Magaalada Trump loogu sameeyo gantaallada

Published
Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo

Qof deegaanka ah ayaa sheegay in magaalada Kingsport ee gobolka Tennessee, oo ku taalla silsiladda buuraha Appalachian, ay leedahay kaniisado aad u tiro badan, illaa ay u muuqato in waddo kasta ay leedahay kaniisad.

Masiixiyadda ayaa awood weyn ku leh deegaankan ay inta badan deggan yihiin dadka dabaqadda shaqaalaha leh. Boodhka ku yaal dusha sare ee Lamplight Theater-ka taariikhiga ah ee bartamaha magaalada ayaa ku qoran: "Ciise ayaa wax walba laga hormariyaa."

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo in ka badan 300 oo kaniisadood oo ku yaal deegaankaasi ay daboolayaan baahiyaha ruuxiga ah ee magaalada oo ay ku nool yihiin 58,000 oo qof, waxaa jira hay'ad kale oo iyaduna dhaqaajisa dhaqaalaha magaalada.

Warshadda Holston Army Ordnance waxay soo saartaa walxaha qarxa ee loo isticmaalo gantaallada Patriot, madaxyada gantaallada iyo hub kale oo culus, xilli uu socdo dagaal qaali ah oo muddo dheer socday oo u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan.

Dagaalkaas iyo saamayntiisa ku aaddan dhinacyo kala duwan, laga bilaabo qiimaha shidaalka illaa cuntada, ayaa sababay in si weyn hoos ugu dhaco taageerada uu haysto Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Sahamadii ugu dambeeyay waxay muujinayaan in heerka oggolaanshaha dadweynaha ee Trump uu hoos ugu dhacay 32 boqolkiiba, taas oo ah heerkii ugu hooseeyay tan iyo markii uu xafiiska qabtay Jannaayo 2025.

Tani waa hoos-u-dhac 14 dhibcood ah marka loo eego bilowgii muddadiisa madaxtinimo, waxaana dad badan oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee la wareystay ay ku tilmaameen inaysan ku qanacsanayn siyaasadaha Trump in ay tahay sababta aysan u taageerin waxqabadkiisa.

Labada sababood ee ugu waaweyn ee hoos u dhaca taageerada madaxweynaha waa qiimaha nolosha iyo dagaalka Iiraan, waxaana arrimahan labadaba dad badan u arkaan kuwo isku xiran. Dagaalka ayaa sababay in qiimaha shidaalka ee Maraykanka uu kor u kaco oo uu dhaafo 4 doollar halkii gallon, kaas oo ah koror weyn oo culus badan ku haya ganacsi kasta oo ku tiirsan gaadiidka.

Si kastaba ha ahaatee, Kingsport, taageerada Donald Trump waxay yeelatay dhinac diimeed. Magaaladu waxay Trump si aqlabiyad ah ugu codeysay dhammaan saddexdii doorasho madaxweyne. Gobolka Tennessee, oo in ka badan 25 sano taageerayay Xisbiga Jamhuuriga, isaguna wuxuu raacay isla jihadaas.

Marka laga hadlayo dagaalka Iiraan, dadka deegaanka badankoodu si cad ayay u taageeraan tallaabooyinka milatari ama waxay isku dayaan in ay sharxaan sababta ay lagama maarmaanka u yihiin, inkastoo Trump intii lagu jiray ololihiisa doorashada uu marar badan ballanqaaday in uu "dagaallada soo afjari doono."

"Haddii ay qof ka hor istaagi karto in uu helo bam nukliyeer ah, si buuxda ayaan u taageerayaa," ayay tiri Pam Robinson oo 65 jir ah, taas oo 20 sano ka shaqaynaysay warshad kiimiko oo deegaanka ah.

"Sababta ugu weyn ee aan halkaas u joogno, annagoo isku dayayna in aan xaaladda xakameyno, waa in aan ka hortagno hanjabaadahani inay gaaraan guryahayaga iyo waddankayaga," ayuu yiri David Carter, oo ah askari hore oo hawlgab ah oo gadh leh, isla markaana xilliga Kirismaska matala Santa Claus.

Qaar kalena si fur caddi ah ayey u hadlaan.

"Run ahaantii, waxaan u malaynayaa in aan meeshaas si buuxda u burburinno oo arrintaas gebi ahaanba soo afjarno," ayuu yiri James Kemper, oo ah askari hore oo hawlgab ah oo 63 jir ah, kaas oo dukaanka ka soo baxay isagoo xiran funaanad ay ku sawiran tahay Trump.

Askarta hawlgabka ah ayaa qiyaastii 10% ka ah dadka deggan deegaankan, halka qoysas kale oo badan ay leeyihiin xubno ka tirsan ciidanka.

Doorka Kingsport ee ah mid ka mid ah xarumaha waaweyn ee Maraykanka ee lagu soo saaro agabka dagaalka, iyo sidoo kale xaqiiqda ah in warshadda Holston ay tahay isha keliya ee gudaha dalka laga helo walxaha qarxa iyo kiimikooyinka muhiimka u ah gantaallada, ayaa dadka magaalada siiyay aragti ka duwan tan guud ee laga qabo dagaalka Iiraan.

Warshaddu waxay shaqaaleysiisaa ku dhowaad kun qof, waana mid ka mid ah warshadaha waaweyn ee si muuqata uga dhex taagan muuqaalka cagaaran ee buuraha Appalachian.

"Haddaynu dagaal ku jirno iyo haddaynaan ku jirinba, warshaddu way sii shaqaynaysaa. Taasi waa xaqiiqada jirta," ayuu yiri Daniel Overstreet, oo 53 jir ah, isagoo ag taagan mootadiisa Harley-Davidson bartamaha magaalada Kingsport.

Wuxuu aaminsan yahay in Donald Trump iyo maamulkiisu "si wanaagsan u shaqeeyeen," balse "dad badan ayaa doonaya in ay ka hor yimaadaan mowqifkiisa."

"Wuxuu sheegay in uu xakamayn doono qiimaha shidaalka, muddo ayaana uu sidaas sameeyay. Wuxuu sheegay in uu hoos u dhigi doono qiimaha cuntada, laakiin awood uma laha arrintaas. Asal ahaan, madaxweynuhu wuxuu la mid yahay qof ay gacanta ku hayaan Aqalka Wakiillada iyo Senatka," ayuu yiri Daniel Overstreet oo iuntaas ku dray: "Gacmihiisu ilaa xad way xiran yihiin."

Ma aha in dadka halkan deggan aysan ka cabanayn qiimaha sarreeya ee shidaalka iyo cuntada, sicir-bararka iyo dhibaatooyinka kale ee dhaqaale; balse ma eedeeyaan Trump dhibaatooyinkaas.

"Meelo qaar si wanaagsan ayuu uga shaqeeyay, laakiin waxaan u malaynayaa in uu u baahan yahay in uu la tashiyo dhab ah sameeyo. Waxaan u malaynayaa in arrimaha qaarkood talo khaldan la siiyay," ayey tiri Pam Robinson.

Si kastaba ha ahaatee, Trump laftiisa ayaa amar ku bixiyay weerarkii lagu qaaday Iiraan bishii Febraayo 2026, ka dib markii wada-hadalladii fashilmeen. Muuqaal siddeed daqiiqo ah oo lagu baahiyay baraha bulshada ayuu ku yiri: "Ujeeddadu waa in la ilaaliyo dadka Maraykanka ah iyadoo meesha laga saarayo khataraha dhow ee ka imanaya xukuumadda Iiraan," wuxuuna sheegay in Iiraan "aysan waligeed yeelan doonin hub nukliyeer ah."

Inkasta oo Trump uu lumiyay qayb ka mid ah taageeradii uu ka haystay Jamhuuriyiinta dhexdhexaadka ah iyo cod-bixiyeyaasha madaxa-bannaan, haddana saldhiggiisa ugu weyn ee taageerayaasha, kuwa isku aqoonsada hal-ku-dhigga "Make America Great Again" ayaa weli si adag u taageeraya.

Iyadoo dad badan oo Maraykanka ku nool ay la socdaan saamaynta hoos u dhaca taageerada Trump uu ku yeelan karo doorashada xilliga dhexe ee bisha Nofeembar, gobollada koonfurta Maraykanka ee leh aragtiyo muxaafidka ah ee diinta ku saleysan —loona yaqaan "Bible Belt"— cod-bixiyeyaal badan ma haystaan doorasho kale oo aan ka ahayn in ay taageeraan Jamhuuriyiinta.

Markii cod-bixiyeyaashu dhawaan u dareereen doorashooyinka gobollada, hal musharrax oo keliya oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku jiray warqadda cod-bixinta 11-ka degmo ee doorashada xubnaha golaha degmada, toddoba ka mid ah waxaa ka tartamay musharraxiin Jamhuuri ah, qaarna xitaa ma aysan lahayn cid la tartamaysa.

Dad badan oo deegaanka ah waxay sheegaan in aysan awoodin, ayna marnaba u codeyn doonin, musharraxa xisbiga ka soo horjeeda sababo la xiriira qiyamka ay aaminsan yihiin. Waxayna u arkaan arrinta ilmo iska soo rididda in ay tahay mid ka mid ah qodobbada ugu muhiimsan ee go'aankooda. Sidoo kale, diidmada hantiwadaagga iyo siyaasadaha taageera isbeddellada bulshada ee la xiriira xuquuqda bulshada, takoorka iyo arrimaha jinsiga ayaa iyagana muhiim u ah.

David Carter, oo ah awoowe 66 jir ah una go'ay cibaadada Masiixiyadda, islamarkaana ah askari hore oo hawlgab ah, ayaa sheegay in arrimahan ay ka miisaan culus yihiin dhaliil kasta oo shakhsi ah oo uu ka qabi karo Trump.

Wuxuu qirayaa in Trump u baahan yahay in uu muujiyo is-hoosaysiin badan, balse wuxuu ku adkaysanayaa inuu tixgelin doono oo keliya musharrax taageera "qiyamka" ay dadka deegaankaasi aaminsan yihiin.

Dadka leh aragtiyo ka madax-bannaan kuwa muxaafidka ah iyaguna way ku nool yihiin Kingsport, balse waa tiro yar, waxaana badanaa ay ka gaabsadaan in ay fikradahooda si cad uga muujiyaan fagaaraha.

Trump wuxuu ku guuleystay doorashadii 2024 qayb ahaan sababtoo ah awooddiisa uu ku mideeyay isbahaysi cod-bixiyeyaal kala duwan oo da' iyo asalba kala duwan.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo taageerayaasha dhaqdhaqaaqa "Make America Great Again" ay weli si adag u taageerayaan, sahannadu waxay muujinayaan in dhallinyaro badan oo ka caawiyay in uu kaga adkaado Kamala Harris ay hadda niyad-jabsan yihiin ama ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen.

Mary Heron, oo 21 jir ah, ayaa sheegtay in ay aragtay isbeddel ku yimid aragtida dhallinyarada ay isku da'da yihiin.

"Waxaan arkayaa xoogaa isbeddel ah oo ku yimid heerka taageeradiisa, taas oo aan halkan aad caadi uga ahayn," ayay tiri Heron, oo ah ardayad isla markaana shaqaysa waqti-dhiman.

"Laakiin waxaan la kulmay dhowr qof oo leh, 'Haa, waan u codeeyay, laakiin hadda mar dambe ma taageersani,'" ayay raacisay.

Dhinaca kale, William Bogle Pam Robinson, wuxuu sheegeen in ay sii wadi doonaan u ducaynta doonaan Donald Trump.