War deg deg ah, In ka badan 30 qof ayaa dhaawacmay, sagaalna xaaladdoodu waa halis – Ra’iisul Wasaaraha Thailand
In ka badan 30 qof ayaa ku dhaawacmay rasaas lagu furay iskuul ku yaalla Bangkok, waxaana sagaal ka mid ah ay qabaan dhaawacyo halis ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Thailand.
Anutin Charnvirakul ayaa la hadlay warbaahinta isagoo jooga goobta dhacdadu ka dhacday.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa bixiyay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tuhmanaha geystay weerarka ka dhacay Iskuulka ee ay ku dhinteen ugu yaraan todoba qof.
Waxaa uu sheegay in caddeymaha ay booliisku ka heleen gurigooda ay muujinayaan, inuu ahaa qof aad u jeclaa ciyaaraha kombiyuutarka.
Tuhmanaha, oo ah arday 14 jir ah, wuxuu la noolaa awoogiis iyo ayeeydiis, kuwaas oo meydkooda laga helay guriga.
Qoraalka xiga waxaan idiin soo gudbin doonnaa faahfaahin dheeraad ah oo uu bixiyay Ra’iisul Wasaaruhu.