You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Golaha Mustaqbalka oo cambaareeyay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

    Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee maanta loo doortay Cabdulqaadir Maxamed Nuur .

    Qoaraal ay soo saareen golahu waxa ay ku sheegeen in muddo xileedka dastuuriga ah ee golaha Baarlamaanka uu ku ekaa 14kii Abril 2026 sidaasi darteedna uusan baarlamaanku lahayn sahrciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub. “ Mana yeelan karo awood kordhin” ayey sheegeen.

    Golaha ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah. “Jidka kaliya ee lagusoo celin karo sharciyadda dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay oo saldhig u noqda doorasho heshis lagu yahay”

  2. Mohsen Rezaei oo loo magacaabay xoghayaha hay'adda ugu sarreysa amniga Iiraan

    Iiraan ayaa beddeshay xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, iyadoo u magacawday taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Mohsen Rezaei inuu noqdo qofkii labaad ee madax ka noqda hay’adda isku-dubbaridda amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

    Rezaei waa shakhsi dadweynaha hortooda si furan u hadla marka loo eego qofkii xilkaas ka horreeyay ee Mohammad Baqer Zolqadr. Magacaabistan waxa gelinkii danbe ee maalintii Axadda ku dhawaaqay ku-xigeenka agaasimaha qaybta isgaarsiinta ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian.

    Zolqadr waxaa loo magacaabay xoghayaha SNSC dabayaaqadii bishii Maarso, ka dib markii ninkii xilkaas ka horreeyay, Cali Larijani, lagu dilay duqeyn xagga cirka ah intii lagu jiray dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa'iil.

    Sabab looma hayo isbeddelkan, mana caddayn isla markiiba inuu tilmaamayo isbeddel ku yimaada siyaasadda.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Sabtidii sheegay in Iiraan iyo Cumaan ay aad ugu dhow yihiin inay heshiis ka gaaraan marin-badeed cusub oo mara marinka Hormuz — kaas oo ku dhawaad ​​xirnaa muddo shan bilood ah oo dagaal uu socday — balse dib u furiddiisu waxay ku xirnaan doontaa shuruudo kale, oo ay ku jirtaan magdhow ay Maraykanku siiyaan Iiraan.

  3. Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ay ku qaadday gudaha dalka Ruushka

    Saraakiishu waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliye lahayn (drone) oo Ukraine ay ku qaadday Jamhuuriyadda Tatarstan ee Ruushka.

    Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in dadka waxyeelladu soo gaartay uu ku jiray hal cunug, halka 75 qof oo kalena ay dhaawacmeen; waana mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee hal mar lagu qaado Ruushka tan iyo markii Moscow ay billowday dagaalka ballaaran ee ay kula jirto Ukraine.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) waxa y weerareen magaalada Nizhnekamsk, oo ku taal masaafo ka badan 1,100 kiiloomitir (680 mayl) u jirta xuduudda Ukraine.

    Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in la garaacay warshadda sifeynta saliidda ee Tanevo oo ku taal Nizhnekamsk, halka shirkadda Ukraine ee soo saarta tiknoolajiyadda difaaca ee FirePoint ay sheegtay in weerarkaas loo adeegsaday diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee nooca FP-1.

    Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in weerarku uu socday dhowr saacadood, isagoo ka bilaabmay habeenkii siina socday ilaa subaxnimadii. Warshadaha sifeynta shidaalka ee Nizhnekamsk ayaa horey loo weeraray 12-kii Juun.

    Sawirro la xaqiijiyay oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq iyo olol aad u badan oo cirka u kacaya xilliga maalintii, iyadoo ay gadaal ka yeerayaan qaylo-dhaanta digniinta weerarrada cirka.

    Kyiv ayaa dhawaan xoojisay weerarrada ay ku hayso goobo ay sheegtay inay dakhli iyo sahay u soo xareeyaan dagaalka Ruushku uu kula jiro Ukraine.

  4. Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?

  5. "Eritrea waxay ciidan u dirtay Tigray ayadoo ku xadgudubtay madaxbanaanida Itoobiya" Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

  6. Zelensky: 50,000 askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa la filayaa in loo diro Ruushka

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in ilaa 50,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah loo diri karo Ruushka si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

    Zelenskyy ayaa sheegay in tiradani ay ka badan tahay qiyaastii hore ee ahayd 30,000 oo askari, isagoo ka digay in iskaashiga militari ee u dhexeeya Moscow iyo Pyongyang uu sii xoogeysanayo.

