You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Policeka oo baaraya guriga uu wiilka tooogasha gaystay ku dilay awoowgiis iyo ayeeydiis

    Kahor inta uusan u dhaqaaqin dugsiga ku yaalla gobolka Nonthaburi, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in wiilka 14 jirka ah ee lagu tuhunsan yahay falka uu gurigooda ku toogtay kuna dilay awoowgiis iyo ayeeydiis.

    Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya booliska oo baaritaanno ka wada halka ay dhacdadu ka dhacday, iyadoo weli la baarayo sababta ka dambeysay weerarka rasaasta.

  2. Muxuu Sacuudigu ka faa'iidayaa dagaalka Iran?

  3. War deg deg ah, Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

    Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah, iyadoo arrintan ay ku soo beegantay dagaalka u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in weerar lagu qaado mid ka mid ah saddexda dal "loo aqoonsan doono inuu yahay weerar lagu qaaday dhammaantood."

    Heshiiskan ayaa lagu dhawaaqay kadib kulan ka dhacay magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya, kaas oo ay ka qeybgaleen Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif.

    Saddexdan dal ayaa muddooyinkii dambe dadaal ugu jiray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, iyadoo colaadda gobolka ay saameysay Sacuudi Carabiya isla markaana ay carqaladeysay isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz iyo Badda Cas.

    Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa sannadkii hore sidoo kale ku dhawaaqay heshiis wadajir ah oo dhinaca difaaca ah.

  4. Erdogan oo gaaray Sacuudiga iyo heshiis taariikhi ah loo la filayo inu ka dhaco dalkaas

    Sida ay sheegayaan warbaahinta Sacuudiga, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa maanta oo jimce ah gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Sida ay warisay AFP, waxaa la filayaa inuu safarkan ku saxiixo heshiisyo dhinaca difaaca ah oo ay la galayaan Sacuudi Carabiya iyo Pakistan.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Erdoğan iyo Ra'iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Pakistan, Asim Munir, ay la kulmi doonaan Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Amiir Maxamed bin Salmaan, si ay u saxiixaan heshiiska.

    Heshiiskan ayaa imanaya kadib ku dhowaad hal sano oo wadahadallo ah, xilli dagaalka Iran uu muujiyay nuglaanta amni ee dalalka Khaliijka.

  5. War deg deg ah, In ka badan 30 qof ayaa dhaawacmay, sagaalna xaaladdoodu waa halis – Ra’iisul Wasaaraha Thailand

    In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay iskuul ku yaalla Bangkok, waxaana sagaal ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Thailand.

    Anutin Charnvirakul ayaa la hadlay warbaahinta isagoo jooga goobta dhacdadu ka dhacday.

    Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanaha geystay weerarka ka dhacay Iskuulka ee ay ku dhinteen ugu yaraan todoba qof.

    Waxaa uu sheegay in caddeymaha ay booliisku ka heleen gurigooda ay muujinayaan, inuu ahaa qof aad u jeclaa ciyaaraha kombiyuutarka.

    Tuhmanaha, oo ah arday 14 jir ah, wuxuu la noolaa awoogiis iyo ayeeydiis, kuwaas oo meydkooda laga helay guriga.

    Qoraalka xiga waxaan idiin soo gudbin doonnaa faahfaahin dheeraad ah oo uu bixiyay Ra’iisul Wasaaruhu.

  6. Saddex dal oo waaweyn oo Muslim ah oo maanta gaaraya heshiis difaac

    Ilo xog-ogaal ah oo ku sugan gobolka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Turkiga, Sacuudi Carabiya, iyo Pakistan ay maanta oo Jimca ah saxiixi doonaan heshiis wadajir ah oo dhanka difaaca ah.

    Sarkaal Turki ah ayaa xaqiijiyay in heshiiska la saxiixi doono.

    Turkigu waa xubin ka tirsan NATO, Sacuudi Carabiyana waa xulafo muhiim ah oo Maraykanka la leh xiriir dhow, isla markaana ka mid ah dhoofiyeyaasha ugu waaweyn shidaalka adduunka. Pakistan-na waa dalka keliya ee Muslim ah ee haysta hub nukliyeer.

    Sida ay sheegtay Reuters, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir ayaa magaalada Jeddah kula kulmi doona Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman, halkaas oo lagu saxiixi doono heshiiska.

