You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. War deg deg ah, Xuutiyiinta ayaa gantaallo ku weeraray magaalada Mukha ee Yeman

    Ciidamo taabacsan dowladda Yeman ayaa sheegay in xoogagga Xuutiyiintu ay weerareen magaalada dekedda ah ee Mukha.

    Qoraal lagu daabacay barta X ee ciidamada Yeman ayaa lagu sheegay in Xuutiyiintu ay “gantaallo ballistic ah ku rideen” magaalada ku taalla xeebta Badda Cas. Ciidamadu waxay sidoo kale sheegeen in la weeraray xarumaha iyo goobaha dekedda magaalada.

    Warar dheeraad ah sii akhri :

  2. Cabbas araghchi : "Sugidda amniga Marin-biyoodka Hormuz waxay u baahan tahay in la joojiyo weerarrada Maraykanka iyo go’doominta badda"

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, Cabbaas Caraqji ayaa kulan taleefan ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka Johann Wadephul ku sheegay in “sugidda amniga Marin-biyoodka Hormuz ay u baahan tahay in la joojiyo weerarrada Maraykanka iyo go’doominta badda.”

    Intii uu socday wada-hadalkooda, Caraqji wuxuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka uga warbixiyay wada-tashiyada socda ee Iiraan ay la leedahay Cumaan, kuwaas oo looga gol leeyahay in lagu go’aamiyo waddo ammaan ah oo maraakiibtu isticmaalaan.

    Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, “amni-darrada ka jirta Marin-biyoodka Hormuz waxaa gebi ahaanba sabab u ah duullaanka militari ee Maraykanka” iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan.

    Wuxuu intaas ku daray in “beesha caalamku ay tahay inay la xisaabtanto madaxda Maraykanka ee talada haysa, kuna saabsan mas’uuliyadda amni iyo dhaqaale ee ka dhalan karta xannibaadda Marin-biyoodka Hormuz.”

    Sida ay ku warrameen warbaahinta Iiraan, Caraqji wuxuu sidoo kale sheegay in “sugidda amniga Marin-biyoodka Hormuz ay u baahan tahay in la joojiyo tallaabooyinka gardarrada ah iyo faragelinta sharci-darrada ah ee Maraykanka, kuwaas oo ay ku jiraan go’doominta badda iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah waajibaadka uu Maraykanku saaran yahay.”

  3. Maraykanka oo Xisbullah ku eedeeyey in ay “carqaladeeneyso” wada-hadallada Lubnaan iyo Israa’iil

    Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa Al Jazeera u sheegay in Xisbullah ay “isku dayayso in ay carqaladeeyso wada-hadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil.”

    Mas’uulkan oo Al Jazeera aysan shaacin magaciisa ayaa sidoo kale sheegay in “labada dhinacba ay wajahaan cadaadisyo siyaasadeed oo gudaha ah.”

    Mas’uulku wuxuu ka digay in “adeegsiga waddooyin gaagaaban uu keeni doono isla natiijooyinkii fashilmay ee aan tobannaan sano aragnay,” isaga oo carrabka ku adkeeyay in Washington ay weli rajo wanaagsan ka qabto “jidka hadda socda.”

    Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyey in wada-hadallada u dhexeeya Lubnaan iyo Israa’iil dib looga bilaabi doono magaalada Rome bisha soo socota.

    Warar dheeraad ah sii akhri :

  4. Trump- "Ciidanka Badda Maraykanka ayaa “miinooyinka ka saaray dhammaan marin-biyoodka Hormuz”.

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku ay miinooyinka ka saareen Marin-biyoodka Hormuz.

    “Bal eeg, ciidanka keliya ee hadda gacanta ku haya Marin-biyoodka Hormuz waa Ciidanka Badda Maraykanka,” ayuu u ku yiri wariyeyaasha gudaha Xafiiska Madaxweynaha ee Aqalka Cad.

    Trump waxa uu sidoo kale yiri “Waxaan hirgelinnay go’doomin si buuxda u shaqaynaysa oo aan la jebin karin, oo la mid ah gidaar bir ah.”

    Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan u oggolaanaynaa oo keliya kuwa aan doonayno inay soo galaan.”

    “Arrintu xoogaa way adag tahay, dabcan, sababtoo ah mararka qaarkood waxay dhigaan miinooyin, laakiin annagu waan helnaa miinooyinka. Waad ogtihiin, inta miinooyin ee aan ka saarnay marin-biyoodkan oo dhan,” ayuu yiri Trump.