    Wuxuu sheegay in Ukraine ay dhulkeeda ka heshay gantaallo laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi, isla markaana Pyongyang ay weli khibrad ka kasbanayso dagaalka casriga ah iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyada iyo qalabka militari ee ay ka hesho Ruushka.

    Sida uu sheegay sirdoonka militariga Ukraine, cutub gantaallo oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa bilaabay inuu askar iyo qalab u raro galbeedka Ruushka. Cutubkan ayaa laga yaabaa inuu haysto 120 gantaal oo ballistic ah iyo lix qalab oo gantaallada lagu rido.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa horey 2024-kii ugu dirtay gobolka Kursk ee Ruushka ku dhowaad 14,000 oo askari, si ay ciidamada Ruushka uga caawiyaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine.

    Iyadoo iskaashiga labada dal uu sii kordhayo, Zelenskyy ayaa Kuuriyada Koonfureed ka codsaday inay Ukraine ka caawiso nidaamyada difaaca cirka, maadaama Kyiv ay si weyn ugu baahan tahay hub ay kaga hortagto weerarrada gantaallada ballistic-ga ah.

    Dhanka kale, weerarrada Ruushka ayaa sii waday inay beegsadaan magaalooyinka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in dad rayid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay meelo kala duwan.

    Zelenskyy ayaa sidoo kale xulafada Ukraine ugu baaqay inay kordhiyaan taageerada difaaca cirka, isagoo sheegay in awooddaas ay muhiim u tahay ka hortagga weerarrada gantaallada Ruushka ee sii kordhaya.

    Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Britain, Wes Streeting, ayaa ugu baaqay dalalka xulafada ah inay kordhiyaan taageerada difaaca cirka ee Ukraine ka hor xilliga kuleylaha. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu xiligan u adeegsan karo hub ahaan si uu cadaadis ugu saaro Kyiv.

    Sidoo kale, Pope Leo ayaa ku baaqay xabbad-joojin laga gaaro dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, isagoo sheegay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilayo ama lagu dhaawacayo dagaalka, oo ay carruurtuna ku jiraan, ay sii kordheyso.

    Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac, iyadoo sheegtay in in ka badan 16,000 oo rayid ah lagu dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyadoo inta badan dadka dhintay ay ahaayeen muwaadiniin reer Ukraine ah.

  7. Faa'iidooyinka laga helo cunidda calooleyda

    Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

    Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

    Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

    Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

    Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

    Calooleyda waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka.

    Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin.

    Calooleyda waxaa laga helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo lafaha.

    Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faalloota arrimaha caafimaadka.

  8. Maxaad ka taqaan guddoomiyeyaashii soo maray baarlamaanka Soomaaliya wixii ka dambeeyey xilligii KMG

  9. Iiraan oo la sheegay inay sii wado weerarrada ka dhanka ah maraakiibta maraya Hormuz

    Iiraan ayaa sii wadday inay si sharci-darro ah u weerarto oo ay si adag ula socoto maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz, taas oo keentay in Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ay sheegto in weerarradu khatar ku yihiin maraakiibta shidaalka qaada.

    Warbixinteedii ugu dambeysay ee billaha ahayd, UKMTO waxay sheegtay in Iiraan ay Sabtidii weerartay markab shidaal oo uu ka babanayay calanka Imaaraadka Carabta, taas oo sii yareysay dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marin-biyoodka, ilaa ay ka harsanaadaan tiro aad u yar oo maraakiib ah oo isticmaala wadadanbiyaha ee muhiimka ah.

    Intaa waxaa dheer, hay’addu waxay sheegtay in hawlgallada militari ee tooska ah ay weli socdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerarro gantaallo ah iyo qaraxyo ka dhacaya meel u dhow maraakiibta, gaar ahaan marinnada biyaha ee koonfurta Marin-biyoodka Cumaan.

    UKMTO waxay sidoo kale ka digtay in weli aaggaas ay ku jiraan miinooyin badeed aan la helin ama aan qarxin, kuwaas oo khatar ku ah badbaadada maraakiibta iyo ganacsiga ka gudba Marin-biyoodka Hormuz.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  10. Gabadha madaxweyne Ruto oo guursatay nin taajir ah

    Gabadha uu dhalay madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo la yiraahdo Charlie, ayaa guursatay maalqabeen u dhashay Tanzania oo lagu magacaabo Isaiah Yunge.

    Xafladda arooska ayaa Sabtidii, 8-dii Agoosto, lagu qabtay ismaamulka Narok oo ah halka ay ka soo jeedo.

    Madaxweyne William Ruto iyo Marwadiisa Rachel ayaa ka qaybgalay arooska gabadhooda, waxaana sidoo kale goobta joogay mas’uuliyiin sare iyo dad caan ah.

    Madaxweyne William Ruto ayaa farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gabadhiisu ay billowday nolol cusub.

    “Maanta, aniga iyo Rachel aad ayaan ugu faraxsanahay inay gabadheena nolol cusub la bilowday gacaliyaheeda Isaiah. Hambalyo labadiinaba,” ayuu yiri.

    Waxa uu u rajeeyay lamaanaha nolol guur oo farxad iyo xasillooni leh.

    “Ilaahay ha barakeeyo midnimadiinna, ha xoojiyo xiriirkiinna, hana ka dhigo guurkiinna cusub mid ku dheehan jacayl, farxad iyo nabad,” ayuu yiri.

    Madaxweyne Ruto waxaa kale oo uu sheegay in qoysku aad ugu faraxsan yahay in gabadhoodu ay gaartay heerka guurka.

    “Annaga oo ah waalidkaaga iyo qoyskaaga, waan kugu faannaa, waan kula faraxsanahay, mar walbana garabkaaga ayaan taagnaan doonnaa,” ayuu yiri.

    Ninka ay guursatay waa Tanzanian, magaciisuna waa Isaiah Yunge. Waxaa lagu yaqaan xirfaddiisa hal-abuurka iyo teknoolojiyadda. Sida uu qoray wargeyska Kenya ee Daily Nation, waxaa la guddoonsiiyay Abaalmarinta Queen Elizabeth ee sannadkii 2018-kii.

    Marka laga soo tago hal-abuurka dhinaca teknoolojiyadda, Isaiah Yunge waxa kale oo lagu yaqaan saameyntiisa iyo sumcaddiisa baraha bulshada.

    Abaalmarinta Queen Elizabeth waxaa lagu guddoonsiiyay hal-abuurkiisa SomaApp, oo ah app moobil ah oo dhalinyarada Afrika u fududeeya inay helaan waxbarasho gudaha iyo mid caalami ah.

    Guurkooda ayaa ah mid aad looga hadal hayo gudaha warbaahinta gudaha Kenya.

  11. Gantaallada Iiraan ee garabka laga rido khatar intee le'eg ayey leeyihiin

  12. Jose Mourinho oo ugu dambeyn sheegay inuu aqbalay inuu Ferguson kala wareego tababarka Manchester United

    Kadib sannado badan oo la isla dhexmarayay, José Mourinho ayaa xaqiijiyay inuu 2013-kii aqbalay heshiis ah inuu Sir Alex Ferguson kala wareego xilka tababarenimo ee kooxda Manchester United, balse markii dambe uu go’aanka beddelay oo uu ka doorbiday inuu dib ugu laabto Chelsea.

    “Markii aan Real Madrid ka tagay, waxaan saxiixay heshiis aan ugu wareegayo Manchester United, si aan ula wareego shaqada kadib Sir Alex,” ayuu Mourinho, oo hadda mar kale tababare ka ah Real Madrid, ku sheegay taxane cusub oo laga sameeyay taariikhdiisa ciyaareed. Taxanahaas ayaa Netflix laga sii dayn doonaa 11-ka Agoosto.

    “Shaqada waa loo soo bandhigay, haa,” ayuu Ferguson xaqiijiyay. Ferguson wuxuu Manchester United ku hoggaamiyay 13 horyaal oo Premier League ah 26 sano oo uu hogaaminayay kooxda Old Trafford, ka hor inta uusan shaqada ka fariisan 2013-kii.

    “Waan la fadhiisiyay Mourinho oo aan uga warramay xaaladda,” ayuu Ferguson ku daray. “Aniga ahaan, waxaan u qaatay inuu aqbalay. Laakiin saacado gudahood ayay wax walba is beddeleen.”

    Waxa is beddelay ayaa ahaa in Mourinho uu dareemay inuusan diidi karin fursadda uu ugu laabanayo Chelsea, halkaas oo uu hore ugu qaaday laba horyaal oo Premier League ah oo xiriir ah sannadihii 2005 iyo 2006.

  13. Toogashada waxay ka dhacday bannaanka dhismaha xafiiska gobolka

    Waxaan dib u eegnay muuqaalka dhacdada toogashada, waxaanna hadda xaqiijinay in weerarku ka dhacay bannaanka dhismaha xafiiska gobolka, ee aysan ahayn gudaha, sida wararkii hore lagu sheegay.

    Muuqaalka ayaa muujinaya Chalong oo qori ku liishaya qof ku jira baabuur madow.

    Muuqaal kale oo ay baahisay warbaahinta maxalliga ah ee Thairath ayaa muujinaya Chalong oo qoriga jeebka gashanaya isagoo goobta ka sii socda.

  14. Xogta ninka geystay toogashada oo la ogaaday

    Ninka lagu eedeeyay toogashada oo la yiraahdo Chalong Reawraeng, ayaa saddex xilli soo noqday xildhibaan baarlamaanka Thailand, waxaana markii ugu dambeysay uu ka tirsanaa xisbiga Pheu Thai.

    Ninkan oo 71 jir ah ayaa sannadkii 1997 lagu naanaysi jiray “cobra” (mas) , oo ah erey siyaasadeed oo Thailand looga isticmaalo xildhibaan ama siyaasi ka hor yimaada mowqifka xisbigiisa, kaddib markii uu u codeeyay musharrax raysal-wasaare oo ka socday xisbi kale.

    Doorashadii ugu dambeysay ayuu isu sharaxay isagoo ka socday xisbiga talada haya ee Bhumjaithai, balse kuma guulaysan inuu kursi helo.

    Qofka uu toogtay, Thongchai Yenprasert, waa sarkaal hore oo booliis ah, wuxuuna hadda yahay guddoomiyaha Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.

    Ninkan oo 71 jir ah ayaa ku biiray ciidamada booliiska sannadkii 1984, wuxuuna soo noqday ku-xigeenka taliyaha iyo taliyaha saldhigyo booliis oo dhowr ah oo ku yaalla degmada Nonthaburi, oo ku taalla duleedka Bangkok.

    Sannadkii 2004 ayaa loo magacaabay madaxa hay’adda maamulka gobolka.

    Toogashadii dhacday Isniina maanta ah ayaa timid saddex maalmood oo keliya kaddib markii wiil 14 jir ah uu weerar toogasho ah ka geystay gurigooda iyo iskuulkiisa, sidoo kale gobolka Nonthaburi ee ku dhow caasimadda Thailand ee Bangkok.

    Wiilka ayaa guriga ku soo dilay awoowgiis iyo ayeeyadiis, kaddibna wuxuu rasaas ku furay macallimiin iyo arday iskuulka ku jiray, ugu dambayntiina isagaa ayaa isku dilay isla qoriga.

  15. War deg deg ah, Toogasho labaad oo ka dhacday Thailand maalmo gudahood

    Xildhibaan hore oo u dhashayThailand ah ayaa Isniinta maanta ah rasaas ku furay mas’uul ka tirsan maamulka deegaanka, kaddibna wuxuu wacay barnaamij YouTube ah isagoo wariyeyaasha u sheegay waxa uu sameeyay.

    Booliiska ayaa sheegay in la xiray Chalong Reawraeng, oo hore uga tirsanaa baarlamaanka dalka, kana soo jeeday gobolka Nonthaburi. Qofkii uu toogtay, Thongchai Yenprasert, ayaa ah madaxa Ururka Maamulka Gobolka Nonthaburi.

    Thongchai ayaa isbitaalka la dhigay, waxaana sidoo kale isbitaalka loo qaaday darawalkiisii oo isaguna rasaas lagu dhuftay. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labadooduba ay si daran u dhaawacmeen.

    Dhacdadan ayaa timid maalmo yar kaddib toogasho kale oo ka dhacday isla gobolkaas. Wiil dhalinyaro ah ayaa markaas gurigiisa iyo iskuulkiisa ku dilay toddobo qof, kaddibna isagii ayaa is dilay. Weerarkaas ayaa noqday toogashadii ugu dhimashada badnayd ee Thailand ka dhacda tan iyo sanadkii 2022-kii.

    Ilaa hadda ma muuqato wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada weerar.

    Waxaan idiin soo gudbin doonnaa wararkii ugu dambeeyay ee halkan kala socda.

  16. Kurdiyiinta Turkiga oo shuruud ku xiray heshiis ay la galaan dowadda

    Kooxda hubaysan ee Kurdiyiinta ee PKK ayaa dhaliishay hindise sharciyeed ka socda Turkiga, kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro colaaddii tobannaan sano jirtay ee u dhexaysay kooxda iyo dowladda.

    Bayaan ay hoggaanka PKK soo saareen Axaddii ayay ku sheegeen, in sharcigu leeyahay cillado waaweyn.

    Waxay carrabka ku adkeeyeen in ay lama huraan tahay in hoggaamiyaha PKK, Cabdullaahi Öcalan, laga sii daayo xabsiga, halkaas oo xabsiga lagu hayay tan iyo sanadkii 1999.

    Hindise-sharciyeedka ayaa la filayaa in Isniinta la horgeeyo baarlamaanka Turkiga. Haddii la ansixiyo, PKK waa la kala diri doonaa, taa beddelkeeda, dagaalyahanno badan oo hore uga tirsanaa kooxda ayaa laga ilaalin doonaa in dacwad lagu soo oogo, halka qaar kalena xukunnadii xabsiga laga joojin doono.

    Qowmiyadda Kurdiyiinta waa mid ka mid ah dadka asalka ah ee dhulka siman iyo buuraha Mesopotamia, halkaas oo hadda u kala qeybsan Koonfurta-Bari ee Turkiga, Waqooyi-Bari Suuriya, Waqooyiga Ciraaq, Waqooyi-galbeed Iraan, iyo Koonfur-Galbeed Armenia.

    Sidoo kale akhriso;

  17. Qorrax madoobaad la filayo isbuucan gudihiis iyo meelaa uu ka dhici doono

    Waxaa Arbacada, 12-ka Agoosto la filayaa inuu ka dhaco qaybo kala duwan oo dunida ah qorrax madoobaad. Meelaha qaar ayaa laga arki doonaa madoobaad buuxa, halka meelo kalana laga arki doono madoobaad qayb ah.

    Haddii aadan si toos ah xitaa u arki karin, waxaa jiri doono muuqaallo cajiib ah oo ay suurtagal tahay in laga baahiyo meelo kala duwan oo dunida ah.

    Madoobaadka qorraxda ayaa dhaca marka dayaxu u dhaxeeyo dhulka iyo qorraxda, taas oo xannibaysa qayb ama dhammaan iftiinka qorraxda ee ina soo gaara.

    Noocyo kala duwan ayaa jira oo madoobaadka qorraxda ah. Nooca aad arki doonto wuxuu ku xiran yahay meesha aad ka joogto Dhulka iyo masaafada u dhexeysa Dayaxa iyo Dhulka.

    Madoobaadka qorraxda ee xiga ayaa la filayaa inuu dhico Arbacada, 12-ka Agoosto.

    Madoobaadka buuxa ayaa la filayaa in laga arki doonaa: Waqooyiga Ruushka, Greenland, Iceland, Isbayn iyo Boortaqiiska.

    Madoobaadkan lagama arki doono Turkiga. Madoobaadka qorraxda ee xiga ee laga daawan karo Turkiga wuxuu noqon doonaa madoobaad qayb ahaan ah, kaas oo dhici doona 2-da Agoosto, 2027.

    Sida ay sheegtay NASA, madoobaadka buuxa wuxuu ka bilaaban doonaa duhurnimada meel yar oo fog oo ku taalla waqooyiga Ruushka. Kadibna iyadoo Dhulku wareegayo, madoobaadku wuxuu u gudbi doonaa dhinaca Isbayn, halkaas oo laga arki doono fiidkii wax yar ka hor qorrax-dhaca.

    Muddada madoobaadka buuxu waxay noqon doontaa mid aad u gaaban, wax ka yar laba daqiiqo iyo bar.

    Qaybo ka mid ah waqooyiga Maraykanka, Kanada, waqooyi-galbeed Afrika, iyo meelo badan oo Yurub ah waxay arki doonaan madoobaad qayb ahaan ah, iyadoo meelo qaarkood in ka badan 90% Qorraxda la dabooli doono.

    Dhacdadan waxay sii noqon doontaa mid gaar ah, maadaama qaybo ka mid ah Afrika iyo qaaradda Yurub ay arki doonaan madoobaad ku beegan qorrax-dhac, taas oo macnaheedu yahay in Qorraxdu qayb ahaan madoobaan doonto iyadoo dhacaysa.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  18. Israa'iil oo diiday qorshaha Trump ee Xamaas hubka lagaga dhigayo

  19. Iiraan oo hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka

    Iiraan ayaa hoggaamiye cusub u magacawday Golaha Sare ee Amniga Qaranka. Mohsen Rezaei waa taliye hore oo ka tirsanaa Ilaalada Kacaanka Iiraan, waxaana hadda loo magacaabay door muhiim ah oo uu ku yeelan doono go’aaminta sida Iiraan u wajahdo colaadda kala dhexeysa Maraykanka iyo Israa’iil.

    Mr. Rezaei ayaa hore u sheegay in ay muhiim u tahay Iiraan inay sii haysato gacan-ku-haynta marin-biyoodka Hormuz, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay ka muhiimsan tahay in la helo hub nukliyeer ah.

    Maadaama uu muddo dheer soo hayay xilal sare oo dalka ah, magacaabistiisa waxaa loo arkaa calaamad muujinaysa in jiilkii hore ee siyaasadda Iiraan ay weli awoodda hayaan, inkastoo ay jireen saadaallo ahaa in dhowaan xilalka sare loo dallacsiin doono siyaasiyiin da’yar.

  20. Lix dawo oo lagu iibiyo farmashiyeyaasha Soomaalida oo hoos u dhiga awoodda raganimada

    Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday dawooyin saamayn wayn ku yeesha awoodda ragannimada, si joogto ahna loo isticmaalo.

    Liiska hoos ku xusan waa dawooyinka ay habboon tahay in ay iska ilaaliyaan ragga, si aysan hoos ugu dhicin awooddooda ragannimo.

    Nolosha gogosha waa mid ka mid ah baahiyaha ugu waawayn ee bani'aadanka, hase yeeshee mararka qaar waxaa ku yimaada caqabado.

    Sababo kala duwan ayaa keeni kara caqabadahaas, balse qaarkood waxaa mas'uul ka ah lix nooc oo daawooyin ah, sida lagu shaaciyay Wakaaladda Wararka ee ANI, oo xog gaar ah kasoo diyaarisay mowduucan.

    Xanuun-baabi'iye

    Dad badan ayaan ka labolabayn inay isticmaalaan dawooyinka xanuun-baabi'iyaha, haddii xitaa xanuunka ay dareemayaan uu yahay mid yar.

    Laakiin, maka war qabtaa in isla dawooyinkaas aad xanuunka ku baabi'inayso ay saamaynayaan awooddaada ragannimada, hoosna ay u dhigayaan?

    Xanuun-babi'iyeyaashu waxay ka hor tagaan inay samaysmaan unugyada taranka, waxayna dhaawacaan hormoonno badan oo muhiim u ah gogosha dhex marta ragga iyo dumarka.

    Daawada walwalka

    Dad badan oo ka cawda xanuunka walwalka ayaa qaata dawooyin ay kula tacaalayaan walwalka.

    Hase ahaatee, isla dawooyinkaas ayaa hoos u dhiga hammiga galmada. Dawooyinkan waxay sababi karaan in qofka uusan danayn arrimaha xiriirka jinsiga.

    Xitaa qaarkood waxay ragga u sababaan in uu dareenka ka lumo gebi ahaanba.