    Heshiiskan ayaa imanaya kadib ku dhowaad hal sano oo wadaxaajood ah, xilli dagaalkii Iran uu muujiyay nuglaanshaha amni ee dalalka Khaliijka, isla markaana uu carqaladeeyay isu-socodka shidaalka iyo badeecadaha kale ee muhiimka ah ee mara Marinka Hormuz.

    Faahfaahin dheeraad ah halkan hoose ayaad ka heli kartaa:

  7. Iiraan oo ku hanjabtay in "Khaliijku uu mugdi geli doono" haddii Trump uu weeraro warshadaheeda tamarta

  8. Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

    Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanaha geystay weerarka ka dhacay Iskuulka ee ay ku dhinteen ugu yaraan todoba qof.

    Waxaa uu sheegay in caddeymaha ay booliisku ka heleen gurigooda ay muujinayaan, inuu ahaa qof aad u jeclaa ciyaaraha kombiyuutarka.

    Tuhmanaha, oo ah arday 14 jir ah, wuxuu la noolaa awoogiis iyo ayeeydiis, kuwaas oo meydkooda laga helay guriga.

    Mas’uuliyiintu waxay rumaysan yihiin inuu dilay labadiisa waalid oo uu la noolaa, ka hor inta uusan aadin iskuulka, halkaas oo uu ku toogtay shan macallin.

    Kadib ayuu isna is toogtay, wuxuuna geeriyooday intii loo sii waday isbitaalka.

    Macallin ka tirsan iskuulka ayaa sheegay in wiilku ahaa “ilmo wanaagsan oo leh natiijooyin waxbarasho oo fiican”, isla markaana aan lagu aqoon inuu ahaa qof dagaal badan ama rabshado badan.

  9. Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga

  10. Kaniini laga yaabo inaad in badan isticmaashay oo 'khatar ku ah beerka'

    Waxaa laga helaa farmashiyeyaasha iyadoo uusan dhaqtar qorin, kaniinigan pracetamol-ka waa mid ka mid ah dawooyinka aadka looga isticmaalo adduunka.

    Dalka Mareykanka, waxaa lagu qiyaasaa in sanadkii la iibiyo ilaa 49,000 oo tan, amaba in 298 kaniini ah ay sanadkii kusoo aadeyso qofkiiba.

    Dalka UK, celcelis ahaan 70 xabbo oo kaniinigan ah ayaa qofkii kusoo aada sanadkii.

    Inkastoo qarniyo la yaqaannay kaniinigan, haddana weli si qoto dheer uma aysan baarin saynisyahannada.

    Saameynta kaniinigan ayaa kala duwan: Dadka qaar ayaa ka sheegta dhabar-xanuun, kuwo kalena waxay isku arkaan calaamado kale.

    Hal arrin oo u cad khubarrada, ayaa si kastaba, waxay tahay khatarta ay leedahay in la iska badiyo kaniinigan: kaniinigan waa waxa ugu badan ee sababa inuu beerku howlgab noqdo marka la eego dalalka Mareykanka iyo UK, taasoo sababtay qeylo-dhaanta ururro badan oo caafimaad.

    Khatarta waxaa qeyb ka ah sida fudud ee lagu heli karo kaniinigan iyo iyadoo aysan ku caddeyn xadka isticmaalkiisa.

    Maxaa caddeeymo ah oo laga hayaa?

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka.

    Inkastoo iibkiisa guul badan laga gaaray, paracetamol-ku ma daweeyaa waxa loogu talogalay? Sida inuu yareeyo qandhada iyo xanuunka?

    Waaxda dawooyinka iyo cunnada ee Mareykanka FDA ayaa barteeda internet-ka ee rasmiga ah ku sheegtay in paracetamol loo isticmaalo karo yareynta qandhada iyo xanuunka marka aysan aad u darneyn.

    Balse caddeymaha la hayo ayaa kala duwan, gaar ahaan marka ay timaaddo qiimeynta xaalado kala duwan oo jirka saameeya.

  11. Meta oo lagu ganaaxay $567 Milyan, xukunkii ugu weynaa ee badbaadada carruurta

    Garsoore Maraykan ah oo ka tirsan gobolka New Mexico, ayaa amray shirkadda Meta inay bixiso $567 milyan oo kale (£421 milyan), kaddib markii ay ku guuldarraysatay inay bulshada uga digto khataraha ay barnaamijyadeedu ku keeni karaan carruurta. Tani waxay noqotay xukunkii ugu weynaa ee shirkadda lagu soo rogo ee la xiriira badbaadada carruurta.