  5. Cumaan oo sheegtay in ay tallaabo ka qaaddayso xakamaynta saliid ku daadatay xeebaha koonfureed

    Dowladda Cumaan ayaa Isniintii sheegtay inay waddo dadaallo lagu xakamaynayo saliid ku daadatay xeebaha koonfureed ee dalka, kaddib markii markab shidaal qaada uu ku xannibmay dhul badeed ilaashan qiyaastii laba bilood ka hor. Hay’adaha u Dhaqdhaqaaqa deegaanka ayaa ku baaqay in tallaabo degdeg ah laga qaado arrintan.

    Mas’uuliyiinta Cumaan weli ma aysan shaacin sababta keentay in saliiddu ka daadato markabka. Hase yeeshee, shirkadda Ingiriiska ah ee amniga badda ee Vanguard ayaa toddobaadkii hore wakaaladda wararka AFP u sheegtay in markabka ay qaraxyo ku dhaceen horraantii bishii Juun xilli uu marayay xeebaha Yemen, taas oo sababtay in biyo ay galaan qaybo ka mid ah markabka.

    Ururka deegaanka ee Greenpeace ayaa AFP u sheegay in daadashada saliiddu ay qarka u saaran tahay inay isu beddesho masiibo deegaan, isaga oo sheegay in markabku siday ku dhowaad hal milyan oo fuusto oo saliid cayriin ah.

    Warar dheeraad ah sii akhri :

  6. War deg deg ah, In ka badan boqol oo ku dhintay dhismayaal ku dumay Colombia kadib dhulgariir ka dhacay dalkaasi

    Dhulgariirkii sababay burbur baahsan iyo in 111 dhimasho ayaa ka dhacday Colombia, kaas oo sababay in ku dhowaad 1.5 milyan oo qof ay la kulmaan gariirro “aad u xooggan” oo awood u lahaa inay waxyeelleeyaan dhismayaasha dhagaxa ah ee aan loo dhisin si adag, sida ay sheegtay Hay’adda Sahanka Juqraafiyeed ee Maraykanka (USGS).

    Hay’addu waxay sheegtay in dhulgariirka cabbirkiisu yahay 7.4 uu ka dhashay meel “qoto-dhexaad ah” oo ku dhow 100 kiiloomitir gudaha saxanka dhul-badeedkii hore ee hoos ugu sii qulqulaya qaaradda Koonfurta Ameerika.

    Waxay sheegtay in dhulgariirrada noocan ah ee ka dhaca qoto-dhexaadka ee loo yaqaan dhulgariirrada “interslab”, guud ahaan ay ka khatar yar yihiin dhulgariirrada isla cabbirkaas ah ee ka dhaca meel u dhow oogada dhulka.

    Si kastaba ha ahaatee, USGS waxay intaas ku dartay in, marka loo eego qaabka dillaaca dhulka ee dhulgariirku ka dhacay, tamarta la sii daayay ay lahayd “hirar gariir oo waxyeello u geystay dhismayaasha”.

    Warar dheeraad ah sii akhri :

  7. Trump: "Waxaan Iran ka dalbanayaa magdhowga askartii Ameerikaanka iyo dibadbaxayaasha Iiraan ee ku dhintay dagaalka

    Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ka jawaabay dalabkii Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan ee ahaa in Maraykanka laga dalbado magdhow. Trump ayaa sheegay in arrintaasi aan lagu soo hadal qaadin “wada-xaajoodyadii” u dhexeeyay Iiraan iyo Maraykanka.

    Hase yeeshee, Trump wuxuu sheegay in maadaama Iiraan ay hadda soo hadal qaaday arrinta magdhowga, isaga qudhiisu uu dalbanayo “magdhowga dilka askarta Maraykanka” iyo sidoo kale “dibadbaxayaasha Iiraan.”

  8. Dhulkii ma wuxuu lumin doonaa cuf-isjiidadka muddo 7 ilbiriqsi ah 12-ka bishaan?

  9. Afar kooxood oo Afrikaan ah oo u soo baxay Koobka Adduunka ee Haweenka ee 2027

    Dalalka Algeria, Morocco, Cameroon iyo Malawi ayaa xaqiijiyay ka qaybgalka Koobka Adduunka ee Haweenka, kaas oo lagu qaban doono dalka Brazil xagaaga sannadka 2027-ka, kadib markii ay kooxahani u soo baxeen heerka afar-dhamaadka ee Koobka Qaramada Afrika ee Haweenka.

