You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

Faransiiska oo wajahaya hubanti la'aan siyaasadeed kadib markii doorashadii baarlamaanka aaney cidna helin aqlabiyad

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay tiro badan oo ah miliiishiyaadkii iska soo horjeeday

Tebin toos ah

  1. Muxuu yahay xukunka maqanaha lagu rido, goormase la adeegsadaa?

    Kadib markii Maxkamadda Dambiyada ee Suuriya ay Talaadadii xukun dil ah oo maqanaha lagu riday ku xukuntay madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad iyo walaalkiis Maher al-Assad, iyada oo lagu eedeeyay dambiyo lagu tilmaamay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada ayaa la isweydiinayaa waxa uu xukunkani ka dhigan yahay iyo sida loo fulin karo.

    Marka hore, waa maxay xukunka maqanaha lagu rido?

    Waa xukun ay maxkamaddu soo saarto iyadoo eedaysanuhu ama dacwaysanuhu aanu joogin dhageysiga dacwadda, isla markaana aanu si shakhsi ah uga soo muuqan maxkamadda. Sharci ahaanshaha dacwadda iyo xukunkuna waxay ku xiran yihiin in la ilaaliyo dammaanadaha maxkamadayn caddaalad ah iyo xuquuqda difaaca ee uu dhigayo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

    Qodobka ugu muhiimsan ayaa ah in maqnaanshaha eedaysanuhu aanu ka dhigayn xukunka mid sharci-darro ah. Heerarka caalamiga ahi waxay oggol yihiin, xaalado gaar ah in dacwad lagu qaado qof maqan, balse waxay ku xiraan dammaanado ay ka mid yihiin in lagu wargeliyo eedaha iyo habraacyada dacwadda, in loo suurtogeliyo inuu is difaaco haddii ay suuragal tahay, iyo in uu jiro fursad wax ku ool ah oo uu racfaan uga qaadan karo xukunka ama dib loogu qaadi karo dacwadda si waafaqsan nidaamka sharci ee dalka.

    Sidee loo fuliyaa xukunka maqanaha lagu rido?

    Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah xukunka maqanaha lagu rido macnaheedu ma aha in ciqaabta isla markiiba la fulin karo. Fulintiisu waxay ku xiran tahay habraacyo sharci oo la xiriira kama dambaysnimada xukunka, suurtogalnimada in la qabto qofka la xukumay, heshiisyada iskaashiga garsoorka ee u dhexeeya dalalka, iyo waajibaadka ka dhasha sharciga caalamiga ah.

    Waxaa jira tallaabooyin kala duwan oo u dhexeeya marka xukunka la soo saaro iyo marka la fuliyo, haddii uu fulinba dhaco. Qodobada xiga ayaa sharxaya waxa dhici kara marka laga hadlayo kiiska Suuriya.

    Sii akhri

  2. War deg deg ah, Rezaei: "Heshiiska Cumaan ee Hormuz waxa uu ahaan doonaa mid ka baxsan xannibaadda marinka"

    Xoghayaha cusub ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan ayaa yiri: “Haddii Iiraan iyo Cumaan ay heshiis ka gaaraan marinka loo maro marin-biyoodka Hormuz, heshiiskaasi wuxuu noqon doonaa arrin ka duwan xannibaadda Marinka Hormuz".

    Mohsen Rezaei ayaa Tehran kula kulmay safiirka Shiinaha, wuxuuna sheegay: “Marinka Hormuz ma furmi doono illaa uu Maraykanku beddelo hab-dhaqankiisa oo uu aqbalo shuruudaha Iiraan".

    Sarreeye Gaas Rezaei ayaa yiri: “Maraykanku waa inuu soo afjaraa dagaalka, Iiraanna uu dib ugu celiyo lacagaha ay ku leedahay ee la xannibay, dagaalkuna waa inuu ka dhammaadaa gobolka oo dhan, oo ay ku jiraan Lubnaan iyo Gaza".

    Waxa uu sidoo kale sheegay in shuruudo kale loo gudbiyay Maraykanka iyada oo loo sii marayo dhexdhexaadiyayaal.

  3. War deg deg ah, Xogo dheeraad ah oo kasoo baxaya weerarkuu Xuutiyiinta ku qaadayn markab marayey Baabal mandab

    Ilaalada Xeebaha Yemen ayaa sheegay in weerarro loo aaneynayo Xuutiyiinta ay taageerto Iiraan oo lagu qaaday markab xamuul ah oo ku dhow marinka Baab al-Mandab ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof.

    Weerarradan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee taxane hawlgallo dhimasho sababay oo lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay halka laga galo Badda Cas, tan iyo markii Xuutiyiintu ku dhawaaqeen go’doomin badeed oo ka dhan ah Sacuudi Carabiya.

    Ilaalada Xeebaha Yemen oo hoos tagta dowladda Yemen ee beesha caalamku aqoonsan tahay ayaa sheegtay in afarta ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen shaqaale saarnaa markabka xamuulka.

    Sida lagu sheegay warbixinta, laba ka mid ah ciidamada loo diray inay fuliyaan hawlgallada samatabbixinta iyo daadgureynta dadka saarnaa markabka ayaa sidoo kale ku dhintay weerarka.

  4. Mas’uuliyiinta gobolka Tigray oo ku eedeeyay dowladda Itoobiya weerarro deegaanka ka dhacay

    Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka inay fulisay weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo la sheegay inay ku dhinteen saddex askari.

    Waxay sheegeen in weerarradii dhacay Isniintii ay ka dhaceen iskuul ku yaalla Merewa, halkaas oo ay ciidamo Tigray ah ku sugnaayeen.

    Guddoomiyaha deegaanka ayaa BBC u sheegay in weerarrada lagu qaaday iskuulka iyo webi ku dhow ay sidoo kale dileen qof rayid ah, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

    Mas’uuliyiinta Tigray ayaa weerarrada ku tilmaamay “xaalad si weyn u sii cakriraysa”, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo in colaaddii hore dib u soo cusboonaato.

    Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin eedeymahan.

    Maamulka Tigray iyo dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa midba midka kale ku eedeynaya inuu ku guuldarreystay hirgelinta heshiiskii nabadeed ee 2022, kaas oo soo afjaray dagaal sokeeye oo muddo socday, isla markaana sababay khasaare ba’an.

  5. War deg deg ah, Ciidanka Pakistan oo howlgal ku dilay dagaalyahanno hubeysnaa

    Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Ciidanka Pakistan ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay 10-kii Agoosto 2026 howlgal ku salaysan xog sirdoon ka fuliyay degmada Panjgur ee gobolka Balochistan, halkaas oo ay ku dileen shan dagaalyahan.

    Sida lagu sheegay qoraalka ISPR, howlgalka ayaa qayb ka ahaa hawlgallada socda ee ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo looga golleeyahay in gobolka laga hirgeliyo nabad waarta.

    War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay howlgalka ku qabteen hub, rasaas iyo walxaha qarxa oo ay ku jiraan qaraxyada IED-yada. Qadar badan oo agab ah ayaa sidoo kale la helay, kaddibna la burburiyay.

  6. Carruurta oo Soomaaliya oo xaaladooda laga deyrinayo

    Hay’adda samafalka caafimaadka ee MSF, ayaa ka digtay xaalad gaajo aad u daran oo ay wajahayaan carruurta Soomaaliya.

    MSF waxay sheegtay in sahan laga sameeyay xeryaha dadka barakacayaasha ah ee magaalada Baydhabo ee koonfur-galbeed Soomaaliya lagu ogaaday in kala bar carruurta halkaas ku nool ay qabaan nafaqo-darro ba’an.

    Hay’addu waxay sheegtay in abaaraha iyo colaadaha ay sababeen in xarumaha caafimaadku si xad dhaaf ah u buuxsamaan. Carruurta qaar ayaa dib loogu soo celiyay xarumaha caafimaadka kaddib markii la daweeyay, sababo la xiriira cunto, biyo iyo daryeel caafimaad oo aan ku filnayn.

    MSF waxay sidoo kale sheegtay in maalgelinta gargaarka bani’aadantinimo ay hoos u dhacday ku dhowaad 90 boqolkiiba marka loo eego xilligii abaartii ba’nayd ee Soomaaliya ka dhacday afar sano ka hor.

  7. War deg deg ah, Dadk u dhimanaya cudurka Ebola oo tiradoodu korortay

    Tirada dadka uu cudurka Ebola ku dilay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa dhaaftay 2,000 qof.

    Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in tani ay tahay faafitaankii ugu dhaqsaha badnaa ee cudurka Ebola ee soo mara taariikhda dalkaas. Fayrasku wuxuu gaaray shan gobol oo ku yaalla bariga Congo, iyadoo in ka badan 4,300 oo kiis oo la xaqiijiyay la diiwaangeliyay tan iyo markii faafitaanku billowday bishii May.

    Saraakiishu waxay faafitaanka degdegga ah u sababeyeen in cudurka si daahsan loo ogaaday, adeegyada caafimaadka oo culays badan saaran yahay iyo colaadaha ka jira gobolka.

    Nooca Ebola ee hadda jira ayaa noqday kii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee ka dilaaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, isagoo ka dambeeya faafitaankii 2018-kii oo ay ku dhinteen 2,300 qof.

  8. War deg deg ah, Burcad hubeysan oo dishay askar badan oo ka tirsanaa booliska Nigeria

    Ciidanka Booliska Nigeria ayaa xaqiijiyay in 10 askari oo ka tirsan ciidanka booliska lagu dilay iska horimaad ay la galeen kooxo burcad hubeysan oo ka dhacay gobolka Kebbi ee waqooyi-galbeed Nigeria.

    Taliska booliska ayaa sheegay in dhacdadu ay dhacday qiyaastii 9:25 subaxnimo Isniintii shalay, kana dhacday, deegaanka Webiga Makuku ee degmada Sakaba.

    War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka taliska, CSP Ani Iniedu, ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay la kulmeen burcadda oo si aad ah u hubaysnayd, xilli ay isku dayayeen inay uga gudbaan gobolka Zamfara una gudbaan Kebbi. Labada dhinac ayaa halkaas isku dhaafsaday rasaas.

    Taliska ayaa sheegay in ugu yaraan 17 ka mid ah dableydii hubaysnayd lagu dilay iska horimaadka, halka sidoo kale la burburiyay afar mooto oo ay lahaayeen weeraryahannadu.

    Toban askari oo boolis ah ayaa ku dhintay weerarka, halka laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen, waxaana haatan lagu daweynayaa xarun caafimaad.

    Milatariga ayaa sidoo kale sheegay in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen iska horimaadka.

  9. Nafaqo-darrada carruurta Baydhabo oo aad looga dayrinayo

  10. War deg deg ah, Dalka Canad duulimaad loo baajiyay ilmo yar dartii

    Duulimaad ay leedahay shirkadda diyaaradaha Porter Airlines ee Canada ayaa la baajiyay kadib markii ilmo yar uu diiday inuu kursigiisa fariisto isagoo xiranaya suunka badbaadada xilli diyaaradda ay diyaar u ahayd inay kacdo.

    Diyaaraddu waxay ka duulaysay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Victoria International Airport ee gobolka British Columbia, markii shaqaalaha diyaaradda ay ogaadeen in wiilku diiday inuu kursigiisa fariisto.

    Shirkadda diyaaradaha ayaa sheegtay in waalidka ilmaha iyo shaqaalaha diyaaradda ay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu fariisto, balse dadaalladaasi aysan guulaysan. Ugu dambayn, diyaaraddii waxay dib ugu soo laabatay garoonka si ay ilmaha, waalidkiis iyo alaabtooda uga dejiso diyaaradda.

    Dib-u-dhacaas awgiis, duulimaadkii ayaa la baajiyay, maadaama runway-ga garoonka la xiray 12:30 duhurnimo.

    Sidaas darteed, rakaabkii saarnaa diyaaradda oo ka koobnaa 132 qof ayaa habeenkii ku qaatay garoonka diyaaradaha, halkii ay ka gaari lahaayeen magaalada Toronto. Da’da ilmaha iyo tirada saxda ah ee rakaabka saarnaa diyaaradda lama shaacin xilligaas.

    Shirkadda diyaaradaha ayaa raalli-gelin ka bixisay wixii dhacay, waxayna xaqiijisay in rakaabkii loo qorsheeyay duulimaad kale oo baxay maalintii xigtay.

    Xeerarka shirkadaha diyaaradaha ayaa rakaabka ku waajibinaya inay kuraastooda fariistaan oo ay xirtaan suumanka badbaadada, gaar ahaan xilliyada diyaaradda ay kacayso ama soo degayso.

  11. Faahfaahin ka soo baxaysa weerar lagu dhintay oo Xuutiyiintu ka gaysteen Baabul Mandab

  12. War deg deg ah, Iran oo gantaallo ku weerartay xarun ku taalla Kurdistaan

    Kooxda Komala Zahmatkeshan ayaa sheegtay in dowladda Iran ay saddex gantaal ku weerartay mid ka mid ah xarumaheeda ku yaalla Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq.

    Wararka ayaa sheegaya in dhowr xubnood oo ka tirsan kooxda ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Tan iyo markii uu billowday duullaanka Mareykanka iyo Israa’iil, dowladda Iran ayaa dhowr jeer weerarro ku qaaday xarumaha xisbiyada Kurdiyiinta Iran ee ku yaalla Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq.

    Weerarada Iran ee ka dhanka ah kooxaha mucaaradka Kurdiyiinta ee ku sugan Gobolka Kurdistaan ee Ciraaq ayaa sii socday xitaa kaddib markii bishii Abriil lagu dhawaaqay xabbad-joojin u dhexeysa Iran iyo Mareykanka.

  13. War deg deg ah, Tahriibayaal la ogaaday in godod qoteen si ay u gaaraan Yurub

    Latvia ayaa bilowday hawlgal cusub oo ballaaran oo lagu wajahayo qulqulka muhaajiriinta sharci-darrada ah ee dalka uga soo galaya dhinaca Belarus.

    Hawlgalka ayaa lagu kordhin doonaa tirada shaqaalaha iyo ciidamada ku sugan xuduudda, waxaana sidoo kale la adeegsan doonaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kuwa qumaatiga u ee helikobtarro iyo diyaarado kale.

    Isniinta, dowladda Latvia ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay ogaatay god laga qoday dhulka hoostiisa ooo xuduudda ah, kaas oo ay muhaajiriin sharci-darro ah u qodeen si ay uga gudbaan xuduudda.

    Midowga Yurub ayaa Belarus iyo Ruushka ku eedeeyay nooc ka mid ah dagaal isku-dhafan (hybrid warfare), iyagoo sheegay in labada dal ay ka caawinayaan muhaajiriinta inay ka gudbaan xuduudaha Belarus ee la wadaago Latvia, Lithuania iyo Poland.

  14. War deg deg ah, Iran iyo Pakistan oo ka wadhadlaya arrimo badan

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Pakistan, Mohsin Naqvi, ayaa gaaray magaalada Tehran, halkaas oo uu kulan kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Iran.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Iran, Sikandar Momeni, ayaa ku soo dhaweeyay Naqvi Tehran. Intii uu booqashada ku guda jiray, Naqvi wuxuu sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Caraqji.

    Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran ee IRNA, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee Pakistan iyo Iran, iyo arrimo kale oo ay labada dal dan wadaag ka leeyihiin.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iran ayaa sheegtay in kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Pakistan iyo Iran, iyadoo sidoo kale la filayo in laga wada hadlo arrimo ay labada dal si wadajir ah u danaynayaan.

    Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Pakistan ayaa BBC u sheegay in Mohsin Naqvi uu Tehran u tagay isagoo sida farriin ka timid dowladda Pakistan. Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in dib loo soo nooleeyo wadaxaajoodyada u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

  15. Waa maxay lixda shuruudood ee Iiraan ku xirtay furitaanka Marin-biyoodka Hormuz?

  16. War deg deg ah, Taliyihii sirdoonka Liibiya oo qarax lagu dilay

    Taliyihii sirdoonka milatariga ee Ciidanka Qaranka Liibiya, oo gacanta ku hayay bariga iyo koonfurta Liibiya, ayaa lagu dilay qarax gaari loo adeegsaday, sida uu ciidanka Liibiya ku sheegay bayaan uu soo saaray maanta.

    Fawzi Mansouri ayaa la khaarijiyay Isniintii, kaddib markii bam lagu xiray gaarigiisa uu qarxay xilli uu habeenkii ka soo baxayey masaajid ku yaalla deegaanka, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Benghazi ee bariga Liibiya.

    Liibiya waxaa ka jiray dagaal sokeeye iyo xasillooni-darro bulsho tan iyo markii taliskii hoggaamiyihii hore Muammar Gaddafi la riday sannadkii 2011.

    Hadda waxaa jira laba dowladood oo ku loollamaya gacan ku haynta Liibiya: dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee fadhigeedu yahay Tripoli, oo uu hoggaamiyo Abdelhamid Dhaiba, iyo Ciidanka Qaranka Liibiya oo fadhigiisu yahay Benghazi, kaas oo uu hoggaamiyo Khalifa Haftar.

    Ciidanka Qaranka Liibiya ayaa bayaankooda ku tilmaamay dilka Mr. Mansouri “fal fulaynimo iyo dambiyeed”, iyagoo carrabka ku adkeeyay sii wadista “dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida iyo amniga Liibiya.”

  17. Tirada dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhulgariir ka dhacay Colombia oo korortay

    Dhulgariirka oo cabbirkiisu ahaa 7.4 marka loo eego cabbirka lagu eego dhulgariirrada, ayaa Isniintii ku dhuftay galbeedka dalka. Shaqaalaha gurmadka ayaa habeenkii oo dhan ku jiray hawlgallo ay ku raadinayeen dad ka badbaaday oo ku hoos xanniban tobannaan dhisme oo dumay.

    Magaalooyinka Cali iyo Pereira ayaa ka mid ahaa meelihii sida aadka ah uu dhulgariirku u saameeyay.

    Madaxweynaha cusub ee Colombia, , ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, halka dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Ecuador iyo Venezuela ay soo bandhigeen inay soo diraan kooxo gurmad iyo samatabbixin ah.

  18. War deg deg ah, Mareykanka oo weerar Markab ka dhaga adeygay amarradiisa

    Sida laga soo xigtay Vanguard, oo ah hay’ad ka shaqaysa soo-celinta iyo samatabbixinta maraakiibta, ayaa horey u sheegtay in markab xamuul ah oo uu ka babayay calanka Panama lagu dhuftay gantaal laga soo tuuray helikobtar, xilli uu ku safrayay dhinaca galbeed una socday dhinaca bari, isagoo ka soo gudbayay Badda Cumaan kuna dhowaa xeebaha Pakistan.

    Hadda, Wall Street Journal ayaa soo xigatay sarkaal Mareykan ah oo sheegay in helikobtar milatari oo Mareykan ah ay rasaas ku furtay isteerinka markabka, kaddib markii shaqaalaha markabka xamuulka ay dheg jalaq u siin waayeen digniino loogu sheegay inay ka fogaadaan jebinta go’doominta badda ee lagu soo rogay dekedaha Iran.

    Shookaanta markabku waa baal toosan oo ku yaalla qaybta hoose ee dambe ee markabka, gudaha biyaha, waxaana loo isticmaalaa hagidda jihada markabka.

    Warbixintu waxay sheegtay in markabku u muuqday inuu isku dayay inuu shaqaalihiisa ku wareejiyo markab kale oo rayid ah kaddib markii la weeraray.

  19. War deg deg ah, Xuutiyiinta Yemen oo la ogaaday in weerarka gaysteen

    Weerarka lagu qaaday markab xamuul ah marayay meel ku dhow marin-biyoodka Bab al-Mandeb, kaas oo la sheegay inuu sababay dhimashada laba qof, ayaa weli si weyn looga hadal hayaa warbaahinta.

    “Markabka waxaa weeraray Xuutiyiinta Iran ay taageerto, xilli uu ku sugnaa iridda laga galo Badda Cas,” ayay AFP ka soo xigatay ilo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Yemen, iyadoo intaas ku dartay: “Waxaan ku guuleysannay inaan badbaadinno xubnihii kale ee shaqaalaha markabka.”

    Ilo kale ayaa AFP u sheegay in dhacdadu ay dhacday, iyagoo sheegay in markabka mar kale la weeraray xilli ay socotay hawlgalkii samatabbixinta.

    Dhacdadan ayaa timid kaddib markii dhowaan uu burburay xabbad-joojin sannado socotay oo ku saabsaneed dagaalka sokeeye ee Yemen, taas oo u dhexeysay Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, uuna taageero Sacuudigu, xilli uu sii xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya Iran iyo Mareykanka.

  20. Waa kuma Maxamed Baqer Kharazi, wadaadka aan wax xil ah hayn, cidna dhegeysan ee saamaynta badan?