    Garsoore Bryan Biedscheid ayaa sheegay, in shirkadda weyn ee warbaahinta bulshada ay tahay “dhibaato guud oo bulshada saameysa”, isagoo la mid dhigay wasakhowga hawada. Wuxuu amray in lacagtaas lagu shubo sanduuq loogu talagalay in lagu yareeyo waxyeellooyinka mustaqbalka.

    Go’aanka Khamiista la gaaray wuxuu daba socdaa ganaax hore oo dhan $375 milyan oo Meta hore loogu amray inay bixiso isla kiiskan, taasoo wadarta ka dhigaysa $942 milyan.

    Garsoore Biedscheid wuxuu Meta ku barbar dhigay warshad, isagoo sheegay in xayeysiisyada iyo waxyaabaha ku jira barnaamijyadeeda ay yihiin “badeecadaheeda”, halka “waxyeellada nafsiyeed iyo ka faa’iidaysiga galmada ee carruurta” ay yihiin wasakhda ay tahay in la yareeyo.

    Afhayeen u hadlay Meta, oo leh isla markaana maamusha Instagram, Facebook, WhatsApp iyo Threads, ayaa Khamiistii yiri: “Waan diiddanahay go’aanka, waxaana racfaan ka qaadan doonnaa.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan si adag uga shaqeynaa sidii aan dadka ugu ilaalin lahayn barnaamijyadeenna, waxaana si cad uga hadalnay caqabadaha ku jira aqoonsiga iyo ka saarista dadka xun iyo waxyaabaha waxyeellada leh. Waxaan weli ku kalsoonahay dadaalladeenna ku aaddan ilaalinta dhalinyarada internetka, waxaana sii wadi doonnaa inaan iska difaacno eedeymaha si khaldan u matalaya xaqiiqooyinka.”

    Markii laga hadlayay xukunkii hore ee $375 milyan, Meta waxay sheegtay inay damacsan tahay inay racfaan ka qaadato go’aanka, iyadoo bixisay sharaxaad la mid ah tan. Waxay ahayd markii ugu horreysay ee gobol Maraykan ahi si guul leh dacwad uga gudbiyo Meta oo ku saabsan arrimaha badbaadada carruurta.

    Meta ayaa hadda wajahaysa kumannaan dacwadood oo gudaha Maraykanka ah, kuwaas oo la xiriira arrimo la mid ah. Marka laga soo tago go’aannada New Mexico, Meta horraantii sanadkan waxay sidoo kale lumisay dacwad ka dhacday Los Angeles oo lagu soo oogay eedeymo la mid ah.

  12. War deg deg ah, Toogasho ka dhacday iskuul oo ay dad ku dhinteen

    Ilaa lix qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday goob iskuul ah, sida ay sheegeen booliska Thailand.

    Booliiska ayaa horay u sheegay in tuhmanihii lagu eedeeyay inuu geystay toogashada isna uu dhintay, kaas oo ah wiil 14 sano jir ah oo sido kale ahaa arday.

    Ugu yaraan 15 qof ayaa dhaawacmay, waxaana booliisku sheegeen in laba ka mid ah ay xaaladdoodu aad u daran tahay.

    Maxaan ilaa hadda ka ognahay toogashada?

    Rasaas ayaa laga maqlay laanta Debsirin School ee Nonthaburi, oo ku taalla duleedka caasimadda Bangkok, wax yar kadib 10:00 waqtiga maxalliga ah (03:00 GMT).

    Muuqaallo laga duubay goobta ayaa muujinaya shaqaalaha dugsiga oo ardayda ka saaraya fasallada si degdeg ah, halka askarta booliiskuna ay isku dayayaan inay raadiyaan qofka toogashada geystay.

    Sida ay booliisku sheegeen, tuhmanuhu wuxuu ahaa arday 14 jir ah oo ka tirsanaa dugsiga, kaas oo rasaas ku furay macallimiin iyo arday kale ka hor inta uusan nafa is dhaafin.

    Dadka dhaawacmay waxaa goobta ku daweeyay shaqaalaha gurmadka caafimaadka, ka hor inta aan loo qaadin isbitaalka.

    Toogashadan waxay daba socotaa dhacdo kale oo toogasho ah oo ka dhacday dugsi ku yaalla koonfurta Thailand bishii Febraayo. Dhacdadaas waxay dhalisay su’aalo ku saabsan sida ay hubku si fudud ugu heli karaan dadka Thailand, su’aalahaas oo hadda mar kale la filayo in la is weydiiyo.

  13. Trump oo saxiixay labo amar oo waaweyn oo saameyn kara dad Soomaalidu ku jirto

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale isku dayayaa inuu yareeyo xuquuqda dhalashada ku salaysan ee Maraykanka, toddobaadyo uun ka dib markii Maxkamadda Sare ee Maraykanka ay diidday isku daygiisii hore ee lagu baabi'inayay xuquuqdan.

    Madaxweynaha ayaa Khamiistii saxiixay laba amar oo fulineed, kuwaas oo midkood ballaarinaya qeexitaannada dadka aan muwaadiniinta ahayn ee carruurtoodu aanay xaq u yeelan doonin dhalashada Maraykanka hadii ay ku dhashaan dalkaas.

    Amarka labaadna wuxuu mamnuucayaa waxa loo yaqaan "dalxiiska dhalmada" oo ah marka haweenka uurka leh ay u safraan Maraykanka si ay halkaas ugu dhalaan carruurtooda, si ilmuhu u helo dhalashada Maraykanka.

    Trump ayaa ka sheegay Xafiiska Oval-ka:

    "Tani waxay ahayd inay dhacdo sannado ka hor, laakiin hadda ayaan hirgelinaynaa."

    Wuxuu sidoo kale dhaliilay go'aankii Maxkamadda Sare ee lagu diiday isku daygiisii hore ee lagu soo afjarayay siyaasaddan jirtay ku dhowaad 150 sano.

    Amarka fulinta ee ugu horreeya ayaa lagu yiri:

    "Maamulkaygu wuxuu ka hortagay khataraha ay keenaan shakhsiyaad iyo kooxo shisheeye, kuwaas oo isku daya inay khiyaaneeyaan muwaadiniinta Maraykanka iyagoo ka faa'iidaysanaya deeqsinimada dalkeenna."

    Amarkan wuxuu mamnuucayaa in si toos ah dhalashada Maraykanka loo siiyo carruurta ku dhalata gudaha Maraykanka, haddii labadooda waalid aysan ahayn muwaadiniin Maraykan ah, isla markaana mid ka mid ah waalidiinta uu yahay: xubin ka tirsan koox argagixiso oo shisheeye, shaqaale u shaqeeya dowlad shisheeye, qof isku dayay inuu ku helo dhalashada Maraykanka khiyaano ama been-abuur, ama qof ku nool dhulalka Maraykanku maamulo ee aan sharci federaali ahi siin dhalasho toos ah.

    Dhalashada dadka ku dhasha dhulalka Maraykanka sida Puerto Rico, waxaa si cad u dammaanad qaadaya sharci federaal ah.

    Trump iyo xubnaha maamulkiisa ayaa marar badan cambaareeyay dalxiiska xiliga ay dhowdahay dhalmada, iyagoo ku eedeeyay waddamo ay ka mid yihiin Ruushka iyo Shiinaha inay ka faa'iidaystaan nidaamka dhalashada ku salaysan, si ay dad ugu dhex geliyaan Maraykanka.

    Amaraddan oo uu Khamiistii kaga dhawaaqayay Xafiiska Oval-ka, Trump wuxuu sheegay in boqolaal kun oo carruur ah ay ku dhasheen Maraykanka iyada oo loo marayo waxa loo yaqaan dalxiiska dhalmada (birth tourism).

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  14. Awoodda militari ee Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah

    Global Firepower Index, oo sanadkiiba mar lagu qiimeeyo ccududda ciidan ee dalalka caalamka, ayaa ah isha ugu weyn ee laga helo xogta milatari ee la aamini karo.

    Qiimayntan ayaa ku salaysan xog laga helay ilo kala duwan oo lagu kalsoonaan karo, laga soo bilaabo dalalka ugu awoodda badan ilaa kuwa ugu yar. Awoodda ciidan ee waddamada lagu soo daray darajadan laguma qiyaaso oo kaliya inta ay le'eg yihiin cududdooda ciidan iyo hubka ay wataan.

    Liiska shuruudaha loo yaqaan 'Power Index Score', oo ka kooban 50 dhibcood, ayaa loo isticmaalaa si loo go'aamiyo darajadan. Kuwaas waxaa ka mid ah tirada dadka, tirada ciidamada, tirada iyo nooca hubka, kheyraadka dabiiciga ah, awoodda dhaqaale, muuqaalka, iyo kuwa kale.

    Warbixinti la soo saaray sanadkii hore, Soomaaliya ayaa keliya ka sarreysay saddex dal marka la eego dalalka 145-ta ah ee la qiimeeyay, waxayna ku jirtay kaalinta 142-aad iyadoo noqotay dalka 36aad Afrika marka la eego awoodda militari.

    Dalalka Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Hindiya iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa ku kala jiray dalalka ugu awoodda badan caalamka, kuwaas oo kala galay min shan ilaa shan, iyadoo dalalka kale ee reer galbeedka iyo kuwa kaleba ay soo galeen qiimayntan.

    Afrika, Masar, Aljeeriya, Nigeria, Koonfur Afrika, iyo Itoobiya ayaa kaalimaha hore kaga jiray dhanka awoodda ciidan. Dalalkan ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa ugu dadka badan uguna dhaqaalaha badan qaaradda.

    Itoobiya oo ku taal Geeska Afrika, waa gobol ay ragaadiyeen colaado iyo xiisado siyaasadeed, waxay ka mid yihiin shanta waddan ee ugu awoodda badan xagga ciidamada Afrika, waana waddan saamayn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku leh gobolka.

    Haddaba, waa sidee awoodda ciidan ee dalalka dariska la ah Soomaalida sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, marka la eego qiimayntan Global Firepower ee ciidamada militariga dalalka?

    Halkan ka sii akhriso

  15. 5 waxyaabood oo aad samayn karto si aad caafimaadka dheefshiidka u wanaajiso

  16. Uganda oo ciidamadiisa geynaya Gaza

    Golaha Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay soo jeedinta dowladda ee oggolaanaysa in ciidamo Uganda ah loo diro Marinka Gaza, kadib codsi uu Maraykanku soo gudbiyay oo hoos imanaya qorshaha Board of Peace ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

    Soo jeedintan waxaa Baarlamaanka hor geeyay Wasiirka Difaaca Uganda, Kiryowa Kiwanuka, kaas oo u sheegay xildhibaannada in Ciidanka Difaaca Dadka Uganda (UPDF) ay leeyihiin waayo-aragnimo iyo awood ay kaga qayb qaadan karaan hawlgallada caalamiga ah ee nabad ilaalinta.

    Go’aankan wuxuu muujinayaa in Uganda ay diyaar u tahay inay ciidamadeeda ku biiriso ciidan caalami ah oo nabad ilaalin ka sameeya Marinka Gaza.

    Bishii Luulyo, wargeyska dowladda ee New Vision, isagoo soo xiganaya ilo ciidan, ayaa sheegay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ka codsaday Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, inuu bixiyo taageero ciidan oo loo marayo qorshaha Board of Peace, kaas oo ujeeddadiisu tahay, in la dhiso ciidan caalami ah oo gacan ka geysta sugidda amniga Marinka Gaza.

    Markii uu soo jeedinayay qodobkan Baarlamaanka, Kiwanuka wuxuu sheegay in dirista ciidamadaasi ay waafaqsan tahay qaab-dhismeedka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kadib wadahadallo diblomaasiyadeed oo dhex maray Trump iyo Museveni.

    Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda ay u hawlgeli doonaan, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo heerarka bani’aadannimada.

    “Uganda waxay leedahay ciidan xooggan oo leh hannaan hoggaamineed oo wanaagsan, taas oo u suuragelisay inay si guul leh uga qayb qaataan hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR), iyo sidoo kale howlgallo kala duwan oo ay Qaramada Midoobay hoggaamiso,” ayuu yiri Kiwanuka.

    Sidoo kale akhriso

  17. Garaadka Macmalka ah oo loo isticmaalay in uu sameeyo Fayrasyo cusub

  18. Tartanka hubka: 10-ka dal ee leh hubka ugu badan Afrika

    Inkasta oo dalalka Afrika ee hubka dibadda kala yimaado ay hoos u dhaceen qiyaastii -41%, sida lagu sheegay warbixinta Machadka Cilmibaarista Nabadda Caalamiga Stockholm ee loo soo gaabiyo SIPRI hadana dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha way kordhiyeen.

    Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa 10-ka dal ee ka hooseeya Saxaraha Afrika ee hubka ugu badan soo dajista kuna jira liiska SIPRI.

    Dalal ay ka mid yihiin Nigeria, Senegal iyo Mali ayaa ka mid ah dalalka hub badan dibadda kala yimid taas oo saamiga gobolka gaarsiisay 13%, sida ay sheegtay SIPRI.

    10-kan waddan waxaa lagu saleeyay jawaabaha uu bixiyay khabiirka Dr. Mathew George, oo ah agaasimaha Barnaamijka Hubka ee SIPRI.

    Nigeria waxaa loo arkaa dalka ugu horeeya gobolka ee hub soo iibsashada. Qiyaastii 16 boqolkiiba hubka gobolka la keenay waxaa la yimid Nigeria. Hubka ay la soo degtay Nigeria noocyada ugu badan waa diyaaradaha dagaalka, helikobtaro, gawaarida gaashaaman, maraakiib iyo drones.

    Nigeria waxay hubka ka soo iibsatay meelo kala duwan oo hal dal kama aysan keensan. Waxaana ka mid ah dalalka ay hubka ka soo iibsatay Turkey, Kuuriyada Koonfureeda, Shiinaha, Netherlands, France, Italy, Brazil, Mareykanka, Ruushka, Koonfur Afrika, Pakistan, Canada, Sacuudiga, Austria iyo Malaysia. Waxay la timid lix meelood meel hubka ay keensadeen dalalka Afrika ee ka hooseysa Saxaraha.

    Senegal waxay sameysay horumar muuqda oo dhinaca awoodda militariga ah, iyadoo maalgelisay 298.46 milyan. Dalabkeeda hubka waxaa lagu qiyaasay 8.8% hubka ay soo iibsatay.

    Waxay noqotay waddanka labaad ee ugu weyn gobolka dhinaca soo dejinta hubka, iyadoo iibsatay maraakiib ciidan iyo kuwa gantaallada. Waxaa loogu talagalay ilaalinta xeebaha iyo kormeerka shidaalka iyo gaaska badda hoosteeda, iyo sidoo kale diyaarado loogu talagalay ilaalinta hawada dalka.

  19. Sacuudiga oo sheegtay in 11 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen gudaha dalkeeda, iyadoo Xuutiyiinta ay ballaarinayan weerarrada ay ka fulinayaan gobolka

    Isbahaysiga uu hoggaamiyo Sacuudi Carabiya ee taageera dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa sheegay, in 11 qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen gobolka xuduudda ee Najran ee Sacuudi Carabiya.

    Afhayeen ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka koobnaayeen toddobo muwaadiniin Sacuudi ah, hal Yemeni ah, laba Masaari ah iyo hal Pakistani ah.

    Weerarkan ayaa yimid laba maalmood kaddib markii Xuutiyiintu sheegeen inay weerar diyaarado aan duuliye lahayn ah ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Najran.

    Xiisaddu waxay sii korortay toddobaadyadii u dambeeyay kaddib markii kooxda ay Iiraan taageerto ay ku dhawaaqday go'doomin dhinaca badda ah oo ka jirta Badda Cas, isla markaana ay weerarro ku qaaday booyadaha shidaalka iyo xarumaha saliidda ee Sacuudi Carabiya.

    Riyaad ayaa taas uga jawaabtay duqeymo ay la beegsatay saldhigyo ciidan oo ku yaalla Yemen.

    Horey, weerarro ay Xuutiyiintu geysteen ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 30 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Yemen ee bartamaha Yemen.

  20. Qarax ka dhacay duleedka caasimadda Suuriya

    Laba qof ayaa ku dhintay, 13 kalena waa ku dhaawacmeen qarax bam oo ka dhacay gaari nooca mini-bus ah oo ku sugnaa degmada Jaramana ee duleedka Dimishiq galabnimadii Khamiista, sida uu baahiyay telefishinka dawladda Suuriya isaga oo soo xiganaya Wasaaradda Caafimaadka ee dalkaas.

    Sida uu sheegay sawirqaade ka tirsan AFP, dhowr ambalaas ayaa u socday goobta uu qaraxu ka dhacay, taas oo ku taalla waddo weyn.