    Koobka Qaramada Afrika ee Haweenka ayaa ka socday dalka Morocco, iyadoo uu u aha a tartan loogu soo baxayo Koobka Adduunka; afarta kooxood ee gaara heerka afar-dhamaadka ayaa xaqiijinaya inay si toos ah ugu soo baxaan Koobka Adduunka.

    Algeria ayaa Ivory Coast kaga badisay 2-1, Morocco-na waxay Koonfur Afrika kaga badisay isla natiijadaas.

    Cameroon ayaa u soo baxday tartanka ka dib markii ay Nigeria kaga badisay 1-0, halka Malawi – oo kaalinta 153-aad kaga jirta qiimeynta caalamka – ay sameysay natiijo lama filaan ah oo weyn iyadoo kaga badisay Ghana 2-1, ka dib markii ay guuldaroodii ciyaarta ay u beddeleen guul.

    Labada kulan ee semi-final-ka (heerka afar-dhamaadka) ee Koobka Qaramada Afrika ee Haweenka ayaa la ciyaari doonaa Arbacada soo socota, iyadoo Morocco ay la ciyaari doonto Cameroon, Algeria-na ay wajihi doonto Malawi.

    Afarta kooxood ee laga reebay heerka sideed-dhamaadka kuwaas oo kala ah Ghana, Ivory Coast, Nigeria iyo Koonfur Afrika – ayaa weli haysta fursad ay ugu soo bixi karaan Koobka Adduunka.

    Ivory Coast ayaa la ciyaari doonta Ghana maalinta Khamiista, halka Nigeria ay wajihi doonto Koonfur Afrika; kooxaha guuleysta ayaa u gudbi doona heerka isreeb-reebka qaaradda oo ay ka qaybgalayaan 10 kooxood.

    Warar dheeraad ah sii akhri :

  10. Faylal cusub oo maqluuqaadka aan la aqoon ah oo lagu arkay bariga dhexe

  11. Tiradii ugu badneyd ee hal doon saaran oo kasoo gudbay Kanaalka Ingiriiska

    230 muhaajiriin ah ayaa kasoo gudbay Kanaalka Ingriiska iyagoo saasar doon aad u yar , taas oo ah tiradii ugu badneyd ee safarkaas ku gasha doon.

    Tani waxay jebinaysaa rikoorkii hore ee la dhigay bishii Luulyo, markaas oo 165 qof ay ku tallaabeen hal doon.

    Doontu waxay UK soo gaartay saacadihii hore ee maalintii Isniinta.

    Sawir laga qaaday meel u dhow xeebta waqooyiga Faransiiska ayaa muujiyay in doonta caagga ah (ee la buufiyo) ay aad u buuxday, taas oo keentay in rakaab badan ay lugahooda biyaha ku laalaadiyaan xilli ay doontu soo galaysay marinka mashquulka badan ee maraakiibta.

    Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in dhacdadan ugu dambeysay ay muujineyso "xeelado aan taxaddar lahayn oo khatar ah oo ay adeegsadaan kooxaha dambiilayaasha ah... kuwaas oo sii wada inay nolosha halis geliyaan iyagoo dad badan ku soo raraya maraakiib aan habboonayn".

    Kooxaha samatabbixinta ee Faransiiska ayaa sheegay in doonni dhererkeedu yahay 15 mitir ay biyaha ku burburtay, taas oo keeni kartay "musiibo".

    Doontu waxay horay u sidday qiyaastii 50 qof markii la arkay iyadoo u sii jeedda xeeb si ay u soo qaadato rakaab dheeraad ah, sida ay sheegeen shaqaalihii ku sugnaa Berck-sur-Mer.

    Warar dheeraad ah sii akhri :

  12. Golaha Mustaqbalka oo cambaareeyay Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

    Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay Doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee maanta loo doortay Cabdulqaadir Maxamed Nuur .

    Qoaraal ay soo saareen golahu waxa ay ku sheegeen in muddo xileedka dastuuriga ah ee golaha Baarlamaanka uu ku ekaa 14kii Abril 2026 sidaasi darteedna uusan baarlamaanku lahayn sahrciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub. “ Mana yeelan karo awood kordhin” ayey sheegeen.

    Golaha ayaa sidoo kale qoraalkooda ku sheegay in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah. “Jidka kaliya ee lagusoo celin karo sharciyadda dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay oo saldhig u noqda doorasho heshis lagu yahay”

  13. Mohsen Rezaei oo loo magacaabay xoghayaha hay'adda ugu sarreysa amniga Iiraan

    Iiraan ayaa beddeshay xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka, iyadoo u magacawday taliyihii hore ee Ilaalada Kacaanka Mohsen Rezaei inuu noqdo qofkii labaad ee madax ka noqda hay’adda isku-dubbaridda amniga iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

    Rezaei waa shakhsi dadweynaha hortooda si furan u hadla marka loo eego qofkii xilkaas ka horreeyay ee Mohammad Baqer Zolqadr. Magacaabistan waxa gelinkii danbe ee maalintii Axadda ku dhawaaqay ku-xigeenka agaasimaha qaybta isgaarsiinta ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian.

    Zolqadr waxaa loo magacaabay xoghayaha SNSC dabayaaqadii bishii Maarso, ka dib markii ninkii xilkaas ka horreeyay, Cali Larijani, lagu dilay duqeyn xagga cirka ah intii lagu jiray dagaalkii u dhexeeyay Iiraan iyo Mareykanka iyo Israa'iil.

    Sabab looma hayo isbeddelkan, mana caddayn isla markiiba inuu tilmaamayo isbeddel ku yimaada siyaasadda.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa Sabtidii sheegay in Iiraan iyo Cumaan ay aad ugu dhow yihiin inay heshiis ka gaaraan marin-badeed cusub oo mara marinka Hormuz — kaas oo ku dhawaad ​​xirnaa muddo shan bilood ah oo dagaal uu socday — balse dib u furiddiisu waxay ku xirnaan doontaa shuruudo kale, oo ay ku jirtaan magdhow ay Maraykanku siiyaan Iiraan.

  14. Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay weerar diyaarad aan duuliye lahayn oo Ukraine ay ku qaadday gudaha dalka Ruushka

    Saraakiishu waxay sheegeen in ugu yaraan 13 qof lagu dilay weerar diyaaradaha aan duuliye lahayn (drone) oo Ukraine ay ku qaadday Jamhuuriyadda Tatarstan ee Ruushka.

    Mas'uuliyiinta Ruushka ayaa sheegay in dadka waxyeelladu soo gaartay uu ku jiray hal cunug, halka 75 qof oo kalena ay dhaawacmeen; waana mid ka mid ah weerarradii ugu dhimashada badnaa ee hal mar lagu qaado Ruushka tan iyo markii Moscow ay billowday dagaalka ballaaran ee ay kula jirto Ukraine.

    Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) waxa y weerareen magaalada Nizhnekamsk, oo ku taal masaafo ka badan 1,100 kiiloomitir (680 mayl) u jirta xuduudda Ukraine.

    Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine ayaa xaqiijiyay in la garaacay warshadda sifeynta saliidda ee Tanevo oo ku taal Nizhnekamsk, halka shirkadda Ukraine ee soo saarta tiknoolajiyadda difaaca ee FirePoint ay sheegtay in weerarkaas loo adeegsaday diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee nooca FP-1.

    Ilo-wareedyo maxalli ah ayaa sheegaya in weerarku uu socday dhowr saacadood, isagoo ka bilaabmay habeenkii siina socday ilaa subaxnimadii. Warshadaha sifeynta shidaalka ee Nizhnekamsk ayaa horey loo weeraray 12-kii Juun.

    Sawirro la xaqiijiyay oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq iyo olol aad u badan oo cirka u kacaya xilliga maalintii, iyadoo ay gadaal ka yeerayaan qaylo-dhaanta digniinta weerarrada cirka.

    Kyiv ayaa dhawaan xoojisay weerarrada ay ku hayso goobo ay sheegtay inay dakhli iyo sahay u soo xareeyaan dagaalka Ruushku uu kula jiro Ukraine.

  15. Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?

  16. "Eritrea waxay ciidan u dirtay Tigray ayadoo ku xadgudubtay madaxbanaanida Itoobiya" Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya

  17. Zelensky: 50,000 askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa la filayaa in loo diro Ruushka

    Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in ilaa 50,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah loo diri karo Ruushka si ay uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Ukraine.

    Zelenskyy ayaa sheegay in tiradani ay ka badan tahay qiyaastii hore ee ahayd 30,000 oo askari, isagoo ka digay in iskaashiga militari ee u dhexeeya Moscow iyo Pyongyang uu sii xoogeysanayo.

    Wuxuu sheegay in Ukraine ay dhulkeeda ka heshay gantaallo laga leeyahay Kuuriyada Waqooyi, isla markaana Pyongyang ay weli khibrad ka kasbanayso dagaalka casriga ah iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyada iyo qalabka militari ee ay ka hesho Ruushka.

    Sida uu sheegay sirdoonka militariga Ukraine, cutub gantaallo oo Kuuriyada Waqooyi ah ayaa bilaabay inuu askar iyo qalab u raro galbeedka Ruushka. Cutubkan ayaa laga yaabaa inuu haysto 120 gantaal oo ballistic ah iyo lix qalab oo gantaallada lagu rido.

    Kuuriyada Waqooyi ayaa horey 2024-kii ugu dirtay gobolka Kursk ee Ruushka ku dhowaad 14,000 oo askari, si ay ciidamada Ruushka uga caawiyaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine.

    Iyadoo iskaashiga labada dal uu sii kordhayo, Zelenskyy ayaa Kuuriyada Koonfureed ka codsaday inay Ukraine ka caawiso nidaamyada difaaca cirka, maadaama Kyiv ay si weyn ugu baahan tahay hub ay kaga hortagto weerarrada gantaallada ballistic-ga ah.

    Dhanka kale, weerarrada Ruushka ayaa sii waday inay beegsadaan magaalooyinka iyo kaabayaasha muhiimka ah ee Ukraine. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay in dad rayid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay meelo kala duwan.

    Zelenskyy ayaa sidoo kale xulafada Ukraine ugu baaqay inay kordhiyaan taageerada difaaca cirka, isagoo sheegay in awooddaas ay muhiim u tahay ka hortagga weerarrada gantaallada Ruushka ee sii kordhaya.

    Dhanka kale, Wasiirka Difaaca Britain, Wes Streeting, ayaa ugu baaqay dalalka xulafada ah inay kordhiyaan taageerada difaaca cirka ee Ukraine ka hor xilliga kuleylaha. Wuxuu sheegay in Madaxweyne Vladimir Putin uu xiligan u adeegsan karo hub ahaan si uu cadaadis ugu saaro Kyiv.

    Sidoo kale, Pope Leo ayaa ku baaqay xabbad-joojin laga gaaro dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine, isagoo sheegay in tirada dadka rayidka ah ee lagu dilayo ama lagu dhaawacayo dagaalka, oo ay carruurtuna ku jiraan, ay sii kordheyso.

    Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac, iyadoo sheegtay in in ka badan 16,000 oo rayid ah lagu dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyadoo inta badan dadka dhintay ay ahaayeen muwaadiniin reer Ukraine ah.

  18. Faa'iidooyinka laga helo cunidda calooleyda

    Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.

    Bulshooyinka qaar ee adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.

    Waana laga helaa faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga ah.

    Waxaa la cabaa fuudka calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.

    Caafimaad ahaan, calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.

    Calooleyda waxaa laga helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka.

    Calooleyda waxaa si aad ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin.

    Calooleyda waxaa laga helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo lafaha.

    Calooleyda waxaa laga helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka faalloota arrimaha caafimaadka.

  19. Maxaad ka taqaan guddoomiyeyaashii soo maray baarlamaanka Soomaaliya wixii ka dambeeyey xilligii KMG

  20. Iiraan oo la sheegay inay sii wado weerarrada ka dhanka ah maraakiibta maraya Hormuz

    Iiraan ayaa sii wadday inay si sharci-darro ah u weerarto oo ay si adag ula socoto maraakiibta maraysa marin-biyoodka Hormuz, taas oo keentay in Hay’adda Ganacsiga Badaha ee Boqortooyada Midowday (UKMTO) ay sheegto in weerarradu khatar ku yihiin maraakiibta shidaalka qaada.

    Warbixinteedii ugu dambeysay ee billaha ahayd, UKMTO waxay sheegtay in Iiraan ay Sabtidii weerartay markab shidaal oo uu ka babanayay calanka Imaaraadka Carabta, taas oo sii yareysay dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee marin-biyoodka, ilaa ay ka harsanaadaan tiro aad u yar oo maraakiib ah oo isticmaala wadadanbiyaha ee muhiimka ah.

    Intaa waxaa dheer, hay’addu waxay sheegtay in hawlgallada militari ee tooska ah ay weli socdaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin weerarro gantaallo ah iyo qaraxyo ka dhacaya meel u dhow maraakiibta, gaar ahaan marinnada biyaha ee koonfurta Marin-biyoodka Cumaan.

    UKMTO waxay sidoo kale ka digtay in weli aaggaas ay ku jiraan miinooyin badeed aan la helin ama aan qarxin, kuwaas oo khatar ku ah badbaadada maraakiibta iyo ganacsiga ka gudba Marin-biyoodka Hormuz.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa: