo la filayo inuu Axadda maro baaritaan caafimaad.

    Daafacan dhexe ee 27-jir ah ayaa ka caawiyay Barcelona inay ku guulaysato horyaalka La Liga saddex jeer afartii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, wuxuuna xilli ciyaareedkii hore ku soo xiray isagoo ah kabtanka kooxda.

    Araujo ayaa ku jira heshiis gaaraya ilaa sanadka 2031-ka, balse wuxuu xilli ciyaareedkii hore bilowday isaga oo leh kaliya 11 kulan oo horyaalka ah, iyadoo Gerard Martin iyo Pau Cubarsi loo arkayay inay ahaayeen xulashooyinka koowaad ee booska daafaca dhexe.

    Tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray kooxda reer Uruguay ee Boston River sanadkii 2018-kii, Araujo wuxuu kooxdan weyn ee Spain u ciyaaray in ka badan 200 oo kulan.

    Liverpool ayaa doonaysay inay xoojiso safkeeda daafaca ka dib markii Ibrahima Konate uu ka tagay kooxda si uu ugu biiro Real Madrid qaab xor ah.

    Sii akhri:

  12. Dagaal xooggan oo laga cabsi qabo inuu ka qarxo Yemen iyo hub isku aruursi socda

  13. Puntland oo sheegtay in ay la wareegtay xero ciidaan oo ku taalla Carmo

    Maamulka Puntland ayaa sheegay in maanta ay 'si rasmi ah' ula wareegeen talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay hore u deggenaayeen "maleeshiyaad hubaysan"

    Puntland ayaa sheegtay in ciidamada deganaa xerada ay "degaannada Puntland ka wadeen falal lagu khal-khalgalinaayo amniga iyo xasiloonida bulshada".

    Puntlandl ayaa ku tilmaamaantay la wareegista xeradaan inay qayb ka tahay tallaabooyin ay ku xaqiijinayaan "amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.

    Tallaabadaan ayaa imaanaysa iyada oo dhawaan Puntland ay dagaal kula wareegeen xeradii ciidamadii PSF ee magaalada Galkacyo, kadibna ay sheegeen in ay la wareegeen xeradii PSF ee Boosaaso.

    Sii akhri:

  14. Hoos u dhac ku yimid weerarrada Israa’iil ee koonfurta Lubnaan: Qaramada Midoobay

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhaqdhaqaaqa milatari ee koonfurta Lubnaan uu hoos u dhacay Jimcihii ka dib laba maalmood oo ay sii kordheen weerarrada Israa'iil.

    Ku xigeenka Afhayeenka Qaramada Midoobay Farhan Haq ayaa ku sheegay bayaan uu soo saaray in Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ay ogaadeen 129 gantaal oo ay rideen militariga Israa'iil horraantii Khamiista, taasoo ah tiradii ugu badnayd ee hal maalin gudaheed tan iyo dabayaaqadii Juun.

    Sida laga soo xigtay, inta badan weerarrada waxay ka dhaceen aagga Al-Mansouri waxayna yimaadeen xilli laba askari oo Israa'iil ah lagu dilay dhowr kalena lagu dhaawacay dhacdo toddobaadkan.

    UNIFIL waxay sheegtay in rasaas badan la la riday habeenkii, laakiin ma jirin wax weerar ah oo la arkay dhowr saacadood maalinkaa. Farhan Haq wuxuu ku tilmaamay tan "hoos u dhac weyn oo ku yimid dhaqdhaqaaqa militariga".

    UNIFIL waxay sidoo kale ku eedaysay Israa'iil inay ku xadgudubtay hawada Lubnaan.

    Sii akhri:

  15. Madaxweynihii hore ee Mareykanka Biden oo la sheegay in jirkiisa uu ku faafay xanuun daran

    Hunter Biden, oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden, ayaa qirtay in go’aankii aabbihii uu ku cafiyay wax yar ka hor inta uusan Aqalka Cad ka tegin, laba sano ka hor, uu ahaa mid muran badan dhaliyay.

    Isagoo la hadlayay barnaamijka Newsnight ee BBC, Hunter Biden wuxuu sheegay in Joe Biden uu tallaabadaas qaaday isagoo ka walaacsanaa in wiilkiisa loo bartilmaameedsado xilliga maamulka Donald Trump.

    Cafiskaas wuxuu khuseeyay dambigii heerka federaalka ahaa ee Hunter Biden loogu helay inuu hub si sharci-darro ah u haystay, qirashadiisii dambiga ee dacwadda canshuuraha, iyo dambiyo kale oo federaal ah.

    Hunter Biden wuxuu sidoo kale ka hadlay xanuunka kansarka ee aabbihii, isagoo sheegay in cudurku uu ku faafay jirkiisa, isla markaana ay aad ugu adagtahay inuu arko aabbihii oo xanuunsanaya.

  16. War deg deg ah, Wiil uu dhalay Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Netanyahu oo ka falceliyay heshiiskii Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga

    Yair Netanyahu, oo ah wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israel Binyamin Netanyahu, ayaa bartiisa bulshada ee X ku daabacay su’aalo uu iska waydiinayo heshiiska difaaca ee ay kala saxiixdeen Pakistan, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

    Yair Netanyahu ayaa yiri:

    “Marka Iran, Xuutiyiinta ama maleeshiyaadka ku sugan Ciraaq ay weeraraan Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ma weerari doonaan Iran, Ciraaq iyo Yemen?”

    Waxa uu sidoo kale is weydiiyay:

    “Marka xigta ee uu dagaal dhex maro Hindiya iyo Pakistan, Turkiga iyo Sacuudi Carabiya ma weerari doonaan Hindiya?”

    Jimcihii shalay, Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa magaalada barakeysan ee Maka ee Sacuudi Carabiya ku kala saxiixday heshiis difaac oo wadajir ah.

    Sida uu dhigayo heshiiska, weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal waxaa loo aqoonsan doonaa weerar lagu qaaday dhammaan saddexda dal.

    Sii akhri:

  17. Pakistan oo weerar ku dishay koox hubeysan

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidamada Pakistan ayaa sheegtay in 7 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsanaayeen koox hubeysan oo mamnuuc ka ah dalkaasi lagu dilay hawlgal sirdoon oo ciidamada ammaanku ka sameeyeen degmada Hangu.

    Sida ay sheegtay ISPR, 7-da Agoosto 2026, ciidamada ammaanka ayaa hawlgal ka fuliyay Hangu kaddib markii ay heleen xog ku saabsan joogitaanka xubno ka tirsan koox hubeysan.

    Ciidamada ayaa bayaan ku sheegay: “Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ammaanka waxay bartilmaameedsadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen kooxaha hubeysan, kaddibna kooxihii la tuhunsanaa waxay galeen masaajid.”

    War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray: “Is-rasaasayn ka dhacday goobta ayaa lagu dilay toddobo ka mid ah kooxihii hubeysnaa.”

    Sii akhri:

  18. Khilaaf ka dhex qarxay Spain iyo Talyaaniga, sababa la xiriira qulqulka muhaajiriinta

  19. Faahfaahinta wixii xalay ka dhacay Hargeysa

    Xalay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaa ka dhacay qarax ka dhashay sida ay boolisku sheegeen bambo-gacmeed.

    War qoraal ah oo ka soo baxay ciidamada booliska Somaliland ayaa lagu yiri: “Waxa bambo-gacmeed ku qaraxday goob ay fadhiyeen laba askari oo ka tirsan Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Somaliland, sababtay dhaawaca laba askari iyo laba qof oo shacab ah oo ku sugnaa goobta. Dhammaan dadka dhaawacmay waxa loo gudbiyey Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa”.

    Warkan kooban ee ka soo baxay ciidamada ayaa sidoo kale lagu faahfaahiyay sababta keentay in bambo-gacmeedku ay qaraxdo.

    “Bambo-gacmeedka ayaa dhulka kaga dhacay mid ka mid ah askarta dhaawacantay, mana jirto wax ujeeddo ah oo loo tuuray bambo-gacmeedka, waxaana socda baadhitaan dheeraad ah”.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Taliska Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu si cad u beeninayaa wararka marin-habaabinta ah ee lagu baahiyey baraha bulshada ee sheegaya in qarax ka dhacay magaalada Hargeysa”.

  20. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo qaaday weerar dhimasho badan sababay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

    Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay gobolka Marib ee Yemen, oo ah gobol hodan ku ah shidaalka, kaddib markii ay kordheen weerarrada ay kooxda Xuutiyiinta ka geysanayaan gobolka.

    Ilo milatari oo laga helayo gudaha Yemen, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in siddeed askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay, halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta.

    Wasiirka Caafimaadka Yemen ayaa sheegay in laba qof oo rayid ah lagu dilay, 14 kalena lagu dhaawacay duqeymo lagu qaaday xaafadaha la deggan yahay iyo xeryaha dadka barakacayaasha ah ee magaalada Marib.

    Xuutiyiinta ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen xero ay leeyihiin ciidamada dowladda Yemen oo ku taalla gobolka Marib.

    Weerarradan ayaa dhacay maalin kaddib markii weerarro gantaallo ah oo Xuutiyiintu ka fuliyeen Marib ay dileen ugu yaraan 58 xubnood oo ka tirsan ciidamada dowladda.

    Xabbad-joojintii la gaaray sanadkii 2022 ee u dhexeysay Xuutiyiinta oo Iran taageerto iyo dowladda Yemen oo Sacuudi Carabiya taageerto ayaa dhammaatay bishii hore.

    Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa ka digay in dalka Yemen uu hadda wajahayo khatar ka weyn sidii hore oo ah in uu dib uga qarxo dagaal ballaaran, marka loo eego xilligii xabbad-joojinta la bilaabay Abriil sanadkii 2022-ka.

    Sii akhri: